Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismayo (HOL) — Jubbaland Minister of Security, General Yusuf Hussein Osman Dhumaal, has rejected accusations from the Federal Government that two Ethiopian planes carrying weapons landed in Kismayo on Saturday. Source: Hiiraan Online
  2. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex-maray gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac uu iska hor imaad ku dhex-maray bartamaha magaalada, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, maadaama ay ahayd xilli habeen ah. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kuna aadan dagaalka xalay ku dhex-maray magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, isla markaana ciidamo iyo gaadiid dagaal ay gaareen halkaasi, taas oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kacsaneyd xaaladda, waxaana jiray dibadbaxyo ay dhigeen shacabka oo looga soo horjeeday dilal ka dhacay degmadaasi oo ay SSC ku eedeysay ciidamada Somaliland. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay Somaliland ka bixisay eedeynta loo jeediyay ee xiisadda ka abuurtay halkaasi Dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo dhowaan isbeddal uu ka dhacay Somaliland, kadib markii la doortay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxaase ay u muuqataa in weli xiisadda labada dhinac ay kasii socoto halkeeda.
  3. Madaxweynihii hore ee Ghana John Dramani Mahama ayaa guul soo laabasho oo taariikhi ah ka gaaray doorashadii Axadda ka dib markii cod-bixiyeyaashu ay u muuqdeen kuwo ku ciqaabaya xisbiga talada haya ee New Patriotic Party sida uu u mamulay dhaqaale xumida dalka. Madaxweyne ku xigeenka xisbiga NPP Mahamudu Bawumia ayaa Axaddan qirtay guuldaradii ka soo gaartay doorashadii madaxtinimo ee dhamaadka toddobaadka ka dib markii ay ku guuldarreysteen inay wax ka qabtaan niyad jabka baahsan ee ka dhashay qiimaha sare ee nolosha. Guuldaradii ka soo gaartay doorashadii Sabtidii ayaa soo afjartay sideed sano oo uu xukunka hayay xisbiga NPP ee uu madaxweynaha ka ahaa Nana Akufo-Addo, ee dalka ku yaala galbeedka Afrika oo soo wajahday dhaqaala xumadii ugu xumayd muddo sanado ah, sicir barar sare, iyo deyn bixin. Mahama, oo ahaa madaxweynihii 2012-2017, waxay u ahayd isku daygii saddexaad ee uu ku doonayo in uu dib ugu soo ceshado jagada ugu sarreysa qaranka ka dib markii uu hoos u dhacay doorashooyinkii 2016 iyo 2020. “Dadka Ghana way hadleen, dadku waxay u codeeyeen isbedel xilligan, waanan ku ixtiraamaynaa,” Bawumia ayaa hadlakaasi ku sheegay shir jaraa’id isagoo ay garab taagnaayeen mas’uuliyiinta xisbiga. Taageerayaasha Mahama ayaa durba ku damaashaaday bannaanka xarunta ololaha xisbiga ee caasimadda Accra, iyagoo yeerinaya hoonka baabuurta, islamarkaana lulaya calamo. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Ghana John Dramani oo soo laabasho taariikhi ah sameeyay appeared first on Puntland Post.
  4. Mogadishu (HOL) — Somalia has reiterated its warning to Ethiopia, accusing its neighbour of undermining Somali sovereignty through arms smuggling and militia recruitment. The allegations mark a new flashpoint in regional tensions as Mogadishu struggles to consolidate security and governance. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — Frustration spilled into the streets of Hargeisa as residents protested Mayor Abdikarim Ahmed Mooge, accusing him of failing to fulfill his 2021 campaign pledges to green the city, build paved roads, and create safer pathways for pedestrians and cyclists. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku janjabay inuu isaga ururka gaashaanbuurta NATO haddii dalalka xubnaha ka ahi ay bixin waayaan dhaqaalaha looga baahanyahay. ” Waa inay bixiyaan biilasha, xaqiiqdii waxaan ka fiirsan lahaa in Maraykanku ka baxo isbahaysiga ilaa xubnuhu noola dhaqmaan si caddaalad ah” ayuu yiri Donald Trump oo ka hadlayay arrimaha ururka NATO. Donald Trump ayaa muddo xileedkiisii horay ka baxay heshiisyo waaweyn oo caalami ah, asagoo sheegay in danaha Mareykanka uu wax walba ka hormarin doono, hadda’se lama oga tillaabada xigta hadalkan adag ee uu u jeediyay xubnaha xulafada NATO oo washington ay ciidanka ugu badan iyo dhaqaalaha ugu xoogganba ku bixiso. Source: goobjoog.com
  7. Mogadishu (HOL) — The Somali Federal Government has announced that a group of soldiers previously loyal to Jubbaland has defected to the Somali National Army (SNA). The troops were unveiled during a public ceremony in Beled Hawo, a contested district in the Gedo region. Source: Hiiraan Online
  8. EXCLUSIVE: British boxer, model and campaign activist Ramla Ali is launching film and TV production company 786 Entertainment, which has the backing of Saudi Prince Faisal Al Saud. Source: Hiiraan Online
  9. The Pastoralist Leadership Summit (PLS) officially commenced today in Wajir County, bringing together leaders and stakeholders from 15 other pastoralist counties across Kenya. Source: Hiiraan Online
  10. Hamsa Abdi Barre, the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, unveiled the Somali Justice System Strategy 2025-2029, under the theme "Building an Equal Justice System with Transparency, Access, and Accountability." Source: Hiiraan Online
  11. A total of 117 officers from the Uganda Police Force, including 32 women, have commenced pre-deployment assessment tests in preparation for the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM). This is to ensure that the deployment aligns with AU standards and objectives. The assessments include reading comprehension, report writing, driving, and shooting skills. Source: Hiiraan Online
  12. There were emotional scenes at the airport in the Somali capital as they were reunited with their families. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) — The Somali Federal Government has announced that a group of soldiers previously loyal to Jubbaland has defected to the Somali National Army (SNA). The troops were unveiled during a public ceremony in Beled Hawo, a contested district in the Gedo region. Source: Hiiraan Online
  14. Somalia on Friday accused Ethiopia of interfering in its southern Jubaland region, the latest upset in a nearly year-long bitter dispute between the two nations. Source: Hiiraan Online
  15. Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay la soo bandhigay sheekooyin naxdin leh oo ka tarjumaya xadgudubyadii lagu sameeyay dad rayid ah oo xoog lagu qafaashay laguna xiray xabsiyo qarsoodi ah oo ku yaalla Suuriya, gaar ahaan caasimadda Dimishiq. Dadkaas oo ay tiradoodu gaaraysay boqolaal qof ayaa sanadihii la soo dhaafay ku jiray xabsiyo lagu ciqaabo dadka lagu eedeeyo inay ka soo horjeedaan nidaamkii talada hayay ee Bishaar Al Asad. Xogaha la helay ayaa muujinayay in maxaabiistaan lagu hayay xaalado daran oo bani’aadamnimada ka baxsan. Qoysaskooda kama aysan warqabin halka lagu hayo, waxaana badankood loo maleeyay in la dilay. Mid ka mid ah maxaabiistii lasoo badbaadiyay ayaa sheegay: “Waxaa la iga soo qafaashay gurigayga, anigoo aan cidina i ogeyn. Qoyskeyguna waxay u qaateen inaan dhintay. Sanado ayaan ku qaadanay xabsiga iyadoo aan cidna war naga hayn.” Maalmihii ugu dambeeyay ee uu dagaalka Suuriya socday, xoogagga mucaaradka ah ee kasoo horjeeda nidaamka Bashar al-Assad ayaa galay xabsiyo badan oo ay maamulayeen ciidamada dowladda. Howlgallo ay sameeyeen mucaaradka ayaa lagu sii daayay dad badan oo maxaabiis ah. Xog cusub oo soo baxday ayaa muujisay in qaarkood si lama filaan ah Mucaaradku ay u badbaadiyeen xilli dil toogasho ah loo diyaarinayay oo saacado uun ka hareen. Mid ka mid ah ragaas badbaaday ayaa sheegay in 54 qof oo ay hal meel ku wada xirnaayeen in la toogan rabay maalintii Sabtida. Isagoo taagan bartamaha Dimishiq ayuu yiri: “Waxaan ku dhaaranayaa Allaah, aniga iyo ninkaan ila taagan waxaa nala deldeli lahaa 30 daqiiqo kahor. Mucaaradka ayaa soo galay oo xabsiga naga soo badbaadiyay.” Source: goobjoog.com
  16. Bashar al-Assad and his family have arrived in Moscow and been granted asylum "out of humanitarian considerations", Russian news agencies are quoting a Kremlin source as saying. Source: Hiiraan Online
  17. Don’t listen to Enzo Maresca. Chelsea really is a Premier League challenger this season. Source: Hiiraan Online
  18. members of the Jubaland Diaspora living in Minnesota gathered at Jigjiga Mall for a press conference to condemn the Federal Government of Somalia's recent military actions in Jubaland. The conference focused on deploying troops in Lower Juba, aimed at confronting Jubaland State President Ahmed Mohamed Islam, also known as Ahmed Madoobe. Source: Hiiraan Online
  19. MINNEAPOLIS, Minnesota (HOL) — Members of the Jubaland diaspora gathered at Jigjiga Mall to denounce the Somali Federal Government's military buildup in Jubaland, describing the actions as a direct challenge to Jubaland President Ahmed Mohamed Islam, known as Ahmed Madoobe. Source: Hiiraan Online
  20. Dimishiq (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha reer Galbeedka ayaa soo dhaweeyay dhicitaanka madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-asad oo jabhado hubeysan inay dalkii ka qabsadeen, isla markaana isaga cararay, waxaana lasoo sheegayaa inuu magan-geliyo ka helay Ruushka. Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa soo dhaweeyay dhicitaanka xukunkii Bishar Al-Asad, iyagoo xukunkiisii ku tilmaamay mid aan arxan laheyn. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa barihiisa bulshada ku soo qoray farriin nuxurkeedu ahaa “Dawlad bahalnimo ayaa dhacday, ugu dambeyntii. Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Suuriya, geesinimadooda, dulqaadkooda, xilliga hubanti la’aanta ah, waxaan u dirayaa hamigayga nabadda, xorriyadda, iyo midnimada. Faransiiska wuxuu sii ahaan doonaa mid ay ka go’an tahay ammaanka dhammaan Bariga Dhexe.” Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa ku tilmaamay dhicitaanka Assad “war wanaagsan” wuxuuna ku booriyay xal siyaasadeed oo lagu xasilinayo Suuriya, sida ay sheegtay AFP. “Bashaar Al-Asad waxa uu si naxariis darro ah u dulmay dadkiisa, waxaana uu dad badan u horseeday in ay qaxaan, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay gaareen Jarmalka,” ayuu yiri Scholz. Ra’iisul wasaare ku xigeenka UK Angela Rayner ayaa sheegtay in haddii taliska Asad uu dhacay ay “dowladda Britain soo dhawaynayso warkaas”. Guushan la yaabka leh ee ay Jabhadaha Suuriya ka gaareen waxaa hoggaaminaya kooxda ugu awoodda badan Islaamiyiinta ee Xayat Taxrir al-Sham oo ah cudud siyaasadeed iyo mid militari. Waxay kooxda soo caanbaxday kacdoonkii Suuriya ee 2011-kii iyada oo xiriir leh Al-Qaacida, laakiin waxay si rasmi ah xiriirka ugu jartay 2016-kii, kooxdaas waxaa hoggaamiya Abu Mohammed al-Jawlaani. Mar uu hadlay maanta wuxuu u xaqiijiyay bulshooyinka laga tirada badan yahay ee Suuriya in aysan jirin sabab ay uga welwelaan, balse kooxdiisa Xayaat Taxriir al-Sham waxay wali dawladaha reer galbeedku u aqoonsan yihiin urur argagixiso.
  21. Beledxaawo (Caasimada Online) –Jubbaland ayaa beenisay eedeyntii Dowladda Federaalka ay maanta jeedisay oo ah in diyaarado hub sida ay shalay ka degeen magaalada Kismaayo, wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Dhuumaal ayaa arrintaan uga hadlay wareysi uu siiyey Idaacadda VOA. “Dowladda Soomaaliya ma sheegin war xaqiiqo ah, baaritaan ha sameyso wax ay ogtahana ha sheegto, ma jiraan diyaarado hub keenay, hadii Kismaayo hub ka degay cadeyn haloo keeno, mana jirto cadaawad jirta oo Itoobiya iyo Jubbaland ku kalifeysa inay hub isku daabulaan,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal. Sidoo kale Wasiir Dhuumaal ayaa la weydiiyey sababta gudaha Soomaaliya loogu soo daabulayo ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in arrintaas ay u gaartahay ayaga. “Ciidamada Itoobiya waxay dalka ka joogaan gobollo badan, Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiraan ayey joogaan, marka manaqaan qorshaha ay damacdan tahay Itoobiya, laakiin waa laga yaabaa inay ciidamo isku bedeleyso ama ciidanka sahay loo keenayo,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal. Wasiirka ayaa sheegay in gobolka Gedo 7 goobood ay ka degan yihiin Ciidamada Itoobiya, isagoo xusay magaalooyinka, Baardheere, Buurdhuubo, Garbahaarey, Doolow, Luuq iyo goobo kale oo muhiim ah, “Meel kasta ayey Itoobiyaanku dalkeena ka joogaan, maadaama ay dalka joogaan maxaad u socsocotaan lama dhihi karo, diblomaasiyaduna ma ogola,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal. Waxaa la weydiiyey hadal-heyn jirta oo sheegeysa in Ciidamada Itoobiya ay ka cabsadeen inay degaan degmada Bedel-xaawo, maadaama ay degan yihiin ciidanka xoogga dalka, wuxuuna sheegay in 5 KM meel u jirta Beledxaawo ay degan yihiin ciidamada Itoobiya. “Waa sheeko qiyaali ah, ciidan Itoobiya hor istaagi kara oo Soomaali ah Beledxaawo iyo Gedo oo dhan ma joogaan, labada dhinac ayey Beledxaawo ka degan yihiin, waana laga fiican yahay inaan qiyaali ku noolaano, ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiir Dhuumaal. Sidoo kale Wasiirka Amniga Jubbaland oo jooga degmada Doolow ee Gobolka Gedo wuxuu beeniyey in ciidamo ka tirsanaa maamulka Jubbaland oo jooga degmada Beledxaawo ay ku biireen ciidanka xoogga dalka, kadib markii ay iska diideen amarrada madaxda Jubbaland. Hoos ka dhageyso Wareysiga Wasiir Dhuumaal https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/12/ffb3cb0b-986e-4fc9-b98b-44fca0b70525_16k.mp3
  22. Warbaahinta dalka Ruushka, gaar ahaan Kanaalka Koowaad oo soo xiganaya xubno ka tirsan aqalka Kremlin-ka ee dalkaas looga arrimiyo ayaa sheegay in Madaxweynihi Suuriya Bashar al-Assad iyo xubnaha qoyskiisa ayaa ku suganyihiin magaalada Mooskow. Ruushka ayaa la sheegay inuu mangelyo siyaasadeed siiyay Bishaar Al-assad oo saacado ka hor ka baxsaday caasimadda dalka Suuriya, ka dib markii kooxaha mucaaradku ay qabsadeen, islamarkaana ku dhawaaqeen in la soo afjaray xukunkiisii 24 sano jirsaday. Bishaar Al-assad ayaa saacadihii la soo dhaafay cinwaanada ugu horreeya ee warbaahinta dunida haystay, ayadoo la falanqeynayay meesha uu u baxsaday ka dib markii xoogagga hubaysan ee mucaaradku ay ka fara maroojiyeen xukunkii uu tan iyo sanadkii 2000-dii ku mardaadinayay, horayna ugu dhaxlay Aabbihiis oo taniyo 1970 dalkaas gacan bir ah ku maamulayay. Source: goobjoog.com
  23. AQOdaQ-kNunkFwMrMFSgnBzjumtilGYSxqBGzzuIl3EVPBctbb1BitJDxx4uaAicEeaF6vKUc5AuH0s1pt2kmsOO Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa gudaha Soomaaliya ka wada daan-daansi iyo falal ku xadgudbaya madax-banaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana isha lagu hayaa talaabooyinka la gudboon ee dowladda Soomaaliya ay qaadeyso. Galabta wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa qabtay shir jaraa’id, isagoo farta ku fiiqay shakhsiyaad Soomaali ah oo Itoobiya ku soo hoggaaminaya dalkooda, kuwaas oo ciqaab adag ay la damacsan tahay dowladda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya ayaa cadeysay in Itoobiya ay gudaha Soomaaliya ka wado falal ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, iyadoo gacan siineysa madaxda la doonayo in sharciga la hor keeno ee heysata maamulka Jubbaland. Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in Itoobiya ay shalay Kismaayo ka dejisay labo diyaaradood, kuwaas oo Addis Ababa u qaaday madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kale oo Jubbaland ka socda, si loogu adeegsado burburinta iyo carqaladeynta dowladnimada Soomaaliya. “Shakhsiyaadka Itoobiya kala shaqeynaya falalka guracan isha ayaan ku heynaa, waxayna dowladda Soomaaliya hor keeni doontaa sharciga,” ayuu yiri Wasiir Cadaala, farriintaan ayaa u muuqatay haniabaad ay dowladdu u direyso Jubbaland. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay Hub si sharci-darro ah ku soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, “Itoobiya waxay gudaha dalkeeda ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle,” ayaa lagu yiri bayaankii dowladda. Eedeynta dowladda Soomaaliya ay maanta u jeedisay waxay saameysay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airline, taas oo labo diyaaradood shalay u soo dirtay Jubbaland, hadii dowladda Soomaaliya ay go’aan qaadatonwaxay dalka ka mamnuuci kartaa diyaaradaha shirkadaas, taas oo musiibo dhaqaale ay kala kulmi karto Itoobiya. “Xubnaha heysta Jubbaland waxay Itoobiya doonaysaa in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata, si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri warka dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyntii Dawladda Soomaaliya ayaa ku goodisay inay diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta. “Dawladda Soomaaliya, waxeey markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka,” ayaa lagu yiri go’aanka dowladda.
  25. Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa markii ugu horraysay tan iyo sanadkii 1974-tii dalka Suuriya gudaha uga galay, ayadoo ka tallaabay xuduudka, islamarkaana fariisimaha ka samaystay gudaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya. Sidoo kale wararka ka imaanaya magaala madaxda dalkaas ee Dimishiq ayaa sheegaya in ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen goobo hubka lagu kaydiyo oo ku yaalla magaaladaas, taas oo sababtay qaraxyo waaweyn sida warbaahinta ay tabinayso. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli saacao ka hor xoogagga mucaaradku ay ku dhawaaqeen inay talada ka tuureen Bishaar Al-assad oo isaga iyo Aabbihiis Xaafid Al-assad oo xukunka isaga dambeeyay ay dalkaas maamulayeen 54-tii sanoo la soo dhaafay. Source: goobjoog.com