Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Residents in remote areas of western Ethiopia say children have been dying from a measles outbreak for the past few months as there is little access to hospital. Source: Hiiraan Online
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xilka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo kala diray guddigii ay hoggaamineysan. Xaliimo Yarey oo xalay Dhuusamareeb uga qeyb gashay xaflad lagu caleemo saaray guddoomiyaha degmadaas iyo golaha cusub ee deegaanka ayaa dalbatay in mar dambe aan loogu yeerin “Guddoomiye Xaliimo Yarey.” Waxay sheegtay in xilkaas lagu kala baxay, isla markaana ay dalbaneyso in hadda kadib loogu yeero “Xaajiyo Xaliimo Yarey.” “Caawa wixii ka dambeeya Xaajiyo Xaliimo Yarey iigu waca, waad ogtihiin xilkii guddoomiyaha meesha uu ka baxay,” ayey yiri guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Xaliimo Yarey. Maamo Xaliimo ayaa intaas uga gaabsatay ka hadalka xilka qaadisteedii iyo guddigii ay hoggaamineysay oo habeen ka hor uu kala diray Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha oo cuskanaya sharcigii lagu dhisay guddiga doorashooyinka oo dhigayey in lix sano ka badan uusan jiri karin guddigaas, ayaa habeen ka hor burburiyey go’aan uu Farmaajo muddo kordhin ugu sameeyey guddigaas. Madaxweynaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha faray inuu soo dhiso guddi doorasho oo cusub, kadib markii uu dikreeto ku kala diray guddigii ay hoggaamineysay Xaliimo Yarey ee doorashooyinka oo horay u dhameystay muddo xileedkii sharciga ahaa. Hoos ka daawo hadal jeedintii Xaliimo Yarey The post Daawo: Xaliimo Yarey oo soo jeedisay dalab cusub kadib markii xilka laga qaaday appeared first on Caasimada Online.
  3. Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa shalay oggolaatay, in dukumintiyada canshuur-celinta madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump lagu wareejiyo guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada. Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa tan iyo sannadki 2019-kii baadi-goob ugu jiray, sidi ay u heli lahaayeen dukumintiyada lacagaha canshuurta ee uu bixiyay Donald Trump muddo lix sano ah oo, ay ku jirto afarti sano ee uu madaxweynaha ahaa. Trump ayaa dhamaadkii bishi October weydiistay Maxkamadda Sare in ay diiddo, amar kasoo baxay maxkmad ku taalla New York oo fasaxday baaritaanka canshuur celinta Trump. Go’aanka Maxkamadda Sare ee shalay ayaa madaxweynihi hore ee Mareykanka Trump ku noqonaya, guul-darradii saddexaad ee kasoo wajahda Maxkamadda Sare sanadkaan oo keliya. PUNTLAND POST The post Maxkamadda sare ee Maraykanka oo soo saartay go’aan ka dhan ah Donald Trump appeared first on Puntland Post.
  4. Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo shaacisay inay aad uga xun tahay 5 qof oo lagu dilay Kilaab Qoomu-luud isticmaalo oo ku yaalla Colloraado-USA. My heart breaks for the 5 people murdered and many more injured at an LGBTQ nightclub in Colorado. We need to ban assault weapons and high-capacity magazines. The House passed the Assault Weapons Ban. Now, it’s time for the Senate to take up this lifesaving bill. — Rep. Ilhan Omar (@Ilhan) November 22, 2022 Qaran News
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ahaa masuuliyiin xalay Dhuusamareeb uga qeyb gashay caleemo saarka golaha deegaanka iyo guddoomiyaha magaalada ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab. Indhacadde ayaa dhaar ku maray in Al-Shabaab aysan qof ka reebeyn Soomaalida ka soo hor jeeda gadii uu joogsado dagaalka ka socda gobollada qaar ee ka dhashay kacdoonka dadka shacabka ah. Indhacadde ayaa dowladda dhexe ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeeyey in dagaalka ay hoggaamiso oo cid kale aysan ku haleyn xoreynta dalka, isagoo balan qaaday in saraakiisha hoggaamineysa dagaalka uu qeyb ka noqa doono. “Anagu sida xabadda loo rido waa naqaan iyo sida dagaalka loo qorsheeyo, weligey dagaal aan hoggaaminaayo kuma jebin oo la igama guuleysan, Allaah ayaa ku mahadsan ee dagaalka na geliya, aan cadowga iska dul qaadnee,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde. Jananka ayaa ka digay in Al-Shabaab la siiyo fursad ay ku nastaan po qorshe dagaal ay ku dejiyaan, maadaama bilihii lasoo dhaafay aad loogu jebiyey furimaha dagaalka, balse hadda uu istaagay dagaalkii ku socday kooxda. Indhacadde ayaa Madaxweynaha Galmudug ayuu kula taliyey in mudada yar ee uga hartay xil-heyntiisa uu dhaxal suuban iyo xornimo uu uga tago dadkiisa, “Hadii aad u hagar baxdo dadkaagu waa ku adeeci doonaan Madaxweyne insha allah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Indhacadde. Hoos ka daawo The post Daawo Indhacadde: Waligey dagaal kuma guuldareysan ee hogaankiisa noo dhiiba appeared first on Caasimada Online.
  6. Xisbi ahaan, waxa aan galabta booqannay Cusbitaalka Guud ee Caasimadda Hargeysa si aanu ugu kuur-galno Xaaladda dhabta ah ee ay marayso Xummadda isla markaana aan xog ogaal ugu noqonno sida ay u saamaysay Shacbiga reer Somaliland qeybihiisa kala duwan, sida runtii ah xaaladdu waxa ay maraysaa meel aad ugu baahan gurmad dawladeed iyo dedaallo wax ku ool ah. Waxaa gebi ahaanba meesha ka maqan kaalintii ay lahayd Xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, gaar ahaanna Wasaaraddii Caafimaadka ee mas’uuliyaddan Shacabka u haysay, waxa aannu ka xunnahay in illaa iyo hadda Maxaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday aanu Xummadda Gurmadkeeda wax dedaallo ah ka gelin oo aan ka ahayn in ay ku mashquulsan yihiin qoqobka iyo kala qeybinta shacabka. Murashax Cabdiraxmaan Cirro Qaran News
  7. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Dekadda Muqdisho ayaa adkeeyay muhiimadda dardargelinta hawlaha shaqo ee Dekadda si kor loogu qaado dakhliga dowladda. Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Dekadda ee loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna faray hawl-wadeennada in iyaga oo ilaalinaya qaanuunka dowladnimada ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan dadka Soomaaliyeed, loona fududeeyo adeegyada uga xiran Dekadda. “Wax kasto oo shaqo ah sidii loo qaban jiray waa in si ka duwan loo sameeyo si aan u helno wax ka wanaagsan waxa aan heysano” Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay muhiimadda ay ilaha wax soo saarku u leeyihiin dowladnimada ayaa kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha Dekadda Muqdisho in ay dardargeliyaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan kobciyo dakhliga wax soo saar ee dalka. Dhankooda, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdullahi Axmed Jamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Sadaam Maxamuud iyo Maareeyaha Dekadda ayaa Madaxweynaha siiyay warbixin ku saabsan sida ay u socdaan hawlaha shaqo ee Dekadda iyo qorshaha hortebinta u leh ee ay doonayaan in ay ku horumariyaan hawlaha Dekadda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Dekedda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dhallinyarada, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Morocco, Mohamed Mehdi Bensaid ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho. Wafdiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Qaranka, halkaasoo uu gelinkii dambe ee shalay ku qaabilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya soo gaarsiiyay farriin uu uga siday Boqor Maxamed-ka lixaad ee Morocco. “Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasiir Bensaid booqashadiisa iyo fariinta rasmiga ah, ee uu ka siday H.M King Muḥammad VI,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Twitter-ka. 5-tii bishii hore ee October ayay ahayd, markii Wasiirka Isgaarsiinta Algeria, Mohamed Bouslimani uu sidaan oo kale booqasho ugu yimid Caasimadda Muqdisho, soona gaarsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh farriin uu uga siday Madaxweynaha dalka Algeria, Abdelmadjid Tebboune. The post Sawirr: Maxay aheyd farriinta uu Mohamed Bensaid soo gaarsiiyey Xasan Sheekh? appeared first on Caasimada Online.
  9. Mararka qaar naftu ma ku dirtaa oo wax qor ma ku tidhaa. Garashadaada ma carisaa oo muuqaal maskaxeedyo ma isku dubarridaa. Ma moodaa in rabitaan xoog badan oo waxsoosaar dhinaca maskaxda ah, naftu kugu dirqiyayso, haddana hiyigu ku hakinayo. Doonistaas xoogga lihi adiga oo uba hoggaansan, misana dhinac aad ka bilawdo ma garan waydaa. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Dekadda Muqdisho ayaa “adkeeyay muhiimadda dardargelinta hawlaha shaqo ee Dekadda si kor loogu qaado dakhliga dowladda.” Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Dekadda ee loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna faray hawl-wadeennada in iyaga oo ilaalinaya qaanuunka dowladnimada ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan dadka Soomaaliyeed, loona fududeeyo adeegyada uga xiran Dekadda. “Wax kasto oo shaqo ah sidii loo qaban jiray waa in si ka duwan loo sameeyo si aan u helno wax ka wanaagsan waxa aan heysano,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada. Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay muhiimadda ay ilaha wax soo saarku u leeyihiin dowladnimada ayaa kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha Dekadda Muqdisho in ay dardargeliyaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan kobciyo dakhliga wax soo saar ee dalka. Dhankooda, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Cabdullahi Axmed Jamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Sadaam Maxamuud iyo Maareeyaha Dekadda ayaa Madaxweynaha siiyay warbixin ku saabsan sida ay u socdaan hawlaha shaqo ee Dekadda iyo qorshaha hortebinta u leh ee ay doonayaan in ay ku horumariyaan hawlaha Dekadda. The post Sawirro: Muxuu Xasan Sheekh maanta ku soo arkay dekedda Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  11. Governance is defined as a collective meaning of concepts of state, government, regime, and good government. It is a process whereby elected individuals in the society exercise power, authority, and influence and ordain policies and decisions concerning economic development, defense, foreign, health, and social affairs following a constitutional mandate. Good governance is considered Source: Hiiraan Online
  12. Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa weerar ay maanta gelinkii dambe kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Ceeldheere. Deegaankaan ayaa dhaca halka ay iska galaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka socday abaabul xooggan oo dadka deegaanka ay sameynayeen, si kooxdaan ay isaga xoreeyaan Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay degaankaas, kadib markii ay Al-Shabaab soo weerareen saldhig ay Ceeldheere ku lahaayeen ciidanka dib u xoreynta deegaanka, waxaana halkaas khasaare culus lagu gaarsiiyey Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in kooxda lagu jebiyey dagaalkii galabta oo dib ay ugu laabteen deegaanadii ay ka soo duulaan tageen, iyagoo meydad badan uga carar halkii lagu dagaalamay. Si rasmi ah looma oga tirada khasaaraha labada dhinac ka soo gaaray dagaalkii galabta, hase yeeshee waxaa la soo werinayaa in khasaaraha ugu badan la gaarsiiyey Al-Shabaab oo duulaanka soo qaaday. Halka ay iska galaan gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan waxaa ka socda abaabul xoog leh oo dadka deegaanadaas ay uga soo hor jeedaan kooxda Al-Shabaab, iyagoo doonaya inay dhulkooda ka xoreystaan kooxda. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ku xoogan tahay dhulkaas, maadaama laga xoreeyey inta badan bariga gobolka Hiiraan iyo qeybo badan oo ka tirsan Shabeellada Dhexe. The post Al-Shabaab oo galabta lagu jebiyey weerar ay koox macawiisley ah ku qaadeen appeared first on Caasimada Online.
  13. Dagaal sababay dhimashada 3 askari iyo ugu yaraan dhaawaca 8 kale, ayaa degmada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Puntland. Taliyaha Guutada 135aad ee Ciidamada Somaliland ee aaga Buuhoodle Gaashaanle Sare Cabdillaahi Dhagaweyne, oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Sahan, ayaa sheegay in Ciidanka Puntland soo weeraray Ciidanka Somaliland oo nabadgalyada sugaya. “Ciidanka Puntland ayaa soo qaaday weerar oo laba garab ah, garab qaybta booliiska ah oo uu taliyihii qaybtu wato, qaybna waxay ahayd qaybta Daraawiishta, dagaal ayaa halka ku dhex maray, ciidankaas nabadgalyada sugayay iyo nimankaas” ayuu yidhi Gaashaanle Dhagaweyne. Gaashaanle Sare Dhagaweyne ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana Ciidanka Somaliland ay dagaalka ku qabsadeen baabuur dagaal. “Dagaalkaasi khasaaro dhimasho iyo dhaawacba waa yeeshay, dhankooda intaanu ka warhayno 3 dhimasho ah iyo 7 dhaawac ah ayaa la sheegayaa, Somaliland nin askari ah ayaa dhaawac ka ah, 3 gaadhi oo laba tikniko tahayna waa laga qabtay Puntland” ayuu yidhi Gaashaanle Dhagaweyne. Waxa uu sheegay in markii dagaalku dhacay ay Ciidamada Somaliland ka shaqaynayeen sugida nabadgalyada Buuhoodle, oo shaqaaqo beeleed ka dhacday, isla markaana Ciidanka Puntland uu dhinaca kale ka joogay magaalada, kadibna Ciidamada Puntland ay soo weerareen Ciidanka Somaliland xili ay sugayeen amaanka odayaal dhaqameed deegaanka soo gaadhay. Source
  14. Washington (Caasimada Online) – Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa u jawaabtay Hoggaamiyaha Aqalka Laga Tirada Badan Yahay ee Mareykanka, Kevin McCarthy, kaddib markii uu mar kale ku hanjabay inuu ka saari doono Guddiga Arrimaha Dibadda, isagoo ku eedeeyay “inay dhowr jeer cambaareysay Israa’iil iyo Mareykanka.” McCarthy, oo doonaya in bisha January uu noqdo Afhayeenka Aqalka, ayaa hanjbaaddan ku celceliyay dhowr jeer. “Dadaallada McCarthy ee uu igu beegsanayo si xushmad darro iyo nacayb ah — ayna ku jiraan inuu iigu hanjabo inuu iga saarayo guddiga — kama tarjumayaan arrimaha ay la tacaalayaan codbixiyeyaasheenna,” ayay Ilhaan ku tiri warsaxaafadeedkeeda. “Ka warran haddii ay sababto cabsi iyo nacayb ka dhan ah Soomaalida Ameerikaanka ah iyo qof walba oo isirka ila wadaaga, ayna ina sii kala qeybiso,” ayay intaa raacisay. “Waa olole socda oo looga soo horjeedo codadka Muslimiinta iyo Afrikaanka, dadka xisbigiisa ay isku dayayeen inay mamnuucaan tan iyo markii ugu horreysay ee uu talada xafiiska qabtay Donald Trump.” “Ma joojin doono u dagaallanka siyaasadaha bani’aadannimada leh ee sinnaan iyo caddaalad ay ku dheehan tahay. Ma joojin doono inaan u ololeeyo nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee daafaha dunida. Mana joojin doono inaan u dagaallamo Mareykanka oo aan dadka ku beegsaneynin isirkooda ama diintooda,” ayay tiri. Full statement on Kevin McCarthy threat: pic.twitter.com/IAOP27ujlt — Rep. Ilhan Omar (@Ilhan) November 21, 2022 Bishii January ee sanadkii hore, McCarthy ayaa codsaday in saddex xildhibaan oo ka tirsan Dimuqraadiga laga saaro guddiyada ay ku jiraan haddii uu Jamhuurigu mar kale qabsado hoggaanka Aqalka ayna isaga u doortaan afhayeen. Xildhibaannadaas waxay kala yiihiin Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Guddiga Arrimaha Dibadda, Eric Swalwell iyo Adam Schiff, oo ka tirsan Aqalka Guddiga Sirdoonka. Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay ayuu Kevin ku sheegay in Ilhaan ay neceb tahay Israa’iil. “Sanadkii la soo dhaafay, waxaan ballan qaaday in marka aan noqdo afhayeen, aan Ilhaan Cumar ka saari doono Aqalka Guddiga Arrimaha Dibadda anoo ku saleynaya hadalladeeda Israa’iil nacaybka iyo Mareykan nacaybka ah. Waan fulinayaa ballantaas,” ayuu yiri. Last year, I promised that when I became Speaker, I would remove Rep. Ilhan Omar from the House Foreign Affairs Committee based on her repeated anti-semitic and anti-American remarks. I’m keeping that promise. pic.twitter.com/04blBx3neD — Kevin McCarthy (@GOPLeader) November 19, 2022 Bishii June ee sanaddii 2021 ayaa waxa ay Ilhaan Cumar si kulul u weerartay xukuumadda Israa’iil iyo waliba Mareykanka. Ilhaan ayaa si kulul uga hadashay weerarrada ay dadka ku dhintaan ee ay Israa’iil ka geysato Daanta Galbeed iyo waliba kuwa uu Mareykanka ka gaystay qaar ka mid ah dalalka Islaamka. Xilligaasi waxay barteeda Twitterka ku soo qortay “Waxaan aragnay gumaadka aan la malayn karin ee ay gaysteen Mareykanka, Xamaas, Israa’iil, Afgaanistaan, iyo Taaliban. “Waa inaan u helnaa isla xisaabtan iyo caddaalad dhammaan dhibanayaasha xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha,” ayay qortay, xilli ay su’aalo waydiinaysay Xoghayaha Arimaha Dibadda Anthony Blinken intii lagu guda jiray dhageysiga Guddiga Aqalka Wakiillada. Hadalkeeda ayaa xilligaas ku soo beegmay toddobaadyo uun kadib markii dagaalkii u dhaxeeyay Xamas iyo Israa’iil lagu soo afjaray xabdad joojin. Hadalka xildhibaan Ilhaan ayaa waxaa ka dhashay muran badan islamarkana waxaa u jawaabay qaar ka mid ah xubna ay ka wada tirsan yihiin Aqalka Congreska oo iyagu ka carooday in ay Israa’iil iyo Mareykanka la barbar dhigtay kooxaha Taliban iyo Xamaas. Sannadkii 2019-kii, waxay sidoo kale Ilhaan raalli-galin ka bixisay hadal ay sheegtay oo ahaa in siyaasiyiinta u janjeera Israa’iil ay lacag sabab u tahay taageeradooda Israa’iil. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa bishii April ee 2019 boggiisa Twitter-ka ku qoray ‘hadal jeejees ah’ oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar. Xilli uu jeedinayay khudbad ayaa ka hor inta uusan billaabin waxaa uu yiri “Oh waan ilaaway illeen Ilhaan Cumar Israa’iil ma jecleyn, waan ka xumahay. Maya Israa’iil iyadu ma jecla, miyey jeceshahay? Fadlan waan ka raalli gelinayaa.” Trump ayaa mar waxaa uu Ilhan Cumar ugu baaqay inay iscasisho ama ay isaga baxdo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Kongres-ka. Ilhaan ayaa ugu jawaabtay “Waxaad la timid naceyb waligaaba kuugu jirtay oo aad u qabto Yuhuuda, Muslimiinta, muhaajiriinta, dadka madowga iyo dadka loogu yimid Mareykanka, waxaan wax ka bartay dad hadalkeygu uu noolashoodu saameeyay ee adigu goormaad wax ka baran?”. Sidaasi waxaa xilligaas barteeda Twitter-ka ku qortay Ilhaan Cumar. Isha: BBC The post Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay arrinta uu la damacsan yahay Kevin McCarthy appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi. Danjire Al-nuceymi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal ee Qatar iyo Soomaaliya , taas oo uu ka siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim Binu Xamad. Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay, dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha xiriirka dhow lalahaa taliskii hore. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi. Danjire Al-nuceymi ayaa Madaxweynaha soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, taasi oo uu ka siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim Binu Xamad. Danjiraha ayaa sidoo kale waxa uu soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal. Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa waxa kale oo uu shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahad-celiyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabilay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjiraha xilka safiirnimo ee loo igmaday, isaga oo u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah. Danjire Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa waxa 17-kii bishii October ee sanadkaan uu Amiirka dalka Qatar u soo magacaabay inuu noqdo Safiirka dalkiisa u fadhiya Soomaaliya. Cabdalla ayaa waxa uu bedelay Safiirkii hore ee Qatar u joogay Soomaaliya Xasan Bin Xamza, oo ahaa Safiirka dalkaas tan iyo 13-kii July ee 2014-kii. Waxa uu ahaa mid ka mid ah safiiradii ugu waqtiga dheeraa ee joogay Muqdisho. The post Sawirro: Xasan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee QATAR appeared first on Caasimada Online.
  17. Hanti-dhowraha qaranka ayaa maanta soo saaray warbixin ku aadan lacago uu sheegay in si gaar ah loo isticmaalay xilligii uu talada halayay madaxweynihii hore ee dowladda federalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Hanti-dhowre Maxamed Maxamud Cali ayaa xusay in lacagahaan la isticmaalay sanadihii 2018-2021-ka. Cadadka tirada lacagaha la isticmaalay iyaga oo aan soo marin Bankigaga dhexe iyo Hanti-dhowraha xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in ay gaarayso $96 Million, waxaana uu carabka uu ku dhiftay in lacagtaan sidoo kale Baarlamaanka aan la horgeyn, isaga oo hadalkiisa raaciyay inuu sixiixin misaaniyad sanadeedkii 2021-ka. Hanti-dhowraha qaranka ayaa shirkiisa ku sheegay sababta uu ansixin waayay” Marka aan eego waxyaabaha aan soo xusay iyo kuwa kale ee warbixinta ku jira, waxaan ka dhowrsaday Hanti-dhowre ahaan inaan ansixiyo sax ahaanshaha xisaabxirka dowladda ee la iisoo gudbiyay sanadka 2021″ ayuu yiri isaga oo hadlayay. Waxaa dhanka kale uu sheegay in qaladaad badan uu jiray afartii sano ee warbixinada uu soo saarayay xafiiska guud ee Hanti-dhowrka qaranka, waxaana dood badan ay ka timid misaaniyad sanadeedkii 2021-ka wasaaradda Maaliyadda uu hoggaaminayay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ay soo gudbisay 2021-ka. Hant-dhowraha qaranka ayaa sheegay in ay jiraan qaladaad badan oo hey’adaha dowladda ” Warbnixinta labaad ee u huggaansanaanta sharciga markii aan baaray sida hey’adaha dowladda u raaceen shuruucda inta ay u isticmaalayeen miisaaniyadda qaranka waxaan aragnay qaladaadka soo socda” ayuu yiri. 1: In hey’aduhu aysan laheyn wax qorshe ah iib oo sanadle ah oo lagu maamulo iibka ay sameeyaan. 2: Lacag lagu shubay koontooyin ka baxsan Bangiga dhexe ee dowladda, iyadoo ogaalshiyo aan laga heysan xisaabiyaha guud iyo wasaaradda Maaliyadda. 3: Heshiisyada qaar oo hey’adaha dowladda galeen oo aan laga soo diiwaan gelin xafiiska Hanti-dhowrka guud sida uu sharcigu qabo . 4: Deeqo lacageed oo hey’adaha qaar ay dowladda ka heleen dibadda ee aan lagu darin misaaniyadda dowladda ee Baarlamaanku ansixiyay Hadalka kasoo baxay ayaa Hanti-dhoeraha qaranka ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa, xilli Baarlamaankii 10-aad lagu eedeey ka gaabinta la xitaabtanka hey’adaha dowladda, taas oo keentay in wasiirkii hore ee Maaliyadda Baarlamaanka 11-aad ay wax ka weydiiyeen miisaaniyad sanadeedkii hore, isaga oo aan bixin jawaab cad oo lagu qanci karay. Dulmar Somali Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Mogadishu (PP News Desk) — In a press statement released today the Somalia Office of Auditor General publicised what it described as the outcome of investigations into compliance with regulations, review of donor-funded projects and annual financial investigations. Despite publishing several annual reports since 2018, the Office of the Auditor General indicated that U$28 million from private contractors remain unaccounted for, while loans from IMF ($96 million dollars) were not submitted for “investigation.” The Somalia Minister for Finance Dr Elmi M. Nur said that he was aware of the press release. “While respecting the independence of the Office of The Auditor General, the Ministry will examine the report and provide an appropriate response at the earliest opportunity” tweeted the Minister. An experienced public finances auditor told Puntland Post that the terms of reference used in the press release such as “to investigate in relation to the loans from the IMF misdescribes the mandate of the Office of the Auditor General which invalidated annual reports issued by it.” The Office of the Auditor General published annual reports for the first time from 2018, a development that raised questions about President Hassan Sheikh Mohamud’s commitment to accountability during his first term of office ( 2012-2017). In 2018 the Financial Governance Committee urged the Federal Government of Somalia to conduct “a full inventory of the Federal Government property and public property sold or leased since 2012” . The Federal Government under Prime Minister Hassan Ali Kheire did not carry out the investigations recommended by the Financial Governance Committee as a part of the public finance reforms and transparency. “The Somalia Finance Ministry might disband the Office of the Auditor General to create a new office if it proves difficult to damage the reputation of the former Federal Government of Somalia under President Mohamed Abdullahi Mohamed” said a retired economist in Mogadishu. © Puntland Post, 2022 The post Somalia Auditor General “Invalidates Previous Annual Reports” appeared first on Puntland Post.
  19. Xulka Sacuudiga ayaa 2-1 soo laabasho ah ugu adkaaday xulka Argentina oo ka mid ah xulalka loo saadaalinayay koobka adduunka 2022. Argentina ayaa ciyaarta hoggaaminaysa qaybtii hore, markii uu gool riigoore ah u dhaliyay kobtankooda Lionel Messi, ciyaarta oo socota 10 daqiiqo, waxaana qaybta hore ciyaarta in badan maamulaysay Argentina. Balse ciyaarta ayaa is baddeshay qaybtii dambe markii labo gool oo cajiib ah ay Sacuudiga u keeneen xidigaha Saleh Al-Shehri iyo S. Al Dawsari, taas oo soo afjartay guuldarro la’aantii xulka Argentina ee tan iyo 2019. Guusha Sacuudiga waxay ahayd guushii ugu horaysay ee xul ka socda bariga dhexe ay ka gaaraan koobka adduunka, kaas oo aan horay u martigelin. Dalka Qatar oo ah martigeliyaha ayaa Axadii waxa uu guuldaro kala kulmay xulka Ecuador, halka Isniintii shalay Iran ka adkaaday Ingiriiska. Xulalka Mexico iyo Poland ayaa ah xulalka kale ee marka laga reebo Argentina iyo Sacuudiga ku jira Group C. PUNTLAND POST The post Sacuudiga oo wacdaro ka dhigay koobka adduunka appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa inay gaaraan degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, xili uu dhawaan gaaray furimaha dagaalka. Wafdi horudhac u ah madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa inay sii gaareen degmada Cadalle, ayada oo halkaasi ay gaareen masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle. Sida qorshuhu yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cadalle kula kulmi doona saraakiisha ciidamada iyo kuwa deegaanka ee hogaaminaya howl-galada ka socda Shabeellaha Dhaxe. Madaxweynaha ayaa Saraakiisha ka dhageysan doona warbixino la xariirta halka ay marayaan howl-galada socda, ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo sanadihii dambe dhibaatooyin badan ku haysay shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa hore socdaal ugu tagay deegaano dhowr ah oo furimaha dagaalka ee ka socdaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa shacabka ku amaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay dadka deegaanka ee dagaalka ku jira. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya ayaa dhawaan Al-Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo horey u haysteen, waxaana socda howl-galka ay ciidamada ku doonayaan in guud ahaan gobolka uga saaraan Al Shabaab. The post Xasan Sheekh oo safar ugu baxaya gobol ka mid ah dalka appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi. Danjire Al-nuceymi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, taas oo uu ka siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim Binu Xamad. Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah. The post Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Qatar appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Oline) – Hanti dhowraha guud ee qaranka, Dr. Maxamed Cali Afgooye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin sanadle ah oo ku aadan hab maamulka maaliyadeed ee dowladda ee sanadkii hore 2021. Afgooye ayaa warbixintiisa diirradda ku saaray dhinacyo badan, sida xisaab xirka miisaaniyadda ee 2021-kii, taas oo gaareysay $666 milyan oo Dollar, isaga oo ka hadlay sida loo maareeyey deeqihii la helay iyo Covid-19 oo mar labaad soo laba kacleeyey. Hanti dhowraha qaranka ayaa shaaca ka qaaday inuu baaris ku sameeyey illaa 29 hay’adood oo ka mid ah 67-da hay’adood ee dowladda iyo sidoo kale laba safaaradood. WARBIXIN MAALIYADEED Warbixinta kasoo baxday hanti dhowrka ayaa waxaa lagu sheegay in qaladaad uu ka jiro xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee 2021, islamarkaana aan si sax loo soo bandhigin, ayada oo sidoo kale hanti dhowraha uu iska fogeeyey, sababo la xiriira xogta oo koobneyd. “Waxaan ka dhowrsaday Hanti dhowr ahaan inaan ansixiyo xisaab xirka dowladda ee la’iisoo gudbiyey sanadka 2021,” ayuu shirkiisa jaraa’iid ku yiri Hanti dhowraha qaranka. Maxamed Cali Afgooye ayaa sidoo kale warbixinta ku sheegay in la waayey $28 Milyan oo Dollar oo dakhli ah, islamarkaana ay dowladda ka heshay qandaraasyo lala galay shirkado caalami ah, isaga oo tilmaamay in aan la xaqiijin, maadaama aan loo hayn caddey ku filan. Sidoo kale wuxuu tintaasi kusii daray in uusan heyn boqoleyda ay lahaayeen shirkahadaasi iyo waxa ay heleyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. DEYN Hanti dhowraha qaranka ayaa sidoo kale soo bandhigay in dowladda Soomaaliya ay sanadkii lasoo dhaafay 2021-kii gashay deyn dhan $96 milyan oo ka timid, sanduuqa lacagta adduunka, IMF iyo $21,992 kun oo laga qaatay bangiga dhexe ee Soomaaliya. Deyntan ayuu sheegay in markii hore aan laga anisixin Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu qabo sharciga, sidoo kalena aan lagu wargelin isagoo ah Hanti dhowraha guud ee qaranka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dib loo soo celiyey $35,156 kun oo ka mid ah lacagtii laga qaaday bangiga dhexe oo gaareysay $21,992 kun, balse aan la heyn meesha la geeyey $13,164 kun, oo gebi ahaanba la waayey halka mariyey, sida uu ku xusay warbixintiisa. Waxa kale oo u sheegay inay jirto $1,441 kun oo lagu soo calaamadeeyey dul-saar heshiis laba geesood ah oo ay gashay dowladda Soomaaliya, balse aan la caddeyn heshiisyadaas. Hanti dhowraha ayaa sidoo kale sheegay in xafiiskiisa uu sameyn doono baaris gaar ah oo la xariirta deyntaas guud, gaar ahaan sida laga yeelay $96 mliyan ee la waayey. GOBOLKA BANAADIR Warbixinta hanti dhowrka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay lacagn dhan $16 milyan ah oo la siiyey gobolka Banaadir, taas oo laga helay rugta ganacsiga iyo bangiga horumarinta, wuxuuna sheegay in lacagtaas aan marin habraaca maaliyadeed ee dalka. SAFAARADO Sida ku xusan warbixin sanadeedka hanti dhowrka qaranka ee uu maanta shaaca ka qaaday waxaa ku jirto baaris lagu sameeyey lacag dakhli ah oo ay soo xareeyeen safaaradaha Soomaaliya ee ku yaalla Nairobi iyo Addis Ababa, kuwaas oo helay lacag dhan $1 mliyan, taas oo badankood ay ka timid safaaradda Soomaliya ee magaalada Nairobi. Hanti dhowraha ayaa sheegay in lacagtaas isla-markiiba la isticmaalay, ayada oo aan lagu soo shubin qasnadda dhexe ee dowladda federaalka Soomaaliya. QALADAAD Hanti dhowraha ayaa dhinaca kale soo bandhigay qaladaad jiro, wuxuuna tilmaamay in hay’adda dowladda badankood aysan la aheyn qorshe iib oo sanadle ah oo ay ku shaqeeyaan, taasina ay caqabad ku noqonayso hannaanka iyo hufnaanta shaqadooda. Warbixintiisa ayuu sidoo kale ku sheegay inay jiraan koontooyin ka baxsan kuwa dowladda oo ay isticmaalaan hay’ado qaar, kuwaas oo lacago lagu shubo, taas oo aan la ogaan karin. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in jiraan heshiisyo qaar oo aan laga diiwaan-gelin xafiiska hanti dhowrka iyo deeqo lacageed oo aan lagu darin miisaaniyadda dowladda. The post Hanti dhowraha qaranka oo soo bandhigay malaayiin dollar oo la waayey 2021-kii appeared first on Caasimada Online.