Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidan xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Hawlgal ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud ku beegsaday fariisimo iyo goobo Al-shabaab ay ku sugnaayeen oo ku dhow magaalada Ceelgaras, waxaana lagu diley seddax kamida dagaalamayaasha kooxdaas, sida lagu sheegay war qoraal oo ay soo saartay dowladdu. Ragga howlgalka lagu diley ayaa waxaa kamid ah nin lagu magacaabo Mirre Cagdheer, sidoo kale waxaa lagu dhaawacay 6-kale oo ay ku jiraan guddoomiyihii degmada Ceelgaras oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Salmaan iyo Madaxii Maaliyadda ee deegaanka oo asna magiciisa lagu sheegay Jabriil. Dhowaan ayay ahayd markii howlgal midkaan la mid ah oo ay ciidanka deegaanka ka fuliyeen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, la sheegay waxyeello lagu gaarsiiyay kooxda. Source: goobjoog.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa maanta magacaabey xilal si weyn loo sugayay tan iyo markii uu yimid Qasriga Madaxtooyadda ee looga taliyo Somaliland. Madaxweyne Cirro ayaa magacaabay Taliyeyaasha cusub ee ciidanka milateriga iyo kan booliska kadib markii uu ka qaaday saraakiishii hore oo intii ay is-hayeen xukuumaddii hore ku kacay falal halis geliyay nolosha madaxweynaha haatan tallada jooga. Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka (milateriga) ayaa wuxuu madaxweynaha u magacaabay Sarreeye Guuto, Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug oo kamid saraakiisha da’da yar ee ciidanka. Sidoo kale waxaa Taliyaha ciidanka booliska Somaliland loo magacaabay Sarreeye Guuto, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Allaale oo loo yaqaano Cabdi Dheere. Madaxweynaha Cirro ayaa taliyeyaashi hore ee ciidanka milateriga iyo booliska, Nuux Ismaaciil Taani iyo Maxamed Aadan Saqadhi u magacaabay la-taliyayaal. Hoos ka aqriso wareegtada madaxweynaha; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 23/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-0047/012025 uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska . Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabis Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan tixgeliyey: Muhiimadda ay Ciidammada kala duwan ee Qaranku u leeyihiin, Madax-bannaanida Qaranka, Difaaca, Ilaalinta iyo sugidda nabadgelyada gudaha, Badbaadinta iyo illaalinta nafta iyo hantida bulshada, Dhawridda Xorriyaadka aasaasiga ah iyo Fulinta ku dhaqanka Dastuurka iyo Shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan ku qancay: Aqoontooda, Kartidooda, naf-hurnimadooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo, isla markaana ay hanan karaan waajibaadka & mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan; Markii aan sameeyey: La-tashi; Waxa aan go’aamiyey laga bilaabo taariikhda maanta; 1. In Sarreeye Guuto, Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 2. In Sarreeye Guuto, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Allaale (Cabdi Dheere) uu ahaado, Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. 3. In Sarreeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 4. In Sarreeye Gaas, Maxamed Aadan Saqadhi, uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland. Allaa Mahad Leh
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo xalay ka dhacay gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda. Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu dagaal xoogleh ka dhacay aagga deegaanka Ceelgaras oo u dhexeeyo degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac. Saraakiil u hadashay ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay inay ka war heleen goob ay isku uursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayna ku sugnaayeen horjoogayaal, kadibna ay sidaasi ku weerareen, waxayna tilmaameen inay xogta ka heleen dadka shacabka ah oo ay dhibaato ku hayeen. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay goobta ku dileen saraakiil sar sare iyo maleeshiyaadkii la socday, kuwaas oo tilmaameen inay u qaabilsanaayeen dhanka miisaaniyadda iyo lacag uruurinta. Ma shaacin saraakiishu tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarka ay ku beegsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugnaa aagga deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud. Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaal rogaal celis ah ay soo qaadeen Al-Shabaab, kadibna ay afduubteen ganacsato deegaanka ku sugnaa oo la sheegay inay horay u kaxeyseen. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda sare ee maamulka Galmudug oo ku aadan howlgalkaasi iyo ganacsatada la sheegay in Al-Shabaab ku afduubteen halkaasi. Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.
  4. 𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 23/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-0047/012025 uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska . Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- 𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan tixgeliyey: Muhiimadda ay Ciidammada kala duwan ee Qaranku u leeyihiin, Madax-bannaanida Qaranka, Difaaca, Ilaalinta iyo sugidda nabadgelyada gudaha, Badbaadinta iyo illaalinta nafta iyo hantida bulshada, Dhawridda Xorriyaadka aasaasiga ah iyo Fulinta ku dhaqanka Dastuurka iyo Shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan ku qancay: Aqoontooda, Kartidooda, naf-hurnimadooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo, isla markaana ay hanan karaan waajibaadka & mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan; Markii aan sameeyey: La-tashi; 𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚; 1. In Sarreeye Guuto, Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 2. In Sarreeye Guuto, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Allaale (Cabdi Dheere) uu ahaado, Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. 3. In Sarreeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 4. In Sarreeye Gaas, Maxamed Aadan Saqadhi, uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡 ________________________________________ 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨) 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  5. Jijiga (Caasimada Online) – Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay wafdi heer wasiir ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya u dirtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaali Galbeed. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo Wasiir ku xigeenka Batroolka iyo Macdanta Cabdiwahaab Cumar, waxaana lagu soo dhaweeyay gudaha magaalada Jigjiga oo lagu qabanayaa munaasabad lagu xusayo Xeerka Bulshada Ciisaha oo dhowaan helay aqoonsi caalami ah. Waa Xeer u gaar ah Beesha Ciise ee Dir, Ciisaha ayaa dega dalka Jabuuti, waxaana ka dhashay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale Beesha Ciise ayaa degta qeybo badan oo kamid ah gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dhulka dowlad deegaanka Soomaalida. Haddaba sidee looga falceliyay safarka wafdigan ka dagay magaalada Jigjiga? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay socdaalkan, maadaama mas’uuliyiin heer federaal ah ay ka dageen dhul Soomaaliyeed oo haatan ay haysato Itoobiya, inta badan shacabka ayaa dhaliilay arrintan, waxayna qaarkood su’aallo ka keeneen in aan meesha laga soo muujin Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maxamed Cali “2014 Xasan Sheekh baa ka degay Jigjiga iyada oo Madaxwayne Soomaaliyeed oo dhulkaas la haysto cag dhigay uusan horay u jirin”. Saciid Maxamed “DDS miyaan noqonay aaway Calankii Jamhuuriyadda Somaaliya? Akhyaar Axmed “Dawlad deegaanka Soomaali galbeed wax la dhahaa ma jiree magaca noo saxa”. Cabdiweli Nuur “Waayahee aaway calankeenni war wuxu metalaad xumaa, wallee kani Soomaali ma metaleyn ee kaligiis ayuu iska socday”. Cabdiraxmaan Hadhaawe “Jigjiga waxa lagu xusaya maalintii dowlad deegaanka Soomaali galbeed, qoralku waa idinka khaldanyahay”. Cabdullahi Cabdi Hagar “Calan soow ma lihin dhibkaan bal eega ceebaa dhacday”
  6. The first autobiography by a former Somali president sparked debates but was praised for its candid reflections on his political and military career. Garowe (PP News Desk) — The autobiography of the late Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed has been translated into Arabic. Published in 2012, one month before his passing, the autobiography is the first written by a former Somali president in Somali. Mohamud Issa Farah translated the autobiography, Halgan iyo Hagardaamo (Struggle and Conspiracy), into Arabic in 2025. The autobiography covers many topics, ranging from his upbringing and his enlistment in the army in 1952 during the trusteeship period, in what was then known as the Trust Territory of Somaliland, to his military career after independence in 1960. It also details his arrest by the military regime, the 1978 abortive coup and his subsequent defection to form an armed front based in Ethiopia, where he was detained in 1985 and released in 1991. He further reflected on his return to Somalia in 1991, his role in Somali politics and his notable advocacy for a federal system for Somalia, which was adopted in 2004 before he had been elected president during the Kenya-sponsored Somali reconciliation conference. The autobiography raised questions about the disclosures he made regarding political events during his presidential tenure. Some readers have lauded Yusuf’s candour about his views on his rivals and the role of neighbouring countries. © Puntland Post, 2025 The post Late Somali President’s Autobiography Now in Arabic appeared first on Puntland Post.
  7. Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta kooxda Daacish ay diyaarad qarax siday ku weerartay ciidamada Puntland ee haatan howlgallada xoreynta ka wada aagga dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan deegaanka Janno Jiifta, oo kamid ah meelaha laga xoreeyay kooxda Daacish. Diyaaradda oo ahayd nooca Drone-ka ayaa waxaa lagu soo xiray, waxaana lagu beegsaday ciidamada difaaca ee dagaalka kula jira kooxda Daacish. Ugu yaraa 1 askari ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemaya buuraha oo ay isku hayaan labada dhinac. Saraakiil u hadashay ciidanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan howlgalkooda, ujeedkoodana uu yahay in dhulkaasi laga sifeeyo argagixisada. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in tan iyo markii uu bilowday dagaalka ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan saldhigyo muhiim ah oo kooxda ku lahayd deegaanka Janno Jiifta ee gobolka Bari. Weerarkan diyaaradda loo adeegsaday ayaa kusoo aadayo, xilli dhowaan Puntland ay shaacisay inay burburisau diyaarado Drones ah oo ay adeegsanayeen xubnaha kooxda Daacish ee ay kula dagaalameyso dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Sawirrada diyaaradahaas oo ay hiray baahisay Puntland ayaa waxa ay noocooda ku sheegtay inay yihiin kuwa wax basaasa, ayna kooxda u adeegsaneysay ciidamada howlgalka wada, waa sida maanta dhacday, kadib qaraxyada ay kusoo xireen diyaaradda. Si kastaba, Puntland ayaa qaaday guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Bari, halkaas oo qorshuhu yahay in laga xoreeyo.
  8. Paris (Caasimada Online) – Laba garsoore oo Faransiis ah oo baaritaanno sameeya ayaa soo saaray warqad lagu soo xirayo madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-Asad, iyadoo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dambiyo dagaal. Tallaabadan ayaa ah tii labaad oo nooceeda ah oo ay qaadaan waaxda garsoorka Faransiiska, sida uu sheegay ilo wareed. Asad, oo xilka laga tuuray dabayaaqadii sanadkii hore kadib duulaan degdeg ah oo ay qaadeen xoogag Islaamiyiin ah, ayaa lagu eedeeyay warqadda lagu soo xirayo inuu ahaa “taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida” xilligii duqeyn ka dhacday magaalada Daraa ee Suuriya sanadkii 2017 taasoo lagu dilay qof rayid ah, sida uu sheegay ilo wareed ku dhow kiiska oo codsaday inaan la magacaabin. Amarkan ayaa la soo saaray iyadoo qayb ka ah baaritaan lagu sameynayo kiiska Salah Abou Nabout, oo ahaa 59 jir haysta dhalashada Faransiiska iyo Suuriya isla markaana ahaa macallin hore oo Faransiis ah, kaasoo la dilay 7-dii Juun 2017 kadib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada Suuriya ay duqeeyeen gurigiisa. Garsoorka Faransiiska ayaa aaminsan in Asad uu amray isla markaana bixiyay agabkii loo adeegsaday weerarkan, sida laga soo xigtay ilo wareedka. Lix sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa horey loogu soo oogay warqado lagu soo xirayo oo Faransiis ah oo ku saabsan kiiska baaritaanka oo billowday 2018. “Kiiskan wuxuu ka dhigan yahay guusha halgan dheer oo loogu jiro caddaaladda, kaasoo aniga iyo qoyskeyguba aan rumaysnayn tan iyo bilowgii,” ayuu yiri Omar Abou Nabout, oo ah wiilka marxuumka, oo bayaan soo saaray. Wuxuu rajo ka muujiyay in “maxkamadeyn ay dhici doonto isla markaana dembiilayaasha la qaban doono oo la xukumi doono, meel kasta oo ay joogaan”. Xasaanaddii oo luntay Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa bishii November 2023 soo saaray warqaddii ugu horreysay ee lagu soo xirayo Asad oo ku saabsan weeraro kiimiko ah oo dhacay 2013 halkaasoo in ka badan kun qof, sida laga soo xigtay sirdoonka Mareykanka, lagu dilay gaaska sarin. In kasta oo ay u arkeen in ka qaybgalka Asad ee weeraradan uu yahay “mid dhici kara”, dacwad oogayaasha guud ayaa sanadkii hore racfaan ka qaatay warqadda lagu soo xirayo iyagoo ku sababeeyay in Asad uu lahaan lahaa xasaanad maadaama uu yahay madaxweyne. Si kastaba ha ahaatee, xilka qaadista ayaa hadda bedeshay xaaladdiisa iyo xasaanaddii suurtagalka ahayd. Asad iyo qoyskiisa ayaa u qaxay Ruushka kadib markii uu xilka ka degay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ruushka. Guud ahaan, nidaamka garsoorka ee Faransiiska ayaa soo saaray 14 warqadood oo lagu soo xirayo mas’uuliyiinta Suuriya, sida laga soo xigtay tirakoobka AFP. Tan iyo markii ay billowday 2011 iyadoo si arxan darro ah loo caburinayo dibadbaxyada ka dhanka ah Asad, dagaalka Suuriya ayaa dilay in ka badan nus milyan oo qof wuxuuna burburiyay dhaqaalaha dalka. Tobanaan kun oo qof ayaa lagu xiray laguna jirdilay xabsiyada dalka, halka Asad lagu eedeeyay inuu hub kiimiko ah, oo ay ku jiraan gaaska sarin ee la mamnuucay, u adeegsaday dadkiisa. Jimcihii, dacwad oogaha guud ee Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah Karim Khan ayaa la kulmay hogaamiyaha maamulka cusub ee Suuriya Axmed Al-Sharaa. Booqashadaas ayaa dhalisay rajo ah in caddaalad iyo isla xisaabtan laga helo xadgudubyada la galay intii uu Asad xukunka hayay.
  9. Dhagax-dhigyada mashaariicda horumarineed waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa dadaalka lagu bixinayo horumarinta adeegyada bulshada. Si kastaba ha ahaatee, in Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Amiir, uu mar kale shalay dhagax dhigo Xarunta Keydka Daawada oo bishii April 2024 kii uu dhagax dhigay Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxay dhalisay su’aalo iyo falanqeyn ku aaddan sababaha ka dambeeya arrintan iyo saamaynta ay ku yeelan karto maamul wanaagga. Marka la eego dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya, dhagax-dhiggu wuxuu inta badan noqday hab xayaysiin uun ah oo aan micno badan laheyn. Waa arrin marar badan dhacda in madaxdu ay goob dhagax dhigaan, sawirro iska qaadaan, kadibna mashruucii uu halkaas ku dhamaado. Dad badan ayaa aaminsan in Guddoomiyaha cusub uu doonayo in uu muujiyo inuu wax qabad leeyahay. sidoo kalena uu doonayo in dhagax dhigida iyo xarig ka jarida uu isku qaato. Dad badan ayaa aaminsan in Agaasimeyaasha maamulka Gobolka Banaadir ay rabaan in Guddoomiyaha cusub uu mar kale dhagax dhigo mashruucyo horey loo dhagax dhigay si ay ugu muuqdaan inay shaqo hayaan. Waxaa laga cabsi qabaa in haddii Guddoomiyaha cusub uu sii wado dhagax-dhigyo is-daba joog ah, ay dadweynuhu lumiyaan kalsoonida ay ku qabaan maamulka. Marka la eego horumarka caasimadda, waxaa lagama maarmaan ah in maamulka cusub uu ka fogaado wax kasta oo muujinaya in uu u janjeero dhagax-dhigyo is-daba joog ah, halkii uu diiradda saari lahaa fulinta iyo dhameystirka mashaariicda horey loo ballan qaaday. Dadka qaar ka mid ah oo ka falceliyay dib u dhagax-dhigga Guddoomiyaha cusub ayaa si cad u muujiyay sida ay uga xun yihiin dhaqankan, iyagoo ku baaqay in la joojiyo xafladaha is-daba jooga ah, laguna beddelo ficil dhab ah oo wax ka taraya nolosha shacabka. Dadweynuhu waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen baahida loo qabo dhameystirka mashaariicda horey loo bilaabay, halkii laga abuuri lahaa sawirro iyo munaasabado aan wax badan soo kordhinayn. Qeylo-dhaanta shacabka ayaa si gaar ah diiradda u saartay wadooyinka burbursan ee caasimadda Muqdisho, kuwaas oo muddo dheer ahaa caqabad hortaagan isu-socodka, ganacsiga, iyo nolol maalmeedka dadka. Waxa ay Guddoomiyaha ugu baaqeen in uu xoogga saaro dib u dhiska iyo hagaajinta kaabayaasha dhaqaale, si uu uga dhabeeyo ballanqaadyadii Madaxweynaha Qaranka ee ahaa in wax laga qabto cabashooyinka shacabka Muqdisho. Shacabka caasimaddu waxay u baahan yihiin horumar la taaban karo, oo aan ku ekaan xaflado iyo ballanqaadyo mar kasta dib u soo noqda. Waxa ay rajeynayaan in maamulka cusub uu muujiyo ficil muuqda, lana arko isbeddel dhab ah oo ka tarjumaya baahiyahooda dhabta ah. Waqtigu waa mid muhiim ah, waxaana la sugaa in Guddoomiyaha cusub uu caddeeyo inuu yahay hoggaan wax qabad leh, oo aan lagu xasuusan doonin keliya dhagax-dhigyo is-daba joog ah. Source: goobjoog.com
  10. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ka falcelinayay su’aasha ku saabsan sababta dowladda Xasan Sheekh u taageeri la’ dahay dagaalka Puntland kula jirto Argagixisada Daacish ayaa Villa Somalia ku eedeeyay in ay caqabad ku tahay dagaalkaasi. Madaxweyne Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in Villa Somalia aysan wax taageero ah Puntland ku siin dagaalka Daacish, islamarkaana laga la’ yahay Kaalmadii La-dagaallanka Argagixisada ee Caalamku ku bixiyay magaca Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in ay-ba hor istaag ku samaysay qaadista dhaawacyadii dagaalka. “Dowladda Federaalka annagu ka codsan mayno taageero, wayna ku fashilantay in ay gacan siiso dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish. Dhaawacii u dambeeyay ee la qaadi lahaa ayay hor istaagtay ogolaanshihiisa” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor oo ka falcelinayay su’aasha ku saabsan sababta dowladda Xasan Sheekh u taageeri la’ dahay dagaalka Puntland kula jirto Daacish. Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Lugatoor ayaa sidoo kale sheegay in aysan Puntland u baahnayn una baahan doonin ciidamo ka baxsan kuwa Puntland oo ka yimaada Federaalka ama meel kale, waxaana uu tilmaamay im ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland si buuxda ugu filan yihiin Ciribtirka Argagixisada oo ay hadda ka saareen 65% dhulkii ay ku jireen. PUNTLAND POST The post Dowladda Xasan Sheekh oo la sheegay in ay hor istaagtay qaadista dhaawacyadii Ciidanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud and his delegation arrived in Cairo on Wednesday for an official visit, following an invitation from Egyptian President Abdel Fattah Al-Sisi. Source: Hiiraan Online
  12. Waxa magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay cilmi baadhis lagu ogaaday faa’iidooyin dhinaca caafimaadka ah oo uu dadka u leeyahay geedka Moringa, oo loo yaqaan ‘geedkii mucjisada ahaa’. Daraasadan la soo bandhigay oo socotay muddo ka badan 10 sano, waxaa waday jaamacadda Toronto ee dalka Canada iyo machadka Hagarla Institute, oo ah machad ay madax ka tahay gabadh dhakhtarad Soomaaliyeed ah oo la yidhaahdo Drs. Deeqa Aadan Mire Waqaf. Sida ay BBC-da u sheegtay Drs. Deeqa Aadan Mire Waqaf, waxaa daraasaddan lagu ogaaday faa’iidooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah oo uu leeyahay Geedka Moringa, oo ah mid muddooyinkii u dambeeyey Soomaalidu ku baraarugtay muhiimada uu leeyahay, inkastoo aynaan weli helin magaca saxda ah ee ay Soomaalidu u taqaanno geedkan. Waxa kale oo lagu xusay daraasaddan in geedkan noocyadiisa kala duwan mid walba faa’iidooyin gaar ah leeyihiin, sida midhihiisa, caleentiisa iyo qoloftiisuba, kuwaas oo ka hortaga cudurrada qaarkood, halka qaar kalena lagu daweeyo. Faa’iidooyinka uu geedkan leeyahay Moringa waa il cunto caafimaad leh oo dadku ka helaan Geedkan iyo sidoo kale calafka xoolaha. Waxa kale oo jirta in cilmi-baadhistan lagu ogaaday in midhihiisu leeyihiin nafaqo dabiici ah. Faa’iiddada geedkan leeyahay ee la arkay ka dib, ayaa wuxuu uu soo jiitay Drs, Deeqo Aadan Mire, oo ah gabadh dhakhtar Soomaaliyeed ah, ahna agaasimaha machadka Hagarla Institute, oo bilowday sannadkii 2011-kii, sidii ay u daraasayn lahayd muhiimada geedka Moringa u leeyahay bulshada Soomaalida, oo xilligaasi ay tabaaleeyeen dhibaatadii macaluusha ee ka dhalatay abaarihii adkaa ee jiray “Soomaaliya, Somaliland iyo geeska Afrika, dhibaatooyin iyo abaarro ayaa ka dhacay, taas oo dad iyo xoolaba ay ku baab’een, dadkuna nafaqo darro u dhinteen. markaa waxa nagu dhashay in dhibaatada soo noqnoqotay aan xal u raadino, weliba mid gudaha ka yimaada, markaas waxa aanu xidhiidh la samaynayn saynisyahannada Jaamacadda Toronto ee dalka Canada, ka dibna cilmi baadhistan ayaan bilownay 2011-kii, taasoo maanta soo bandhignay”. Drs, Deeqo Aadan Mire, oo BBC-da uga warantay cilmi baadhistan, waxay sharraxaysaa waxyaabaha ay ku ogaadeen daraasada ay ku sameeyeen Geedka Moringa “Daraasadan markii aanu samaynay wax badan oo faa’iido ah oo uu leeyahay geedkan Moringa Oleifera ayaan helay, kuwaas oo ay ka mid yihiin in Geedkan Biyaha nadiifinayo, oo xanuun dhaliyihii ka dilayo, nafaqo ayuu leeyahay hooyada uurka leh ayuu u wanaagsan yahay, dhiig yaraanta ayuu wax ka tarayaa, sidoo kale xanuunka macaanka ayaa loo qaataa, waxa loo isticmaalaa cunto ahaan, dawo dhaqameed iyo caws ay xooluhu cuntaan.” ayey tidhi Drs, Deeqo Aadan Mire Taariikhda iyo asalka Geedka Moringa Geedka Moringa, wuxuu asalkiisa ka soo jeedaa dhinaca koonfurta Qaaradda Aasiya oo uu si weyn uga baxo, gaar ahaan dalalka Hindiya iyo Filibiin, waxaana geedkan kumanaan sano loo soo isticmaali jiray cunno ahaan iyo daawo ahaanba. sida lagu qoray barta Machadka Hagarla Institute, waxaa jira caddeymo muujinaya in Soomaaliya ay muddo tobanaan sano ah ku lahayd geedaha Moringa Oleifera nidaamka deegaanka beeralayda, laakiin aqoontaas ayaa u muuqata in ay luntay muddada dheer ee dagaalka. Axmed Ibraahim Cawaale, oo ah khabiir aqoon u leh noocyada dhirta, oo BBC-du weydiisay salka geedkan, waxa uu xusay in bahda geedkan Moringa ay yihiin 13 nooc oo kala duwan, isaga oo sheegay in shan ka mid ah noocyada laga helo deegaannada Somaliland “Noocan aynu ka hadlayo waa nooca la yidhaahdo Moringa Oleifera, waxa laga helaa koonfurta Aasiya, laakiin imika adduunka aad ayaa loogu faafiyey faa’iidadiisa awgeed”. Geedkan waxa la tilmaamaa inuu yahay mid abaarta u adkeysaneysa oo ku baxa cimilo qallalan. Axmed Ibraahim Cawaale, ayaa sharraxaya nooca cimilada uu ku baxo Geedka Moringa “Inta la ogyahay Geedkan waa mid cimilo kasta ku bixi kara, tusaale ahaan Berbera waan ku arkay, dhulka buuralayda waan ku arkay, magaalooyinka waa ka wada helaysaa. Markaa Geedkaas meel walba wuu ka baxayaa”. Muxuu geedkan u noqday mid muhiimad gaar ah u leh dadka danyarta ah Inkasta oo Geedkan Moringa dadka u leeyahay faa’iidooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah, haddana sida uu qabo Axmed Ibraahim Cawaale, oo ah khabiir Deegaanka ah oo la hadlay BBC-da, geedkan waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay dadka saboolka ah, “Geedkan Moringa, waxa la yidhaahdaa geedkii dadka saboolka ah, sababta sidan loo yidhi waxa weeye, waa kaabe, kaabaya dadka danyarta ah, gaar ahaan dhinaca nafaqada, macaankii, dhiig karka, dumarka naaska nuujinaya caruurta, markaa dadkaas danyarta ah ee aan haysan dhaqaale ay ku tagaan isbitaallo ayuu caawinayaa geedkan” ayuu yidhi Axmed Ibraahim Cawaale. Dadka barakacayaasha ah ee xeryaha, waxay halkaas kula kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo keena in ay u nuglaadaan xanuunnada, madaama aanay helin cunnooyin nafaqo leh iyo adeegyo caafimaad. Geedkan Moringa ayey sheegtay Drs, Deeqo Aadan Mire in dadku u baahan yihiin inay fahmaan sidii ay u isticmaali lahaayeen, taasooay ku ku wacyi gelinayaan “Dadka barakacayaa, waa dad xoolihii ka baxeen, dad wax haysta maaha, Geedkan caleentiisa ayey u baahan yihiin, midhihiisa ayey u baahan yihiin, markaa dadkaas ma yaqaanaan geedkan muhiimada nafaqo ee uu leeyahay, markaas ilaa kun geed ayaanu ku beeraynaa Xerada barakacayaasha ee Digaale ee Hargeysa ku taala, si dadkaas uga faa’iidaystaan” ayery tiri. Qorshaha Wasaaradda Deegaanka ee ku saabsan Geedkan Wasaaradda Deegaanka ee Somaliland, ayaa sheegay in ay billowday qorshe Geedka Moringa ay ugu qaybinayso dadweynaha si ay u beertaan, gaar ahaan dadka danyarta ah ee ku nool xeryaha barakacayaasha, si ay uga faa’iidaystaan muhiimada uu u leeyahay caafimaadka. Agaasimaha Waaxda Dhirta iyo daaqa ee Wasaaradda Deegaanka Axmed Ibraahim Warsame, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in beerista Geedkan uu ku yar yahay gudaha Somaliland, isla markaana dadka beertaa ay yihiin kuwo arrimo ganacsi uga faa’idaysta “Waxaad moodaa in aanay dadku ku baraarugsanayn muhiimada Geedkan leeyahay, oo dad gaar ah oo ka ganacsada ayaa beerta. markaas Wasaaradda Deegaanka haddii aanu nahay dhir badan oo Geedka Moringa ayaan soo saarnaa cid qaadanaysa oo doonaysa in ay beerato ma jirto” ayuu yidhi agaasimaha waaxda dhirta iyo daaqa ee Wasaaradda Deegaanka ee Somaliland Axmed Ibraahim Warsame, waxa uuna intaasi raaciyey “Baabuur ayaanu ku qaadnaa oo meelaha dadku deggan yihiin, gaar ahaan danyarta ayaan geynaa, laakiin ma fahansana weli, markaa waxaanu samaynaynaa wacyi gelin in aanu dadka barto geedkan”. Qaran News
  13. Jigjiga (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi wasiirro ah u dirtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaali Galbeed. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al/Cadaala iyo Wasiir ku xigeenka Batroolka iyo Macdanta Cabdiwahaab Cumar ayaa hoggaaminaya wagdiga gaaray magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida Itoobiya. Halkaas waxaa lagu qabanayaa munaasabado lagu xusayo Xeerka Bulshada Ciisaha oo dhowaan helay aqoonsi caalami ah. Waa Xeer u gaar ah Beesha Ciise ee Dir, Ciisaha ayaa dega dalka Jabuuti, waxaana ka dhashay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale Beesha Ciise ayaa degta qeybo badan oo kamid ah gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dhulka dowlad deegaanka Soomaalida. Xeerka Beesha Ciise waxaa si wadajir ah u aqoonsaday dawladaha Soomaaliya, Ethiopia iyo Jabuuti. Sidoo kale Xeerka Bulshada Ciise waxaa aqoonsatay Hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobey, wuxuuna kamid noqday xeerarka laga tixgeliyo qeybo kamid ah caalamka. Munaasabado lagu waynaynayo Xeerkaan oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin ka kala socda dowladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Ethiopia ayaa lagu qabanayaa magaalooyinka Jigjiga iyo Diridhaba ee dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.
  14. Hargeisa (HOL) – The breakaway region of Somaliland has announced a 50% salary increase for its armed forces, fulfilling part of President Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro’s campaign pledge to boost army pay. Source: Hiiraan Online
  15. Dr. Cali Xaaji Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta degaannada Puntland ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qayb ka noqdaan taageeridda dagaalka Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish. “Puntland xaq bay ku lee dahay Hantida Soomaaliya iyo dhaqaalaha Caalamku siiyo dowladda dhexe oo lagu soo qaato magaca Soomaaliya, waxaana arrintaasi mas’uuliyadi ka saaran tahay Madaxda dowladda Federaalka in ay garab istaagaan Puntland mana ahan Sadaqo ay bixinayaan ee waa xaq lagu lee yahay.” “Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaan qabaa in ay waajib ku tahay in ay qayb ka noqdaan dagaalka Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish, waxaana qabaa in haddii ay maanta ka gaabiyaan ay taariikhda baal xun ka gali doonaan, sidaasi daraadeed waxaan aad ugu dhiirra-gelinayaa in ay ka soo baxaan khaanada ay ku jiraan” ayuu yiri Dr. Cali Xaaji Warsame. Wuxuu sheegay in dagaalkani Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah uu u baahan yahay in taageero xooggan laga siiyo dhinacyo kala duwan sida Saadka, Caafimaadka iyo Sirdoonka, taasina aan weli laga hayn dowladda Federaalka oo marar kala duwan sheegata in ay Argagixiso dagaal kula jirto. PUNTLAND POST The post Dr. Cali Xaaji Warsame oo Villa Somalia ugu baaqay in ay Puntland ku taageerto dagaalka Daacish appeared first on Puntland Post.
  16. Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa bilaabay wejigii labaad ee daamur-saaridda jidlaasi ee inta u dhexaysa Cawsane ilaa Midigale. Xubno ka tirsan guddiga dhismaha Laamiga Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa sheegay in uu bilowday wejiga labaad ee daamur-saaridda jidkaasi gaar ahaanna inta u dhexaysa Cawsane ilaa Midigale. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sidoo kale soo dhaweeyay dadaalka ay guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ku bixinayaan dhammaystirka jidkaasi oo inta badan ku socda isku tashi bulsho. “Waxaan bogaadinayaa Guddiga Wadada Ceel-Daahir Ceerigaabo oo maanta bilaabay wejigii labaad ee Daaamur Saarida laga bilaabo Cawsane ilaa Midigale ee Wadada Ceel-Daahir Ceerigaabo” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. “Waxaan kale oo guddiga ku bogaadinayaa dedaalka iyo Shaqada wanaagsan ee ay qabteen aniga og oo xog-ogaal u ah duruufaha adag ee Guddigu ku shaqaynayey mudada dheer” ayuu sii raaciyay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. PUNTLAND POST The post Wejiga labaad ee daamur-saaridda Laamiga Ceeldaahir-Ceerigaabo oo laga bilaabay Cawsane ilaa Midigale appeared first on Puntland Post.
  17. Jigjiga (HOL) – Delegations from Somalia's Federal Government and the breakaway region of Somaliland arrived in Jigjiga on Thursday to participate in the anniversary celebrations of the Somali Regional State in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  18. Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo duulay dalka Switzerland ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, halkaas oo lagu soo dhaweeyay. Sida aan shalay ku sheegnay xog ay heshay Caasimada Online MadaxweyneXasan Sheekh ayaa martiqaad ka helay dhiggiisa dalka Masar, Cabdulfataax Al-Siisi oo ay kulamo xasaasi ah ku yeelan doonaan gudaha magaalada caasimada ah ee Qaahira. Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doono xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga amniga iyo nabadgelyada guud ee gobolka. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Xasan iyo Al-Siisii ay wadahadalladooda diiradda ku saari doonaan arrimo la xiriira howlgalka ciidanka AUSSOM oo Masaarida door ka qaadanayso, heshiiskii iskaashiga amniga iyo qodobo kale oo xasaasi ah. Waxaa kale oo ay xoogga saari doonaan horumarinta dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaan siinayaan kor u qaadidda fursadaha is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi martiqaadka diirran iyo sida ay dowladda Masar mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu salka ku hayo walaaltinimo, iskaashi istiraatiiji ah, iyo danaha guud ee labada shacab” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Soomaaliya. Soomaaliya iyo Masar ayaa dhowaan gaaray is faham hoos loogu dhigayo xiisaddii Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee uu Ra’iisul wasaare Abiy la galay horraantii sanadkii hore maamulka Somaliland. Si kastaba, ujeedka ugu wayn ee dowladda Masar ayaa in haatan ah ay si toos ah ugada gasho qorshaha ay ku xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya. Falanqeeyayaasha ayaa dhankooda sheegaya in joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso gudaha Soomaaliya inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Dowladda Masar ayaa haatan la filayaa in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyso cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowday sanadkan cusub.
  19. Garowe (HOL) –Puntland regional administration has on Thursday displayed a helicopter to assist its forces in their ongoing operations against the Islamic State group in the Bari region. Source: Hiiraan Online
  20. Washington, DC – United States President Donald Trump’s Middle East envoy, Steve Witkoff, has announced he will visit Gaza in the coming days as part of what he called an “inspection team” to monitor the ceasefire agreement reached between Israel and Hamas last week. Source: Hiiraan Online
  21. City will need to beat Club Brugge next week to qualify for the Champions League play-off round after a 4-2 defeat to PSG. Source: Hiiraan Online
  22. Arsenal outclassed Dinamo Zagreb 3-0 to all but guarantee a spot in the Champions League knockout phase with Declan Rice, Kai Havertz and Martin Odegaard all on target on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  23. UNITED NATIONS: Nearly six million people in Somalia, almost a third of the country’s population, need humanitarian aid this year, the United Nations said Wednesday as it launched a $1.43 billion funding appeal. Source: Hiiraan Online
  24. Police in Kenya have arrested a man carrying a mutilated corpse in his backpack, which he reportedly said belonged to his 19-year-old wife. Source: Hiiraan Online
  25. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa weli xayiran duulimaadyada Soomaaliya kadib markii shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya ay si buuxda u hakiyeen dhammaan duullimaadyadii gudaha iyo dibadda laga bilaabo Arbacadii shalay, Janaayo 22, 2025, taasi oo sababtay in boqolaal rakaab ah oo u socdaalayay Muqdisho ay xayirmaan. Hakintan ayaa timid kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay dowladda federaalka iyo shirkadaha diyaaradaha, kaasoo ku saabsan koror canshuureed oo lagu soo rogay duulista hawada. War-saxaafadeed uu soo saaray Ururka Shirkadaha Duullimaadyada Soomaaliyeed, oo matalaya ku dhawaad 20 shirkadood oo diyaaradeed, ayaa lagu shaaciyay hakinta duullimaadyada, iyadoo sababaha ugu waaweyn ee go’aankan adag loo qaatay lagu sheegay khilaafaad aan xal loo helin oo kala dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya (SCAA). “Laga bilaabo Arbacada, Janaayo 22, 2025, Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed waxay si buuxda u hakiyeen dhammaan duullimaadyadii gudaha iyo kuwa caalamiga ah illaa xal waara laga gaarayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Go’aankan wuxuu saameyn ku yeeshay safarrada gudaha iyo kuwa caalamiga ah labadaba, isagoo carqaladeeyay adeegyadii ay heli jireen kumanaan rakaab ah. Iyadoo ka jawaabeysa shaacintan, Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed u gaar ah, iyadoo beenisay sheegashooyinka ah in carqaladeynta duullimaadyada ay sabab u tahay kororka canshuuraha. Waxay ka digtay faafinta waxa ay ugu yeertay “warar been abuur ah” waxayna bixisay faahfaahin ku saabsan sababta diyaaradaha loo joojiyay, iyadoo sheegtay in dhowr diyaaradood la joojiyay kadib markii baaritaanno lagu ogaaday cillado dayactir. “Hay’adda Duulista Hawada waxay baaritaanno ku sameysay diyaaradaha gudaha waxaana ay ogaatay arrimo khatar gelin kara badqabka rakaabka. Diyaaradahan ma duuli karaan illaa dayactirka lagu sameeyo si waafaqsan sharciga,” ayay tiri hay’adda duulista. Walaac ku saabsan howlgallada Hay’adda duulista waxay sidoo kale walaac ka muujisay hab-dhaqannada howlgallada ee qaybta duulista hawada Soomaaliyeed. Waxay tilmaamtay arrimo ay ka mid yihiin maamulka adeegga rakaabka oo liita iyo ku tiirsanaanta shirkado kale oo diyaaradeed si ay u buuxiyaan waddooyinka duulimaadka sababo la xiriira dib u dhacyada dayactirka ama diyaarado howlgala oo aan jirin. “Shirkado diyaaradeed oo qaar ayaa ka howlgala caasimadda iyagoo aan lahayn diyaarado, waxayna rakaabka u qabtaan duullimaadyo ay leeyihiin shirkado kale, taasoo carqaladeysay adeeggii loo qaban lahaa gobollada qaar,” ayay tiri hay’adda. Marka la eego caqabadahan, maamulka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde wuxuu faray Favori, shirkadda gaarka loo leeyahay ee maamusha garoonka, inay diido in shirkadaha diyaaradaha ee aan lahayn diyaarado howlgala oo ku sugan garoonka ay helaan miiska adeegga (counter). Hakinta duullimaadyada ayaa durba sababtay carqalad weyn oo soo wajahday rakaabka. Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi, qiyaastii 200 oo rakaab ah oo lagu waday inay u duulaan Muqdisho ayaa ku xayirmay aroortii hore ee Arbacada. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay joojisay saddex duullimaad oo loogu talagalay inay qaadaan rakaabkan. Sidoo kale, Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa baajiyay dhowr duullimaad oo gudaha ah oo loo qorsheeyay inay ka baxaan. Baajinta ayaa ku qasabtay rakaab badan, kuwaas oo sugayay inay u safraan gobollo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah, inay sameystaan qorshe kale ama dib u dhigtaan safarkooda. Ma cadda haddii duulimaadyada ay maanta dib u billaabi doonaan iyo haddii kale.