-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdooyin dilal ah oo ay koox ciyaal weero ah xalay ka geysatay qaybo ka mid ah gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, taas oo dhalisay walaac aad u xoogan. Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Shaafici Macallin Nuur waxa ay ku dileen xaafadda Cumar Tukunbe oo ka tirsan degmadaasi, kaas oo si weyn looga yaqaanay deegaanka, gaar ahaan Yaaqshiid. Sidoo kale kooxdan ayaa isla xalay dhaawacday laba haween ah oo waddada marayey, taas oo ka mid ah aheyd Xaamilo, islamarkaana ku geeriyootay isbitaalka, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho. Luqmaan Macallin Nuur oo ay walaalo yihiin wiilka xalay la dilay ee Marxuum Shaafici ayaa ka warbixiyey dilka walaalkiisa, wuxuuna sheegay in si arxan darro ah toorey loogu dilay. “Waxaa garabkeyga faarujiyey walaalkey, marna saaxibkey Shaafici Macalin Nuur oo ciyaal weero ay ku dileen degmada Yaaqshiid,” ayuu yiri Luqmaan Macallin Nuur oo ilmeynaya. Sidoo kale wuxuu Eebbe uga baryey walaalkiisa inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowosa, maadaama ay dishay buu yiri gacan ka xaq daran. “Wallaahi waa geeri aad u naxdin badan waxaan leeyahay Jannada Ilaahey haka waraabiyo, gacan ka xaq daran ayaa dishay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Ciyaal weerada ayaa u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyeen xaafadda Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada. The post Daawo: Koox ciyaal weero ah oo haweeney xaamilo aheyd iyo wiil ku dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Booliiska magaalada Muqdisho ayaa xalay gacanta ku dhigay nin ku eedaysan in uu tacaddi ku sameeyay gabar aan weli qaangaarin. Xuseen Xasan Gaabow oo ku eedaysan in uu muuqaallo ka duubay gabar yar ayaa lagu qabtay degmada Kaaraan sida laga soo xigtay Booliiska. Gaabow ayaa loo haystaa in uu barta Tiktok ku faafiyay muuqaallo uu ka duubay gabadha yar oo uu daroogo siiyay. Booliiska ayaa sheegay in baaritaan ku socdo eedaysane Gaabow islamarkaana sharciga la hor-gayn doono. PUNTLAND POST The post Booliiska Muqdisho oo qabtay in ku eedaysan in uu tacadi ku sameeyay gabar yar appeared first on Puntland Post.
-
Marxuum Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa saaka salaadda janaasada lagu tukaday garoonka kubadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe. Salaadda janaasada marxuumka waxaa ka qayb-galay qaar kamid ah isimada waaweyn ee Soomaaliyeed, madax iyo mas’uuliyiin kala duwan. Alle ha u naxariistee, Garaadka ayaa maanta lagu aasi doonaa degaanka Sarmaanyo ee Gobolka Sool. Aaska marxuumka waxaa ka qab-galaya qaar kamid ah isimada Soomaaliyeed oo isaga yimid degaanno kala duwan iyo sidoo kale mas’uuliyiin dowladeed. PUNTLAND POST The post Marxuum Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo maanta lagu aasayo Sarmaanyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee degmada Kaaraan oo xalay howlgal qorsheysan ka sameeyey xaafadda Jamhuuriya ee degmadaasi ayaa gacanta kusoo dhigay nin dhalinyaro ah oo muuqaallo caro dhaliyey ka duubay gabar aad u da’yar, kuwaas oo si aad loogu baahiyey baraha bulshada ee Internetka, gaar ahaan Tik Tok iyo Facebook. Ninka lasoo qabtay oo lagu xiray saldhigga degmada Kaaraan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Gaabow, kaas oo wajahaya eedeymo culus oo ku aadan muuqaalada uu baahiyey oo ay kasoo muuqatay gabar ‘sarqaasan oo la siiyey daroogo’. Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed, General Zakiya Xuseen Axmed oo qoraal soo saartay ayaa ka warbixisay falkan argagaxa leh, waxayna sheegtay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono eedeysanaha oo haatan ku jira gacanta dowladda. “Taliska Boliiska G/Banadir gaar ahaan Saldhiga degmada Kaaraan ayaa abaaro 1:50am xalay saqdii dhexe ku guuleystay soo qabashada eedeysane Xussein Xassan Gaboow oo dhawaan baraha bulshada lagu arkay asigoo tacidiyad u geeysanaya gabar/gabdho qaangaar ahayn. Eedeysanaha waxaa lala tiigsan doonaa sharciga.,” ayey tiri Gen. Zakiya. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in xogta ninkan ay la soo wadaageen dadka shacabka ah, islamarkaana ay taasi fududeysay in si deg-deg ah loo soo qabto eedeysanaha. “Waxaan u mahad celinaayaa bulshada oo nala soo wadaagtay xogtiisa oo sababtay soo qabashadiisa. Wixii lid ku ah amniga iyo anshaxa dalkeena fadlan la wadaag Boliiska oo waca numberka 991,” ayey qoraalkeeda markale ku tiri taliye ku xigeenka Booliska Ugu dambeyn waxay hoosta ka xariiqday in ka Boolis ahaan ay u taagan yihiin u adeegidda bulshada, kana jawaabi doonaan cabashada guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed. “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed waxaa ka go’an ka jawaabida cabashoyinka bulshada iyo suggidda amniga. Boliiska iyo Bulshada hadeey si dhow isla shaqeeyaan waan heli karnaa amni waana gaari karnaa barwaaqo,” ayey hadalkeeda kusoo gabagagabeysay Zakiya Ma’aha markii ugu horreysan oo uu Booliska gacanta kusoo dhigo eedeysane loo heysto tacadi ay geystay, kadibay si bareer ah ugu baahiyey baraha bulshada, waxaana dhacdooyinkan ay haayeen kuwa aad ugu soo kordhayey gudaha magaalada Muqdisho. The post Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin fal argagax leh ka geystay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
5-storey building collapses in Kiambu after mass evacuation
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A five-storey building in Ruiru Town, Kiambu County has collapsed. Source: Hiiraan Online -
BBC relegates World Cup opening ceremony to online coverage
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The United Kingdom’s public service broadcaster has been criticised for choosing not to air the Qatar World Cup 2022 opening ceremony on its main coverage programme. Source: Hiiraan Online -
Kyiv (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka ee ku sugan Koonfurta dalka Ukraine ayaa kordhiyey duqeymaha ay ku hayaan gobolka Kherson ee dhawaan la xoreeyey. Magaaladu ayaa inta badan koronto la’aan ama biyo la’aan la daalaa dhacaysa. Waxaa markale la duqeeyay, warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhiya ee waddanka Ukraine ayaa ah midda ugu weyn ee ku taal qaaradda Yurub, xilli mas’uuliyiinta Ruushka iyo Ukraine ay isku eedaynayaan weerrarka. Wakaaladda wararka ee waddanka Ruushka ayaa ku warrantay in illaa 15 gantaal lala dhacay goobta. Wakaaladdu waxa ay soo xiganaysaa sarkaal sheegay in gantaalladaasi ay ku soo agdhaceen qeybta qashinka lagu kaydiyo ee warshadda, iyo guri lagu xareeyo shidaalka nukliyeerka loo adeegsaday. Duqeymaha uu Ruushku ku hayo magaalooyinka Ukraine iyo weerarada sii xoogeysanaya ee meelo kale oo dalkaasi ka mid ah ayaa sii wiiqay rajadii laga qabay in horumar laga gaaro soo afjaridda colaadda dhiiga badani ku daatay ee hadda isu rogtay dagaal fool-ka-fool ah. Si kastaba, natiijada kama dambeysta ah ee dadaalkan weli ma cadda. Si kastaba, masiirka iyo halka uu kusoo gaba-gaboobi doono waxay ku jirtaa gacanta dowladda Ukraine iyo sida ay usii xejisato dadaalkeeda. The post RUUSHKA oo kordhiyey duqeymaha dalka Ukraine appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaa dhacay habeenkii Sabtiga ee 20-11-2021? Saladii Maqrib aniga iyo walaalkey Cabdicasiis Afrika, waxaan ku soo noqonay shaqada, kormeerka waaxda SNTV & Radio Muqdisho kadib, waxaan qaadanay gaariga walaalkay Agaasime Cabdulqaadir Muxyadiin, waxaa inagoo ka kooban Cabdicasiis Afrika, Cabdulqaadir Cabdulahi, Maxamed Xasan Barrow iyo aniga aan aaday guriga guddoomiyihii maxkamadda gobolka Banaadir Khadar oo balan aan ku lahayn. Wax badan naguma qaadan howlihii aan u soconay, waxaan soo maca salaameynay guddoomiyaha, aniga iyo Agaasimaha hey’adda socdaalka Cabdul ayaa balan kala qaadanay. Waan soo baxnay, sheeko iyo kaftan kadib, waxaan soo gaarnay maqayadii aan u soconay oo ku taalla meel amni ah oo cabsi iyo welwel amaan naguma jirin, taas oo sabab u noqotay in halkaas aan ku nagaano. Afar nin ayaan aheyn seddax ayaan noqonay markaan oo Barrow ayaa naga soo tegay. Aniga caawa oo kale waxaan lahaa casuumad gaar ah oo ay ii samaysay xaaskayga, waana habeen ii gaar ah oo waxay ku beegan tahay dhalashadaydii, saaxiibada kale casho kadib, waxaa la gaaray xilligii saalada cishaha. Afrika waan daahnay “Nakeena saaxiib” waxaan bixiyey lacagtii cashada. Lacag qabtihii maqaayada ayaa yiri “Waan helay saaxiib mahadsanid.” Waxaan u dhaqaaqnay gaariga xagiisa oo gudaha noo yaallay marka aan galay gaariga, waxaa soo dhacay Telkayga gacan, waana Tafaftiraha TV-ga Qorshe oo arrimo shaqada ku saabsan aan kawada hadalnay, gaarigiina gadaal ayuu u baxay, Qorshana waan isla garay arrimihii, kadib waxaan dareemay jug sida in gaarigu ku dhacay darbi, waxaana xusuustaa inaan darawalkii dhahay “Geel beele gaariga gododka ka qabo.” Hadana wax walba sidii hore ma aha, nasiibka ugu badan waxaa lahaa walaalkay oo shilkaas ku shahado qaatay (markiiba shihiiday). Sanad kadib, gurmad loo sameeyey badbaadinta nafteyda oo ehel iyo asxaab aan uga mahad-celinaayo kadib, hadda waxaan qabaa caafimaad taam ah, xag jireed iyo xag maskaxeedba, Allaah ayaan uga shukrinayaa. Ugu dambeyntii Walaalkey Shahiid Cabdicasiis Afrika Allaha ka aqbalo shahaadadiisa, sidii ifkaan looga jeclaa Ilaahey ha u jeclaado, samir iyo imaan allaha naga wada siiyo ehel iyo asxaaba, ma dhinte waa Allee, ducada igula kaalmeeya walaalkeen Afrika. Waa mahadsantihiin. W/Q: Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame The post Sidee wax u dhaceen habeenkii nala qarxiyey aniga iyo Cabdicasiis Afrika? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa xoreynta deegaanada gobolka Shabeellada Dhexe ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa weerar ku qaaday deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidamada xoreynta deegaanada gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu soo waramayaa inay markii hore ka duulaan tageen degaanka Xalfooleey, waxaana dagaalka dhex-maray ciidamadaas iyo Al-Shabaab ka dhashay khasaare kala duwan. Hogaanka ciidamadaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Ceelbaraf ay kusoo furteen hub badan, ayna ku dileen laba kamid ah kooxda Al-Shabaab. “Waa sii wadi doona howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka wadno gobolka Shabeellada Dhexe, illaa laga saarayo guud ahaan gobolka.” Weerarkaan ayaa imaanaya xili dhawaan deegaanka Miirtaqwo oo u dhow Ceelbaraf lagu soo bandhigay ciidamo deegaanka ah oo hubeysan, kuwaas oo sheegay inay diyaar u yihiin la-dagaalankaAl-Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaato ku hayaan dadkooda. Si kastaba, Waxaa toddobaadyadii tegay uu gaabis ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobolada dalka, taasi oo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay tago furimaha dagaalka, si uu u dhiiri-geliyo ciidamada. The post Ciidanka Macawiisleyda oo weeraray deegaan ay ku sugnaayeen AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xeer ku magacaabay guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, kadib markii la sheegay in soo jeedin ay kaga timid wasaaradda arrimaha gudaha, madaxweynaha ayaa magacaabay guddoomiye ku-xigeennada Arrimaha Maaliyadda, Amniga, Arrimaha Bulshada iyo xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, xeerka kasoobaxay madaxweynaha ayaa u qornaa sidaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir. Mudane Ciise Maxamuud Guure Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane C/Casiis Cismaan Maxamed Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada Mudane Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud Mudane Faysal Carraale Afrax Xog-Hayaha Guud. Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S. Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka Nofeembar, 2022. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug oo dhowaan lasoo gabagabeeyay dhismaheeda magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku bogaadiyey madaxda dowlad-goboleedka Galmudug dadaalka xooggan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud ayaa tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta cadowga ay ka turjumeyso go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug. “Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda. Astaan dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxalgal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna.” ayuu yiri xilli ka hadlayay goobta munaasabbada. Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug waxaa ka qayb galay Wasiirro iyo Xildhibaano heer federaal ah, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud iyo kan degmada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Diyaarad ka timid Muqdisho ayaa caawa maqribkii kaddib ku degi-wayday garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir Hamaan. Diyaaradda ayaa la sheegay in ay u dagi-waysay garoonka oo layr la’aan ah darteed, waxayna markii dambe dib ugu laabatay magaalada Muqdisho. Diyaaradda ayaa siday wafdi ka qaybgeli lahaa aaska qaran ee berri oo isniin ah loo samaynayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo maalmo ka hor ku geeriyooday Garoowe. Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Garoowe oo shaqaynayay tan iyo 2018 ayaa weli lagu guuleysan in uu shaqeeyo xilliga habeenka. PUNTLAND POST The post Diyaarad layr la’aan uga degi-waysay garoonka diyaaradaha Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay guddoomiye ku-xigeenada iyo goghayaha guud ee gobolka Banaadir. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilkii ka qaaday guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Banaadir Cali Yare Cali, wuxuuna xilkaas u magacaabay Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh). Sidoo kale madaxweynaha ayaa Ciise Maxamuud Guure u magacaabay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda, halka uu Cabicasiis Cismaan Maxamed u magacaabay guddoomiye ku-Xigeenka arrimaha bulshada Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud, halka Faysal Carraale Afrax loo magacaabay xog-hayaha guud ee gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa magacaabay guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, in ka badan lix bil kadib markii dib loo doortay 15-kii May 2022. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.” Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah: 1- Ciise Maxamuud Guure – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda. 2- Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda iyo amniga. 3- Cabdicasiis Cismaan Maxamed – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada. 4- Xasan Maxamed Jimcaale – Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud. 5- Faysal Carraale Afrax – Xog-hayaha guud. Bayaanka kasoo baxay Villa Somalia ayaa intaas ku daray “Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S. Xeerkan madaxweyne ee lagu magacaabay guddoomiye ku-xigeennada iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka November, 2022. Madaxweynaha ayey lix bil ku qaadatay inuu beddelo ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, waxaana ugu wacneyd in siyaasiyiin badan oo ku dhow ay loolan iyo olole u galeen sidii loo magacaabi lahaa dad ku dhow. The post DEG DEG: Madaxweyne Xasan oo magacaabay guddoomiye ku-xigeenada Gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Springfield (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamada Soomaaliya oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Cali ayaa lagu baarayaa gudaha dalka Mareykanka dacwado la xiriira jirdil iyo tacadiyo kale oo la sheegay inuu geystay sanadihii 1980-meeyadii ee dowladdii Siyaad Barre. Saddex sano ka hor xeerbeegti Mareykan ah ayaa Cali ku xukuntay inuu jirdil u geystay wiil dhallinyaro ah sannadkii 1987-kii – taasoo uu beeniyay. Xilligii dowladdii Siyaad Barre ee 1980-meeyadii waxaa la sheegay in Soomaaliya ka dhacayay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Yuusuf Cabdi Cali waxa uu madax ka ahaa guuto ciidan oo caan ah. Sannado ka dib markii uu ka cararray gobolka, eedeymaha xadgudubyada ayaa mar kale soo kordhayay. Sannadkii 1992-dii Cali ayaa laga soo tarxiilay Kanada ka dib markii markhaatiyo dokumentari ah ay sheegeen inuu amray dilal badan. Waxa uu shaqo ka helay shirkadda tagaasida ee Uber ee Maraykanka. Kadib 2019-kii maxkamad madani ah ayaa ku xukuntay inuu bixiyo ganaax nus malyuun dollar ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu jirdilay wiil dhalinyaro ah sannadkii 1987kii. Hadda ninkan oo lagu magacaabi jiray Kornayl Tukeh ayaa la xiray iyadoo baarayaasha Mareykanka ay baarayaan xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan dil iyo jirdil. Haddaba waa Kuma Kornayl Tuke? Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter. Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yirahdo Somaliland. Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay inay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay. Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaalada Gabilay. Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wuxu kamid noqday saraakiil sar sare oo qoxootinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fallo. Kornaylka ayaa waxaa uu u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabood falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006. Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo haystay ka been sheegidda qaabka ay ku tagtay Mareykanka. Dadkii daba tagnaa kornayl Tuke ayaa dacwaddiisa u wareejiyay dalka Mareykanka, waxaana warbaahinta CNN ay sidoo kale baahisay muuqaal la duubay sanadkii 2016, kaas oo muujinaya booliska Maraykanka oo Kornaylka ka kaxaynaya goobtii uu ka shaqaynayay oo ahayd garoonka caalamiga ah ee Dulles ee waqooyiga Virginia. Tallaabada booliska ayaa timid, kadib markii xubin katirsan Aqalka Virginia ay dalbatay in la cadeeyo sababta qof dambi loo haysto looga shaqaalaysiiyay garoonka diyaaradaha ee gobolkaasi, waxaana ay keentay in shaqada laga eryo. Isha: BBC The post Waa kuma korneyl Tuke, sarkaalka dowladdii Siyaad Barre ee xabsiga loo taxaabay? appeared first on Caasimada Online.
-
Indhaha mucaashaqiinta kubbadda cagta adduunka ayaa ku sii jeeda Al Bayt Stadium magaalada Al-Khor ee dalka Qatar, halkaas oo goordhow ka dhici doonto xaflada furitaanka koobka adduunka 2022. Tartanka koobka adduunka 2022 ayaa lagu furayaa xulka martigalinaya ee Qatar iyo xulka Ecuador oo ay ku wada jiraan guruub A. Dalalka ka qaybgalaya Waxaa ka qaybalaya 32 dal oo kala ah Qatar, Ecuador, Senegal, Netherlands, England, Iran, USA, Wales, Argentina, Saudi Arabia, Mexico, Poland, France, Australia, Denmark, Tunisia, Spain, Costa Rica, Germany, Japan, Belgium, Canada, Morocco, Croatia, Brazil, Serbia, Switzerland, Cameroon, Portugal, Ghana, Uruguay iyo South Korea. Waxayna ku kala jiraan 8 guruub. Group A: Qatar, Ecuador, Senegal, Netherlands Group B: England, Iran, USA, Wales Group C: Argentina, Saudi Arabia, Mexico, Poland Group D: France, Australia, Denmark, Tunisia Group E: Spain, Costa Rica, Germany, Japan Group F: Belgium, Canada, Morocco, Croatia Group G: Brazil, Serbia, Switzerland, Cameroon Group H: Portugal, Ghana, Uruguay, South Korea Taariikhda koobka adduunka Koobka Adduunka waa koob dahab ah kaas oo la guddoonsiiyo ku-guuleystayaashii tartanka kubbadda cagta. Waa mid ka mid ah koobabka ugu qaalisan taariikhda ciyaaraha, waxaana lagu qiimeeyaa $20 milyan. Wuxuu dhererkiisu yahay 36.5 sentimitir (14.4 inji), halka uu 75% ka sameysan yahay dahab. Koobka adduunka ee maanta laga daahfurayo dalka Qatar waa kii 22-aad tan iyo markii ay cayaarahan bilowdeen sanadkii 1930-kii, waana cayaara kooxo rag ah oo ka kooban dalalka xubnaha ka ah xiriirka kubbadda cagta ee adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo FIFA. Dhacdada koobka adduunka ayaa la qabtaa afartii sanaba mar tan iyo sanadkii 1930-kii, balse wuxuu hakad ku yimid sanadihii 1942 iyo 1946 markaa oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka. Tantankan waxaa difaacanaya xulka France oo ku guuleystay sanadkii 2018. Dalalka martigaliyay Uruguay -1930 Italy -1934 France – 1938 Brazil – 1950 Switzerland -1954 Sweden – 1958 Chile – 1962 England – 1966 Mexico -1970 West Germany -1974 Argentina -1978 Spain-1982 Mexico- 1986 Italy – 1990 USA -1994 France- 1998 South Korea iyo japan –-2002 Germany – 2006 South Africa – 2010 Brazil – 2014 Russia -2018 Qatar – martegeliyaasha sanadkan 2022. Sida loogu kala guuleystay 1930: Uruguay 1934: Italy 1938: Italy 1950: Uruguay 1954: West Germany 1958: Brazil 1962: Brazil 1966: England 1970: Brazil 1974: West Germany 1978: Argentina 1982: Italy 1986: Argentina 1990: Germany 1994: Brazil 1998: France 2002: Brazil 2006: Italy 2010: Spain 2014: Germany 2018- France 2022…….. PUNTLAND POST The post Maxaad ka taqaan koobka adduunka? appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu bogaadiyey madaxda dowlad-goboleedka Galmudug dadaalka xoogan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta cadowga ay ka turjumeyaan go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug. “Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda. Astaan dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxal-gal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug ayaa sidoo kale waxaa ka qayb-galay Wasiirro iyo Xildhibaano heer federaal ah, Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud iyo kan caasimadda Galmudug. The post Daawo: Xasan oo xariga ka jaray madaxtooyo qurux badan oo Galmudug ay dhisatay appeared first on Caasimada Online.
