-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta daahfuray kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay safaradii kala duwana ee ugu baxay dalka dibadiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay. Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedka safaradaas iyo booqashooyinkaasi ay salka ku hayeen qorshaha dowladiisa ee ku aaddan in la helo siyaasad arrimo dibadeed ka duulaysa Soomaaliya deriskeeda iyo dunidaba heshiis la ah. “Waxa aan markii aan xafiiska imid safarro dalka dibaddiisa ah ugu ambabaxay dalal kala duwan. Ujeedka safarradaas iyo booqashooyinkaasi waxa ay salka ku hayeen qorshaheenna ku aaddan in la helo siyaasad arrimo dibadeed oo ka duulaysa Soomaaliya deriskeeda iyo dunidaba heshiis la ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Waxaa safaradaas aas-aas u ahaa inaan madaxda dalalkaas ka wada-hadalno danaha aan wadaagno iyo qaabka ugu haboon ee ay uga qayb-qaadan karaan dib u soo kabashada qaranka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka geysanayaan dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ma-naxaanka ah ee caqabadda ku ah dowladnimada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed kuwaasi oo bannaystay daadinta dhiiggooda, boobkaa hantidooda, kuna xadgudba sharaftooda,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in safaradii kala duwan ee ugu baxay dalka dibadiisa uu kala soo laabtay guul wax ku ool ah, oo macno weyn u leh horumarka dalkeena. “Dhamaan safaradaas waxa aan kala soo laabanay guul, annaga oo madaxda dalalkaas isku raacnay inay door mug leh ka geystaan arrimaha hortabinta u leh dowladdeenna iyo dadaallada aan ku baadi-goobaynno dib u dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimadeena curdinka ah.” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in siyaasadda dowladdeenna ay laf-dhabar u noqon doonto in la soo dhaweeyo cid walba oo diyaar u ah inay naga taageerto arrimaha mudnaanta inoo leh.” “Waxaa isu dheelli-tirayna danaha aan caalamka ka leennahay iyo kuwa ay iyagu innaga leeyihiin. Soomaaliya xilligan la joogo inta ay saaxiib u baahan tahay ayaa ka badan inta ay cadaw u baahan tahay.” Madaxweynaha ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay u baxay safaro badan oo dalka dibadiisa ah, si usii xoojiyo xiriirka iyo taageerada dalalkaas ee Soomaaliya, inkasta oo safaradaas tirada badan ay si weyn u dhaliileen siyaasiyiinta mucaaridka ah. The post Xasan oo shaaciyay ujeedka iyo natiijada safaradii badnaa ee uu ugu baxay dibadda appeared first on Caasimada Online.
-
Masiibooyinka dabiiciga iyo kuwa dadka sababaan si joogto ah ayay uga dhacaan Soomaaliya. Tallaabooyin kala duwan ayay hore u qaadeen dawladda Soomaaliya, ururrada caalamiga ah, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan; si ay uga falceliyaan musiibooyinka. Haddaba, qaraxii Zope ka dhacay Octoobar 29 waxa uu sababay shilalka khasaaraha badan (mass casualty incidents), taasoo macnaheedu yahay in maareynta musiibadu ay ka awood badatay gargaarka caafimaadka degdegga ah, tiro ahaan iyo saameynba. Sidoo kale, waxaa culeys badan soo koray Nidaamka Daryeelka Caafimaadka Soomaaliya, oo markii horeba liitay, waxaana hoos u dhacay tayada daryeelka bukaannada ku dhaawacmay qaraxa. Adeeg-bixinta Caafimaadka oo hakad galay! Sida caadiga ah, adeegyada daryeelka caafimaadka ee joogtada ah waa in ay shaqeeyaan xilliyada musiibooyinka, balse maalmihii lagu guda jiray daaweynta bukaannada ku dhaawacmay Qaraxii Zope ka dacay Octoobar 29, waxaa istaagay adeegga caafimaad ee aas’aasiga ah ee ay bixin jireen isbitaallada dhaawacyada la dhigay. Waxaa la xiray qeybta bukaan-socod-eegtada, waxaana hakad galay tallaalka carruurta, talo-siinta hooyada uurka leh iyo bukaannada qaba cudurrada raaga kuwaas oo qaadan jiray daawooyin joogta ah. Sidaas si la mid ah, waxaa hakad galay daryeelka caafimaadka ee heerka labaad, bukaannada jiifay isbitaaladana way ku adkaatay in ay helaan daaweynta caadiga ah ee isbitaalka waqtiga loogu talogalay, halka dib loo dhigay qalliimada la qorsheeyay. Tayada daryeelka dhaawacyada! Marka ay dhacaan shilalka khasaaraha badan, waa in si degdeg ah loo kala saaro dhaawaca; si bukaannada halista ah loogu qaado xarumaha caafimaadka. Haddaba, xirfad-la’aanta iyo khibrad-xumada shaqaalaha Ambalaasta waxay sababtay in la isla sugo dhaawacyada, mararka qaarna la isla soo qaado dhaawacyada iyo meydadka. Si kastaba ha ahaatee, arrimahaas oo is biirsadey waxay kordhiyeen tirada dhimashada oo laga hortagi karay. Soddonkii sano ee la soo dhaafay, shilalka khasaaraha badan waxaa lagu daaweyn jiray isbitaallada Madiino iyo Kaysaney oo ay caawiso Ururka Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC). Sannadkii 2007, waxaa ku soo biiray Isbitaalka Dayniile oo ay maamuli jireen Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn. Wixii ka dambeeyay 2014-kii, inta badan dhaawacyada waxaa lagu daaweeyaa isbitaalka Ex-Digfeer. Haddaba, qorsho-xumada iyo iskuduwid-la’aanta jirtay owgeed ayaa bukaannada qaar loo qaaday isbitaallo aan u diyaarsaneyn maareynta Shilalka Khasaaraha Badan, waxaana dib-u-dhac ku yimid gargaarka degdegga ay bukaannadu u baahnaayen habraaca isbitaaladaas owgeed. Dhinaca kale, dhaawacyada inta badan waxaa lagu daaweynayay isbitaallada Madiino iyo Ex-Digfeer, taasna waxay kordhisay culayskii shaqo ee isbitaalladaas. Shaqaalaha caafimaadka ayaa shaqeynayay 48 saac oo xiriir ah, mana jiraan shaqaalo kayd ah oo u diyaarsan maareynta Shilalka Khasaaraha Badan. Labadaan arrimood oo is biirsaday waxay sababeen in bukaannadu sugaan in ka badan 6 saacadood helidda gargaar degdeg ah, ama in la jiifiyo qeybta Bukaan-jiifka, arrintaas ayaana sare u qaadi karto tirada dhimashada. Culeyska shaqo ee saaran Isbitaallada Madiina iyo Ex-Digfeer! Boqollaal dadweyne ayaa soo buux dhaafiyay isbitaalada Madiino iyo Ex-Digfeer, kuwaas oo isugu jira qoysaska dhibbanayaasha, mutadawicin, wariyayaal iyo deeqbixiyayaal kuwaas oo saameyn ku yeeshay howlihii isbitaalada. Intaa waxaa dheer ma jirin qorshe lagu wajahaayo xog-siinta warbaahinta, caawinta qoysaska dhibbanayaasha, asturidda meydka, iyo deeqaha la keenay. Waxaa xusid mudan in warar been abuur ah oo ku saabsan xaqiiqda jirta la faafiyay taas oo sababtay in dhiig-bixiyayaal aan loo baahneyn ay soo buux dhaafiyaan isbitaalada, culeys weyn ku noqotay shaqaalaha isbitaalka. Dhinaca kale, deeqo kala duwan ayaa isbitaallada la geeyay. Isbitaalada qaar maaraynta deeqaha waxay noqotay shaqo gaar ah, waxayne caqabad dheeraad ah ku noqdeen howlahii gurmadka ahaa ay socday. Caqabad kale ayaa aheyd caawinta qoysaska iyo asxaabta dhibbanaha si ay xog u helaan. Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah; MAXAA KHALDAN? Qorsho-la’aanta Hay`adda Maareynta Masiibooyinka! Ka jawaab-celinta Shilalka Khasaaraha Badan kuma koobna nidaamka caafimaadka kaliya, waxaa lama-huraan ah wadashaqeynta dhammaan hay’addaha kale ee dowladda, si loo yareeyo khatarta caafimaad iyo cawaaqibka ka dhalan kara masiibooyinka. Bishii Juun ee 2016, Madaxweyaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa saxiixay XEER LR. 17/2016 oo ah Xeer Dhismaha HAY’ADDA MAAREYNT MUSIIBOOYINKA. Qodobka 3aad, faqradda 2aad ee xeerka waxuu qeexayaa ujeeddooyinka hay’adda loo dhisay oo ah Maareynta iyo Maamulidda dhammaan Masiibooyinka dabiiciga iyo kuwa dadka sababan ee ka dhaca dalka. 6 sano ka dib, Hay’addu ma lahan qorshe iyo siyaasad lagula tacaalo musiibooyinka. Haddaba, maqnaashaha Qorshaha Ka-hortagga Masiibooyinka Qaranka (National Disaster Response Plan) waxaa ka abuurmay isku-dhexyaac iyo iskuduwid-la’aan maareynta musiibada dhacday. Waxaana la magacaabay guddiyo kala duwan oo is-barbar-yaacaya. Si kastaba ha ahaatee, ka-ilaalinta nidaamka caafimaadka culeyska daran waa in uu noqdaa mudnaanta dowladda. Si looga gudbo qorshe la’aanta dalku waa in uu yeeshaa qorshe u diyaarsan masiibooyinka oo si fiican u qeexan, kaas oo suurtagelinaya in si degdeg ah wax looga qabto dhammaan aafooyinka oo ay ka mid yihiin qaraxyada iyo cudurrada faafa. Qorshahaasna waa in uu si cad u qeexaa jawaabaha su’aalahaan; Haddii musiibo dhacdo; sida dab, qarax, dhulgariir, fatahaado, waa tee hey’adda adeegga koowaad bixineysa iyo midda caawineysa? Waa sidee habka iyo hannaanka loo howlgalayo? Waa kuma qofka sida tooska ah loola xiriiraayo? Maxay tahay kaalinta Maamulka Gobalka Benadir? Halkee ku yaallaan xarumaha iyo goobaha laga maareeyo lagana maamulo masiibooyinka? Waaxda dhaawacyada ee Wasaaradda Caafimaadka oo maqan! Marka la eego qaab-dhismeedka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ma lahan waax u qaabilsan dhaawacayda. Sidaas si la mid ah, ma aysan dajin qorshe loogu diyaargaroobay Shilalka Khasaaraha Badan (Mass Casualty Plans and Preparedness). Taas beddelkeeda, sida aan kor ku soo xusnay maareynta dhaawacyada waxaa kaalin mug weyn ah ku lahaa hay’addo caalami ah oo xil iska saaray daaweynta dhaawacyada, tababbaridda shaqaalaha, daabulidda daawada iyo agabka. Ugu horreyn, waxaa muhiim ah in wasaaradda caafimaadka ay door hoggaamineed ku yeelato maareynta musiiboyinka, gaar ahaan qaraxyada iyo cudurrada safmarka ah. Tan labaad, wasaaraddu waa in ay abuurtaa waaxda dhaawacyada, lana timaadaa qorshe iyo siyaasad ay ku caddahay isbitaallada loo qorsheeyay dhaawacyda, tababbaridda shaqaalaha caafimaadka, iyo hannaanka ay ku caawineyso isbitaallada gaarka loo leeyahay. Baraarug la’aanta shaqooyinka kale ee aan daaweynta aheyn Shilalka Khasaaraha badan, waa mid ka mid ah xaalado degdeg ah oo ay tahay in isbitaallada loo diyaariyo. Haddaba, iyada oo daryeelka bukaannada dhaawacan ay tahay mudnaanta koowaad, haddane waxaa muhim ah in la helo habraacyo lagu wajahaayo shaqooyinka kale ee aan daaweynta aheyn, sida: caawinta qoyaska dhibbanayaasha, maareynta meydadka, xogsiinta warbaahinta iyo deeq-bixinta. Ugu dambayntii, waxaan hoggaanka dowladda ugu baaqeynaa in ay garowsadaan khatarta ka dhalan karta maareyn-xumada shilalka khasaaraha badan, maadaama aan la sadaalin karin goorta iyo goobta ay shillalkaas dhici karaan; ayna qaataan tallaabooyinka horetebinta leh, si loo yareeyo waxyeellooyinka ka dhasha shilalkaas, dalkaan iyo dadkaanna musiibooyinka soo noqnoqda looga samatabixiyo. Waxaa qoray Dr. Hassan Kheyre, ku takhasusay nidaamka caafimaadka iyo Dr. Ibrahim Guled oo ka hawlgala isbitaalka Digfeer, ahna Xoghayaha Guud ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wejigii koowaad ee isku-day lagu rabay in lagu damiyo xiisada colaadeed ee kasoo cusboonaatay aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maanta guul kusoo dhamaaday. Xubno uu horkacayo Imaamka Mudulood ayaa ku guuleystay inay xabad joojin kala dhex dhigaan beelihii ku dagaalamayay deegaanadaasi, islamarkaana la kala qaaday ciidamadii labada dhinac ee is horfadhiyay “Maanta iyo shalay waxaa tagnay dhamaan aaggagii ay xabadu ka dhaceysay oo ciidamadu isku horfadhiyeen, marka isku marnay intaas waxa isku afgaranay dadkii deegaan iyo ciidamadii joogay in xabad dambe aysan dhicin oo ciidamada aagga laga bixiyo,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay xubnaha uu horkacayo Imaamka Mudulood. Sidoo kale waxa lagu sheegay in dhinacyada isla qaateen ku dhawaaqista gogol nabdoon oo la dhigayo degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe. “Ilaahay mahadiis waaye, intii naga dhursugaysay ee Abgaal aheyd ee islaheyd maxaa dhici doona waxaa ku seexataan in xabad joojin ay dhacday oo gogol nabdeed la isugu imanayo.” Dagaal beeleedkaan ayaa intii uu socday waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 30 ruux, halka ay tiro kalena ku dhaawacmeen iyo khasaare hantiyeed oo baaxad leh. Sidoo kale waxa uu kusoo aadaya dagaal beeleedkaan xili uu qeybo kala duwan oo dalka ah ka socdo dagaal ka dhanka Al-Shabaab, oo muddo badan dhibaato ku haysay umadda Soomaaliyeed. The post Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal beeleedka Cadale appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Hawlaha Guud ee JSL waxay Copy-garaysay Xeer Nidaamiyaha Dhismayaasha (Rwanda Building Control and Regulations) April 2009, Xatooyo Qaran ! Intaanad gudaha gelin eeg Link-ga labada Buug la deg. Somaliland April 2022 https://drive.google.com/…/1mESEcDk7hshhBcqEuJ6…/view… Rwanda April 2009 https://drive.google.com/…/1m4TwL4LIXE1JBWgdgOI…/view… * part one : Prelimanary ( Hordhac) * part two : Adminstration ( Maamulka) * part three: Desing ( Nashaqada ) * part four : Construction ( Dhismaha) * part five : Occupancy ( Nadaafadda) Talo soo jeedin 1. In xeerkan lasoo copy gareeyay dib loogu laabto qaybna ay ku yeeshaan Dawlada Hoose diyaarinta maadama danyeeyayasha u weyni iyaganyihiin ( Biggest stakeholder) 2. In Xeerkan maamul daadjin Dawlada Hoose gaadha loo sameeyo maadama Dawlada Hoose Dagmooyin maamuli kara mashaaricda dhismaysha Dagmooyinka kasocota haysato , magaran karno sida ay waaxaha Wasaradda Hawlaha guud u maamuli karaan dhismayaasha Degmoyinka kasocda . 3. Xeerkan hadii sidaa lagu ansixiyo waxa ka dhalan doono caqabad waqti qofkasta oo guri dhisanyaana sugi doono ” Application kiisa in la insixiyo “ 4. Ansixinta Xeerkan waxa ka horaysa dib u eegida Shirkadaha dhismaha certificates ka iska wada sita awood ahaan iyo Shaqale ahaana xirfadeedi lahayn mashaaricda dhismaha dalka , iyaga in la monitor gareeyo inta wasaaradu scope keeda ku baladhin lahayd masharicda dhismayaashan monitor garaynaynaaya. Waxa Qoray: Mohamed Sidik – Dhamme Qaran News
-
Daanta Galbeed (Caasimada Online) – Nin Falastiini ah ayaa maanta dilay laba qof oo Israeli ah, oo mid uu mindiyeeyey kan kalena la dul maray baabuur, Daanta Galbeed ee la haysto kahor inta aan isaga la dilin, sida ay sheegeen saraakiisha Israel. Weerarkan ayaa yimid saacado kahor inta aan la dhaarin baarlamanka cusub ee Israel, ayada oo xildhibaanada midigta fog ee ku jira oo la filayo inay ka mid noqdaan golaha wasiirada, ay wacad ku mareen inay joojin doonaa rabshadaha. Ciidamada Israel ayaa ku warramay in “weerar toorey” ah uu ka dhacay aagga warshadaha ee Ariel ee waqooyiga Daanta Galbeed. “Qof argagixiso ah ayaa yimid ganjeelka laga galo aagga wuxuuna mindiyeeyey qof shacab ah oo goobta ku sugnaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada. Adeegga gurmadka deg degga ah ee Israel ee Magen David Adom ayaa sheegay in nin 35 jir ah uu u dhintay dhaawacyo soo gaaray, halka saddex qof oo kale oo la mindiyeeyey ay dhaawac yihiin, kuwaas oo mid ka mid ah dhaawaciisa uu darran yahay. Qofka weerarka soo qaaday ayaa kadib u jiheystay “meel gaaska looga shubto baabuurta wuxuuna ku tooreeyey shacab kale,” sida ay sheegeen ciidamada oo intaas ku daray inuu kadib xaday gaari oo uu baxsaday. “Wuxuu la cararay baabuur uu xaday, wuxuuna kadib ku dul maray qof shacab ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada. Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa sheegay in 50 jir ah uu ku dhintay gaariga lala dul maray. Ciidamada ayaa intaas ku daray in askari uu kadib dilay qofka weerarka soo qaaday, islamarkaana lagu raad joogo qof labaad oo la tuhunsan yahay inuu weerarka ku lug lahaa. Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in qofka Falastiiniga ah ee ciidamada Israel ay toogteen lagu magacaabay Mohammed Souf oo ahaa 18 jir, mana bixin faah-faahin intaas dheer. AFP, VOA The post Wiil Falastiini ah oo maanta weerar uu fuliyey laba hab ku dilay laba qof oo Israeli ah appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka JFS. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka siiyay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka JFS xaaladda dalka, dagaalka Al-shabaab iyo safaradii uu ku tagay qaar ka mid ah dalalka Caalamka. Muuqaal: Khudbada Madaxweyne Xasan BISMILAAH……. GUDDOONKA LABADA AQAL EE BARLAMAANKA JFS XILDHIBAANADA BARLAMAANKA JFS MARTI SHARAFTA KALE MUDANEYAAL IYO MARWOOYIN, Waxaan dhammaantiin idinku salaamayaa salaanta Islaamka ASCWRWB: Isla markii aan xilka la wareegay waxaan la kowsaday laba xaaladood oo kala daran: Abaaro saameeyay in ka badan 7 Milyan oo qof, iyo KHAWAARIJTA oo sii kordhiyay culayska ay ku hayeen shacabkeena taagta daran. Waxa aan qaaday tallaabooyin aan u arkayay inay lagama-maarmaan u yihiin u goggol-xaarista hannaan wax looga qaban karo dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed ragaadiyay, maaddaama xalka dhibaatooyinkaasi uu ku jiro “Soomaali Heshiis ah” Annaga oo ka duuleyna yoolkaas baaxadda leh, sida ku cad Barnaamijka Xukuumadda, Dowladdeena waxay xoogga isugu geyneysaa hiigsiyada soo socda: • Soomaaliya Sharcigu Ka Sarreeyo. • Soomaali Heshiis Ah. • Soomaali Dunida Heshiis La Ah. • Soomaaliya Isku Filan. • Soomaaliya Cagaaran. • Dhisida hay’ado Tayo Leh oo Bixin Kara Adeeg Hufan. Mudaneyaal iyo Marwooyin, Waxaan boggaadinayaa howlahii uu soo qabtay Barlamaanka kalfadhigii hore, oo ay ugu horreyso doorashooyinkii, guddoonka, madaxweynaha iyo kalsooni siinta ra’isulwasaaraha iyo xukuumadda. Sidoo kale inaad dhisteen guddiyadii joogtada ahaa iyo xubnahii idinku matali lahaa barlamaanada caalamka. Waxaan sidoo kale, bogaadinayaa xubnaha golayaashan ee u guntaday inay garab istaagaan ciidamada qalabka sida iyo shacabka soomaaliyeed ee u istaagay inay iska xoreeyaan khawaarijta. Waxaad shacabka Soomaaliyeed hormuud ugu noqoteen macnaha dhabta ah ee mataalaadda shacabka. Maanta Dalkeena iyo dadkeennuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho laheyn, meel guuldarradu aanay boos uga bannaaneyn. Waxaan go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dalka looga sifaynayo khawaarijta. Waan soo waayay jid aan ahayn in aan difaacno karaamadeenna , islaanimadeena iyo qaranimadeena. Dalka iyo dadku waxay inooga baahan yihiin xilgudasho dhammeytiran oo ah in aan dhinac uga soo wadajeesano halka cadaw ee Soomaaliyada maanta; waa in aan isku garabsiino shacab iyo dowladba sidii aan Dalka oo dhan aan uga xoreyn laheyn cadawagaas. Dib-u-xoreynta Dalka oo dhan waa waddada kaliya ee aan ku xaqiijin karno dal nabad ah oo uu sharcigu sareeyo; waxaad ogsoon tihiin in Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada kala duwan ay ku baaraarugeen dhagarta cadawga iyaga oo garowsaday in Al-shabaab iyo Daacish ay yihiin Khawaarij ka been sheegaya diinteenna suuban kuna dhiirraday in ay iska dulqaadaan dulliga iyo heeryada KHAWAARIJTA ku soo gabatay diinteena. Abwaan Soomaaliyeed ayaa horay u yiri: • Nin dayoobay soo noqay markuu waagu daalaco e • Dadweynahii la lumiyaa mar uun bay dowga helayaan Dowladdeydeena, iyada oo aan muddo badan xafiiska joogin, waxay garatay in kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed uu kaalin mug leh ku leeyahay sidii Khawaarijta Dalka oo dhan looga xoreyn lahaa annaga oo aaminsan in Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidankooda oo is kaashanaya ay ku guuleysan doonaan dib-u-xoreynta deegaannada ku haray gacanta cadawga Khawaarijta. Tusaale bilaw ah waxaa noogu filan dagaallada ka dhacay Gobollada Hiiraan, Shabeellaaha Dhexe, iyo Galgaduud. Waxaan shaki ku jirin in maadaama aan dagaal ku jirno cadawgana uu jab weyn gaaray ay beegsan doonaan shacabka aan waxba galabsan, sida weerarkii 29 Oktoobar ay ku qaadeen zoobbe. Waxaan bogaadinayaa dadaalka ciidamada iyo shacabka oo u guntaday u gargaarida dadweynihii ku waxyeelobay. Waxaan Ilaahay SWT ka baryayaa inuu janadii Firdowza ka waraabiyo shuhudadaas geeriyooday. Sugida Amniga iyo ciribtirka Khawaarijta ka sokoow, shacabka Soomaaliyeed waxa uu u baahanyahay Soomaaliya sharcigu sareeyo taas oo inaga rabta meelmarinta shuruuc la jaanqaadi karta xilligan aan ku jirno iyo duruufaha inoo gaarka ah. Iyada oo taas laga duulayo, waxaan Ra’iisul-wasaaraha iyo Xukuumaddiisa faray in ay ka howlgalaan soo gudbinta dhammaan shuruucda uu Dalku u baahanyahay. Xildhibaanada Soomaaliyeedoow Walaalayaal, Aniga oo maanka ku haya in la helo jawi siyaasadeed oo xasilloon kaasi oo saamaxaya in si wadajir ah looga shaqeeyo xal u helidda arrimaha masiiriga ah ee u baahan heshiisyada siyaasadeed. Waxaan booqasho ku tagay inta badan Dowlad Goboleedyada dalka, waxaan sidoo kale yeelanay saddex kulan Golaha Wadatashiga Qaranka oo aan ku lafo-gurnay xoojinta hannaanka wadashaqaynta heerarka kala duwan ee dowladda iyo isla meel-dhigidda qodobbada waaweyn ee ay tahay in xalkooda si mid ah looga shaqeeyo, sida dhammaystirka dastuurka dalka oo wakhti badan qabyatirkiisu soo jiitamayay, dhammaystirka hannaanka amniga qaranka si loo helo hannaan lagu midaysan yahay oo qayb mug leh ka qaata xorreynta iyo la dirirka Khawaarijta; helidda nidaam doorasho oo heshiis lagu yahay; mudnaan-siinta dib u heshiisiinta siyaasadeed iyo midda bulsho ee guud ahaan dalka; arrinta xal u helidda Somaliland iyada oo loo marayo wadahadal, isu-tanaasul iyo in-qancin; xoojinta iyo dhammaystirka nidaamka federaalka; dhammaystirka iyo taabbagelinta hannaan garsoor oo madaxbannaan isla markaana hufan. Maaddaama ay waajib tahay in dowladnimadeennu ay ka tarjunto baahiyaha shacabka loogu adeego, waxa aan sidoo kale shirar kala duwan oo wadatashi ah la yeeshay qaybaha kala geddisan ee bulshada Soomaaliyeed oo aan ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah oo ku aaddan arrimaha ay u arkaan in mudnaanta la siiyo inta lagu gudajiro muddo-xileedkayga. Waxa aan markii aan xafiiska imid safarro dalka dibaddiisa ah ugu ambabaxay dalal kala duwan. Ujeedka safarradaas iyo booqashooyinkaasi waxa ay salka ku hayeen qorshaheenna ku aaddan in la helo siyaasad arrimo dibadeed oo ka duulaysa Soomaaliya deriskeeda iyo dunidaba heshiis la ah. Waxaa safaradaas aas-aas u ahaa inaan madaxda dalalkaas ka wada-hadalno danaha aan wadaagno iyo qaabka ugu habboon ee ay uga qayb-qaadan karaan dib u soo kabashada qaranka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka geysanayaan dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ma-naxaanka ah ee caqabadda ku ah dowladnimada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed kuwaasi oo bannaystay daadinta dhiiggooda, boobkaa hantidooda, kuna xadgudba sharaftooda. Dhammaan safarradaas waxa aan kala soo laabannay guul, annaga oo madaxda dalalkaas isku raacnay inay door mug leh ka geystaan arrimaha hortabinta u leh dowladdeenna iyo dadaallada aan ku baadi-goobaynno dib u dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimadeena curdinka ah. Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in siyaasadda dowladdeenna ay laf-dhabar u noqon doonto in la soo dhaweeyo cid walba oo diyaar u ah inay naga taageerto arrimaha mudnaanta inoo leh, iyada oo aan isu dheelli-tirayno danaha aan caalamka ka leennahay iyo kuwa ay iyagu innaga leeyihiin. Soomaaliya xilligan la joogo inta ay saaxiib u baahan tahay ayaa ka badan inta ay cadaw u baahan tahay. Mudaneyaal iyo Marwooyin, Sida aad la wada socotaan dalkeennu waxa uu la tacaalayaa xaalad adag oo ka dhalatay jiilaalka iyo abaaraha daba-dheeraaday ee ragaadiyay nolosha dadkeenna ku tiirsan dhaqashada xoolaha, kaluumeysiga iyo tacabka beeraha. Saamaynta abaartaas ka dhalatayna ma saamayn keliya dadka balse waxa ay dhaawac u geysatay dhaqaalaha guud ee dalka maaddaama xoolaha iyo beeruhu yihiin laf-dhabarka dhaqaalaheenna. Si abaartaas looga hortago, dalkana looga badbaadiyo macluul baahda oo gallaafata dadka, waxaan qaadnay Tilaabooyin isagu jira u qareemid uu hormuud u yahay Eragyaga Gaar ka ah ee abaaraha. Waxaan dhisnay Wasaaradda Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada taas oo durbaba ka howlgashay sidii loo gaari lahaa Soomaaliya Cagaaran oo deegaankeedu dhowrsan yahay lehna dhammaan siyaasadaha iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah maareynta arrimaha deegaanka. Mudaneyaal iyo Marwooyin, Dowladnimo waxaa udub dhaxaad u ah dhismaha hay’ado ku dhisan sharci oo awoodi kara in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday. Hay’adaha noocaan ah waxay innooga baahan yihiin tayeyn joogto ah oo lagu horumarinayo xirfadaha dadka ka shaqeynaya hay’adaha dowladeena. Nolosheena, guusheena iyo Qaranimadeena waxaa aas-aas u ah inaan ka shaqeyno Garsoor ku dhisan cadaalad. (وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ). Dib-u-dhiska dowladnimadeenna waxay u baahan tahay garasho, wadatashi, kalsooni dhisid, iyo go’aanno ku yimaada cadaalad iyo garsoor loo simanyahay. Taasi oo sahlaysa inaan dejisanno xeerarka iyo shuruucda hagaya geeddi socodka dowladnimadeennaa. Mudaneyaal iyo Marwooyin, Ugu dambeyntii, waxaan rabaa in aan hoosta-ka-xarriiqo kaalinta Baarlamaanka Federaalka uu ku leeyahay hirgelinta dhammaan himilooyinka uu Qaranku hiigsanayo. Dhammaanteen waxaa nagu waajib ah in aan ku shaqeyno dareen iskaashi iyo wada-shaqeyn innaga oo mudnaanta siineyna dejinta dhammaan shuruucda loo baahan yahay iyo fulintooda. Waxaan si xushmadi ku dheehan tahay idinkaga codsanayaa in aad kalfadhigan cusub fududeysaan intii suurtagal ah dhammaan shuruucda idinkaga imaan doonaa Xukuumadda, shuruucdaas oo hiigsigoodu yahay arrimaha aan soo dulmaray. Walaalayaal, waxaan heysannaa fursad qaali ah oo aan Dalka iyo dadkaba ku samatabixin karno. Taariikhda ayaa xusi doonta kaalinta uu qof kasta uu ka qaato dadaalka iyo Halganka maanta socda ee dowladnimadeena u baahan tahay. Xildhibaanada Soomaaliyedoow walaalayaal, Gebogabada halganka maanta socda wuxuu dhali doonaa abayaasha Soomaaliyada cusub iyo geesiyaal ay tariikhda xusi doonta. Sidaas daradeed, hogaamiyeyaasha maanta waa inagee, yaanen fursadan ina seegin. Haddaba, aniga oo gudanaya waajibkeyga dastuuriga ah sida ku cad Qod.90aad (g) ee Dastuurkeena, waxaan ku soo gebagebaynayaa hadal-jeedinteyda, “Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa inoo furan yahay.” Soomaaliya ha midowdo! Qaranku ha guuleysto! DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Khudbadii Madaxweyne Xasan ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka JFS appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta furay kal-fadhigii labaad ee baarlamaanka 11-aad. Xasan Sheekh ayaa furitaanka kal-fadhiga waxa uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanayso. Hoos ka akhriso Khudbadda Madaxweynaha ee furitaanka Kal-fadhiga Labaad ee baarlamaanka 11-aad. KHUDBADDA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA GUDDOONKA LABADA AQAL EE BARLAMAANKA JFS XILDHIBAANADA BARLAMAANKA JFS MARTI SHARAFTA KALE MUDANEYAAL IYO MARWOOYIN, Waxaan dhammaantiin idinku salaamayaa salaanta Islaamka ASCWRWB: Isla markii aan xilka la wareegay waxaan la kowsaday laba xaaladood oo kala daran: Abaaro saameeyay in ka badan 7 Milyan oo qof, iyo KHAWAARIJTA oo sii kordhiyay culayska ay ku hayeen shacabkeena taagta daran. Waxa aan qaaday tallaabooyin aan u arkayay inay lagama-maarmaan u yihiin u goggol-xaarista hannaan wax looga qaban karo dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed ragaadiyay, maaddaama xalka dhibaatooyinkaasi uu ku jiro “Soomaali Heshiis ah” Annaga oo ka duuleyna yoolkaas baaxadda leh, sida ku cad Barnaamijka Xukuumadda, Dowladdeena waxay xoogga isugu geyneysaa hiigsiyada soo socda: • Soomaaliya Sharcigu Ka Sarreeyo. • Soomaali Heshiis Ah. • Soomaali Dunida Heshiis La Ah. • Soomaaliya Isku Filan. • Soomaaliya Cagaaran. • Dhisida hay’ado Tayo Leh oo Bixin Kara Adeeg Hufan. Mudaneyaal iyo Marwooyin, Waxaan boggaadinayaa howlahii uu soo qabtay Barlamaanka kalfadhigii hore, oo ay ugu horreyso doorashooyinkii, guddoonka, madaxweynaha iyo kalsooni siinta ra’isulwasaaraha iyo xukuumadda. Sidoo kale inaad dhisteen guddiyadii joogtada ahaa iyo xubnahii idinku matali lahaa barlamaanada caalamka. Waxaan sidoo kale, bogaadinayaa xubnaha golayaashan ee u guntaday inay garab istaagaan ciidamada qalabka sida iyo shacabka soomaaliyeed ee u istaagay inay iska xoreeyaan khawaarijta. Waxaad shacabka Soomaaliyeed hormuud ugu noqoteen macnaha dhabta ah ee mataalaadda shacabka. Maanta Dalkeena iyo dadkeennuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho laheyn, meel guuldarradu aanay boos uga bannaaneyn. Waxaan go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dalka looga sifaynayo khawaarijta. Waan soo waayay jid aan ahayn in aan difaacno karaamadeenna , islaanimadeena iyo qaranimadeena. Dalka iyo dadku waxay inooga baahan yihiin xilgudasho dhammeytiran oo ah in aan dhinac uga soo wadajeesano halka cadaw ee Soomaaliyada maanta; waa in aan isku garabsiino shacab iyo dowladba sidii aan Dalka oo dhan aan uga xoreyn laheyn cadawagaas. Dib-u-xoreynta Dalka oo dhan waa waddada kaliya ee aan ku xaqiijin karno dal nabad ah oo uu sharcigu sareeyo; waxaad ogsoon tihiin in Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada kala duwan ay ku baaraarugeen dhagarta cadawga iyaga oo garowsaday in Al-shabaab iyo Daacish ay yihiin Khawaarij ka been sheegaya diinteenna suuban kuna dhiirraday in ay iska dulqaadaan dulliga iyo heeryada KHAWAARIJTA ku soo gabatay diinteena. Abwaan Soomaaliyeed ayaa horay u yiri: • Nin dayoobay soo noqay markuu waagu daalaco e • Dadweynahii la lumiyaa mar uun bay dowga helayaan Dowladdeydeena, iyada oo aan muddo badan xafiiska joogin, waxay garatay in kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed uu kaalin mug leh ku leeyahay sidii Khawaarijta Dalka oo dhan looga xoreyn lahaa annaga oo aaminsan in Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidankooda oo is kaashanaya ay ku guuleysan doonaan dib-u-xoreynta deegaannada ku haray gacanta cadawga Khawaarijta. Tusaale bilaw ah waxaa noogu filan dagaallada ka dhacay Gobollada Hiiraan, Shabeellaaha Dhexe, iyo Galgaduud. Waxaan shaki ku jirin in maadaama aan dagaal ku jirno cadawgana uu jab weyn gaaray ay beegsan doonaan shacabka aan waxba galabsan, sida weerarkii 29 Oktoobar ay ku qaadeen zoobbe. Waxaan bogaadinayaa dadaalka ciidamada iyo shacabka oo u guntaday u gargaarida dadweynihii ku waxyeelobay. Waxaan Ilaahay SWT ka baryayaa inuu janadii Firdowza ka waraabiyo shuhudadaas geeriyooday. Sugida Amniga iyo ciribtirka Khawaarijta ka sokoow, shacabka Soomaaliyeed waxa uu u baahanyahay Soomaaliya sharcigu sareeyo taas oo inaga rabta meelmarinta shuruuc la jaanqaadi karta xilligan aan ku jirno iyo duruufaha inoo gaarka ah. Iyada oo taas laga duulayo, waxaan Ra’iisul-wasaaraha iyo Xukuumaddiisa faray in ay ka howlgalaan soo gudbinta dhammaan shuruucda uu Dalku u baahanyahay. Xildhibaanada Soomaaliyeedoow Walaalayaal, Aniga oo maanka ku haya in la helo jawi siyaasadeed oo xasilloon kaasi oo saamaxaya in si wadajir ah looga shaqeeyo xal u helidda arrimaha masiiriga ah ee u baahan heshiisyada siyaasadeed. Waxaan booqasho ku tagay inta badan Dowlad Goboleedyada dalka, waxaan sidoo kale yeelanay saddex kulan Golaha Wadatashiga Qaranka oo aan ku lafo-gurnay xoojinta hannaanka wadashaqaynta heerarka kala duwan ee dowladda iyo isla meel-dhigidda qodobbada waaweyn ee ay tahay in xalkooda si mid ah looga shaqeeyo, sida dhammaystirka dastuurka dalka oo wakhti badan qabyatirkiisu soo jiitamayay, dhammaystirka hannaanka amniga qaranka si loo helo hannaan lagu midaysan yahay oo qayb mug leh ka qaata xorreynta iyo la dirirka Khawaarijta; helidda nidaam doorasho oo heshiis lagu yahay; mudnaan-siinta dib u heshiisiinta siyaasadeed iyo midda bulsho ee guud ahaan dalka; arrinta xal u helidda Somaliland iyada oo loo marayo wadahadal, isu-tanaasul iyo in-qancin; xoojinta iyo dhammaystirka nidaamka federaalka; dhammaystirka iyo taabbagelinta hannaan garsoor oo madaxbannaan isla markaana hufan. Maaddaama ay waajib tahay in dowladnimadeennu ay ka tarjunto baahiyaha shacabka loogu adeego, waxa aan sidoo kale shirar kala duwan oo wadatashi ah la yeeshay qaybaha kala geddisan ee bulshada Soomaaliyeed oo aan ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah oo ku aaddan arrimaha ay u arkaan in mudnaanta la siiyo inta lagu gudajiro muddo-xileedkayga. Waxa aan markii aan xafiiska imid safarro dalka dibaddiisa ah ugu ambabaxay dalal kala duwan. Ujeedka safarradaas iyo booqashooyinkaasi waxa ay salka ku hayeen qorshaheenna ku aaddan in la helo siyaasad arrimo dibadeed oo ka duulaysa Soomaaliya deriskeeda iyo dunidaba heshiis la ah. Waxaa safaradaas aas-aas u ahaa inaan madaxda dalalkaas ka wada-hadalno danaha aan wadaagno iyo qaabka ugu habboon ee ay uga qayb-qaadan karaan dib u soo kabashada qaranka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka geysanayaan dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ma-naxaanka ah ee caqabadda ku ah dowladnimada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed kuwaasi oo bannaystay daadinta dhiiggooda, boobkaa hantidooda, kuna xadgudba sharaftooda. Dhammaan safarradaas waxa aan kala soo laabannay guul, annaga oo madaxda dalalkaas isku raacnay inay door mug leh ka geystaan arrimaha hortabinta u leh dowladdeenna iyo dadaallada aan ku baadi-goobaynno dib u dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimadeena curdinka ah. Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in siyaasadda dowladdeenna ay laf-dhabar u noqon doonto in la soo dhaweeyo cid walba oo diyaar u ah inay naga taageerto arrimaha mudnaanta inoo leh, iyada oo aan isu dheelli-tirayno danaha aan caalamka ka leennahay iyo kuwa ay iyagu innaga leeyihiin. Soomaaliya xilligan la joogo inta ay saaxiib u baahan tahay ayaa ka badan inta ay cadaw u baahan tahay. Mudaneyaal iyo Marwooyin, Sida aad la wada socotaan dalkeennu waxa uu la tacaalayaa xaalad adag oo ka dhalatay jiilaalka iyo abaaraha daba-dheeraaday ee ragaadiyay nolosha dadkeenna ku tiirsan dhaqashada xoolaha, kaluumeysiga iyo tacabka beeraha. Saamaynta abaartaas ka dhalatayna ma saamayn keliya dadka balse waxa ay dhaawac u geysatay dhaqaalaha guud ee dalka maaddaama xoolaha iyo beeruhu yihiin laf-dhabarka dhaqaalaheenna. Si abaartaas looga hortago, dalkana looga badbaadiyo macluul baahda oo gallaafata dadka, waxaan qaadnay Tilaabooyin isagu jira u qareemid uu hormuud u yahay Eragyaga Gaar ka ah ee abaaraha. Waxaan dhisnay Wasaaradda Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada taas oo durbaba ka howlgashay sidii loo gaari lahaa Soomaaliya Cagaaran oo deegaankeedu dhowrsan yahay lehna dhammaan siyaasadaha iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah maareynta arrimaha deegaanka. Mudaneyaal iyo Marwooyin, Dowladnimo waxaa udub dhaxaad u ah dhismaha hay’ado ku dhisan sharci oo awoodi kara in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday. Hay’adaha noocaan ah waxay innooga baahan yihiin tayeyn joogto ah oo lagu horumarinayo xirfadaha dadka ka shaqeynaya hay’adaha dowladeena. Nolosheena, guusheena iyo Qaranimadeena waxaa aas-aas u ah inaan ka shaqeyno Garsoor ku dhisan cadaalad. (وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ). Dib-u-dhiska dowladnimadeenna waxay u baahan tahay garasho, wadatashi, kalsooni dhisid, iyo go’aanno ku yimaada cadaalad iyo garsoor loo simanyahay. Taasi oo sahlaysa inaan dejisanno xeerarka iyo shuruucda hagaya geeddi socodka dowladnimadeennaa. Mudaneyaal iyo Marwooyin, Ugu dambeyntii, waxaan rabaa in aan hoosta-ka-xarriiqo kaalinta Baarlamaanka Federaalka uu ku leeyahay hirgelinta dhammaan himilooyinka uu Qaranku hiigsanayo. Dhammaanteen waxaa nagu waajib ah in aan ku shaqeyno dareen iskaashi iyo wada-shaqeyn innaga oo mudnaanta siineyna dejinta dhammaan shuruucda loo baahan yahay iyo fulintooda. Waxaan si xushmadi ku dheehan tahay idinkaga codsanayaa in aad kalfadhigan cusub fududeysaan intii suurtagal ah dhammaan shuruucda idinkaga imaan doonaa Xukuumadda, shuruucdaas oo hiigsigoodu yahay arrimaha aan soo dulmaray. Walaalayaal, waxaan heysannaa fursad qaali ah oo aan Dalka iyo dadkaba ku samatabixin karno. Taariikhda ayaa xusi doonta kaalinta uu qof kasta uu ka qaato dadaalka iyo Halganka maanta socda ee dowladnimadeena u baahan tahay. Xildhibaanada Soomaaliyedoow walaalayaal, Gebogabada halganka maanta socda wuxuu dhali doonaa abayaasha Soomaaliyada cusub iyo geesiyaal ay tariikhda xusi doonta. Sidaas daradeed, hogaamiyeyaasha maanta waa inagee, yaanen fursadan ina seegin. Haddaba, aniga oo gudanaya waajibkeyga dastuuriga ah sida ku cad Qod.90aad (g) ee Dastuurkeena, waxaan ku soo gebagebaynayaa hadal-jeedinteyda, “Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa inoo furan yahay.” Soomaaliya ha midowdo! Qaranku ha guuleysto! DHAMMAAD Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimada dowladda Koonfur Galbeed ee Baraawe. Socdaalka Madaxweynaha Laftagareen ee magaalada Baraawe ayaa ah xaragjarka mashaariic dhowr ah oo laga fuliyey caasimadda, dhagax-dhiga kuwo horleh iyo dhiiragelinta dadka deeganka iyo qeybaha kala duwan ciidamada ee udiyaar garoobey la dagaalanka Al-shabaab. Garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe wafdiga Madaxweyne Laftagareen waxaa ku soo dhaweeyey guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, duqa xaasimada Baraawe, saraakiisha laamaha amniga iyo qeybaha kala duwan bulshada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Laftagareen oo gaaray caasimadda Koonfur Galbeed ee Baraawe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay xarunta KMG ee Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa. Munaasibada daahfurka kalfadhiga ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo labadooda ku-xigeen, Ra’iisul Wasaaraha, Xildhibaanada labada Aqal, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Guddoomiyaasha Golaha Wakiillada dowladd-gobaleedyada iyo marti sharaf kale. Kulfadhiga ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay guddoonka labada Aqal, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kuwaasi oo ka hadlay shaqooyinka laba Aqal u qabsoomay kalfadhigii koowaad ee Golaha iyo ajandayaasha horyaala kalfadhiga labaad. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Golaha ayaa wuxuu ugu horeyntii xaalada guud ee dalka uga warbixiyay mudanayaasha labada Aqal, isaga oo sheegay in dalka hadda uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ka socda inta badan gobolada. “Waxaan soo waayay ka Madaxweyne ahaan jid aan ahayn inaan difaacno karaamadeena, Islaamnimadeena iyo qaranimadeena. Dalka iyo dadkuba waxay innooga baahan yihiin xil gudasho dhameystiran, oo ah in aan dhinac uga soo wada jeedsano halka cadow ee Soomaaliyada maanta ay leedahay. Waa inaan isku garabsiino shacab iyo dowladba, sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn lahayn halkaas cadow ee maanta aan leenahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Waa in aan isku garab siino shacab iyo dowladba sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn lahayn halkaas cadaw ee aan maanta leenahay, dib u xoreynta dalka oo dhan waa wadada kaliya ee aan ku xaqiijin karno dal nabad ah oo uu sharcigu sarreeyo,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh inay Soomaaliya xiligaan u baahan tahay kasbashada saaxiibo ka taageera arrimaha mudnaanta u leh dowladda, taasi oo uu sheegay inay laf-dhabar u tahay siyaasadda dowladdiisa in la soo dhaweysto cid waliba. “Soomaaliya inta ay saaxiibo u baahan tahay ayaa ka badan inta ay cadaw u baahantahay,” ayuu sii raacsiiyay hadalkiisa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. “Maanta dalkeena iyo dadkeenuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho lahayn, meel guuldarradu aanay boos ku lahayn/uga bannaanayn, waxaan go’aansanay inaan u guntano dagaal dalka looga sifeynayo Khawaarijta.” Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa mudanayaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka codsaday inay fududeeyaan dhamaan sharciyada horyaala Golaha, kuwaasi oo uga imaaday xukuumada. The post Xasan Sheekh oo BF kahor sheegay arrin ay si weyn ugu baahan tahay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin cusub kasoo saartay xaaladda Soomaaliya, ayada oo talooyin usoo jeedisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Hay’adda Amnesty ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh aanu weli ka dhabeyn ballan-qaadyadii uu sameeyey ee la xiriiray arrimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya, amniga iyo cadaaladda shacabka. “Lix bilood kadib markii uu xilka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, weli dowladdiisa kama aysan dhabeyn ballan qaadyadii ay sameysay ee ahaa in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay helaan caddaalad iyo amni,” ayey tiri Amnesty International. “Bishii May 2022, dowladdu waxay sheegtay inay mudnaanta siin doonto arrimo ay ka mid yihiin amniga, cadaaladda, dib u heshiisiinta, iyo horumarinta bulshada. Si kastaba ha ahaatee, go’aan iyo waxqabad dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo hagaajiyo oo mudnaanta loo siiyo xuquuqda aadanaha, si loo xaqiijiyo la xisaabtanka xadgudubyada, iyo in la ilaaliyo rayidka,” ayey tiri Amnesty. Amnesty ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu wax ka qabto tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay soo saartay hay’addu 10 qodob oo ay kula talisay inuu qaado madaxwynaha, si uu ugu saleeyo tallaabooyinkiisa. Halkan hoose ka aqriso:- 1- In la ilaaliyo xuquuqda rayidka. 2- Dib u habaynta nidaamka garsoorka. 3- In la xaqiijiyo caddaaladda iyo magdhowga xadgudubyada ay geystaan ciidamada shisheeye. 4- In la dhowro lana ixtiraamo xoriyada hadalka. 5- Dammaanad qaad iyo ilo ku filan helitaanka xaqa caafimaad ee qof kasta. 6- In la ilaaliyo dadka gudaha ku barakacay lana joojiyo raritaan qasab ah. 7- In la ilaaliyo xuquuqda carruurta. 8- In la Ilaaliyo haweenka iyo gabdhaha xuquuqdooda bini’aadantinimo lagana ilaaliyo xadgudubyada galmada. 9- Ka-hortagga isbeddelka cimilada iyo xasaradaha kale. 10- In la dhiso oo la hawlgeliyo Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka. The post AMNESTY oo 10 qodob ka dalbatay XASAN SHEEKH appeared first on Caasimada Online.
-
“Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha xilku ku dhammaaday ee Muuse Biixi Cabdi, inuu qabanqaabiyo kulan lagu soo afmeero khilaafka siyaasadeed ee macnadarrada ah, ee kala qaybiyey dadkeenii xilligan adag. Waxaan ka cabsi qabaa in cadawgeenu fursad ka helaan xaaladdan taagan haddii ay sii jirto, oo ay khalkhal galiyaan deganaanshiyaha dalka. Markasta waxaanu diyaar u ahayn wada-hadal.” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo u warramay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan xiisadda u dhexeyso madaxweynaha iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka ee maamulkaasi. Barkhad Batuun ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay wajaheyso xaaladdii ugu adkeyd, islamarkaana loo baahan yahay in la bad-baadiyo mustaqbalkeeda. “Waa xaaladdii ugu cakirneyd ee gasho Somaliland, kuma talinayo inay faraha ka baxdo nabad-gelyada Somaliland,” ayuu yiri Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun. Xildhibaanka ayaa xusay in xittaa khilaafkan siyaasadeed uu saameeyey dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo nolosha guud ahaan dadka Somaliland. Sidoo kale wuxuu walaac ka muujiyey sida ay arrintu ku socoto marka la fiiriyo hubanti la’aan ka jirta Somaliland iyo hadallada kul-kulul ee ay isweydaarsanayaan labada dhinac. Barkhad Batuun ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qof kasta, gaar ahaan ardayda ay is weydiinayaan meesha ay ku dambeyn doono xaaladda iyo inuu dagaal ka dhacayo dalka. “Waxaa qalbigu i xanuunaa marka ardeyda dariiqyada mareysa ee iskuulada tagaya barkood ay ku weydiinayaan adeer ma dagaal baa ka dhacaya Somaliland” ayuu yiri Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray mucaaradka iyo xukuumadda, isaga oo ka dalbaday inay u turaan shacabka, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda taagan. Si kastaba, Somaliland waxaa ka jira xaalad hubanti la’aan ah, taas oo ka dhalatay go’aanka kasoo baxay mucaaradka oo iska diiday muddo kordhintii dhowaan loo sameeyey madaxweyne Biixi, iyaga oo shaaciyey inay qabsan doonaan doorasho xor iyo xalaal ah. The post Barkhad Batuun: Ma dagaal baa ka dhacaya S/LAND? appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wadaa in uu furmo kal-fadhigii labaad ee labada gole Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee furitaanka kal-fadhiga labaad ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka guud ee madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo lagu qabanayo furitaanka kal-fadhiga. Kulankaan ayaa waxaa ka soo qaybgalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka, guddoomiyayaasha golaha wakiilada dowlad gobaleedyada dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa in uu jeediyo khudbaddiisa furitaanka baarlamaanka, waxaana madaxweynaha uu ka hadli doonoo ajendayaasha hortabinta u leh dowladnimada iyo dagaalka ka dhanka ururka alshabaab ee ka socda gobalka dalka. Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka ayaana muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay ku maqnaayeen fasax kadib markii la xiray kal-fadhigii koowaad. Mudanayaasha baarlamaanka ayaana waqtigooda fasaxa waxa qaar kamid ah ay ku qaateen nasiino iyo damashaad ay ku tageen qaar kamid ah dalalka caalamka, halka qaar kale oo kamid ah xildhibaannada ay qayb wayn ka qaateen xoreynta deegaanada ay matalaan iyo ka qayb galka dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay saraakii sar sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS ee ka socda Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa goobjoog ahaa taliyaha ciidanka Booliska, qeybta gobolka Baay iyo taliyaha saldhigga degmada Baydhabo, ayada oo diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale xoojinta taageerada ay ATMIS siiso maamulkaasi. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa saraakiisha uu la kulmay ee ka socday ATMIS ka dalbaday in ay u tababaraan ciidamo cusub oo Boolis ah oo gacan ka geysta sugidda amniga. Ciidamada cusub ee loo tababarayo Koonfur Galbeed ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah qayb qaabilsanaan doonto dambi baarista iyo kuwa kale oo loo tababarayo ilaalinta nabadgelyada waddooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Koonfur Galbeed. “Kooxda ATMIS waxa ay marweliba tababaro lagu kordhinayo la dhaqanka Bulshada & howlaha sugidda amniga siiyaan Ciidamada Booliiska Koofur Galbeed, Madaxweyne Lafta Gareen waxa uu ATMIS u bandhigay qorshaha guud ee tababarada Ciidamo Booliis ah, kuwa dambi baarista (C.I.D). & kuwa ilaalinta nabadgalyada waddooyinka” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Dhankooda saraakiisha ka socotay howlgalka ATMIS ayaa ballan qaaday in ay sii kordhin doonaan tababarada ay siiyaan ciidanka Koonfur Galbeed sidoo kalena ay taageeri doonaan dhanka howlgallada, si loo xaqiijiiyo amniga guud ee magaalooyinka maamulkaasi. Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaaa waxaa haatan ka socdao dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana deegaanka qaar ka bilowday abaabulka guluf dagaal oo lagu qaadayo deegaanada ay weli xoogaga Mintidiinta kaga sugan yihiin gobolada maamulkaasi. The post Madaxweyne Lafta Gareen oo dalab culus u gudbiyey howlgalka ATMIS + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Six months after President Hassan Sheikh Mohamud took office, his government has yet to make good on its promises to guarantee justice and security for the people of Somalia. Amnesty International is today presenting the Somali government with a 10-point plan, outlining the steps it must take to improve the human rights situation in the country. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay lacagta abaal-marinta ah ee ay ku bixineyo xog hoggaamin karta aqoonsiga iyo halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee Al-shabaab. Waaxda Arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in ay abaal-marin gaarsiisan $10 malyan oo Dollar ku bixinayso ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga ama halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ee kala ah; Axmed Diiriye, Mahad Karate, iyo Jehad Mostafa. Axmed Diiriye oo ahaa amiirka Al-Shabaab tan iyo bishii September 2014 ayaa liiska argagixisada caalamiga ee Mareykanka (SDGT) lagu daray April 21, 2015. Mahad Karate ayaa isna liiska lagu daray isla April 21, 2015. Mahad Karate waa amiir ku-xigeenka ama amiir ku-xigeenka dadban ee Al-Shabaab, wuxuuna weli hoggaamiyaa qaar ka mid ah howlgallada Al-Shabaab. Karate ayaa sidoo kale haya qaar ka mid ah mas’uuliyadda talis ee Amniyaat, oo ah garabka sirdoonka Al-Shabaab oo mas’uul ka ah weeraro ismiidaamin ah iyo dilal ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale oo gobolka ka mid ah. Jehad Mostafa waa muwaadin Mareykan ah oo horey u deganaa gobolka California. Mostafa wuxuu tababare militari kasoo noqday xerooyinka tababarka Al-Shabaab. Sidoo kale waa hoggaamiyaha ajaaniibta Al-Shabaab, hoggaamiyaha garabka warbaahinta Al-Shabaab, iyo dhex-dhexaadiyaha Al-Shabaab iyo ururada kale ee argagixiso. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo $10 milyan oo Abaalmarin ah ku bixinaya xogta Madaxda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - Following his visit to Somali air force graduates in Asmara, Eritrea, Somali President Hassan Sheikh Mohamud appointed Major General Mubarak Abdiqani Muse as the new chief Commander for the Somali navy force on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in tirada dadweynaha dunida ay maanta gaartay 8 bilyan oo qof. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in cunug dhashay saddex saacadood ka hor uu buuxiyay tirada 8 bilyan ee dadweynaha adduunka. Waxaa ay tiradan buuxsantay 11 sano kaddib markii 7 Bilyan uu gaaray Dadka Adduunka. Waxay sidoo kale sheegtay in ay 15 sano qaadan karto in tirada dadweynaha dunidu gaarto 9 Bilyan oo qof. PUNTLAND POST The post Tirada dadweynaha dunida oo maanta gaartay 8 bilyan oo qof appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa magacaabay wasiir cusub, kadib wareegto maanta kasoo baxday xafiiskiisa. Lafta Gareen ayaa xilka wasiirka cadaaladda oo banaanaa u magacaabay Xasan Cabduqaadir Maxamed, kadib la tashiyo uu waday maalmihii lasoo dhaafay. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa faray wasiirka cusub inuu si deg deg ah xilka ula wareego, islamarkaana uu laba jibaaro dadaalkiisa ku aadan shaqada looga igmaday. Sidoo kale wuxuu ka codsaday hay’adaha kale ee maamulka iyo kuwa ammaanka inay la shaqeeyaan wasiir Xasan Cabduqaadir Maxamed oo ah nin dhalinyaro ah oo firfircoon. Wasiirka cusub ayaa beddalaya Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur oo ahaa wasiirkii cadaaladda ee Koonfur Galbeed, kaas oo 13-kii Julay ee sanadkan lagu dilay qarax miino isaga iyo wiil uu dhalay xilli kasoo baxeen masjid ku yaalla gudaha Baydhabo. Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay soo qabashada labo ka mid ah kooxihii kasoo qorsheeyey qaraxalagu dilay wasiirkaasi, waxaana la toogtay ninkii fuliyey qaraxa, halka wiil la dhashay oo maqane ah isna lagu xukumay dil toogasho ah, waxaana dhinac kale 15 sano oo xabsi ciidan ah lagu riday gabar kala shaqeysay diyaarinta qaraxaasi. Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysaa xaalado is biirsaday, sida xiisad kala dhalatay muddo kororsiga Lafta Gareen, abaaro iyo dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab. The post Madaxweyne Lafta-gareen oo magacaabay wasiir cusub, kadib dilkii LUGBUUR appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay lacagta abaal-marinta ah ee ay ku bixineyo xog hoggaamin karta aqoonsiga iyo halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab iyo carqaladeynta hanaankeeda maaliyadeed. Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, oo ay maamusho Waaxda Nabadsugidda Diblomaasiyadda, ayaa kordhisay illaa $10 milyan oo abaal-marin ah taas oo la siinayo ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga ama halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Al-Shabaab ee kala ah; Axmed Diiriye, Mahad Karate, iyo Jehad Mostafa. Sidoo kale Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee loo soo gaabiyo RFJ ayaa yaboohaya illaa $10 milyan oo lagu bixinayo xog horseedi karta carqaladeynta hanaanka maaliyadda kooxda Al-Shabaab. Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ay abaal-marin ku yaboohdo xogta shabakadaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab. Source
