-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, oo maanta furay shirka hannaanka wadashaqeynta ee u dhexeeya dowladda fedraalka Soomaaliya iyo bangiga adduunka, ayaa caddeeyay in dalku uu ka soo gudbay dhibaatooyin badan haddana hiigsanayo horumar. Xukuumadda Dan-Qaran ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaasadda ku aadaan dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda, degenaanshaha iyo dimuqraadiyadda ku asteysan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay xoogga saartay dib-u-heshiisiinta, xasilinta iyo xaqiijinta dib-u-habeynta, ayna horumarisay hab-raacyo sharci oo casri ah, qaab-dhismeed dowladeed, hannaan maamul maaliyadeed, dib-u-qaabeyn hay’ado muhiim ah, sidoo kalana la meel mariyay isbeddel siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna heshiiyay qorshe lagu mideynayo taageerada caalamiga, iyadoo lagu saleynayo arrimaha mudnaanta u leh dalka. “Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad kalaguur ah oo taariikhdeeda ku suntan. Dalkuna wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeyey hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maalgashi ballaaran” Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidaa ka sheegay furitaanka shirka Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bangiga Adduunka uga mahad celiyay taageerada hagar la’aaneed ee gaar ahaan geeddi-socodka dhammeysirka deyn cafinta oo sabab u ahaa fududeynta iyo taabbagelinta isbeddelka . Mudane Xamse ayaa caddeeyay in lixda tiir ee mudnaanta u leh barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadda Dan-Qaran uu mudnaan gaar ah siinayo Xoreynta deegaannada iyo qaab-dhismeedka amniga, caddaaladda iyo garsoor madax-bannaan, Soomaali heshiis ah, kobaca dhaqaalaha, horumarinta arrimaha bulshada, iyo helitaanka Soomaali dunida heshiis la ah. The post Shir u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka oo ka furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Cadale (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta ururka Al-Shabaab kala wareegay deeggaanka Cadcadeey oo hoostaga magaaladda Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha dhaxe oo in muddo ah maamulayeen. Gen. Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ciidanka xoogga saakay ay si nabadgelyo ah gudaha u galeen deegaanka Cadcadeey kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab. Waxaa uu sheegay in howlgallada ay siwadajir ah u sii wadi doonaan Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka guud ahaan dalkana laga saari doono Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in qof walba uu u kaco sidii uu ula dagaalami lahaay Al-Shabaab. La-wareegistan ayaa imaneysa ayada oo maalmihii ugu danbeeyey uu gaabis xooggan ku yimid kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab oo bilihii tegay kooxda looga saaray deegaano badan oo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hakad ku yimaada dagaalka Khawaarijta ay fursad u siineyso dib usoo rogaal celinta argagixisada jabka xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka. “Hakad uu galo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxeey siineysaa fursad ay dib isugu urursadaan, kadib jabkii cuslaa ee soo gaaray. Geeso lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa!,” ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu. Madaxweynaha oo Talaadadii khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhigga baarlamanka ayaa ballan-qaaday in dagaalka uu sii socon doono oo aanay jirin meel dib loogu laabto. “Waxaan soo waayay ka Madaxweyne ahaan jid aan ahayn inaan difaacno karaamadeena, Islaamnimadeena iyo qaranimadeena. Dalka iyo dadkuba waxay innooga baahan yihiin xil gudasho dhameystiran, oo ah in aan dhinac uga soo wada jeedsano halka cadow ee Soomaaliyada maanta ay leedahay. Waa inaan isku garabsiino shacab iyo dowladba, sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn lahayn halkaas cadow ee maanta aan leenahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. The post Ciidamada DF oo Al-Shabaab kala wareegay degaan muhiim ah oo ka tirsan Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Congress-ka Maraykanka Arbacadii, taas oo dejinaysa laba sano oo dowladda Mareykanka ay kala qaybsanaan doonto, iyada oo xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxweyne Joe Biden uu gacanta ku hayo aqalka Senetka. Guushan waxay siinaysaa Jamhuuriga awood ay ku xakameeyaan ajendaha madaxweyne Biden, iyo sidoo kale inay bilaabaan baaritaanno waxyeello siyaasadeed u keeni kara maamulkiisa iyo qoyskiisa, in kasta oo ay aad uga hoosayso guushani mowjadihii xisbiga Jamhuuriga ee la saadaaliyay. Jamhuuriga ayaa ku guulaystay 218 kursi oo ay u baahnaayeen si ay u xakameeyaan Aqalka. Guusha xisbiga Jamhuuriga ee degmada 27-aad ee Koongareeska California ayaa u fududeysay inay la wareegaan aqlibiyadda golaha wakiillada. Hoggaamiyaha golaha wakiillada ee xisbigan, Kevin McCarthy, ayaa laga yaabaa inay sugayaan caqabado adag, maadaama uu u baahan doono guddigiisa joogtada ah si uu isugu keeno codadka muhiimka ah, oo ay ku jiraan miisaaniyadda dowladda iyo militariga xilli madaxweynihii hore Donald Trump uu dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne. PUNTLAND POST The post Jamhuuriga oo ku guulaystay Aqlabiyada Aqalka Congress-ka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aan culus oo ay ku mamnuucday in dalka laga dhoofiyo shaqaale Soomaaliyeed, si ay uga soo xoosadaan dalalka caalamka. Qoraal ka soo baxay wasaaradda, islamarkaana uu soo saaray wasiirka shaqada, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya 15-ka beeshan oo Talaadadii ku beegneyd la joojiyey in dibadda loo diro shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed. Wasaaradda ayaa sidoo kale ku amartay dhammaan hay’adaha iyo shirkadaha bixiya adeega shaqo-siinta in aysan shaqaale qoran karin dalkana ka dhoofin karin. Sidoo kale waxay intaasi kusii dartay in tallaabadaan ay qaaday kadib markii ay u cadaatay inay jiraan shirkado si sharci darro ah dalka uga dhoofiya shaqaale Soomaaliyeed, taas oo aysan ka war qabin wasaaradda shaqada kadibna ay dhibaato la kulmaan muwaadiniintaas. Amarkan ayaa sidoo kale lagu socod siiyey hay’adaha ay quseyso, sida hay’adda duulista, hay’adda socdaalka & jinsiyadda, wasaaradda Amniga iyo wasaaradda Arrimaha dibadda. Dhanka kale wasaaradda ayaa ruqsadihii iyo shatiyadii ay horay bixisay lala laabatay iyada oo baabi’say, kuna amartay shirkadaha ka shaqeeya arrimahaan in aysan ku shaqeyn garin. Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa, xilli maalmihii u dambeeyey lasoo warinayey tacadiyo ay la kulmaan gabdho Soomaaliyeed oo shaqaale ahaan loo geeyey dalka Sacuudiga. The post Dowladda oo mamnuucday in shaqaale Soomaaliyeed loo dhoofiyo dibadda + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia's Government Communication Service Minister Legese Tulu has said that all forces fighting in the Tigray region who are not part of the federal army will withdraw as soon as the Tigrayan rebels disarm. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si hoose heshiis uga gaaray qadiyadd muddo badan cakir-neyd, sidda ay xusayaan warar soo baxaya. Sida ay muujinayaan warbixinadda, heshiiskan lagu gaarey daaha gadaashiisa ayaa wuxuu ku saabsan yahay qeybta 43 aad ee ciidanka xoogga dalka oo fadhigoodu yahay Jubbaland. Maamulka Jubbaland ayaa muddo dheer ka biyo diidanaa qaabka loo wajahayo xaaladda ciidanka xoogga dalka qeybtiisa Jubbaland iyada oo uusan jirin wax heshiis ah oo u dhaxeeya iyaga iyo federaalka. Axmed Madoobe ayaa doodiisu ahayd in laga talogaliyo qofka loosoo magacaabayo taliyaha qeybta 43-aad, hubka ay helayaan, hawlgalada ay qaadanayaan, askarta la qorayo, iyo waliba mushaarka la siinayo. Heshiiska labada mas’uul, oo aanan faahfaahintiisa la haynin, ayaa waxaa ka dhashay in markii ugu horeysey muddo 4 sano ah uu Kismaayo tago taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Bagmadoow. Jeneraal Bagmadoow ayaa sanadka markii uu ahaa 2019-kii waxaa laga soo celiyey garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo sababo ku aadan in Jubaland aysan raali ka ahayn. Jeneraal Bagmadoow ayaa waxaa horey u magacaabay madaxwaynihii hore Farmaajo. Magacaabidan waxay kusoo beegantay iyada oo Jubaland ay cabashooyin badan ka tirsaneyso maamulkii 15-kii May laga adkaadey. Tabashooyinka Jubaland waxaa ugu waaweynaa in maamulkii Farmaajo ku sameeyay beegsi gaar ah iyo in uu madaxdii waqtigaas jirtay si gaar ah u doonayeen in ay meesha ka saaraan Axmed Maxamed Islaam. Warbixinada qaar ayaa muujinaya in maamulka Farmaajo uu dowladaha Itoobiya iyo Kenya kala hadlay qadiyaddan hase ahaatee Nairobi ay si xoogan uga hor-timid ayna halkaas isku seegeen. Hadda Bagmadoow waxa uu bilaabay kulamo iyo kormeer uu ka samaynayo xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Kismaayo, halkaas oo askarta joogta ay aad u yartahay, uusana oolin saad ciidan oo tiro badan. Heshiiska cusub ee Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli waddanka uu dagaal ku jiro isla markaana degaanada Jubaland aysan wali ka bilaaban howlgalada lagu soo afmeerayo maleyshiyaadka Al-Shabaab. Isha: GO The post Xog: Madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe oo gaaray is-faham qarsoodi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada Boostada iyo Isgaarsiinta maamul goboleedyada dalka ayaa bayaan ay soo saareen xiriirka ugu jaray Wasiirka Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif, oo ay ku eedeeyeen inuu dhowr jeer baajiyey shir lagu madalsanaa inay labada dhinac yeeshaan. Khilaafkan ayaa salka ku hayo maamulka iyo qeybsiga dhaqaale laga helayo Bankiga Adduunka, gaar ahaa Mashruuca Digital Integration, kaasoo la sheegay inay ku baxeyso lacag gaareysa 80 milyan oo dollar. Hos ka akhriso war-saxaafdeedka Tr: 16/Nov/2022 War-saxafadeed wadajir ah. Ku: Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Og: Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS Og: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaliya Og: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Ujeeddo: Joojinta wadashaqeynta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda X.F.S Maanta oo Taariikhdu tahay 16/Nov/2022, Shir ay ku yeesheen aaladda fogaan aragga dhammaan Wasiirrada Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknlojiyadda ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka, waxa ay ku joojiyeen wadashaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federalka Somalia. Dhammaan Wasiirrada ayaa qaatay go’aankan kadib markii ay arkeen in Wasiirka isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda X.F.S Jaamac Xasan Khaliif uu lumiyay Xiriirka labadda heer ee Wasaaradaha isla markaana uu kaligiis qaaday Talaabooyinka hoos ku xusan. 1: in uu bajiyay dhowr jeer shir lagu madalsanaa in labada dhinac ay yeeshaan, si wadatashi loo dhanyahay looga yeesho Siyaasadaha lagu maamulayo Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dalka. 2: in Mashaariicdii hormarineed ee loogu talagalay Wasaaradaha isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee heer Dowlad Goboleed uu ku qortay shaqsiyaad gaar oo xafiskiisa ka shaqeeya, uuna ku takrifalay masuuliyadii lagu aaminay. 3: in dhammaan Tababarada ay xaqa u lahaayeen Shaqaalaha Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee heer Dowlad Goboleed uu joojiyay kuna koobay kaliya Wasaaradda heer Federal. 4: in si musuq maasuq baahsan ah oo u maamulayo Mashruuca Digital Integration oo World Bank dhowaan bilaabeyso, kuna baxeyso lacag gaareysa 80 milyan oo Dollar, kaas oo loogu talagalay inta badan dhismaha iyo horumarinta Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowladda Xubnaha ka ah Dowladda Federalka, waxa uuna si cad uga horyimid in Wasaaraduhu soo qortaan baahiyahooda muhiimka u ah. Sidaa darteed waxan ugu baaqeynaa Madaxda sare ee DFS iyo Hey’adaha naga taagyeeraya Mahariicda in si dhow ula socdaan in aysan jirin wax wadashaqeyn ah oo ka dhaxeeya Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowlad Goboleedyadda iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS, kana fogadaan in heshiis gooni ah la galaan shaqsi kaligiis ah. War-saxafadeedkan waxaa si wadajir ah usoo saaray. 1: Eng Maxamuud Caydiid Dirir, Wasiirka Igaarsiinta, Teknoljiyadda, Warfaafinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Puntand. 2: Abdullahi Shiikh Dahir, Wasiirka Wasaaradda Boostada, Igaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowladda Koofur Galbeed. 3: Abdifatah Hassan Farah, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolajiyadda ee Dowladda Hirshabelle: 4: Abdirashid Mohamed Du’ale, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolajiyadda ee Dowladda Jubbaland. 5: Xill Abbas Hussein Ali, Wasiir ku xigeenka ahna kusimaha Wasiirka Boostada, lsgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dowladda Galmudug. The post DAGAAL salka ku haya $80 milyan oo ka dhex qarxay DF iyo dowlad goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Ammaanka ayaa Talaadadii go’aamiyay in la meel mariyo qaraarka tirsigiisu yahay 2661, kaasi oo lagu kordhiyay qaraarka tirsigiisu yahay 2607 labo maalmood, illaa 17-ka Nov. Iyadoo dib loo xasuusanayo dhammaan go’aamadii uu horay u soo saaray iyo hadalladii uu madaxweynahooda ka soo saaray xaaladda Soomaaliya, ayaa 15-ka xubnood ee golahan oo ka kooban 15 xubnood, iyagoo ku dhaqmaya cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay, waxay si aqlabiyad ah ku meel mariyeen qoraal qabyo ah, kaasoo ay ku go’aansadeen in si firfircoon loogala wareego arrin. Si loo dhaqan geliyo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, Golaha Ammaanka ayaa 15-kii Nov, 2021 go’aan ku gaaray in dib loo fasaxo ka-hortagga badda ee hubka sharci-darrada ah ee la soo dejiyo iyo dhoofinta dhuxusha, iyadoo dib loo cusboonaysiinayo shaqada guddiga khubarada ee Soomaaliya. Qaadashada Qaraarka 2607, goluhu waxa uu cusboonaysiiyay oo balaadhiyey qodobbada ku qeexan cutubka 15 ee Qaraarka 2182 ilaa Noofambar 15, 2022. Maanta ayaa markale golaha ammaanka ay fadhi ka yeelanayaan cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saarneyd Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Stockholm)-Baarlamaanka Sweden ayaa Arbacadii meel mariyay wax ka bedelka dastuurka dalkaas, kaas oo suurta-gelinaya in la meel mariyo sharciyo adag oo ka dhan ah argagixisada, taas oo ah dalab muhiim ah oo ka yimid Turkiga, si loo ansixiyo xubinnimada Stockholm ee isbaheysiga NATO. Kadib markii uu Ruushku ku duulay Ukraine, Sweden iyo Finland waxay ka tageen siyaasadii ay muddada dheer kusoo jireen ee aheyd dhex-dhexaadnimada, waxayna codsadeen inay ku biiraan isbahaysiga milatari ee NATO. Balse Turkiga ayaa is-hortaagay codsiyadii Sweden iyo Finland ee xubinnimada NATO, isagoo ku eedeeyay Stockholm gaar ahaan inay hoy u tahay “argagixisada”. Mooshinka wax ka bedelaka dastuurka, oo lagu ansixiyay 278 cod oo ka tirsan baarlamaanka Sweden oo ka kooban 349 kursi, ayaa suurtogal ka dhigaya in lasoo saaro sharciyo cusub oo lagu xaddidayo xorriyadda ururrada marka ay timaado ururada ku howlan ama taageera argagixisada. Khubarada ayaa sheegay in sharci cusub uu sahli doono in dacwad lagu soo oogo xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo ay Ankara iyo inta badan xulafadeeda reer galbeedka ay mamnuuceen. Is-badalka lagu sameeyay dastuurka ayaa dhaqan-geli doona 1-da Janaayo. Booqasho uu ku tagay Ankara toddobaadkii hore, ra’iisul wasaaraha cusub ee Sweden, Ulf Kristersson, ayuu ku tilmaamay wax ka bedelka dastuurka “tallaabo weyn”. “Sweden waxa ay qaadi doontaa tillaabooyin waaweyn dhamaadka sanadka iyo horraanta sanadka soo socda taasi oo siin doonta hay’adaha sharciga Sweden awood dheeri ah oo ay kula dagaallamaan argagixisada” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. AFP. Source
-
(SLT-Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku canaantay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau shir madaxeedka G-20 Arbacadii, isagoo ku eedeeyay inuu siidaayay tafaasiil ku saabsan wadahadal ay hore u yeesheen, kaas oo Trudeau uu walaac ka muujiyay faragelinta Shiinaha ee arrimaha gudaha Canada. Labada hoggaamiye ayaa kulankan ku yeeshay waddanka Indonesia, iyada oo ay warbaahintu awood u yeelatay inay duubto. “Wax walba oo aan ka wadahadalnay ayaa loo gudbiyay warbaahinta; taasi maahan mid habboon,” ayuu Xi u sheegay Trudeau isaga oo u maraya turjumaankiisa. “Taasina maaha… sida aan u wadahadalnay, haddii ay jirto daacadnimo dhinacaaga ah,” ayuu Xi sii raaciyay. Trudeau oo hadalka soo dhexgalay oo u soo dhaqaaqay dhanka Xi ayaa yidhi “Canada, waxaan aaminsanahay wadahadal xor ah, furan, oo daacad ah, taasina waa wax aan sii wadi doono,” “Waxaan sii wadi doonaa inaan si wadajir ah u wada shaqeyno, laakiin waxaa jiri doona waxyaabo aynaan ku heshiin doonin.” ayuu raaciyay Trudeau. Xi ayaa hareeraha eegay markii uu Trudeau u jawaabay. “Marka hore aan abuurno shuruudo.” ayuu ku jawaabay Xi. Labada hoggaamiye ayaa is gacan qaaday kadib iska hor-imaad kooban. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Canada ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka hadleen duullaanka Ruushka ee Ukraine, Kuuriyada Waqooyi iyo is-beddelka cimilada, iyo in Trudeau uu sidoo kale kor u qaaday “walaacayada halista ah ee ku saabsan dhaqdhaqaaqyada faragelinta Shiinaha ee arrimaha gudaha Canada.” Sarkaalkan ayaa ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, maadaama aan loo ogolayn inuu si cad uga hadlo arrintan. Trudeau oo shir jaraa’id oo uu qabtay kulankaas kadib wax laga weydiiyay iska hor-imaadka dhexmaray isaga iyo Xi ayaa yidhi, “Wadahaddalladu mar kasta ma wada fududa, laakiin aad ayey muhiim u tahay inaan sii wadno inaan u istaagno waxyaabaha muhiimka u ah dadka Canada.” Source
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada gobolkaasi ay deegaano horleh kala wareegeen xoogaga Al-Shabaab, kadib dagaallo ay la galeen. Ciidamada Xoogga dalka, qaybtooda 27-aad, kuwa Danab iyo Macawiisleyda ayaa si wadajir ah howlgalladan uga sameeyey inta u dhexeyso deegaanka Halgan iyo Beledweyne. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen deegaanada kala ah:- Cabdi Cagweyn, Dhagaxyaxoor, Garasaani, Booco iyo Nuur fanax ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale ciidamada ayaa cagta mariyey saldhigyo iyo xarumo kale oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya. Taliyaha qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Hiiraan ayaa sheegay in ay guullo ka gaareen, wuxuuna tilmaamay in ujeedka uu yahay sidii Al-Shababa looga saari jinka webiga, si looga hortago weerarada ay mararka qaar kasoo qaadaan halkaasi. Baakaay ayaa sidoo kale xusay in aysan dib usoo laaban doonin ciidamada dowladda, ayna sii wadi doonaan howlgalka, inta la’isaga xirayo dhammaan deegaanada gobolka. Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaa soo jab xoogan lagu gaarsiiyey maleeshiyada kooxdaasi oo haatan laga saaray deegaano dhowr ah. The post Dowladda oo AL-SHABAAB kala wareegtay deegaano cusub oo ka tirsan HIIRAAN appeared first on Caasimada Online.
-
Duullaankii lagu qaaday Al-shabaab ee ka socday Gobollada bartamaha Soomaaliya ayaa istaagay maalmihii u danbeeyay. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dib uga baxay degaanno kala duwan oo laga qabsaday kooxaha Al-shabaab. Saraakiisha qaarkood ayaa laga soo xigtay in Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka uu bixiyay amarka dib looga baxay degaannadii laga saaray kooxaha Argagixisada ah. Dhinaca kale Al-shabaab ayaa dib u qabsaday dhammaan degaannadii horay looga saaray balse Ciidamadu ka soo laabteen. PUNTLAND POST The post Hakad ku yimid duullaankii Al-shabaab lagu qaaday ee ka socday Gobollada dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Saraakiisha booliiska dalka Turkiga, ayaa shaaciyay xog ku saabsan qarixii Axaddii la soo dhaafay ka dhacay Turkiga. Waxay sheegeen in la qabtay dad lagu tuhmayo in falkaas ay ka dambeyeen. Sida laga soo xigtay maamulka Turkiga, waxaa dadkaan la soo qabtay kadib markii la baaray 1200 kaamiradaha wax duuba ah kuwaas oo laga helay xogta sida uu u dhacay weerarku. Waxaana loo xiray dhacadaan 46 qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayen. Su’aalo la weeydiiyay shaqsiyaadkan kadib ayaa waxaa lagu dhawaaqay haweenayda looga shakisan yahay weerarka oo ah Axlam Albashir una dhalatay dalka Suuriya, taasoo lagu qabtay magaalada Küçükçekmece. Sawirrada howlgalkan dadka lagu qabqabtay ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay saraakiisha Booliska. Maamulka ayaa shaaciyay in Albashir ay amarka ay ku fulisay weerarka ay soo qaadatay iyadoo joogta magaalada Kobani (Caynu-Carab) ee waqooyiga Suuriya, kadibna ay Turkiga si sharci darro ah ku soo gashay 4 bilood ka hor, iyadoo aadday magaalada Istanbul, halkaas oo ay ka shaqeysay midka id ah goobaha dharka lagu talo. Warka laga soo saaray qarixii dhacay ayaa lagu sheegay in haweenaydan ay ku fadhiistay mid ka mid ah kuraas taallay, halka qaraxu ka dhacay mudd 40 daqiiqo ah. Boorso ayay kaga tagtay halkii ay fariisatay daqiiqado yar kadibna waxaa dhacay qaraxa, iyadoo in cabbaar ah ka sii maqan goobta. Warku wuxuu intaa ku darayaa marka ay goobta ka tagtay in ay aadday Esenler, iyadoo gaari u raacday Küçükçekmece. Agaasinka Amniga Istanbul, ayaa sheegay in haweenaydan lagu tuhmayo in ay ka dambeysay weerarkii Axaddii dhacay ay Waddada Istiklal ee Taksim Square, gashay iyadoo dhabarka ku wadata boorso, ayna ku fariisatay kursi yaalla halka wax ka dhaceen. Kaamiradda ayaa laga arkay muuqaalkeeda. Intii ay su’aalaha weydiinayeen saraakiisha booliisku waxay sheegeen in Albashir ay sheegtay in si gaar ah ay tababarro u siiyeen ururada PKK/PYD/YPG, iyadoo si sharci darro ahna ku soo gashay dalka Turkiga oo ay ka soo gashay gobolka Afrin. Qoraalka ka soo baxay dowladda Turkiga, ayaa sidoo kale lagu sheegay in haweenaydan ka hor inta aan la soo qaban ay isku diyaarineysay in ay u baxsato dalka Giriigga. Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa la kulmay nin dukaan ku leh halka haweenaydan ay ku nooleed isla markaana ay ka shaqeyn jirtay, kaas oo lagu magacaabo Kazım Karabeki. Isaga oo la hadlayay waraabhinta Demirören, wuxuu yiri; “deegaanka ayay ku nooleed muddo hal sano ah. Waxayna ka shaqeyn jirtay feeraynta dharka(kaawadeynta), “. Dukaanle kale ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee uu arko hawenaydan ay la socotay ilmo yar. Waddada Istiklal, oo ah waddo muhiim u ah isu-socodka dadka oo weerarkii dib la xiray ayaa hadda dib loogu furay dadweynaha.Dowlada hoose ayaa goobta ku midabeysay calanka Turkiga, iyadoo sidoo kale dhigtay ubaxyo. Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadayo bacaha iyo boorsooyinka lala galo fagaaraha ay wax ka dhaceen. Goobtan ayaa ah goob ay inta badan tagaan dadka dalxiisayaasha ah, waxaana hadda wixii ka dambeeya la baari doonaa sida boolisku sheegeen dadka halkaa la galaya alaabaha shakiga dhalin kara. The post Xog cusub oo ku saabsan gabadha fulisay qaraxii Istanbul appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Sarreeye Guuto Ibraahim Jaabir Ibraahim oo ka tirsan Golaha Sare ee dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan. Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Ibraahim farriin iyo dhambaal ku saabsan xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga heer gobol, taas oo uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdulfataax Al-burhaan, iyadoo uu ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed tallaabooyinka wax ku-oolka ah ee ay u qaadeen nabadda, horumarka iyo wadajirka. Sidoo kale, Dowladda Suudaan oo haatan ah Guddoonka Urur-Goboleedka Horumarinta Dalalka Bariga Afrika ee IGAD ayaa bogaadisay howlgallada isku-dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaannada ay dadka ku dhibaateynayaan argagixisadu, iyagoo tilmaamay doorka wanaagsan ee ay ka soo qaateen dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey wafdigan booqashada qiimaha badan ee ay ku soo gaareen walaalahooda Soomaaliya, waxa uuna uga warbixiyey guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sida ay u soo dhaweynayso dowladda Soomaaliyeed dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee ka gacan siinaya in Gobolka laga dulqaado argagixisada curyaamisay xasilloonida iyo horumarka. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha Suudaan oo farriin u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay kulan gaar ah ka yeeshaan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya la saaray saaran 1992-dii, taas oo hadda muhiim u ah dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. Ajendaha shirka oo ay soo gudbisay dowladda Ingiriiska oo heyso guddoonka Golaha ayaa soo bandhigtay wax ka beddel lagu sameynayo qaraarkan oo uu tirsigiisa yahay 751. Golaha ayaa la filayaa inay dood adag ka yeeshaan arrintan, si Soomaaliya looga qafiifiyo xayiraadda dhanka hubka, si ay taageero iyo awood u helaaan ciidamada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la filayaa in Goluhu ay dib ugu cusbooneysiinayaan shaqada guddiga khubarada ee u xil-saaran la socodka cunaqabateynta Soomaaliya loona gaarsiinayo waqtiga howlgalkiisa 15-ka December ee sanadka 2023-ka oo loo diyaar garoobayo. Dowladda federaalka ayaa horey QM uga dalbaday in dib u eegis ballaaran lagu sameeyo cunaqabateynta hubka si ay hesho taageero milatari, maadaama ay dagaaleyso Shabaab. Intii lagu guda jiray booqashadii kooxda farsamada ee Golaha Ammaanka ku timid Miqdisho 16 ilkaa 27 July, mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay ku celiyeen codsigooda in laga qaado dalka cunaqabateynta hubka. Si kastaba, Qaraarka ayaa u oggolaaday Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), hawlaha tababbarka iyo taageerada Midowga Yurub, Turkiga, UK iyo Mareykanka in ay taageero iyo tababarro siiyaan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Golaha Ammaanka QM oo maanta go’aan ka gaaraya arrin muhiim u ah Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
