-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
“Wax kasta oo ASAL ah inuu najaxay iyo in aanu najixin miisaanka ugu wayn ee minqiyaaska lagu saara waxa weeye midhadhalka faraciisa. Haddaba siyaasiga Cabdiraxmaan Cirro oo murashax Madaxweyne u sharaxan, ahna aasaasaha Xisbiga Waddani bal hadda faraciisa aynu eegno muddadii Xisbiga hoggaaminaayay. 5-sanno isagoo jiray Xisbiga Waddani doorashadii kobaad ee uu galo codkii bulshada wuxuu helay %42, doorashadii ku xigtay wuxuu noqoday Xisbigii ugu Xildhibaanada badna saddexdii Xisbi ee tartanka galay, taas oo ka dhigtay Xisbigii ugu horreeyay ee isagoo Mucaarid ah ka Xildhibaano bata Xisbul Xaakimkii, sidoo kale Maayaradii 4-magaalo lixda Gobol oo caasimaddu ku jirto ayuu ku guulaystay. Faraca Xisbiga Waddani ee tariikhda Somaliland galay waxa baarka sare kaga jira laba Murashax oo Gole degaan iyo Golaha Wakiilda u kala sharaxna ayuu Cabdiracmaan Cirro safka hore keenay waxayna noqdeen labadii Musharax ee tariikhda Somaliland hore iyo danbayso ugu codka bata. (Maayar Moogge iyo Mp Barkhad Batuun). Layaabka buugga dhacdooyinka Somaliland waxa galay horrena aan u dhicin in aasaasihii Xisbiga oo aha Guddoomiyihii Xisbiga uu jagadaas uga dego saxiibkii Xirsi, taasi yaab wayn ma ahayn waxaase masraxa siyaasadda Somaliland gilgilay ilaa haddana dawakhii arrintaas ka dhashay gaar ahaan Xisbiga Kulmiye ka dawakhay markii jagada Guddoomiyaha oo ahayd mida ugu shilis ee Xisbi laga qabto uu Cabdiraxmaan Cirro wareejiyay isagoo aan noqon Madaxweyne. Waana dhaqan cusub oo faraca Xisbiga Waddani aanay ciddi uga horrayn. Siyaasiga midhadhalka heerarkaas ah ASAL-kii uu aasaasay faraciisu noqday ma la odhan kara hadu hoggaamiyo Somaliland dhinac kasta oo bahiyeed wuu dhoobaqaadi kara??. Tusan. Muniir Axmed Cigaal.” Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maalin ka hor gaaray magaalada Kismaayo, wuxuuna saacadihii lasoo dhaafay tegay xerada ciidamada Danab ee duleedka Kismaayo, halkaas oo warbaahinta uu kula hadlay. Wasiirka ayaa ciidanka iyo saraakiisha Danab kula dardaar inay u diyaar garoobaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab oo dhawaan ka bilaaba doona deegaanada Jubbaland. Wasiir Jaamac ayaa ciidanka iyo saraakiisha warbixin ka siiyey jabka kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyey dagaallada ka socda gobollada dalka, kuwaas oo ka dhashay kacdoonka bulshada. Wasiirka ayaa ciidanka u sheegay in shacabka dagaalamaya ay muhiim tahay inay ayagu hor kacaan, maadaama ay u soo tababarteen xoreynta iyo difaaca dalka, u dhaarteen, mushaarna ku qaataan. “Intii dagaalkaani uu socday Shabaab waxaa ka dhimatay ugu yaraan laba kun oo qof, dhibkaas waa ku sii bada doonaa Khawaarijta, waxaan fariin u dirayaa wiilasha Soomaaliyeed ee la qalday, war isaga soo taga dhiigya cabka idin sirtay,” ayuu yiri wasiir Jaamac. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wiilasha hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab aysan dagaalamin, taas bedelkeedana ay dunida jaamacado ka dhigtaan ama nolol fiican oo amni ah ay ku noolyihiin. “War wiilasheenow isaga soo taga nimankaas oo mustaqbalkiina u naxa, hadaa diidaan baaqeena, baqtigiina ayaan subax kasta wari doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Jaamac. Hoos ka daawo The post WASIIRKA difaaca oo dalab culus u gudbiyey ciidanka Danab ee Kismaayo + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maanta la baajiyay kulankii wadajirka labada aqal ee Baarlamaanka. Kulanka oo ka qabsoomi lahaa xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2023. Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ma aysan faahfaahin sababta loo baajiyay kulankii wadajirka ahaa ee maanta qorshaysnaa. Waxaase dadka qaarkood baajintaas ku fasiray xaalad amni kadib weerarkii xalay lagu qaaday huteel Villa Roys oo aan weli la soo af-jarin. PUNTLAND POST The post Kulankii wadajirka ahaa ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta la baajiyay appeared first on Puntland Post.
-
Maayar Ciddin iyo Mooge midkood baa qaldan?…….Maxamed Haaruun Biixi Buugga la ga qoray C. J. Haabiil ee Hortaa-jire ayaa Berbera la gu soo bandhigay. Ka dib maxaa dhacay? Meeyar Ciddin baa yidhi shan boqol oo buug baan Dawladda Hoose u iibiyay, sidoo kale, qof kasta oo xafladda ka soo qayb galay na, hal buug baan ka bixinayaa. Waa markii u horaysay ee aan wax sidaas oo kale ah maqlo. Meeyar Mooge buuggii adeerkii la ga qoray isagu ma iibsaday cid se ma u iibiyay? Waa ogahay oo muu samaynin sidaas. Ciddin iyo Mooge midkood baa qaldan, waxaanan qabaa in uu Mooge qaldanyahay. Dhaqankeena bulsho iyo dawladnimada la ga hadlaayo, tasarufka Ciddin oo kale amma ka Muuse oo kale ayaa sax ku ah. Hadii nin aad is ku qolo tihiin buug la ga qoro, oo aad xafiis dadweyne joogtid, waxa meesha yaalla ba waa in aad ku bixisid. Hadii aad madaxweyne tahay na, waa in aad si public ah u gu khudbaysid ciidanka dawladda inta qoyskiinu in ay u gu fiicantahay. Waa kaas hadalku. Shaki la’aan sidaas baa sax ah. Warka Xamar dhaaf. Waxaa qoray:-Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
-
Seoul (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in goolkiisa u danbeeya uu yahay in uu yeesho awoodda ugu badan ee hubka nukliyeerka, isaga oo dalacsiiyay toboneeyo sarkaal oo militari ah, kuwaasi oo ku lug leh tijaabooyinkii dhowaan ee gantaallaha isaga gudba qaaradaha. Ku dhawaaqistani ayaa yimid kadib markii uu Kim oo kormeeray tijaabada gantaalka cusub ee Hwasong-17 oo ah kuwa qaaradaha isaga gudba ee ICBM. Waxa uu ballan-qaaday in uu iska caabin doono hanjabaadda nukliyeerka ee ka imanaysa Mareykanka oo uu kaga jawaabi doono hub nukliyeer ah. “Dhisidda awoodda nukliyeerka ayaa ah mid ilaalineysa sharafta iyo madax banaanida dowladda iyo dadka, waana hadafkeena ugu dambeeya oo ah in aan helno xoogga istiraatijiyadeed ee ugu awoodda badan adduunka, waana xoogga aan horay loo arag qarnigan,” ayuu Kim ku yiri amarka dalacsiinta saraakiisha. Waxa uu ugu yeeray gantaalka Hwasong-17 “hubka istaraatiijiyadeed ee ugu xooggan aduunka” waxa uuna sheegay in ay muujineyso ka go’naanta iyo awoodda Kuuriyada Waqooyi ee ay ugu danbeyn ku dhiseyso ciidanka ugu xooga badan caalamka. The post Kim Jong Un oo shaaciyey arrin dunida cabsi gelisay appeared first on Caasimada Online.
-
Dallada ururrada bulshada rayidka Puntland ee PUNSAA ayaa lagu wadaa in ay maanta doortan hoggaan cusub. Saraakiisha Madaxtooyada Puntland ayaa doonaya in hoggaanka cusub ee dalladan uu ku soo baxo qof ay saamayn ku leeyihiin. Wararku waxay intaas ku darayaan in Saraakiisha Madaxtooyadu ay taageerayaan islamarkaana saamayn ku leeyihiin Nuur Maxamed Nuur oo kamid ah dadka u tartamaya hoggaankan dalladan. Dowladda ayaa horay looga digay in ay fara-gelinta ka dayso doorashada hoggaanka dalladda PUNSAA oo muhiim u ah bulshada Puntland. Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqal Insaanka Puntland Avv. Siciid Cabdi Muumin oo ka hadlayay furitaanka Shirkii PUNSAA ayaa ku baaqay in dallada loo doorto hoggaan ka madax-bannaan dowladda. PUNTLAND POST The post Madaxtooyada Puntland oo saamayn ku leh doorashada dallada PUNSAA appeared first on Puntland Post.
-
Rasaas iyo qaraxyo ayaa weli laga maqlayaa gudaha hotel-ka Villa Rays ee magaalada Muqdisho oo caawa fiidkii ay weerar ku qaadeen koox ka tirsan Al-shabaab. Hotel-ka oo ku yaalla goob aad loo ilaaliyo (Xayndaabka Madaxtooyada Soomaaliya) ayaa lagu qaaday weerarka ku billowday qarax aan weli la xaqiijin nooca uu ahaa, waxaana xigtay rasaas, iyadoo koox hubaysan ay gudaha u gashay hotel-ka, kuwaas oo hadda ay la dagaalamayaan ciidamo ka tirsano dowladda Soomaaliya. Dad isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo shacab ayaa laga soo badbaadiyay weerarka, sida uu sheegay Booliska Soomaaliya. Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarka inkastoo aan weli tirakoob sugan la hayn. Xubno ka mid ah goleyaasha dowladda oo ku jiro Wasiirka Amniga Maxamed Sheekh Cali Doodisho ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen weerarka. Xilliga weerarka lagu qaaday hotel-ka Villa Rays waxaa ka socday shir looga arrinsanayay xaaladda gobolka Gedo, waxaana ku sugnaa goleyaasha dowladda federaalka ku matala beesha Mareexaan iyo mas’uuliyiin kale oo hotel-ka daganayd. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Rasaas iyo qaraxyo weli laga maqlayo hotel Villa Rays appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hotelka Villa-Rosa oo ku yaalla inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo godka Jilicow ee xayn-daabka madaxtooyada, waxaa ka soconaya weerar toos ah oo koox ka tirsan Al-Shabaab ay ku soo qaaday. Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo waaweyn, waxaana Hotelka iyo hareerihiisa degan wasiirro, xildhibaano iyo masuuliyiin aad u badan oo ka tirsan dowladda. Warar ay tebisay warbaahinta gudaha qaarkeed ayaa sheegaya in wasiirka amiga Soomaaliya Axmed Doodishe uu ka mid yahay dadka ku dhaawacmay weerarkaan, balse weli si rasmi ah looma xaqiijin karo. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegtay in wasiirka amniga uu dhaawac soo gaaray, kooxdu intaas ku sii dartay in dagaalyahano fuushan qeybaha kore ee Hotelka ay duqeynayaan madaxtooyada qaranka. Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Caawa fiidkii ayaa koox Khawaarij ah waxay weerareen Hoteel Ganacsi oo ku yaalla degmada Boondheere. Ciidamada Amniga ayaa wada hawlgal lagu soo afjarayo weerarka Khawaarijta. Waxaa goobta laga badbaadiyay dad isugu jira Shacab iyo masuuliyiin. Wixii faahfaahin dib ayaan idin kala wadaagaynaa.” Rasaas si teel-teel ah u dhacaysa ayaa laga maqlayaa aagga uu ku yaalla Hotelka la beegsaday ee Villa-Rosa. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online The post Wararkii ugu dambeeyey weerarka Villa-Rosa iyo booliska iyo Al-Shabaab oo war kasoo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa sheegtay weerar isugu jira qaraxyo ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah oo lagu qaaday huteelka Villa Rays ee nawaaxiga Madaxtooyada Villa Somalia. Wararka ayaa xaqiijinaya in huteelka la weeraray ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin sare oo ay ku jiraan xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo weriyay in uu ka dhashay weerarka inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin. Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin weerarkan oo bilowday fiidnimadii caawa islamarkaana weli socda. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo qaraxyo iyo weerar toos ah ku qaaday hoteel ku dhow Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - Al Shabaab gunmen launched an attack on a hotel in Mogadishu on Sunday that is popular with government officials. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxa qaraxyo waaweyn oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga godka Jilicow oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya. Ugu horeyn qarax weyn loo maleynayo is-miidaamin ayaa dhacay, kadibna waxaa xigay qaraxyo kale iyo rasaas toos ah. Dad ka ag dhow aagaas ayaa Caasimada Online u sheegay in koox hubeysan ay gudaha u gashay Hotel lagu magacaabo Villa-Reys. Weli waxaa laga maqlayaa aaggaas rasaas si darandoori ah u dhacaysa. Illaa hadda war sugan lagama helin cidda la bartilmaameedsaday, iyadoo halka weerarku uu ka socdo ay aad ugu dhowdahay madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online The post DEG DEG: Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Muqdisho iyo weerar toos ah oo socda appeared first on Caasimada Online.
-
TPLF ayaa dowladda Eritariya ku eedaysay in diyaaradaheeda dagaalku ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen maanta magaalo kamid ah gobolka Tigray oo lagu magacaabo Irob, sida uu baahiyay Tvga Tigray ee ay maamulaan TPLF. Goobaha ay waxyeelladu ka soo gaadhey duqayntu ayay TPLF ku sheegtay inay ahayd goobo ay degganaayeen dad shacab ah, Xarumo Waxbarasho, cisbitaalo iyo goobo kale oo dhammaan ay degganaayeen dad rayid ah. Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara warka ay baahiyeen Warbaahinta ay maamusho TPLF ee ah in Eritariya ay duqeysay magaalooyin ku yaalla gobolka Tigray. TPLF ayaa weerarkan ku tilmaantay mid jabinaya heshiiskii ay dhawaan gaadheen TPLF iyo dowladda Itoobiya ee ka kala dhacay Koonfur Afrika iyo Kenya, inkastoo aan heshiiska lagu xusin arrinta Eritariya oo ciidammadeedu ku sugan yihiin qaybo kamid ah gobolka Tigray. Hore dhawr jeer TPLF waxay eedaymo kala duwan usoo jeedisay dowladda Eritariya, oo ay ku sheegtay in Eritariya ay xad gudubyo kala duwan ka gaysatay dhulka Tigray, isla markaana ay wali Ciidamadeedu joogaan qaybo kamid ah gobolka Tigray waa siday hadalka u dhigeen TPLF. Dowladda Itoobiya ayaan wali wax war ah kasoo saarin hadallada kasoo yeedhaya TPLF, iyo eedaymaha ay TPLF usoo jeedinayso dowladda Eritariya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka oo uu horkacayay Gaashaanle dhexe Muqtar Xasan Tifoow Shaah-macabe ayaa maanta lacag dhan 5-kun oo dollar guddoonsiiyay xubno ka mid ah ciidamada Macawisleyda ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Lacagta abaal-marinta ah oo uu guddoomay Maxamed Maalin Janaqow oo ka mid ah xubnaha afarta ah ayaa waxay ku muteysteen dilka mid kamid ah horjoogayaasha Shabaab, oo toddobaadkii hore ay ku dileen weerar ay ku qaadeen degmada Ceelbaraf. Horjoogaha la dilay ayaa sida la sheegay waxa uu xiligaasi ku howlana qaadista lacagaha baada ah ee Al-Shabaab, kuwaasi oo uu ka aruurinayay shacabka deegaankaasi. “5-kun oo dollar waa haysataan, waad leedihiin afartiina Nin ee soo dilatay ayaa iska leh. Nin madax ah (oo ka tirsan Khawaarijta Shabaab) ninkii soo dila waxa uu leeyahay Shan kun oo dollar. Hore ayaa loo ballan-qaaday, haddana haddii aad u soo noqotaan waa diyaar,” ayuu yiri Gaashaanle dhexe Muqtar Xasan Tifoow. Abaal-marinta lacageed ayaa qeyb ka ah dhiiri-gelinta ciidamada ku jira dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, ayada oo hore sidan oo kale kumanaan dollar loo guddoonsiyay askar soo dishay xubno iyo horjoogayaal Shabaab ah. Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo la rumeysan yahay in uu ahaa masuulkii bilaabay abaal-marinta noocan ah ayaa waxa uu hore fagaare ku taalla degmada Maxaas ku bixiyey lacag dhan 10-kun oo dollar. Cali Jayte ayaa lacagtaas ku wareejiyey askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, ayada oo ragga lacagta la siiyey xiligaasi ay xubnaha Shabaabka ah ku dileen degaanka Moqokori oo howl-gal qorsheysan ay ka fuliyeen. The post Daawo: Macawiisley $5,000 ku helay dilka horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelllaha Dhexe. Deegaanka ay maanta la wareegeen ciidamada huwanta ah ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku sugnaa kooxda Al-Shabaab, ayada oo maalmihii la soo dhaafayna laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Saraakiisha ciidamada deegaanka ee howl-galka hogaaminayay ayaa dhankooda sheegay inay si nabad-gelyo ah kula wareegeen Ceelbaraf, kadib markii ay isaga baxeen xubnihii Shabaabka ahaa ee ku sugna “Markii aan tagnay Ceelbaraf waxaa ku aragnay duruufo badan oo heysta bulshada deegaanka oo dhowrkii billood ee lasoo dhaafay ay maamulayeen nimanka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Kabtan Abuukar Axmed Cabdulle (Taqile) oo kamid ah saraakiisha ciidamada deegaanka. Sidoo kale waxa uu sheegay inay ciidamada wadaan howl-galo ay ku raad-joogaan dagaal-yahaanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee isaga baxay deegaanka Ceelbaraf, ayna sii wadi doonaan howl-galada. Toddobaad ka hor unbey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa xoreynta deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe ee loo yaqaano Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen deegaanka maanta ay la wareegeen ciidamada huwanta ee ka kooban kuwa dowladda iyo deegaanka. Howl-galada ayaa imaanaya xili dhawaan deegaanka Miirtaqwo oo u dhow Ceelbaraf lagu soo bandhigay ciidamo deegaanka ah oo hubeysan, kuwaasi oo sheegay inay diyaar u yihiin la-dagaalanka Al-Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaato ku hayaan dadkooda. Si kastaba, Waxaa toddobaadyadii tegay uu gaabis ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobolada dalka, taasi oo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu tago furimaha dagaalka, si uu u dhiiri-geliyo ciidamada. The post Ciidamada kacdoonka oo la wareegay degaan muhiim oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo la hadlay warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in hay’addo shisheeye ay Somaliland ku faafiyaan diinta Masiixiga, sida uu hadalka u dhigay. Aadan Sunne ayaa sheegay in arrintaan ay kamid aheyd waxyaabihii xukuumada Somaliland iskaga horyimaadeen, gaar ahaan la-dagaalanka laba hay’addood oo reer galbeed ah oo deganaa Hargeysa iyo agagaarkeeda. “Laba sannadood ayaanu dacwad ku jirnay, waxaanu soo bandhignay dhukumantiyadii iyo baybaladii ay faafinayeen iyo dadkii ay la kulmeen oo markhaati ah, anagu waanu u dhib mudanay. Markii maxkamada la i keenay waxa la yidhi wadaadkan waxa laga kari laayahay hay’addaha waddanka u jooga safamalka,” ayuu yidhi Aadan Sunne. Sidoo kale waxa uu sheegay in hay’addaha faafiya diimaha shisheeye ay gacanta ku dhigeen nidaamka tacliinta Somaliland, oo ay qorshaynayaan in degmo kasta iyo gobol kasta oo kamid ah maamulkaasi ay ku lug yeeshaan, sida uu hadalka u dhigay. Aadan Sunne oo ka qayb-galay shir ay lahaayeen culimada ugu waawayn kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegay “in laga tashanayay gaalo uu sheegay inay Soomaaliya Masiixiyad ku faafinayaan iyo Soomaali soo dhawaysay oo iyaguna la xukun ah” sida uu sheegay. Wadaadkan oo hore uga mid ahaa culimada Somaliland, dhowr jeerna lagu xiray gudaha magaalada Hargeysa ayaa bishii March ee sanadkaan si dhuumasho ah uga soo baxsaday Somaliland, isaga oo markaasi ku biiray kooxda Al-Shabaab ee iyadu laftigeedu huwan fikir diimeed guracan. The post Sheekh Aadan Sunne oo shaaciyey ‘arrimo xasaasi ah oo ka socda’ Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasibad Xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa xilka kula kala wareegay Agaasimaha cusub ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Aadam Hoosow iyo Agaasimihii hore Dr. Cali Ciise Cabdi. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh oo furay munaasibadaan ayaa bogaadiyay shaqadii wax ku oolka ahayd ee ay qabteen xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka, isaga oo u hambalyeeyay xubnaha cusub ee Madaxweynuhu u magacaabay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow. Xubnihii hore ee La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka ayaa dhankooda soo dhaweeyay isbedelka cusub, iyaga oo si qotodheer u faah-faahiyay shaqadii ay Qaranka u hayeen sanadihii la soo dhaafay, cilmi-baaristii ay sameeyeen iyo la-talintii ay dowladda ka siin jireen arrimaha mudnaanta u leh dardar-gelinta soo kabashada iyo koboca dhaqaalaha dalka. Sidoo kale waxay xubnaha cusub u rajeeyeen inay si wanaagsan u gutaan xilkooda, iyagoo ballan-qaaday inay la garab istaagi doonaan wixii talo iyo taageero ah ee ay uga baahdaan. Dr. Xasan Aadam Hoosow, Agaasimaha Guud ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha u qaabbilsan Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa u mahad-celiyay xubnihii hore ee Golaha. Agaasimaha cusub ayaa sidoo kale faah-faahiyay barnaamijyada u qorshaysan inay fuliyaan iyaga oo ka duulaya aragtida Madaxweynaha ee “Soomaali Isku Filnaatay” taasi oo ku salaysan sidii dalka dhaqaalihiisa loo kobcin lahaa, loona dardar-gelin lahaa hirgelinta qorshayaal iyo siyaasado dhaqaale oo la jaanqaadaya isbedellada casriga ah ee dhanka teknaloojiyadda. Ugu dambayntii waxaa munaasibada Xil-wareejinta Golaha Dhaqaalaha Qaranka si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Nuur, isaga oo hoosta ka xariiqay muhiimadda Goluhu u leeyahay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Qaranka. Waxa uu dhankiisa ballan-qaaday in Wasaaraddiisu ay si dhaw ula shaqayn doonto Golaha, iyaga oo tix-gelin doona talooyinka waxtarka leh ee ay la wadaagaan. Wasiir Cilmi Nuur ayaa geba-gebadii munaasibadda si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay gudoonkii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu metelayay Dr. Aweys Sheekh iyo Agaasimaha cusub ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow. The post Xil wareejin ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Liiska Wasaaraddo & Hay’addo Dawladeed oo Muwaadiniinta S/land ka urursada lacago aan sharci ahayn Guddida dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada oo soo bandhigay Liiska Wasaaraddo iyo Hay’addo Dawladdeed oo Muwaadiniinta ka qaadaan lacago aan sharci ahayn Halkan ka akhri Liiska:- Qaran News
-
Mas’uuliyiinta magaalada Hobyo ee Galmudug ayaa laga soo xigtay in ay soo badbaadiyeen 20 qof oo u kala dhashay Pakistan iyo Iran oo sheegay inay ahaayeen kalluumaysato laga qabtay xeebaha Soomaaliya sida ay ku warrantay VOA-da. Labaatanka qof oo dhammaantood rag ah ayaa u sheegay mas’uuliyiinta amniga inay horey u qabteen Al-Shabaab kadibna ay soo daayeen. Dadkan ayaa laga qabtay inta u dhaxaysa Hobyo iyo Xaradheere xalay. Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay inay dadkan la kala socdeen laba doonyood, isla markaana ay ka shaqaynayaan sidii loogu gacangelin lahaa waddamadii ay u kala dhasheen. Hawlgalka lagu soo badbaadiyey dadkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow degaanka Ceel-Huur. PUNTLAND POST The post Galmudug oo soo badbaadisay ajaanib ay sii daysay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda ee maamulkaasi ayaa gacanta ku dhigay Ajaaniib fara badan oo muddo fog ay heysteen dagaalyahanadda kooxda Al-Shabaab. Ajaaniibtaan oo tiro ahaan gaaraya illaa 20 qof ayaa siddeed sano kahor waxaa afduubtay koox burcadbadeed, kuwaas oo ay mar dambe kala sii wareegtay Al-Shabaab. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in Ajaaniibtan ay Sabtidii soo galeen gacanta Galmudug, waxayna kasoo kala jeedaan dalalka Pakistan, Iran iyo Bangladesh. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda Al-Shabaab ay iskeed usoo deysay raggan, kadibna ay sidaas ay ku soo gaareen Galmudug oo ka qabatay deegaanadeeda. Guddoomiyaha degmada Hobyo, Cabdullaahi Axmed Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay baaris ku hayaan raggaas oo sheegay inay yihiin Kalluumeysato. “Horta ciidamada Booliska waxay gacanta kusoo dhigeen niman Ajaaniib ah oo ka yimid dhinaca Al-Shabaab laakiin sheegay inay yihiin niman Kalluumeysato ah oo ay heysteen Al-Shabaab, hadda dowladda gacanteeda ku jiraan, baaritaano ayaana ka socdo,” ayuu yiri guddoomiyuhu. Lama oga sida ay ku timid sii deynta raggaan Ajaaniibta ah ee muddada dheer ku afduubnaa gudaha Soomaaliya, mana cadda in Al-Shabaab lasiiyey madax furasho. Si kastaba, arrintan ayaa kusoo aadaysa, xilli haatan Al-Shabaab ay wajaheyso cadaadis xoogan oo uga imaanaya howlgallada ka socda gobollada dalka oo ay ku jirto Galmudug. The post GALMUDUG oo gacanta ku dhigtay ajaaniib ay muddo heysatay AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
-
M/weynaha Taiwan oo iska casishay xilkii Guddoomiyenimada xisbiga talada Jasiiradaa haya Madaxweynaha Jasiiradda Taiwan Tsai Ing-wen ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay xilkii Guddoomiyenimada ee ay ka haysay xisbiga talada haya, kadib markii guul-darro ka soo gaadhay doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacay dalkaas, iyadoo uu xisbiga mucaaridka ah ee u janjeedha dhinaca Shiinuhu uu ku guulaystay inta badan magaalooyinkii lagu tartamay oo ay ku jirto caasimadda Taipei. Haweenaydan Madaxweynaha ka ah Taiwan ayaa sheegtay inay sii hayn doonto xilka Madaxweynaha, balse waxay qiratay masuuliyadda xisbigeeda ka soo gaadhay doorashooyinka, iyadoo xustay in guul-daradaasi ku noqotay mid lama-filaan ah, sidaasna ay madaxtinimadii xisbiga iskaga casishay. Qaran News
-
Barlamaanka oo shaaciyey in Deymanka Xukumada Muuse Biixi soo bandhigtay in lagu leeyahay Laga waayey Xisaab-xidhka Miisaaniyada Sanadka 2021 Sida ku cad warbixinta gudiga dabagalka ee golaha wakiilada ee ku saabsan xisaab-xidh sanadeedka 2021 waxa lagu sheegay in xisaab xidhka 2021 aanay ka soo muuqan Liiska Daymaha Lagu Leeyahay Qaranka. F.G: dhawaan ayay ahayd markii wasiirka maaliyadu sheegay in dawlada lagu leeyahay lacag ka badan 40 Million balse qayb yar oo ka mid ahna laguma cadayn xisaab xidhka 2021…. Qaran News
-
“Ardeyda dugsiyadda ka baxay lacagta Wasaaradda waxbarashadu ka qaado ee shahaadada loogu sameeya waa xaaran sharciga baal marsan yeyna bixin ee buste ha u siiyaan dadka danyarta ah, Qofka buka ee cisbitaalka warqad ka raba lacagta laga qaadaya waa xaraan ee Askari funaanad ha u siiyo.” Xildhibaan Barkhad Batuun. Ardeyda dugsiyadda ka baxay lacagta Wasaaradda waxbarashadu ka qaado ee shahaadada loogu sameeya waa xaaran sharciga baal marsan yeyna bixin Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeeshay Danjiraha Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Tiina Intelmann. Xamza ayaa kal hadlay Tiina Intelmann xoojinta taakuleynta ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada arrimaha bini’aadanimada & horumarinta adeegyada muhiimka ah. Sidookale waxaa kulanka lagu soo qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, siiba xasillinta deegaanada la xorreeyay ee ay la wareegtay dowladda, waxaana ra’iisul wasaaruhu sheegay in deegaanadaas ay u baahan yihiin gurmad degdega. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kal uga mahad-celiyey Ururka Midowga Yurub doorka uu ka qaato dowlad dhiska Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee dalka. Danjire Tiina oo madasha ka hadashay ayaa dhankeeda u ballan-qaaday xukuumadda Danqaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza inay sii wadi doonto taageerada uu Midowga Yurub siiyo Soomaaliya, gaar ahaan taakuleynta dhinacyada kala duwan leh. Midowga Yurub ayaa ka mid ah Ururada waa weyn ee caalamiga ah, islamarkaana gacan siiya dowladda federaalka ah oo haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, ballan-qaadka loo sameeyey ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadaya, xilli haatan dowladda Soomaaliya ay taageeri u raadineyso howlgallada ka socdo dalka iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada laga xoreeyey Al-Shabaab. The post Sawirro: Xamza oo maanta ballan-qaad cusub ka helay URURKA Midowga Yurub appeared first on Caasimada Online.
