-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Former Laikipia East Member of Parliament Patrick Mariru has today defended his suitability to serve as Defence Principal Secretary. Source: Hiiraan Online
-
U malayn maayo in erayadan kooban ay ku qanci karaan International Partners-ka xog ogaalka u ah halka ay marayso xaaladda Somaliland mawqifka ay ka taagan yihiin doorashooyinkana uu cad yahay oo dabcan qoraalkani aanu jawaab u noqon karin arimihii ay hore uga wada hadleen iyaga iyo madaxaynuhu. Komishanka doorashooyinku waxay ilaa hadda gacanta ku hayaan sharci keliya, Roadmap keliya iyo doorasho keliya. Qaran News
-
MOGADISHU, SOMALIA — Somalia's president has vowed to continue the war against al-Shabab militants in an address to lawmakers in which he also warned of also warned of looming famine in pasrts of the country. Source: Hiiraan Online
-
Baraawe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo shalay safar ku tegay magaalada Baraawe ayaa bulshada gobolka Sh/Hoose ugu baaqay inay sameeyaan kacdoon bulsho oo ka dhan ah Al-Shabaab. Laftagareen ayaa sheegay in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku balameen in la iska xoreeyo Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’antahay in K/Galbeed ay kaalinteeda qaadato. “Gobolada Somaliya oo dhan waa laga istaagay, annagana sidaas oo kale ayaan ku baaqaynaa meel kastoo ay dadka reer Koonfur Galbeed jooggaan inay u istaaggaan, hawlgaladiina way ka bilowdeen Koonfur Galbeed, Gobolada Bakool iyo Baay-na way ka socdaan hawlgalada,” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed. “Sida dadka Soomaaliyeed ay ula dagaalamayaan ula dagaala Al-Shabaab, dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed garabkiina ayey taagan yihiin,” ayuu yiri Laftagareen. Wuxuu sheegay in Shabaab aan loo sii dul qaada karin, isagoo bulshada ku nool deegaanada gobolka Shabeellada Hoose ugu baaqay in kacdoon ay sameeyaan, sida deegaanada kale ee dalka oo dagaalo ka dhan ah kooxda ay ka socdaan. “Mar dambe ma dhici doonto inaan hoos fiirino iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay Al-Shabaab dhibaateynayaan, gobolkaan Sh/Hoose culeyska Al-Shabaab waa ku yar yaryahay ee inta dhiman dhameystira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha K/Galbeed. Laftagareen ayaa intaasi ku daray “Marka qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, gaar ahaan dadka Gobolka Shabellaha Hoose degan, ciidamadoodii iyo shacabkooduba, ayaga culeyskoodu waa yar yahay, intaan yar ee hartayna hala is raaciyo, hala is dhaafiyo. Halaga faa’iideysto hawlgalada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee socda, shacabkana ha garab istaaggaan.” Madaxweyne Laftagareen ayaa maanta safar ku tegay magaalada Baraawe oo ah caasimadda rasmiga ah ee maamulkaas, wuxuuna xarigga ka jaray mashaariic uu maamulkiisu ka fulinayo magaaladaas. Hoos ka daawo The post Dagaalka AL-SHABAAB ‘oo laga billaabayo’ Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka Jawaabay War-qadda Beesha Caalamka ay Xukuumadii Hore u Dirtay ayaa Yidhi:- “Waa hadal aan macno iyo nuxur toona lahayn. Waxa kaliya oo ay muujinaysaa ujeedka gurracan ee dalka lagu maamulo xoog iyo kalitalisnimo. Xil iyo sharci midna kuma lihid inaad dadka reer Somaliland iyo anaga midnaba farno”. Qaran News
-
Is-dultaag Kooban: Tacliinta Sare ee Somaliland Dal kasta meesha u soo saarta dadka horumarkiisa ka shaqeeya & shaqaalaha uu u baahan yahay waa Tacliintiisa sare. Tacliinta sare waa halka ka qayqaadata soosaarista xirfadlayaasha dalku u baahan yahay, hal-abuurka iyo mufakiriinta bulshada, hogaamiyayaasha siyaasadda iyo bulshada, cilmi baadhayaasha xal u helida dhibaatooyinka bulshada iyo horumarkeedaba. Sidoo kale waxay ka qaybqaadataa kobaca dhaqaalaha dalka iyo waxsoosaarka. Sidaas darteed ayay tahay dawlad kastaa in ay muhiimadda koowaad ka dhigato sidii kor loogu qaadi lahaa Waxbarashada dalkeeda guud ahaan iyo ta sare gaar ahaan. Somaliland waxaa ku yaalla 30 jaamacadood in ka badan iyo tiro intaas ka badan oo kulliyado ah, kuwaas oo dhammaantood bixiya tacliinta sare iyo aqoonta la xidhiidha, kuwaas oo ku kala baahsan goboladda uu dalku ka koobanyahay. Guud ahaan waxaa dhigta xarumahaas dhalinyaro ka badan 50 kun oo arday oo dhigta qaybaha kala duwan ee cilmiga oo dhammaantood loo baahan yahay in qaybaha ay dhiganayaan iyo takhasusaadkoodaba ay dalka wax ugu qabtaan si la mid ah sida ay u doonayaan in ay nafahooda iyo qoysaskoodaba wax ugu qabtaan. Sidaa daraadeed, taasi waxay ku tusaysaa muhiimadda ay leedahay in culayska la saaro xarumahaasi qaybaha cilmiga ah ee ay dhigayaan lagu saleeyo baahida dalka iyo aqoonta qof & qaranba waxtarka u leh. Marka laga hadlayo Tacliin sare waxaa markasta ku lammaan Cilmi-baadhis iyo keenista hal-abuur cusub. Haddaynu Cilmi-baadhista soo qaadanno waxay ahayd in jaamacadaheena iyo aqoonyahanka dalka wax usoo bartay ama imika ku jiraa ay sameeyaan Cilmi-baadhisyo wax ka qabanaya dhibaatooyinka kaladuwan ee bulshadeena haysta sida; qabyaaladda, abaaraha, musuqmaasuqa, maamul xumada, jahliga, faqriga, qaadka Iwm. Waxa ay sidoo kale ahayd in ay Cilmi-baadhis ka sameeyaan jaamacadaheenu dhinacyada kala duwan ee horumarka dalku u baahan yahay sida; dhaqaalaha, Xoolaha, Beeraha, Ganacsiga, Tiknoolajiyadda, Tamarta, Warshadaha, iwm. Ugu dambayntii, waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkan kooban dhawr su’aalood oo aan iswaydiinayay lagana yaabo in dad badan oo ila mid ahina jiraan, kuwaas oo ka hadlaya Tacliinteenna sare iyo xaaladda ay ku jirto, waxaanay yihiin sidan soo socota; 1. Goorma ayaa la gaadhi doonaa in tacliinteena sare ee jaamacaduhu ay bixiyaan lagu barto afka Soomaaliga?. Ku darsoo dal kasta oo adduunka horumar gaadhay waxay wax ku bartaan afkooda Hooyo. Halka aynu maraynaana imika waxa weeye in caruurteenii barbaarinta luuqadda ingiriisida wax loogu dhigo dugsiyada badankooda, halka dhammaan dugsiyada sarena wax lagu bartaa ay tahay dhigo luuqadda Ingiriisida & Carabida. 2. Ma jirtaa Cilmi-baadhis ay sameeyeen aqoonyahankeena ama jaamacadaheennu oo waxqabad la taaban karo oo ay bulshadeena ku soo kordhisay ama xal u heshay dhibaato ina haysata?. Ku darso oo sannad kasta waxaa jaamacadaha ka baxa kumannaan arday oo dhammaystay qaybaha kala duwan ee cilmiga sameeyana Cilmi-baadhisyo si ay u qoraan buugooda qalinjabinta. Hadaba, Cilmi-baadhisyadaasi ma yihiin qaar laga faa’iidaysto? Mise ardayga, jaamacadda iyo qarankaba maalintaas ayaa ugu dambaysa kumannaankaas Cilmi-baadhisyo oo noqon kari lahaa xalalka, iyo furayaasha horumar kasta oo bulshadu u baahan tahay?. 3. Dhibaatada Cilmi-baadhis ta ardayda ka haysata ee ugu wayni waa luuqadda Ingiriisida oo aanay si wanaagsan u aqoonin. Sidaas darteed miyaan loo baahnayn in ardaydu Cilmi-baadhista ku soo qoraan afka Somaliga iyada oo ay raacayaan habka ugu habboon ee loo qoro?. Tani waxay keeni lahayd in ardaydu sameeyaan Cilmi-baadhisyo marka hore iyagu fahansan yihiin waxay ka rabaan, marka xigana luuqada ay sida ugu wanaagsan ugu fakari karaan ku soo qoraan iyaga oo tixraacyada ay soo xigtaana turjumaaya. 4. Suurtogal ma tahay in tacliinteena sare iyo baahiyaheena bulsheed ama horumarineed la isku beego, si dadka inooga soo baxaya jaamacadaheennu ay u noqdaan qaar sida ugu habboon waxtar inoogu noqda?. Tusaale ahaan anigu waxaan ka mid ahaa macallimiintii ugu horraysay ee lagu soo tababaray Jaamacadda Camuud burburkii ka dib, waxaanan ka mid ahaa barnaamij 20 sano ka hor bilaabmay oo dadkii ka soo baxayna bulshada Soomaaliyeed oo dhami sidii ugu habboonayd uga faa’iidaysteen. Jaamacadda Camuud macallimiin ka soo baxday ayaad ugu tagaysaa deegaan kasta oo Soomaali dagto cidhif ilaa cidhif. Sidaas si la mid ah ayaa qorshe ballaadhan oo dhan kasta ah laga diyaarin karaa ardayda jaamacadaha galaysa haddii loo hawlgalo Ilaahayna JWC la talo saarto. Gelin looma wada sheegi karo, xaajo geda weyne Gawdiidka iyo quusta waa, lagu gumoobaaye Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye Geeddiga cagaa daaliyaa , lagu geyoodaaye Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan habaqlaaye Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye Gargaraaciddeediyo ha deyn, geed ka didinteeda Gudgude, Hadraawi IHN ALLAA MAHAD LEH CABDIFATAAX RASHIID MAXAMED Hargeysa, Somaliland 15/11/2022 Qaran News
-
Baidoa, Somalia — Almost half of the 16 million people who live in Somalia are facing extreme hunger. More than a third of the east African nation's 5 million children under the age of five are acutely malnourished. Hunger and the health complications it causes are putting one Somali child in a health care facility every minute. Source: Hiiraan Online
-
London (Caasimada Online) – Sheekh Cusmaan Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isagoo cadeeyey in wax kasta ay ka muhiimsan tahay in kooxdaas laga xoreeyo dalka. Sheekh Usuuli ayaa ganacsatada u sheegay in cadaab iyo carada Alle ay ku muteysa doonaan dhaqaalaha ay siinayaan kooxdaan baneysatay dhiigga dadkaan Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah. Sheekh Usuuli ayaa aad u amaanay beelaha Soomaaliyeed ee kacdoonka sameeyey oo dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab, isagoo culumada dalka joogta ku dhiirageliyey inay dadka ku hogaamiyaan dagaalka Khawaarijta. “War ganacsatadaan la hadlayaa, inaad Shabaab heshiis ku ahaataan inaad idinku ganacsataan oo dhaqaale sameysaan, dadkana ay Shabaab laayaan, ilaahey ayaa idinkaga caroonaya,” ayuu yiri sheikh Usuuli. Isagoo ganacsatada ku amaanay doorkooda dib u dhiska dalka, ayuu u soo jeediyey in lambarada ay ka soo wacayaan Al-Shabaab ay dowladda ku war-geliyaan, si ninkaas baadda raadinaya tallaabo ay uga qaado dowladdu. “Ganacsato shacabka ayaad wax ku tihiin, maanta isha ayaa idinku godan, Al-Shabaab la’aantii wax ma noqon karaan, qiyaamaha ayaad ka shalaayi doontaan hadaa dhaqaale siisaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Usuuli. Wuxuu amaanay ciidanka xoogga dalka oo dadka shacabka ah ka hor taagan kooxda Al-Shabaab oo caadeysatay daadinta dhiigooda, isagoo culumada ku dhiira geliyey inay cabsida iska dhaafaan oo dadka dagaalka ku hoggaamiyaan. “Ilaahey ayaa maanta xaqa soo daahiriyey, ciidankeena xoogga dalka ayaa naga qabtay Al-Shabaab, Khawaarijtu waxay sheegaan inay gaalo la dagaalamayaan, laakiin gaaladu Xalane ayey iska fadhiyaan, waxayna mushaar ku qaataan Shabaab joogitaankooda,” ayuu yiri Sheekh Usuuli. Sheekh Cusmaan Usuuli ayaa dowladda ugu baaqay inay reebto xumaanta oo diinta loo laabto oo musuqa la joojiyo, “Kuwaan oo ilaahey naga dul qaado ayaan Alle ugu dhawaaneynaa, culumadu waa inay safka hore gasho,” Sheekha ayaa aad u amaanay qabaa’ilka dagaalamaya, “Maanta qabaa’ilkii ayaa kacay, dad ayaa isku dayaa inay suurad xumeeyaan kacdoonkaan, dadkaas waxay la jiraan Al-Shabaab, waxay ku leeyihiin umadu waa halaagsamee oo beel beel ayaa la isku leynaa, war ninkii qaba in umadu halaagsamee, isagaaba halaagsamay mar hore,” ayuu yiri. Hoos ka daawo The post Daawo: Sheekh Usuuli oo si cajiib ah uga hadlay dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Sheekada ay ku wada socdaan kuwa isku raacsan in aan West Burco Clan dalkan madax ka noqon ayaa waxay ka bilaabaan hadaladooda dhawr arrin oo ay isla ogyiin oo ay ka mid yiin:- a) Kursiga cod baal lagu fuulaa – waa run laakiin hadaad aaminsan tahay oo aad damacsan tahay talena isugu geysateen in aan nin garxajisba kursiga gaadhin, codkaad sheegeysaa halkuu ka immanayaa? b) Qorshe siyaasadeed hala yimaadaan xisbiyada mucaaradka ahi uu dadku ku raaco. Bal xisbiga qorshe siyaasadeed ku fuulay kursiga badka keen? Waakee nadaxweynaha isaaq ee qorshe qaramaysan oo aan qabyaalad ku dhisnayn kursiga ku fuulay? Halla sheego. c) Shacabka xisbiyada mucaaradku ha kasbadasn. Shacabkee? Xildhibaanadii ka soo baxay xisbiyada mucaaradka ayaa xilfhibaan kastaa ku daba fayley ninkiisiiye. Bal xildhibaanadii H/A ee ka soo baxay xisbiyafa mucraadka? Sheekh ku cadeeye medh, halkuu marat? Sawkuwan Muuse ku daba tukanaya. Urur waliba reer buu ka soo jeedaa, waxaan qabyaalad’, necayb ahayn loo hayo West Burco Clan siyaadadda Somaliland ma dhaafsana. Midna ha ogaadaan kuwa ururada furanayow: Doorasho madaxweyne oo saddexda xisbi galaan oo dalkan ka dhacdo mooyee doorasho ururo xisbiyo ku noqdaan ka dhici mayso. HArgeysa badhkeed, Burco, Ceerigaab, inta ka dhaxaysa doorosho urureed kama dhici karto. Yaa ka qaban kara doorasho? Bal sheeg? Waa dhul West Burco Clan…. yaa ku haysta? By:Jama A Ismail Hargeysa, Somaliland jamafalaag@gmail.com Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha, kuwo matala ama ka socda shabakadani ee waa fikirka akhristaha kor ku xusan Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen ku-talagalka miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka Kulankaan waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre wuxuuna goluhu meel mariyey miisaaniyad gaareysa $967.7 Milyan oo dollar. Miisaaniyadaan ayaa ka kooban dakhliga gudaha uga soo xaroonaya dowladda iyo deeqda ay dowladda siiyaan saaxiibada caalamka. “Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xukuumadda. Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda. “Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaandhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaaraha. The post Sawirro: Golaha wasiirrada oo anxisiyey miisaaniyadii ugu badnayd iyo heshiisyo kale appeared first on Caasimada Online.
-
“President Deni must order a review of TPEC guidelines in light of criticisms made by several political organisations.” Garowe (Editorial ) — The Transitional Puntland Electoral Commission went on record in 2021 for overseeing the first local pilot elections conducted at three districts. It has won plaudits for the outcome of the elections, but of late its role in overseeing the second phase of the democratisation process in Puntland is being called into question. TPEC issued a judgement on an intra-association dispute but sided with one of the factions. The TPEC judgement violates its guidelines particularly article 5, sub article 2, on how to handle disarmament within a pollical organisation’s: “An organisation may lose its status if it fails to resolve its differences”. This article bars TPEC from taking a side in any disagreement within an organisation. TPEC’s judgements on Mideeye and the Workers’ Political Organisation are based on separate correspondence and interviews with opposing factions. TPEC has no a mandate to pass a judgement on a rift with a political organisation. Several factors contribute to high-handedness of TPEC. One is the vagueness int the articles in the guidelines. For example, Article 5, sub article 1 reads: “No political association should submit false or wrong information to TPEC”. This article gives TPEC a free reign to pass a judgement and, in the words of a former Mideeye senior member “an opportunity to become a political tool for the incumbent administration”. There is a difference between false information and wrong information, the former implies intentionality, the latter hints at inadvertence. President Said Abdullahi Deni of Puntland Sate of Somalia reiterated that his administration “is keen on finalising the second phase of the democratisation process by holding elections in the rest of Puntland State districts”. If TPEC operates on guidelines that preclude some pollical organisations from enjoying a level playing field the accusation that the incumbent administration exploits those weaknesses at the expense of the other political organisations cannot be dismissed as baseless allegations. The responsibility to hold a summit for pollical stakeholders to thrash out differences and ensure that TPEC does not get reduced to a cheerleader lies with President Deni. He must order a review of TPEC guidelines in light of criticisms made by several Puntland political organisations. © Puntland Post, 2022 The post TPEC Guidelines Risk Undermining the Democratisation Process in Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Hey’adda Maareynta Musiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniino ku aadan Roobabka la filayo in ay dalka ka da’aan Todobaadka sedexaad ee bisha November 2022 inta lagu jiro 15-ka bisha ilaa 20-ka. Hey’addu waxaa ay sheegtay in Todobaadkaan ay Roobab ka di’idoonaan gobollada Waqooyi Bari iyo gobollada dhaca Koonfurta Soomaaliya, iyadoo xustay in haddii sida la rabo ay u da’aan ay sababi karaan khatarro fatahaado ah. Gobollada Bari Bokool, Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Shabeellaha hoose, jubbada hoose iyo Mudug ayaa waxaa la muujinayaa in ay dhalin karaan Fatahaado ay sameeyaan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo mara qaar kamid ah gobollada dalka. Soomaaliya xilligaan waxaa ka jira Abaar baahsan gobollada qaar oo weli ay muuqato saameynta ay reebtay, kuwaas oo ka dhashay isbedelka Cimilada, Roobabka ayaa ahaa kuwa aad u yar afar xilli oo lasoo dhaafay oo sidii la rabay noqon. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay khasaaraha sii kordhaya ee dadka rayidka ah ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in in ka badan 600 oo rayid ah lagu dilay Soomaaliya sanadkan 2022. Sida uu sheegay madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk, ugu yaraan 613 qof oo rayid ah ayaa la dilay 948 kalana waa la dhaawacay. 315 kamid ah dhimashada iyo 686 dhaawaca ah, ayaa loo sababeeyay inay la kulmeen walxaha qarxa. Ugu yaraan 94 boqolkiiba dhimashada dadkani waxaa loo aaneynayaa inay ka dambeeyaan Al-Shabaab. Khasaaraha kale ee dhimashada iyo dhaawaca waxay ka dhasheen iska hor imaadyada ciidamada ammaanka ee dowladda, maleeshiyo beeleed iyo dad kale oo aan la aqoonsan. “Waxaan aad uga walaacsanahay in dad badan oo Soomaaliyeed ay naftooda waayaan maalin kasta.” Dhammaan dhinacyada iskahorimaadyada ku lugta leh waa inay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo inay xaqiijiyaan in dadka rayidka ah la ilaaliyo,” ayuu yiri Volker Türk. 29-kii Oktoobar, qaraxyo mataano ah oo ay mas’uuliyadeeda sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 121-qof, waxaana ku dhaawacmay 333-qof, sida ay sheegtay QM, oo soo xiganaysay tiro-koob lagu sameeyay khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas. Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah, iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka si loo xoojiyo ilaalinta rayidka, iyadoo la raacayo xeerarka iyo halbeegyada xuquuqul insaanka ee caalamiga ah iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Isha: HOL The post Tirada dadka rayidka ah ee sanadkan lagu dilay Soomaaliya oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Tirada dadweynaha Caalamka ku dhaqan ayaa maanta gaadhey 8 Billion oo ruux. Tan ayaa ah tiradii ugu badnayd ee muddooyinkan ay gaadhaan Aadanuhu. Sannadkan oo keliya waxa Adduunka ku soo biiray dad dhan 116 Milayn halka 50 milyan oo kalena ay dhinteen. Tirada Aadanaha ee xilligan ayaa ah mid beenisay qiyaaso hore loo saadaaliyey oo sheegayey in sannadka 2030 ka hor aan la gaadhi karin 8 Billion oo ruux. Qaramada Midoobey Waxaa ay sidoo kale sheegtay in 15 sanno qaadan karto in tirada dadka gaadhaan 9 Bilyan halka ilaa 2080ka ay qaadan karto in tirada dadka Adduunku gaadhaan 10Bilyan oo qof. Source
-
Nin Falastiini ah ayaa maanta dilay laba qof oo Israa’iili ah, oo mid uu mindiyeeyey kan kalena la dul maray baabuur, Daanta Galbeed ee la haysto kahor inta aan isaga la dilin, sida ay sheegeen saraakiisha Israa’iil. Weerarkan ayaa yimid saacado kahor inta aan la dhaarin baarlamanka cusub ee Israa’iil, ayada oo xildhibaanada midigta fog ee ku jira oo la filayo inay ka mid noqdaan golaha wasiirada, ay wacad ku mareen inay joojin doonaa rabshadaha. Ciidamada Israa’iil ayaa ku warramay in “weerar toorey” ah uu ka dhacay aagga warshadaha ee Ariel ee waqooyiga Daanta Galbeed. “Qof argagixiso ah ayaa yimid ganjeelka laga galo aagga wuxuuna mindiyeeyey qof shacab ah oo goobta ku sugnaa,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay ciidamada. Adeegga gurmadka deg degga ah ee Israa’iil ee Magen David Adom ayaa sheegay in nin 35 jir ah uu u dhintay dhaawacyo soo gaadhay, halka saddex qof oo kale oo la mindiyeeyey ay dhaawac yihiin, kuwaas oo mid ka mid ah dhaawaciisa uu darran yahay. Qofka weerarka soo qaaday ayaa kadib u jiheystay “meel gaaska lagaga shubto baabuurta wuxuuna ku tooreeyey shacab kale,” sida ay sheegeen ciidamada oo intaas ku daray inuu kadib xaday gaadhi oo uu baxsaday. “Wuxuu la cararay baabuur uu xaday, wuxuuna kadib ku dul maray qof shacab ah,” ayaa lagu yidhi bayaanka ciidamada. Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa sheegay in nin 50 jir ah uu ku dhintay gaadhiga lala dul maray. Ciidamada ayaa intaas ku daray in askari uu kadib dilay qofka weerarka soo qaaday, islamarkaana lagu raad joogo qof labaad oo la tuhunsan yahay inuu weerarka ku lug lahaa. Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in qofka Falastiiniga ah ee ciidamada Israa’iil ay toogteen lagu magacaabay Mohammed Souf oo ahaa 18 jir, mana bixin faah-faahin intaas dheer. AFP Source
-
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa kulankii ugu horreyay si fool ka fool ah waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping. Labada Madaxweyne ayaa ku kulmay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia, halkaas oo shalay uu ka furmay Shirka Hoggaamiyeyaasha G20. Biden iyo Xi Jinping ayaa ka wada hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin arrinta Jaziiradda Taiwan, xiisadda ka taagan Gacanka Korea iyo dagaalka Ukraine. Madaxweynaha Mareykanka ayaa kulanka ka dib waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in dagaal qabow oo cusub uu haatan ka dhex qarxay labada dal. Labada hoggaamiye ayaa intii uu kulanku socday waxay kaloo ka wada hadleen duulaanka Ruushka ee Ukraine iyo xiisadda Kuuriyada Waqooyi kala dhaxeysa Kuuriyada Koonfureed, iyadoo uu Shiinuhu xidhiidh dhow la leeyahay Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya. Mareykanka ayaa Shiinaha u arka dal saamayn weyn ku leh Kuuriyada Waqooyi, isla-markaana uu yahay cidda keliya ee uu wax ka dhageysto Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyiga, Kim Jong-un. Waa markii ugu horreysay oo Madaxweyne Biden uu la kulmo dhiggiisa Shiinaha, tan iyo markii uu xafiiska qabtay. Source
-
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaalia, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga qeybgaley furitaanka Shirweynaha Saxaafadda Caalamka (Global Media Congress). Shirkan waxaa si rasmi ah u furya R’’iisul Wasaare Ku Xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalayaa wasiirro, danjireyaal, madaxda sare saxaafadda caalamka, shirkadaha kale duwan ee warbaahinta, hal abuureyaasha saxaafadda iyo arrimaha bulshada. Ajendaha ugu weyn ee looga doodayaa uu yahay sidoo loo dardargelin lahaa jiheynta isbeddelka ku dhacaya saxaafadda iyo qalabka warbaahinta, marka loo eego horumarka dhanka tiknoloojiyadda iyo xawliga saameynta baraha bulshada. Dib u qaabeynta mustaqbalka warbaahinta, awoodda muuqata ee wacyigelinta iyo dhaqaajinta isbeddelada ee warbaahinta , fursadaha maalgashi ee warbaahinta casriga, dhiirigelinta iyo taageerada hal abuurka ee dhalinyarada ku soo biiraya warbaahinta , in warbaahinta dowladda ay noqoto mid si daah furan uga waranta waxqabadka dowladaha iyo qodobo kale ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu falanqeyn doono shirkan. Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis ayaa waxaa uu shirkan ku tilmaamey mid la jaanqaadaya isbeddelada muuqda ee ku dhacaya warbaahinta iyo saxaafadda inteeda kaleba, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii isbedeladaasi loogu lifaaqi lahaa marxaladaha haatan jira ee muuqda. Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay qaar ka mid ah wufuuddii ka soo qeybgashey shirka. Mas’uuliyiinta uu Wasiirku la kulmya waxaa ka mid ah Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuriyadda Seychelles Mudane Ahmed Afif, Wasiirka Warfaafinta Bahrain, Dr. Ramzan bin Abdullah Al-Naeimi, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Imaaraadka, Mohammed Jalal Al Raisi iyo wakiilo ka socday Sacuudiga, Kuwait, Oman, Comoros iyo India.Abu Dhabi, Goobjoopg News Source: goobjoog.com
