-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dimishiq (Caasimada Online) – Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa sheegay inay soo afjareen xukunka Bashaar Al-Asad ee 24-sanno ka talinayay, taasi oo markii ugu horreysay maanta ay ka shaaciyeen telefishinka dowladda dalkaas kaddib weerar bir ah oo caalamka ka yaabiyay. Taliska ciidamada Suuriya ayaa Axadda maanta ah saraakiisha ku wargeliyay in nidaamka Bashaar Al-Asad uu dhamaaday, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal Suuriyaan ah oo tallaabadan lagu wargeliyay. Laakiin ciidamada Suuriya ayaa markii dambe sheegay inay sii wadayaan hawlgallada ka dhanka ah “kooxaha fallaagada” ee ka socda magaalooyinka muhiimka ah ee Hama iyo Homs iyo baadiyaha Deraa. Assad, oo si weyn ula dagaallamay nooc kasta oo mucaarad ah, ayaa hadda ka duulay Dimishiq isaga oo u safray meel aan la garanayn, laba sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo fallaagada ay sheegeen inay soo galeen caasimadda iyadoo aanay jirin wax calaamad ciidan ah. “Waxaan ula dabaal dageynaa shacabka Suuriya warka ah in maxaabiistayada la sii daayay, waxaana ku dhawaaqaynaa in uu dhammaaday xilligii caddaalad-darrada ee xabsiga Sednaya,” ayay kooxdu sheegtay, iyagoo tixraacaya xabsi weyn oo millateri oo ku yaalla duleedka Dimishiq halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Suuriya. Kumanaan baabuur oo si aayar ah u socda ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Dimishiq iyagoo gacan haadinaya oo ku dhawaaqaya “Xornimo” laga soo bilaabo nus qarniga xukunka qoyska Asad, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Burburka baaxadda leh ee dowladda ayaa bariga dhexe u asteeyay mid daran, isagoo soo afjaraya xukunkii gacan birta ahaa ee qoyskan ku hayeen Suuriya, waxayna dhabar jab weyn ku noqdeen Ruushka iyo Iiraan, kuwaasoo lumiyay xulafo muhiim u ahaa gobolka. Xawliga dhacdooyinka ayaa ka yaabiyay caasimadaha Carabta waxayna sare u qaadeen cabsida laga qabo mowjad cusub oo xasilooni darro gobolka ah. Hayat Tahrir al-Sham, HTS oo hormuud ka ahayd horumarka fallaagada ee galbeedka Suuriya, waxay hore u ahaan jirtay ururka al-Qaacida ee loo yaqaan Jabhadda Nusra ilaa hoggaamiyahooda Abu Mohammed al-Golani, uu xiriirka u jaray dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee jihaad doonka 2016. “Su’aasha dhabta ah waxay tahay sida uu u nidaamsan yahay kala-guurkaani, waxayna u muuqataa mid cad in Golani uu aad ugu hamuun qabo in uu noqdo mid nidaamsan,” ayuu yiri Joshua Landis, khabiir Suuriya ah iyo Agaasimaha Xarunta Daraasaadka Bariga Dhexe ee Jaamacadda Oklahoma. HTS waa jabhadda ugu xooggan Suuriya, dadka reer Suuriya qaarkood ayaa weli ka baqaya inay soo rogaan xukun Islaami ah oo adag ama ay kiciyaan aargoosi. Diyaarad ay leedahay Syrian Air ayaa ka duushay garoonka Dimishiq xili lagu soo waramayo in caasimada ay la wareegeen kooxaha mucaaradka, sida lagu sheegay xogta shabakada Flightradar. Diyaaradda ayaa markii hore u duushay dhanka gobolka xeebta ee dalka Suuriya oo ah meel ay ku xooggan yihiin kooxda Calawiyiinta ee Bashaar Al-Asad, balse markii dambe si lama filaan ah ayay u leexatay, waxayna u duushay jihadii ka soo horjeeday muddo daqiiqado ah, ka hor inta aysan ka bixin khariidadda. Isa markiiba lama xaqiijin karin cidda saarneyd. Iyadoo dadka reer Suuriya ay muujinayaan farxad, Ra’iisul Wasaare Mohammad Ghazi al-Jalali ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu taageero sii socoshada dowladnimada uuna diyaar u yahay in uu la shaqeeyo hoggaan kasta oo ay doortaan dadka Suuriya. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo kooxdiisu waxay isha ku hayeen “dhacdooyinka aan caadiga ahayn ee Suuriya” waxayna la xiriireen saaxiibada gobolka, ayuu yiri Aqalka Cad. Jiidaha hore ee dagaalka sokeeye ee Suuriya ka socda ayaa dansanaa sanado. Dabadeed Islaamiyiintii mar ku xirnaa Al Qacida ayaa si lama filaan ah tallaabo u qaaday, taas oo caqabadii ugu waynayd ku noqotay Asad oo sannado badan ka badbaaday dagaal ba’an iyo go’doomin caalami ah oo gacan ka helaya Ruushka, Iran iyo Xisbullahida Lubnaan. Israa’iil oo aad u wiiqday kooxaha ay Iran taageerto ee Hezbollah ee Lubnaan iyo Xamaas ee Gaza, waxay u badan tahay inay u dabaaldegi doonto dhicitaanka Assad, oo ah mid ka mid ah xulafada muhiimka ah ee Iran. Laakiin rajada koox Islaami ah oo ka talinaysa Suuriya waxay u badan tahay in ay walaac dhalin doonto. Isha: BBC
-
Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa la sheegay inuu isaga cararay dalka Suuriya. Hase ahaatee, ilaa hadda lama garanayo halka uu ku dambeeyey. Lataliyaha dublamaasiyadeed ee madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in aanu hubin in Asad uu ku sugan yahay Imaaraadka iyo in kale. Isagoo wariyaasha kula hadlayay shirka Manama Dialogue ee Bahrain, Anwar Gargash ayaa diiday in uu ka hadlo wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Asad uu magangalyo ka raadsan karo Imaaraadka. “Marka ay dadku waydiiyaan, ‘xagee Bashaar al-Assad aadayaa?’, tani runtii tani waa sheeko hoose,” ayuu yiri. “Uma maleynayo inay muhiim tahay. Sida aan iri, ugu dambeyntii tani waa sheeko hoose oo dhab ahaantii dhacdooyinka waaweyn ka mid ah.” Gargash waxa kale oo uu xusay in Suuriya “ay ka bixin kaynta” oo ay weli u nugushahay xag-jirnimada iyo argagixisada. Bbcsomali Qaran News
-
Waxaa saaka ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha shirka Amniga Qaranka, kaasoo uu shir Gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayna ka soo qayb-galeen Taliyayaasha guud ee Ciidamada qalabka sida. Shirkan muhiimka ah ayaa lagu Lafa-guray amniga guud ee Dalka, u diyaar garowga Xilwareejinta labada Madaxweyne ee xilka isku wareejinaya 12 bishan iyo go’aamo adag oo laga soo saaray cidkasta oo nabadgelyada iyo wada jirka bulshada khatar ku ah. Waxaana shirka ka soo baxay Qodobadan hoos ku qoran: 1- waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya Arrimaha Nabadgalyo darro, sharcigana la horkeeno qofkasta oo ku kaca wax taabanaya Nabadgalyada guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 2- In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku hadlaya cayda, aflagaadooyinka lagu kala qaybinayo bushada, kuwaasoo abuuraya colaad iyo xumaan bulshada dhexdeeda ka dhacda. 3- Waa in Saxaafaddu ka fogaataa in ay baahiyaan hadalo xanaf leh oo dhaawacaya wada jirka bulshada iyo guud ahaanba Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland. 4- Maanta laga bilaabo waxaa la joojiyey in Hoteelada iyo meelaha kale ee la isugu yimaaddo in lagu qabto shirar qabiilaysan, waxaana la farayaa Hotelada in ay ka digtoonaadaan shirarka qabilaysan, Hotel ka lagu qabto shirar noocaas ah Tallaabo ayaa laga qaadayaa. 5- waxaa shirka la iskula qaatay in la adkeeyo amniga guud ee Dalka, gaar ahaana amniga Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. 6- shirka waxaa la iskula qaatay in la adkeeyo amniga Xuduudaha iyo Kaantaroolada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee Dalka. Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL. Source
-
Warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu sheegay in laba bilood oo xiriir ah laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil. Xildhibaanka ayaa fal gacan qaad ah 27-kii Bishii November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka, sidoo kalena waxaa ganaaxyo isugu jira jeris gunno iyo ka joojin fadhiyada Golaha lagu riday Xildhibaano lagu soo eedeeyay sida warqadda ku xusan is horistaagid Guntanka ama kooramka Golaha iyo ka hor imaansho Xeerhoosaadka Golaha Shacabka. Qodobka laad Xubnaha Golaha Shacabka ee hoose xusan, kuwaas oo si ku-talagal ah u hor-istaagay guntanka, diidayna inay saxiixaan warqadda Xaadirinta kulankaas, in laga jaro gunnodooda shan meelood hal meel (1/5) sida uu qabo Qodabka 23aad Faqradda 16aad ee XGSH. Xubanahaas oo kala ah: Xil. Xasan Cabdi Ismaaciil Xil. Axmed Maxamuud Jamac Xil. Cabdulqaadir Masamud Dagane Xil. Saadaq Cabdullahi Cabdi Xil. Axmed Cusmaan Ibraahim “Daqare” Xil. Cumar Yuusuf Galadiid Xil. Cali Mahdi Maxamed “Qalato” Xil. Cabdirizaaq Xasan Axmed “Dhookir” Qodobka 2aad Sidoo kale in xubnaha Golaha Shacabka magacyadooda hoos ku xusan yihiin, oo si buuxda uga horyimid in ay u hogaansamaan Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, gaar ahaan Qodobka 28aad iyo Qodobada 14aad, 16aad, 18aad, 50aad ee XGSH, in laga joojiyo shan (5) kulan oo ka mid ah kulamada ugu horeeyo kalfadhiga baad, Xubanahaasi waxay kala yihiin: Xil. Axmed Maxamuud Jamac Xil. Cabdulqaadir Maxamud Dagane Xil. SaadAq Cabdullahi Cabdi; Xil. Axmed Cusmaan Ibraahin “Daqare” Xil. Cumar Yuusuf Galadiid Xil. Cali Mahdi Maxamed Qalato Xil. Cabdirizaaq Xasan Axmed “Dhookir” Xil. Cabdirashiid Jire Qalinle Xil. Cabdinuur Cali Aadan Maxamuud Xil. Maxamed Cali Cumar “Caana-nuug” Xil. Mowliid Cabdi Maxamuud Xil. Cabdulqaadir Xuseen Cabdi “Uurdoox” Xil. Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif Xil. Maxamed Sheekh Nuur Cusmaan “Garaad” Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud Xildhibaanadda Golaha Shacabka ku bogaadiyay howlaha ay Qaranka u hayaan isaga oo kula dardaarmay ilaalinta iyo dhowrista nidaamka iyo sidoo kale habsami u socodka Golaha. Source: goobjoog.com
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay wararka sheegaya in ciidamadii Jubbaland ee ku sugnaa degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ay isku dhiibeen dowladda. Wasiirka amniga Jubbaland, Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo war qoraal soo saaray ayaa beeniyay wararkaasi, wuxuuna sheegay in markii horeba aysan ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland joogin gudaha magaalada Beledxaawo, ayna ugu dambeysay ciidamadii daraawiishta ee uu horay wasiir Janan ugu wareejiyay dowladda. “Waxaan si cad u beeninayaa in aysan jirin ciidamo ka tirsan dowlada Jubbaland oo daraawiish ah oo ku sugan Baladxawo arintaas oo ah mid lagu qaldayo dowlada fedraalka iyo shacabka reer Gedo, ciidamo Jubbaland oo daraawiish ah waxaa u dambeesay kuwii uu dowlada federaalka ku wareejiyay wasiirkii hore ee amniga jubbaland, Cabdirashid Xasan Cabdinuur” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda amniga Jubbaland. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Hadaba, saraakiisha dowladda ee kusugan gobolka Gedo ee fashilan ee cidanka nabadsugida, booliska iyo maleshiyaad ku soo uruuriyay haddana dhahayo waa ciidamo Jubbaland ah oo ay rabaan in ay ku qaldaan shacabka reer Gedo, waxaan wargelinaa dadka reer Gedo in arintaasi aynan wax ka jirin”. Dhuumaal ayaa usoo jeediyay in saraakiisha gobolka joogta ay ka shaqeeyaan shaqada ay u igmatay Jubbaland, ayna ka baxaan waxyaabaha kale ee aan shaqadooda ahayn. “Saraakisha dowladda waxaan kula talinayaa shaqooyiinka dowladda ay u soo igmatay in ay ka shaqeeyaan, ayna ka dhex baxaan maamulada iyo canshuuraha dowlada Jubbaland, wixii ka yimaado arintaas waa mid ay masuliyadeedu qaadan doonaan” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli uu kasii darayo khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland, waxaana jirtay in ciidan badan oo kasoo goostay maamulka Axmed Madoobe ay isa soo dhiibeen, kuwaas oo ay haataan diiwaan-gelin u sameysay dowladda dhexe.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta soo saaray dikreeto magacaabis oo ku saabsan Taliska qeybta Booliska gobolka Raas Casayr. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 25 ee 08-da December, 2024, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Raas Casayr” ayaa lagu yiri dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Siciid Deni ayaa Taliyaha cusub ee qeybta Booliska gobolka Raas Casayr u magacaabay G/sare Mahad Cali Car-car kaddib markii uu tixgeliyay aqoontiisa iyo waaya-aranimadiisa ciidan sida ku cad dikreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha. “Madaxweynaha Dowladda Puntland markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa Ciidanimo Waxaa G/sare Mahad Cali Car- Car loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Raas casayr” ayay intaasi raacisay dikreetada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha cusub ee qeybta Booliska Gobolka Raas Casayr appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshay ciidamo cusub oo kumaandoos ah, kuwaas oo tababar heerkiisu sarreeyo kusoo qaatay dalka Turkiga. Ciidamadan oo ka kooban illaa 4 urur oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa tababarkooda soo dhammeystay, iyaga oo haatan si toos ah u howlgeli doono. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu mahadceliyay Turkiga, waxayna wasaaraddu sheegtay in ciidamadan ay ka qayb-qaadan doonaan mas’uuliyadda la wareegida amniga guud ee dalka. Turkiga ayaa kamid ah saaxibada dhow ee Soomaaliya, wuxuuna taageero milatari oo wayn uu siiyaa dowladda federaalka, isagoo ka qayb qaatay dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka;- Wasaaradda Gaashaandhiga XJFS oo kaashanaysa dhiggeeda dalka Turkiga ayaa iyada oo ka duuleysa tilmaamaha madaxda Qaranka ee ku aaddan tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay ugu filnaadaan mas’uuliyadda la wareegida Amniga dalka, ayaa waxaa tababar heerkiisu sareeyo loogu soo xiray magaalada Isparta ee dalka Türkiye, Afar Urur oo katirsan Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kaga Mahad celiyay dowladda aan walalaha nahay ee Turkiga, garab istaaga hagar la’aaneed ee ay u muujisay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed. Ciidamada tababrka loo soo xiray ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada xooggan ee Ciidamada Qaranku ay dalka kaga xoreynayaan Khawaarijta iyo difaaca Qarannimada ummadda Soomaaliyeed, iyada oo laga hortagayo cadowga gudaha iyo kan dibadda.
-
Agaasimaha Xarunta Warbixinta Maaliyadeed (FRC), Marwo Aamina Cali, ayaa kulan muhiim ah la qaadatay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga ka dhaxeeya FRC iyo booliska si loo hirgeliyo istiraatiijiyadda looga hortagayo maalgelinta kooxaha argagixisada. Labada dhinac ayaa isku raacay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, iyadoo taliyuhu ballan qaaday inuu kor u qaadi doono awoodda waaxda baarista dambiyada maaliyadeed ee booliska. Sidoo kale, FRC ayaa ku dhawaaqday inay si dhow ula shaqeyn doonto booliska ayna siin doonto tababarro waaxda dambiyada maaliyadeed. Kulankan ayaa lagu xusay tallaabo horumarineed oo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dagaalka ka dhanka ah maalgelinta argagixisada ee Soomaaliya. Iskaashiga la xoojiyay ee FRC iyo booliska Soomaaliyeed wuxuu sare u qaadi doonaa hufnaanta baarista dambiyada maaliyadeed wuxuuna ka qeyb qaadan doonaa sugidda amniga qaranka. Labada dhinac waxay isku waafaqeen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan burburinta shabakadaha maaliyadeed ee argagixisada si loo ilaaliyo sharafta iyo madaxbannaanida maaliyadeed ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Agreements the Federal Government of Somalia unwittingly signed with Ethiopia in 2014 and 2023 continue to haunt President Hassan Sheikh Mohamud. Mogadishu (PP News Desk) — Ten years ago, the Federal Government of Somalia signed a bilateral agreement with the Government of Ethiopia to deploy Ethiopian troops in designated parts of Somalia, particularly in Gedo. The agreement stipulated that Ethiopian troops would operate outside AMISOM. The agreement paved the way for President Hassan Sheikh Mohamud’s 2015 visit to Mekelle in the Tigray region of Ethiopia to celebrate the fortieth anniversary of the Tigray People’s Liberation Front (TPLF). President Mohamud donned a TPLF cap and was pictured holding a TPLF flag. He praised the “legacy of Meles Zenawi.” The bilateral agreement repealed the 2008 agreement between the Transitional Federal Government of Somalia and the Alliance for the Reliberation of Somalia, which had resulted in the withdrawal of Ethiopian troops from Somalia in 2009. In 2017, the TPLF-controlled EPRDF lobbied for the re-election of President Mohamud, but he lost the 2017 presidential election held in Mogadishu. Hailemariam Desalegn was the Prime Minister of Ethiopia when Somalia signed a bilateral agreement with Ethiopia to deploy Ethiopia troops in Somalia. In December 2023, the Federal Government of Somalia upgraded the 2014 bilateral agreement by signing a defence pact with Ethiopia. Relations between Somalia and Ethiopia soured in 2024 after the maritime Memorandum of Understanding was signed in January 2024 by Ethiopia’s Prime Minister, Abiy Ahmed, and the President of the secessionist Somaliland administration, Muse Bihi Abdi. The Federal Government of Somalia excluded Ethiopia from the African Union Support Mission in Somalia (AUSSOM), the new peacekeeping force to operate in Somalia from 2025. Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, used the 2023 defence pact with Somalia as a means to sign a maritime Memorandum of Understanding with the secessionist Somaliland administration in January 2024. Foreign policy and legal advisers to President Mohamud turned a blind eye to loopholes that Ethiopia exploits when deploying more troops in Somalia against the wishes of the Federal Government of Somalia. The Federal Government of Somalia has repealed neither the bilateral agreement nor the defence pact with Ethiopia. Like Kenya, Ethiopia invokes self-defence reasons to justify keeping its forces in Somalia to fight Al-Shabaab. The institutional incapacities of the Somali government and its power struggles with Federal Member States give Ethiopia leverage. In 2022, when Villa Somalia organised an opposition group against the South West State, President Abdiaziz Laftagareen went to Ethiopia and signed a security pact with the Somali region of Ethiopia. A similar security pact is reportedly being negotiated between Jubaland State and Ethiopia. Agreements the Federal Government of Somalia unwittingly signed with Ethiopia in 2014 and 2023 continue to haunt President Hassan Sheikh Mohamud. © Puntland Post, 2024 The post Somalia Faces Fallout of 2014 and 2023 Defence Deals with Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
Duqeymo ay Isra’il Sabtidi ka geysatay Marinka Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 30 Falastiiniyiin ah, sidaasi waxaa xaqiijiyay saraakiisha caafimaadka Gaza. Duqeymahaan ayaa imaanaya xilli ay dhawaan Dowladda Qatar ka dhawaajisay in ay dib u billaabeyso dadaalladeedii dhex dhexaadinta wadahadallada xabad joojinta Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’il. Milatariga Isra’il wax jawab ah kama aysan bixin duqeymaha Sabtidi shalay ay ku qaadday magaalooyinka Gaza iyo Rafax. Laalin Isra’il waxay Jimcihi sheegtay in duqeymo dhowr ah ay ku dishay dagaalyahano ka tirsan Xamaas oo ku sugnaa bartamaha Gaza, iyo Xerada Nuseyraar. Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaase sheegay in ilaa 20 qof oo la dilay ay lix ka mid ah ahaayeen carruur halka shan kalana ay dumar ahaayeen. Tan iyo sannadki hore, dagaalka Gaza waxaa lagu dilay ku dhawaad 46 kun oo Falastiiniyiin ah. Source
-
Kooxda fallaagada Suuriya ayaa aroornimada hore ee saaka oo Axad ah sheegatay, in ay Suuriya ka xoreeyeen Bashar Al Asad oo dalkaasi soo xakumayay muddo dheer, kaddib marki ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq. Wararka ayaa sheegaya in Bashar Asad uu ka cararay waddanka isla markaana aanan la ogeyn halka ay u duushay diyaarad xalay ka qaaday caasimadda. Kooxda Jabhadda Taxrir Al Sham, waxay aroornimadi hore shaacisay in ay la wareegeen xarunta raadiyaha iyo telefishinka qaranka ee Suuriya. Waxaa la maqlayay rasaas ka dhaceysa gudaha caasimadda. War kasoo baxay kooxda xakunka ka tuurtay Bashar Asad ee Jabhadda Xoreynta Shaam, waxay ayaan ay soo saareen ku sheegeen. “Macangagi Bashar Al Asad waa ka xoreynay waddanka”. Waxay intaasi raaciyeen in uu soo dhamaaday waayo madow isla markaana uu billowday waa cusub. Dadka waddanka ka cararay iyo kuwa barakacay ayay ugu baaqeen in ay dalka ku soo laabtaan. Waxay kaloo sheegeen in ay sii daayeen maxaabiisti ku xirneyd xabsiyada ugu waaweyn Suuriya ee caanka ku ahaa jirdilka dadka mucaaradka iyo dilka aanan sharciga aheyn ee loo geysan jiray dadka qaar sida ay sheegeen kooxdan. Wararka ayaa sheegaya in dadku billaabeen in ay ku dabaaldagaan Fagaaraha Ummayad ee bartamaha Dimishiq, halkaas oo ay ku yaallaan wasaarada dhowr ah sida, wasaaradda difaaca iyo xarumaha taliska ciidamada. Ra’isulsulwasaaraha Suuriya, Maxamed Gazi Jalali ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in xukumadda ay diyaar u tahay in ay si nabad ah xafiisyada dowladada ugu wareejiso mucaaridka, isla markaana uu diyaar u yahay in uu arrintaasi ku caawiyo. Tani ayaa ka dhigan in uu maanta halkaasi ku soo dhamaaday 54 sano oo ay Suuriya soo xakumayeen qoyska reer Asad. Source
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dalka ku soo celisay 47 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xayirnaa waddanka Madagascar. Bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu soo celisay 47 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xannibnaa dalka Madagascar kaddib markii diyaarad gaar ah loo diray. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay in muwaadiniintaasi tahtiib ku galeen dalka Madagascar islamarkaana 28 kamid ah ay badda ku dhinteen halka intii kalena la soo badbaadiyay. “Nasiib darro, safarka halista ah ee muwaadiniintan ku xayiray ayaa sababay dhimashada 28-dii muwaadin Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa khataraha ka dhalata tahriibka sharci darrada ah” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya. “Waxaa naga go’an in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dibadaha loo soo celiyo iyada oo aan la adeegsan caawimaad dibadda ah” ayuu sii raaciyay bayaankaasi ka soo baxay dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post 47 tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo dalka lagu soo celiyay kaddib markii ay ku xayirmeen waddanka Madagascar appeared first on Puntland Post.
-
Jabhadaha hubaysan ee saacado ka hor ku dhawaaqay inay la wareegeen xukunkii dalka Suuriya, islamarkaana ay soo afjareen maamulkii 54 sano jirsaday ee Bishaar Al-assad iyo Aabihiis Xaafid Al-assad ayaa dadweynaha dalkaas ugu baaqay inay ilaashadaan xarumaha danta guud, sidoo kalena aanay dhibaato u geysan dhismeyaasha ay ku shaqeeyaan ururrada caalamiga ah oo kuwa qaramada midoobey ugu horreeyaan. Abuu Muxamed Al-golani oo ah taliyaha Guud ee Waaxda Hawlgallada jabhadda Tahrir Alsham oo farriin u diraya dagaalyahannada mucaaradka ah iyo dadweynaha ayaa yiri “Ilaaliya hay’adaha dawladda, maadaama ay ka tirsan yihiin dhaxalka shacabka”. Sidoo kale wararka ayaa sheegay inay ra’iisul wasaarihii maamulka Bishaar Al-assad, xukuumaddiisii, iyo booliskii magaalooyinkaba lagu amray inay shaqadooda sii wataan inta cid badesha laga soo magacaabayo. Arrimahan ayaa ku soo beegmay ka dib markii la xaqiijiyay inuu dalka ka baxsaday Bishaar Al-assad oo taniyo sanadkii 2000-dii talada hayay, horayna uu 30 sano Suuriya u xukumayay Aabbihiis Xaafid Al-assad oo hadda dadweynuhu ay billaabeen inay taallooyinkiisii dhulka soo dhigaan. Source: goobjoog.com
-
Kooxaha Mucaaridka ah ee Suuriya ayaa aroornimada hore ee saakay oo Axad ah sheegatay, in ay Suuriya ka xoreeyeen Bashar Al Asad oo dalkaasi soo xakumayay muddo dheer, kaddib marki ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq. Wararka ayaa sheegaya in Bashar Asad uu ka cararay waddanka isla markaana aanan la ogeyn halka ay u duushay diyaarad xalay ka qaaday magaalada Dimishiq. Kooxda Jabhadda Taxrir Al Sham, waxay aroornimadi hore shaacisay in ay la wareegeen xarunta raadiyaha iyo telefishinka qaranka ee Suuriya. Waxaa la maqlayay rasaas ka dhaceysa gudaha caasimadda. War kasoo baxay kooxda xakunka ka tuurtay Bashar Asad ee Jabhadda Xoreynta Shaam, waxay ayaan ay soo saareen ku sheegeen. “Macangagi Bashar Al Asad waa ka xoreynay waddanka”. Waxay intaasi raaciyeen in uu soo dhamaaday waayo madow isla markaana uu billowday waa cusub. Dadka waddanka ka cararay iyo kuwa barakacay ayay ugu baaqeen in ay dalka ku soo laabtaan. Waxay kaloo sheegeen in ay sii daayeen maxaabiisti ku xirneyd xabsiyada ugu waaweyn Suuriya ee caanka ku ahaa jirdilka dadka mucaaradka iyo dilka aanan sharciga aheyn ee loo geysan jiray dadka qaar sida ay sheegeen kooxdan. Wararka ayaa sheegaya in dadku billaabeen in ay ku dabaaldagaan Fagaaraha Ummayad ee bartamaha Dimishiq, halkaas oo ay ku yaallaan wasaarada dhowr ah sida, wasaaradda difaaca iyo xarumaha taliska ciidamada. Ra’isulsulwasaaraha Suuriya, Maxamed Gazi Jalali ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in xukumadda ay diyaar u tahay in ay si nabad ah xafiisyada dowladada ugu wareejiso mucaaridka, isla markaana uu diyaar u yahay in uu arrintaasi ku caawiyo. PUNTLAND POST The post Kooxaha Mucaaridka ah ee Suuriya oo awood ciidan xukunka kaga tuuray Bashar Al Asad appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Booliska Somaliland, gaar ahaan kuwa ka howl-gala magaalada Berbera ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Iid Yuusuf Cabdullaahi, kaaa oo loo haysto dhaawac la sheegay inuu u gaystay maareeyaha warshadda adeegga korantada magaaladaas Cabdi Maxamuud Faarax. Ciidanka booliska oo howl-gal degdeg ah sameeyay ayaa soo qabtay eedaysanahan , waxaana si dhaqso ah loo horgayn doono laamaha garsoorka sida laga soo xigtay hay’adaha ammaanka Soomaaliland. Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa dhankiisa bogaadinayay ciidamadii hawlgalka sameeyay iyo shacabkii ka gacansiiyay qabashada eedaysanaha, oo la sheegay inuu goobta falku ka dhacay ka baxsaday. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Somalia is hurtling toward its first one-person, one-vote election in over five decades, an ambitious goal that has ignited fierce debate over its feasibility and fairness. While the federal government promises elections within seven months, deep political divisions and logistical hurdles loom large. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Muhammad has officially become the most popular baby name for boys in England and Wales, marking a historic shift in the UK's naming trends. The Office for National Statistics (ONS) reported that 4,661 boys were given the name Muhammad in 2023, surpassing Noah, which had held the top spot for the past two years. Source: Hiiraan Online