Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Subaxnimadii hore ee Axadda, December 8, 2024, Hay’at Taxriir al-Sham oo uu hoggaamiyo Axmed al-Sharaa, laguna naanayso Abu Muxammad al-Julani, ayaa ku dhawaaqay gacan ku haynta caasimadda Suuriya ee Dimishiq iyo afgambigii Madaxweyne Bashaar al. Telefeshinka rasmiga ah ee dalka Suuriya ayaa baahiyay hadalkii ugu horreeyay ee mucaaradka Suuriya kadib markii ay gudaha u galeen caasimadda Dimishiq, Bashaar Al-asadna uu u baxsaday Halkee ayuu u baxsaday Bashaar Al-asad? Wakaaladaha wararka ee Ruushka oo soo xiganaya ilo ku sugan aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay goor dambe oo fiidnimadii Axadda in Bashaar Al-asad iyo qoyskiisa ay gaareen magaalada Moscow. Hay’adaha ayaa sheegay in Ruushku uu magangelyo siiyey Assad iyo qoyskiisa kadib markii uu dhacay xukunkii Suuriya. Xayeysiin BBC-du way awoodi wayday inay si madax banaan u xaqiijiso macluumaadkaan. Laba sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, subaxnimadii Axadda, in Bashaar Al-Asad uu dalka kaga baxay diyaarad, kuna sii jeeday meel aan la garanayn. Ruushka, oo xulafo la ah Asad, ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqay inuu “ka tagay” jagadiisii ​​​​madaxweynenimo, uuna “ka tagay Suuriya”, ka dib markii uu wada xaajood la yeeshay “dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda,” isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixinin meesha uu ku wajahan yahay. Warbixinadii ugu horeeyay ayaa tilmaamaya suurtagalnimada in Assad uu ku wajahan yahay Ruushka ama Imaaraadka Carabta, lagana yaabo in diyaaradii uu la socday ay burburto. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Ruushka ayaa Bashaar Al-asad iyo qoyskiisa magangelyo siiyay, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee Ruushka. Maamulka ku meel gaadh ah Maamulka ku meel gaarka ah Isbaheysiga mucaaradka Suuriya, ee uu hoggaamiyo Hay’at Tahrir al-Sham, ayaa ku dhawaaqay inay ka shaqeynayaan sidii ay u sameyn lahaayeen gole maamul oo ku meel gaar ah oo leh awood fulineed oo buuxda, iyadoo ay qayb ka noqonayaan dadka Suuriya. Isbahaysigu wuxuu intaa ku daray in ay ku haminayaan “in la dhiso iskaashi istaraatiijiyadeed oo gobolka iyo caalamka ah.” Hay’at Taxriir al-Sham ayaa hay’adaha dawliga ah iyo Ra’iisul Wasaarihii taliskii Bashaar, Muhammad Ghazi al-Jalali, u ogolaatay inay sii joogaan xafiisyadooda. Hoggaamiyaha Hay’at Taxriir al-Sham, Abu Muhammad al-Julani, ayaa ugu baaqay dagaalyahanadiisa subaxnimadii Axadda inaysan u dhowaan xarumaha dowladda, isagoo carabka ku adkeeyay inay sii wadayaan kormeerka ra’iisul wasaarihii hore ilaa “si rasmi ah looga wareejinayo.” Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Maxamed Ghazi Al-Jalali ayaa farriin la duubay subaxnimadii Axadda ku sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay “in ay la shaqeyso hoggaan kasta oo ay dadku doortaan.” “Waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno hoggaan kasta oo ay dadku doortaan, iyo inaan bixinno taageero kasta oo suurtagal ah si loo xaqiijiyo in si habsami leh oo nidaamsan loogu kala wareejiyo howlaha dowladda, iyo ilaalinta xarumaha dowlad goboleedyada”. Al-Jalali ayaa ugu baaqay dadka Suuriyaanka ah inay ilaaliyaan xarumaha danta guud, isagoo ku nuux nuuxsaday inay leeyihiin dhammaan muwaadiniinta. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Al-Julaani gudaha Masjidka Umawiyiinta Maqribnimadii Axadda, Al-Julaani waxa uu galay Masjidka Umawiyiinta ee magaalada Dimishiq, isaga oo ay ku hareeraysan yihiin boqolaal dagaalyahanno ah iyo ilaaladiisa, waxa uu salaadda maqrib ku tukaday masaajidka, taas oo loo arko in ay astaan ​​u tahay xukunka Suuriya. Al-Julani ayaa jeediyay khudbad uu u arkayay dhamaadka xukunka Assad “guul u soo hoyatay dhammaan reer Suuriya”, isagoo ku dhawaaqayay guul iyo “Allaahu Akbar”. Al-Julani ayaa u sheegay dad badan oo ku sugnaa Masjidka Umayyad in taliska Asad uu “ku xirxiray kumanaan muwaadiniin ah si xaqdarro ah kuwaas oo aan wax dambi ah gelin.” Dadka reer Suuriya ee ku dhaqan caasimadda Dimishiq iyo guud ahaan dalka Suuriya ayaa si weyn ugu dabaaldegay dhicitaanka nidaamka Bashaar Al-Asad, kaas oo xukunkiisa iyo kan aabihii Xafiz Al-asad ay dalkaas ka talinayeen in ka badan nus qarni. Qaxooti badan oo Suuriyaan ah oo ku nool wadamo kala duwan oo adduunka ah ayaa sidoo kale u dabaaldegay dhicitaanka xukunka qoyska Asad. Tirada dhimashada Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ayaa sheegtay goor dambe oo fiidnimadii Axadda in ilaa 910 qof la dilay, oo ay ku jiraan 138 rayid ah, tan iyo markii uu bilaabmay weerarka kooxaha mucaaradka ee Suuriya 27-kii November. Mawqifka mucaaradka Suuriya ee dibadda Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Hadi Al-Bahra, madaxa mucaaradka Suuriya ee dibadda Madaxa mucaaradka Suuriya ee dibadda, Hadi Al-Bahra, ayaa sheegay Axadii in 18 bilood ee soo socota Suuriya lagu sii wadayo ku meelgaar kadibna la samaynayo “jawi ammaan ah, dhexdhexaad ah oo deggan,” si loogu diyaargaroobo “doorasho xor ah” oo dalka ka dhacda. , kadib markii uu dhacay xukunka Madaxweyne Bashaar Al-Asad. Al-Bahra, oo ah madaxa Isbahaysiga Qaranka Suuriya, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay waajib tahay in la diyaariyo dastuurka Suuriya lix bilood gudahood, iyada oo doorashada ugu horreysa ay tahay “afti dadweyne”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dastuurka ayaa qeexaya in aan qaadaneyno nidaam baarlamaan, mid madaxweyne ama mid isku dhaf ah, iyadoo taa laga duulayona waxaan qabaneynaa doorasho, dadkuna ay dooranayaan hogaankooda”. Falcelinta caalamiga ah Dhowr saacadood ka hor dhicitaanka nidaamka Bashaar Al-Asad, madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in Washington aysan wax door ah ku yeelan sida dhacdooyinka Suuriya ay u horumarayaan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee ayuu Trump ku tilmaamay weerarka hubeysan ee ay billaabeen mucaaradka Suuriya mid aan horay loo arag, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in Mareykanka uusan wax lug ah ku lahayn. Trump ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Si kastaba ha ahaatee, Suuriya waxa ka socda waa qas, laakiin ma aha dal aan saaxiib nahay, mana aha in Maraykanku wax lug ah ku yeesho dhacdooyinka.” Dhankiisa madaxweynaha xilka ka degaya ee Mareykanka Joe Biden, ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inay si dhow ula socdaan xaaladda Suuriya, waxayna ugu baaqeen dhinacyada inay yareeyaan xiisadda. Axadii, Biden waxa uu ku dhawaaqay in uu kulan la yeelan doono kooxdiisa amniga qaranka uuna kala hadlayo arimo ku saabsan Suuriya. Ra’iisul wasaaraha Britain Sir Keir Starmer, ayaa soo dhoweeyay dhicitaanka maamulka Bashaar wuxuuna yiri: “Shacabka Suuriya waxay muddo dheer ku dhibanaayeen nidaamka arxan darrada ah ee Asad, waana soo dhoweyneynaa bixitaankiisa,” isagoo aan shaacin mowqifkiisa. kooxaha gacanta ku haya Suuriya kadib Assad. Turkiga ayaa dhankiisa ku dhawaaqay inuu xiriir la sameynayo kooxaha mucaaradka Suuriya, balse wuxuu walaac ka muujiyay dowladda Islaamiga ah iyo xisbiga shaqaalaha Kurdistan, oo ah urur hubeysan oo Kurdish ah, oo ah labo kooxood oo Turkigu si gaar ah u daneynayo. Masar ayaa sheegtay in ay si aad ah u daneyneyso isbedelka ka socda dalka Suuriya, iyadoo xaqiijisay in ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Suuriya, isla markaana ay garab taagan tahay madax banaanida Suuriya iyo midnimada iyo wadajirka dhulkeeda. Dhanka Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay inay si weyn ula socoto horumarka xawliga ah ee ka socda dalka Suuriya Source bbcsomali Qaran News
  2. Badhaadhe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo aagga deegaanka Raaskambooni oo maalmihii lasoo dhaafay lagu daabulayay ciidamada dowladda. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Jubbaland ay qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ay uga hortageyso dhaq-dhaqaaqa ay dowladda ka bilowday halkaasi, waxayna ciidamo iyo gaadiid dagaal gaysay deegaanka Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose. Daraawiishta Jubbaland ayaa doonaya inay ka hortegaan gulufka ciidamada dowladda, waxayna deegaanka ay hadda gaareen uu 40 KM u jiraa magaalada Raaskambooni. Dhankooda ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka war helay dhaq-dhaqaaqan ayaa heegan buuxa galay, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu ka dhex-qarxo labada dhinc. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale soo warinaya in xaalad adag ay ka jirto halkaasi, isla markaana la’isku hub iyo ciidan aruursanayo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan xiisadda maanta laga dareemaya aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Shalay Jubbaland ayaa muddo 48 saac ah u qabatay in ciidamada dowladda ay uga baxaan gobolka, iyada oo ku goodisay haddii ay bixi waayaan inay ka qaadi doono tallaabo adag. “Haddii ciidamadaas ay 48 saac gudahood ugu laaban waayaan meelihii laga keenay talaabo adag ayaan ka qaadeynaa, dulqaadkii waa naga dhamaaday”. ayuu shalay yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha dowlad goboleedka Jubbaland. Dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa haatan si wayn isku haya, waxayna arrintu gaartay in la’isku adeegsado ciidamo, taas oo muujineyso in awood la’isku maquuni doono, haddii aanu imaan xal kale oo deg deg ah.
  3. Muqdisho ayaa martigelisay furitaanka Madasha Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka, oo ah kulan muhiim ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta nabadgelyada rayidka Soomaaliyeed. Madasha waxaa soo qabanqaabiyay Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ee Xasilinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka, iyadoo looga gol-leeyahay in lagu soo bandhigo istiraatiijiyado cadcad oo ku saabsan badbaadada rayidka, gaar ahaan xilliyada colaadaha iyo xaaladaha degdegga ah. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo hay’ado caalami ah ayaa ka qeyb galay madasha, iyagoo si qoto dheer uga dooday muhiimadda ilaalinta badqabka rayidka, ka hortagga dhibaatooyinka, iyo u gurmashada dadka nugul. Furitaanka madasha, waxaa lagu soo bandhigay qorsheyaal waqtiyeysan oo wax ku ool ah, kuwaas oo lagu xaqiijinayo badbaadada dadka iyo hantidooda, isla markaana looga hortagayo musiibooyinka kala duwan. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Abdihakim Ashkir, ayaa xusay in ay tahay tiir muhiim ah oo lagu xoojinayo badqabka muwaadiniinta. Wuxuu yiri “Badqabka Rayidka waa hannaan muhiim u ah dowladnimada, waxayna noo leedahay hortabin gaar ah. Waa in la xaqiijiyaa badbaadada dadka iyo hantidooda, iyagoo laga ilaaliyo musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa kale. Madashan waxay ku soo aadaysaa xilli muhiim ah oo diiradda lagu saari doono dadaallada badqabka rayidka, gaar ahaan xilliga howlgalka ATMIS kadib.” Source: goobjoog.com
  4. Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya deegaanka Raaskambooni ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Khaalid Cabdullaahi Cumar, uu halkaasi gaaray isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo. Taliyaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay deegaanka, halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda. Waxaa uu halkaasi ka bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo ciidamada dowladda ee ku sugan furimaha dagaalka. Magaalada ka socda kulamo looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii ciidanka Jubbaland ee kasoo goosanaya maamulka hadda jira loogu soo dhaweyn lahaa dowladda. Sidoo kale waxaa lagu waddaa in wafdi ka socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay gaaraan deegaankaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa boqolaal ka mid ah Ciidanka dowladda Soomaaliya geysay deegaanka Raaskambooni si loo xaqiijiyo ammaanka. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadla xiisadda sii kululaaneyso ee u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland. Jeesow ayaa si si gaar ah uga hadlay eedeymaha loo jeediyay Axmed Madoobe iyo sababata ka dambeysa in loo jaro waaran soo qabasho ah. Xildhibaanka ayaa su’aallo ka keenay waxa loo beegsanayo Axmed Madoobe, wuxuuna tilmaamay in dambi aanu lahayn dusha laga saarayo. Waxaa kale oo uu ku dooday in ay ahayd in la qabto markii uu joogay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, haddii uu galay khiyaano qaran ama dambi kale oo wayn. “Maxaa Jubbaland ciidanka loogu daabulayaa, maxaa colaadda looga hurinayaa, maxaa xabsiga loogu dirayaa A.Madoobe, haddii uu khiyaano qaran galay oo doorashadiisa ka baxsan gurigaasuu deganaa oo Xamar buu joogey maxaa loo qaban waayey, waa dambi loo dhoodhoobayo weeyee dambiba kuma hayaan, sidaan rabnay noogula shaqee ayaa lagu haystaa” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kamid ah xubnaha mucaaradka ee sida wayn u diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah, wuxuuna qayb ka yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyeo madaxweyne Sheekh Shariif. Si kastaba, xiisadda u dhexeyso dowladda iyo Jubbaland ayaa haatan gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana la’isla aadan ciidamada, iyada oo laga cabis qabo dagaal toos ah.
  6. Kumanaan ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa isu diyaarinaya ay hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah. Guutooyin kamid ah ciidamada Daraawiishta Puntland oo ay weheliyaan cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee qaabilan La-dagaallanka Argagixisada ayaa ku jira diyaar-garowgii u danbeeyay ee Hawlgalka buuraha Calmiska si ay halkaasi uga saaraan kooxaha Daacish. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ee loo diyaariyay Hawlgalka Calmis ay hadda ku sugan yihiin degaanka Kalabayr ee gobolka Bari islamarkaana loo dhammaystiray Hubkii iyo Saanadii Ciidan si ay u burburiyaan mileeshiyaadka Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysta buuraha gobolka Bari. Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha Nabad-diidka ah durba isaga baxeen dhawr tuulo oo ku yaalla Calmiskaad ka hor inta uusan bilaaban Hawlgalka waxaana la sheegaya in ay hadda ku urureen buuraha dushooda sare oo ay gabbaad ka raadinayaan. PUNTLAND POST The post Puntland oo ciidamadii ugu badnaa u diyaarisay Hawlgalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah appeared first on Puntland Post.
  7. 8-dii bishan December mucaaradka hubaysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay inay 13 sanoo kacdoon iyo dagaallo lagu hoobtay ah ka dib talada ka eryeen Bishaar Al-assad oo dalkaas hoggaaminayay taniyo sanadkii 2000-dii, ayadoo asaga iyo Aabbihiis oo 29 sano iyo bilo xukunka hayay lagu tilmaamay hoggaamiyaashii ugu samaynta badnaa, uguna maamulka adkaa ee soo maray dalka ku yaalla gobolka aan xasilloonayn ee bariga dhexe. Haddaba qormadan waxaanu ku eegi doonnaa sooyaalka madaxdii soo martay Suuriya iyo waxyaabaha lagu xasuusto, anaggoo ka soo billaabi doonna markii xorriyadda dalka carbeed ee marka mid ahaan jirey awoodaha dheeli-tira hardanka gobolka ee aan dhammaadka lahayn. Suuriya ama Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya, waa dal ku yaalla galbeedka qaarad weynta Aasiya, gaar ahaan dhanka bari ee badda Mediterranean-ka, waxaana soohdin la leh 5 dal oo kala ah Turkiga oo waqooyi ka xega, Ciraaq oo bari iyo koonfur bariba kaga beegan, Urdun ama bortooyada Jordan oo dhanka koonfureed ka jirta, iyo maamulka Israa’iil iyo dalka Lubnaan oo labaduba galbeedka deris kala ah. Dalkani wuxuu leeyahay sooyaal fog oo la rumaysanyahay inuu soo tixnaa taniyo markii la abuuray bini’aadamka waxaana soo maray maamullo kala duwan oo ay ugu caansanaayeen dowladihii Islaamka ee Nabiyadii suubanaa hormuudka u ahaayeen, gaar ahaan xilligii Rasuulkeenii Muxamed iyo khilaafooyinkii ka dambeeyay. Bedka dalkan waxaa lagu qayaasaa 185,180 kmr oo laba jubaaran, halka tirada dadkiisuna ay badantahay 25 milyan oo qof, waxayna suuriyadda xorriyaddeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska 17-kii bishii, sanadkii 1946. Dadka ku nool dalkan boqolkiiba 80 in ka badan ayaa carab ah, halka ku dhowaad boqolkiiba 10-na ay Kurdi yihiin, inta kalena waa qowyado isku jir ah oo ay kamid yihiin calawiyiinta ay ka soo jeedaan Bishaar Al-assad iyo Aabbihiis Xaafid Al-assad oo 54-tii sanoo la soo dhaafay dalka xukumayay. Dhanka diimaha dadka Suuriyaanka ah 74% waa muslim Sunni ah,13% waa calawiyiin iyo Shiico kale oo caqiido ahaan iska ag dhow, 10% waxay haystaan diinta kiristaanka ama masiixiga, halka 3% ay rumaysanyihiin madhabka loo yaqaanno “Druze”, waana koox isku magacowday muwaxiduun oo badankoodu carab ah, balse aaminsan caqiidooyin qadiimi ah. Suuriya markii ay madax-bannaanida qaatay sanadkii 1946 illaa haatan waxaa soo maray 6 hoggaamiye oo intooda badan ku yimid afgembiyo militari iyo xukun isku dhiib aan doorasho iyo rabitaan dadweyne ku salaysnayn, waxaana ugu horreeyay Shukri Al-quutali. Wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Suuriya xorriyadda ka dib, waxa uu ku dhashay magaalada Dimishiq sanadkii 1891-dii, waxana uu ahaa mid ka mid ah hogaamiyayaasha ugu caansan ee dhaqdhaqaaqyadii halganka u galay xorraynta dalka. Shukri Waxa uu dalka madax noqday laba xilli, asagoo markii ugu horraysay madaxweyne noqday markii uu dalku xorriyadda qaatay, balse waxaa xilka looga tuuray afgambigii Xusni al-Zaim oo dhacay1949-kii, ka dibna wuxuu 1955-tii xukunka ugu soo noqday doorasho dadweyne, balse wuxuu hoggaaminta uga tanaasulay madaxweynihii Masar Jamaal Cabdinaasar markii ay labada dal midoobeen sanadkii sanadkii 1958-dii, waxayna dowlad isku ahaayeen taniyo 1961-dii. 2) Adib Shishakli Ninkani wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan militariga oo hogaaminayey 5 afgembi oo ka dhacay dalka Suuriya, waxa uuna hormuudka ka ahaa labo afgambi oo uu ugu caansanaa Xusni Alzaim ee dhacay 1949, asagoo xukunka hayay muddo 239 maalmood ah intaan afgembi kale dhicin 1951-dii. 1953-dii ayuu mar kale afgembi milatari xukunka ku qabsaday,waxaana uu soo rogay nidaam hal xisbi kaliya ah ,waxana uu la kulmay mucaaradad xoogag illaa ugu dambeyn doorasho looga guulaystay, taas oo uu ku soo baxay Shukri Al-quutali, waxana lagu dilay dalka Brazil 1964-kii. 3) Amiin Al-Xaafis Ninkani wuxuu ahaa sargaal ka tirsan ciidamada, wuxuuna markii dambe noqday mid kamida hoggaamiyaashii ugu caansanaa Xisbiga Bacas ee Suuriya, sagoo xukunka qabsaday 1963-kii, waxa uuna taageeray in la xoojiyo awooda xisbiga talada haya, balse 3 sano ka dib waxaa 1966-dii xukunka looga tuuray afgambi uu hogaaminayay saaxiibkiis Saalax Jadiid, xabsiga ayaana loo taxaabay. 4) Nour al-Diin al-Atassi Ninkani markiisii hore wuxuu ahaa dhaqtar iyo siyaasi ka mid ah madaxda garabka bidix ee Xisbiga baad, waxa uuna xukunka qabtay ka dib afgambigii Saalax Jadiid, waxaana loo magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, balse 4 sano ka dib waxaa 1970-kii xukunka ka tuuray Hafez al-Assad oo hormuud u ahaa afgembi loogu magac daray sixid maamul , Hafez Al-assad wuxuu ahaa Aabbaha dhalay Bishaar Al-assad, kaas hoggaanka hayay taniyo sanadkii labadii 2000, waana hoggaamiyihii ugu xukunka dheeraa, kaas oo 30 sano kursiga ku fadhiyay ilaa geeridiisa. Hafeze Al-assad markii uu geeriyooday waxaa talada dhaxal ahaan ula wareegay Wiilka ku jira da’da 3-aad ee carruurtiisa oo ah Bishaar Al-assad, kaas oo 2000-dii illaa 2024 xukunka ku haysay gacan bir ah iyo qalbi aan damqan, balse ugu dambeyn 8-dii bishan talada ay ka fara maroojiyeen xoogagga Mucaaradku hadda Ruushka qaxooti ku ah. Source: goobjoog.com
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta ka furmay Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), waxaana shirka furay madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Md. Cali Daahir Ciid. Shirkan ayaa waxaa goobjoog ah wakiilo ka ka socday Dowladda Federaalka, Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, Gobolka Galgaduud, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee ka jira gudaha Soomaaliya, maadaama ay jiraan daruufo adag oo nololeed. Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin oo madasha ka hadlay ayaa ugu horeyntii ka qayb-galayaasha ku soo dhaweeyay shirweynahan oo saddexdii biloodba mar qabsooma. Maxamuud Macallin ayaa si kooban kaga war-bixiyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka isagoo xusay sida ay lama-huraan u tahay in shirkaan muhiimka ah ay ka soo baxaan qodobbo wax-ku-ool ah. “Waxaan ka wada-hadli doonnaa xaaladda hadda jirta ee ku aaddan dhibaatada bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaan xaladda La Nina iyo saameynta taban ee la filaayo inay ku yeelato dalkeenna sanadka foodda nagu soo haya ee 2025. Hadafkeenna ayaa ah mideynta dadaalkeena si aan si fir fircoon ugu taageerno dadka ay dhibaata abaartu saameyn karto. Waxaan diiradda saari doonnaa baahiyaha iyo jawaabaha bani’aadannimo ee 2025 (HNRP)” ayuu yiri guddoomiyaha Hay’adda SoDMA. Madasha ayaa isu keentay daneeyayaasha muhiimka ah si wax looga qabto caqabadaha bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.
  9. Xiisad dagaal ayaa mar kale ka taagan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaaag kadib dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xalay laga dareemay magaalada. Ciidamo ka tirsan labada dhinac ee Somaliland iyo SSC-khaatumo oo ku kala sugan xaafadaha waqooyiga iyo koonfurta Ceerigaabo ayaa saaka samaynaya dhaq dhaqaaqyo sida ay sheegayaan goob-joogayaal. Inta badan shacabkii ku noolaa labada dhinac ee magaalada Ceerigaabo ayaa dhawaanahan isaga baxayay kadib markii ay soo wajahday cabsi dagaal waxaana guul-darraystay isku dayo lagu doonayay in waan-waan lagu dhammeeyo xiisadda. Xiisadda Ceerigaabo ayaa timid kaddib markii ciidamada Somaliland dad rayid ah ku dileen weerar ay ku qaadeen xaafadaha ay magaalada ka deggan yihiin dadka Reer SSC taasi oo horseedday in ciidamada Khaatumo la wareegaan amniga shacabkii la soo weeraray. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka taagan Ceerigaabo iyo inta badan shacabkii oo ka baxay magaalada appeared first on Puntland Post.
  10. Kooxda difaaca rayidka ah ee Suuriya ee loo yaqaan Koofiya Cad ayaa sheegay in ay baarayaan warar laga helay dadkii laga badbaadiyay xabsiga caanka ah ee Saydnaya oo ah in dadka lagu hayo qolal qarsoon oo dhulka hoostiisa ah. Qoraal ay kooxdu ku baahisay barta X, ayaa lagu sheegay in ay xabsiga u direen shan xubnood oo ka mid ah “kooxaha gargaarka degdega ah” kuwaas oo uu caawinayo hage aqoon u leh xabsiga iyo sida dadka loogu xiro. Saydnaya ayaa ka mid ah xabsiyadii dadka laga sii daayay markii ay jabhaduhu la wareegeen talada dalka maalintii shalay. Maamulka gobolka Dimishiq ayaa sheegay in ay sii socdaan dadaallada lagu soo deynayo maxaabiista, kuwaas oo qaarkood “ku dhawaaday in ay u dhintaan” hawo la’aan. Qaran News
  11. Kismayo (HOL) — Jubbaland Minister of Security, General Yusuf Hussein Osman Dhumaal, has rejected accusations from the Federal Government that two Ethiopian planes carrying weapons landed in Kismayo on Saturday. Source: Hiiraan Online
  12. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex-maray gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac uu iska hor imaad ku dhex-maray bartamaha magaalada, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, maadaama ay ahayd xilli habeen ah. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kuna aadan dagaalka xalay ku dhex-maray magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, isla markaana ciidamo iyo gaadiid dagaal ay gaareen halkaasi, taas oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kacsaneyd xaaladda, waxaana jiray dibadbaxyo ay dhigeen shacabka oo looga soo horjeeday dilal ka dhacay degmadaasi oo ay SSC ku eedeysay ciidamada Somaliland. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay Somaliland ka bixisay eedeynta loo jeediyay ee xiisadda ka abuurtay halkaasi Dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo dhowaan isbeddal uu ka dhacay Somaliland, kadib markii la doortay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxaase ay u muuqataa in weli xiisadda labada dhinac ay kasii socoto halkeeda.
  13. Madaxweynihii hore ee Ghana John Dramani Mahama ayaa guul soo laabasho oo taariikhi ah ka gaaray doorashadii Axadda ka dib markii cod-bixiyeyaashu ay u muuqdeen kuwo ku ciqaabaya xisbiga talada haya ee New Patriotic Party sida uu u mamulay dhaqaale xumida dalka. Madaxweyne ku xigeenka xisbiga NPP Mahamudu Bawumia ayaa Axaddan qirtay guuldaradii ka soo gaartay doorashadii madaxtinimo ee dhamaadka toddobaadka ka dib markii ay ku guuldarreysteen inay wax ka qabtaan niyad jabka baahsan ee ka dhashay qiimaha sare ee nolosha. Guuldaradii ka soo gaartay doorashadii Sabtidii ayaa soo afjartay sideed sano oo uu xukunka hayay xisbiga NPP ee uu madaxweynaha ka ahaa Nana Akufo-Addo, ee dalka ku yaala galbeedka Afrika oo soo wajahday dhaqaala xumadii ugu xumayd muddo sanado ah, sicir barar sare, iyo deyn bixin. Mahama, oo ahaa madaxweynihii 2012-2017, waxay u ahayd isku daygii saddexaad ee uu ku doonayo in uu dib ugu soo ceshado jagada ugu sarreysa qaranka ka dib markii uu hoos u dhacay doorashooyinkii 2016 iyo 2020. “Dadka Ghana way hadleen, dadku waxay u codeeyeen isbedel xilligan, waanan ku ixtiraamaynaa,” Bawumia ayaa hadlakaasi ku sheegay shir jaraa’id isagoo ay garab taagnaayeen mas’uuliyiinta xisbiga. Taageerayaasha Mahama ayaa durba ku damaashaaday bannaanka xarunta ololaha xisbiga ee caasimadda Accra, iyagoo yeerinaya hoonka baabuurta, islamarkaana lulaya calamo. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Ghana John Dramani oo soo laabasho taariikhi ah sameeyay appeared first on Puntland Post.
  14. Mogadishu (HOL) — Somalia has reiterated its warning to Ethiopia, accusing its neighbour of undermining Somali sovereignty through arms smuggling and militia recruitment. The allegations mark a new flashpoint in regional tensions as Mogadishu struggles to consolidate security and governance. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — Frustration spilled into the streets of Hargeisa as residents protested Mayor Abdikarim Ahmed Mooge, accusing him of failing to fulfill his 2021 campaign pledges to green the city, build paved roads, and create safer pathways for pedestrians and cyclists. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku janjabay inuu isaga ururka gaashaanbuurta NATO haddii dalalka xubnaha ka ahi ay bixin waayaan dhaqaalaha looga baahanyahay. ” Waa inay bixiyaan biilasha, xaqiiqdii waxaan ka fiirsan lahaa in Maraykanku ka baxo isbahaysiga ilaa xubnuhu noola dhaqmaan si caddaalad ah” ayuu yiri Donald Trump oo ka hadlayay arrimaha ururka NATO. Donald Trump ayaa muddo xileedkiisii horay ka baxay heshiisyo waaweyn oo caalami ah, asagoo sheegay in danaha Mareykanka uu wax walba ka hormarin doono, hadda’se lama oga tillaabada xigta hadalkan adag ee uu u jeediyay xubnaha xulafada NATO oo washington ay ciidanka ugu badan iyo dhaqaalaha ugu xoogganba ku bixiso. Source: goobjoog.com
  17. Mogadishu (HOL) — The Somali Federal Government has announced that a group of soldiers previously loyal to Jubbaland has defected to the Somali National Army (SNA). The troops were unveiled during a public ceremony in Beled Hawo, a contested district in the Gedo region. Source: Hiiraan Online
  18. EXCLUSIVE: British boxer, model and campaign activist Ramla Ali is launching film and TV production company 786 Entertainment, which has the backing of Saudi Prince Faisal Al Saud. Source: Hiiraan Online
  19. The Pastoralist Leadership Summit (PLS) officially commenced today in Wajir County, bringing together leaders and stakeholders from 15 other pastoralist counties across Kenya. Source: Hiiraan Online
  20. Hamsa Abdi Barre, the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, unveiled the Somali Justice System Strategy 2025-2029, under the theme "Building an Equal Justice System with Transparency, Access, and Accountability." Source: Hiiraan Online
  21. A total of 117 officers from the Uganda Police Force, including 32 women, have commenced pre-deployment assessment tests in preparation for the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM). This is to ensure that the deployment aligns with AU standards and objectives. The assessments include reading comprehension, report writing, driving, and shooting skills. Source: Hiiraan Online
  22. There were emotional scenes at the airport in the Somali capital as they were reunited with their families. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) — The Somali Federal Government has announced that a group of soldiers previously loyal to Jubbaland has defected to the Somali National Army (SNA). The troops were unveiled during a public ceremony in Beled Hawo, a contested district in the Gedo region. Source: Hiiraan Online
  24. Somalia on Friday accused Ethiopia of interfering in its southern Jubaland region, the latest upset in a nearly year-long bitter dispute between the two nations. Source: Hiiraan Online
  25. Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay la soo bandhigay sheekooyin naxdin leh oo ka tarjumaya xadgudubyadii lagu sameeyay dad rayid ah oo xoog lagu qafaashay laguna xiray xabsiyo qarsoodi ah oo ku yaalla Suuriya, gaar ahaan caasimadda Dimishiq. Dadkaas oo ay tiradoodu gaaraysay boqolaal qof ayaa sanadihii la soo dhaafay ku jiray xabsiyo lagu ciqaabo dadka lagu eedeeyo inay ka soo horjeedaan nidaamkii talada hayay ee Bishaar Al Asad. Xogaha la helay ayaa muujinayay in maxaabiistaan lagu hayay xaalado daran oo bani’aadamnimada ka baxsan. Qoysaskooda kama aysan warqabin halka lagu hayo, waxaana badankood loo maleeyay in la dilay. Mid ka mid ah maxaabiistii lasoo badbaadiyay ayaa sheegay: “Waxaa la iga soo qafaashay gurigayga, anigoo aan cidina i ogeyn. Qoyskeyguna waxay u qaateen inaan dhintay. Sanado ayaan ku qaadanay xabsiga iyadoo aan cidna war naga hayn.” Maalmihii ugu dambeeyay ee uu dagaalka Suuriya socday, xoogagga mucaaradka ah ee kasoo horjeeda nidaamka Bashar al-Assad ayaa galay xabsiyo badan oo ay maamulayeen ciidamada dowladda. Howlgallo ay sameeyeen mucaaradka ayaa lagu sii daayay dad badan oo maxaabiis ah. Xog cusub oo soo baxday ayaa muujisay in qaarkood si lama filaan ah Mucaaradku ay u badbaadiyeen xilli dil toogasho ah loo diyaarinayay oo saacado uun ka hareen. Mid ka mid ah ragaas badbaaday ayaa sheegay in 54 qof oo ay hal meel ku wada xirnaayeen in la toogan rabay maalintii Sabtida. Isagoo taagan bartamaha Dimishiq ayuu yiri: “Waxaan ku dhaaranayaa Allaah, aniga iyo ninkaan ila taagan waxaa nala deldeli lahaa 30 daqiiqo kahor. Mucaaradka ayaa soo galay oo xabsiga naga soo badbaadiyay.” Source: goobjoog.com