-
Content Count
211,311 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weynna ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo fursad siinta shirkadaha waaweyn ee caalamka ah si ay ugu soo dhiirradan maalgashiga dalkeenna. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda lagu dhagax-dhigayey mashruucan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee soo hindistay aragtidaan casriga ah ku bogaadiyey daddaallada ay ku bixinayaan kobcinta dhaqaalaha, dib u yagleelidda quruxda caasimadda, magaca iyo wajiga cusub ee dalkeenna si uu caalamku u arko wax qabsigeenna, taas oo door ka qaadaneysa in Soomaaliya ay ku soo hirtaan ganacsato badan oo heer caalami ah. “Gobolka Geeska Afrika Dalkeenna ayaa ugu mustaqbal fiican, isaga ayaana hoggaamin doono mustaqbalka, maalgashi marka laga hadlayana mustaqbalka ayaa diirradda la saara howl maanta taagan ma’ahan waxa xoogga la saarayo arrin fog, taas oo qaadan karto sannado, Soomaaliya maanta waxa ay cagta saartay dhabbaha horumarka, iyada oo ka soo kabaneysa marxaladihii adkaa ee uu soo maray dalkeenna.Waa hubaal in guulaha aan gaarnay ka badan aan xaqiijin karnay laga soo billaabo 2000, balse caqabado waaweyn ayaa jiray oo mar kasta dib inoo dhigayey.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda uu hoggaamiyo ay ahmiyad weyn siineyso maalgashiga, si dalkeenna uu u gaaro isku filnaasho dhaqan-dhaqaale oo waara, isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed ee dibadaha maalgashada ku booriyey in ay dalkooda maalgeliyaan si dadka Soomaaliyed ay ula tartamaan ummadaha horumaray. “Soomaaliya Maanta waa meel ay maalgashadayaasha caalamku ay ku tartamayaan sidii ay u soo wada aadi lahaayeen, mashruucyada heerka caalami ah ee hakadka ku jira waxaa ka mid ah maalgelinta hooteelo waaweyn, suuqyo casri ah, dekado, garoomo diyaareed iyo kheyraadka Dabiiciga ah, dowladda Soomaaliyana inta badan waa dhammeystirtay sharciyadii lagu hagi lahaa ee damaannad qaadayey maalgashigooda, waxaana ku dhiirrigelineyna ganacsatadeenna in ay aaminaan dalkooda oo fursadaha jira ka faa’iideystaan” Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay caqbadaha ku gedaaman horumarka, taas oo lid ku noqon karta sharciga dalka u degsan, dhaqankeenna suuban iyo khiyamka bulshada ee aan kaga tilmaaman nahay ummadaha kale, ayaa ganacsatada uga baaqay in ay iska ilaaliya wax kasta oo dhaawici karo diinta. “Dowladnimada waxaa aas-aas u ah in dadka waxa ay leeyihiin u ilaaliso ay ku taagan yihin ummadda jiritaankeeda sida diinta, dhaqanka suuban, afka, difaacdo xuuquuqdooda iyo in ay adeegyo u fidiso sida caafimaad, waxbarasho, biyo, koronto iyo xqaiijinta amniga muwaadinka” Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda uu leeyahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed maalgelinta mashruucaan weyn ee Gateway ayaa ganacsatada hirgelineysa ku adkeeyey in ay si deg deg ah u soo dhammeytiran qorshaha dhismahaan ka kooban qeybaha kala duwan, sida Hoteel casriya, suuq, isbitaal, maasaajid, hool Shirar caalamiga ah martigeliya iyo goobo kale oo heer sare ah. Source: goobjoog.com
-
Asalaamu Calaykum Waxaa sharaf weyn ii ahayd inaan maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal “Cirro” oo aan kula kulmay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeisa. Madaxweynaha waxaan warbixin buuxda ka siiyay shaqada aanu Qaranka u hayno iyo guud ahaan shaqada iyo qorshayaasha noo degsan. Madaxweynuhu wuxuu igu hoga-tusaaleeyay inaanu sii laban-laabno dedaalka shaqada Qaranka. Kulankaas waxaa nagu wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Ambassador Maxamed Cali aw Cabdi iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Khadar Xuseen Cabdi. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Hargeisa. Jamhuuriyada Somaliland Qaran News
-
Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka. Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa la Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan. Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Sharcigu waxa uu soo jeedinayaa in Maraykanku si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal gooni ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya. Waa kumaa Scott Perry? Qoraalka sawirka,Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejint Scott Gordon Perry wuxuu dhashey 27 May, 1962, waa siyaasi Mareykan ah iyo khabiir dhanka militariga ah oo howlgab ah. Scott wuxuu ku dhashay San Diego, Awowayaashii Scott waxay ahaayeen muhaajiriin ka yimid waddanka Colombia. Hooyadii waxay ahayd shaqaale diyaaradeed waxaana aabihii iyo hooyadii ay kala tageen isaga oo si aad ah u yar oo dhaw sano jir ah. Wuxuu 1991-kii ka qalin jabiyay Jaamacadda Gobolka Pennsylvania oo uu ka bartay cilmiga maamulka iyo maareynta ganacsiga. Sannadkii 2012, waxa uu shahaadada Masterka ee qorshaynta istiraatijiyadeed ka qaatay Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka. Sannadkii 2006, wakiilka gobolka Bruce Smith ee degmada 92aad ee Aqalka Pennsylvania ayaa go’aansaday inuu siyaaadda ka fariisto. Perry wuxuu ku guuleystey doorashadii hordhaca ah ee Jamhuuriga isagoo helay 41% cod .Wuxuu ku guuleystay doorashadii guud isagoo helay 71% codadka, wuxuuna xilka qabtay Janaayo 2, 2007. Sannadkii 2008, Perry ayaa mar labaad loo doortay iyada oo aan lala tartamin. Sannadkii 2010, ayaa mar saddexaad loo doortay iyada oo aan cidina la tartamin. 2012, Perry wuxuu ka tanaasulay kursigiisii aqalka heer gobolka si uu ugu tartamo degmada 4-aad ee congress-ka islamarkana u aqalkaas ugu biiro. Degmadu waxay hore u ahayd degmadii 19-aad, oo uu matalo murashaxa xisbiga Jamhuuriga ah ee Todd Platts. Ku biiridiisii militariga Perry waxa uu bilaabay adeegiisa milatari markii uu ku biiray ciidanka 1980. Waxa uu ka qayb galay tababarka aasaasiga ah ee Fort Dix, New Jersey, waxana uu ka qalin jabiyay Tababar Shakhsiyeed Sare oo ka dhacay Fort Belvoir, Virginia, isaga oo ah khabiir farsamo qoris ah. 2011, waxa loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare, waxa uu noqday Taliyaha Xarunta Tababarka Qaranka ee Fort Indiantown Gap, waxaana loo doortay in uu dhigto Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka , kaas oo uu ka qaatay Shahaadada Master-ka ee Daraasaadka Istaraatiijiga ah. Scott iyo xaaskiisa, Christy, ayaa waxa ay haystaan labo gabdhood oo ay aad ugu faanaan. Scott Gordon waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday dalka Ciraaq kaasi oo xukunka looga tuuray saddaam Xuseen. 2009-2010, Perry wuxuu abaanduule u ahaa Guutada 2aad, Guutada 104aad ee Duulaankii ciraaq. markii uu dagaalkii Ciraaq ka soo laabtay ayaa waxaa Scott Gordon loo dalacsiiyay darajada Korneel. Scott Gordon Perry waxaa si aad ah isugu dhaw yihiin madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha Wakiilka uga ah Geeska Afrika Mudane Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha,siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbrashada si loo kobciyo danaha ay wadaagan Soomaaliya iyo Shiinaha. Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi karaan Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsan tahay la falgalidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah. Dhankiisa, Danjire Xue Bing ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee amniga, la dagaallanka argagixiasa iyo xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, taas oo ku saleysan daris wanaag, is ixtiraam iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka Gobolka. Source: goobjoog.com
-
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Xubnaha Wafiga oo ka kooban Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS,Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Mudane Ilyaash Sheekh Cumar, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa Waxaa kusoo dhaweeyay garoonka shaati gadiid ee Magaalada baydhabo Xubno ka socda bahda Cadaaladda Koonfur Galbeed oo uu horkacayay Wasiirka Cadaaladda Maamulka Mudane Cabdulqaadir yuusuf Cabdi nuur. Ujeedka safarka ayaa ah ka qeybgalka xafladda howlgelinta xabsiga cusub ee Baydhabo, howlgalinta xabsigan ayaa qeyb ka ah dadaallada dib-u-habeynta adeegyada Asluubta iyadoo la xaqiijinayo xuquuqda maxaabiista lana tayeynayo xarumaha lagu xannaaneeyo eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha. Source: goobjoog.com
-
Talihii ciidanka ilaalada Shucaaca Nuclear-ka iyo hubka kiimikada ah Lieutenant Jeneraal, Igor Kirillov ayaa ku geeriyooday qarax mooto loo adeegsaday oo ka dhacay dhismo ku yaalla gobolka Ryazansky Prospekt, sida uu xaqiijiyay guddiga baaritaanka Ruushku. “General Igor Kirillov iyo kaaliyihiisa waa la dilay, “ayaa lagu yiri war ka soo baxay guddiga baaritaanka Ruushka, waxaana walxaha qarxa ee dilkooda loo adeegsaday lagu sheegay in awooddoodu ay gaaraysay ilaa 300 garaam oo TNT, sida laga soo xigtay sargaal sare oo oo masuuliyiinta Ruushka ka mid ah. Sawirro la soo galiyay kanaalada Telegram-ka ee wakaallada wararka ee Tass oo Ruushka laga leeyahay ayaa muujinaya albaabka laga galo dhismo burbursan oo ay ka buuxaan burbur iyo laba mayd oo goobta yaalla, lamana oga cidda ka dambaysa falkan. Source: goobjoog.com
-
Senator Cabdi Ismaaciil Samatar: “Taariikhda ayaa nacaladda ummadda illowda taariikhdeeda.” Muqdisho (Wararka PP) — Dr Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Senataor ka tirsan Aqalka Sare waxna ka dhiga Jaamacadda Minnesota ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu oggolaaday in Soomaaliya illowdo taariikhda kala dhexeysa Itoobiya. “Taariikhda ayaa nacaladda ummadda illowda taariikhdeeda” ayuu Senator Samatar yiri. Senator Samatar wuxuu kale oo ku dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh qodob ka mid ah heshiiska Ankara oo faraya Soomaaliya inay qirto dhiigga Itoobiya, oo ka mid ah ciidammada nabad-ilaalinta, u hurtay Soomaaliya. “Waxay ku tusaysaa dadka shirka Ankara nooga qeybgalay inuu wax ku dhacay garaadkooda ama inay illoobeen wixii soo kala dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Su’aalo badan ayaa ka dhashay qodobkaas. Waxaa meesha laga saaray gaboodfalladii ciidammada Itoobiya ka geysteen Soomaaliya 2007-2009. Ciidammada Itoobiya waxaa Soomaaliya lagaga saaray heshiis dhexmaray Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde 2008 iyo ururkii Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya (ARS) iyo dowladdii ku meelgaarka ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde. © Puntland Post, 2024 The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeeyey inuu aasay taariikhda ka dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
A map of Taleh Hotel in Mogadishu. Mogadishu (PP News Desk) — The Mogadishu Police today carried out eviction orders at the premises of Taleh Hotel, which squatters had turned into a residential neighbourhood in 1991 after the collapse of the central government. The eviction order affected more than 300 families who had been living on plots of land that once belonged to Taleh Hotel, previously under the Ministry of Tourism. Unconfirmed reports indicate that the Mogadishu Municipality gave each family US$3,500 to relocate. The spate of evictions enforced by the Mogadishu Police began with the eviction order at the Dabdamiska (Fire Brigade) site in South Mogadishu. Opposite the Taleh Hotel premises lies the Mogadishu fairgrounds (Fiyooraha), where squatters have turned pavilions into houses. A similar eviction order could be enforced at the fairgrounds. A land law lecturer in Mogadishu told Puntland Post that any plot of land used to build illegal housing will face demolition. “The evictions and demolition orders will affect many neighbourhoods in South Mogadishu,” the lawyer said. © Puntland Post, 2024 The post Mogadishu Police Evict 300 Families from Former Taleh Hotel Site appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo dhawaan la wareegay xilka ayaa lugaha la galay fadeexad horleh oo dhanka sharciga ah, sida ay qabaan sharci-yaqaannada ku sugan Somaliland. Cirro oo maalmo kahor magacaabay golihiisa wasiirada ayaa kusoo darey liiska wasaarado cusub, halka uu baabi’iyey hay’ado horey u jirey uuna ka dhigay wasaaraddo, sida hay’addii qaxootiga iyo tii duulista hawada ee Somaliland. Garyaqaan Guuleed Dafac oo kamid ah garyaqaanada waaweyn ee Somaliland ayaa tallaabooyinkan ku tilmaamay sharci jebin uu ku kacay madaxweynaha, isagoo ku dhaliilay inuu leexsanayo awooddii golaha wakiiladda, oo aheyd in loo gudbiyo xeerarka wax ka beddelka lagu sameynayo, uuna soo ansixiyo. Tan ayaa muujineysa in madaxweynaha uusan laheyn sharci-yaqaano la-taliya ama ka ilaaliyo qaladaadka noocaan ah, oo lagu sifeeyay “ku tumasho sharci iyo dastuur jabin”, maadaama uu yahay masuulkii u sareeyay ee Somaliland ee ilaalin lahaa xeerarka iyo sharciyada u degsan maamulka. Hoos ka aqriso qoraalka Garyaqaan Dafac Madaxwaynuhu waxa uu magacaabay laba wasaaradood oo kal ah 1) Wasaaradda Amniga Gudaha; iyo 2) Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka. Markaas, midkoodna ma aha Wasaaradda Arimaha Gudaha. Markaa, waydiintaadaas loo heli maayo jawaab oo maba hayno wasaaraddii arimaha gudaha. Waa arin keenaysa mad-madow sharci iyo muran xagga xilka ah (conflict of mandate). Waxa ay ahayd in madaxwaynuhu qaado sadexdan tallaabo oo is barbar socda: 1. In ay jirto wasaarad wadata magaca Arimaha Gudaha maadaama oo ay ku jirto dastuurka. 2. In uu soo saaro qoraal uu ku kala caddaynayo xilka wasaaradaha cusub ee uu magacaabay ee aan hore u jirin. 3. Inuu u gudbiyo Golaha Wakiiladda soo jeedin wax ka bedel xeerarka ay taabanayso abuurista wasaaradaha cusub. Tusaale ahaan, Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinku waxa uu yaqaan wasaaradda arimaha gudaha oo u xilsaaran arimaha amniga gudaha iyo xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka. Xeerka kala xaddaynta nidaamka xukuumadda ayaa ka mid ah xeerarka kale ee ay arinkani saamaynta ku leedahay. Saddexdaasi inay isbarbar socdaan ayay ahayd.
-
Wadatashiga uu Firdhiye diiday wuxuu sababi lahaa in xog buuxda laga helo dhibaatada soo gaartay dadka SSCK ka soo jeeda ku nool Ceerigaabo. Laascaanood (Faallo) — Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) hoggaamiyaha maamula ku meelgaarka ah ee Sool, Sanaag iyo Ceyn ee SSC-Khaatumo wuxuu baalmaray habkii go’aan qaadashada oo asaas ah maamulka. Kal hore sanadkan markii Axmed Karaash isku dayay in colaad ka alooso Cerigaabo, mabda’a colaadda laga hortagay waxaa qeexay Garaad Cabdullaahi Garaad Garaad Saleebaan. “Marnaba ku maynan baaqin colaad ka dhacda Ceerigaabo xitaa markii dagaalkii Laascaanood uu socday” ayuu yidhi Garaad Cabdullaahi oo beeshiisu degto Ceerigaabo. Hadalka Garaadku wuxuu soo afjaray qorshishii Axmed Karaash. Dhowaan markii dhallinyaro xilkasnimo-daran ay dadka SSCK ka soo jeeda dhac iyo dil ugu geysteen Ceerigaabo ayuu Firdhiye ku baaqay tallaabo ciidan isaga oo aanan shirinin Golaha Dhaqanka ee SSCK iyo Baarlamaanka SSCK. Firdhiye muu hayo xog ballaaran ku saabsan dhibta soo gaartay ama lagu hayo dadka SSCK oo ku nool Ceerigaabo oo uu maamulka Somaliland uu ka taliyo. Garaad Cabdullaahi Garaad Garaad Saleebaan: ”Marnaba ku maynan baaqin colaad ka dhacda Ceerigaabo xitaa markii dagaalkii Laascaanood uu socday.” Waxaa xusid mudan in Madaxdhaqameedka Beesha West Burco Clan ay garawshiiyo ka muujiyeen wixii loo geystay dadka SSCK oo ku nool Ceerigaabo heshiiskii 1995kii dhacay awgiis. Caddeyn ka wanaagsan ka hadalka odayaasha West Burco Clan ma jirin. Way jireen odayaal reer SSCK oo xusuusiyay maamulka Somaliland waajibka ka saaran dhowrista xaqa dadka SSCK kula nool Ceerigaabo dadka kale. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa ku eedeeyay Firdhiye inuu qeyb ahaan ka mas’uul yahay ismaandhaafka ka dhex jira Puntland iyo SSCK. Maamulka SSCK wuxuu baaq u jeediyay beesha caalamka ka sokow colaadda dadban uu Firdhiye ku baaqay. Wadatashiga uu Firdhiye diiday wuxuu sababi lahaa in xog buuxda laga helo dhibaatada soo gaartay dadka SSCK ka soo jeeda ku nool Ceerigaabo. Firdhiye colaad wuxuu u arkaa xaalad uu kaga dhuuman karo go’aan qaadasho xukuumadiisa iyo u nuglaantiisa kooxo gaar ah oo kula taliya inuu diido wadatashi. Dhowaan wuxuu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ku eedeeyay Firdhiye inuu qeyb ahaan ka mas’uul yahay ismaandhaafka ka dhex aloosan Puntland iyo SSCK. Barlamaanka SSCK ayaa eedda wax ku leh oo oggolaaday in Firdhiye soo jeediyo khudbado dhalin kara colaado aan loo baahnayn. Waa in madaxdhaqameeedka SSCK ay xakameeyaan maamulka Firdhiye uu hoggaamiyo oo doonaya inuu awoodda ku sii haysto aloosidda colaado aan ahayn kuwo ku salaysan is difaac. W.Q. Siciid M. Sheekh Cali Aragtida falladani cabbirayso waxay gaar u tahay qoraha. The post Firdhiye oo Baalmaray Wadatashiga Asaaska U Ah SSCK appeared first on Puntland Post.
-
Moscow (Caasimada Online) – Barta ay madaxtooyada Suuriya ku leedahay Telegram-ka ayaa la soo dhigay qoraal loo aaneynayo inuu ka yimid Bashaar Al-Asad, oo haatan ku sugan Ruushka. Sida lagu sheegay bayaanka la sheegay inuu ka yimid madaxweynahii Suuriya ee la afgambiyey, Assad ayaa sheegay in ka bixitaankiisa Suuriya aanu ahayn mid qorshaysanaa, isagoo xusay inuu dalkaas ku sugnaa ilaa saacadihii hore ee Axadda, December 8, 2024. Bayaanka ayaa lagu sheegay in Assad uu markii hore u baxay Latakia isagoo kaashanaya Ruushka oo ay xulufo yihiin, isagoo xusay in subaxnimadii Axadda markii uu gaaray saldhigga ciidamada cirka ee Hmeimim ay caddaatay in ciidankiisa ay gebi ahaanba isaga baxeen dhammaan jiidaha hore ee dagaalka, iyo in ciidamadii ugu dambeeyay la jabiyay. Bayaanka ayaa xusay in Assad uusan marnaba ka fikirin waqti kasta inta lagu guda jiray xaaladdaasi is-casilaad ama magangelyo-doon, laakiin qorshihiisu ahaa in uu sii wado dagaalka ka dhanka ah wuxuu ugu yeeray “weerarada argagixisada.” Qoraalka ayaa lagu bidhaammiyay in tan iyo maalintii ugu horraysay ee dagaalka, Al-Asad waxa uu diiday in uu ka tanaasulo badbaadinta dalkiisa isaga oo ku beddelanaya dano gaar ah ama dadkiisa oo uu ku beddesho dalabyo u imanayay. Warku waxa uu intaa ku daray in sanadihii la soo dhaafay uu Al-Asad ku sugnaa dalka Suuriya isaga iyo qoyskiisa oo ay garab taagan yihiin shacabka, iyagoo wajahaya argagixisada duqeymo iyo hanjabaado isdaba joog ah oo ahaa inay gudaha u soo galayaan caasimadda dalkaasi 14-kii sano ee dagaaladu socdeen. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Assad uusan jagada u doonan dano shaqsiyadeed darteed. Ugu dambeyntiina bayaanka loo nisbeeyey Assad, waxa uu sheegay in marka dawladdu ay gacanta u gasho argagixisada, jago kastaa ay noqoto mid aan qiimo lahayn, sida uu hadalka u dhigay.
-
Dowlad goboleedka Jubaland ayaa ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qalalaase amni ka waddo degaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Jubaland. War qoraal ah oo uu faafiyay Telefishinka Jubaland ayuu ku eedeeyay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh in ay qalqal gelin iyo furfurid ka waddo degaanno nabdoon oo ka tirsan Jubaland gaar ahaanna gobolka Gedo. “Eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wali wada kala furfurida iyo qalqal galinta amniga deegaanada nabada ah ee Jubbaland ayadoo la ogyahay Cawaaqiib xumada uu kala kulmay Dhalinyaradii uu kusoo qalday Deegaanka Raaskambooni” ayaa lagu yiri qoraalkaasi. “Dagmooyinka Gobolka Gedo ayeey Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa mar kale isku dayayaan in ay ka abuuraan qalalaaso amni taas oo keeni karta in amnigu uu faraha kasii baxo madaama saraakiishii loogu talagalay in ay sugaan amniga loo adeegsanaayo dano siyaasadeed” ayuu sio raaciyay qoraalka. Jubaland waxay sheegtay in Ciidamadii loogu talagalay in ay ilaaliyaan Nafta, maalka iyo Amniga Shacabka Soomaaliyeed ay Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa u adeegsanayaan in ay ku dumiyaan nidaam dowli ah oo dhisan mana ahan wax uu dastuurka dalka qabo. PUNTLAND POST The post Jubaland oo Villa Somalia ku eedaysay in ay qalalaase amni ka waddo gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
-
Somalia's breakaway region of Somaliland says its deal to give Ethiopia access to the Red Sea in exchange for recognition as an independent state still stands. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland Stands Firm on Ethiopia Deal Amid Regional Talks
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somaliland Stands Firm on Ethiopia Deal Amid Regional Talks Somali President hassan Sheikh Mohamud (L), Turkish President Recep Tayyip Erdogan (C) and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed(R) Somaliland has reaffirmed its agreement with Ethiopia granting the landlocked nation access to the Red Sea in exchange for recognition, despite the thawing of tensions between Somalia and Ethiopia. Somaliland’s special envoy to the African Union, Abdulahi Mohammud, emphasized the autonomy of Somaliland’s policies, stating, “The relationship between Somalia and Ethiopia, that is their business. We are minding our own business.” The memorandum of understanding (MoU) between Ethiopia and Somaliland, signed in January, offered Ethiopia sea access through Somaliland’s ports in exchange for formal recognition of Somaliland’s sovereignty. However, Somalia strongly opposed the deal, asserting that it infringed on its territorial rights and sovereignty. RelatedPosts West Africa Eyes Unity with $15.6 Billion Mega Highway Peace Talks Collapse Amid Escalating Tensions in Eastern DRC Erdogan Offers Mediation in Sudan-UAE Dispute Tensions over the agreement escalated earlier this year, leading to the expulsion of Ethiopia’s ambassador from Somalia and the exclusion of Ethiopian troops from an African Union peacekeeping mission in Somalia. However, a breakthrough occurred last week, facilitated by Turkish mediation. In Ankara, Turkish President Recep Tayyip Erdogan announced the Ankara Declaration, a compromise between Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and Somali President Hassan Sheikh Mohamud. The declaration recognizes Somalia’s sovereignty over its ports while promising Ethiopia sea access through bilateral agreements and technical arrangements. Horn of Africa analyst Abdurahman Seid explained that technical talks are slated to begin in February and conclude within four months. “The meaning of technical arrangement is to discuss how the agreement will be implemented,” Seid noted, adding that these discussions aim to resolve lingering differences. Seid further suggested that the declaration signals the nullification of Ethiopia’s MoU with Somaliland. “[The Ethiopia-Somaliland] has become voided,” he said, as Ethiopia’s commitment to Somalia’s sovereignty undermines its earlier deal with Somaliland. Somaliland Insists MoU With Ethiopia Is Binding Despite these developments, Somaliland’s leadership insists that its agreement with Ethiopia remains valid. President Abdirahman Mohamed Abdullahi, who campaigned on promises to reassess the deal for greater transparency, reiterated his administration’s commitment to the MoU. “We have an agreement, a bilateral agreement on the basis of an MoU, it is standing. It’s between Somaliland and Ethiopia. What Ethiopia does with Somalia, that’s a completely different story,” Abdullahi stated. In his inaugural address, Abdullahi pledged to intensify efforts for Somaliland’s international recognition while ensuring that the deal aligns with the region’s strategic goals. “The previous administration has signed an MoU with Ethiopia, and we were pursuing, making sure [the MoU] is finalized legally,” he added. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but remains unrecognized by the African Union or the United Nations. The region sees recognition as critical to securing its sovereignty and boosting its economic prospects. Meanwhile, Ethiopia’s search for sea access continues. According to Seid, the Ankara Declaration could pave the way for Ethiopia to consider alternative ports in Somalia, including Berbera and Kismayo. “Now they will try to reach a new approach with Turkey mediation,” he said, though he acknowledged that building trust between Ethiopia and Somalia could be a lengthy process. Ethiopia’s need for port access is pressing, as trade facilitation remains a cornerstone of its economic strategy. However, achieving a sustainable agreement depends on fostering mutual trust. “Ethiopia should not be a threat for Somalia and Somalia should not be a threat for Ethiopia,” Seid remarked. The dynamics in the Horn of Africa remain fluid as Somaliland, Somalia, and Ethiopia navigate overlapping interests. Somaliland has reiterated that any external agreements will not deter its pursuit of recognition or its commitment to its deal with Ethiopia. Meanwhile, Somalia and Ethiopia’s reconciliation marks a significant step in easing regional tensions, though the implications for Somaliland’s ambitions remain uncertain. As technical talks commence early next year, the Horn of Africa faces a complex negotiation process that could reshape its political and economic landscape. Thevaultznews. Qaran News -
Madaxweynihii hore ee dalka Suuriya Bashaar Al-assad oo dhowaan isbahaysiga mucaaradku ay xukunka ka fara maroojiyeen, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay sidii uu magaala madaxda Dimishiq uga baxsaday intii aanay xoogagga mucaaradku la wareegin. Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inaanu si rasmi ah dalka uga cararin, balse uu u wareegay deegaanka Latakiya, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidanka Ruushku, hayeeshee asagoo saldhiggaas jooga ay dhammaan difaacayadoodii bannaaneeyeen ciidamadiisu, islamarkaana mucaaradku ay goob walba si buuxda ula wareegeen. Qoraalka uu soo saaray ayuu ku yiri “Dalka sidii la ii qorsheeyay kama tegin, waxaanan joogay Dimishiq ilaa subaxnimadii Axadda, 8-dii December , intaas ka dibna waxaan u guuray Latakiya aniga oo kaashanaya saaxiibada Ruushka si aan u sii wado dagaalka” Wuxuu intaas ku daray “markii aan imid saldhigga Hmeimim, waxaa caddaatay in dhammaan goobihii ciidanku ay dumeen , Saldhigga Hmeimim ee aan joogayna waxaa soo weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna saraakiishu ku qasbanaadeen inay u baxaan dhanka Ruushka”. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu weligiisba garab taagnaa kooxaha wax iska caabinta falastiin iyo Lubnaan, balse wuxuu sheegay in hadda madaxtinnimada Suuriya ay gacanta u gashay koox argagixiso ah, hoggaaminta dalkaasina ay macno beeshay. Bashaar Al-assad oo Suuriya hoggaanka u hayay taniyo sanadkii 2000, horayna Aabbibiis Xaafid Al-assad uu muddo 30 sano ah dalkaas maamulayay ayaa hadda ku sugan Ruushka, halkaas oo asaga iyo qoyskiisa laga siiyay magengalyo siyaasadeed. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka xafiiska baneeyey ee Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa ka warbixiyay heshiiskii is afgaradka ahaa ee xukuumaddii madaxweyne Biixi ay la gashay Itoobiya iyo halka ay ku danbaysay xilli Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Soomaaliya ay heshiis ka gaareen arrinkaas. Dr. Ciise-Kayd ayaa sheegay in nuqulladii heshiiskaas ay ku wareejinayaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Cirro si halkaas ay uga sii ambaqaadaan dhamaystirka heshiiska. “Heshiiskaas waxa uu quseynayay qiyamka dalka iyo umadda Somaliland, mana ahan wax si dhibyar u dhamaaday, isfahankii waa la saxiixay khubaro labada dhan ah ayaa shaqaynayay, waxyaabihii markii hore la saxiixay ayaa isku hagaajin u baahan, sidii labada dal iyo labada dadba uu ugu cuntami lahaa ayaynu ka shaqeenaynay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee xafiiska baneeyey ee Somaliland. Waxa uu intaa ku daray in isfahanka oo la doonayay in labada dhinacba ay ka faa’iidaan uu yahay mid dan ay ugu wada jirto, ayna haystaan sharciyad adag oo heshiiskaas ah aysanna jirin wax caqabad ah oo ku hor gudban. “Ma jiraan wax caqabad ah oo ku hor gudban heshiiskaas, annaga iyo Itoobiya xiriirkeenii sidii hore weeye, ka shaqaynta MOU-gaas iyo xeerarkii ku yaalay heshiisyadii iyo waxyaabaha aan u baahanahay inay ka muuqdaan ayuun baa la iskugu noqnoqonayay,” ayuu yiri Ciise Kayd. Dr Ciise Kayd ayaa sheegay in warqadaha heshiiskaas ay wasaaraddiisa ku wareejisay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, iyo xukuumaddiisa. “Waxaan ku wareejinay madaxweyne Cirro iyo xukuumaddiisa oo halkaas ka sii ambaqaadi doona iyaguna waxa ay is yiraahdaan ama ka badali doona ama ku kordhin doona,” ayuu raaciyay. Dhanka kale waxa uu ka dhawaajiyay in Somaliland uusan khusayn wada xaajoodkii todobaadkii hore dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara uuna dhex dhexaad ka ahaa madaxweyne Erdogan. “Kulankaas nama quseeyo Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay ku heshiiyeen ama aysan ku heshiin anaga nama quseeyo, dal xor ah ayaan nahay, aayahiisa ka tashada, oo baddiisa aan looga talin karin,” ayuu yiri Ciise Kayd. Dr. Ciise Kayd waxa uu xusay in aanay waxba ka jirin hadalka uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ee ah in Itoobiya ay ka laabatay isfahankii Somaliland iyo Itoobiya dhex maray. “Madaxbannaanida Soomaaliya waa wax u gaar ah anaga Somaliland ayaa nahay, marka Muqdisho ayaga xor ha ka noqdaan argagaxisada, marnaba awood umaleh in uu ka taliyo ama uu sheegto badda iyo dhulka Somaliland,” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda xafiiska sii banaynaya ee Somaliland. Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in tan iyo markii ay Itoobiya la saxiixdeen is afgaradka ay wada xiriirayeen meel fiicanna wax u marayaan. “Had iyo jeer waanu ka xiriirnaa arimahaas, si joogto ah ayaan uga xiriirnaa in la sii adkeeyo oo laga sii wada hadlo, oo la sii wado, dowladda cusub ee madaxweyne Cirrana uu halkaasi ka sii ambaqaado,” ayuu raaciyay. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo hadlay kadib heshiiskii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiskii dowladda Itoobiya ay la gashay Somaliland kaas oo dad badan shaki geliyeen halka uu ku danbeeyay. “Dabcan waxaa muuqata in si khalad ah loo fahmay warsaxaafadeedka, waxaa ku qorneyd in dhamaanba laga tagay wixii hore taas oo muujineysa in uusan jirin heshiis hore,” ayuu yiri wasiirka warfafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.