Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Raaskambooni ay amar ku siiyeen in ay ka baxaan Magaaladaas islamarkaasne aysan dagaal gelin. Axned Madoobe ayay ku eedeysay Dowladda in uu bannaystay in weerar uu ku qaado Ciidanka taasina ay keentay in dib u ruqaansi ay sameeyaan Ciidamada la geeyay Raaskambooni. “Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada hoose in ay Kala wareegaan Atmis in ay halkaas dib uga baxaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Talaabada Dawladda ayaa timid ka gadaal markii uu go’aansaday eedaysane Axmed Madoobe in uu isku hallaago Wiilal Soomaliyeed oo Dhiigoodu uu qiimo badan leeyahay. “Ciidamada Xoogga Dalku ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta,waxaana ka goan in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah Ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka Dadka iyo diinta” ayaa lagu yiri warka dowladda. Source: goobjoog.com
  2. Raaskambooni (Caasimada Online) – Ciidamada Jubbaland ee daacadda u ah Axmed Madoobe ayaa la xaqiijiyey inay qabsadeen inta badan magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Dagaal soo bilowday saakay oo dhowr jiho ay ka soo qaadeen ciidamada Jubbaland ayaa sababay in galabta Raaskambooni ay gashay gacanta Axmed Madoobe, waxaana dib u gurasho sameeyey ciidamada qaranka. Waxaa maanta dhacay dagaal la isku riiqmay, waxaana adkaatay in Raaskambooni ay ka degaan diyaaradaha sida gurmadka iyo saanadda ciidan ee dowladda. Ciidamada dowladda federaalka oo ka dagaalamayey afaafka hore ee deegaanka Raaskambooni ayaa gabal-dhicii dib u gurasho sameeyey, waxayna isugu tageen dhinaca dambe ee magaalada ee xiga xuduudda Kenya. Barta Twitter-ka ee Hey’adda ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee dowladda Kenya ayaa lagu baahiyey sawirrada askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dhiibay ciidamada Kenya, kadib markii ay ka gudbeen xuduudda. Sawirrada ayaa muujinaya ciidamada oo hubkooda dhigaya iyo kuwa Kenya oo soo dhaweynaya, xaaladda Raaskambooni in xog rasmi ah laga helo ayaa aad u adag, maadaama aysan jirin wax isgaarsiin ah. Jubbaland ayaa maanta dowladda federaalka ku eedeysay in dagaalka ay u adeegsatay diyaarado Drone ah, iyagoo ku andacooday in tallaabadaasi ay ka hor imaaneyso qaadista cunaqabateyntii hubka. Dowladda federaalka ayaa dhankeeda Jubbaland, gaar ahaan Axmed Madoobe ku eedeysay inuu la heshiiyey Al-Shabaab, isla markaana ay u ogolaadeen inay dhex maraan ciidamadiisa oo aroortii hore ee saakay weerar ku qaaday ciidamada qaranka. Dowladda Soomaaliya ayaa 20-kii cisho ee lasoo dhaafay Raaskambooni diyaarado ku geyneysay ciidanka maanta ku jabay dagaalka, ciidanka dowladda hadii ay si rasmi ah ugu jabaan dagaalka Raaskambooni, waxay gelayaan xaalad go’doon ah oo saameyn culus ku yeela doonta.
  3. Taiwan’s Deputy Foreign Minister François Wu (left) speaks with his Somaliland counterpart Rhoda Jama Elmi on Wednesday. Photo courtesy of Ministry of Foreign Affairs Dec. 11, 2024 Taipei, Dec. 11 (CNA) Taiwan’s Deputy Foreign Minister François Wu (吳志中) is visiting Somaliland to attend President-elect Abdirahman Mohamed Abdullahi’s inauguration ceremony, the Ministry of Foreign Affairs (MOFA) said Wednesday. Serving as special envoy to President Lai Ching-te (賴清德), Wu arrived in Somaliland’s capital Hargeisa around Wednesday noon (local time) and was welcomed by Deputy Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Rhoda Jama Elmi, MOFA said in a press release. Somaliland’s representative to Taiwan Mohamed Omar Hagi Mohamoud and Khadar Hussein Abdi, a member of the new government’s transition team, also accompanied Elmi to welcome Wu and his delegation, MOFA added. Wu will attend Abdullahi’s inauguration ceremony scheduled for Thursday to extend congratulations from Taiwan’s government to the new Somaliland president, it said. Wu will also meet with outgoing President Muse Bihi Abdi and other senior officials, it added. The 69 year-old Abdullahi won 64 percent of the vote in the Nov. 13 presidential election to become Somaliland’s sixth president since it broke away from Somalia in 1991. The former speaker of Somaliland’s parliament beat Muse Bihi, who took 35 percent of the vote. Ties between Taiwan and Somaliland have warmed since the two sides set up representative offices in each other’s capitals in 2020. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 and has functioned as a de facto sovereign state ever since, but is not officially recognized by any other countries. (By Joseph Yeh) Enditem/AW Qaran News
  4. Cidamadii dowladda FDS oo isu dhiibaya Kenya Ciidamada dowladda Jubaland ayaa gebi ahaanba qabsaday degaanka Raas Kambooni oo dhawaanahan dowladda Federaalka Soomaaliya ku daabulaysay ciidamo gaashaaman. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in ciidamada Jubaland si buuxda ula wareegeen Raas Kambooni kadib dagaal xooggan oo maanta halkaasi ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda Federaalka ee dhawaan la geeyay degaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta uu ka dhashay khasaare xooggan islamarkaana ciidamada Federaalka laga qabtay maxaabiis iyo gaadiid dagaal kadib markii la jabsaday difaacyadoodii hore. Boqolaal ka mid ah Ciidankii dowladda ee maalmihii la soo dhaafay diyaarado lagu geeyay Raaskambooni ayaa isu dhiibay Ciidanka Kenya ee ku sugan xuduudka. Barta Twitterka ee Hey’adda Ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee Kenya ayaa lagu daabacay sawirada ciidamo raxan raxan u socda oo hubka dhigay kuwaasi oo isu dhiibaya ciidanka Kenya. PUNTLAND POST The post Ciidamada Jubaland oo si buuxda ula wareegay degaanka Raas Kambooni appeared first on Puntland Post.
  5. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara. Kulankan ayaa ah hordhac loogu sii gogol-xaarayo wada-hadallo uu madaxweynaha Turkiga garwadeen ka yahay, kaas oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka kooban wasiirro, taliyaha sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka, iyo la-taliyayaal ayaa muujinaya sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, gobonnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa weli ku taagan go’aankii ay dawladdiisu hore u shaacisay oo madallo iyo munaasabado badanna ku soo difaacday, kaas oo ahaa in aanan Itoobiya laga qaadanayn wax ka yar in ay ka laabato heshiiskii Somaliland ee lagu sheegay isku-dayga dhul-boobka iyo ku-xad-gudubka madax-bannaanida Soomaaliya. Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee markale Ankara ka furmaya ayaa ku billaaban doona qaab u-kala-dabqaadis ah oo ay madaxda labada dal si gooni-gooni ah ula kulmayaan madaxweyne Erdogan oo isna u gogol xaari doona isku-soo-dhawaasho horseedi karta in kulan toos ah la isugu yimaado oo heshiis lagu gaaro. Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in Abiy Axmed uu muujinayo rabitaan ku saabsan in uu si buuxda uga tanaasulo damacisii ku riixayay heshiiskii muranka dhaliyay ee uu la galay Somaliland. Xeel-dheerayaasha diblumaasiyadda ayaa u arka in arrimahan soo dedejiyay kulanka Ankara ay qayb ka tahay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku gaartay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan wixii ka dambeeyay bixitaanka ATMIS ee dhammaadka sannadkan, iyadoo howl-galka Midowga Afrika uu magac cusub ku howl-galayo.
  6. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Kheyre iyo siyaasi Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si adag u cambaareeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamadii dalka u adeegsatay hannaan siyaasadaysan. “Dalkeennu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, kala aaminbax bulsho iyo burbur dowladeed. Mabaadi’da dib u dhiska dowladnimada dalka iyo dastuurka ku meel gaarka ah waxaa ku cad in aan ciidanka loo adeegsan siyaasadda” ayay ku sheegeen qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Kheyre iyo siyaasi Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur. “Ciidanka dowladda federaalka ah ee la geeyey Raaskanbooni iyo kuwa daraawiishta Jubaland ee ay la dirirayaan waa wiilal Soomaaliyeed oo walaalo ah, kuwas oo ay ahayd in awooddooda ku wajahaan argagexisada iyo cadawga kale ee qaranka Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay qoraalka ay soo saareen siyaasiyiintaasi. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Kheyre iyo siyaasi Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in degdeg loo joojiyo dagaalka, khilaafkana miiska wada hadalka lagu xalliyo, lagana heshiiyo doorasho aan shaatigeeda cid gaar ah u tolnayn. Halkaan ka akhriso Qoraalka PUNTLAND POST The post Sheekh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku baaqay in deg deg lagu joojiyo dagaalka Raas Kambooni appeared first on Puntland Post.
  7. Ankara (Caasimada Online) – Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa markale lagu wadaa inay marti-geliso wada-hadallo xasaasi ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Ankara ayaa waxaa haatan ku sugan laba wafdi oo Soomaaliya iyo Ethiopia ka socda oo labaduba martiqaad ka helay madaxweynaha Turkiga Erdogan. Kadib marka uu madaxweynaha martida loo yahay uu midba gooni ula kulmo ayaa la filayaa in labada hoggaamiye Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasaare Abiy Axmed ay fool ka fool isu arkaan, ayada oo uu goobjoog yahay madaxweynaha Turkigu. Galabta iyo caawa ayaa la filayaa in fadhiyada xasaasiga ahi ay qabsoomaan, sida uu sheegay Yuusuf Garaad oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Wafdiga culus ee madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminayo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda Qxmed Macallin Fiqi, wasiirka gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys, La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin iyo Axmed Jaamac Cillal oo ah la-taliye sare oo madaxweyne. Sidoo kale waxaa wafdiga Soomaaliya ee madaxweynaha ku wehlinaya wada-hadalladan kamid ah madax sare oo xagga amniga ah iyo khubaro ay ka mid yihiin sharci-yaqaanno, sida uu sheegay Yuusuf Garaad. “Ma jirto cid qiyaasi karta waxa ka soo baxaya wada-hadalka maaddaama aanuu weli billaaban, hase yeeshee, waxay rajadu tahay in mowqifka Soomaaliya uu meel-maro,” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo ka hadlay natiijada la filan karo inay kasoo baxdo wada-hadalladan. Tan ayaa haddii ay dhacdo dhabaha u xaari doonta in meesha laga saaro khilaafka labada dal ee jaarka ah Soomaaliya iyo Ethiopia.
  8. Kampala (HOL) – Somalia's U-15 football team celebrated its first win in the CAF African Schools Football Championship – CECAFA qualifiers, defeating Rwanda 2-0 on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  9. Dagaal-yahannada ay hoggaamiyaan kooxda mucaaradka Hayat Tahrir al-Sham ee (HTS) oo ku socda kolonyo gawaarida yaryar ah iyo mootooyin ayaa si xowli ah ugu sii siqaya waddada weyn ee waqooyi-koofureed taasoo fududeyneysa in Dimishiq lala wareego iyadoo aan wax iska caabbin ah lala kulmin. Balse iyadoo dad badan oo dalkaas ku nool ay u dabaal-degayaan dhicitaankii qoyska Asad ee Suuriya xukumayay muddada dheer, haddana mustaqbalka dalkaas ayaan caddeyn xaaladda gudahana jahwareer ayaa ka taagan, iyadoo kooxo kala duwan oo mucaarad ah ay maamulaan qeybo kala duwan oo dalkaas ah. Dhicitaankii xukunka Assad ayaa keenay in si lama filaan ah oo degdeg ah ay kooxda HTS isku ballaariyaan dalkaas, inkasoo kooxdu ay gacanta ku heyso magaalooyinka ugu waaweyn Suuriya, haddana ma xukumaan guud ahaan dalkaas. Suuriya ayaa muddo waxaa gacanta ku hayay kooxo fallaago ah oo kala duwan oo ay ku jiraan HTS oo Idlib ku sugneyd iyo kooxaha Kurdiyiintu horkacayaan oo waqooyi-bari dalkaas ku sugan, oo qaarkood ay sidoo kale la wareegeen dhul maalmihii iyo toddobaadyadii lasoo dhaafay. Midna kooxaha mucaaradka uma aysan baroor-diiqin dhicitaanka Assad, balse in heshiis laga gaaro sida loo maamulayo dalkaas ayaa weli adag iyadoo waqooyiga dalkaas ay ka jiraan isku dhacyo u dhaxeeya firqooyin uu tartan ka dhex jiro. Bbcsomali Qaran News
  10. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Riyaad ee Caasimadda Dalka Boqortooyada Sucuudiga kula saxiixday dhiggiisa Wasiirka Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Bulshada, Mudane, Eng. Axmed Bin Suleymaan Al-rajhi heshiis shaqo qoris ah, taas oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan hirgelinta heshiiskan. Heshiiskan ayaa diiradda saari doonaa dhowr arrimood oo muhiim ah: 1) Is-afgaradkani wuxuu dejinayaa hannaan habaysan oo loogu talagalay shaqaalaha u shaqo tagaya Saudi Arabia, iyadoo la hubinayo in hab-ka socdaalka shaqaaluhu uu yahay mid nidaamsan, sugan, badbaado leh, oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka shaqada, waxa kale oo uu dejinaaya qaab cad oo sharci ah oo ku saabsan hababka qorista, hubinta u hoggaansanaanta sharciyada shaqada iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha. 2) Heshiiskan wuxuu kordhinaya dakhliga Dhaqaale ee Wadanka, taas oo qayb ka qaadan karta horumarinta dhaqaalaha iyo xasilloonida amni ee Dalka . 3) Horumarinta Xirfadda: Is-afgaradku waxa uu noqon doonaa mid bixiya tababaro iyo barnaamijyo horumarineed, tasoo u oggolaanaya shaqaalaha Soomaaliyeed inay helaan xirfado iyo hal’abuur cusub. 4) Shaqo la’aanta oo yaraata: Shaqaale Soomaaliyeed oo u shaqo tago dalka dibaddiisa waxa ay wax ka tari kartaa inay helaan xirfado noloshadooda shaqo wax ka bedesha mustaqbalka. 5) Sidoo kale, Heshiiskaan, waxa uu yaraynayaa khataraha ka dhashta ka faa’iidaysiga iyo ka ganacsiga dadka iyo tahriibintooda. 6) Xiriirka Diblomaasiyadeed: Is-afgaradka oo si wanaagsan loo fuliyo waxa uu xoojinaya xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal kaaso kor u qaadaaya iskaashiga, iyo is fahamka Labada dal. Source: goobjoog.com
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Aadan Axmed Xaaji oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalkii maanta ka qarxay aagga Raaskambooni, wuxuuna sheegay in dagaalkaasi ay ka dambeeyeen ciidanka dowladda oo uu ku eedeeyay inay soo weerareen ciidankooda. Aadan Axmed ayaa sidoo kale dowladda federaalka ku eedeeyay in dagaalkii maanta ay u adeegsatay diyaarado Drone ah, ayna ka hor imaaneyso qaadista cunaqabateyntii hubka. “Drone-ta maanta naloo adeegsaday dowladaha iska leh waan soo bandhigeynaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamulka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadooda ay is difaaceen, isla markaana ay jab culus gaarsiiyeen ciidamada ay dowladdu ku daabushay gobolka Jubbada Hoose. “Dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba waa inay ogaadaan dagaal xaq darro ah in nagula soo qaaday, Jubbaland-na way is difaaceysaa, waana la jabiyay” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in isa soo dhiibeen illaa 42 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, ayna ula dhaqmeen si wanaagsan, sida uu hadalka u dhigay. “Hadda waxaa isa soo dhiibay horin kamid ah ciidamadii Muqdisho laga keenay, waana lasoo dhaweeyay, si fiicana waa loola dhaqmay” ayuu mar kale yiri wasiirku. Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda guul wayn ka sheegatay dagaalka, waxayna ku eedeysay ciidamada Jubbaland inay weerareen ciidamada qalabka sida oo ay sheegtay in Raaskambooni loo geeyay inay la wareegaan xarumaha ATMIS iyo la dagaallanka Shabaab.
  12. Mogadishu (HOL) – The Somali National Women Organization chairperson, Batulo Sheikh Ahmed Gaballe, has strongly opposed the federal government's decision to transfer the Mother's House compound to the Ministry of Family and Human Rights Development. Source: Hiiraan Online
  13. Waxaannu Beesha Caalamka UN-ka iyo AU-ka ugu Baaqaynaa in ay Aqoonsadaan Somaliland Ururka Somaliland Advocacy And Development Foundation oo beesha caalamka ku canaantay in Somaliland u dabreen dal fashilmay Hargaysa (Dawan): Uruka Somaliland Advocacy and Development Foundation (SADFO) ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay aqoon sadaan jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku tilmaameen in ay buuxisay dhamaanba shuruudihii qaran looga baahnaa. SADFO oo ah urur u heellan horumarinta xuquuqul insaanka, maamulka dimuqraadiga ah, iyo horumarka waara ee Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay beesha caaalamka ugu baaqeen in ay shacabka reer Somaliland siiyaan xuquuqda ah in la aqoonsado dawladda Somaliland. Ururkan SADFO oo ay ku midoobeen muwaadiniin reer Somaliland ah oo aqoon yahamiin ah, ayaa war-saxaafadeedkoodan waxay ku soo beegeen maalinta caalamiga ah ee xuquuqda bini’aadamka, taasoo wadamo badan oo caalamka ah laga xuso 10-ka bisha December. Waxaanu nuxurka booqaadani taabanayaa xaqa Somaliland ee Aqoonsiga iyo Qaranimada dhammaan shakhsiyaadka, iyadoon loo eegayn dhalasho, qowmiyad, ama asal ahaan, iyagoona tilmaamay in aanay madaxbanaanida Somaliland ahayn mid riyo ah, balse ay tahay xaqiiq quluubta shacabka reer Somaliland ku jirta tan iyo 18-kii bishii May ee sanadkii 1991-kii. Baaqaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Baaq ku saabsan xaqa Somaliland ee Aqoonsiga iyo Qaranimada dhammaan shakhsiyaadka, iyadoon loo eegayn dhalasho, qowmiyad, ama asal ahaan. Sannadkan waxa aanu indhaha ku haynaa xaaladda xuquuqal insaanka ee Somaliland, oo ah gobol muddo ka badan soddon sannadood la duudsiyay xuquuqdii aasaasiga ahayd iyo aqoonsiga uu mudan yahay. Go’aankii aftidii shacbiga Somaliland ee sanadkii 2000 ay dib ula soo noqdeen xoriyadoodii la diiday 26-kii June 1960-kii waa mid joogto ah oo aan laga noqon karin. Madaxbanaanida Somaliland riyo ma aha ee waa xaqiiq quluubta shacabka reer Somaliland ku jirta tan iyo 18-kii bishii May ee sanadkii 1991-kii. Reer Somaliland waxay doorteen halka ay u socdaan, ma na aha kuwo u soo jeesta wax kasta oo ay ku kacdo. Somaliland kaliya ma mudan tahay in la aqoonsado ee waxay sidoo kale mudan tahay abaal marinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize, oo ay ku mutaysatay guulaha ay ka gaadhay nabadda, dib u heshiisiinta iyo dawlad wanaaga. Shacbiga Somaliland waxay 33 sanno ka hor doorteen hannaan dimuqraadi ah, ka dib 31 sannadood oo ay ku guul-darraysteen inay si iskood ah ula midoobaan Soomaalidii hore ee Talyaaniga. In kasta oo Somaliland ay dedaal ugu jirtay sidii ay u hanan lahayd dawlad nabad ah oo dimuquraadi ah, haddana beesha caalamka oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay (UN) iyo Midowga Afrika (AU), waxay ku guul-darraysatay inay aqoonsato dawladnimadeeda. Diid ma dani waxay soo kordhisay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul iinsaanka oo ka dhan ah dadka reer Somaliland, kuwaas oo weli raadinaya ictiraaf-raadinta iyo xuquuqda ay u leeyihiin dhammaan ummadaha. Haddaan si yar u idhaahdo waa laba-jibbaar, caddaalad-darro iyo takoorid in dadka Somaliland ay noqdaan kuwo ay Beesha Caalamka u hayso Soomaaliya. Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah dadka Somaliland waxay go’aansadeen mustaqbalkooda waxayna dib ula soo noqdeen xoriyadoodii ay diideen 64 sano ka hor xaqna way u leeyihiin. Ictiraaf la’aanteed Somaliland heli mayso deeqaha horumarineed ee caalamiga ah ee sida weyn loogu baahan yahay iyo maalgashiga, cadaalad daradan iyo cuna qabatayntan caalamiga ahi waxay la mid tahay (Apartheid) caalami ah oo lagu hayo dadka reer Somaliland. Waa in la Qaado Tallaabo Ficil ah: Waxaanu beesha caalamka, UN-ka iyo AU-da ugu baaqaynaa inay qaadaan tallaabo cad oo ay Somaliland ugu aqoonsanayaan dal madax-bannaan. Ma jiro axdi iyo xeer caalami ah oo ka hor imanaya xaqa ay Somaliland u leedahay in ay hesho aqoonsi. Runtii, aqoonsigu waxa uu awood u siinayaa Somaliland in ay si buuxda uga qayb-gasho wada-hadallo caalami ah, si loo hubiyo in muwaadiniinteedu ay ku naaloon karaan xuquuqdooda iinsaanka oo ay ka qayb qaataan xasilloonida gobolka. Maxay Somaliland Ugu Mudan Tahay Ictiraaf: Dulucda Taariikhiga ah: Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in ay gooni isu taagtay 1991-kii ka dib dagaal sokeeye oo bahalnimo ah, iyada oo dhidibada u taagtay hab dawladnimo oo degan oo dimuqraadi ah oo ka duwan qalalaasaha ka socda gobolka. U heellanaanta Dimuqraadiyadda: Somaliland waxa ay qabatay doorashooyin badan oo dimuqraadi ah, taas oo muujisay sida ay uga go’an tahay mabaadi’da dimuqraadiga ah iyo ku dhaqanka sharciga. Bishii hore 13-kii November waxa Somaliland ka qabsoontay doorasho nabad ah oo ay shacabka Somaliland si xor ah u doorteen Madaxweynihii 6-aad ee Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ahaa musharraxa xisbiga Waddani oo ah xisbiga ugu weyn mucaaradka. Madaxweynaha xilka haya Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si sharaf leh u qariyey guul-darrooyinkii, waxaana Khamiista 12-ka bisha December la qaban doonaa caleema-saarka Madaxweynaha. Nabadda iyo Deganaanshaha: Aqoonsiga Somaliland ma xaqiijinayso oo keliya xuquuqda dadkeeda ee waxay sidoo kale qayb ka qaadanaysaa nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika. U doodista Xuquuqda Aadamiga: Somaliland waxay muujisay sida ay uga go’an tahay xuquuqul insaanka, iyada oo inta badan tusaale u ah dawladnimada iyo xorriyadda madaniga ah ee gobolka ay colaaduhu ragaadiyeen. Gabagabo: Maalintan caalamiga ah ee xuquuqal insaanka, waxaanu u soo jeedinaynaa beesha caalamka inay ixtiraamaan xuquuqda aadamaha cid kasta oo ay ku jirto Somaliland. Waxaan ku baaqaynaa in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan si loo xaqiijiyo in muwaadiniinteedu ay si buuxda u helaan xuquuqdooda iyo xorriyaddooda. Waqtigii wax qabadku hadda waa; aan u wada istaagno sidii aan xuquuqul insaanka u ilaalin lahayn dhammaan aadamaha. Qadiyada Somaliland waa in ay xasuusisaa wadamada xoriyada jecel in ay qadariyaan oo ay qiimeeyaan dimuqraadiyada iyo sinnaanta ay u soo halgamayaan oo ay ku talaabsadeen dhawr iyo toban sano. Nabad iyo gobonimo jecel dadka reer Somaliland wax ka yar ma istaahilaan”. War-saxaafadeedkan waxaa ku saxeexnaa guddoomiyaha ururka Somaliland Advocacy and Development Foundation Prof. Iid Cali Axmed oo ah Gudoomiyaha, iyo sidoo kale xoghaya guud ee isla ururkaasi Dr. Cabdi Cabdillaahi Xasan (Mataan). Qaran News
  14. Mogadishu (HOL) – Former Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, ex-Prime Minister Hassan Ali Kheyre, and opposition lawmaker Abdirahman Abdishakur Warsame have denounced Wednesday's clashes between federal military forces and Jubbaland regional troops in Raskamboni, Lower Jubba. Source: Hiiraan Online
  15. Dimishiq (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee Suuriya Maxamed Al Bashiir ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay, in uu billaabay dhaqaajinta howlaha qaran ee dalka, kaddib marki uu taageero buuxda ka helay dhammaan kooxaha fallaagada ee xakunka ka tuuray madaxweynihi hore Bashar Al-Asad. Khudbad kooban oo laga baahiyay telefishanka, ayuu Al Bashiir ku sheegay in uu dowladda ku meel gaarka ah hoggaamin doono ilaa 1-da bisha March ee sannadka foodda nagu soo haya. Ninkan ayaanan si wanaagsan looga aqoon guud ahaan Suuriya, balse ku soo caan baxay gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed Suuriya, halkaas oo uu hogaamiyay maamul hoosaadka ay dhiseen kooxaha mucaaridka ee taageerada ka hela dowladda Turkiga. Magaalada caasimadda ee Dimishiq, bankiyada, goobaha ganacsiga ayaa shalay dib loo furay marki ugu horreysay tan iyo Axaddii marki ay mucaaridka awoodda ka riday rajiimki dalka soo maamulayay 50-ki sano ee lasoo dhaafay. Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa marki u horreysay shalay si rasmi ah uga hadashay is baddalka siyaasadeed ee ka dhacay Suuriya. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay si buuxda u taageeryso hannaanka kala guurka siyaasadeed ee Suuriya ayna rajeyneyso in uu horseeddo maamul loo dhan yahay oo aan kooxaysi ahayn. Mareykanka ayaase jabhadda ugu weyn ee Asad xakunka ka tuurtay ee Xayaat Taxriir Al Sham u aqoonsan koox argagixiso ah, lamana oga in uu liiskaasi ka saari doono iyo in kale.
  16. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQNn_RCnGokXZXCgcMu0Wae6pZ_FgABc2JSvGNtay3TXNTddddPqYDsXKqV-OOWNK4E62dRPuKxPYpjWNbux_Yyn.mp4 Qaran News
  17. On January 1, Ethiopia and the unrecognized republic of Somaliland signed a memorandum allowing Addis Ababa access to the Red Sea. As a result, Somalia’s government withdrew its ambassador from Addis Ababa and nullified the agreement between Somaliland and Ethiopia. Ethiopian transit customs points were opened in the port of Berbera, Somaliland. These points will be responsible for transporting unloaded cargo to various destinations within Ethiopia, the Somaliland Ministry of Financial Development announced on Tuesday. This step is part of an initiative outlined in a memorandum of understanding from January between Ethiopia and the breakaway region of Somaliland. It has led to protests from Somalia, which considers Somaliland an integral part of its territory, and has heightened tensions across the Horn of Africa. Qaran News
  18. Ambassador Cabdifatax oo Booqasho ugu Tagay Macalinkiisi Siyaasadda Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan… Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa gurigiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Riyaale kaahin oo shalay kusoo laabtay dalka, una yimi ka qaybgalka caleemo-saarka Madaxweyne Cusub ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro. kulanka dhexmaray Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, ayay labada masuul waqti badan ka wada sheekeysteen taariikhdii iyo marxaladihii ay soo wada-mareen iyo weliba Somaliland waqtiyada adkaa ee ay kasoo gudubtay. Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin iyo Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa ahaa saaxibo aad isugu dhow, waxanu Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed kamid ahaa Masuuliyiintii u magacaabay Madaxweyne Riyaale. 2004-tii ayuu Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin u magacaabay Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed April xidhiidhiyaha jaaliyadaha yurub ee Somaliland sidoo kale Safiirka Somaliland u Fadhiya Erland. Geesta kale, Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa shalay Gurigiisa booqasho ugu tagay Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ay waqti badan ku qaateen halka, iyagoo iska xaal-waraystay arrimo badan oo ay kamid yihiin xilliyadii kala duwana ee ay Somaliland soo martay. Qaran News
  19. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta booqasho , Salaan iyo Duco ugu yimid madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal ( Cirro ) Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa madaxweynaha la doortey ugu horeyn alleh SWT uga baryey inuu xilka loo doortey u fudeydiyo , waxaana uu siiyey talooyin . Madaxweyne Riyaale ayaa dhawaan dalka u yimid sidii uu uga qeyb geli lahaa caleemo saarka iyo dhaarta madaxweynaha la doortey ee Somaliland . Kulanka waxaa ku wehelinaayey madaxweynaha la doortey madaxweyne ku xigeenka la doortey AMB Maxamed Cali Aw Cabdi . Qaran News
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa war kasoo saaray xiisadda kasii dareysa ee dowladda federaalka iyo Jubbaland ee maanta isku rogtay dagaalka, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland. Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudane Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir ah u soo saaray qoraalka ayaa nasiib darro ku tilmaamtay dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada dowladda iyo daraawiishta Jubbaland. Sidoo kale saddexdan siyaasi ayaa si weyn uga horyimid khudbaddii uu Jimcihii jeediyay madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen inuu awood iyo dagaal u adeegsanayo xalka. “Waxaa ayaandaro ah in madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbadiisii Masaajidka ku sheegay in isaga iyo Axmed Madoobe ay doorasho keliya isku hayaan oo khilaafka ku xaliyo xabad iyo dhiig daata” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaay ku baaqeen in deg-deg loo joojiyo dagaalka ka socda Raaskambooni, isla markaana wax weliba lagu dhameeyo miiska wada-hadalka. “Waxaan ku baaqaynaa in degdeg loo joojiyo dagaalka, khilaafkana miiska wada hadalka lagu xalliyo, lagana heshiiyo doorasho aan shaatigeeda cid gaar ah u tolnayn” ayaa lasii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo qaadayo, iyada oo ay haatan xaaladda faraha ka baxday, isla markaana dagaal uu dhiig ku daatay uu ka socdo Jubbada Hoose, kaas oo ay guullo ka kala sheegteen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland.
  21. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa si adag uga hadlay weerarka uu maanta Axmed Madoobe ku soo qaaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wasiirku wuxuu sheegay in tallaabadan ay caddeyn buuxda u tahay aragtida argagixisada ku saleysan dagaal-oogidda ee Axmed Madoobe, taas oo u muuqata mid lagu raadinaayo ujeeddooyin siyaasadeed oo sharciga ka soo horjeeda. Wasiir Jibriil ayaa ku nuuxnuuxsaday in Axmed Madoobe uusan marnaba ku guuleysan doonin inuu si awood qori ah ugu taliyo Jubaland. Wuxuu xusay in Soomaaliya haatan ku socoto dariiq dimoqraadi ah, oo shacabka Soomaaliyeed ay taladooda ku dhisanayaan codkooda xor ah, isla markaana la soo dhaafay waayihii dagaal-oogayaasha iyo kuwa shisheeye kalkaalka ah ay awoodda ku haysan jireen. Wasiirka ayaa sidoo kale ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan difaaca nidaamka dastuuriga ah iyo inay shacabka reer Jubaland gaarsiiyaan fursadda ay ku dooran karaan hoggaamiyeyaal ka shaqeeya danaha dadka iyo deegaanka. Wasiirku wuxuu muujiyey taageerada buuxda ee ay dowladda dhexe u hayso ciidanka iyo hawlahooda muhiimka ah ee lagu difaacayo midnimada iyo dowladnimada dalka. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Wasiir Jibriil kula taliyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku xiran taageeridda Axmed Madoobe, inay ka waantoobaan ficillada sharci-darrada ah iyo inay ilaashadaan sharafkooda iyo badbaadadooda. Wuxuu sheegay in Axmed yahay eedeysane, isla markaana looga baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay ka fogaadaan si aysan ugu eedeysan falalkaas. Source: goobjoog.com
  22. Somalilandsun: Ghana’s Vice-President Mahamudu Bawumia has conceded defeat in Saturday’s elections, congratulating opposition leader and former President John Mahama on his victory. Early results suggest this could be one of the heaviest defeats in decades for the New Patriotic Party (NPP), which had been in power since 2016. Voters were angered by a combination of the rising cost of living, a series of high-profile scandals and a major debt crisis that prevented the government from delivering on key promises. As a result, the NPP may have dropped below 45% of the presidential vote for the first time since 1996. Ghana’s vote brings to an end a remarkable 12 months in African politics, which have seen five transfers of power – more than ever before. This “annus horribilis” for governments has now also brought opposition victories in Botswana, Mauritius, Senegal and the self-declared republic of Somaliland. Even beyond these results, almost every election held in the region this year under reasonably democratic conditions has seen the governing party lose a significant number of seats. This trend has been driven by a combination of factors: 1. the economic downturn 2. growing public intolerance of corruption and 3. the emergence of increasingly assertive and well-coordinated opposition parties. The trend is likely to continue into 2025 and will cause trouble for leaders such as Malawian President Lazarus Chakwera, whose country goes to the polls in September. In elections held in November Somaliland opposition leader won presidential election The opposition leader of the republic of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi, is the country’s new president. Abdirahman Irro who contested the Sonaliland Presidency on an opposition party ticket won 64% of the vote More popularly known as Irro, he won with 64% of the vote to become Somaliland’s sixth president since it broke away from Somalia in 1991. The 69-year-old, a former speaker of Somaliland’s parliament, beat incumbent Musa Abdi Bihi, who took 35% of the vote. During campaigning, Irro said his party would review a controversial deal to lease landlocked Ethiopia a 20km (12-mile) section of its coastline for 50 years to set up a naval base – an agreement that has caused a diplomatic feud in the region. Continue listening. Ghana becomes record fifth African nation to see opposition victory this year Somaliland sun Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga ayaa war xasaasi ah kasoo saartay dagaalka maanta ka qarxay aagga Raaskambooni, kaas oo u dhexeeyo ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo uu soo diray madaxweyne Axmed Madoobe ay saaka weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda, kadibna uu sidaas ku qarxay dagaalka oo dhaliyay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. “Subaxnimadii hore ee saakay ayaa koox ka tirsan Ciidanka Jubaland oo uu si qaldan u isticmaalay Axmed Madoobe waxaa ay soo weerareen fariisin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Gobalka Jubada Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidamada uu soo weeraray Axmed Madoobe ayaa ahaa Ciidan halkaas loo geeyay in ay kala wareegaan saldhigyo ay dhawaan ka baxeen Ciidamada ATMIS, sidoo kalena isku diyaarinayay hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta”. Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale ku eedeysay Axmed Madoobe inay xiriir la sameeyay Al-Shabaab, kadibna ay sidaas kusoo dhex-mareen ciidamada weerarka qaaday. “Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ula socota qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay Khawaarijta, taas oo keentay in Khawaarijtu u ogolaato in kooxaha uu soo abaabulay ee duullaanka ku ah Ciidamada Qaranka ay soo dhexmaraan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo warka lagu yiri in arrintan ay ka dhalan doonto ciqaab adag oo sharci ah, isla-markaana Axmed Madoobe lagula xisaabtami doono tallaabada uu qaaday. “Ficilada Qaran-dumiska ah waxa uu ku mutaysan doonaa ciqaab sharci oo adag” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Dhankeeda Jubbaland ayaa guul ka sheegatay dagaalka, waxayna shaaciysay inay la wareegtay deegaanka Raaskambooni, sidoo kalena ay qabatay 42 askari oo ka tirsan ciidamada ay dowladda Soomaaaliya gaysay halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.
  24. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa guul wayn ka sheegatay dagaal ay saaka ciidamadeeda la galeen kuwa dowladda federaalka ee dhowaan la geeyay aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada dowladda, balse ay ka hortageen daraawiishtooda, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in jab xoogan ay gaarsiisay ciidamada federaalka, balse ma caddeyn inta uu la’eg yahay khasaaraha rasmiga ah. “Ciidamada Dowladda Jubaland ee ku sugnaa duleedka deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta waxaa weerar kusoo qaaday Maleeshiyada uu kusoo daadgureeyay Eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud. Ciidamada Dowladda Jubaland oo ku jira dadaaladooda is difaacista ah ayaa jab xoog Leh u gaystay maleeshiyada xamar laga soo daadgureeyay iyadoo Ciidamada Jubaland ay guulo wax ku ool ah ka gareen. Waxaa kale oo Jubbaland ay sheegashadeeda kusii dartay inay ciidamadeeda ay la wareegeen difaacyada hore ee Raaskambooni, kadib dagaalkii saaka ka dhacay halkaasi. “Ilaa hada Ciidamada Jubaland ayaa la wareegay difaacyada hore ee deegaanka Raaskambooni ay kaga jireen maleeshiyada kusoo duushay Jubaland iyadoo khasaare Kala duwan la gaarsiiyay” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Dhinaca kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan dagaalka saaka ee ay guusha ka sheegatay Jubbaland. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu ay helayaan gurmadyo dheeraad ah oo kusii qul-qulaya furinta hore, waxayna taasj sii xoojin kartaa dagaalka qarxay. Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada horay madaxweyne Axmed Madoobe uu muddo 15 maalmood ah u qabtay ciidamada ay dowladdu gaysay Raaskambooni, haddii ay bixi waayaana uu sheegay in mas’uuliyadda ay qaadi doonaan madaxda dowladda federaalka.
  25. Mogadishu (HOL) – Somali federal government has accused Jubbaland regional troops, under the command of Jubbaland President Ahmed Madobe, of launching an assault on the Somali National Armed Forces (SNA) and Jubbaland Dervish stationed at forward operating bases in Raskamboni in Lower Jubba region. Source: Hiiraan Online