-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaaladii gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo maanta kooxda laga xoreeyey deegaano badan. “Maanta waxaan Khawaarijta ka saarnay deegaano muhiim ah, waxaana soo gaaray jab xoog leh, Jiinka Wabiga, gaar ahaan aagga deegaanka Cali Fooldheere oo ah dhul keyn ah ayuu ciidanku ku weeraray, maanta dhulkii howdka ahaa ayaa laga saaray Khawaarijta,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dhowr iyo labaatan Shabaab ah lagu dilay howlgalladii maanta, sidoo kalena hub laga soo furtay kooxda, “Aagga Aadan-yabaal waxaa jira deegaano lagu weeraray argagixisada, waxaana lagu gaarsiiyey jab xooggan,” ayuu yiri. Taliye Odawaa oo wareysigaan siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay ay Al-Shabaab gaarsiiyeen khasaare aad u baaxad weyn, maadaama dhowr goobood ay isku fara-saareen ciidanka dowladda. “Kumanaan ayaan dilnay bilaha kooban ee dagaalkaan uu socdo, sidoo kale tiro badan ayaa isku soo dhiibtay gacanta dowladda,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa oo ku sugan magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Taliyaha ayaa sheegay in guulo waaweyn laga gaaray qorshaha ay doonayaan in Al-Shabaab looga xoreeyo dhulka HirShabeelle iyo Galmudug, isagoo aad ugu mahad celiyey shacabka deegaanka ee hubka qaatay. “Sida aan indhaheena ku aragnay nimankaas argagixisada ah deegaanadii aan ka xoreynay wax nolol ah oo ka jirta malaha, hadii aan cadowga ka xoreyno, dowladda ayaa soo gaarsii doonta adeegyada aas-aasiga u ah nolosha dadka,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Dhageyso: Jeneraal Odawaa oo shaaciyey in Shabaab badan la laayey maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, waxaa ay maalintii 2aad ku qabatay caasimadda Muqdisho kulanka Dib u eegista Hannaanka Dhab u Heshiinta Qaran. Kulanka waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin kala socda dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Caydaruus Macallim oo daahfuray ayaa ku booriyey ka qeybgalayaasha in ay wax biiriyaan howlaha socda isaga oo yiri “Maanta waa maalintii 2-aad ee kulanka Dib u eegista Hannaanka Dhab u Heshiinta Qaran, shalay doodo muhiim ah ayaa halkan ka dhacay, waxaan filaa natiijooyin qurux badan in ay kasoo bixi doonaan, waxaan idiinka mahadcelinayaa inaad wax ku biiriseen horusocodka waddanka”. Kooxo kala duwan ee ka tirsan qeybgalaya kulanka Dib u eegista Hannaanka Dhab u Heshiinta Qaran ayaa goobta kusoo kusoo bandhigay xalka ugu wanaagsan ee dhab u heshiinta. Arrimaha ay ka hadleen waxaa ka mid ah sida ay tahay dhab u heshiinta, is cafinta, wacyigelinta, cadaaladda, kaalinta bulshada, doorka dowladda iyo maamullada iyo arrimo kale. Dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Aadan Cabdulahi Barre oo ka socda bulshada rayidka isaga oo ku dheeraaday arrimaha dhab u heshiinta. Aaadan oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxa laga hadlayo waxaa waaye dhab u heshiisin, su’aashu waa goorma ayaan gaari karnaa? Soomaaliya haddii aan nahay tuugga garab ayuu leeyahay, tol garab ayuu leeyahay, haddii taas laga gudbo dhab u heshiisiin ayaa la gaari karaa. Dhab u heshiisiin waxaa la garaa marka la helo dib u heshiisiin, waayo haddii uusan khilaaf jirin lagama hadli laheyn dhab u heshiiin ama dib u heshiiin. Aadan Barre, waxaa uu soo jeediyey in la sameeyo tiirnaayo bixin isaga oo kayiri“Dhibbanaha inta uu cuqdadeysan yahay, oo aan la turxaan bixin dibka lagama baxo, turxaan bixin la’aan yaan dib u heshiisiin loo gudbin, waa in dhibanaha tixgelino qofka, qabiilka iyo qoyska, muhiimadda waa turxaan bixin, oo runta la isu sheego, oo la is cafiyo” Waxaa intaa ku daray “Khilaafka marka uu dhaco, waxaa uu baahanyahay (1). In la falanqeeyo oo la ogaado dadka uu u dhaxeeyo, (2). In la ogaado ma mid umadda isu keenaya mise mid kala geynaya. (3). In Cadaalad la helo. Khilaafka ugu badan waa mid dabiici ah iyo aan sababteeda leenahay, kuwa dadka sababaan waxaa ka mid ah qabyaalad, faquuq, isweyneysi iyo kufsi. Barre, waxaa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey “Soomaaliyey, haddii wixii hore aan la iloobeyn, oo aan bog cusub la fureyn dhab u heshiisiin lama gaarayo, waayo barnaamijkan dhab u heshiisin waa mid muhiim ah waxaa u baahan heer qaran, heer deegaan ilaa heer qoys. Cabdiqaadir Shirwac oo ka socday wasaaradda gashaandhigga ee XFS ayaa waxaa uu sheegay in dhab u heshiinta ay u baahan tahay qeexid isaga oo intaa raaciyey “ ka wasaarad gashaandhig ahaan waxaa kala shaqeyn doonaa wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta arrimaha xasillinta iyo dhab u heshiinta, waxaa muhii ah in la qeexo, oo la sheego yaa muhiimadda leh iyo weliba in qorshaha lagu daro deegaannada la xoreeyey qaabkii adeegyo loogu heli lahaa. Dhankiisa, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, guddoomiyaha hay’adda culimaa’diinka Soomaaliyeed waxaa uu ka hadlay diinta islaamka iyo arrimaha dhulka isaga oo yiri “Soomaali waxaa ay isku heysto waa lahaanshiyo dhuleed qof ama qabiil iyo isku heysi maamul, marka dhul la yiraahdo waa in diinta lala aado, dhulka ilaah ayaa abuuray, oo iska leh, banii’aadam ayaa loogu talogalay, midda kale dhulka cidda lahaan kartaa waa labo qof ayaa lahaan kara dhul, beer ama shirkad, dowlad iyo maamul dhul ayuu yeelan karaa. Qabiil dhul ma lahaan karo, dhulkan qabiil ayaa iska leh diin ahaan waa qalad, qofkii raba ayaa daaqsiin ku sameysanaya iyo cabitaan ku leh”. Agaasimaha waaxda federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdinaasir Xaaji Maxamed ayaa sheegay in federaalka uu ka dhigan yahay wadajir iyo heshiis ee aanu khilaaf shaqo ku laheyn isaga oo yiri “Nidaamka federaalka ee doodaha laga dhawaajiyey inuu qeyb ka yahay khilaafka, federaal horta waa wadajir iyo heshiis, heshiisna waxaa geli kara labo qeyb iyo saddex, innaga uguma horreyno 38 dal ayaa ku caanomaashay, waa nidaam ku dhisan wada hadal joogta ah, hey’adaha dowladda ayaa laga rabaa in ay fuliyaan howlaha dhab u heshiisiinta, oo bulshadana ay qeyb ka qaataan”. Maamo Caasho Siyaad oo iyadana goobta ka hadashay ayaa sheegtay kaalinta haweenka iyada oo tiri “Kaalinta dumarka ee dib u heshiisiinta waa muhiim, dumarka siyaasiyiin ayey leeyihiin, waxgarad ayey leeyihiin, marka waa in ay talada wax ku yeeshaan, khilaafyada aan soo marnay marka ay labada dhinac miiska iman waayeen, gabdho ayaa isku keenay sida Galkacyo ka dhacday, marka waa in gabdhaha ay kaalin ku lahaadaan dhab u heshiisiinta” Wasaaradda haweenka ee XFS oo warbixin kusoo bandhigtay kulan dib u eegista hannaanka dhab heshiinka ayaa lagu qeexay doorka haweenka ee dhab u heshiisiinta, waxaana ku jirtay in xilliga khilaafkaadka ay haweenku qaataan kaalinta ragga ee daryeelka qoyska, ka badbaadinta bulshada ee qaxa, ka qeybgalka dibadbaxyada nabadda, nadaagadda iyo bilicda deegaanka, iyaga oo kusoo gabagabeeyey in ay diyaar u yihiin ka qeybqaadasha madal kasta oo looga hadlayo masiirka umadda Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo ka hadlay kulanka dib u eegista hannaanka dhab u heshiiska ayaa madasha ka sheegtay in Soomaaliya aaney ka jirin khilaaf diini ah, isla markaana aan loo baahneyn in lagu kala tago arrimo noocaas ah. “Hirshabelle waxaa ay fulisay dadaallo badan oo dib u xorreyn iyo ladagaalanka Khawaarijta ah. Marka aan soo afjarno, waxaa noo qorsheysan hindisayaal badan oo lagu xaqiijinayo dib usoo kabashada iyo dhab u heshiisiinta”, waxaa ay hadalladiisa ka mid ahaayeen Cali Maxamuud Absuge, sii hayaha agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle. Sheekh Cabdiqani Qorane oo u hadlay Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa madasha dib u eegista hannaanka dhab u heshiinka qaran ka sheegay in takoorka, gaar ahaan guurka uu yahay arrin dhibaato ku ah dhab u heshiiska, waxaa uuna soo jeediyey in takoorka laga istaago halka ay ka joogto diinta Islaamka. Dhanka dhaqanka, oo iyaguna hadal kasoo jeediyey ayaa sheegay in ay taageersan yihiin baaqii wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ee dhab u heshiiska, iyaga oo ku guubaabiyey in la sii wado tashiga noocan ah ee Soomaalida dhexdeeda ah. Inta uu maanta socday kulanka Dib u Eegista Hanaanka Dhab u heshiiska, waxaa fadhi gaar lagu falanqeeyey Geedi socodka dhab u heshiinka iyo ka qeybgalka bulshada. Waxaana ka qeybgalay gobolka Banaadir, wasaaradda haweenka iyo qeybo ka mid ah bulshada sida , odeyaasha, dhalinyarada iyo haweenka. Arrimaha kale ee kasoo qeybgalayaasha kulanka ay xoogga saareen waxaa ka mid ahaa arrimaha xuduudaha dhulka, dhameystirka dastuurka, laga hadlo arrimaha qabyaaladda, sida ay maamul baahinta qeyb uga qaadan karto dib u heshiisiinta, ka qeybgalka bulshada qeybaheeda kala duwan. Berri ayaa lagu wadaa in kulamaddan Dib u Eegista Hanaanka Dhab u Heshiinta lasoo gabagabeeyo, iyada madasha ay kasoo qeyb geli doonaan mas’uuliyiin ka tirsan labada heer ee dowladda, gobolka Banaadi, bulshada rayidka iyo xubnaha beesha caalamka Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay 51 qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku eedeysan inay dhac ka geysanayeen degmooyinka magaalada Muqdisho. Sidoo kale dadkaan qaar waxaa loo heystaa inay ka garansanayeen waxyaabaha maanka-dooriya iyo farsamooyin kale oo ay wax ku dhici jireen, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka booliska oo shir jaraa’id qabtay. “Howlgal soo bilowday 5-tii bishaan waxaa lagu soo qabtay 51-qof oo halkaan aan ku soo bandhignay, dadkaan waxay isugu jiraan, kuwo dadka dhacayey, kuwo ku eedeysan inay dhac geysa rabeen iyo kuwo ka ganacsanayey daroogada,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali. Degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Deyniile, Wadajir, Yaaqshiid, Wardhiigley, Dharkenley iyo Kaaraan ayuu sheegay afhayeenku in dadkaan laga soo kala qabtay, isagoo shaaciyey degmo kasta inta laga soo qabtay, waxaana dadka ugu badan laga soo qabtay Yaaqshiid. “Afar qof oo maxkamadda aan ku wareejinay waxay ku eedeysan yihiin inay ahaayeen burcad ku heshiisay inay waalidka lacag madax-furasho ah ka qaataan, iyagoo iska dhigaya in la afduubtay, waa farsamo yaab leh, waana fashilinay,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska. Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay inay dhalinyaradaan ku wareejinayaan hey’adaha garsoorka, si loo maxkamadeeyo, halka howlgalladuna ay sii soconayaan, si nabad looga dhigo magaalada. “Hadii aan cid u ogolaaneyno inay dadkeena dhibaateyso, Khawaarij dagaal lama galneen, marka ciyaal weero iyo Shabaab isku si ayaan ula dagaalameynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sadiiq Doodishe. Hoos ka daawo The post Daawo: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay 51-qof oo wajahaya eedeymo culus appeared first on Caasimada Online.
-
Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab uu maanta ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Mahadaay. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerareen deegaanada Obaale iyo Nasuur oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Kabtan Abuukar Axmed Taqi oo kamid ah Saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in khasaaraha u badan uu gaaray Shabaabka, kaasi oo leh dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada huwanta ay nolol ku qabteen Afar kamid ah xubnaha Shabaabka ah ee dagaalka kala dhaxeeyay, kuwaasi oo midkood uu yahay dhaawac, sida uu sheegay. “Wax khasaare ah oo shacabka soo gaaray illaa hadda ma hayno. Nimankaan (Al-Shabaab) waad ogtahay meesha ay soo galaan waa ka qaxaan oo waa ka cararaan. Markaa shacab aan xooga badneyn waa joogaan magaalada, dagaalkana waxa uu ahaa magaalada afaafkeeda ee ma aheyn gudaheeda,” ayuu yiri. Kabtan ayaa tilmaamay in qorshahooda uu yahay inay kooxda Al-Shabaab ka nadiifiyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka, si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan nabad buuxda oo ay ku noolaadan. Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay kala wareegeen deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen. The post Dagaal ka dhacay Mahadaay iyo xubno Al-Shabaab ah oo nolol lagu qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaalka Ruushka ee Ukraine, qalalaasaha Haiti iyo rabshadaha sii kordhaya ee kooxaha jirrida ah ee Mexico ayaa gacan ka geystay korodh 30% tirada suxufiyiinta lagu dilay gudashada waajibaadkooda sannadkan 2022 marka loo eego sannadkii hore, sida lagu sheegay warbixin cusub oo la sii daayay Jimcihii. Ururka caalamiga ah ee suxufiyiinta ayaa sheegay in sannadkan 67 suxufi iyo shaqaale warbaahin ah lagu dilay caalamka, halka sannadkii hore la dilay 47 suxufi. Kooxda fadhigeedu yahay Brussels ee IFJ ayaa tira-koob ku heshay in 375 saxafi ay hadda u xidhan yihiin sababo la xidhiidha shaqadooda, kuwaas oo intooda badan ku xidhnaa Shiinaha, Myanmar iyo Turkiga. Warbixintii sannadkii hore ayay tirada suxufiyiinta xabsiga ku jirta aheyd 365. Iyadoo tirada shaqaalaha warbaahinta ee la dilay ay sii kordhayso, ayaa ururka IFJ waxay ugu baaqeen dowladaha inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo la taaban karo, si loo ilaaliyo suxufiyiinta iyo saxaafadda xorta ah. “Ku guuldarreysiga in tallaabo la qaado, waxay kaliya dhiirigelin doonaa kuwa doonaya inay xakameeyaan qulqulka macluumaadka xorta ah, waxayna wiiqayaan awoodda dadka si ay ula xisaabtamaan hoggaamiyeyaashooda, oo ay ku jirto in la hubiyo in kuwa awoodda iyo saameynta leh aysan u istaagin dariiqa furfurnaanta iyo isku-dhafka,” ayuu ku yidhi bayaan uu soo saaray Xoghayaha guud ee IFJ Anthony Belanger. Suxufiyiinta sannadkan dhintay ayaa 12 ka mid ah lagu dilay dagaalka ka socda Ukraine, sida ay sheegtay IFJ. IFJ ayaa sidoo kale cambaareysay toogashada weriyihii Al-jazeera Sherine Abu Akleh, oo kasoo warami jirtay Falastiin, iyada oo toddobaadkan, shabakadda warbaahinta Carbeed ee Al-jazeera ay si rasmi ah uga codsatay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC inay baadho dilkeeda. Source
-
Dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Mareykanka ayaa dhawaan waxa ay codsan karaan xaalad ilaalin ku meel gaadh ah oo u oggolaaneysa inay Mreykanka si ku meel gaadh ah u sii joogaan. Qorshahan oo ay ku dhawaaqday Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka bishii Oktoobar ayaa lagu wadaa inay dhaqan gasho maalinta Isniinta ah ee berri. Source
-
Jowhar (HOL) - Authorities in Jowhar have confirmed that two people were killed in Sunday's landmine blast outside of Jowhar. Source: Hiiraan Online
-
Doolow (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey) oo maanta qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in garoomada gobolka Gedo aysan kasoo degi karin Madaxda ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland. Guddoomiye Lafeey ayaa sheegay in masuuliyiinta dowladda federalka iyo maamulka Jubbaland ee isku daya inay yimaadaan deegaanada gobolkaasi uu amray in dib loo celiyo. Sidoo kale waxa uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya arrimaha gobolka Gedo uu isagu masuul ka yahay, oo lagala xariirayo, inkasta oo uusan sheegin cidda awoodaas siisay. Lafeey ayaa la sheegaya in uu gacan-saar la leeyahay saraakiisha ciidamada Itoobiya ee gobolka Gedo, uuna taageero weyn ka haysto. Arrintaan ayaa uga sii dareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ka taagneyda gobolka Gedo kadib geeridii taliyihii hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) ee gobolkaasi Bakaal Kooke oo qarax ku khaarajisay Al-Shabaab. Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ragaadiyay khilaaf ku saabsanaa awooda gobolka oo Itoobiyaanka ay dhex-dhexaadin ka wadeen. Maalmo ka hor unbey aheyd markii garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ay ciidamada dharcadka NISA ka hor istaageen inuu ka dhoofo siyaasi kasoo jeeda gobolka Gedo. Siyaasigan oo gacansaar la leh madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabaa Cabdillahi Cabdi Qariyow (Cabdillahi Shimbir), waxaana laga reebay diyaaradii uu la socday oo ku wajahneyd magaalada Beledxaawo. The post Madaxda DF iyo Jubaland ‘oo laga mamnuucay’ Gedo appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Can we deliver effective customer experience (CX) in the era of remote work? While the shift to remote work has negatively impacted the customer experience (CX), leveraging the right technologies and strategy can help you to match increased customer expectations Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, December 1, 2022/ — In the past few years, the world has undergone a significant change, as dealing with the challenges of the pandemic has led to a proliferation of remote and hybrid working models. More pertinently, these models are clearly here to stay, benefiting as they do both workers, who value the flexibility they offer, and companies, that now have a much wider access to talent. One area particularly impacted by the shift to remote work is customer experience (CX), which is viewed as the new battlefield for business. This is due to the fact that the increased adoption of digital technology has also fundamentally altered the nature of customer service. Customers are more sophisticated they can research everything on the internet and get the pricing from many online sites and therefore they have far greater expectations than in the past and you have to earn their trust and patronage by differentiating the relationship. Customers demand consistent, rapid (instant gratification) , and personalised experiences, delivered across all the different channels they choose. It is worth noting, says Yaron Assabi, Founder and CEO of Digital Solutions Group (DSG), that a recent survey suggests that customer expectations have also changed, with some 73% of customers claiming to use multiple channels to engage with their favourite brands. “More crucially, 80% of customers indicate they would be more loyal to a brand that offers a personalised experience, while 80% also state that speed, convenience, knowledgeable help and friendly service are crucial to CX,” he adds. “Of course, while the customer expectations are of a unified and effortless experience, the reality is very different. CX in today’s digital environment can be complex, fragmented, and is often still a manual process.” Assabi points out that the same survey notes that 70% of customer decisions were based on how they feel they were being treated and understood. Conversely, 80% of B2B salespeople suggested that customer relationships were weaker in today’s digital-first world. “It is a clear problem when the majority of customers are making purchases based on their experiences, but the organisation’s agents are struggling to build virtual relationships. The answer is to more effectively empower your employees, which should lead to delighted customers – and delighted customers drive business growth.” “The best way to empower your people is to focus strongly on building a company culture that has a relentless focus on the client. At the same time, management needs to ensure that employees are kept happy by enabling them to do what they need to do, through the implementation of the right technology systems.” Ultimately, he adds, your employees’ ability to deliver an exceptional CX to customers requires powerful applications. These, in turn, need a strong platform (https://bit.ly/3XKQQJL) that can deliver actionable insights aimed at achieving a specific outcome for the customer. “Too often, businesses find they have fragmented systems, that by their nature tend towards complexity over time. Most companies adopt an add-and-integrate approach, such as when adding solutions for specific channels like Instagram or WhatsApp, in order to meet their customers on these new digital channels. However, ‘bolting on’ solutions after the fact can easily lead to poor experiences for customers and negatively impact the productivity of employees, not to mention incurring higher costs for the business,” he explains. “One of the best ways to improve the CX and offer staff a more effective way of getting their jobs done is by leveraging process automation. This reduces human errors, speeds up processes and makes for a more efficient CX. Of course, this approach requires customers to interact with machines in the same way as two people might interact – leading to the rise in importance of speech and voice interfaces.” Assabi is quick to highlight that while the concept of interactive voice response (IVR) technology is a good one that can make customer interactions simpler and faster, the challenge the African continent faces – and one highlighted perfectly by SA’s own 11 official languages – is that IVR has not yet effectively adapted to local African languages. And, he questions, doesn’t a critical part of providing a great customer experience include enabling them to interact in the language of their choice? “The good news for Africa is that – despite the obvious challenges around developing a natural language IVR solution to meet the needs of a multi-lingual country – much progress has been made to adapt IVR solutions to enable native language solutions. In fact, DSG is poised to make an announcement around this very subject in the near future.” “The other vital technology solution to implement that can help your business to deliver an exceptional CX is that of advanced analytics. Data is considered to be the new gold, and through deep data analysis, you will be able to gain significant insights. Complaints are the best source of business intelligence. Turning insight to action and reinventing your business based on customer feedback is a winning formula. We love #DoingSomethingGreat @ DSG so we want to help grow your business by innovating the customer experience ,” concludes Assabi. SOURCE Digital Solutions Group Qaran News
-
Garissa (Caasimada Online) – Booliiska ismaamulada Wajeer iyo Garissa ee dalka Kenya ayaa gacanta ku haya lix qof oo ajaanib ah oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab. Arrintan ayaa timid iyadoo Kenya ay kordhisay howlgallada ay ka waddo xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, kaddib markii Soomaaliya ay billowdeen howlgallo ka dhan ah Alshabaab. Booliska ayaa sheegay in lixda qof si gaar ah loo soo qabtay xilli ay isku dayayeen in ay u baxsadaan Kenya. Kooxda Alshabaab ayaa xubno ka qorta Tanzania, Kenya, iyo Ethiopia iyagoo u ballan qaadaya mushaar aad u badan, balse marka ay yimaadaan xerooyinka tababarka ayay beddelaan maskaxdooda, sidaasi waxaa yiri sarkaal katirsan dowladda Kenya. Yuusuf oo 38 jir ah oo u dhashay Tanzania ayaa bishii November lagu xiray magaalada Liboi ee ismaamulka Garissa, halka saddex ka mid ah asxaabtiisa ay baxsadeen. Nuur Cismaan Chawo, Suleymaan Kaduu Shaale, Maxamed Cabdulqaadir Jibich, Ridwaan Xaaji Cabdulbaasir, iyo Anwar Jamaal Xaajiwadow ayaa booliska u sheegay in la qoray oo loo qaaday Soomaaliya si ay tababar ugu qaataan oo uga dagaalamaan meelo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan. Booliska ayaa sheegay in ay si gaar ah isha ugu hayaan xaaladda Soomaaliya, isla markaana ciidamo badan oo ammaanka ka tirsan la geeyay xadka. Isha: HOL The post Lix ajnabi ah oo Al-Shabaab kasoo baxsaday oo la qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shaaciyay xiliga ay deegaanada Somaliland ka bilaabaneyso diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka. Madaxweyne Biixi ayaa xeer madaxweyne kusoo saaray in 28-ka bishaan ay bilaaban doonto diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka, xili aan weli heshiis siyaasadeed laga gaarin khilaafkii doorashooyinka. Hoos ka aqriso wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 18/122022 uu ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 18/122022 Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020; Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Markaan Ku-qancay: Soo-jeedinta wakhtiga qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka; Waxaan Go’aamiyey; In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland The post Muuse Biixi oo shaaciyay xilliga ay Somaliland ka bilaabaneyso diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha appeared first on Caasimada Online.
-
Ururka caalamiga ah ee suxufiyiinta ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in sannadkan 67 suxufiyiin iyo shaqaale warbaahineed ah lagu dilay caalamka, halka sanadkii hore la dilay 47 suxufi. Dagaalka Ruushka ee Ukraine, qalalaasaha Haiti iyo rabshadaha sii kordhaya ee kooxaha jirrida ah ee Mexico ayaa gacan ka geystay koror 30% tirada suxufiyiinta lagu dilay gudashada waajibaadkooda sanadkan 2022 marka loo eego sannadkii hore, sida lagu sheegay warbixinta. Ururka fadhigiisu yahay Brussels ee IFJ ayaa tira-koob ku heshay in 375 saxafi ay hadda u xiran yihiin sababo la xiriira shaqadooda, kuwaas oo intooda badan ku xirnaa Shiinaha, Myanmar iyo Turkiga. IFJ ayaa si gaar ah u cambaareeyay toogashada weriyihii Al-jazeera Sherine Abu Akleh oo ka soo warami jirtay Falastiin, iyada oo toddobaadkan, shabakadda warbaahinta Carbeed ee Al-jazeera ay si rasmi ah uga codsatay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC inay baarto dilkeeda. PUNTLAND POST The post Warbixin laga soo saaray Tirada Suxufiyiinta sannadkan 2022 lagu dilay Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Boqolaal ka tirsan ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa maalihii ugu dambeeyay la geeynayay magaalooyinka ku teedsan xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya. Kenya ayaa si dhow isha ugu haysa gulufka dagaal ee ay wado dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga saaray deegaano horleh oo gacantooda ku jiray sanado badan. Xukuumadda Nairobi ayaa waxay cabsi weyn ka qabtaa xubnaha Shabaabka ah ee ka baxsanaya weerarada ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka Kenya. Deegaanada ku teedsan xuduudka ayaa si weyn looga dareemayaa qul-qulka ciidamada Kenya, kuwaasi oo halkaasi loo geeyay feejignaan dheeri ah oo laga muujinayo Al-Shabaab. Tan iyo markii ay billowdeen howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ee iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxa kooxda looga xoreeyay deegaano badan oo gacanta ugu jiray. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe inta badan kasii firxanayay deegaanada ay duulaanka ku yihiin ciidamada huwanta, taasi oo muujineysa awood darada soo wajahday iyo inaysan u babac-dhigi karin dagaalka ku socda. The post KENYA oo cabsi xooggan ka qabta arrin ka dhalan karta dagaalka kooxda Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
-
A Burlington man accused of killing another resident of the city, Abubakar Sharrif, last weekend pleaded not guilty to second-degree murder charges in court Friday. Source: Hiiraan Online
-
The world is becoming increasingly complex and turbulent, with the once-in-a-century pandemic and the Ukraine crisis continuously simmering and non-traditional security threats such as terrorism, climate change, energy crisis and food insecurity looming large. Peace and development have become a shared aspiration and pursuit for nations around the world. Source: Hiiraan Online
-
Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland ayaa la bilaabayaa Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Xeer MADAXWEYNE-11-12-2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 18/122022 uu ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 18/122022 Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020; Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Markaan Ku-qancay: Soo-jeedinta wakhtiga qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka; Waxaan Go’aamiyey; In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
-
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ku dhawaaqey in Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku Dalka ka bilaabmato 28/12/2022 oo ku beegan maalin Arbaca ah Qaran News
-
Wax ka ogow 4-magaalo oo Waaweyn oo ka sii guuraya Gawaadhida oo ka doorbiday lugta & baaskeelka Markii mowjaddii ugu horreysay ee Covid dhacday, gudaha magaalooyin badan ayaa si dhaqso ah uga fikiray sida noloshu noqon karto. Qaarkood waxay soo kordhiyeen jidad loogu talagalay dadka lugeynaya, meelihii baabuurta la dhigayayna maqaayado ayaa loo baddalay halka sare loo qaaday waddooyin badan oo baaskiilka loogu talagalay. Isbeddelku wuxuu keenay faa’iidooyin, kaliya maahan dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha oo kordhay, laakiin daraasaduhu waxay sidoo kale muujiyeen in fayrasku si degdeg aan ahayn ugu faafayay xaafadaha ay dadku aad ugu badan yihiin. In kasta oo meelo badan ay hadda dib u dhigeen qorshayaashan iyada oo noloshu ay ku soo noqonayso si caadi ah, hadana waxaa magaalooyinka qaar oo weli sii wata qorshayaasha yareynta isticmaalka gaawrida. Waxaan eegaynaa afar magaalo oo sameeyay qaar ka mid ah isbeddellada ugu fiican ee la xiriira goobaha dadka ay ku lugeeyaan. Paris, Faransiiska Xitaa musiibada ka hor, Paris waxay dabayaaqadii 2016 hirgelisay deegaan ku habboon lugaynta. Iyada oo qayb ka ah dadaallada magaalada ee lagu dhimayo tirada baabuurta, iyo yareynta baarkinnada baabuurta ku teedsan webiga Seine. Sanadka 2020, duqa magaalada ayaa Anne Hidalgo dib loogu doortay jagada iyadoo ay ugu wacan tahay waxa loogu yeeray qorshaha “15-ka daqiiqo ee magaalada”: Fikradda qorshaas cusub ayaa u oggolaanaya dadka deegaanka inay qabsadaan dhammaan hawlahooda maalinlaha ah – laga soo bilaabo dukaamaysiga, iskuulka ilaa shaqada keliya 15 daqiiqo guduhood iyagoo isticmaalaya baaskiil ama lugtooda maalaya. “Waxaan ku noolaa Paris 14 sano, waxaanan si kalsooni leh u dhihi karaa weligay ma arag dib u habeyn ka weyn qorshahaasi lagu dhiirrigenayo baaskiilleyda,” Sadie Sumner, oo maamula laanta Paris ee shirkadda baaskiilka ee Fat ayaa sidaasi yiri. Bogotá, Colombia Halka markii horeba magaalada Bogotá iyo guud ahaan Kolombiya ay lahayd dhaqan adag oo baaskiilka, ayaa haddana Faafida Covid_19 ka dib waxa ay dardargelisay isbeddello badan si loo yareeyo isticmaalka baabuurta. Sanadkii 2020, duqa magaalada Claudia Lopez ayaa 84 km oo waddooyin dheeri ah ku dartay magaalada taas oo loogu talagalay baaskiilada. Bogotá waxay ka mid ahayd magaalooyinkii ugu horreeyay ee adduunka ee lagu daro dariiqyo dheeraad ah oo loogu talagalay dadka iyo baskiillada intii lagu jiro faafidda fayraska corona, dadka degganna waxay ogaadeen in isbeddellada joogtada ahi ay u wanaagsan yihiin. Milan, Talyaaniga Talyaanigu wuxuu ka mid ahaa waddamada uu sida aadka ah u saameeyay faafitaanka Covid_19, magaalooyinkiisuna waxay ahayd inay si degdeg ah ula qabsadaan si ay u helaan habab kale oo dadkii gaadiidka dadweynaha adeegsan jiray ay ay isticmaali karaan dad badan. Xagaagii 2020, Milan waxa ay billowday qorshe ay ku doonayso in ay ku balaariso waddooyinkeeda gaar ahaan dariiqyada baaskiilka, kuwaas oo wadar ahaan gaarayaa 35 kiiloomitir oo markii baabuurta adeegsan jireen. Isbeddellada ayaa beddelay magaalada. “Ma ahan Milaanadii aan arki jiray 10 sano ka hor intii aan ku jiray jaamacadda,” ayay tiri Luisa Favaretto, oo ah aasaasaha website-ka Strategistico. San Francisco, USA Magaaladan waqooyiga California ku taalla waxay qaadday tallaabo degdeg ah intii lagu jiray masiibadii ugu horreysay ee ‘Covid_19’, iyadoo billowday barnaamij la yirahdo ‘Slow Streets’ oo ah – barnaamij isticmaalay calaamado dadka lugeeynaya looga khafiifinayo taraafikada iyo xawaaraha gawaarida kaas oo ku dhawaad 30 waddo laga hirgaliyay. Sida lagu sheegay xogta ay magaalada ka soo aruurisay barnaamijkan waxaa 50% hoos u dhacay xawaaraha iyo ciriiriga gaadiidka,waxaa sidoo kale kordhay 17% dadka lugeynaya,halka 65% ay kordheen darawalada baaskiillada. Qaran News
-
Mas’uuliyiintan oo ka tirsan xisbiyada Mucaaridka oo maanta Hargaysa ku kulmay waxa kulanka ku wehelinaayay Wasiir hore Axmed Muumin Seed oo maalmihii u dambeysay warar hoose sheegayeen in dhinaca Mucaaridka uu u sii jeedo. Suurto gal ma tahay in Axmed Muumin Seed uu markale Xisbiga Waddani iska xaadiriyo? Qaran News
-
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa maanta booqday degaanno dhowaan laga saaray Al-shabaab. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Daba-geed booqdeen degaannada Mabaax iyo Ceel qooxle ee laga saaray Al-shabaab. “Madaxweynaha ayaa kormeeray deegaanadaan oo ay ka muuqdaan raadadka gumeysiga cadowga, isagoo halkaas kula hadlay boqolaal ciidamada dib u xureynta deegaanka ah ee khawaarijta ka saaray deegaannadaan” ayaa lagu yiri Qoraalka. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa muddooyinkii danbe booqanayay degaannada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ee laga xoreeyay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxda Hirshabeelle oo booqday degaanno laga saaray Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
