-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Asmara (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay dowladda Eritrea, islamarkaana lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Shabait ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay xiriirka diblumaasiyadeed ee haatan ka dhexeeya xukuumadaha Asmara iyo Muqdisho. Eritrea ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dalal Reer Galbeed ah oo suurad xumeynaya xiriirka labada dal, kadib isbeddalkii Soomaaliya ka dhacay 15-kii May ee sanadkaan, kaas oo uu kusoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh oo ka adkaatay Maxamed Farmaajo. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan uu sii xoogeysanayo iskaashiga ka dhexeeya Eritrea iyo Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amniga, balse uu jiro buuq ay ku furayaan xiriirkan qaar ka mid ah dowladaha Reer Galbeedka, kuwaas oo aan la shaacin. “Isku xidhnaanta sii kordheysa ee labada dal, gaar ahaan dhanka difaaca iyo amniga, waxa ay dhalisey guux weyn oo diidmo ah oo ka imaanaya tiro dalal reer galbeed ah. Waana munaafaqnimo weyn oo ku qotonta isla weyni” ayaa lagu yiri warbixinta Shabait. Sidoo kale dowladda Eritrea ayaa sheegtay inay abaal u heyso Soomaaliya oo horey taageero ugu fidisay dalkan oo dhaca Geeska Afrika. “Wada-shaqeynta joogtada ah ee labada dal ayaa dhab ahaantii ku qotonta taariikh dheer oo wadajir ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay koox yar oo jilayaal ah oo taageero u fidiyay Ereteriya halgankii dheeraa ee xorriyadda,” ayaa markale lagu yiri bayaanka Eritrea. Ugu dambeyn dowladda Eritrea ayaa hoosta ka xariiqday in iskaashiga labada dal uu sii soconayo, ayna iska kaashanayaan amniga, gaar ahaan dagaalka lagu jiro kooxda Al-Shabaab oo haatan loo arko inay halis ku tahay guud ahaan amniga gobolka ama Afrika. “Labada waddanba waxay garwaaqsan yihiin in dagaalka argagixisada Soomaaliya uu yahay xasilloonida, iyo amniga guud ahaan gobolka Geeska Afrika oo dhan ,” ayaa lagu soo gabagabeeyey warbixinya ka soo baxay dowladda Eritrea ee lagu qoray Shabait. Waddanka Eritrea ayaa waxaa haatan ku sugan illaa 5000 oo askari kuwaas oo tababar u jooga dalkaas oo uu laba goor booqasho ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Eritrea oo shaacisay dalal xumeynaya xiriirka kala dhexeeya SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online.
-
Waa kuma korneyl Tuke,Sarkaalkii hore oo ka tirsanaa Ciidamadii Dowladdii Siyaad Barre ee dhawaan xabsiga loo taxaabay? KORNEYL TUKEH Sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamada Soomaaliya oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Cali ayaa lagu baarayaa gudaha dalka Mareykanka dacwado la xiriira jirdil iyo tacadiyo kale oo la sheegay inuu geystay sanadihii 1980-meeyadii ee dowladdii Siyaad Barre. Saddex sano ka hor xeerbeegti Mareykan ah ayaa Cali ku xukuntay inuu jirdil u geystay wiil dhallinyaro ah sannadkii 1987-kii – taasoo uu beeniyay. Xilligii dowladdii Siyaad Barre ee 1980-meeyadii waxaa la sheegay in Soomaaliya ka dhacayay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Yuusuf Cabdi Cali waxa uu madax ka ahaa guuto ciidan oo caan ah. Sannado ka dib markii uu ka cararray gobolka, eedeymaha xadgudubyada ayaa mar kale soo kordhayay. Sannadkii 1992-dii Cali ayaa laga soo tarxiilay Kanada ka dib markii markhaatiyo dokumentari ah ay sheegeen inuu amray dilal badan. Waxa uu shaqo ka helay shirkadda tagaasida ee Uber ee Maraykanka. Kadib 2019-kii maxkamad madani ah ayaa ku xukuntay inuu bixiyo ganaax nus malyuun dollar ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu jirdilay wiil dhalinyaro ah sannadkii 1987kii. Hadda ninkan oo lagu magacaabi jiray Kornayl Tukeh ayaa la xiray iyadoo baarayaasha Mareykanka ay baarayaan xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan dil iyo jirdil. Haddaba waa Kuma Kornayl Tuke? XIGASHADA SAWIRKA,TUKE Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter. Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yirahdo Somaliland. Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay inay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay. Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaalada Gabilay. Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wuxu kamid noqday saraakiil sar sare oo qoxootinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fallo. Kornaylka ayaa waxaa uu u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabood falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006. Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo haystay ka been sheegidda qaabka ay ku tagtay Mareykanka. Dadkii daba tagnaa kornayl Tuke ayaa dacwaddiisa u wareejiyay dalka Mareykanka, waxaana warbaahinta CNN ay sidoo kale baahisay muuqaal la duubay sanadkii 2016, kaas oo muujinaya booliska Maraykanka oo Kornaylka ka kaxaynaya goobtii uu ka shaqaynayay oo ahayd garoonka caalamiga ah ee Dulles ee waqooyiga Virginia. Tallaabada booliska ayaa timid, kadib markii xubin katirsan Aqalka Virginia ay dalbatay in la cadeeyo sababta qof dambi loo haysto looga shaqaalaysiiyay garoonka diyaaradaha ee gobolkaasi, waxaana ay keentay in shaqada laga eryo. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran Duufaan ee hay’adda NISA. Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaaa howlgalka ka sameeyey degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, gaar ahaan guryo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay ku socdeen bartilmaameed, islamarkaana ay gudaha u galeen guryo markii hore laga shakisnaa. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Duufaan ay horey usoo kaxeysteen shaqsiyaad la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo ay haatan ku socoto baaris. Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay kasoo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan howlgalka ay sameeyeen ciidanka NISA. Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda, gaar ahaan Booliska iyo Nabad Sugidda ayaa kordhiyey howlgallada Muqdisho, si looga hortego falalka liddiga ku ah nabad-gelyada. Si kastaba, caasimada ayaa wajaheyso xaalad amni oo daran, kadib markii ay culeys soo saartay kooxda Al-Shabaab oo dagaallo looga furay inta badan gobollada dalka. The post Ciidamada NISA oo howlgal culus ka fuliyey Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha saldhigga degmada Ufeyn ee gobolka Bari Mukhtaar Siciid Dhurwaa ayaa lagu eedeeyay in uu kufsi u gaystay gabar lagu magacaabo Aasiyo Maxamed Siciid oo ku nool degmadaas. Kiiskan oo la sheegay in uu dhacay 14 bishan November ayaa baaristiisa loo soo gudbiyay magaalada Garoowe, waxaana eedeysanaha iyo dhibanaha laga qaaday dheecaanka Hido Sidaha (DNA), iyadoo natiijada kiiskan maalmaha soo socda laga sugayo hay’adda Forensic Science ee Puntland, sida uu Puntland Post u sheegay guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqul Insaanka Siciid Cabdi Muumin. Dhanka kale qaar ka mid ah ehelada dhibanaha u ah kiiskan oo la soo xiriiray Puntland Post ayaa sheegay in saraakiisha Booliska Puntland aysan sarkaalka eedeysanaha ah ku sameyn shaqo joonin ama dhaqdhaqaaqiisa hakin inta uu socdo baaritaanka, hadana uu ka shaqaynayo saldhigga degmada Ufeyn. Saraakiisha Booliska Puntland oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino eedeynta loo jeedinayo ayaa ka gaabsaday in ay jawaabaan. PUNTLAND POST The post Puntland: Taliye saldhig degmo oo lagu eedeeyay kufsi appeared first on Puntland Post.
-
Cadale (Caasimada Online) – Waxaa gogol la iskugu keenay waxgaradka beelihii dhawaan ku dagaalamay aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana gogoshii maanta la dhigay ka hadlay masuuliyiin iyo odayaal dhaqan. Senator Axmed Maxamed Cali (Afcadey) ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay kulankii la isugu keenay waxgaradka beelihii dagaalamay, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dadkiisa oo dhalasho ahaan aad isugu dhow ay is dilaan. Senatorka ayaa ku guudiyey in beesha uu ka bixi doono oo dhalasho kale uu qaada doono, hadii mar dambe ay dagaalamaan oo gogoshaan la dhigay ay heshiis ku gaari waayaan. Ugaaska iyo Iimaamka beelaha Mudulood ayaa hormuud u ahaa abaabulka kulanka la isugu keenay labada beelood ee walaalaha ah, kuwaas oo dhawaan dad badan isaga dilay duleedka degmada Cadale. “Halkaan dhibaato ayaa ka dhacday, qaraabo waxaa la idinka rabaa in xabad joojintaan aad dhab u qaadataan, qof kasta qoriga ha iska tiiriyo, xabad joojintu waa sidii loogu dhawaaqay, dadka dagaalamaya dhalashada markii la fiiriyo inta ay kala tirsadaan iyo sida ay isku laayeen waa ceeb,” ayuu yiri Senator Afcadey. Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan idinka codsanayaa in walaalnimadii aad soo celisaan, oo wadahadalkaan laga dhabeeyo, hadii wadahadalkaani uu soca waayo, ogaada dhalasho ayaan la soo baxayaa.” Kulankaan dib u heshiisiinta ah ayaa ka furmay degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe, waxaana la isugu keenay waxgaradka beelihii dagaalamay, iyadoo hadda la gaaray xabad joojin hor dhac ah. Hoos ka daawo The post Senator Afcadey oo sheegay in beeshiisa uu ka baxayo haddii ay dagaal gasho appeared first on Caasimada Online.
-
“Go’aankii shalay ee xisbiga kulmiye ka soo baxay waxay marag u tahay in dalkii u guuray xisbi kaliya waxayna la mid tahay maalintii la toogtay General Caynaanshe iyo General Gabayle sidoo kale go’aankaas wuxuu ka hor imanayaa qodobka 9aad ee dastuurka JSL iyo dawladnimadaba!” Siciid Cudhay Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ilyaas Cali Nuur oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas iyo arrimaha doorashada. Ilyaas Cali Nuur ayaa marka hore jawaab rasmi ah ka bixiyey go’aankii kasoo baxay xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka horyimid qorshaha muddo kororsiga madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha mucaaradka looga baahan yahay in aysan qaadin cadiifad, islamarkaaana ay tahay inay ka fakiraan xasiloonida iyo danaha shacabka. “Qofka marka uu murcaarad yahay ama uu wax sheegaayo ma’aha caadifad iyo kursi raadis inay ka noqoto waxaa loo baahan yahay qofka siyaasiga ah in siyaasaddiisa ay ku saleysan tahay caqli iyo miisaan,” ayuu wareysigaan ku yiri wasiirka Ilyaas Cali Nuur. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay arrin sharci ah tahay muddo kordhinta madaxweynaha, maadaama ay meel-mariyeen Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya. “Madaxweynaha Koonfur Galbeed muddo xileedkiisa waa la yaqaanaa waana sanadka dambe December, aniga kuma darin Baarlamaanka ayaa mowqifkaasi iska leh, iyagaana ku daray,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay, si loo ilaaliyo midnimada shacabka. “Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada dhammaantood waxa ay u taagan yihiin metelaadda shacabka Koonfur Galbeed, marka way ku qasban yihiin in la qabto doorasho hufan oo ka dhacda Koonfur Galbeed, haddii la gaaro waqtigeeda,” ayuu raaciyey Wasiir Ilyaas Cali. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Koonfur Galbeed uu ka taagan yahay khilaaf ka dhashay hoggaanka doorashada ee maamulkaasi, waxaana xiisadda uga sii daray muddo kororsiga Laftagareen oo ay ka horyimaadeen xubnaha mucaaradka ee maamulkaasi. The post Daawo: Koonfur Galbeed oo JAWAAB kulul ka bixisay go’aankii mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
Ma Waxa jira khilaaf huursan oo aan weli banaanka u soo bixin oo u dhexeeya Muuse Biixi & max’ed Kaahin ? Wasiir Maxamed Kaahin oo ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye , ahna xubin ka mid ah guddida fulinta Kulmiye shalay kamuu soo qeyb gelin shirkii guddida fulinta ee xisbigaas Kulmiye . Shirkan oo shalay xisbigu ku go,aamiyey qodobo culus , maxaa lagu sifeen karaa in Maxamed Kaahin shirkaas ka soo qeyb gali waayo ? Ma Khilaaf huursan ayaa jira , mise qodobadii lagaga dhawaaqeyey shirkaas guddida fulinta ayuu saluugay ? Tana waa mid kale oo dareen abuurtay “Sheeko Calancas” Saaka ayay Hargeysa ku shireen. Madaxweyne ku-xigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax. Wasiir Maxamed Kaahin. Guddoomiyaha ururka Horseed Cabdilaahi Darawal. Ibraahim Dhagaweyne. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeelatay safiirka dowladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Thomas Chepkoto. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimo ay kamid yihiin hirgelinta heshiisyada gaadiidka iyo duullimaadka iyo dib u soo celinta duulimaadyada Kenya Airways ee Muqdisho. Sidoo kale waxay isku soo hadal qaadeen arrimaha duulimaadka, gaar ahaan culeyska ku yimid helidda Fiisaha dalka Kenya oo maalmihii u dambeeyey lasii adkeeyey. Wasiir Fardowsa ayaa Amb. Thomas Chepkoto la wadaagtay dhibaatada ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku qabaan Fiisaha Kenya oo markii hore mudo todobaad ah lagu heli jiray, balse haatan ay qaadan karto ilaa bil, taasoo xitaa aan hubanti buuxda loo heyn in la helo. Fardowsa ayaa kulan kadib shaacisay in ka dowlad ahaan ay ku dadaali doonaan sidii hoos loogu dhigi lahaa culeyska ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed ee u safra Kenya. Dhankiisa Danjiraha Kenya ee Soomaaliya ayaa ballan-qaaday inuu arrintan uu daba-gal ku sameyn doono, islamarkaana uu xal rasmi ah keeni doono, si loogu fududeeyo dadka Soomaaliyeed helida Fiisaha dal ku galka ee wadankaasi oo Soomaali badan ay joogaan. Wadahadalladan ayaa kusoo aadayo, xilli muddooyinkii u dambeeyey ay isa soo tarayeen eedeymaha loo jeedinayo dowladda Kenya ee ku aadan inay ka gaabisay fulinta heshiisyadii ay la gashay Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib u fasaxay qaadka Miiraa ee waddankaasi. The post DF oo arrimaha duulimaadka kala hadashay Kena kadib… appeared first on Caasimada Online.
-
Souef Mohamed El-Amine oo ah Dublamaasi u dhashay dalka Comoros ayaa Midowga Afrika u doortay in uu noqdo madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ku dhawaad 7 bilood ka dib markii ay dowladda Soomaaliya cayrisay hogaamiyihii ka horreeyay. El-Amine ayaa sabtidii ka soo muuqday shaqada Muqdisho ka dib markii uu magacaabay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki. Kahor inta uusan qaban jagada Muqdisho, El Amine wuxuu ahaa madaxa xafiiska gobolka ee Howlgalka Xasilinta Isku-dhafka ah ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA) ee Gao oo uu ka soo shaqeeyay tan iyo Ogosto 2020. El- Amine, oo sidoo kale ah qoraa caan ah ayaa horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Commorro May 1999-July illaa 2005 ka dibna isla jagadaas qabtay markale intii u dhaxaysay May 1999-Julaay 2005. Madaxa cusub ee ATMIS waxa kale oo uu soo noqday madaxa Xafiiska gobolka ee Midowga Afrika – Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Darfur (UNAMID) ee Suudaan intii u dhaxaysay Abriil 2011 iyo Sebtembar 2015. DAGAALKA AL-SHABAAB Souef Mohamed El-Amine oo ah Muwaadinka reer Komoriya ayaa xafiiska kala wareegaya Francisco Madeira oo u dhashay Mozambique kaas oo bishii Abriil 2020 uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaarihii hore Mohamed Xuseen Roble “ku lug yeeshay falal aan waafaqsanayn shaqadiisa. ” Labada mas’uul ayaa ku kala aragti duwanaa qaabka loo maamulayo doorashada iyadoo lagu eedeeyay dublamaasiga Midowga Afrika inuu la safan yahay madaxweynihii xilligaasi Maxamed Farmaajo. El Amine ayaa hadda hogaanka ATMIS la wareegaysa xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay si adag gacanta ugu dhigtay howlgallada milateri ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Howlgalladan ayaa waxaa garab ka helaya dadka shacabka ah oo ka bar bar dagaalamayay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobollada dhexe ee Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Waxa kale oo muhiim ah, El Amine ayaa hogaamin doonta qaybta ka hadhay muddada labada sano ah ee kala guurka ah ee ciidamada Midowga Afrika. Isbeddelka ayaa billowday bishii April ee sanadkan markii howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) uu shaqada ka fadhiistay oo ay la wareegtay ATMIS inkastoo tirada ciidamada iyo wax ku biirinta ay inta badan sidii hore ahaayeen. QORSHAHA KALA GUURKA SOOMAALIYEED Muddada kala guurka ah ee labada sano ah ayaa ayaa ku eg bisha April 2024 markaas oo la filayo in ciidamada amniga Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga. Si kastaba ha ahaatee, wakhtigaas waxaa si weyn u qeexaya xaaladaha ka jira Soomaaliya, gaar ahaan diyaarinta Xasilinta Soomaaliya . Durba waxaa jiray calaamado Qorshaha Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (STP), qaab-dhismeed dowladeed oo hagaya geeddi-socodka ku-meel-gaarka ah ayaa xoogaa dib u dhac ah ku yimid. Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Cusmaan Abuukar ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Khamiistii in dowladda Soomaaliya ay codsatay muddo kordhin ‘30-ka December ee kama dambaysta ah ee ay kaga gudbi karto qaar ka mid ah Saldhigyada Hawlgelinta ee ATMIS-ka. Ma cadda inta ay le’eg tahay waqtiga ay Muqdisho raadineyso in lagu soo gebagebeeyo horumarkan. Soomaaliya ayaa sidoo kale guulo ka sheegtay Al-Shabaab markii laga qaaday cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ay saartay sanadkii 1992. Si kastaba ha ahaatee, golaha ammaanka ayaa Khamiistii u codeeyay in hal sano oo dheeri ah lagu kordhiyo muddo kordhinta hubka. Abuukar ayaa sheegay in codeyntan ay wiiqi doonto dadaallada ay waddo dowladda Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in afartii bilood ee la soo dhaafay ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka faa’ideysanayeen hubkooda qeyb weyn oo ka mid ah . Soomaaliya, xaaladda hubku waxay noqonaysaa mid aan la sii waarin karin.” El Amine ayaa sidoo kale u baahan doona inuu dib u dhiso oo uu hagaajiyo xiriirka iyo kalsoonida Dowladda Federaalka ka dib markii lagu eedeeyay madaxweynihii isaga ka horreeyay inuu ciyaaray siyaasad liddi ku ah shaqadii loo igmaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu—The newly appointed Special Representative of the African Union Commission Chairperson (SRCC), Ambassador Mohammed El-Amine Souef, today arrived in Somalia to take up his duties as the Head of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa uu safarro ku kala bixinayaa furimaha dagaalka gobollada dalka, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay wadaan ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka, iyagoo deegaanno dhowr ah ka saaray Al-shabaab. Safarkiisii koowaad uu ugu kuurhalayo xaaladda deegaannada ay howlgallada ka socdaan iyo ciidanka kale duwan ayaa ka degay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen xildhibaanno, wasiirro heer federal iyo heer gobol ah iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isaga oo khudbad u jeediyay dadka deegaanka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Maxaas ay tahay degmo u baahan waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah, isaga oo intaas raaciyay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga hergelin doono adeegyada dowliga ah iyo garoon diyaaradeed, degama ayaa waxaa ay tahay markii ugu horeysay uu booqday madaxweyne Soomaaliyeed tan iyo 1960-kii. Xasan Shiikh ayaa Maxaas kaga dhawaaq mar kale sida ay kaga go’an tahay dagaalka Al-shabaab “Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.” ayuu yiri xilli uu hadlayay. Madaxweynaha ayaa safarkiisii xigay waxaa uu ku tagay magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud, iyadoo halkaas si diiran loogu soo dhoweeyay, ciidanka deegaanka oo u badan culimo ayaa kusoo dhoweeyay Digri Salaan loo qaaday, waxaana uu xusay in Baxdo tusaale u tahay halka shacabka ay kaga soo horjeedaan xogagga Al-shabaab. Shacabka magaalada ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayuu ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan sidii Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan Yihiin Al-shabaab, sida Ceelbuur, Xiindheere, Jacar, Bargaan iyo degmada Xaradheere oo ka tirsan, madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay magaalada Baxdo ayaa yiri. “Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda. Geeddiga dabar goynta Khawaarijtu waa billowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.” ayuu yiri xilli uu ka hadlaayay soo dhoweynta loo sameeyay. Madaxweynaha ayaa safarkiisii booqashada furimaha dagaalka shalay ee gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug waxaa uu kusoo gabagabeeyay magaalada Wisil ee bariga gobolka Mudug, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay qaar kamid ah ciidanka Daraawiishta Galmudug , kuwa deegaanka iyo bulshada qeybaheeda kale duwan ee Wisil. “Awoodda halkaan ka muuqata oo na hortaalla iyo midda gadaasheenna taaganba, magaaladaan Wisil muhiimad gaar ah ayey leedahay calaamadda ugu horeysa waa Xaradheere iyo inta ka sokayso ee Raafka la sii mariyo, waxaa intaas dheer aniga kan madaxweyne ahaan, dowladda ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada oo isku jira iyo midda Galmudug, waxaa ay heli karaan oo ay soo haaban karaan ay haabtaan dowladduna wax idin ka hagran mayso” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa safarkiisa kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo la filayo inuu xarigga ka jaro madaxtooyada Galmudug, waxaa lagu wadaa in sidoo kale uu safarkiisa kusoo gaaro magaalada Baladweyne iyo qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidanka dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howl-galka KMG ah ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa caasimada dalka u yimid si uu ula wareego howlihiisa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ATMIS. Waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Fiona Lortan oo ah ku-xigeenka Ergayga gaarka ah, madax ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS. Mohammed El-Amine Souef oo ah Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Howl-galka ku-meel gaarka ah ee Midowga Afirka ATMIS ayaa 4-tii September 2022 loo magacaabay xilkaan, isaga oo u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Danjiraha oo u dhashay waddanka Comoros ayaa bedelay wakiikii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, oo uu Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dalka ka eryay bishii April. Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale xiligaas waxa uu Ambassador Francisco Madeira ku eedeeyay inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa. Wixii ka horeeyay magacaabistiisa, wuxuu Ambassador Souef ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA). The post Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Ururrada Siyaasadda Puntland ayaa shaaciyay in ay shir wada-tashi ka yeelanayaan barnaamijka lagu muransan yahay ee doorashooyinka qof iyo cod. War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ururrada siyaasadda Puntland, ayay ku sheegeen in ay shir wada-tashi ah Garoowe ku yeelan doonaan maalinta Axadda ah oo ku beegan 27-ka bishan November. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ururrada siyaasaddu ay shirkaas kaga tashanayaan xaaladaha ku xeeran doorashooyinka qof iyo cod, si ay talo midaysan uga yeeshaan. Ururrada siyaasadda ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay mowqif midaysan ka yeeshaan doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024. ” War-murtiyeedka shirkeenna ka soo bixi doona; waxa kamid ah in madaxweynuhu shacabka u caddeeyo arrinta doorashada 2024″ ayuu yiri mid kamid ah madaxda ururrada siyaasadda Puntland. PUNTLAND POST The post Ururrada Siyaasadda Puntland oo shir wada-tashi ah ka yeelana doorashooyinka lagu muransan yahay appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajandaha fadhigaa ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2023 taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay. Miisaaniyada Dawladda ee Sannadka 2023 ayaa dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar) kororka Miisaaniyadda ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannadkii hore. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda Dawladda Sannadka 2023, taas oo bilaabneysa dhaqan-galkeeda January 1, 2023 kuna eg December 31, 2023 si waafaqsan Qodobka 135-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Wasiirka ayaa ku sheegay ku talo-galka dhakhliga gudaha sannadkaan waxa uu noqonayaa $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ku xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Sabtida, November 26, 2022. Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa Golaha ka codsaday in la ansixiyo kororka Miisaaniyadda ee dhaqaalaha laga filayo Mashruuca Biyoole kaas oo dhan $1,922,040 Intaa kadib, Fadhiga oo ay goob-joog ahaayeen 42 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 41 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus ma jirin, sidaas ayeyna ansax ku noqotay codsigii Wasaaradda. The post Baarlamanka Puntland oo maanta oo loo gudbiyay Odoroska Miisaaniyadda dowladda ee 2023 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa toddobaadyadii tegay uu gaabis ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobollada dalka, taasi oo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay tago furimaha dagaalka, si uu u dhiiri geli ciidamada. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa soo baxaya shaki iyo tuhun ay muujinayaan saraakiisha xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibada ku xeeran oo ah in taliyayaasha sare ee ciidanka qaarkood ay xagal daacinayaan howlgallada. Xogta ayaa sheegeysa in dadka la tuhunsan yahay u uku jiro Taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan taliyaha ciidamada booliska Jen. Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar, taliyaha ciidamada lugta General Biixi, iyo saraakiil kale oo qeybaha ciidamada gaarka u tababaran ay hoos tagaan. Villa Somalia ayaa qabta in saraakiishaasi aysan daacad ka aheyn dhameystirka howlgallada socda, islamarkaana ay xagal daacinayaan howlgallada ciidamada iyo macaawiisleyda. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in taliyeyaashaasi oo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu magacaabay ay illaa hadda weli fulinayaan siyaasafdii Farmaajo maadaama Famaajo loo arko inuusan la dhacsaneyn in Al-Shabaab meesha laga saaro si walbo haku timaadee. Farmaajo ayaa shan sano oo uu madaxweyne ka ahaa dalka, aan wax dagaal ah ku qaadin Al-Shabaab. Sidoo kale, Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ku heyb ah ayey farta ku godan tahay inay mas’uul ka yihiin colaadda ka taagan degmada Cadale, dagaalladaasi beeleed oo loo arko in uu dib u dhac u keenayo howlgallada lagu doonayo in lagu gaaro degmada Aadan Yabaal. Dhinaca kale, waxaa soo baxayaa warar aad u sarreeya oo sheegaya in madaxweye Xasan Sheekh uu qorsheynayo xil ka qaadis lagu sameeyo Taliyaha CXD Jen. Odawaa Yuusuf Raage, Jeneraal Biixi iyo Taliyaha Booliska Jen. Xijaar, waxaana xil qaadistaasi kadib daba socoto in iyagana xilalkooda weyn doonaan taliyeyaal kale oo guutooyinka ciidamada Mareykanka iyo Turkiga tababareen ah, kuwaasoo loo arko in weli ay meesha u joogaan madaxweynihii hore Farmaajo. Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay gobolka Hiiraan iyo aagagga dagaalka ee uu kusoo kormeerayo ayaa qeyb ka ah qiimeyn iyo xog wareysi lala yeelanayo ciidamada, kahor inta aan la sameyn isbeddelo. The post Xog: Sababta hor taagan in horey loo sii wado dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
TPLF ayaa dowladda Eritariya waxa ay ku eedaysay inay wado abaabul ciidan oo ka dhan ah heshiiska ay dhawaan ku gaadheen dalka Koonfur Afrika dowladda Itoobiya iyo TPLF. Warkan oo ay tabiyeen Warbaahinta ku hadasha Afka TPLF ayaa sidoo kake lagu sheegay in Ciidammada Eritariya ay bilaabeen duulaan hor leh iyo weeraro lagu hayo shacabka gobolka Tigray. Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara warka ay baahisay Warbaahinnada kala duwan ee taageerta TPLF, sidoo kale dowladda Itoobiya iyaduna kama hadlin warkan kasoo baxay TPLF. Hore waxay TPLF u sheegtay in ayna hubka dhigayn ilaa Ciidammada Eritariya ka baxayaan dhulka ay haystaan ee ka midka ah gobolka Tigray. Dowladda Itoobiya ayaa iyaduna hore u qeexday in ayna jirin sabab ay Ciidamada Eritariya wakhti xaadirkan usii joogaan gobolka Tigray iyadoo heshiis nabadeed uu dhacay. Bishan billowgeedii ayaa waxaa heshiis nabadeed gaadhay dowladda Itoobiya iyo TPLF kaddib dagaallo muddo aad u dheer ka socday Waqooyiga Itoobiya, balse waxaa wali la is weydiinayaa sida uu u fulayo heshiiskaas iyadoo TPLF heshiiska kaddib wali ay wax tabanayso. Source
-
Koobka Adduunka ee FIFA waa tartan kubadda cagta oo caalami ah waana mid ka mid ah dhacdooyinka isboorti ee ugu weyn adduunka. Xubnaha Xidhiidhka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta FIFA ayaa afartii sanaba mar ku tartama horyaalka Koobka Adduunka. Horyaalkii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka ee FIFA waxa la qabtay 1930kii, tartankaani ayaa dhaco afartii sannadoodba mar tan iyo markaas, marka laga reebo 1942 iyo 1946 dagaalkii labaad ee Adduunka awgeed. FIFA World Cup ayaa ah dhacdo si weyn loogu tixgaliyo waana ciyaaraha loogu daawashada badan yahay caalamka oo idil iyadoo ay ugu wacan tahay tirooyinka daawashada rikoorka jabiyay oo ay ku jiraan in ka badan 3.5 bilyan oo daawadayaal qiyaastii kala bar dadka adduunka intii lagu jiray tartanka finalka 2018. Xulka qaranka France ayaa noqday xulkii ugu dambeeyay ee ku guulaysta koobka aduunka 2018, kaas oo ka dhacay dalka Russia. Qatar ayaa loo qorsheeyay inay martigeliso Koobka Adduunka ee FIFA World Cup 2022 Noofambar 20 ilaa Deseembar 18, 2022, taasoo noqonaysa markii ugu horeeyay ee lagu qabto wadamada carabta, iyo koobkii labaad ee aduunka oo gabi ahaan lagu qabto Asia kadib tartankii 2002 ee South Korea iyo Japan. Koobka Adduunka ee FIFA 2022 waa kii 22-aad ee FIFA World Cup, wuxuu ka dhici doonaa Qatar, Koobkan ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay oo ay ka qeyb galaan 32 kooxood. Waxa laga dhigidoona 48 kooxood oo ka qayb galaya tartanka 2026 ee Maraykanka, Mexico, iyo Kanad. Waxa uu furmi doona habeen danbe saacada 7 fiidnimo, ciyaarta furitaanka ayaa dhexmari doonta Qatar iyo Ecuador garoonka Al Bayt Stadium, Waxa la ciyaari doona 64 kulan, waxaa uu socondoona 29 maalmood. Finalka ayaa la qaban doonaa 18ka Diseembar 2022, waana maalinta qaranka Qatar. Tartanka 2026-ka waxaa si wada jir ah u martigelin doona Mexico, Canada, iyo Mareykanka, taasoo ka dhigaysa Mexico dalkii ugu horreeyay ee saddex jeer martigeliyay. 18 waddan oo kala duwan ayaa martigeliyay ciyaaraha Koobka Adduunka, iyadoo Qatar ay noqon doonto waddankii 19aad ee tartanka 2022. Dalalki martigeliyay Koobka Adduunka ee FIFA ilaa 2026 2026: Canada, United States (2nd time), Mexico (3rd time), 2022: Qatar, 2018: Russia, 2014: Brazil, 2010: South Africa, 2006: Germany (2nd time), 2002: Japan/South Korea, 1998: France (2nd time), 1994: United States, 1990: Italy (Markii labaad), 1986: Mexico, 1982: Spain, 1978: Argentina, 1974: West Germany, 1970: Mexico, 1966: England, 1962: Chile, 1958: Sweden, 1954: Switzerland, 1950: Brazil, 1946: — la joojiyay (WWII) —1942: — la joojiyay (WWII), 1938: France, 1934: Italy, 1930: Uruguay. Waxa Qoray: Yusuf Sodal Source
-
Dowladda Eritrea ayaa si kulul uga hadashay waddamo reer Galbeed ah oo doonaya inay buuq ku furaan xidhiidhka ka dhexeeya dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh, kadib isbedelkii dhacay 15-kii May oo xukunka lagala wareegay madaxweyne Farmaajo. Warbixin dheer oo lagu daabacay wakaalada wararka Eritrea ee Shabait ayaa lagu sheegay in cilaaqaadka xukuumada Muqdisho iyo Asmara uu sii xoogeysanayo, xili reer Galbeedka ay tashwiish ku furayaan xidhiidhkan. “Isku xidhnaanta sii kordheysa ee labada dal, gaar ahaan dhanka difaaca iyo amniga, waxa ay dhalisey guux weyn oo diidmo ah oo ka imaanaya tiro dalal reer galbeed ah. Waana munaafaqnimo weyn oo ku qotonta isla weyni,” ayaa lagu yidhi warbixin dheer oo lagu daabacay Shabait. Bayaanka ka soo baxay dowladda Eritrea oo lagu muujiyay taageero weyn oo Soomaaliya ay hore u siisay dalkaasi ayaa lagu sheegay in haatan ay xoogooda isugu geynayaan sidii kooxaha argagixisada ah gobolkan looga sifeyn lahaa. “Wadashaqeynta joogtada ah ee labada dal ayaa dhab ahaantii ku qotonta taariikh dheer oo wadajir ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay koox yar oo jilayaal ah oo taageero u fidiyay Ereteriya halgankii dheeraa ee xorriyadda. labada waddanba waxay garwaaqsan yihiin in dagaalka argagixisada Soomaaliya uu yahay xasilloonida, iyo amniga guud ahaan gobolka Geeska Afrika oo dhan ,”ayay tidhi dowladda Eritrea. Si kastaba, Dowladda Eritrea ayaa noqotay dalkii u horreeyay ee ciidamo Shan kun askari ah u tababarta Soomaaliya, kuwaas oo sida qorshaha yahay Soomaaliya dib loogu soo celin doono lixda bilood ee soo socota. Eritrea and Somalia: Cooperation and Partnership for Peace and Stability Source
-
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay billowday inay koronto u dhoofiso Kenya, sida uu dhigayo heshiis 25 sanno ah oo u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika. Itoobiya horraantii sannadkan ay ku dhawaaqday inay bilowday inay koronto ka dhaliso mashruuca biyo xidheenka weyn ee ay ka waddo webiga Niil. Waaxda Korontada Itoobiya ee (EEP) ayaa sheegtay in khadka isku xidha labada dal oo ay ku kacayso 500 milyan oo doollar uu awood u leeyahay inuu gudbiyo 2,000 megawatts, isla markaana uu soo saaro ilaa 100 milyan oo doollar sannadkii. Hay’adda Shidaalka iyo Tamarta ee Kenya (EPRA) ayaa xaqiijisay inay Khamiistii bilowday inay koronto ka keensato dalka Itoobiya. Itoobiya ayaa markii ugu horreysay billowday inay koronto ka dhaliso biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam ee ku yaalla webiga Blue Nile bishii Agoosto, waxayna bishii Augusto ku dhawaaqday in marawaxadaha labaad ay bilaabeen inay soo saaraan koronto. Source
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa maanta ku wajahan dalka Imaaraatiga Carbeed. Madaxweyne Deni oo maalnihii la soo dhaafay kulamo siyaasadeed ka waday Nairobi ayaa ku sii jeeda magaalada Dubai ee waddanka UAE. Magaalada Dubai waxaa sidoo kale ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo halkaas kaga sii horreeyay Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu soo maro dalka Jabuuti kadib markii uu ka soo laabto UAE. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Ahmad Juma Al-Rumaithi. Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada-hadlay sii adkeynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada waddan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaarah. Sidoo kale waxa kulanka labada masuul diirada lagu saaray dardar-gelinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay dowladda Imaaraadku siiso Soomaaliya. Xamza oo xafiiskiisa kusoo dhaweeyay danjiraha cusub, ayaa sidoo kale u sheegay inay dowladda federaalka Soomaaliya ay si wanaagsan ula shaqeyn doonto. Kulankaan ayaa kusoo aadaya xili uu dhawaan Imaaraadka Carabta si cad u diiday in la qaado cunaqabatayn ay dowladda federaalka u aragto inay caqabad ku tahay dagaalka lagula jiro argagixisada. Golaha Ammaanka QM ayaa Khamiistii sanad dheeri ah ku daray cunaqabtaynta hubka ee saaran Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ay dadaal u gashay in la qaado, si ay taas uga caawiso dagaalka lagu jiray Al-Shabaab. Safiirka Imaaraadka Carabta ee QM, Lana Zaki Nusseibeh ayaa sheegtay in meel-marinta qaraarka ay ka dhigan tahay in Golaha uu si aan leex-leexad laheyn u cambaareynayo dhaq-dhaqaayada argagixiso ee kooxda Al-Shabaab, halka taa caksigeed ay dowladda federaalka u aragto in dhab ahaantii inuu qaraarkan caqabad ku yahay dagaalka Al-Shabaab. Imaaraadka ayaa kamid ah dalal ay aad isugu xumaayeen dowladdii madaxweyne Farmaajo, oo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh uu dadaal dheeri ah u galay inuu xiriirkooda hagaajiyo, saaxiibna ka dhigto. The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Xamza iyo safiirka cusub ee Imaaraadka? appeared first on Caasimada Online.
