-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Over 30 Somali Journalists and some selected Editors have begun a three-day training on Humanitarian and Climate Change reporting in Mogadishu today. Somali Independent Media Houses Association (SIMHA) organized the Media Training. The training aims to equip the Journalists and the Editors with skills and knowledge on how best to report on the unfolding humanitarian crisis and the impact of Climate Change in Somalia. Speaking at the training kick-off in Mogadishu, SIMHA’s Chairman Hassan Ali Geesey said the training would help the Journalist identify and report on Humanitarian stories. “The media is the vehicle that delivers crucial information to the public. We feel there is a need to train the Journalists and Editors on how to report on the humanitarian crisis the country is witnessing now. It is timely, and we hope this will help shape the opinion and views of Somali people and their international supporters through accurate reporting,” said SIMHA Chairman. The media training which is planned to be held in major cities in the regional states in the coming weeks is supported by UNSOM and the office of the Special Envoy for Humanitarian Affairs, Abdirahman Abdishakur Warsame. “Without the support of UNSOM and the Office of the Special Envoy, it would not have been possible to implement this training”, Added Mr Hassan Geesay. While officially opening the training, the Special Envoy on Humanitarian Affairs, Abdirahman Abdishakur Warsame, emphasized on the media’s role in positively highlighting the challenges caused by Climate Change and its impact. “As Journalists and Editor, today you can support your people suffering from the continuous impact of climate-induced tragedies. You need to take the front seat in highlighting the challenges our people are facing daily, “ said the special envoy. “You are the vehicle we need to deliver the message, and without you, we will never know the extent of the damage and how much help we need”, added the special envoy. The envoy also warned the Journalists against fake news and its terrible impact. “As Journalists, you must always strive to get the truth. The responsibility of informing the public by offering accurate information rests on your shoulders. The target is to train over 200. Journalists in the five regional states” said the special envoy. The group of editors and Journalists who were lucky to have been selected for the training welcomed the opportunity. “I hope I will have a clear understanding of how to report on Humanitarian issues and the impact of Climate change after the training. I am passionate about Humanitarian affairs and keen to play my role as a Journalist,” said Shukri Mohamed Abdi, a reporter at Bilan Media. Somalia is currently facing the worst humanitarian crisis following failed rainy seasons. More than 50% of the population needs food aid as the country also inches closer to the declaration of famine. With this critical step of training media managers and Journalists, the media will have an opportunity to accurately and objectively report on the situation by highlighting the voices of those who are suffering from the impact of the climate-induced tragedies. The post Media training on reporting on humanitarian issues and climate change appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii dambe wajahayay culeyso uga imanayay dhanka mucaaridka, kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkiisi dastuuriga ah, ayaa maanta ku dhaqaaqay tallaabo uu ku muujinayo inuu meel-marsaday muddo kororsigii loo sameeyay. Golaha Guurtida Somaliland ayaa kal hore muddo kordhin laba sano ah u sameeyay madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo uu si adag uga horyimid mucaaridka oo ku dhawaaqay inaysan madaxweynaha Somaliland u aqoonsaneyn Muuse Biixi. Madaxweyne Biixi ayaa maanta tagay xarunta Xisbul tallada haya ee Kulmiye, isaga oo shir-guddoomiyay shirka guddida fulinta xisbiga oo laga soo saaray qoddobo taageero loogu muujinayo madaxweynaha. “Xisbiga Kulmiye waxa uu hadalkii kasoo yeeray xisbiyada mucaaridka ku tilmaamay mid qeyrul dastuuri ah oo qaran jabin ku ah Jamhuuriyada Somaliland, sidaas daraadeedna ay qaranka ku laheyn xuquuq sharci,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirkaas. “Xisbiga Kulmiye waxa uu ku amaanay madaxweynaha ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ilaalinta iyo dhowrista dastuurka iyo xeerarka ka dhabalma, waxayna usoo jeediyeen in uu dulqaad muujiyo sidii uu awal ku sifeysnaa hase yeeshe aanu dulqaadkiisa uusan noqon mid dhibaato u geysanaya shuruucda dalka.” Shir-guddoominta Muuse Biixi ee shirka guddida fulinta xisbiga Kulmiye ayaa u muuqata dhoola-tus siyaasadeed, ayada oo dadka fallanqeeya arrimahaana ay ku tilmaameen in Biixi uu gool siyaasadeed ka dhaliyay mucaaridka, oo ayagu tabartooda kusoo koobmatay hanjabaad ay mariyaan warbaahinta. Shacabka Somaliland qaarkood ayaa qabay walaac xoogan oo la xiriiray 13-ka November oo aheyd maalinkii uu ku eeka muddo xileedka dastuuriga ah ee Muuse Biixi, maadama mucaaridka ay ku goodinayeen inaysan aqbaleyn muddo kordhin, hase yeeshe waxaa hadda muuqata taasi badalkeeda iyo in Biixi uu dhameysan doono muddo kordhinta ay Golaha Guurtida hore ugu sameeyeen. The post Biixi oo gool siyaasadeed ka dhaliyay mucaaridka kadib tallaabo uu qaaday maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, taaas oo kamid ah furimaha dagaalka ka dhanka ah ee ururka Alshabaab. Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu ciidamada iyo dadka deegaanka ah uu ku bogaadinayo dagaalka Al-shabaab looga saarayo dalka. “Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha adeegga dowladnimada ah ee ay qabaan dadka nool degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada, isaga oo balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay gaarsiin doonto adeegga dowladnimada deegaanada laga xoreeyay argagixisada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nidaam kasta oo jira waxa uu ku burburi karaa, kuna dumaa marka ay arriman hoos ku qorane soo if-baxaan:- 1. Cadaalad darro baahsan. 2. Awoodda dadku wada leeyahay oo si xun/ khaldan loo adeegsado. 3. Dadka loo egmado talada dalka oo siday ayagu doonaan dadka iyo dalka ugu taliya. 4. Hantida ummadda oo si gaarahaaneed loo isticmaaloo, oo kolba ka talada dalka qabtaa intuu doono qaato. 5. Xaaraanta oo la xalaashado, layskuna ceebsan. 6. Fulin la’aan sharciga edbiya dadka aan ixtiraamin xeerarka dalka u dejisan, een Illaahay ka biqin, aadanahana ka xishoon. 7. Bulshada oo aan xil iska saarin illaalinta akhlaaq wanaaga. 8. Madaxda dalka oo isu qaata in ayaga loo shaqeeyo, iskuna xeera dad aan caqli iyo cilmi midna ku biirineyn, ishi mooye. 9. Dalka iyo dadka oo billaa qorshe lagu wado. 10. Siyaasada oo tafaqsi u dhurata. 11. Bulsho-weynta oo aan garan waxa ka dhaxeeya iyo waxay wada leeyihiin. 12. Marka madaxtooyada cidda fadhidaa aan sharci qaban cid qabataana jirin, maxkamad, Gole baarlamaan, Guurti, odayaal, aqoonyahano , salaadiin, cuqaal iwm. 13. Tala-yaqaanka oo tala-xumaalaha laga door bido. 14. Marka la waayo qof ehlu karam ah oo uu yimaado seben lays weydiin karo su’aashan: Allaysa fiinaa rajulun rashiid sidii reer wowmu luud! Bal u fiirsada kuwa afka maamulka muddo xileedkiisi dhammaaday waxay ku hadlaan, waxay ay sameeyeen Golahii loo egmaday nabadanyta, walaalaynta, xalinta khilaafaadka kordhinta gacan ku rismiska ay ku kaceen. Bal u fiirsada odayaashan, ururadan taageeraya sharci jebinta. Bal u fiirsada maxkadan dalkanugu saraysa ee Muuse Biixii, In Kaahin, iyo kuwa kale ee sacabka u tumaya u qeexi karin shuruucda iyo xeerka dakka u dejisan. Bal u fiirsada xeerarakan seexaarada lagu riday iyo dadkan bilaysku iska xidhxidhayo ee aan ciddi iswaydiinayn yaa awoodda ay dad aan maxkamad la marin ku xidhxidhaan bilayska siiyey, Our democracy has turned out to be a system in which a blind leads a blind. Divided into we and they, Somaliland will history! By: Jamafalaag Somaliland, Hargeysa jamafalaag@gmail.com Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha kuwo matalaaya shabakadani ee waa fikrada mid ka mid ah fikradaha akhristayaasha sida kor ku xusan Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) -Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed maamulka Koonfur Galbeed. Aadan Madoobe oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa iclaamiyey shir guud oo looga arrinsanayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taas oo ka dhalatay muddo kororsi uu sameystay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Afhayeenka Baarlamaanka ayaa shaaciyey inuu wadatashi la sameeyey madaxda sare ee dowladda iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, islamarkaana uu qabanayo shir dib u heshiisiin ah oo xal looga gaarayo khilaafka ka dhashay doorashada guud ee maamulkaas. “Waxaan go’aansaday in shir dib u heshiisiin dhab ah loo qabto reer Koonfur Galbeed, waad ogtihiin muddo xasaasi ah ayaa lagu jiraa dalka wuxuu galay dagaal dib u xoreyn ah marka sidaa daraadeed dad aan mideysneyn guud ma gaari karaan,” ayuu yiri Aadan Madoobe. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhinacyada isku hayo Koonfur Galbeed iyo bulshada rayidka ah inay kasoo qayb-galaan shirkaas oo looga arrisanayo masiirka maamulka. “Waxaan soo jeedinayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee deegaankaas deggan inay dib heshiisiintaas ayidaan ku talagalaan si ay u gaaraan midnimo dhab ah,” ayuu raaciyey. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu dib kasoo sheegi doono goorta la qabanayo shirweynahaasi iyo sidoo kale goobta uu ka dhacayo. “Muddada furitaanka ee shirkaas uu bilaabanayo gadaal ayaan kasoo sheegi doonaa, hadii uu Alle idmo, waxaan rajeynaa in shirkaas uu noqdo mid miro-dhal ah,” ayuu markale yiri. Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhexeyso madaxtooyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay, kadib muddo kordhin labo sano ah oo loo sii sameeyey Lafta Gareen. The post A/Madoobe oo shaaciyey qorshe ku wajahan Koonfur Galbeed kuna dhawaaqay… appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaas (Caasimada Onlinme) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta u baxay kormeer uu ku tegayo furimaha dagaalka ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ka mid ah meelaha uu ka socdo gulufka. Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Xildhibaanno, saraakiil iyo bulshada rayidka. Ugu horreyn madaxweynaha oo hadal ka jeediyey degmada Maxaas ayaa shacabka ku amaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay dadka deegaanka ee dagaalka ku jira. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la xoreyn doono deegaanada weli gacanta ugu jiro kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan degmooyinka Ceelbuur, Xarardheere iyo Aadan Yabaal. “Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xarardheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha ay qabaan dadka shacabka ah ee ku nool degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan iyo deegaanada hoos yimaada, wuxuuna balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay dadajin doonto qorshaha ay adeegga dowladnimada ku gaarsiineyso deegaanada laga xoreeyay kjooxda Al-Shabaab. Dhanka kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku sii jeeda deegaanno kale oo ay ka socdaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ku yaalla Galmudug iyo HirShabelle. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dooneysa in la dardar-geliyo dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, waxaana ujeedka safarka madaxweynaha uu yahay dhiira-gelin uu ugu tegayaa ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo MAXAAS uga dhawaaqay saddex degmo oo la xoreynayo appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah dagaalka looga soo horjeedo argagixisada, waxaana wafdiga Madaxweynaha halkaas kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeen ka Hirshabelle Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,Xildhibaanno, masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo shacabka deegaanka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku ammaanay guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyaga oo muujiyay geesinnimo iyo isku-duubni, waxa uuna adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay deegaanada dadkoodu ay go’aansadeen in ay iska xoreeyaan Khawaarijta. “Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha adeegga dowladnimada ah ee ay qabaan dadka nool degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada, isaga oo balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay dadajin doonto qorshaha ay adeegga dowladnimada ku gaarsiineyso deegaanada laga xoreeyay argagixisada Alshabaab. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeda deegaanno kale oo ay ka socdaan hawlgallada dalka looga sifeynayo Alshabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ay maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka geysteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday askar ka tirsan ciidamada Dharcadda ee hay’adda Nabad Sugidda, kuwaas oo ka howlgala gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in weerarka uu ku billowday bam-gamceed, waxaana kadib xigay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamada ammanka iyo rag hubeysan oo la sheegey in markaas ay ka soo dageen mooto Bajaaj ay la socdeen. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan hal askari, ayada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka tirsana ciidamada Dharcadda ee hay’addas NISA. Dhammaan askarta wax ku noqtay weerarkan ayaa hoostagayey taliyaha Nabad Sugidda ee degmada Howlwadaag, kaas lagu magacaabo Shakiib. Xaaladda Suuqa ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana ka socdo howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada Nabad Sugidda iyo sidoo kale kuwa Booliska Soomaaliya Si kastaba, weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan intaba. The post ASKAR ka tirsan NISA oo dil iyo dhaawac maanta loogu geystay suuqa Bakaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah maamulka, iyagoo dilalka geystay intii u dhaxeysay 2017-kii ilaa sanadkii 2021. Ragga Qisaasta lagu fuliyay saaka ayaa magacyadooda lagu kalasheegay gacan ku dhiigle Wayrax Khaliif Yuusuf oo lagu soo eedeeyay in 25-kii November 2020-kii dil u gaysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow, dilkaas oo ka dhacay magaalada Kismaayo, maxkamadda ayaa dil toogasho horay ugu xukuntay. Yuusuf Xuseen Cabdi ayaa sidoo kale waxaa uu ku eedeysnaa dil uu u geystay Marxuum Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli Taariikhdu markay ahayd 17-Nov-2021, waxaana markii xeer ilaalintu ay horkeentay lagu xukumay dil toogasho ah, taas oo qisaasta marxuum Dable xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli . Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukunka dilka toogashada ah ku dhawaaqday 29-June-2022-ka. Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobtii qisaasta ay ka dhacday oo lagu fuliyay. Maxkamadda ciidamada ayaa labo maalin ka hor i sidan oo kale xukun Qisaas ah loogu fuliyay labo askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana ay ku soo aadaysaa xilli Maxkamddu ay waday fulinta kukunno kale duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismayo (HOL) - Somali military court executed two former government soldiers in Kismayo on Saturday after they were convicted of killing a civilian and another soldier, the regional state media reported. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta qaaday tallaabo culus, isaga oo xil ka qaadis ku sameeyey qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, kuwa kalena magacaabay. Madaale ayaa xilka qaadis ku sameeyey illaa saddex guddoomiye, kuwaas oo kala joogay degmooyinka Boondheere, Waabari iyo Hodan, waxaana loo magacaabay:- 1-Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Boondheere, ayada oo xilkaas laga qaaday Marwo Seynab Yuusuf Wehliye. 2-Maxamed Sayid Cali ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Waabari, ayada oo xilkaas laga qaaday Sugaal Cali Ayaanle. 3-Cali Axmed Faarax ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan, ayada oo xilkaas laga qaaday Cabdifitaax Xayir Ciise. Sidoo kale wargeetada ayaa lagu sheegay in dhammeytirka xeerkan laga rabo waaxada shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda hoose iyo waaxda xiriirka degmooyinka. “Dhammeystirka wixii ka dhimman xeerka fulintiisa waxaa u xil-saaran waaxda shaqada iyo shaqaalaha gobolka Banaadir iyo waaxda xiriirka degmooyinka,” ayaa lagu yiri wareetada. Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbedallada uu haatan wado guddoomiye Yuusuf Madaale oo uu markale xilkan usoo magacaabay madaxweynaha Xasan Sheekh, isagoo horey sidan oo kale guddoomiyeyaal cusub ugu soo magacaabay Kaxda, Dharkenley iyo Xamar Jajab. The post Yuusuf Madaale oo xilalka ka qaaday gudoomiyeyaal degmo kuwa kalena magacaabay appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed qeybta gobolka Banaadir ayaa saakay fashiliyay Qarax miino oo gaari lagu xiray. Ciidanka booliiska ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax miino oo Al-shabaab ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan muwaadin Soomaaliyeed. Afhayeenka Booliiska gaashaanle Sadiiq Duudishe ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in aysan cidna wax ku noqon qaraxa. “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay labo miino oo lagu xidhay Gaadhi Surf ah, kaasi oo uu lahaa qof shacab ah,” ayuu ku yiri Af-hayeenka. Ciidamada Amniga ayaa xiray dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha, si looga fogaado waxyaallo ka soo gaari karta shacabka ka ag dhawaa goobta. PUNTLAND POST The post Ciidamada Booliiska magaalada Muqdisho oo fashiliyay qarax miino appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation ayaa sheegtay inay 7 bilyan oo dollar ugu yaboohayso Afrika afarta sano ee soo socota, iyadoo Bill Gates uu ka digay in qalalaasaha Ukraine uu hoos u dhigayo xaddiga mucaawinada soo gaari jirtay qaaradda Afrika. Ballan-qaadka Bill Gates, oo 40% ku kordhiyay lacagtii uu bixiyay afartii sano ee la soo dhaafay, ayaa lagu fulin doonaa mashaariic wax ka qabta gaajada, cudurrada iyo fakhriga. Nigeria oo ah dalka ugu dadka badan Afrika ayaa yeelan doona saamiga ugu badan. Kenya iyo inta badan bariga Afrika ayaa waxaa ka taagan abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah. PUNTLAND POST The post Bill Gates oo 7 bilyan oo Dollar ugu yaboohay Qaaradda Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada NISA ee maamulka Koonfur Galbeed oo fulinayey amarkii kasoo baxay madaxweynaha maamulkaasi ee ahaa la bilaabo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ayaa xalay baaritaano culus ka sameeyey magaalada Baydhabo. Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaa isku fidiyey xaafado dhowr ah, sida Isha, Bardaale, Horseed, Holwadaag, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah. Sidoo kale ciidamada Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ayaa gacanta kusoo dhigay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro ah, kuwaas oo ah tuhmanayaal, waxaana ku socdo baaritaano dheeraad ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Baydhabo. Saraakiisha ammaanka ayaa intaasi kusii daray in iyaga oo ka duulaya fariinta uga timid madaxweynaha Koonfur Galbeed ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka bilaabeen caasimada KMG ah ee maamulka, si looga hortego falalka amniga darrada ee ka dhici kara. Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha laga dareemayo abaabulka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda wadanka, kaas oo ujeedka uu yahay in looga adkaado kooxda. Dhowaan ayey aheyd markii madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo tegay Baraawe uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanayo gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolkaaso inay ka qayb qaataan. Si kastaba, waxaa haatan inta badan gobollada ka curtay kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu xoogiisu ka socdo gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe. The post NISA oo fulisay amarkii kasoo baxay Laftagareen – Maxaa maanta ka dhacay Baydhaba? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab. Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u kuur-geli doona xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanno ka tirsan gobollada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo u amba-baxay furimaha uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo kulan isugu yimid maalinimadii Khamiista ayaa waxaa looga hadlay macquul ahaanshaha in Soomaaliya xilligaan laga qaado cunaqabateynta Hubka, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto xooggga Al-shabaab, tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. Golaha ayaa waxaa ay dood dheer kadib isku raacay in wali Cunaqabateynta Hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, 11 dal ayaa u qodeeyay qaraarkaan diidmada ah, xilli dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta lagu diiday qaraarkan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horey u cosatay jabinta qaraankaan. Dowladaha Kenya iyo Imaaraadka Carabta oo xirrir dhow la leh dowladda madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka mid ahaa dalalka diiday in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in golaha markale uu ka fariisto qaraarkaan sanadka soo aadan, tan ayaa dhabarjab ku ah dowladda Soomaal;iya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhowr jeer ku celiyay baahida xilligaan ay qabaan in laga qaado cunaqabeynta hubka, iyadoo ay diidmadaan golaha ay ku soo aadayso xilli dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto xooggga Al-shabaab oo laga saaray deegaanno dhowr ah ay ku sugnaayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo. Ragga Qisaasta lagu fuliyay saaka ayaa kala ahaa gacan ku dhiigle Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u gaysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow, Sidoo kale Yuusuf Xuseen Cabdi ayaa isna dilay Marxuum Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli Taariikhdu markay ahayd 17-Nov-2021. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukunka dilka toogashada ah ku dhawaaqday 29-June-2022-ka. Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobtii qisaasta ay ka dhacday ayaa faahfaahiyay go’aamada kaso baxay maxkamadda. Labo maalin kahor ayeey ahayd markii sidan oo kale xukun Qisaas ah loogu fuliyay labo askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. PUNTLAND POST The post Jubaland oo dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo hore dilal uga gaystay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dalladda Xarumaha Warbaahinnada Madaxabannaan ee Soomaaliya – SIMHA, ayaa qabanqaabisay tababar sare oo ay ka qaybgalayaan in ka badan 30 weriye oo isugu jira tifaftirayaal iyo saxafiyiin xul ah. Tababarka oo la qorsheeyay in uu socdo seddex maalmood oo ka billaabmaysa sabtida maanta ah ayey suxufiyiintu ku heli doonaan; aqoon, aragti iyo faham gun dheer oo ku saabsan habka tebinta sheekooyinka Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Isbedelka Cimilada oo ah dhibaatooyin isku xiriirsan oo ah halis adduunku ka digayo, Soomaaliyana la daalaadhaceyso natiijooyink ka dhashay. Kooxdan Saxafiyinta oo ka kooban ‘RAG iyo Dumar’ ayaa gebi ahaanba ka halwgala caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Ujeedka Tababarka Xasan Cali Geeseey, guddoomiyaha Dalladda SIMHA ayaa seminaarka ku qeexay mid looga golleeyahay u qareemidda dhibbaneyaasha iyo in suxufiyiinta yeeshaan awood ay ku shaandheeyaan hor-tebinnada qisooyinka qayb ahaan ka qarsoon warbaahinta ee arimaha bani’aadanimada “Maadaama ay Soomaaliya mar walba u dhexeyso ‘daadad iyo abaaro’ oo ah laba aafo oo horseeda burbur hantiyeed, barakac bulsho, baaba’a bii’o iyo xataa dhimashada qaybaha bulshada ee nugul, sida; dumarka, carruurta iyo duqayda, ayaa waxaa ka muwaadiniin ahaan na danqinaya duruufaha iyo diifta haysata dadkeenna….labada musiibo -xilliyeed ayaa waxa ay khubarrada leeyihiin waxaa sababta ugu weyn leh bulshooyinka oo aan faham u haysan muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka iyo yareynta khatarta Isbedelka Cimilada. Sidaas awgeed weriyeyaasha oo ah codka dheer ee gaaraya guud ahaan geyiga ayey Dalladda SIMHA garatay in la siiyo tababar xirfad-kaab ah oo noociisu yahay markii ugu horreysay,” ayuu yiri, Xasan Cali Geeseey. Taageerada Tababarka Hawlgalka QM ee Kaalmaynta Soomaaliya iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha u Xilsaaran Dowladda ayaa taabbageliyay Tababarka. Xasan Cali Geeseey, guddoomiyaha SIMHA ayaa qabsoomidda seminaarka uga mahadceliyay dhinacyada fududeeyay. “Haddii aan la helin taageerada taabbageliyeyaasha UNSOM iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo, ma aysan suuragasheen hirgelinta hawshan” Mas’uuliyiinta Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee dowladda u xilsaaran arrimaha abaaraha iyo gargaarka ayaa ka qaybgalay furitaanka ayaa bogaadiyay abaabulka SIMHA. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ergayga Arrimaha Abaaraha u xilsaaran Soomaaliya oo ka hadlayay seminaarka ayaa sheegay in ay filayaan in saxaafadda qaadato doorkeeda shariifka ah ee ay ugu qareemayso nafaha badbaadada u baahan. Ka-hor iyo Kadib Tababarka Kooxda tifaftirayaasha ah ee helay fursadda ka qaybgalka tababarka ayaa ku faraxsan inay wacaal u yeeshaan xaaladaha iyo xaqiiqooyinka halista ku ah bulshadooda. “Marki hore, ma haysan aragti fiican oo aan ku soi gudbin karnay duruufaha isdulsaaran ee dadkeenna laakin haatan waxa aan awoodnaa in meel sare gaarsiinno codadka kuwa jilicsan si adduunka iyo dadkeennaba u ogaadaan xaaladda dhabta ah” ayuu yiri, Xuseen Axmed oo ah tifaftiraha Dalsan. Faadumo, oo ah tifaftiraha Danan ayaa sheegtay in sheekooyinka arrimaha bani’aadamnimada aysan keliya ahayn u doodid dhibbaneyaasha’e balse sidoo kalena ay ka mid yihiin soo saaridda curiyeyaasha dhibaatada. “Ma aha oo keliya in aan tebinno duruufaha dadka naf-badbaadinta u baahan laakin sidoo kalena waa in aan door ku yeelannaa joojinta dhibaatada, sida; duullaanka lagu hayo deegaanka” ayey Tiri faadumo. Tababarro kale Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, Mudane Xasan Cali Geeseey ayaa sheegay in tababarro kale ay dhowrka toddobaad ee soo socda ku qaban doonaan afar magaalo oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayna ka faa’iidaysan doonaa isu-geynta ku dhawaad 200 oo saxafi. “Suxufiyiinta ku kala sugan dowlad goboleedyada oo dhan waxa aan ugu tegi doonnaa deegaamada ay ka hawlgalaan si aan u gaarno dalka oo dhan. Waxa aan rabnaa in aan u hirgelinno sida ugu dhaqsiyaha badan, si aan wadajir ugu badbaadinno nafaha’ ayuu yiri, Mudane Xasan. The post Ka warramidda arrimaha bani’aadamnimada iyo isbedelka cimilada appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab, waxaana lagu wadaa inuu tago deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobollada Mudug, Galgaduud iyo gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda oo taageero ka helayo kuwa deegaanka iyo abaabulka dagaalka dowladdiisu ugu jirto in Al-shabaab looga saaro dalkaka dhageysan doodaanaa saraakiisha ciidanka goobaha uu tagayo ku sugan, kuwaas oo muddo dhowr bil difaac ku jira. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa safarkiisa waxaa uu tagi doonaa magaalada Wisil oo gobolka Mudug ka tirsan, halkaas oo kamid ah goobaha ciidanku difaaca uga jiraan, degmada Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud iyo qeybo kamid ah gobolka Hiiraan oo ay ka socdaan gobolka Hiiraan sida lagu baahisay Villa Soomaaliya. Gobollada dalka tan iyo markii ay ka bilowdeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaa uu noqonayaa safarkii ugu horeeyay oo madaxweyne Xasan Shiikh ugu kuurgalayo xaalada dhanka nolosha iyo dagaallada ka socda gobollada ka kala tirsan dowlad goboleeedyada Galmudug iyo Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
UNHCR Special Envoy for the Horn of Africa Mohammed Abdi Affey has warned the Ethiopian parties against a return to fighting between the government and the Tigray People's Liberation Front (TPLF), saying any such move could cause a humanitarian catastrophe. Source: Hiiraan Online
