-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
PRESS RELEASE Abu Dhabi Customs launches Artificial Intelligence (AI)-powered Tariff Management & Smart Classification System The Smart Classification and Tariff Management System is developed in corporation with Webb Fontaine Access Multimedia Content DUBAI, United Arab Emirates, December 8, 2022/ — Abu Dhabi Customs (ADC), in line with its vision to drive security, trade facilitation, and service excellence, launches new Smart Classification and Tariff Management System, positioning ADC at the forefront of the latest technological developments in the industry. The Smart Classification and Tariff Management System is developed in corporation with Webb Fontaine and makes use of an advanced search engine built on Artificial Intelligence, and next-generation IT systems to provide appropriate HS codes for Customs transactions. The new system will digitize HS Code Classification for the products being imported to and exported from the Emirate of Abu Dhabi. His Excellency Rashid Lahej Al Mansouri, Director-General of the General Administration of Customs in Abu Dhabi commented: “ This is the first system at a regional level that supports the search according to the commercial description of the goods and through the global trade item code GTIN and the chemical compound registration CAS Number. This enhances customs processes by directing users to select the appropriate and correct classification code and associated prohibitions, restrictions, or explanatory notes. This helps reduce classification errors, contributes to effective revenue collection, improves the quality of foreign trade statistics, encourages voluntary compliance with dealers, and builds trust between the trading community and Abu Dhabi Customs. Customers can benefit from the Smart Classification Tool by accessing the UGC TAMM or Abu Dhabi Advanced Trading and Logistics Platform “ATLP.” Customers can easily and accurately search coordinated codes for their products. The search results include (harmonized code, tariff ratio, selective tax, restriction or prohibition of prohibited and restricted codes, and coordinated code measurement units).” Alioune Ciss, CEO of Webb Fontaine, said: “Webb Fontaine believes in making trade faster, simpler and more secure through the use of AI powered technology. Through our expertise of trade and Customs, we assist governments, businesses, and economic communities around the globe in rethinking and transforming their trading practises. I am confident that this new relationship with Abu Dhabi Customs will greatly improve the quality of customs services for the business community as a whole.” Traditional classification techniques present the Customs and trade community with a number of obstacles, such as vague descriptions of goods, unknown products, incorrectly classified items, similarity within HS codes, and a disparity between the commercial description of a product in any language and the official description of the HS code. Webb Fontaine has incorporated Machine Learning algorithms and Natural Language Processing (NLP) in order to recognise HS codes from commercial product descriptions. The search engine driven by artificial intelligence aims to automate the process of locating the relevant HS code based on the commercial description of goods. It also includes GTIN (Global Trade Item Number) codes, chemical substance names, chemical name synonyms, CAS (Chemical Abstracts Service) and Customs Union and Statistics (CUS) codes, product component numbers, and brand names as search options. In addition, the multilingual platform includes a user-friendly web interface with a search function for Harmoized Classification based on AI to recognise commercial commodities based on their international description, taking into account country-specific needs. The application adheres to international standards like GTIN, CAS, and CUS codes. SOURCE Webb Fontaine Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale oo ku magac dheer (Sharmaa’arke), kaas oo lagu helay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa aasida qaraxyada miinooyinka, islamarkaana uu aasay illaa 7 miino, kuwaas oo uu ku qarxiyay waddadaBuufow Bacaad, jidka Janaale, iyo waddada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose. Cabdullaahi ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay, isaga oo dhaawac ah, kadib markii uu isku dayay in uu miino ka bixiyo waddada Sabiib iyo Caanoole, markii uu waayay cid soo marta, waxa uuna kana dhaawacmay Gacanta iyo Lugta Bowdada midig, sida ay sheegtay maxkamadda. Ninkan ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ku biiray isagoo 15 jir ah, wuxuuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka, Waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 200$. August dabayaaqadeedii ee sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loogu diray Garsuge ahaan. Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo codsaday dacwad qaadista kiiska Cabdullaahi ayaa laga ogolaaday 12-kii Bishii November , waxa ay Maxkamadda la wadaageen qiraalka eedeysanaha. Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) xabsi daa’in sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida. Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in xukunsanaha uu weli haysto fursad kale oo uu ku dalban karo racfaan inta sharciga ogol yahay. The post Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku ridday nin qaraxyo badan fuliyay kadibna… appeared first on Caasimada Online.
-
Komishanka Tamarta Somaliland wuxuu ka qaadaa Lacago aan Sharci ahayn Shirkadaha Korantada, waxa laga qaada 12-ka mitir ee high voltage ee Sabbadda la taagayo 1000,000 SLSH, 12-ka mitir ee low voltage Biraha la taagayana waxay qaadaan 500,000 SLSH, lacagahaa waxa lagu qabtaa Xafiiska Komishanka, Komishanku waxa uu Xafiis ku leeyahay Hargeysa, Gobollada ma joogaan Shaqaale Xafiisyana kuma laha, Komishanka waxa ka Shaqeeyaa 18 qof oo aan lagu qaadaan tartan iyo daahfurraan ! Qaran News
-
Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa mar kale xaqiijiyey inay ka go’an tahay inay gutaan waajibaadkooda ku aaddan taageeridda waddada nabadda iyo xasilloonida ee Soomaaliya. Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa ballan-qaad ku bixiyay, markii uu marti-galiyay diblumaasiyiin shisheeye oo la aqoonsan yahay Soomaaliya, wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay. Dowladda Federaalka Soomaaliya. “ATMIS waxaa ka go’an inay si buuxda u bixiso waajibaadkeeda. Anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha ATMIS-ka, militariga, booliiska iyo rayidka, waxaan mar kale ku celinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan si dhow idiinla shaqeyno si aan u taageerno qorshayaasha iyo howlaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”. ayuu yiri Danjire Souef. Danjire Souef ayaa ballan qaaday in uu la shaqeyn doono dhammaan bah-wadaagta si loo taageero dadaallada ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed. “Waxaan ballan qaadayaa in aan taageero iyo ballan-qaad aan kala go’ lahayn aan kula shaqeyn doono dhammaantiin inta aan sii wadno taageerada soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.” Safiirka Uganda ee Soomaaliya, Maj. Gen. (rtd) Nathan Mugisha, oo ku hadlayay magaca safiirrada ka socda dalalka ATMIS ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, ayaa ku booriyay saaxiibada caalamka inay Soomaaliya ka taageeraan hirgelinta istaraatiijiyadda xasilinta Qaranka ee dhowaan la daah furay. “Tani waa waqtigii saxda ahaa ee lagu taageeri lahaa dadaallada xasilinta; waxaana rajeyneynaa in faragelinta waqtiga ku habboon ee lagu taageerayo barnaamijkan ay noqon doonto mid guul leh,” ayuu yiri danjire Mugisha. Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Nofeembar, SRCC ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Danjire Souef, waxa uu waday kulamo xiriir ah oo uu la yeelanayay dhinacyo kala duwan. ATMIS waa howlgalka ugu weyn ee taageerada nabada ee Afrika, waxaana loo xilsaaray labada Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si loo yareeyo khatarta Al-Shabaab iyo in la taageero dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta si loo helo Soomaaliya ammaan ah oo xasilloon. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma ayaa shaacisay in dowladda Kenya ay soo dhaweynayso sida ay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga go’an tahay inay sii amba-qaadan wadada wada-hadallada. Monica Juma ayaa sidoo kale qoraal ay barteeda twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in hoggaamiyeyaasha labada dhinac ku heshiiyeen ama isku raaceen in dib loo bilaabo hannaanka dib-u-heshiisiinta. “Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furirda hannaanka dib u heshiisiinta,” ayey tiri Monica. Inkasta oo labada dhinac ogol yihiin in dib loo bilaabo wada-hadallada mudada badan hakadka ku jiray, hase yeeshe waxa jira shuruudo ay Somaliland ku xirtay si ay miiska wada-hadallada ula fariisato dowladda federaalka Soomaaliya. “Somaliland waxay ku adkaysanaysaa hanaan iyo laba dawladood ah. Sababtoo ah waxaan ahayn laba dawladood oo xor ah oo si iskood u midoobay 1-dii Luulyo, 1960-kii. Waxaa intaas dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee u dambeeyay ahayd dawlad madaxbannaan oo ku naaloonaysa nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hirgelisay dhowr doorasho oo xor iyo xalaal ah. Waxaa ka dhacay shan xil wareejin madaxweyne oo nabad ah. Waxaa saddex ka mid ah loo maray doorashooyin toos ah.” Sidoo kale waxa kamid ah shuruudaha Somaliland ku xirtay dib u bilaabista in dhamaan heshiisyadii hore u gaareen dhinacyadu loo fuliyo si deg deg ah, helitaanka hannaan dhex-dhexaadin caalami ah oo dammaanad qaadaya natiijada wada-hadalka iyo inay jiraan mabaadi’ muhiim ah & xeer hab-dhaqan oo saldhig looga dhigayo wada-hadallada. “Waa inuu jiraa ajende muhiim ah oo wax ka qabanaya arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka u dhexeeya dhinacyada. Sidoo kale waa in wada-hadalku uu lahaadaa waqti xaddidan.” Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan sheegay inay ka go’an tahay in dib loo billaabo wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa la ogeyn sida uu ka yeeli doono shuruudaha ay Somaliland ku xirtay, kuwaasi oo ku horgudban dib u amba-qaadista wada-hadalladaasi. The post Kenya oo war kasoo saartay wada-hadallada DF iyo S/L appeared first on Caasimada Online.
-
Baidoa (HOL) – Somali National Forces' 60th Division liberated Gofgadud Burey on Monday, with no resistance from al Shabab militants who had captured the district last week. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in ay waalidiinta Soomaaliyeed iyo carruurtooda ay waayaan daryeel caafimaad xilligaan. Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay kulanka isku duwidda hawlaha nidaamka caafimaadka Soomaaliya iyo xuska maalinta caalamiga ah ee yoolka caafimaadka, ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan. Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahan yihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan, waxuuna ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahanyihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaarayo gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhaw ay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay goordhaw la wareegeen deegaanka Alkowthar. Deegaanka Alkowthar ayaa kamid ahaa farisiimaha ay mudada dheer ku lahaayeen gobalka ururka alshabaab, waxaana hadda gacan ku haynta deegaanka la wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka xoogga General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in alshabaab kuu ku sugnaa deegaanka Alkowthar ay isaga baxeen deegaanka. Odawaa ayaa sidoo kale hadalkiisa ku sii daray in ay siiwadayaan dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalka Shabeellaha dhexe iyo gobalada kale ee dalka. Deegaanka Alkowthar ayaa hoos imaada degmada Aadan Yabaal oo iyaduna ay dhawaan la wareegeen ciidamada, waana halka ay ku sugnaayeen Al-shabaabkii ka baxay degmada Aadan Yabaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kominshanka Doorashooyinka Somaliland ayaa saaka kulan iskugu yeedhay Saddex xisbi qaran ee KULMIYE , WADDANI iyo UCID . Saddexda xisbi iyo Kominshanka ayaa ka wada hadlaya diwangalintii cod bixiyaasha oo 28 bishan dalka ka bilaabmi doonta Ma jirto wax kulan ah oo Kominshanku la yeeshay Ururada cusub iyada oo sababta ugu weyn ee loo badinaayo inay qeyb uga noqon wayeen wada hadladan arimaha doorashooyinka ay tahay wax xeer ah oo aan loo haynin ururada . Ilays News Qaran News
-
Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa bilihii u dambeeyey waday dhaqdhaaqyo iyo shirar hoose oo u muuqday mid uu dib isugu habaynayo, xilli la galay jewi doorashooyin. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa hormuud ka ahaa kulamadan guddida fulinta ee Kulmiye yeelanayey bilihii u dambeeyey, kuwaas oo lagaga hadlayey sidii boodhka looga jafi lahaa, isla markaana ugu diyaargaroobi lahaa doorashooyinka soo socda, iyada kulankii u dambeeyeyna shalay dhacay. Haddaba, kulamadan maxay daaran yihiin, waa maxay casharada laga bartay iyo duruufaha ku xeerani. •Madaxweyne Muuse Biixi, oo mar kale cadeeyey inuu yahay Murrashaxa Kulmiye, isla markaana uuqaadan doono shanta sanno ee uu xaq u leeyahay. •Damaca Madaxweyne ee inuu mar kale murrashax yahay, sida uu Guddida fulinta u sheegay, waxa farriin ku biyo ah u diray saaxiib Maxamed Kaahin oo quudaraynayey inuu wada noqdo Guddoomiyaha iyo murrashax Xisbiga •Madaxweynuhu wuxuu faray masuuliyiinta Kulmiye iyo kuwa Xukuumadda in ay dedaal xooggan geliyaan dib u habaynta iyo dardar gelinta haa laga Xisbiga Kulmiye. •Tani waxa ay keentay in guddiyo xaqiiqo raadin ah loo diro Gobollada, isla markaana Wasiirro safar iyo kulamo la yeeshaan Taageerayaasha Kulmiye. •Kulmiye, waxa uu is tusay in uu ku guuleystay wejiga hore ee arrimaha ka taagan doorashooyinka, taas oo keentay inuu dib isku noqdo oo isu diyaaro dib u dhis. •Kulmiye waxa kale oo uu dejiyey wejiga labaad qorshihiisa, kan oo ah in Ururrada siyaasadda ee uu u arko in halis gelin karaan uu ka hortago, isaga oo adeegsanaya hab kala duwan oo wuu ku wiiqi karo awooddooda, kuwaas oo ay ka mid tahay in la furfuro, oo qaar la magacaabo iyo in Wasiirrada Xukuumaddu ka shaqeeya In ay yareeyaan saamaynta Kulmiye kaga iman karta Ururrada qaarkood ee deegaamadii looga codayn jiray ku cidhiidhin kara, iyaga oo isticmaalaya dhaqaale iyo mashaariic horumarineed. Source
-
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan sahayda, gaar ahaanba keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa sheegay in ay muhiim tahay horumarinta hannaanka Iibka Qandaraasyada Dowladda si ay dadweynaha Soomaaliyeed u wada gaarto Qandaraasyada Dowladda. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay arrintaan ay muujinayso xoojinta iyo kor u qaadid hannnaanka daah-furnaanta Qandaraasyada Dowladda iyo isla xisaabtanka taasi oo muhiim ah horumarinta dhaqaalaha dalka. “Waxa aan maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan sahayda, gaar ahaanba keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee Soomaaliya. Si kor loogu qaado daahfurnaanta qandaraasyada Dowladda, waxaa dhawaan hab casri ah loo sameeyay Portalka Iibka Qaranka Soomaaliya (Somali Public Procurement Portal) kaasi oo aan dhawaan daahfuri doono. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo furtay tartanka Iibka Qandaraasyada Sahayda Ciidamada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddi-Hoosaadka Wakiilada joogtada ah ee Midowga Afrika, Danjire Adekunle J.M.King oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay natiijada kasoo baxday xog-ururin uu ku sameeyay xaaladda bani-aadamnimo ee Soomaaliya. Danjire Adenkule ayaa sheegay in qeybo kamid ah Soomaaliya ay ka jirto xaalad adag oo dhanka cunnada iyo biyaha ah, isaga oo soo jeediyay in wax laga qabto duruuftaas si loo badbaadiyo dad badan oo haatan nool. “Xaalada abaareed ee ka jirta Soomaaliya awgeed waxaa loo baahan yahay in la helo jawaab deg deg ah oo lagu gacan-qabanayo dadka saameynta taban ku reebtay abaartaas oo deegaano badan ka barakicisay qoysaskii degenaa,” ayuu yiri Danjire Adekunle. Tirakoob la sameeyay ayaa muujinaya in tirada dadka ku nool Soomaaliya macaluusha ka hor ama ku dhow xaaladaha macaluuleed ay korortay shan jeer tan iyo bilowgii sannadkan 2022-ka. Dhawaan unbey aheyd markii uu Isku-duwaha gargaarka bini-aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu si weyn uga digay xaalad deg-deg ah oo masiibo ah oo ka dhici karta Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta xaalad bani-aadamnimo oo saameyn taban ku reebtay ku dhawaad 8 Milyan oo ruux oo Xoolo dhaqato iyo Beeraley ah, kaddib markii is-badelka Cimilada saameysay dhulkii ay beeranayeen oo biyo la’aan u qalalay. The post MIDOWGA AFRIKA oo baaq deg-deg ah kasoo saaray xaalad adag oo ka taagan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii sheegay in dalalka Khaliijka ay qaadi doonaan tallaabo ay ku xoojinayaan amnigooda haddii Iran ay hesho hub Nukliyeer ah. Haddii Iran ay hesho hub nukliyeer oo shaqeynaya, natiijada waa mid aan la qiyaasi karin,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud oo wareysi bixiyay. “Waxaan ku jirnaa meel aad khatar u ah oo gobolka ah…waxaad filan kartaan in dalalka gobolka ay si dhab ah u eegi doonaan sidii ay ammaankooda u sugi lahaayeen,” ayuu sii raaciyay. Hadalkiisa ayaa loo arkaa mid ka dhigan in dalalka Khaliijka ay ayagana raadin doonaan hub nukliyeer ah, haddii Iran ay hesho. Dalalka Khaliijka ayaa cadaadiyey heshiis xooggan oo wax ka qabanaya walaacyada ay ka qabaan gantaallada iyo barnaamijka diyaaradaha drone-ka Iran iyo shabakadaha qarsoon ee ay ku leedahay gobolka. PUNTLAND POST The post Sacuudiga oo ka hadlay Khatarta Nukliyeerka Iran appeared first on Puntland Post.
-
Maxakmadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke) kaas oo lagu soo qabtay miino uu ku aasayay inta u dhaxeyso Aasay Sabiid iyo Caanoole. Sharmaarke ayaa la sheegay in uu alshabaab u qaabilsanaa qaraxyada, waxaana 3 june lagu soo qabtay isaga oo 7 miino ku aasay kuna qarxiyay Waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale, iyo Wadada Sabiib iyo Caanoole. Eedeysanahan ayaan xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida loo soo gudbiyay bishii August ee sanadkaan. Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke) ayaa Al-shabaab la sheegay in uu ku biiray isaga oo jira da’da 15-ka sano ah, waxaana uu tababar uu ku soo qaatay tuulada Doolaale ee hoostagta gobalka Baay. Ururka Alshabaab ayaa uu mushaar ahaan eeedeysane Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke) kaga qaadanayay lacag dhan $200. Eedeysanaha ayaa la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray qaraxyo uu isaga aasay taas oo lagu soo qabtay, waxaana dood dheer iyo fadhi ay maxkamadda ka yeelatay kadib dacwaddiisa ay maanta ku dhawaaqday xukunka eedeysane Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke). Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka eedeysane Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke) oo lagu xukumay xab daa’in. Eedeysanaha ayaa kaliya hadda haysta mudda 30 cisho ah oo uu go’aanka maxkamadda kaga qaadan karo racfaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in aan la aqbali karin hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed in ay u dhintaan daryeel la’aan caafimaad. Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay kulanka isku duwidda hawlaha nidaamka caafimaadka Soomaaliya iyo xuska maalinta caalamiga ah ee yoolka caafimaadka, ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Al-shabaab, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan. Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahan yihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan, waxuuna ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahanyihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in aan la aqbali karin daryeel la’aanta Hooyada iyo Dhallaanka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta ah u ambabaxo degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Wafdi hordhac u ah safarka Guddoomiyaha ayaa shalay gaaray degmada Xudur, waxaana halkaasi ka socota qaban-qaabadii u dambeysay ee soo dhaweynta Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdiga uu horkacayo Ujeedka safarka guddoomiyaha Golaha Shacàbka ee degmada Xudur ayaa lagu sheegay u kuur-gelida xaaladda nololeed ee bulshada degmada iyo la-tashiyo uu saraakiisha ciidamada kala sameeynayo sida loo bilaabi karo howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Aĺ-Shabaab. Wararka ayaa intaas kusii daraya in safarka guddoomiye Aadan Madoobe uu sidoo kale qeyb ka yahay diyaarinta shirka dib-u-heshiisiinta bulshada deegaannada Koonfur Galbeed ee uu kal hore ku dhawaaqay. Safarkaan ayaa imanaya xili ay sii xoogeysaneyso xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana uu amray Lafta-gareen in siyaasiyiinta mucaaradka ku ah aysan imaan karin deegaanada maamulkaasi. Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo intooda badan xilal ka haya dowladda federaalka ayaa waxay ka mideysan yihiin in Lafta-gareen laga qaado kursiga ugu sareeya Koonfur Galbeed, maadaama dhamaantood ay dhibanayaal siyaasadeed u yihiin. The post Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku wajahan Xudur + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in dhammaadkan bishaan ay billaaban doonto diwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashada, iyadoo ay weli taagan tahay khilaaf u dhexeeya xisbiga Kulmiye iyo Xisbiyada kale ee UCID iyo WADANI oo ku saabsan dib u dhaca doorashada iyo muda kororsiga loo sameeyay xukuumada madaxweyne Biixi. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in diwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashada ay bilaaban doonto 28-ka bisha December ee sanadka 2022-ka, balse lama sheegin xilliga la soo gabagabeyn doono. Mudda xileedka madaxweynaha Somaliland ayaa ku ekaa bishii ina dhaaftay ee November waxaana dib u dhaca uu ku yimid doorashada madaxtooyada. Si kastaba ha ahaatee, golaha guurtida ayaa mudda kororsi laba sano ah u sameeyay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ay si wayn uga soo horjeesteen xisbiyada Mucaaradka . Somaliland ayaa qabatay sanadkaan doorashooyinka baarlamaanka iyo golaha deegaanka May 2021 ka dib dhowr jeer oo dib u dhac uu ku yimid tan iyo markii baarlamaanka markaas la doortay 2005. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saaka howl-galo kala duwan ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Deegaanka Ceel-Muluq oo shalay ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka la wareegeen dagaal la’aan ayaa waxaa laga bilaabay howl-galo ay ku baarayaan guryaha iyo gaadiidka noocyadooda kala duwan ee soo galaya deegaanka iyo kuwa ka baxaya. Saraakiil ka tirsan ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howl-galka uu yahay xaqiijinta amniga iyo in laga hortago waxkasta oo dhib keeni kara. Sidoo kale waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan howl-galada ilaa iyo inta ay kala wareegayaan Ruun-Nirgood oo ah deegaanka kaliya ee Al-Shabaab kaga hareen gobolka. Toddobaad ka hor unbey aheyd markii Al-Shabaab laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka, kaasi oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada. Howl-galada dagaal ee socda ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen deegaano horleh, kuwaasi oo sanado badan ay maamuleysay kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray maamul goboleedka HirShabeelle, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doono toddobaadyo gudahood. The post Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallada dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro magaalada Xudur ee gobalka Bakool. Sheekh Aadan Madoobe ayaa magaalada kulama kula qaadan doono qaar kamid ah mas’uuliyiinta, waxgaradka, dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada. Ujeedka socdaalka guddoomiyaha golaha shacabka ayaa salka ku haayo u sidii uu ugu kuur gali lahaa xaaladda dadka iyo deegaanka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la qorsheynayo in dhawaan deegaannada maamulka Koonfur galbeed lagu qabto kulan loog arin sanayo xaaladda deegaanada maamulkaas. Shirka dib u heshiisnta koonfur galbeed ayaa looga dhawaaqay in dhawaan uu ka dhaco deegaanada maamulka Koonfur galbeed, waxaana sidoo kale shirkaas la filaya in ay ka soo qayb galaan siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur galbeed. Qaban qaabada soo dhaweynta guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa hadda ka socota magaalada Xudur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Brussels (Caasimada Online) – Garsoore u dhashay dalka Belgium ayaa Axaddii wuxuu dacwad ku soo oogay afar qof oo lagu eedeeyey inay lacag iyo hadyado ka heleen dal ka tirsan Khaliijka, si ay saamayn ugu yeeshaan go’aamada baarlamaanka Yurub, eedahaas ayaa noqday kuwo aad looga argagaxay. Dacwad oogayaasha ayaa baadhay 16 guri oo ku yaalla Brussels iyaga oo gacanta ku dhigay lacag gaadhaysa illaa $631,800 Jimcihii. Tallaabadan ayaa qayb ka ah, baadhitaano lagu hayo lacago sharci darro ah iyo falal musuqmaasuq. Lix qof ayaa markii hore la xidhay, hase ahaatee afar ka mida ayaa dacwad lagu soo oogay, halka la sii daayey laba qof oo ka mida lixda qof ee la xidhay, sida ay sheegeen dacwad oogayaashu. Illaa haatan lama magcaabin dadka loo haysto kiiskan. Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP ayaa lagu sheegay inkasta oo aan si rasmi ah loo magcaabin xubnaha dacwadda lagu soo oogayo haddana in wararka la helayo ay sheegayaan in ugu yaraan mid ka mida afarta qof ee dacwadaha lagu soo oogayo inuu yahay xubin ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub, halka xubin kalena ay hore uga tirsanaan jirtay baarlamaanka Midawga Yurub. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay muddo bilo ah ay ka shakisnaayeen, in dal ka tirsan wadamada Khaliijku inuu isku dayayo inuu saamayn ku yeesho go’aanada Midawga Yurub. Ilo xogogaal u ah kiiskan ayaa sheegay in dalka lagu eedaynayo kiiskan inuu yahay dalka Qatar ee haatan martigelinaya koobka adduunka. Masuul u hadlay dawladda Qatar ayaa beeniyey eedaha loo soo jeediyey. Isagoo sheegay in nidaamka ay dawladda Qatar ula macaamisho hay’adaha dawliga ah iyo dalalka caalamku inay u maraan shuruucda caalamiga ah. Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa sheegay inay dhammaadkii toddobaadkan ay hakiyeen awoodaha iyo waajibaadka mid ka mid ah ku xigeenadooda oo u dhalatay dalka Giriiga, kaas oo lagu magcaabo Eva Kaili, iyada oo la raacayo baadhitaanka uu wado dalka Belgium. Xisbiga hantiwadaaga ee Giriiga ee lagu magcaabo PASOK ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay Kaili ka saareen xisbigooda. Illaa haatan ma cadda in Kiali lagu soo oogay wax dacwad ah, sidoo kale xafiiskeedu kama jawaabin telefoonada. VOA The post Maxay yihiin masuuliyiinta la xiray ee loo haysto inay la shaqeeyeen QATAR? appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somali police arrested over 50 members of youth gangs accused of robbery and drug use following a security operation in Mogadishu on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa la filayaa inuu baaritaan ku sameeyo ganacsato ay dowladda Mareykanka xayiraado kusoo oogtay, kuwaas oo lagu eedeeyey inay kooxaha argagixisada ka caawiyaan inay hub soo iibsadaan. Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa habeenkii Sabtida xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay qaar kamid ah odayaasha iyo cuqaasha Beesha Cali Saleebaan. Odayaasha iyo Cuqaasha ayaa Madaxweynaha kala hadlay arrin ku saabsan liis uu dhowaan soo saaray Maraykanka, kaas oo cuna-qabatayn lagu saaray shakhsiyaad u dhashay beesha oo ganacsato ah. Shakhsiyaadkaas oo ay ku jiraan Ganacsato ayaa Maraykanku ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish ee ku sugan Soomaaliya, sida ay sheegtay waaxda Maaliyadda u qaabilsan Maraykanka ee The Department of the Treasury. Madaxweynaha ayaa Odayaasha u sheegay in baaritaan rasmi ah lagu samayn doono arrinta, islamarkaana dowladdu go’aan ka gaari doonto, kadib markii la dhammaystiro baaritaanka, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii goob-jooga ahaa Kulankaas. Qaar ka mid ah shaqsiyaadkaas ayaa horey eedeymaha Mareykanka ugu sheegay kuwa aan waxba ka jirin, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay Mareykanka la kulmaan, islamarkaana ay qabsadaan qareeno Waxay sidoo kale sheegeen inaysan waxba ka jirin eedeynta Mareykanka ee ah shirkadaha la eedeeyey ee ka diiwaan gashan Puntland ay lacag siiyaan kooxda Daacish ee Soomaaliya. Ganacsatada qaarkood ayaa sheegay in sababta liiska Mareykanka loogu daray ay tahay arrin ay ka dambeeyaan dad ay siyaasad iyo ganacsi isku hayaan, kuwaas oo aysan magacaabin. The post Puntland oo qorsheyneysa tallaabo la xiriirta ganacsato Mareykanka soo eedeeyey appeared first on Caasimada Online.
