Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa laga badalay magaca sida lagu xaqiijiyay war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha dalka. Go’aanka magac badalista ayaa yimid kadib soo jeedin ka timid wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga. Wasaaradda ayaa magaceeda laga dhigay ‘Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga’. Waxaana horay ay u ahayd Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda. Source: goobjoog.com
  2. Somaliland: Wasiirka Isgaadhsinta ayaa sheegay in Shirkadda Facebook Somaliland keentay Xadhig Fiber Optic Internet ka ah dalka. Balse Shirkadda Facebuug Wasaarada Wasiirkan uu Masuul ka yahay umay soo celin Page-Keedii oo Gabadh Indho yar ahi Maryo ay ku iibiso. Qaran News
  3. Siyaasi Axmed Muumin Seed oo cadho kaga maqan xisbiga Kulmiye Warar xogaal ah oo ay warbaahintu heshay waxaa ay sheegayaan in Siyaasi Axmed Muumin Seed uu cadho kaga maqan yahay xisbigii uu tacabka Badan galiyey ee KULMIYE Wakhtigii Musharax nimada madaxweyne Muuse Biixi . Siyaasi Seed ayaa xogaha aanu helnay ay sheegayaan in aanu ka qeyb gelin 6 shir oo guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye iskugu timid dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey . Siyaasigan ayaa sidoo kale waxaa uu ka cudur daartey inuu ka mid noqdo 8 xubnood oo Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabey inay kormeer ku tagaan gobalada dalka , si ay u soo qiimeeyaan Mustaqbalka Kulmiye . Xogaha ayaa intaas ku daraya in Axmed Muumin Seed uu dhawaan safar ugu bixi doono Deeganada uu ka soo jeedo ee Gobalka Awdal , kaas oo u kala soo tashan doono mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo halka uu jiheysan doono xiligan adag ee lagu jiro kala guurka siyaasadeed Ila hada lama oga halka uu saldhigan doono siyaasigan reer Awadal oo hore uga mid ahaa Aas aasayaasha xisbiga WADDANI . X- ilays . Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa caawa kulan deg deg ah isugu yeeray guddiga joogtada ee Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya oo uu wehliyo Guddoonka Golaha, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweynaha ayaa lagu warramayaa inuu guddiga iyo guddoonka kala hadli doono mooshino dhowr ah oo Golaha Shacabka loo gudbiyey maalmihii tegay, kuwaas oo walaac xooggan ku abuuray madaxweynaha. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu kala hadlo doodda ka taagan ammaanka iyo xasaanada xildlhibaanada ee hareysay kulankii shalay, ayada oo xildhibaano badan ay ku eedeeyeen xukuumadda inay xasaanadda ka qaadeyso. Illaa 22 xildhibaan ayaa shalay saxiixay mooshin ku saabsan xaaladda amniga dalka, kuwaas oo ku dooday inay muhiim tahay in laga hadlo amniga dalka, maadaama xaaladda waddanka ay mareyso meel halis ah. Illaa 44 xildhibaan ayaa ogolaatay mooshinkaas markii loo qaaday codeyn gacan tag ah, kuwaas oo u codeeyey in laga dodo. Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo laga qabo mooshin kale oo ka dhan ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji oo hadal ay sheegtay oo la xiriira sharciga Jinsiga uu dood xooggan ka abuuray dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu warramayaa inuua aad uga walaacsan yahay mooshinka amniga dalka, oo keeni kara in xukuumadda la rido, dalkana uu galo qalalaase xilli uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Ma cadda waxa uu madaxweynaha caawa si gaar ah ugala hadli doono guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, balse waxaaa la filayaa inuu weydiisto inay halkiyaan mooshinadan. Waxaa sidoo kale la filayaa in madaxweynaha uu xaqiijiyo amniga xildhibaanada oo walaac xooggan uu ka taagan tahay. The post Xasan oo kulan deg deg ah isugu yeeray guddoonka BF appeared first on Caasimada Online.
  5. A depressingly familiar cycle has become set in Somali politics. Indirect electoral processes take place every four to five years. New faces come to power. Former officeholders join the opposition and fight for a return to government. Citizens have high expectations at the beginning of every new administration, but these soon evaporate once new rulers settle into their offices. “Citizens’’ realize that nothing has changed in their lives other than one set of kleptocratic politicians has traded positions with another. In the meantime, the next electoral cycle begins and people are yearning once more for transformational – rather than transactional – leadership. The incoming administration more often than not fails to reform Somalia’s crippling government and continues the same practices of its predecessors. This process is what political scientists describe as state capture. Source: Hiiraan Online
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxtooyada Puntland ayaa la wareegtay qayb kamid ah shaqada arrimaha dimuqraadiyeynta ee wasaaradda arrimaha gudaha, gaar ahaan dhanka xiriirka iyo dhaqaalaha dibada. Madaxweyne Saciid Deni ayaa dhawaan Wakiilada Beesha Caalamka ku wargeliyay arrintaan, isaga oo u sheegay in hadda kadib ay arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland kala xiriiraan Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur. Arrimaha dimuqraadiyeynta ayaa waxa markii hore Beesha Caalamka kala shaqeyn jirtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee maamulkaasi, ayaga oo xiriir toos ah la sameyn jiray Wasiir Juxa. “Wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha dimuqraadiyeynta ka taageera Puntland oo aqbalay amarka madaxweynen Deni ayaa la socodsiiyay Wasiir Juxa in hadda kadib ay howlaha dimuqraadiyeynta kala xiriiri doonaan Madaxtooyada Puntland,” ayuu yiri sarkaal si dhow ula socday arrintaan. Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland ayaa dhawaan la arkayay isaga oo Madaxweyne Deni ku wehlinaya shirar uu Nairobi iyo Garoowe kula yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasi oo looga hadlayay arrimaha dimuqraadiyeynta maamulkaasi. Inkasta oo si dhab ah loo ogeyn qorshaha uu madaxweynaha ka leeyahay arrintaan ayaa haddana waxa soo baxeysa inaysan ka madhneyn arrimo dhaqaale, maadama Beesha Caalamka ay taageero lacageed oo badan ku bixiso arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland. The post Wasiir Juxa oo awoodiisa la dhimay iyo madaxtooyada maamulka PUNTLAND oo… appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) - Norway announced that it contributed $30 million to World Bank-administered Somali Multi-Partner Fund (MPF) on Sunday after a meeting between Somalia's federal finance minister and Norway's Minister of International Development in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  8. There has been no official police confirmation on the forces being taken off the streets, and no sign that a law requiring mandatory hijab will be changed. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) - A military court sentenced a Somali soldier to death by firing squad on Sunday for murdering a minibus driver at an illegal checkpoint in Middle Shabelle late last month. Source: Hiiraan Online
  10. Dowladda Norway ayaa Soomaaliya ku taageeraysa lacag dhan $ 30 milyan oo Dollar sida uu xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in dowladda Norway Soomaaliya ku taageerayso $30 milyan oo Dollar taas oo la soo marin doono Bankiga Adduunka. Wasiirka ayaa warkan sheegay kadib kulan uu maanta Xafiiskiisa Muqdisho kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Anne Beathe. “Dowladda Norway waxa ay Soomaaliya ku taageeraysaa lacag dhan $30 Milyan oo dollar taasi oo ay inoo soo marisiinayso Bangiga Adduunka” ayuu yiri Wasiirka. PUNTLAND POST The post Dowladda Norway oo lacag dhan $30 milyan oo Dollar ku taageeraysa Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  11. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud believes that the federal religious affairs minister Mukhtar Robow Abu Mansoor could convince some of his former allies to leave Al Shabaab. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud believes that the federal religious affairs minister Mukhtar Robow Abu Mansoor could convince some of his former allies to leave Al Shabaab. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweyne Deni, W. Cabdifitaax iyo W. juxa Madaxtooyada Puntland ayaa la wareegtay qayb ka mid ah shaqada arrimaha dimuqraadiyeynta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, gaar ahaan dhanka xiriirka iyo dhaqaalaha dibada. Madaxweyne Deni ayaa dhawaan Wakiilada Beesha Caalamka ku wargeliyay in hadda kaddib ay arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland kala xiriiraan Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, halkii ay markii hore kala xiriiri jireen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta. Dhankooda Wakiilada Beesha Caalamka ee dhanka dimuqraadiyeynta ka taageera Puntland oo aqbalay amarka madaxweynen Deni ayaa ku wargeliyay Wasiir Juxa in ay hadda kaddib howlaha dimuqraadiyeynta kala xiriiri doonaan Madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa shirar uu Nairobi iyo Garowe dhawaan kula qaatay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka oo looga hadlay arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland waxaa ku wehelinayay Wasiiru -dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur. Beesha Caalamka ayaa taageero dhaqaale oo badan ku bixisa arrimaha dimuqraadiyeynta Punrtland, lamana yaqaan sababta Madaxweyne Deni uu xiriirkooda uga wareejiyay Wasaaradda ku shaqada leh ee hoggaamiyo Wasiir Juxa. PUNTLAND POST The post Wasiir Juxa oo awoodiisa la dhimay appeared first on Puntland Post.
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee ka howlgala magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilka gabar 17 sano jira ah, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaaladaas oo xarun u ah Sh/ Dhexe. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Zakiya Xuseen ayaa qoraal aysoo saartay ku sheegtay in ciidamada ay ku guuleysteen inay soo xiraan eedeysanaha oo lagu magacaabo Daahir Cali, kaas oo ku eedeysan dilka Marxuumad Caasho Cabdullaahi. “Taliska Boliiska Hirshabbele gaar ahaan saldhiga degmada Jowhar ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysane Dahir Cali kaasoo ku eedeysan dilka gabar 17 jir ah oo lagu magacabi jiray Caasho Cabdullahi,” ayey tiri taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in eedeysanaha haatan lagu wareejiyay maxkamadda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. Zakiya ayaa sidoo kale u mahadcelisay dadka shacabka ah, waxayna sheegtay haddii ay Booliska iyo Bulshada wada shaqeeyaan wax badan la qaban karo. “Eedeysanaha waxaa lagu wareejiyay maxkamada waxaana la marsiinaya nidaamka cadaalada. Bulsho iyo Booliis oo iskaashada waxeey ka hortagi karaan balo walba baladkeena ka dhaco,” ayaa markale qoraalkiisa sii raacisay General Zakiya Xuseen. Ma shaacin waxa sababay dhacdadaan dilka ah ee loo geystay Caasho Cabdullahi oo aheyd gabar 17 sano jir ah, taas oo ku nooleyd gudaha magaalada Jowhar. Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca tacaddiyo loo geysto dumarka oo isugu jir dil iyo kufsi, kuwaas oo sanadihii u dambeeyey kusoo badanayay gudaha waddanka. The post Booliska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay nin dilay gabar 17 jir ah appeared first on Caasimada Online.
  15. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Cadow Ciisem Maxamed oo lagu eedeyay in uu ka dambeeyay dilka allaah u naxariiste Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo ahaa darawal gaari nooca dadweynaha ah. Eedeysanaha ayaa la sheegay in ay isbaaro u tiilay meesha looga baxo degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha dhexe, waxaana uu halkaas lacago baad ah uga qaadi jiray dadka safarka ah. 29-kii bishii ina dhaaftay ee November ayuu Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed oo ah edeysanaha maanta dilka lagu xukumay ayaa la sheegay in uu dilka u gaystay marxuumka waxaana maxkamadda oo dood ka yeelatay kiiskiisa ay ku dhawaaqday xukunka eedeysanaha. “Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa lagu xukumay xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo uu Dilay Shilimaad uusan Xaq ugu lahayn 29-kii November bishii tagtay” Sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu gebi ahaanba xirmo dhammaadka Todobaadkan. Xildhibaanno kala duwan oo ka tirsan Baarlamanka ayaa noo sheegay in maalinta Khamiista ah ee ku beegan 8 bishan December uu si rasmi ah u xirmi doono Kal-fadhiga. Xildhibaannada qaarkood ayaa sidoo kale sheegay in Kal-fadhigan uu ahaa mid aan wax saamayn ah yeelan islamarkaana lala xisaabtamin Xukuumadda Siciid Deni. Kal-fadhiga xiga ee 52-aad ayaa sida caadiga ah furmi doona 15 bisha June ee sannadka 2023 waxaana sida la xaqiijiyay lagu ansixin doonaa mudda kororsi laba sano ah. PUNTLAND POST The post Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo si rasmi ah u xirmi doona Todobaadkan appeared first on Puntland Post.
  17. Mas’uuliyiinta Iran ayaa toogasho ku dilay afar qof oo lagu eedeeyay inay u shaqeynayeen hay’adda sirdoonka ee Mossad ee Israa’iil, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee IRNA . IRNA ayaa sheegtay in Ilaalada Kacaanka ee awoodda badan ee dalkaas ay ku dhawaaqday xiritaanka shabakad dad ah oo xiriir la leh hay’adda Israel. Waxa ay sheegtay in xubnahan ay hore u gaysteen dambiyo hore oo ay isku dayeen in ay khalkhal galiyaan ammaanka dalka IRAN. Israa’iil iyo Iran ayaa ah laba ay ka dhaxeyso cadaawad soo jireen ah oo gobolka ah, waxaana Iran ay mararka qaar ku dhawaaqdaa in la xirayo dad ay ku sheegtay inay u basaasayeen dalal shisheeye oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Israa’iil. Iran ma aqoonsana Israel waxayna taageertaa kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda Israel ee gobolka oo dhan, sida Xisbullah iyo Xamaas. Xubnaha Shabakadda ayaa waxa ay xadeen oo burburiyeen hanti gaar ah iyo mid dadweyne, waxa ayna sidoo kale afduubteen shaqsiyaad iyagoo su’aalo weydiinaya, sida warbixinta lagu sheegay. Waxa ay IRAN sheegtay in basaasiinta ay haysteen hub ayna ku helaan mushaarka Mossad qaab cryptocurrency ah. IRNA waxay ku sheegtay maxaabiista la toogtay inay kala yihiin Hossein Ordoukhanzadeh, Shahin Imani Mahmoudabadi, Milad Ashrafi iyo Manouchehr Shahbandi. Halka Saddex kale oo ka tirsan kooxda lagu xukumay min shan ilaa 10 sano oo xarig ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka IRAN. Iran iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay basaasnimo. Israa’iil ayaa Iran u aragta khatarteeda ugu weyn, waxayna marar badan ku hanjabtay inay qaadi doonto tillaabo militari oo looga hortagayo in Iran ay hesho hubka Nukliyeerka. Iran ayaa beenisay inay raadinayso hubkan, waxayna wacad ku martay inay jawaab adag ka bixin doonto duulaan kasta oo Israel. Bishii Luulyo, Iran waxay sheegtay inay xirtay xubno hubaysan oo lala xiriirinayo Mossad ka dib markii ay si qarsoodi ah uga soo galeen Iran xuduudeeda galbeed. Sannadkii 2020-kii, Iran ayaa dil toogasho ah ku fulisay nin lagu helay inuu u dusiyay xogta Maraykanka iyo Israa’iil ee ku saabsan Jeneraal caan ah oo Ilaalada Kacaanka oo markii dambe lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ku qaadeen Ciraaq. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Mudisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday askarigii ka dambeeyey dilkii loo geystauy marxuum Seylax Cabdulle oo ahaa darawal, kaas 29-kii bishii hore ee November lagu dilay isbaaro tiilay waddada dheerer xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Muqidiso. Xukunsanaha oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cadow Ciise ayaa isla maalintaas lasoo qabtay, waxaana lagu wareejiyey Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida. Cabdiraxmaan oo deg-deg maxkamad loo soo saaray, ayaa lagu helay in shilimaad uusan xaq u laheyn u dilay marxuumka oo waday gaari BL ah, waxayna Maxkamadda Ciidamada ku ridday xukun dil toogasho oo ah qisaasta marxuumkii uu dilay ee Seylax Cabdulle. Qaar ka mid ah shacabkii saarnaa gaariga oo marqaati ahaan loo geeyey maxkamadda ayaa waxa ay sheegeen in xukunsanaha uu si ku tala gal ah u dilay Marxuumka. Dhacdadaan ayaa si aad u qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana si aad ah dadwynaha uga falceliyeen dilka marxuumka oo maydkiisa saacado yaalay isbaarada. Intii ay socotay maxkamadeynta ninkan ayaa la siiyey hadal kooban, wuxuuna sheegay in 11 isbaaro ay taalo inta u dhaxeyso labada magaalo kuwaas oo lacago lagu qaado. Toogashada Cabdiraxmaan Cadow ayaa la filayaa in lala dadajiyo, si loo fuliyo amarkii madaxweynaha ee ahaa in la toogto qofkii isbaaro dhigta ama dil u geysta shacabka. Ehellada marxuumka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ayaa intooda soo dhaweeyey xukunka ay ridday Maxkamadda, maadaama ay go’aan ka gaartay dhacdadii isbaarada Balcad. The post Maxkamadda ciidamada oo xukuntay askarigii darawalka ku dilay isbaarada Balcad appeared first on Caasimada Online.
  19. Ciidamada cirka maraykanka ayaa daahqaaday Diyaaradda Duqeymaha Culus ee B-21 Raider, oo ah Diyaarad awood uleh Inay qaado weeraro Nuclear ah iyo kuwa loo adeegsado Hubka caadiga. Ann Stefanik, oo ah af hayeen u hadashay ciidamada cirka Mareykanka, ayaa ku dhawaaqday in Washington ay daaha ka qaaday diyaaradeeda istaraatiijiga ah ee B-21 “Raider”, Taas oo Duuli karta Duuliye la’aan, awoodna u leh inay fuliso weeraro Nukliyeerka ah. Sida u sheegay xoghayaha Difaaca Maraykan Mr Loyd Austin B-21 waa Diyaaradii ugu horeysay ee nuceeda ah oo uu maraykanku Farsameeyo muddo 30 sano ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Diyaaradani ka marag kacayso hormarka Farsamada Technologiyadda iyo hal abuurka maraykanka. Imbadan oo ka mid ah sifooyinka diyaaraddan ayaa ah mid qarsoon, laakiin daahqadida diyaarad ceynkan ah waxay ka dhigan tahay horumar la taaban karo oo laga sameeyay diyaaradaha wax duqeeya ee hadda ku jira shaqada Ciidamada cirka Mareykanka, sida Xoghaye Austin uu ka sheegay munaasabadda daahqaadida. Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay, inaysan jirin Diyaarad wax duqeysa oo la mid noqon kata B-21. Waxa uu sidoo kale xusay adkeysigeeda, isaga oo sheegay in loo qorsheeyay in ay noqoto Gadiidka dagaalka hawada ee ugu adkeysi badnaa abid. Si la mid ah diyaaradaha dagaalka “F-22” iyo “F-35”, “B-21” waxaa lagu qalabeeyay tiknoolajiyadda isqarinta oo u oggolaanaysa inay xaddiddo in Raadaradu cadawgu kashifaan dhaqdhaqaaqeeda, iyada oo taasi ay usaamaxayso qaabka yo qalabka loo isticmaalay farsamadeeda. Amy Nelson, oo ah khabiir ka tirsan machadka Cilmi baarista Brooking ee fadhigiisu Yahay Washington, ayaa sheegtay in Dayuuradda B-21″loo qorsheeyay inay aqbasho isbadallada farsamo ee mustaqbalka”. Waxayna tilmaantay in hanaanka nashqadeynta furan ee open system architecture uu u oggolaan doono, in lagu daro Teclogiyadda military ee mustaqbalka. Halkii xambo ee diyaaraddan ah ayaa qiimaheeda lagu sheegay 2Billion$, sida qorshuhu yahay, maraykanku waxa uu doonaya inuu farsameeyo 100 xambo oo doyaaradan ah, mashruucan ayaana ku kacaya in kabadan 200Billion Dollar. Diyraada duqeymaha Fogfog ee B-21 waxa ay noqon doonta qayb muhiim ah oo ka mid ah “saddex xagalka Nukliyeerka” Maraykanka, kaas oo ka kooban kuwa laga soo tuuri karo dhulka, hawada iyo badda. Magaca diyaaradda B-21 “Raider” ayaa lagu sharfay weerarkii “Raider” ee ciidanada cirka Mareykanka dagaalkii labaad ee aduunka ay ka fuliyeen Tokyo 1942kii ee uu hoggaaminayay Gaashaanle Sare James Doolittle, oo ahaa weerarkii ugu horreeyay ee Mareykanka ku qaaday gudaha Japan ka dib howlgalkii la yaabka lahaa ee japan ay ka fulisay furadada kulaasha badda Pacifica ee Pearl Harbor. WQ/ Yahye Cabdullahi Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa la filaya in saacadaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.. Deni ayaa socdaalkiisa Muqdisho waxa uu qaadan doonna muddo laba maalin ah, waxaana lagu wadaa in kulama lagu xoojinayo xiriirka dowladda federaalka kala dhaxeeyo uu la qaato madaxda ugu sareysa dalka. Madaxweynaha Puntland ayaa Xamar kulama kula qaadan doona madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah saaxiibada caalamka inta uu ku sugan yahay. Qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka ku matala dowlad gobaleedka Puntland ayaa sidoo kale la filayaa in kulamada ay qayb ka noqdaan. Dhinaca kale wararka ayaa sheegayo in madaxweynaha Puntland uu taageero u raadinayo doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee lagu wado in xukuumaddiisa ay ka qabato deegaannada maamulka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com