-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay kullan fool ka fool ah ku yeeshaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay jirataanka kulanka Ankara ee Xasan iyo Abiy, waxayna sheegeen in Ethiopa ay codsatay kulanka, Madaxweynaha Soomaaliya-na uu aqabalay. Kulankan oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Ankara Arbacada berri ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay labada masuul yeeshaan, tan iyo markii Itoobiya ay cadeysayay damaceeda oo heshiiskii badda ay la gashay Muuse Biixi 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan sii dhamaanaya. Heshiiskaas ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku tilmaantay mid sharci darro ah oo ku xad gudbaya madax-banaanideeda, qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa sii xumaanayay muranka labada waddan ka dhaxeeya, kulanka berri dhacaya ayaa noqonaya kii 3-aad, lamana saadaali karo natiijada. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in mowqifkii ay ka joogtay arrinta Itoobiya aysan waxaba iska bedelin, wadahadalada dhacayana ay dalbatay Itoobiya, casuumadana uu fidiyey madaxweynaha Turkiga Erdogan. Billihii August iyo Septemper, ayaa wadahadallo laba wareeg ahaa oo uu Turkigu garwadeen ka ahaa ay guuldareysteen. Isla bishii September ee sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday soo jeedin la xiriirta inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, xilli ay ka qeyb galayeen shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacayay magaalada Beijing, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed. Madaxweynaha ayaa kullankaas shardi uga dhigay in Ethiopia marka hore ay ka noqoto Is-afgaradkii ay la saxiixatay Somaliland, 1-dii bishii Janaayo. Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa isku dayay inay dhex-dhexaadiyaan kulanka, balse kuma guuleysan. Waxaa ka horeeyay, dadaal ay dooneysay dowladda Kenya inay labada madaxweyne isugu keento, kaasi oo isna fashilmay. Dhawaan ayaa sidoo kale, Madaxweynaha Kenya Wiiliam Rutto waxa uu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Uganda ay doonayaan inay dhex-dhexaadiyaan Soomaaliya iyo Ethiopia. VOA
-
Guddoomiyaha la magacaabay ee maamulka gobolka Benaadir mudane Maxamed Axmed Amiir, waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Deyniile, waxaana uu waxbarshadiisa hoose ilaa heer jaamaceed ku qaatay Magaalada Muqdisho. Guddoomiye Amiir jaamacadaha dunida qaarkood ayuu wax ka soo bartay, wuxuuna shahaadooyin kala duwan ka haystaa Culuumta Islaamka, Diblomaasiyadda iyo Siyaasadda, Maamulka iyo Maareynta oo uu ka qaatay Jaamacadaha SOAS, University of London, Dugsiga Dhaqaalaha ee Jaamacadda Moosko, Jaamacadda Yale iyo Universiteit Leiden ee dalka Holland. Maxamed Amiir waxaa uu leeyahay waaya-aragnimo dhanka Maamulka iyo Maareynta, iyo amniga iyo siyaasadda ah, Waxaa uu ka soo shaqeeyey wasaaradda Maaliyadda muddo laba jeer ah intii u dhexaysay sanadihii 1986-1990, iyo mar kale oo uu ka noqday khabiir la taliye sare ah ee hagaajinta maamulka maaliyadda iyo fadhisinta hannaanka dowlad wanagga 2010 ilaa 2012. Duqqa Cusub ee Muqdisho Sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyey Barnaamijka MIDA/TIS ee ay maalgelineysay dowladda Mareykanka hay’addeeda kaalmada dibadda ee USAID, laguna taageerayey dowladda Soomaaliya. Mudane Amiir waxaa in muddo ahba ku noolaa Dalka Ingriiska oo uu ku lahaa Xafiis kala talaiya hay’adaha gaarka ah dhinaca kordhinta dakhliga iyo hagaajinta maamulka iyo maareynta. Sidoo kale, guddoomiyaha cusub waxaa uu leeyahay waayo-aragnimo dhicana la talinta shirkadaha ah iyo madaxda dalka waxaanu la taliye u soo noqday Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo uu kala talinayey hay’addii uu Golaha Ammaanka abuuray ee (Somali-Erateriya Monitoring Group) Sidoo kale waxaa uu la taliye u noqday USAID. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odeyaasha ee ka soo jeeda deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya oo maanta kulan yeeshay ayaa walaac ka muujiyay xiisadda ka taagan deegaanada Jubbaland. Odayaasha ayaa sheegay hadii aan arrintaas wax laga qaban oo xal loo waayo in ay sababi karto in la dagaalamo oo qaxooti badan oo hor leh ay buux dhaafi doonaan xeryaha qaxootiga Kenya. Cismaan Ibrahim Cabdi oo ah guddoomiyaha guddiga nabadgelyada Dhadhaab BBC u sheegay in waxa hadda ka socda Jubbaland ay horseedi karaan dhacdooyin lamid ah wixii dhacay 1992-dii, xilligaas oo qaxooti badan oo Soomaali ah ay gudaha u galeen dalka Kenya. “Waxaan ka walaacsannahay hadii mar labaad uu dagaal dhaco, meesha ugu horeysa oo ay ku soo ordayaan dadkaas waa gobolka Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan deegaanda Wajeer” ayuu yiri Guddoomiye Cismaan. Ma jiraan qaxooti hadda galaya Kenya oo ka qaxaya xiisadda colaadeed ee ka jirta gobolada Jubbooyinka, balse odayaashaan waxay sheegeen in mar kasta ay yimaadaan dad qaxooti ah, vabashada odayaasha ayaa ku saleysan in laga hortago wax keeni kara in ay dadku soo qaxaan. Sidoo kale Odayaasha gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in weli ay xusuustaan saameyntii ay ku reebtay amni xumadii ka dhalatay dagaaladii Soomaaliya ka dhacay 1991-kii. Odayaasha beelaha deggan xadka Soomaaliya iyo kenya ayaa sheegay in xitaa dagaalka uu saameyn ku yeelan karo dhulkooda, waxayna doonayaan in dowlada Kenya ay bilowdo dadaallo heshiis nabadeed loogu raadinayo xiisadda Jubbaland iyo dowladda federaalka. Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ka wada abaabul dagaal oo aad u weyn, halka dowladda federaaka ay maalin kasta ciidan ku sii gureyso gobolka Jubbada Hoose, xaaladda ayaa u muuqata mid aan dagaal huri doonin. Hadii dagaal bilowdo waxaa laga digayaa inay dhici doonto musiibo sababi karta inay dalka dhan ka qarxaan dagaalo sokeeye oo sii faafa, maadaama dowladnimada Soomaaliya ay tahay mid aad u tabar yar.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka soo saartay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay Turkiga iyo wadahallada la sheegay inuu la yeelanayo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Telefishinka Qaranka ayaa baahiyey qoraal lagu xaqiijiyey xogtaan, waxaana Xasan Sheekh casuumay oo wadahaladaan daadihinaya Madaxweynaha Turkiga Erdugan. “Madaxwaynaha Jamhuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Rejeb Dayib Erdugaan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dawladda walaalaha aan nahay ee Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wadahadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii isafgaradka sharci darrada ahaa.” Dowladda ayaa xaqiijisay in Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay sii amba qaadi doonaan wareegga 3-aad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya. “Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalkaan lagu baahiyey SNTV. Ugu dambeyntii dowladda ayaa xaqiijisay in wadahadal kasta oo dhaca aysan ka gorgortami doonin xaqqa ay umadda Soomaaliyeed oo ilaalinta madax-banaanida iyo wadajirka dalka ay ugu horeyso. “Dawladda Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta Madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya ayaa mowqifkeedii hore ku taagan, kaasoo saldhig ay u tahay in aanay wax gorgortan ah ka gali doonin ilaalinta Midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda.
-
Hay’adda Caalamiga ah ee Xasaradaha Adduunka (Crisis Group) ayaa Somaliland u aqoonsatay meesha kaliya ee Afrika ay ka jirto daganaansho siyaasadeed iyo amni laysku halayn karo, sida ku cad warbixinteeda sanadkan 2024. Warbixinta Crisis Group waxay xustay in Somaliland ay ka gudubtay hubanti la’aantii siyaasadeed kadib doorashadii madaxtooyada iyo xisbiyada ee 13 November 2024, taas oo si nabad ah oo daahfuran u qabsoontay. Warbixintu waxay tilmaantay in doorashadani ay horseedi karto dib u soo celinta xidhiidhada Somaliland iyo Jabuuti, iyo sidoo kale xalinta xiisadaha kala dhexeeya SSC Khaatumo oo sannadihii u dambeeyay colaado ka dhex jireen. “Doorashada madaxweynuhu waxay ku qabsoontay nabad kadib xiisad taagnayd muddo billo ah iyo laba sano oo dib u dhac ah. Hoggaamiyihii mucaaradka ayaa ku guulaystay, taas oo rajo galinaysa horumar ku saabsan xidhiidhada gudaha iyo dibedda,” ayaa lagu sheegay warbixinta. Sida ka muuqata maabka ay baahisay Crisis Group, Somaliland waa meesha kali ah ee qaaradda Afrika ay ka jirto xasilooni siyaasadeed iyo mid amni oo laysku halayn karo. Somaliland wali waxa ay kasoo kabanaysa isjiidjiid siyaasadeed oo soo taxnaa labada sano ee u dambeeyay, dhica kale waxa wali taagan xiisadaha u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo, kuwaas oo wali maxaabiis kala haysta. HOL Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa xilkan loogu magacaabay Maxamed Axmed Amiir oo kasoo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. “Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024” ayaa lagu yiri qoraalka. Haddaba sidee looga falceliyay? Maxamed Shidane “Midkii shacabka Soomaaliyeed ee caasimadda anfaca allaha nooga dhigo guddoomiyaha cusub”. Cabdirsaaq Xaashi ayaa isna yiri “Ninkii Madaale ahaa sidaan miyaa Tareenka looga tuuray?”. Aadan Mungaay “Guddoomiye Yuusuf Madaale, Banaadir wax u dhaamay malah runta marka laga hadlo”. Tayip Xuseen Xasan “Hambalyo gugdoomiyaha cusub, waxaan rajaynaynaa inuu ka shaqeeyo hormarka Caasimadda”. Saajid Axmed “Waxaa fiicna lahayd in la kala qaado guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, hal reer isku beddalaayo wax qurux badan maahan”. Cabduqaadir Yuusuf “Waa tallaabo soo dhowayn mudan, waxaana u rajeynayaa gudoomiye Amiir in xilkaa culus ee loo magacaabay ilaahay u fududeeyo guul iyo horumar”.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha UK ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis ayaa kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka. Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay iskaashiga iyo danaha labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka argagixisada iyo doorashooyinka dadweynaha dib loogu celinayo shacabka, si ay usoo doortaan hoggaankooda. Xamza ayaa danjiraha UK la wadaaggay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa. Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa ay ku dadaali doonto hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, xilli baarlamaanka labadiisa gole ay meel-mariyeen xeerarka muhiimka u ah doorashada iyo sidoo kale guddigii ka shaqeyn lahaa. Dhankiisa danjiraha UK ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay taageereyso siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo in ciidanka Soomaaliya la wareegaan guud ahaan amniga Qaranka. Go’aanka uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadayo, xilli weli mucaaradka ay diidan yihiin qorshaha Villa Soomaaliya, iyaga oo qaadacay guddiga doorashooyinka. Waxaa sidoo kale arrintan kasoo horjeedo maamullada Jubbaland iyo Puntland oo gebi ahaan xiriirkii u jaray dowladda, sababo la xiriirka khilaafka xooggan ee kala dhexeeya.
-
Madaxwaynaha Jamhuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Rejeb Dayib Erdugaan. Dawladda Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wada-hadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka sharci darrada ahaa. Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Dawladda Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta Madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya ayaa mowqifkeedii hore ku taagan, kaasoo saldhig ay u tahay in aanay wax gorgortan ah ka gali doonin ilaalinta Midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa goordhow xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana Duqii magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana la magacaabay mas’uul cusub. Sida lagu caddeeyay wareegtada waxaa Madaale lagu beddalay Maxamed Axmed Amiir oo kasoo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. “Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024” ayaa lagu yiri qoraalka. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed. Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ku magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ay Villa Somalia ku tilmaantay aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka ahna Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Muqdisho, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho u magacaabay Maxamed Axmed Amiir appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed. Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024. Source: goobjoog.com
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamo ay ka dageen degmada Beledxaawo ee gobolkaasi oo maalmahan laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ugu yaraan 2 diyaaradood ay ka dageen saldhigga loo yaqaan UK ee ay ciidamada Xoogga dalka ku leeyihiin degmada Baladxaawo. Wararka ayaa intaaasi ku daraya in diyaaradahan ayaa sidoo kale la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo halkaas u tegay hoggaaminta gulufka dowladda federaalka ee ka dhanka ah maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Beledxaawo ayaa waxaa haatan si buuxda u maamulayo ciidamada dowladda, kadib markii ay dhawaan isa soo dhiibeen ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugnaa degmadaasi. Arrintan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee ay ku kala fur-fureyso maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waxaana hadda ay isku sii fidineysaa gobolka Gedo. Horay dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo badan u gaysay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo halkaas ay si buuxda u maamulaan ciidanka Xoogga dalka. Xaaladda ayaa u muuqata inay kasii dareyso, iyada oo dowladda dhexe ay isku dayeyso in gebi ahaan meesha laga saaro maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugagaa natiijada iyo halka ay ku dambeyn doono xiisadda sii kululaaneyso ee u dhexeyso labada dhinac.
-
To.The New President of the Republic of Somaliland Mr. Abdirahman Mohamed Abdilahi To. The Chairman of National Party(Ruling Party of the RSL) Mr. Hersi Ali Haji Hasan. Subject: protecting the nation’s assets during the transition period. It appears that the property and assets of the nation is being stolen and looted by the former regime and its employees in the headquarters and regions during this transitional period. Therefor we must keep an eye and should be watched those who stealing the wealth of the nation during this traditional period. Anyone who commits and violates to the issues I mentioned above should be prosecuted and brought to justice. Highly regards. Yusuf Abdilahi Janale Oslo Norway. 10.12.2024. contact.somalilandcitizen@gmail.com. Qaran News
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale dardargelinta wada shaqeynta baarlamaanadda labada wadan. Sidoo kale inta kulanka uu socday ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka iyo Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya waxa ay ka wada hadleen sidii dowladda Shiinaha ay Baarlamaanka Soomaaliya uga caawin laheyd dhameystirka dhismaha iyo qalabeynta xarunta Baarlamaanka. Danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya uu mudo aad u dheer soo jiray hadana uu meel wanaagsan marayo waxaana uu balan qaaday inay sii dardargelin doono xoojinta xiriirka labada dal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dowladda Shiinaha iyo shacabkeeda uga mahadceliyay taageerada ay Soomaaliya siiyaan, waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan ku dhisan. Source: goobjoog.com
-
Press Release FOR IMMEDIATE RELEASE Date: December 10, 2024 International Day of Human Rights: A Call for Somaliland Legitime Right for Recognition and Sovereignty [Hargeisa, Somaliland] — On this International Day of Human Rights, the Somaliland Advocacy and Development Foundation (SADFO) reaffirms its commitment to the fundamental rights and freedoms that belong to all individuals, regardless of their nationality, ethnicity, or background. This year, we draw attention to the ongoing human rights situation in Somaliland, a region that has been denied the basic rights and recognition it deserves for over three decades. The decision of the Somaliland people’s referendum in 2000 to regain their rejected freedom on 26th June 1960 is permanent and irreversible. The independence of Somaliland is not a dream but a reality in the hearts of Somaliland people since May 18, 1991. Somaliland people have chosen their destination and they are not for turning at any cost. Somaliland not only deserves recognition but also a World Nobel Peace Prize for its achievement in peace, reconciliation and good governance. The Somaliland people chose their destination 33 years ago in a democratic process after 31 years of failed voluntary unification with former Italian Somalia. Despite Somaliland’s efforts to establish itself as a peaceful and democratic state, the international community, including the United Nations (UN) and the African Union (AU), has failed to acknowledge its statehood. This denial has perpetuated a cycle of human rights violations against the people of Somaliland, who continue to seek recognition and the rights afforded to all nations. To say the least it is double standard, injustice and discriminatory that Somaliland people to be a kept hostage by the International Community for Somalia. Under the international law Somaliland people decided for their future and regained their freedom they rejected 64 years ago and they have all the right to do so. Without recognition Somaliland will not receive the badly needed international development aid and investment and this international injustice and embargo is tantamount to Global Apartheid against Somaliland people. A Call for Action: We call upon the international community, the UN, and the AU to take decisive action to recognize Somaliland as an independent state. There is no international convention or law that contradicts Somaliland’s right to statehood. In fact, recognition would empower Somaliland to engage fully in international dialogue, ensuring that its citizens can enjoy their human rights and contribute to regional stability. Why Somaliland Deserves Recognition: Historical Context: Somaliland declared independence in 1991 following a brutal civil war, establishing a stable and democratic governance model that contrasts starkly with the ongoing turmoil in the region. Commitment to Democracy: Somaliland has held multiple democratic elections, showcasing its commitment to democratic principles and the rule of law. Last month on 13th November a peaceful election was held in Somaliland in which Somaliland people freely elected the 6th President of Somaliland H.E Dr Abdirahman Mohamed Abdillahi, who was the candidate for Wadani Party, the main opposition party. The incumbent President H.E Muse Beehi Abdi concealed defeat with dignity and on this Thursday 12th December the presidential inauguration will take place. Peace and Stability: Recognizing Somaliland would not only affirm the rights of its people but also contribute to peace and stability in the Horn of Africa. Human Rights Advocacy: Somaliland has demonstrated a commitment to human rights, often serving as a model for governance and civil liberties in a region plagued by conflict. Conclusion: On this International Day of Human Rights, we urge the international community to respect the human rights of all individuals, including those in Somaliland. We call for the recognition of Somaliland as an independent state to ensure that its citizens can fully enjoy their rights and freedoms. The time for action is now; let us stand together to uphold human rights for all mankind. The case of Somaliland should remind the freedom loving countries to appreciate and value the democracy and equality that they strive for and have striven for over decades. Peaceful and freedom loving Somaliland people deserve no less! About Somaliland Advocacy and Development Foundation: The Somaliland Advocacy and Development Foundation (SADFO) is a non-profit organization dedicated to promoting human rights, democratic governance, and sustainable development in Somaliland. Established to amplify the voices of Somalilanders, SADFO works tirelessly to advocate for international recognition of Somaliland as an independent state and to address pressing social, economic, and political issues within the region. Through community engagement, research, and strategic partnerships, SADFO strives to empower citizens, foster inclusive dialogue, and support initiatives that enhance the well-being of all Somalilanders. Our mission is to ensure that the principles of human rights and social justice are upheld, paving the way for a prosperous and peaceful future for Somaliland. For media inquiries, please contact: 1. Prof Eid Ali Ahmed Chairperson Somaliland Advocacy and Development Foundation (SADFO) Email: eid_consultancy@yahoo.co.uk Phone: +252–638349422 2. Dr. Abdi Abdillahi Hassan ( Matan) Secretary General Somaliland Advocacy and Development Foundation (SADFO) Email: abdihassanh0@gmail.com Phone: +252-634705970 Qaran News
-
Dimishiq (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha ugu weyn ee Islaamiyiinta Suuriya, Abuu Maxamed Al-Jowlani ayaa ku dhawaaqay in lala xisaabtami doono saraakiisha sar-sare ee taliskii Bashar Al-Asad ee xukunka laga tuuray. Saraakiishan oo ku lug lahaa jirdil iyo tacadiyo kale oo loo gaystay maxaabiista siyaasadeed ayaa haatan wajihi doono cadaaladda, sida uu shaacuyay hoggaamiyaha kooxda la wareegtay xukunka Suuriya. Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada gaar ahaan barta Telegram ayuu hoggaamiyuhu ku sheegay in la soo daabici doono magacyada saraakiisha jirdilka geystay. Al-Jowlani ayaa sidoo kale sheegay in dib loo soo celin doono dadka Suuriyiinta ah ee u qaxay dalalka kale. Kooxda mucaaradka Suuriya ayaa Axaddii soo afjaray xukunkii Bashar Al-Asad oo dalkaasi muddo dheer kasoo talinaayey, kadib markii ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq. Bashar ayaa hadda ku sugan dalka Ruushka oo magangalyo laga siiyay isaga iyo qoyskiisa, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka. Jabhadda Xayaat Taxriir Al-Sham ayaa xukun ka tuurista Asad ka shaacisay xarunta raadiyaha iyo teleefishinka qaranka ee Suuriya. Qabsashada xukunka ee Jabhadda Xayaat Taxriir Al-Shaam iyo xulufadeeda ayaa ka dhigan in Suuriya ay u dhaqaaqday jiho cusub iyo inay gashay waayo ka beddalan kuwii ay kusoo jirtay kontonkii sano ee lasoo dhaafay.
-
Qaramada Midoobay oo sheegtay in 16 milyan oo ku sugan Suuriya ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah. Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Suuriya ayaa sheegay in 16 milyan oo qof oo dalkaasi ku nool ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar bini’aadannimo. Gonzalo Vargas Llosa ayaa u sheegay barnaamijka Newsday’s World Service ee BBC in 800,000 oo Suuriyaan ah ay ku barakaceen dagaalladii ugu dambeeyay ee gobolka. Intaa ka hor, toddobo milyan oo Suuriyaan ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, in ka badan shan milyanna ayaa u qaxay dalalka deriska ah iyo kuwa kale. “Waxaa jirta xaalad baahi bini’aadantinimo oo aad u weyn, iyo barakac xoog leh,” ayuu yiri. Llosa waxa uu xusay in hawlihii bini’aadannimo ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ee meelaha ay dhibaatadu saameysey sida Homs, Hama, iyo Dimishiq ay si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanayaan. “Goob kasta oo nabad noqota waxaan isla markiiba ula dhaqaaqnaa shaqaalaheena si aan isugu dayno inaan buuxinno booskaas bani’aadamnimo,” ayuu raaciyay. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Michael Nithavrianakis. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada hadleen iskaashiga iyo danaha guud ee labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka argagixisada iyo doorashooyinka dadweynaha dib loogu celinayo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan hoggaankooda. “Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaaggay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse. “Danjire, Michael, ayaa dhankiisa sheegay in dowladda UK ay taageereyso siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo in ciidanka Soomaaliya la wareegaan guud ahaan amniga Qaranka” ayuu sii raaciyay Qoraalkaasi. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo qaabiley Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha UK Soomaaliya, Michael Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo danaha guud ee labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka argagixisada iyo doorashooyinka dadweynaha dib loogu celinayo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan hoggaankooda. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaaggay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa. Danjire, Michael, ayaa dhankiisa sheegay in dowladda UK ay taageereyso siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo in ciidanka Soomaaliya la wareegaan guud ahaan amniga Qaranka. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe in uu si toos ah Itoobiya garab uga raadsaday si ay uga caawiso dagaalka ka dhanka ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee lagu daabulay degaannada Jubaland. “Sheekh ma ahan Axmed Madoobe. Dadkiisa ayuu ka cararay, Itoobiya ayuu miciin biday, waxaan leeyahay ciidanka ka taga ninkaas” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayay magaalada Muqdisho, wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka Jubbaland in ay ka hor istaagaan Ciidamada Itoobiya. “Waxaa xaaladda sii murjiyay dhaqdhaqaaqyadii hore ee Itoobiya ee dhul-ballaarsiga, oo ay ka mid aheyd isku day ku doonaysay inay gacanta ku hayso dhul-badeedka Soomaaliya ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland),” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fiqi, isagoo walaac weyn ka muujisay in dowladda Itoobiya ay hub sharci darro ah soo gelisay Soomaaliya, gaar ahaan degaannada Jubbaland. Wasiir Fiqi wuxuu sheegay falalkani inay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, ayna wiiqayaan xiriirka derisnimo, iyo mabaadi’da nabad-ilaalinta ee Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isagoo xusay in tallaabooyinka Itoobiya ay carqaladaynaya wada-xaajoodyadii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya. PUNTLAND POST The post Wasiir Fiqi oo Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyay in uu garabka saaray Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Danab ee deegaanada Jubbaland, Gaashaanle Carab Dheeg Axmed. Carab Dheeg oo ahaa taliyihi ururka 162-aad ee kumaandooska Danab ayaa shalay warbaahinta la hadlay, isagoo aad u dhaliilay dowladda federaalka, taliska ciidanka xoogga dalka iyo qorshaha ciidamada loogu daabulay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Sababta ugu weyn ee Taliye Carab Dheeg uu shalay warbaahinta lasoo fadhiistay ayaa aheyd dalacsiinta ay dowladda federaalku siisay ciidamadii Jubbaland ee ka soo goostay Axmed Madoobe, isagoo cabasho ka muujiyey sababta loo dalacsi diiday Danab oo sanado badan dagaal uga jirtay Jubbooyinka. Carab ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay sababta loo dalacsiiyey ciidankii Jubbaland oo kaliya, iyadoo aan hoos loo eegin kuwa Danab oo muddo dheer dagaal ku soo jiray, halka uu halis weyn ka muujiyay in laga mashquulo dagaalka Al-Shabaab. Si kastaba, Taliye Odowaa Yuusuf Raage oo haatan ku shaqeynay aragtida dowladda Xasan Sheekh ee ka dhanka ah Jubbaland ayaa haatan xilka ka qaaday taliye Carab, iyadoo uu xilkaas u magacaabay mid kamid ah saraakiishii sida dhow ula soo shaqeysay taliyahan xilka laga xayuubiyay. Carab Dheeg ayaa kamid ahaa afarta qayb ee saldhigyada waaweyn ciidanka kumaandooska gaarka u tababaran ee Danab ku leeyihiin koofurta iyo bartamaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Danab ayaa sida caadiga ah loo ogoleyn inay dhex-gasho siyaasadaha gudaha ee dalka, waxaana loo tababaray kaliya inay argagixisada la dagaalamaan, iyadoo uu gacanta ku hayo Mareykanka.