-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa ku dhawaaqday in kolonyadii ugu horreysay ee sida gargaar caafimaad ay gaartay shalay gobolka Tigre, ee waqooyiga Itoobiya, kaddib heshiiskii nabadeed ee horaantii bishii November ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Tigre ee TBLF. Afhayeen u hadlay Guddiyada gurmadka ee ku sugan dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in kolonyadii ugu horreysay ee sidda sahay caafimaad oo ka timid Laanqeyrta Cas ay gaartay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigre. Midowga Afrika, ayaa horaantii bishan ku dhawaaqay in dhinacyada isku haya Itoobiya ay ku heshiiyeen in la joojiyo colaadahii labada sano jirsaday ee ka socday waqooyiga Itoobiya. Heshiiskii lagu soo gaba gabeeyay dalka Koonfur Afrika, 2-dii bishan November ayaa dhigayay in hub ka dhigis lagu sameeyo Jabhadda Tigrayga, iyo in dib loo bilaabo gargaarkii la gaarsiin lahaa gobolka, kaasi oo ay ka jirto tan iyo markii uu dagaalku qarxay xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran. PUNTLAND POST The post Gargaarkii u horreeyay oo la gaarsiiyya Gobolka Tigray ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa beddeshay xeeladdeeda dagaalka, xilli dhul badan ay ku lumisay gacanta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo dagaal kula jira ayaga oo gacan ka helaya shacabka. Al-Shabaab ayaa hadda dib ugu laabtay xeelad ay horey u adeegsan jirtay, taasi oo falanqeeyayaasha amni ay rumeysan yihiin inay caddeyn u tahay in kooxda ay ku qiraneyso inaysan diyaar u aheyn isku dhac iyo dagaal dhimasho badan. Xeeladda ay Al-Shabaab dib ugu laabatay ayaa ah inay dadka deegaanka ku qasabto inay ka baxaan magaalooyinka kahor inta aysan soo gelin cidamada dowladda, taasi oo ay sameysay kahor inta aan la qabsan deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud. Xeeladdan, oo hadda kahor ay Al-Shabaab ka fulisay magaalada Ceel-buur, ayaa lagu macneeyey dadaal looga hortagayo xiriir dhex-mara dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadkaku sugan deegaanada ay qabsaneyso. Al-Shabaab ayaa xagjiriin ka dhigta shacabka deegaanada ay qabsadaan ayada oo sanado badan gelineysa waqti iyo dhaqaale u muuqda in lagu caawinayo, mana dooneyso in dowladda ay maskaxdooda beddesho. Ayada oo shacabka ka saareysa deegaanada, ciidamada dowladda ayaa noqonaya kuwa niyadjabsan kadibna dib uga baxaya magaalooyinka ay xorreeyaan, taasi oo mintidiinta u ogolaaneysa inay kusoo laabtaan. Al-Shabaab ayaa dhowaan dib ula wareegtay Wabxo maalmo un kadib markii ay gacanteeda ka baxday oo ay qabsadeen ciidamada xoogga dalka. Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Axaddii sheegay in xoogag ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwo dibedda ka jooga ay iska kaashanayaan fashilinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waare ayaa tusaale usoo qaatay ka-bixitaanka ciidamada dowladda ee deegaanka Wabxo, halkaasi oo ay dib u qabsadeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, iyo dagaal beeleedka ka dillaacay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. “Kadib ka-bixitaankii ciidamada xoogga dalka ee Wabxo, iyo kasii darista dagaal beeleedka Cadale, waa ay caddahay in xoogag qarsoon oo ku jira dowladda iyo kuwa dibedda ka ah ay waxyeeleynayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijita. Waa arrin murugo leh, waana sir furran,” ayuu yiri Waare. Ciidamada dowladda ayaa toddobaadyadii tegay faarujiyey deegaano iyo magaalooyin ay ka qabsadeen Al-Shabaab, taasi oo dagaalka lagula jiro kooxdan ka dhigeysa mid aan dhammaad laheyn. The post Al-Shabaab oo beddeshay xeeladdii dagaalka, billowday qorshe cusub oo yaab leh appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Booliska Somaliland ayaa ka horyimid warar xalay si weyn loogu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka kuwaas oo sheegayey in qarax uu ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaasi. Booliska ayaa beeniyey warkaasi, waxaana qoraal uu soo saaray taliska lagu sheegay in jugta la maqlay ay aheyd taayar ku qarxay agagaarka Dahabshiil. “Taliska guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadaynayaa inaanay Jirin Wax Qarax ah oo ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland. Waxaanu Bulshada u Cadaynaynaa in Agagaarka Dahabshiil Gargaar Agteeda Banjarle Ama Goomayste Ku Yaala oo banjarinaya Tayir ay Wax isaga uun ku kooban oo sameeyay Qarax yar dhaceen,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Booliska Somaliland. Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi ku daray in laba qof ay ku dhaawacmeen dhacdadaasi, islamarkaana ay haatan wadaan baaris ku aadan waxa sababay falkaasi. “Waxaana dhawac fudud soo gaadhay Banharlihii iyo qof la shaqaynayay oo xaaladooda caafimaad oo fudud lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee hargeisa. Hadaba Ciidamada boolisku waxa Ay Baadhitaan Ku Hayaan Wixii Sababay Dhacdadii Goobtaasi ka dhacday”. Ugu dambeyn Booliska Somaliland ayaa digniin adag u diray dadka faafinaya wararkaasi liddiga ku ah amniga magaalada Hargeysa, ayna ka qaadi doonaan tallaabo adag. “Taliska guud ee ciidamada boolisku waxa uu digniin u dirayaa cidkasta oo ku hawlana Fidinta wararka Boro Bogaada ah gaar ahaan kuwa beenta Qoraya Iyo kuwa ka qaadanayaba,” ayaa gabagabadii lagu yiri warsaxaafadeedka taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa haatan laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay muranka hareeyey doorashooyinka, kaas oo u dhexeeyo xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda. The post Maxaa ka jira in xalay QARAX uu ka dhacay HARGEYSA? appeared first on Caasimada Online.
-
Qaramada Midooba ayaa shaacisay in malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya ay wajahayaan macaluul iyo gaajo ba’an kadib markii ay dalka ka dhacday abaartii ugu darnayd mudda ku siman 40 sano. Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in nus milyan carruur ah oo ka yar 5 sano ay halis ugu jiraan in ay Soomaaliya ku dhintaan bartamaha sanadka soo socda. Ku dhowaad kala bar dadka ku nool Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa soo wajahday gaajo daran sid ay sheegtay Qaramada Midoobay. In ka badan 5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shanta sano ayay sidoo kale Qaramada Midoobay sheegtay in ay hayso nafaqo-darro baahan. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo digniin ka soo saartay xaaladda nafaqa-darro ee ka jirta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo ay wehliyaan qaar kamida Isimada Gobolka Mudug ayaa Safar Nabadeed ku gaaray Deegaanada Teerage iyo Bali-qurun oo hoostaga Degmada Gaalkacyo. Deegaanadaan ayaa waxaa isku hor fadhiyey laba Beelood oo walaalo ah kuwaas oo isku hayey Deegaamaynta dhul udhaxeeyey, Waftigan oo uu hogaaminayo Gudoomiye Mudane Faysal ayaa kulamo ay la qaateen Nabadoonada iyo Bulshada labada Deegaan ee Teerage iyo Bali-qurun ku guulaystay in ay kala qaadaan Ciidamo Beeleedyo halkaa isku hor fadhiyey iyadoona la go’aamiyey in ay qayb ka noqon doonaan Shirka Nabadaynta Beelaha Gobolka Mudug oo gogoshiisu hada ka furantahay Magaalada Bursaalax ee Gobolka Mudug. Maamulka uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Amniga iyo Siyaasada Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa wakhti badan galiya islaaxa, Nabadaynta iyo ilaalinta Nabad galyada Beelaha walaalaha ah ee wada degan isagoona tiro ka dhowr jeer safaro sidaan oo kalaa ugalay Deegaanada Iyo Degmooyinka Gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo safar nabadeed ku gaaray degaano hoostaga Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u sheegay xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya inay ka go’an tahay heshiiski nabadeed oo uu kula gaaray hoggaanka Tigray-ga waddanka Koonfur Afrika horraantii bishan, si loo soo afjaro colaadda dad badan lagu dilay ee laba sano ka socotay waqooyiga gobolka Tigray. Khudbad uu Talaadadii ka hor jeediyay baarlamaanka, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dhinacyada dagaallamaya ay tahay inay hadda xaqiijiyaan inay raacaan heshiiska. “Waan ka wadahadalnay, waanu heshiinay, waana saxeexnay,” ayuu yiri Abiy. “Waxa xiga ayaa la filayaa in la fuliyo.” ayuu raaciyay. Fulinta heshiiskan oo kaliya, ayuu sheegay inay, “keeni karto nabadda mid waarta.” Sida ku cad shuruudaha heshiiskii xabbad-joojinta ee 2-dii Nofembar lagu saxiixay Pretoria, dowladda federaalka Itoobiya waxay la wareegi doontaa xudduudaha gobolka Tigray, waddooyinka, iyo garoomada diyaaradaha halka dagaalyahannada Tigrayga ay hubka dhigi doonaan. Noofambar 12-keedii, taliyayaasha militariga ee matalaya dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwa gobolka Tigray ayaa saxiixday heshiis ay ku jiraan hub ka dhigista hubka culus iyo ka bixitaanka “ciidamada shisheeye iyo kuwa aan ENDF (militeriga federaalka)” ee gobolka Tigray. Abiy ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in nabaddu ay lama huraan tahay si loo hagaajiyo dhaqaalaha loona ilaaliyo “jiritaanka, madaxbanaanida, iyo midnimada” Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof. “Nabaddu mar walba waa wanaagsan tahay,” ayuu yiri Abiy, isagaoo raaciyay. “Xitaa haddii aad guuleysato, dagaalku waa xun yahay mar walba, sababtoo ah waxaad dilaysaa dadka, waxaad gubeysaa dollar.” Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen xildhibaannada baarlamaanka. Isha: VOA The post Abiy Ahmed oo shaaciyey mowqifkiisa heshiiska Tigray appeared first on Caasimada Online.
-
Kulan ay xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka ah loogu gudbiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka. Miisaaniyadda ayaa gaaraysa sananka 2023-ka $967.7 taas oo ay ku jiraan daqliga gudaha iyo kan dibadda ka yimaada ee deeqda ah. “Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxa ay ku meel mariyeen ku-talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo ka kooban Dakhli gudaha ah iyo Deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha. Miisaaniyadda ayaa sidoo kale la sheegay in sanadkaan daqliga gudaha ka soo xarooday kor looga qaaday sanadihii hore halki uu joogay. Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha. Wasiirka maaliyadda ayaa dhankiisa xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah kaga mahad celiyay ansixinta miisaaniyadda “Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniyadda,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha. Dhinaca kale golaha wasiirada ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee dowladda Soomaaliya ay la soo gashay dalalka Sudan iyo Uganda. “Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaan-dhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka,”ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
WASHINGTON (Reuters) - The United States will not hesitate to use sanctions to ensure that a ceasefire agreement between Ethiopia's government and forces from the Tigray region is respected and will hold to account those responsible for human rights violations, a senior State Department official said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Source
-
Wararka ka imanaya dalka Poland ayaa sheegaya in gantaalo uu Ruushku ku weeraray dalka Ukraine ay u gudbeen magaalo ku taalla dalka Poland isla markaana laba qof ay ku dhinteen, waxaana sida wakaaladda wararka ee Reuters ay qortayna wasiirka difaaca ee Ruushka uu beeniyay eedaha uga yimid dhinaca Poland. Maraykanka iyo Isbahaysiga NATO ayaa iyaguna sheegay inay baadhis wadaan. Gantaalahan waxaa ku dhintay laba qof. Source
-
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa hadda ku dhawaaqay in uu mar kale u tartami doono doorashada madaxtinimo ee 2024. 76 jirkan soo noqday madaxweynaha hore, ku dhawaaqistiisu waxa ay gogol xaadh u tahay mawjado tartan oo ku saabsan magacaabidda xisbiga Jamhuuriga. Donald Trump, ayaa tan iyo markii looga adkaaday doorashada 2020-ka waxa uu billaabay weerarro aan kala joogsi lahayn oo ka dhan ah hufnaanta codbixinta ee Mareykanka. Trump ayaa ku dhawaaqistiisa uga gol-lahaa inuu ka hor-gudbiyo musharraxiinta kale xisbiga Jamhuuriga. Ku dhawaaqista Trump ayaa kasoo hormartay xilligii la filayay, waxayna calaamad u tahay rabitaankiisa ah inuu ka dhaadhiciyo musharraxiinta kale ee suurtagalka ah sida guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ama madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Mike Pence, inuu u tartamo musharaxnimada Xisbiga Jamhuuriga. Siyaasiyiinta kale ee rajada ka leh madaxweynaha ee ka tirsan Jamhuuriga waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Gobolka Virginia Glenn Youngkin, Guddoomiyaha Texas Greg Abbott, Guddoomiyihii hore ee South Carolina Nikki Haley iyo Xoghayihii hore ee Arimaha Dibada Mike Pompeo. Source
-
Beledweyne (HOL) - Former HirShabelle President Mohamed Abdi Ware has expressed worry over the renewed clashes in the Middle Shabelle area, urging the warring militias to stop fighting and assist the government and HirShabelle administration in the region's ongoing liberation struggle. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliua ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada Danab oo kaashanaya kuwa Macawiisleyda ayaa howlgalkan ka sameeyey inta u dhexeysa deegaanka Halgan iyo degmada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan Danab oo ka hadlay howlgalkani ayaa shaaca ka qaaday in aysan la kulmin wax iska caabin ah, islamarkaana ay Shabaab isaga baxeen deegaannadaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay burburiyeen xarumo iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas oo ay tilmaameen inay kasoo abaabuli jireen weerarada qorsheysan. Danab saraakiisha u hadashay waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqeen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda guleedka Beledweyne oo ay weli ku sugan yihiin Shabaab. Howlgalkan ayaa jawaab u ahaa weerar culus oo ay todobaaadkan xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Gorgor ay ku leeyihiin deegaanka Burdaar ee gobolka Hiiraan. The post Ciidamada Danab oo howlgal ku burbriyey saldhigyo ay lahaayeen AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
-
Taliska Guud ee ciidamada Booliska Somaliland ayaa war kasoo saaaray warar xalay lagu baahiyay baraha bulshada oo ku saabsanaa in gudaha Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland uu ka dhacay Qarax. Taliska oo qoraal soo saaaray ayaa arrintaasi wax kama jiraan ku tilmaamay, waxaana sidoo kale sheegeen in jugta la maqlay ay hayd Banjarle Ama Goomayste banjarinayay Tayir. Booliska ayaa intaas ku daray in dhawac fudud soo gaadhay Banjarlihii iyo qof la shaqaynayay oo xaaladooda caafimaad oo fudud lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee Hargeysa. “Taliska Guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadaynayaa inaanay Jirin Wax Qarax ah oo ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland. Waxaanu Bulshada u Cadaynaynaa in Agagaarka Dahabshiil Gargaar Agteeda Banjarle Ama Goomayste Ku Yaala oo banjarinaya Tayir ay Wax isaga uun ku kooban oo sameeyay Qaraxyar dhaceen, kaas oon ahay wax dibdakaga yimi waxaana dhawac fudud soo gaadhay Banharlihii iyo qof la shaqaynayay oo xaaladooda caafimaad oo fudud lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee hargeisa. Hadaba Ciidamada boolisku waxa Ay Baadhitaan Ku Hayaan Wixii Sababay Dhacdadii Goobtaasi ka dhacday. Taliska Guud ee ciidamada boolisku waxa uu digniin u dirayaa cidkasta oo ku hawlana Fidinta wararka Boro Bogaada ah gaar ahaan kuwa beenta Qoraya Iyo kuwa ka qaadanayaba. XAFIISKA WARBAAHINTA CIIDANKA BOOLISKA JSL.” Dhan kale Haryaal tv isaguna goobta tagay ayaa ka warbixiyay sida ay u dhaceen Source
-
PALM BEACH, Fla. (AP) — Former President Donald Trump on Tuesday launched his third campaign for the White House just one week after a disappointing midterm showing for Republicans, forcing the party to again decide whether to embrace a candidate whose refusal to accept defeat in 2020 sparked an insurrection and pushed American democracy to the brink. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen oo booqday degmada Baraawe ayaa shaaciyay in Gobolka Shabeellada hoose uu ka bilaabanayo duullaan ka dhan ah Al-shabaab. “Gobolada Somaliya oo dhan waa laga istaagay, annagana sidaas oo kale ayaan ku baaqaynaa meel kastoo ay dadka reer Koonfur Galbeed jooggaan inay u istaaggaan, hawlgaladiina way ka bilowdeen Koonfur Galbeed, Gobolada Bakool iyo Baay-na way ka socdaan hawlgalada.” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan ka dhacay degmada Baraawe ayaa tilmaamay in gobollada Baay iyo Bakool uu ka socdo gulufka dagaal ee ku jihaysan Shabaab, waxaana uu Ciidamadda iyo Shacabka Gobolka Shabeellada Hoose ku amray in ay dhankooda dagaalka bilaabaan. “Marka qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, gaar ahaan dadka Gobolka Shabellaha Hoose degan, ciidamadoodii iyo shacabkooduba, ayaga culeyskoodu waa yar yahay, intaan yar ee hartayna hala is raaciyo, hala is dhaafiyo. Halaga faa’iideysto hawlgalada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee socda, shacabkana ha garab istaaggaan” ayuu sii raaciyay Lafta Gareen. PUNTLAND POST The post Duullaan ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay kulan ay ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxa ay ku meel mariyeen ku-talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo ka kooban Dakhli gudaha ah iyo Deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar. Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar. Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniyadda. Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaan-dhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Soomaaliya oo ansixisay Odoroska Miisaaniyadda dowladda ee 2023 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada aqal ee baaralamka ku amaanay wada shaqeynta iyo khilaaf la’aanta jirta, maadaama ay xildhibaanadu can ku ahaa jireen mooshin joogto ah iyo khilaaf labad gole dhexdooda ah. “Is qabqabsiga Baarlamaanka dib ayuu noo dhigayaa, hogaamiyeyaasha maanta waa inaga, xildhibaanada waxaan leeyahay yeysan idin seegin fursadaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Durbadii waxaa dhalatay su’aal ah in madaxtooyadu heshay xogta mooshin ay wadaan xildhibaanada qaar, wuxuuna madaxweynuhu si aan leex-leexad laheyn uga codsaday baarlamaanka inay is qabqabsi iyo khilaaf ka fogaadaan. “BFS waxaa mar kasta ku adkeynayaa oo ku celinayaa is qabqabsiga iyo hadallada kala socda dib ayey noo dhigayaan, waxaan bogaadinayaa wadashaqeynta quruxda badan ee labada gole,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa ka codsaday xildhibaanada in kalfadhiyada dambe ay ku dhameystaan xasiloonidaan, isagoo ka codsaday baarlamaanka inay deg deg u ansixiyaan sharciyada ay u soo gudbi doonto xukuumadda Xamse Barre. “Waxaa nagu waajib ah inaan ku shaqeyno dareen iskaashi, inagoo mudnaanta siineyna dejinta shuruucda dalka. Waxaan si xushmad leh idinkaga codsanayaa inaad fudududeysaan, sharciyada idinkaga imaa doona xukuumadda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 2-aad ee BFS. The post Xasan Sheekh oo hal arrin ku amaanay BF – Ma waxaa la helay xogta mooshin cusub? appeared first on Caasimada Online.
