Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Doha (Caasimada Online) – Garoonka 974 oo kamid ahaa garoomadii lagu ciyaarayey Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa la bilaabay burburintiisa kadib markii ay dhamaadeen qeybtii uu garoonkaas ku lahaa tartanka socda. Garoonka oo lagu dhisay 974 Konteenar oo ah kuwa shixnadaha lagu raro ayaa waxaa lagu qabtay 7 kulan oo kamid ahaa ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka socda dalkaasi Qatar. Shaqaalaha ayaa bilaabay inay kala furfuraan garoonka ku-meel-gaarka ah ee 974, ayada oo Ingineerada ay ku hagayaan sidii ay u kala qaadi lahaayeen garoonkaasi oo ku yaalla aagga Ras Abu Aboud ee magaalada Doxa. Waxaa xusid mudan in garoonka 974 ee furfuridiisa la bilaabay uu wato lambarka furaha telefoonka ee dalka Qatar. Garoonkaan oo qaadayey 40 kun oo qof ayaa ciyaartii ugu dambeysay marti-geliyey waxay dhex-martay Brazil iyo South Korea habeenkii Isniinta, taasi oo kusoo idlaatay 4-1. Koobka Adduunka ayaa hadda maraya meel gebo-gebo ah, iyada oo sideed waddan ay iskugu soo hareen wareega 6 dhamaadka oo bilaaban doona. Dalka Uruguay ayaa qorsheynaya inay dib u dhisato garoonkaan, iyada oo raaceysa qaab dhismeedkiisii ​​hore si uu uga mid noqdo garoomada marti-gelinaya ciyaaraha Koobka Adduunka ee sanadka 2030-ka. The post Sawirro: Qatar oo billowday burburinta mid kamid ah garoomadii Koobka Adduunka appeared first on Caasimada Online.
  2. Jubaland ayaa shaacisay in baaritaan madax-bannaan lagu samaynayo dilka Taliyihii Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke). Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in ay baaritaan madax-bannaan ku samaynayaan dilka marxuumkaas. Taliye Bakaal Kooke ayaa saqdii dhexe ee xalay lagu dilay qarax ka dhacay nawaaxiga degmada Luuq ee Gobolka Gedo xilli uu safar u sii ahaa dhinaca magaalada Doolow. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay marxuumka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo baaritaan madax-bannaan ku samaynaysa dilka Taliye Bakaal Kooke appeared first on Puntland Post.
  3. Morocco skipper Walid Regragui became the first ever African coach to take a team into the World Cup quarterfinals when his side beat Spain on penalties, despite only taking over the reins in August. Source: Hiiraan Online
  4. The Port of Bosaso, in the Puntland region in northeastern Somalia, will soon embark on a 12-month construction project. DP World and the Government of Puntland this week signed an agreement in Dubai for expansion and upgrade work at the port. Source: Hiiraan Online
  5. A delegation of Uganda Parliamentarians are on a five-day working visit to Somalia to assess the contributions of the country’s troops serving under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). Source: Hiiraan Online
  6. Somalia is grappling with its worst drought in 40 years, and it is taking a toll on women’s and girls’ reproductive and mental health. Source: Hiiraan Online
  7. Luuq (Caasimada Online) – Taliyihii Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan (Bakaal Kooke), ayaa lagu qarxiyay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka. Bakaal Kooke ayaa la sheegay in qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayay tuulada Suul-Alle oo 5 KM u jirta degmada Luuq. Bakaal ayaa ahaa taliyaha gacanta ku hayay ammaanka gobolka Gedo labadii sano ee lasoo dhaafay. Waxaa uu ahaa nin awood badan oo maamulka Jubbaland muddo dheer u diidannaa inuu ka howlgallo gobolka Gedo, wuxuuna taa badalkeeda toos uga amar qaadan jiray dowladda dhexe ee Muqdisho. Kooxda Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna intaas ku dartay in qaraxa sidoo kale uu ku dhaawacmay taliyihii hore ee NISA ee Baladxaawo iyo Doolloow Cabdullahi Kaniini. Dilkan ayaa imanayey saacado kadib markii garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ay ciidamada dharcadka NISA ay shalay ka hor istaageen inuu ka dhoofo siyaasi kasoo jeeda gobolka Gedo. Siyaasigan oo gacansaar la leh madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabaa Cabdillahi Cabdi Qariyow (Cabdillahi Shimbir), waxaana laga reebay diyaaradii uu la socday oo ku wajahneyd magaalada Beledxaawo. Waraka qaar ayaa sheegaya inuu siyaasigan u socday tacsida adeerkiis oo ku geeriyoday magaalada Beledxaawo, balse garoonka Muqdisho laga celiyay. Wararka ayaa sheegaya in tegista Cabdullaahi Shimbir ee gobolka Gedo uu didianaa NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke ee hadda geeriyooday oo gacansaar la lahaa agaasimaha NISA Mahad Salaad. The post Taliyihii hay’adda NISA ee gobolka GEDO oo la dilay appeared first on Caasimada Online.
  8. Kismayo (HOL) - The head of Somalia's National Intelligence and Security Agency (NISA) in Gedo region was killed Thursday in a land mine explosion. Source: Hiiraan Online
  9. Aqalka Golaha Wakiillada ee Maraykanka ayaa meel mariyey sharciga miisaaniyadda difaaca ee Maraykanka ee sannadka soo socda, kaas oo ku kacaya illaa $858 billion. Miisaaniyaddan la ansixiyey ayaa ka badan $45 bilyan oo dollar, intii ay hore u soo codsadeen xukuumadda madaxweyne Joe Biden. Sharcigan oo loogu yeero National Defense Authorization Act ama NDAA ayaa ah, sharci ay tahay in sannadkiiba hal mar la ansixiyo, kaas oo hagaya ama gundhig u ah, habka loo maamulayo miisaaniyadda tirada badan eek u baxda difaaca iyo danaha qaranka ee Maraykanka, waxaana maamula wasaaradda difaaca ee Maraykanka. Sharcigan waxaa ansixiyey 350 mudane halka ay ka soo horjeesteen 80 mudane, waxaana halkaas ka muuqata in ansixinta miisaaniyadda difaacu inay heshay aqlabiyad aad u sarraysa, waxaana haatan loo diray aqalka sare ee Senateka, si uu u ansixiyo, ka dibna madaxweynuhu u saxeexo. Miisaaniyadda difaaca ee Maraykanka ee sannadka 2023 ayaa qodobada ku jira ee la kordhiyey waxaa ka mida, in 4.6% kor loo qaaday miisaaniyadda ciidamada, iibsiga hubka, maraakiibta iyo diyaaradaha, iyo sidoo kale taageerada loo fidinayo Taiwan oo haatan waajahaysa gardarro uga imanaysa Shiinaha. Talaabadaas ayaa ku soo aadaysa xilli uu Ruushku duullaan ku qaaday Ukraine. PUNTLAND POST The post Golaha Wakiilada Maraykanka oo meel-mariyay sharciga miisaaniyadda difaaca appeared first on Puntland Post.
  10. Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Riyadh ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si uu uga qeyb-galo shirka Shiinaha uu la leeyahay Madaxda Waddamada Carabta iyo Afrika. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay Sacuudiga in uu kulama kala duwan la qaato doona masuuliyiin ka tirsan Boqortooyada, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Madaxda Carabta iyo kuwa Afrika ee shirkaas qeybta ka ah. Xasan ayaa madaxda uu la kulmayo kala hadli doona xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga, Bani-aadamnimada iyo deyn cafinta, maadaama ay madasha ku sugan yihiin qaar kamid ah waddamada deynta ku leh Soomaaliya. Hoggaanka Shiinaha ayaa si weyn u daneynaya in dalkiisa uu xiriir Ganacsi iyo mid amni la wadaago waddamada Carabta iyo Afrika si meesha looga saaro dowladda Mareykanka oo la rumeysan yahay inay awood ku leedahay. Shiinaha ayaa lagu wadaa in uu ballan-qaad u sameeyo waddamada Carabta iyo Afrika si u sameeyo soo jiidasho uu ku xoojin karo cilaaqaadka uu doonayo in uu la yeesho waddamadaan intooda badan u janjeera Mareykanka. The post Xasan oo gaaray Sacuudiga iyo ujeedka socdaalkiisa appeared first on Caasimada Online.
  11. UK Foreign Secretary James Cleverly says his country "wants to make sure" that the family of a Kenyan woman allegedly killed by a British soldier a decade ago gets justice. Source: Hiiraan Online
  12. KIGALI, Dec. 9 (Xinhua) -- Legislators from eastern African parliaments have called on regional governments to allocate more funding to agriculture and livestock farming in order to address food insecurity. Source: Hiiraan Online
  13. As drought grips the Horn of Africa region, tens of thousands of Somalis are crossing over into Kenya in search of water and food for their families. Source: Hiiraan Online
  14. President Museveni has elevated Maj Gen Francis Takirwa, who has been the commander of the Second Division, to the acting deputy commander of Land Forces. Source: Hiiraan Online
  15. Ahmed Rashid, a controversial Kenyan police officer facing murder charges over the 2017 killing of two suspected thieves, did not enter a plea in court on Thursday, as had been expected. Source: Hiiraan Online
  16. MOGADISHU, Dec. 8 (Xinhua) -- The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) said Thursday it has scaled up emergency cash transfers to respond to the drought emergency in the most drought-affected rural areas of Somalia. Source: Hiiraan Online
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug, mudane Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Galmudug, oo la horgeeyay guddiga madax-banaan ee doorashooyinka maamulkaasi. Shirka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, ayadoona warbixin laga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug. Intaas kadib waxay Golaha Wasiirada cod gacan taag ah u qaadeen ansixinta guddiga madax-banaan ee doorashooyinka Galmudug, kaasi oo lagu meel-mariyay cod aqlabiyad leh. Galmudug ayaa sidaas ku yeelatay guddiga doorashooyinka, oo ka kooban 7 Xubnood, kuwaasi oo kala ah; Xaliimo Ismaciil Ibraahim Dr Yaasiin Cabdi Jaamac Xersi Yuusuf Barre Khaliif Axmed Gabow Amiira Daahir Maxamed Maxamed Cabdi Shardi Cabdirashiid Cabdiraxman Axmed Xaliimo Yarey oo kamid ah xubnaha Guddigaan ayaa dhawaan laga qaaday xilkii Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka oo muddo dheer ay soo aheyd, waana haweeney sida la rumeysan yahay khibrad iyo aqoon badan u leh arrimaha la xiriira doorashooyinka. The post Maamulka GALMUDUG oo yeeshay guddi doorasho oo cusub iyo Xaliimo Yarey oo… appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil cumar Geelle, ayaa ka degay Magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu shirweyne uga furmayo Dalalka Carabta iyo Shiinaha “the summit of China and Arab countries”. Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna lagu wadaan inuu halkaas gaadho, si uu uga qayb galo shirkaas oo berri Jimce furmaya. Sidoo kale Madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Somalia ayaa la filayaa in ay Shirka Carabta iyo Shiinaha ee Sucuudiga, uga sii gudbaan Shirweynaha Mareykanka iyo Afrika ee 13 bishan isna furmaya. Qaran News
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa inuu toddobaadka soo socda tago magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe, halkaasi oo uu iminka wada-hadallo kula leeyahay madaxweyne Saciid Deni. “Madaxweyne Laftgareen iyo Wafdigiisa ayaa maalmo joogi doona Magaalada Garoowe isagoona kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu saraysa Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan Bulshada,” ayay tiri Madaxtooyada Koonfur Galbeed. Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa lagu micneeyay iskaashi ay yeelanayaan Dowlad Goboleedyada dalka, sida aan xog ku helnay. Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi ay ku kala kaceen fadhi ay ka yeesheen qadiyadda Koonfur Galbeed gaar ahaan doorashooyinka. Deni ayaa la sheegay inuu Xasan Sheekh xilligaas ka dalbaday inuu joojiyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Lafta-gareen ee mucaaradka Koonfur Galbeed ay ka wadaan Muqdisho, taasi oo Xasan oo diiday. Hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa laga yaabaa in wadahadaladooda kadib ay si wadajir ah ugu dhoofaan magaala madaxda Itoobiya ee Addis Ababa, balse ma cadda in Qoor Qoor uu isna raaci doono. The post Xog: Qoor Qoor oo Garoowe ku wajahan xilli uu ku sugan yahay Cabcasiis Laftagreen appeared first on Caasimada Online.
  20. Musharax Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxman Cirro Iyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Buurmadow) oo kamid ah madax dhaqameedka ugu Waawayn Kuwa Soomaalida ayaa kulan ku yeeshay Magaaladda Addis Ababa caasimadda Waddanka Itoobiya. Qaran News
  21. Dhaqanka Soomalida xagay kaga jirtaa inanta in ay Abtiyaasheed bixiyaan? Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan dalka Jabbuuti, ayaa ka qaybgalay Munaasibad dhaqan, waxaana dhaqanka Soomaalida ka mid ah in innanta ay bixiyaan Abtiyaasheed, sidaa daraadeed ayuu, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u bixiyey Marwo Haybado Ismaaciil Cumar oo uu dhalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo u wakiishay dhiggiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi bixinta innanta uu Abtiga u yahay ee maanta meherkeedu ka qabsoomay dalka Jabuuti. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Fannaanadda da’da yar ee Nasteexo Cabdikariin Axmed, balse loo garan og yahay Nasteexo Dayax, oo wakhti kooban ku jirta fanka ayaa ka mid ah habalha wakhtigan ugu caansan gabdhaha ka heesa magaaladda Muqdisho. Nasteexo oo u warantahay Barnaamijka muusigga iyo salaamaha ee BBC ayaa ka hadashay heesaha ay qaaddo oo u badan kuwo u janjeera dhanka jacaylka. Gabadhan markii ay dhammeysay dugsiga sare ayey fanka ku soo biirtay balse waalidkeed ayaa si adag uga hor yimid galitaankeeda fanka, inkasto ay ka dhabeysay qorsheeheedi ahaa inay heesto, basle wali qaar ka mid ah waalidkeed ayaan ilaa hadda ku farxsaneyn inay sii heesto. ‘’Qoyskayga raali kama aheyn, balse markii dambe hooyo waan iska maslaxay, waan sababay sababtoo ah hooyo wey naxariis badan tahay.” Go’aan ku saabsan fanka Naxteexo Hase yeeshee, Naxteexo waxay sheegtay in aabeheed uu ka biyo diiday xirfaddeeda fanka, xal kalena ay weysay, sidaas awgeedna ka tanaasuleyso fannaanimada. “Laakin aabahay ilaa hadda wuu ka soo hor jeedaa inaan fannaan sii ahaahdo, Isaga dartii ayaan uga baxayaa fanka,” ayey tiri Nasteexo Dayax. Lacag intee la eg ayey heshaa? Fannaanad Nasteexo Dayax ayaa sheegtay arrin ay ugu duwan tahay fanninta kale. Qaar badan oo horay ula hadalay Barnaamijka muusigga iyo salaamaha ee ka baxa Bbc ayaa sheegay in aanay wax qarash ah ka helin fanka, marka laga yimaado caanimo uun. Balse hoboladdan da’da yar ayaa sheegtay inay fanka ka hesho lacag badan markii ay ka qayb gasho dhowar xafladood halkii habeen. “Marka aan isu maro dhowr xafladood waxaan helaa lacag u dhiganta kun ilaa kun shan boqol oo doolar ($1500), dadka dhahaya lacag lagama helo fan aniga waan ka soo hor jeedaa, inkasto oo aniga aan shaqooyin kale qabto, oo fanka kaliya aanan ku tiirsaneyn,”ayey tiri Nasteexo Dayax. Fannaanad Nasteexo Dayax ayaa sheegtay arrin ay ugu duwan tahay fanninta kale. Qaar badan oo horay ula hadalay Barnaamijka muusigga iyo salaamaha ee ka baxa Bbc ayaa sheegay in aanay wax qarash ah ka helin fanka, marka laga yimaado caanimo uun. Balse hoboladdan da’da yar ayaa sheegtay inay fanka ka hesho lacag badan markii ay ka qayb gasho dhowar xafladood halkii habeen. “Marka aan isu maro dhowr xafladood waxaan helaa lacag u dhiganta kun ilaa kun shan boqol oo doolar ($1500), dadka dhahaya lacag lagama helo fan aniga waan ka soo hor jeedaa, inkasto oo aniga aan shaqooyin kale qabto, oo fanka kaliya aanan ku tiirsaneyn,”ayey tiri Nasteexo Dayax. The post Fannaanad shaacisay tirada lacagta ay hal habeen ka hesho FANKA Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  23. Waan ogahay oo dhaqanka reer Djibouti inanta abtigeed ayaa bixiya ee ma abti kale oo Haybado bixiya ayaa la waayay? Maya lama waayin oo Djibouti reer abtigeed wuu buuxa oo xoghaya guud ee madaxtooyada Djibouti ba (Cabinet secretary general), Almis Maxamed Hure, waa inanta abtigeed laakiin abti lama rabin ee fursad kaloo reer Somaliland irbadii suuxitaanka la inoogu sii dheereeyo oo suuxitaanka kusii jirno ayeey heleen oo markaa Ismaaciil ka faa’idaystay. Abtiga la jecelyahay dalkiisana waa la jeclaada laakiin Ismaaciil isna wuu ogyahay ana waan ogahay in qof dalkaaga jecleyn oo jiritaankiisa kasoo horjeeda aanad sinaba u jeclaan karin ee shaxdan uu maanta ciyaaray siyaasad ugala jeedo. Nasiib daro se Muuse Biixi iyo in badan oo reer Somaliland ahoo qiiro jabaantu hagto, in kalgacal iyo soo dhawayn loogu dooray in uu inantaa bixiyo ayeey u haystaan. Inanta abti waan u ahay oo habkii qabiilka ee aad u fikir jirteen marka laga hadlaayo 4 ayaanu kala tirsana aniga iyo Khadra Maxamuud Xayd laakiin abtinimada qaranimada ayaa ka wayn oo anigu xitaa hambalyeen maayo waayo Ismaaciil iska daayo inaadeertay waligeed ismay odhan bal orodo dalkan aabaha kasoo jeedo soo eeg oo u hiili! Aniga role model kayga siyaasadu waa, ilaahay ha u naxariiste, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo ay u kala socneyd qaranimada Somaliland iyo waxa qabiil ahaan la isku yahay qoyska Djibouti ka taliya iyo dadka reer Djibouti ba. Waxa aad u xiiso badan oo qofkii maqla qaranimadu waxa ay tahay baraya, sheeko uu ka sheekeeyay Cabdilqaadir Jirde. Wuxu yidhi: “Waxa noo yeedhay madaxwayne Cigaal oo wuxu naggu wargaliyay in dakhli yaraani jirto oo miisaaniyadi isdhintay (budget deficit) isagoo markaa talo na waydiinaya”. Wuxu yidhi Cabdilqaadir: ” Waxa aanu ku nidhi hantida ma guurtada ah ee qaranka hala iibiyo si halkaa dakhli ugasoo xaroodo, dabadeedna Cigaal wuxu noogu jawaabay dadkeenu lacag ay hantida qaranka ku iibsadaan ma haystaan ee 4 nin oo reer Djibouti ah ayaa wakhtigan xaadirka ah iibsan kara kuwaana ka iibin mayno”. Hada u fiirso, 4-ta nin ee reer Djibouti ee uu Cigaal sheegayay qabiil ahaan way is-xigeen laakiin isagu xagga uu ka eegayay ama waxa uu u arkayay dad Qaran kale kasoo jeeda sidaa daraadeedna dadka hantida qaranka ee la iibinayo ka faa’idaysanaya in ay Somalilanders noqdaan ayuu rabay. Qaranimadu waa taa ee ilaahay ha garansiiyo reer Somaliland oo uu Muuse Biixi u horeeyo. Waxa qoray Id Hassan Musa Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahne Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, Axmed Jumca Alromaith. Duqa magaalada Muqdisho ayaa ballan-qaad culus ka helay danjiraha Imaaraadka, kaas oo uu ugu sameeyay kulanka ay wada yaasheen labada mas’uul. Ugu horreyn guddoomiye Madaale ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay garab istaaga iyo taageerada ay xilliyada adag siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay qorshaha dib loogu furaayo Isbitaalka Sheekh Zaaid ee ku yaala degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Dhankiisa danjire Alromaith oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo uu ka dhacay kulanka uu la yeeshay Madaale, isaga oo ku amaanay sida ay uga go’an tahay horumarinta caasimada dalka. Waxa kale oo uu danjiruhu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab, iyo sidii Imaaraadka uu gacan ugu geysan lahaaa qorshayaasha horumarineed iyo isku xirka labada caasimadood. Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh dowladda federaalka, wuxuuna dalka ka fuliyaa mashaariicyo horumarineed. The post Muxuu yahay ballan-qaadka uu safiirka Imaaraadka ka sameeyey Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Isku-duwaha gargaarka bini-aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si weyn uga digay wuxuu ugu yeeray “xaalad deg-deg ah oo masiibo ah oo ka dhici karta Soomaaliya.” Waxa uu sheegay in kala bar dadka ku nool Soomaaliya ay saameeysay abaaraha soo noqnoqday, ayada oo ku dhawaad 6.7 Milyan oo kale ay halis ugu jiraan inay soo wajahdo cunto la’aan iyo amaan daro, sida uu sheegay. “Ku dhawaad 7.8 milyan oo Soomaali ah, oo ah ku dhawaad kala bar dadkeeda, ayaa waxaa saameeyay abaarta. Ku dhawaad 1.3 milyan oo qofna waa ay barakaceen tan iyo Janaayo 2021. 6.7 milyan oo qof ayaa la filayaa in ay soo wajahdo heerar sare oo cunto la’aan ah & ammaan darro, taasi waa dhamaadka sanadka soo socda,” ayuu yiri Adam Abdelmoula, Isku-duwaha gargaarka bini-aadantinimo ee QM ee Soomaaliya. Isku-duwaha oo ka hadlay kulan ay wada-qaateen QM iyo Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya uusan si wanaagsan uga da’in roobabkii shanaad oo xiriir ah. Tirakoob la sameeyay ayaa muujinaya in tirada dadka ku nool Soomaaliya macaluusha ka hor ama ku dhow xaaladaha macaluuleed ay korortay shan jeer tan iyo bilowgii sannadkan 2022-ka. “Barakaca gudahana waa uu socdaa, colaadda kheyraadka yari waxay si khatar ah u saameynaysaa nabadda iyo amniga. bulshada iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya,” ayuu yiri. Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ugu dambeyntiina ku nuux-nuuxsaday khatarta ka imaan karta xaaladda amni ee dalka Soomaaliya. The post Qaramada Midoobe oo ka digtay xaalad deg-deg ah oo ka dhici karta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.