Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Khilaaf xooggan ayaa ka dhex taagan wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Rashiid Maxamuud Yuusuf iyo ku xigeenkiisa, Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud. Xogo madax-bannaan ayaa xaqiijinaya in khilaafka labada mas’uul uu ka bilowday doonyo kalluumeysi oo loogu deeqay degaanno ka tirsan xeebaha Puntland. Xogaha ayaa sheegaya in doonyihii la bixiyay qaarkood ay dib u iibsadeen dadkii lagu caawiyay, kadibna warkaas la gaarsiiyay madaxda wasaaradda. Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka ayaa kadib isku khilaafay sida loo wajahayo arrintaas, waxaana mid kasta qaaday tallaaba isaga u gaar ah, sida ay xoguhu tilmaamayaan. PUNTLAND POST The post Xog: Khilaaf ka dhex taagan madaxda Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland appeared first on Puntland Post.
  2. WASHINGTON — U.S. President Joe Biden capped a summit of 50 African leaders by stressing his administration's deep commitment to Africa, urging the continent's leaders to respect the will of their people, and saying he may come visit. Source: Hiiraan Online
  3. ATHENS, Greece (AP) — Four Turkish nationals have been arrested on suspicion of smuggling migrants after a boat with nearly 100 people on board was found in trouble off an island near Athens, Greek authorities said Friday. Source: Hiiraan Online
  4. European Union (EU) foreign policy chief Josep Borrell says the conflict in Ethiopia kept him "very busy, very sorry and very frustrated" for the greater part of 2022. Source: Hiiraan Online
  5. Washington (Caasimada Online) – Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa taageertay in lagu daro doodda miisaaniyadda maaligelinta dowladda Federaalka sharciga uu ansixiyay Aqalka Sare ee Senate-ka toddobaadkan, kaas oo ka mamnuucaya shaqaalaha dowladda federaalka Mareykanka inay isticmaalaan aaladda TikTok ee Shiinaha laga leeyahay. Afhayeen u hadlay Pelosi ayaa sheegtay inay taageersan tahay in lagu daro qodobka TikTok doodda Golaha Wakiilada ee toddobaadka soo socda. Taageerada Pelosi, oo ay weheliso tan Kevin McCarthy, oo ah hoggaamiyaha aqlibiyadda Jamhuuriga ee Aqalka, ayaa si weyn u kordhinaysaa fursadaha ansixinta miisaaniyadda dowladd Federaalka. Senetka ayaa Arbacadii u codeeyay hindise sharciyeed uu qoray Seneter Josh Hawley oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kaas oo shaqaalaha dowladda ka mamnuucaya inay App-ka Tiktok ku isticmaalaan Kumbuyuutarada iyo telefoonadda dowladda. Waxay ahayd tallaabadii ugu dambeysay ee sharci-dejiyeyaasha Mareykanku ay ku cabburiyaan shirkadaha laga leeyahay Shiinaha, iyadoo ay jirto walaac amniga qaranka ah Mareykanka ah, kaas oo Beijing ay u adeegsan karto aaladdan nooc basaasnimo ah. VOA + Reuters. The post Shaqaalaha dowladda Mareykanka oo laga mamnuucayo Aaladda TikTok appeared first on Caasimada Online.
  6. Associated Press photographers talk about their 2022 assignments, and share some of the stories behind the images. Source: Hiiraan Online
  7. Kenya and Somalia have committed to ending violent extremism, Defence Cabinet secretary Aden Duale said. Source: Hiiraan Online
  8. 2 Qodob oo Faransiiska looga guuleysan karo ciyaarta Koobka Adduunka Ka hor inta uusan bilaaban tartanka Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qadar, waxaa si weyn loo hadal hayay in saddex kooxood mid ay ku guuleysan karto Koobka, kuwaasoo kala ah Brazil, Argentina iyo Faransiiska. Saadaashaas ayaa noqotay mid run ah. Xulalka Faransiiska iyo Argentina ayaa isku wajahaya ciyaarta kama dambeysta ah ee loo ballansan yahay maalinta Axadda ah, halka Sabtida oo kasoo horreysa ay ciyaar kaalinta saddexaad loogu tartamayo dhex mari doonto Morocco iyo Croatia, taasoo rajo kale gelineysa taageerayaasha la safnaa waddanka ka socda Afrika. Hase yeeshee hadal-heyntu waxay diiradda ku saran tahay fiinaalka ay isku hor fadhiyaan qaar ka mid ah ciyaartoydii wacdaraha ugu badan ka dhigay tartanka. Gool dhaliyeyaashii ugu fiicnaa tartanka Saddexda ciyaartoy ee goolasha ugu badan dhaliyay tan iyo markii uu bilowday Koobka Adduunka ayaa ku kala jira labada kooxood. Kylian Mbappe iyo Lionel Messi oo kasoo kala jeeda Faransiiska iyo Argentina ayaa ah isla heysta gool dhaliyaha tirade ugu badan ka dhaliyay tartankan, mid walbana waxa uu shabaqa dhex dhigay shan gool. Weerar yahanka Faransiiska Olivier Giroud ayaa dhaliyay afar gool halka laacibka Khadka dhexe ee kooxdan, Antoine Griezmann uu heysto saddex gool. Marka ay isku saf ku jiraan Mbappe, Giroud iyo Griezmann aad bey u adag tahay in difaacyada Argentina ay hor istaagaan. Laakiin dhanka Faransiiska xitaa waxaa jira meelo ay ka jilicsan yihiin, iyadoo aan og nahay in Linel Messi uu mar walba sameeyo mucjisooyin u suurtageliya ujeeddada uu leeyahay. Labo qodob oo ay Faransiiska ku waayi karaan Koobka Si guud, run ahaantii wey adag tahay in farta lagu fiiqo daciifnimo ka muuqata kooxda Faransiiska ee rajeyneysa in markii labaad oo isku xigta ay hanato Koobka Adduunka oo ah abaalmarinta ugu weyn ee lagu helo Kubbadda Cagta. Balse haddii aad si hoose u eegto waxyaabihii dhacay ciyaarihii lasoo dhaafay, waxaad dareemi kartaa in Faransiiska ay heysato labo dhibaato. Lixdii jeer ee ay horay u soo ciyaareen Koobka Adduunka ee Qadar, dhammaan kooxihii ay la kulmeen, marka laga reebo Morocco, waxay goolal ka dhaliyeen Faransiiska. Australia, Denmark, Tunisia, Poland iyo England wey u wada suurtagashay in ay kubbadda taabsiiyaan shabaqa uu waardiyaha ka yahay Gool-Haye Hugo Lloris. Morocco qudheeda marar badan ayey ku sigatay in ay wax ka badan hal gool ka dhaliso Faransiiska. Taasi waxay astaan u tahay in ay sahlan tahay sida gool looga dhalin karo kooxdan ka soo jeedda Yurub ee difaacaneysa Koobka dhinacyada looga wada dhagganaa. Dhanka kale, Argentina wax gool ah lagama dhalin saddex ciyaar oo ka mid ah lixdii kulan ee hore. Mexico, Poland iyo Croatia dhammaantood wey ku guul darreysteen in ay soo taabtaan shabaqa Argentina. Tani waxay Argentina caawin kartaa ciyaarta kama dambeysta ah, maadaama ay shaqo adag tahay in gool laga helo kooxdan kasoo hartay xulalkii wada tunka weynaa ee ka socday Latin America. Qodob kale oo daciifnimo weyn ku ah Faransiiska waa in aysan heysan ciyaartoy Khadka dhexe ah oo khibrad ku filan u leh kulanka ugu dambeeya ee ka dhiman hanashada Koobka. Guushii ay Faransiisku kasoo hoyiyeen fiinaalkii 2018 waxaa kaalin weyn ku lahaa ciyaartoyda Khadka dhexe xoreystay ee kala ah Paul Pogba, Kante iyo Blaise, kuwaasoo dhammaantood hadda ka wada maqan. Ciyaartoyda hadda lagu halleynayo Khadka dhexe ee Faransiiska waxaa ka mid ah Arelian Tchomini iyo Eduardo Kamavinga waxayna laf dhabar u yihiin kooxda Real Madrid. Sidoo kale waxaan la dafiri Karin in Youssef Fofana iyo Griezmann ay si fiican u ciyaareen ilaa hadda. Hase yeeshee waxa uusan muran ka taagneyn in aysan u awood badneyn sida khadkii dhexe ee Faransiiska u ciyaarayay 2018. Argentina waxaa hoggaanka u haya Messi oo ay ka go’an tahay in uu ka faa’iideysto fursaddiisii ugu dambeysay ee u uku qaadi karo Koobka Adduunka oo uusan weligiis ku guuleysan. Dhanka kalena Faransiiska waxay ku dadaaleen ilaa haddana ku adkeysanayaan in Koobka Adduunka uusan gacantooda ka bixin, markii labaad oo xiriir ahna u qaataan waddankooda. Qaran News
  9. 3 Madaxweyne oo Afrikaan ah oo ay Fadeexad ku dhacday iyagoo Fagaare jooga Maalmahan waxaa si weyn u faafay muuqaal laga arkayo madaxweynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir Mayardit oo ay surwaalkiisa qoysay wax u muuqday kaadi xilli uu ku sugnaa meel fagaare ah oo ay ku wehlinayeen mas’uuliyiin kale iyo warbaahinta. Salva Kiir oo 71 jir ah ayaa fadeexad kala kulmay dhacdadaas oo ku beegantay isagoo ay kaamirada heyso, si toos ahna looga daawanayo telefishinka. Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa markaas ka qeyb galayay munaasabad loogu dabaal degayay furitaanka waddo cusub oo la dhisay. Kaamiro uu si toos ah ugu beegnaa ayaa qabatay qoyaaska kasoo baxay surwaalka, wax yar ka dibna madaxweynaha ayaa hoos u fiiriyay lugihiisa ka hor inta aan laga wareejin kaamirada. Warbaahinta Sahara ayaa tebisay in Madaxweynaha uu la xanuunsanaa caabuq dhinaca kaadida ah oo sababay in ay kasoo daadato. Salva Kiir ayaa Suudaanta Koonfureed madaxweyne ka ahaa tan iyo markii ay madaxbannaanida qaateen sanadkii 2011. Ma aha markii ugu horreysay oo ay kaamiro qabato madaxweyne Afrikaan ah oo ku „ceeboobay meel fagaare ah”. Waxaa jiray ilaa labo dhacdo oo kale oo hadal heyn dhaliyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Robert Mugabe Dabayaaqadii bishii October ee sanadkii 2015 ayuu madaxweynihii geeriyooday ee dalka Zimbabwe la kulmay dhacdo dhalisay hadalheynta warbaahinta, laguna tilmaamay xaalad uu “ku ceeboobay”. Muuqaal aad la isula wadaagay ayaa laga arkay Mugabe oo xilli uu booqasho rasmi ah ku joogay dalka Hindiya ku sigtay in uu dhaco xilli uu socday. Arrintaas ayaa kuso aadday markii uu Mugabe dhammeystay khudbad uu ka jeediyay shirkada Hindiya iyo Afrika ee ka dhacay magaalada New Delhi. Madaxweynaha Zimbabwe oo markaas ahaa 91 ayaa laga dareemayay in uu daal awgiis la daciifay, isagoo isku dayayay in uu u socdo dhanka Raysul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, si uu u gacan qaado. Raysul Wasaare Modi iyo labo qof oo kale ayaa si deg deg ah ugu booday dhankiisa si ay kor ugu soo qaadeen. Waxay ahayd markii labaad oo ay fadeexad lasoo gudboonaatay Mugabe. Bishii February ee isla sanadkaas ayuu Robert Mugabe hadal heyn dhaliyay ka dib markii uu ku turunturrooday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Harare. Cali Bongo Madaxweynaha dalka Gabon Cali Bongo Ondhimba ayaa hadal-heynta baraha bulshada qabsaday bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ka dib markii la faafiyay muuqaal laga duubay isagoo uu dhibayo socodka. Muuqaalkaas ayaa sidoo kale laga arkayay Raysul Wasaarihii xilligaas ee Britain, Boris Johnson oo sugaya inta uu gudaha ka galayo madaxweynaha oo caawinaad ka helayay nin kale oo u muuqday inuu ka ilaalinayay inuu dhaco. Bongo ayaa la xanuunsanaa cudurka Faaligga oo ku dhuftay sanadkii 2019-kii, hase yeeshee waxa uu diiday in uu ka dago xilka madaxweynaha. Waxa uu xilka madaxweynaha Gabon hayay tan iyo sanadkii 2009, markaas oo uu kala wareegay aabihiis Cumar Bongo oo waddanka madaxweyne kasoo ahaa laga soo billaabo 1967 ilaa markii uu geeriyooday 200 Qaran News
  10. Farriinta ugu waxtarka badan oo uu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ku soo gudbiyay buuggiisa waa: Qaran kuma dhisnaan karo calooshood-u-shaqaystayaal ama ciidammo caawiyeyaal ah. Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo khudbad ka jeedinaya Qaramada Midoobay Toban sano ka hor wuxuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed qoray Halgan iyo Hagardaamo, buug ku saabsan taariikh nololeedkiisii. Waxaa la dabaacay buugga dhowr bilood ka hor geeridiisii. Toban guurada soo bixistii buugga iyo 18 guurada markii ka qeybgalayaashii shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ka dhacay Embagathi “ku heshiiyeen” qaadashada habka federaalka ayaa ka dhigaya buugga kan ugu muhiimsan ku saabsan noloshii siyaasadeed ee hoggaamiye Soomaaliyeed wixii ka dambeeyay 1960kii. Buuggu wuu ka duwan yahay buugaggii Dalkayga iyo Dadkayga oo ay Waaxdii Qoraalka ee Wasaaraddii Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha soo saari jirtay laguna soo ururin jiray khudbadihii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. Tan iyo markii buugga la soo saaray billowgii 2012kii, Soomaaliya waxaa ka dhacay isbeddelo siyaasadeed: dawladdii ku meelgaarka waxaa beddelay dowlad aan ku meel gaar ahayn laakiin aan dalka ka wada talinin welina ku tiirsan ciidammo nabad-ilaalin ka socda dalal Afrikaan ah (ATMIS); seddex Madaxweyne ayaa Muqdisho lagu doortay 2012kii, 2017kii iyo 2022ka. Buuggu wuxuu ku billaabanayaa dhalashadii Cabdullaahi Yuusuf (billowgii soddomaadkii qarnigii labaatanaad), xilligii uu si lama filaan ah ugu biiray ciidammada (1952kii) iyo tababbarradii uu ku tagay dalal kala duwan. Culayska wuxuu saarayaa kaalintiisii siyaasadda xilliyo kala duwan. Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu siyaasadda Soomaaliya ku jiray 23 sano: 7 sano uu ku sugnaa Itoobiya (1978-1985) ka hor inta aan la xirin 1985kii, lana soo daynin 1991kii; 6 sano uu hayay xilka Guddoomiyaha Arrimmaha Degdegga ee ururkii SSDF ka talinayay gobollada loo yiqiin Waqooyi Bari (1996-1998) 6 sano uu ahaa Madaxweynaha Puntland (1998-2004) iyo 4 sano oo uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2004-2008). Sanadaha noloshiisii askarinimo ka hor iyo kaddib 1dii Luulyo 1960kii wadartoodu waa 26 sano (1952-1978). Cabdullaahi wuxuu ku dooday inuu diiddanaa in ciidammadu afgambiyaan dowladdii rayidka ahayd. Sanadkii 2002dii Maxamed Abshir Muuse, taliyihii hore ee ciidanka booliska ka hor 1969kii, ayaa wariye u sheegay Cabdullaahi Yuusuf iyo Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid u yimaadeen isaga iyagoo watay qorshe ay ku doonayeen inay ku afgambiyaan dowladdii rayidka ahayd. Dhalashadii Kacaankii kaddib dowladdii cusbayd ayaa xabsiga u taxaabtay Cabdullaahi Yuusuf. Waxaa la soo daayay markii Soomaaliya isu diyaarinaysay dagaalkii 1977kii ay la gashay Itoobiya, dagaalkaas oo uu ka qeybgalay ka hor afgambigii dhicisoobay oo uu kaalin horseed ah u lahaa. Qaar ka mid dadkii afgambiga diyaariyay ayay dowladdii kacaanku tiirka geysay oo toogatay. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu u baxsaday Kenya ka hor inta uusan u safrin Itoobiya, halkaas oo uu jabhad hubaysan, oo mucaarad ku ah taliskii kacaanka, unkiddeedii uu kaalin weyn ku yeeshay. Halgan iyo Hagardaamo: Siyaasiga Soomaaliyeed wax ayuu ka dheefi karaa akhrinta buugga Cabdillaahi Yuusuf ka qoray noloshiisii siyaasadda. Wuxuu Cabdullaahi ku xusay buugga dhacdo ciidammada Xabashidu ku laayeen askar SSDF ahayd. Dhacdadaas waxay tustay Cabdullaahi in ujeeddooyinkii ururka SSDF iyo ujeddooyinkii taliskii Dergigu ay kala duwanayeen. Mengistu Haile Mariam, Madaxweynihii Itoobiya, wuxuu hoggaaminayay talis shuuciyadda qaatay oo isbaddal sal iyo baar ah ka sameeyay Itoobiya si uu ula dagaallamo dabaqaddii dhulgoosiga ahayd ee Embaradoor Xayle Salaase hoggaaminayay. Mengistu wuu ogaa in Cabdullaahi necbaa hantiwadaagga iyo shuuciyadda labadaba. Taas waxay meesha ka saartay rajadii uu Mengistu ka qabay inuu taageero jabhad doonaysa inay afgambiso dowladdii kacaanka. Garabkii askarta ee SSDF waxay badankood ahaayeen dad shuuciyadda neceb laakiin dan u arkayay in talis shuuci ahaa uu ka caawiyo ridista talis hantiwadaag ahaa oo Soomaaliya ka jiray. Isburintani waxay abuurtay in SSDF iyo Mengistu ay sii kala fogaadaan. Isku day baa jiray si loo mideeyo SSDF iyo ururkii SNM. Laguma guuleysanin. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu guuldarrada dusha ka saaray siyaasiyiin uu ka mid yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo, sida Cabdullaahi ku dooday, sheegay in ururku saxayo gefefkii dhacay 1960 midowgii Waqooyi iyo Koonfur kaddib. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu dooddan u fasirtay mid asaas u ahayd goosasho-doonista maamulka Somaliland. Dastuurkii SNM marnaba kuma baaqin kala-goynta Soomaaliya. Siilaanyo 1991kii warqad uu qoray wuxuu si cad uga soo horjeestay in dad aan waxba galabsan loo beegsado haybtooda, wuxuu ahaa mowqif uu kaga soo horjeeday ururkii USC oo ciidammadoodii geysteen kaddib dhicistii taliskii kacaanka. SSDF iyo SNM ma midoobi karin ugu yaraan afar sababood awgood: 1- SNM waxaa lagu asaasay London 1981kii. Madaxdii ururka oo Itoobiya timid ujeeddadoodu waxay ahayd u kuurgalista waxa urur ku tiirsan Itoobiya uga suurtoobi kara inuu la dagaallamo dowladdii ka jirtay Soomaaliya. 2- SSDF waxaa Itoobiya u joogay ciidan beeleed badan, tanina waxay ururka siinaysay awood gorgortan marka midow laga hadlayo. 3- Ururka SNM ma doonaynin inay talada siyaasadda gacanta u geliyaan askar sida SSDF oo uu Cabdullaahi Yuusuf hoggaaminayay, gaar ahaan kuwo afgambi hore iskugu dayay Soomaaliya. 4- Madaxdii SNM waxay xusuusteen go’aankii dhulka Hawd uu Biritishku si sharcidarro ah ugu daray Itoobiya 1954, marnaba kuma qabin kalsooni Itoobiya. SNM si cad ayay uga hortimid inay la midowdo SSDF, waana go’aan ay xubnihii SSDF badankood ilaa hadda u arkaan mid soo dedejiyay burburkii ururka. Xubno badan oo ka mid ahaa ayaa dowladdii Soomaaliya cafis weyddiistay. Dagaalkii 1982kii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu sii wiiqay awooddii siyaasadeed ee ururkii SSDF. Cabdullaahi Yuusuf wuu ka horyimid go’aankii Itoobiya calankeeda kaga taagtay Galdogob. SSDF ma lahayn awood ay degmooyin Soomaaliyeed ku qabsato laakiin Xabashidu way ku raadgateen SSDF. Itoobiya waxay kuu tiirsanayd Midowgii Soofiyeeti. Taasi waxay sababtay in Itoobiya xitaa u hoggaansami weyday cahdigii Midowga Afrika ku saabsan dhowrista qarannimada dalalka xubnaha ka ah ururka. Waqtigaas waxaa socday dagaalkii qaboobaa. Siyaasadda Galbeedka waxaa loo yiqiin “dib u riixidda xuduudaha shuuciyadda”. Galbeedku waxay taageereen xoogaggii Itoobiya ka soo horjeeday sida TPLF iyo EPLF (ururkii gobanimidoonka ee Eritreeya). Ururradii Soomaaliyeed, sida SSDF uu fadhigoodu ahaa Itoobiya, waxay u ekaadeen kuwo doonayay inay shuuciyad ka hirgalinayaan Soomaaliya. Fekerkaasi wuxuu u seeto-dheereeyay taliskii kacaanka oo helay fursado uu wax kaga beddelay siyaasaddiisii dhaqaalaha. Mengistu oo 1977kii ka cabanayay in Soomaaliya soo weerartay dalkiisa jebisayna xeerkii ururka Midowga Afrika ayaa la yimid siyaasad sababtay in ugu dambayntii Itoobiya noqoto dal bad la’aan ah kaddib markii is fidintiisii ay fursad siisay Galbeedka oo xilligaa ku shaqaynayay siyaasadii ii Madaxweyne Ronald Reagan dejiyay si loo yareeyo meelaha talisyada shuuciga ahaa ka taliyaan ama laga hortago fidistooda. Sidaas oo ay tahayna, Galbeedku marnaba Soomaaliya uma hubaynin sida Midowgii Soofiyeeti u hubaynayay ama u garab-taagnaa Itoobiya xilligaas. Dowladda Itoobiya waxay Cabdulaahi Yuusuf xirtay 1985kii oo waxaa la soo daayay 1991kii kaddib markii taliskii Dergigu dhacay. Markuu xabsiga ka soo baxay dagaal sokeeyee ayaa Soomaaliya ka taagnaa. Wuxuu ka sheekaynayaa sida uu dib ugu soo noqday siyaasadda Soomaaliya isagoo oggolaaday in Maxamed Abshir Muuse ahaado Guddoomiyaha ururkii SSDF, ururkaas oo 1991kii aan lahayn ciidammo la dagaallamayay taliskii milatariga ee Soomaaliya. Aqoonsiga dowladdii ururkii USC ay dhistay ay siiyay SSDF waxaa ku xigay weerarkii ciidammada USC ku soo qaadeen Gaalkacyo 1991kii. Weerarka ka hor Ra’iisal Wasaare Cumar Carte Qaalib, oo jeedinayay khudbaddiisii kala diristii Xoogga Dalka, ayaa ugu baaqay ciidammada Xoogga Dalka ku sugnaa Waqooyiga Gaalkacyo inay isu dhiibaan SSDF, iyo in ciidammadii ku sugnaa oo Koonfurta Gaalkacyo isu dhiibaan ururka USC. Cabdullaahi Yuusuf waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Arrimmaha Degdegga ee SSDF. Xilkaas wuxuu u fududeeyay Cabdullaahi Yuusuf inuu qaato go’aammo siyaasadeed horseeday Heshiiskii Gaalkacyo oo Muqdisho ka dhacay kaddib markii isaga iyo Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid ay 1993kii heshiis kala saxiixdeen, heshiis noqday kii ugu horreeyay oo muujiyay in siyaasiyiintu nabadayn ku heshiin karaan. Heeshiiskii 1995 ka dhacaay Ceerigaabo ayaa ahaa kii labaad oo isna muujiyay in saamileyda siyaasaddu unki karaan siyaasad nabadeyn ku salaysan. 1997kii ayuu Cabduulaahi Yuusfu ka hor yimid qodobbadii shir Qaahira ka dhacay oo Masar ay u abaabushay siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya. Mowqifka Cabdullaahi Yuusuf shirkaas ka istaagay ayaa horseeday in loo tabaabusheysto dhisiddii maamul goboleedka Puntland. Maxamed Abshir mabda’ ahaan wuu taageersanaa shirkii Masar, sidoo kalena muu ka hor imanin dabayshii maamul samaynta oo ka dhalatay mowqifkii Cabdullaahi Yuusuf ka istaagay shirkii Qaahira. Tartan labada siyaasi dhexmaray waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Yuusuf oo noqday Madaxweynaha Puntland 1998kii. Hoggaamintii Maxamed Abshir Muuse oo laba tiir lahayd – dhowrista nabad ku wada noolaanshaha Soomaalida iyo ka hortagga in Soomaalida loo nugleeyo amar-ku-taaglayn ciidan ama mid rayid – ayaa jeexday dhabbaha uu qaaday Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo u arkayay habka federaalka mid dhowri kara midnimada Soomaaliya, kana hortagi kara awood siyaasadeed hal meel ku urursan, sida dalka Soomaaliya uu ahaa ka hor 1991kii oo kale. Dagaalkii Puntland ka dhacay 2001-2002 ayuu Cabdullaahi Yusuuf ka sheekeeyay iyo caqabadihii uu la kulmay intii uu Madaxweyne ka ahaa Puntland. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu isu arkayay qof u soo dagaallamay in Soomaaliya ka madaxbannaanaato keli-talis laakiin may cadda inuu aaminsanaa in talada siyaasadda loo daayo rayidka. Aad buu uga soo horjeeday go’aankii lagu cafiyay saraakiishii reer Waqooyiga ahayd oo ka dambeeyay gadoodkii 1961kii ka dhacay Hargeysa. In maxkamd ciidan la saaro oo la ciqaabo saraakiisha gadoodka samaysay ayuu Cabdullaahi Yuusuf aaminsanaa, sida uu ku dooday. Waa suurtagal in madaxdii SNM xusuusteen mowqifka Cabddullaahi Yuusuf ku saabsanaa maxkamadayntii saraakiishii reer Waqooyiga ahaa markii SSDF doonaysay inay la midowgo SNM. Cabdullaahi Yuusuf ku eedeynayaa Maxamed Siyaad Barre inuu lug ku lahaa dilkii dimlomaasigii Masar Kamaaludiin Saalax oo 1957kii Muqdisho lagu dilay. In Siyaad Barre iman waayay kulammo ku saabsan baaristii socotay ayuu Cabdullaahi Yuusuf ku doodayaa. May aha xusuus la rumeysan karo marka aad barbardhigto in Cabdulaahi Yuusuf ku eedeeyay Maxamed Sahnuun (Mohamed Sahnoun) iyo dad kale oo hay’adaha samafalka la shaqaynayay inay xagal-daacinayeen dadaalladiisa intuu ahaa Madaxweynaha Puntland. Maxamed Sahnuun wuxuu iska casilay shaqadii uu Qaramada Midoobau u hayay dhammaandkii 1992kii kaddib markii uu yaraystay saameyntii qabqablayaashu ku lahaayeen macaluushii 1992kii ka dhacday Soomaaliya. 2004tii ayaa Cabdulaahi Yuusuf loo doortay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka ahayd. Wuxuu ku baaqay in ciidammo nabad-ilaalin ah oo ka badan 20,000 ka badan Soomaaliya la keeno. Cabdullaahi Yuusuf muu sharxayo sababta uu ciidammo shisheeye uga baahnaa haddii ay qabqableyaashii Koonfurta Soomaaliya awoodda ku lahaa isaga taageereen kana mid noqdeen dowladdii uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo baarlamaankii uu guddoomiye u ahaa Shariif Xasan. Dowladdii uu soo dhisay Geeddi waxay degtay Jowhar markii dambena Baydhaba. Dowladaha waaweyn qaarkood waxay taageerayeen qabqablayaashii ka hor yimid dowladdii Carta lagu soo dhisay. Qabqablayaashu waxay taageero ka heleen dal si ay u dhisaan wax ay ku tilmaameen ururka la dagaallanka argagixisada. Ururkii Midowga Maxkamadaha ayaa jabiyay ururkii qabqablayaashu dhisteen. Cabsidii dowladdii taageeraysay qabqablayaasha ka qabtay Ururkii Maxkamadaha oo waqti yar ku nabadeeyay Muqdisho ayaa ku kalliftay inay taageerto Itoobiya oo sheeganaysay inay difaacayso “dowladda federaalka Soomaaliya”. Maxkamaduhu kama faa’iideysanin awood-wadaaggii dowladdii Cabdullaahi Yuusuf oggolaatay kaddib shirkii ka dhacay Suudaan. Xoghayihii Gaashaandhigga Ururkii Maxkamadaka Sheekh Yuusuf Indhacadde ayaa ku hanjabay in ururku weerari doono Addis Ababa. Itoobiya waxay heshay marmarsiinyo labaad ka sokow ballaanqaadkii ahaa inay difaaci doonto dowladdii federaalka oo fadhigeedu Baydhaba ahaa 2006dii. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu Itoobiya ku eedeynayaa inaysan daacad ka ahayn dib u dhiska Soomaaliya. Itoobiyaanku lama socodsiin jirin Cabdullaahi Yuusuf xog ku saabsan xoogaggii iska caabbinta (muqaawimada). Markii ciidammada Itoobiya soo gaareen Muqdisho, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi wuxuu sheegay in ciidammada dalkiisu “guulo ifaya” gaareen. Madaxdii ururkii Midowga Maxkamadaha waxay go’aansadeen in hubka loo celiyo dadka; wuxuu ahaa go’aan dagaalka u yeelay weji cusub iska caabbintii billaabatay awgeed. Ma jirin ciidan Soomaaliyeed oo la dagaallami karay xoogagga iska caabbinta. Ciidanka Itoobiya waxay u babacdhigi waayeen kooxihii iska caabbinta (ay Al-shabaab ugu weynayd) oo hubkii ugu weynaa ay adeegsadeen ahaa teleefoonkii ay u diri jireen shaqaalaha dowladda federaalka iyagoo uga digi jiray inay u sii shaqeeyaan dowladda. Meles Zenawi, sida Mengistu, aqoon badan uma lahayn Soomaaliya. Siyaasadda wuxuu u yiqiin inay qoriga afkiisa ka soo baxdo. Wuxuu ka dhashay qowmiyad 6% ka ah Itoobiya oo ka faa’iidday dhammadkii Dagaalkii Qaboobaa, heshayna fursad ay Itoobiya ku xukunto, kaddibna isku suuqgeyso inay tahay gaashaanka Galbeedka ka ilaalinaya halista Soomaaliya – waa dood la mid mid uu sanadkan Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, si dadban u soo gudbiyay markuu uu warramayay saxafi ka socday majaladda New Yorker. Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Ra’iisal Wasaare ku Xigeenkiisii Axmed Cabdisalaan waxay wadeen nabadeyn wax ku sii kordhinaysay dib u heshiisiintii sanadkii 2007dii lagu qabtay Muqdisho oo uu maamulayay Cali Mahdi Maxamed. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuu garan-waayay in nabadeyntu ay isaga badbaadinaysay. Inuu ururkii Dib u Xoreynta Soomaaliya (Alliance for the Reliberation of Somalia) ku tilmaamay beel waxaa sababyay xogtii dagaalka oo Itoobiyaanku ka qariyeen Cabdullaahi Yuusuf iyo isaga oo illoobay mowqifkii uu ku taageeray wadahadalladii Jabuuti uga socday Dowladdii Ku Meelgaarka iyo Ururkii Dib u Xoreynta Soomaaaliga inuu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya xilli Soomaali badan oo aan dagaalka ku jirin ay ku dhaawacmeen ama ku dhimanayeen dagaalkii socday. Siyaad Barre muu helin fursad la mid ah tii Cabdullaahi Yuusuf helay waayo mucaaridkii hubeysnaa ka hor 1991kii way diideen inay wadahadal la galaan dowladdii Siyaad Barre. Cadaadis beesha caalamku ay saartay awgiis (xannibaad safar ) Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuu iscasilay Diseembar 2008 oo wuxuu ku noolaa Yemen ka hor geeridiisii 2012kii. Waxaa xusid mudan in Cabdullaahi Yuusuf u arkayay dowladda federaalka tan mas’uulka ka ah danaha qaranka. Muu jeclayn in is barbar-yaac uu dhaco. Markii dowladdii Puntland ee Cadde Muuse iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi is afgaran-waayeen, Cabdullaahi Yuusuf wuxuu taageeray Geeddi. Wuxuu habka federaalka u arkayay mid ka hortagaya in awooddu heel meel ku soo ururto ama inay abuurmaan awoodo siyaasadeed aan lala xisaabtami karin. Labadaas ujeeddo midna laguma guuleysanin ilaa hadda inkastoo Soomaaliya tahay dal sheegta inuu habka federaalka qaatay lehna dowlad aaan ku meelgaar ahayn. Dal kuma dhisnaan karo ciidan calooshood u shaqaystayaal ah ama kuwo caawiyeyaal ah, ayuu Niccolo Machiavelli, siyaasi iyo qoraa Talyaani ahaa, ku dooday. Ciidammo beeleed magac xoogga dalka la siiyay ama ciidammo nabad ilaalin dalal kale laga keenay waxay sii murjiyeen siyaasadda Soomaaliya. Dowladihii Soomaaliya soo maray laga billaabo sanadkii 2000 midna lama imanin dadaallo ku sargo’an caqabadaha siyaasadda. Iscasiladdii Cabdullahi Yuusuf kaddib dowladdii federaalka ku meelgaarka ahayd waxay saxiixaday heshiis muran galiyay badda Soomaaliya. Dowladdii federaalka xilka kala wareegtay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo tii ka sii dambaysay ka bixistii ku meelgaarka kaddib waxay doonteen lacago Soomaaliya u yaalla bangiyo shisheeye iyagoo ka faa’iideysanayay aqoonsiga dowladdu haysato, lacagtaas oo uu qareen Maraykan ahi isku dayay inuu lunsado; heshiis wax-soo-saar wadaag ayuu 2022kii Wasiirkii Batrool uu si sharci-darro ah u saxiixay; dowladda Federaalka Soomaaliyeed Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaaminayo ayaa jideynaysa. Waa go’aan ka halis-badan kii heshiiskii isafgarad ay dowladdii ku meelgaarku 2009kii kula gashay Kenya, heshiiskaas oo murangeliyay badda Soomaaliya. Habka federaalka Soomaaliya wuu 18 jirsaday hase ahaatee awood-daadejin dhab ihi kama dhicin Soomaaliya; weli dalku wuxuu ku tiirsan yahay ciidammo nabad-ilaalin oo ka socda Afrika; ma jiraan hay’do heer federaal oo lagula xisaabtami karo shaqadooda. Habka 4.5 wuxuu sii kala fogeeyay Soomaalida. Halgan iyo Hagardaamo waa buug Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu akhristayaasha kula wadaagay gefefkiisii siyaasadeed oo qaarkood ay soo gabagabeeyeen noloshiisii siyaasadeed. Hay’ado federaal oo lala xisaabtamo ama fulintu (madaxtooyada) aysan ku adeegan karin kama dambaynin Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waa tilmaan wanaagsan oo lagu xasuusan karo muddo xileedkii heer federaal ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed. W.Q. Liibaan A. Axmad libahm@gmail.com The post Halgan iyo Hagardaamo Toban Sano Kaddib appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyay Soomaalida Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ka hadlay siyaasadii hore ee la dagaalanka Al-shabaab iyo siyaasadda casub ee hadda kula dagaalamayso dowladda uu hoggaamiyo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasadda la dagaalka Al-shabaab ee 15 sano la soo dhaafay ku tilmaamay mid ay wadeen dalal shisheeye oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya. Wuxuu sheegay in ay siyaasaddaasi ahayd labo, mid laga la dagaalami jiray in ay xuduudaha ka gudbaan oo fashilantay iyo mid awoodooda lagu dhimayay sida in la bartilmaamaydsado madaxdooda iyo saldhigyadooda. Siyaasadda cusub ee dowladdiisu kula dagaalamayso Al-shabaab ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in ay ku taagan tahay saddex tiir oo mid horay u soo jiray, yahayna milateri (awoodooda oo la dhimo) labada kalana wuxuu ku tilmaamay fikirka iyo dhaqaalaha. PUNTLAND POST The post Maxay tahay siyaasadda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh kula dagaalamayo Al-shabaab? appeared first on Puntland Post.
  12. Minnesota (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka wuxuu kala qeyb galay, isku soo bax balaaran oo lagu taageerayay halganka dib u xoreynta ah dalka ka socda. Madaxweynaha ayaa khudbad ka hor jeediyay boqolaal dadweyne Soomaaliyeed ah oo ku nool Mareykanka, wuxuuna sheegay in awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba looga adkaaday kooxda Al-shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyey inuu gabagabo yahay qorshaha looga taqalusayo Al-shabaab, sida fikirka, furimaha dagaalka iyo dhanka maaliyadda oo ah seddax jiho ee dagaalka looga qaaday kooxda. “Waxaan idin sheegaya in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka ay u kaceen iney ka xoreeyaan Argagixisada, hada waa gabagabo howlgalada lagu xoreynayo oo lagu ciribtiraayo cadawga Al-shabaab, maalmahan xaalada Shabaab-ka waxaan ku sifeeya Kaluun biyihii ka gureen oo aan sii noolaa doonin,” ayuu yiri madaxweynuhu. Madaxweyne Xasan ayaa ka balan qaaday shacabka Soomaaliyeed ee isugu soo baxay soo dhaweyntiisa in magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka laga furi doono qunsuliyad u adeegi doonta shacabka reer Minnesota. “Reer Minnesota waxaan halkan la idinkaga furayaa Qunsulyad idiin adeegta, laakiin waxaan idinka codsanayaa, maadama dowladeena dagaalo ku furan yihiin inaad dhisataan xarunta Qunsulyada oo hoos tagi doonta Safaaradda, waana inaad u dhisataan dhul weyn oo maalmaha Sabtiga iyo Axad carruurta la keeni karo ee ma ahan inaad laba qol oo cariiri ah u dhisataan,” ayuu yiri hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh. Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka dalka Mareykanka, kana mid aheyd dadkii soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in dalka Mareykanka ay kusoo dhaweyso madaxweynaha dowladda Soomaaliya. “Aniga iyo xubno kale waxaan kasoo dagi doona magaalada Muqdisho, waxaan heysanaa Madaxweyne ka shaqeynaya midnimada Soomaaliyeed, Adeer markaan ugu yeero waxa uu iigu wacaa gabartey,” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo sifo cajiib ah ku macneeyey ‘guul darada’ Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  13. Doolow (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Cabdullahi Fartaag ayaa caawa gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay loo diidanaa. Galabta ilaa fiidkii hore ee caawa waxaa Doolow ka taagneyd xiisad ka dhalatay hor istaag lagu sameeyey masuuliyiintaas oo dooneysay inay gudaha u galaan magaalada. Maamulka gobolka Gedo ayaa is hortaag ku sameeyey masuuliyiintaan oo ka yimid dhinaca Mandheera, kuwaas oo doonayey inay soo galaan Doolow. Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo oo lagu magacaabo Diini ayaa la sheegay inuu ugu dambeyntii ku guuleystay in masuuliyiinta kale ee gobolkaas uu ku qanciyo in Doolow uu tago wafdiga Janan. Sawirro lagu baahiyey warbaahinta ayaa waxaa ka soo muuqday abaandulaha guutada 10-aad Cismaan Niinile oo safarka ku wehliyay Janan iyo Fartaag. Waxaa jira siyaasiyiin iyo saraakiil ka soo hor jeestay is hor taagga lagu sameeyey wafdigaan, taas oo xiisad ka abuurtay degmooyinka gobolka Gedo, gaar ahaan Doolow op caawa ay xaaladu degan tahay, kadib markii la xaliyey xiisadda. Siyaasiyiintaan weli ma cadeyn qorshaha safarkooda, balse wuxuu ku soo aadayaa iyadoo dhawaan la dilay Taliyihii NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke, sidoo kalena gobolka uu ka taagan yahay jaha wareer maamul oo xoog leh. The post Xog: Wararkii u dambeeyey xiisad ka dhalatay Janan iyo Fartaag oo loo diiday Doolow appeared first on Caasimada Online.
  14. (ERGO) – More than 900 displaced families are receiving a free mobile health service visiting Tosha and Sheeyo villages in Badhadhe, Lower Juba. These families normally have to walk about 20 kilometres to the nearest hospitals in Kudhaa district to access health care. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU, SOMALIA — Eighty-eight al-Shabab militants were killed this week in a joint operation by the Somali National Army and allied clan militia in the Middle Shabelle region, Somali's Deputy Information Minister Abdirahman Yusuf Al-Adala said Thursday at a news conference. Source: Hiiraan Online
  16. Xildhiban Abdiqani Abdilahi oo ka mida Golaha degaanka Degmada Burco Ayaa si Adag uga horyimi Dalab la sheegay Inuu uga Yimi Xukuumada Madaxweyne biixi Kaaso ahaa inuu Ku Biiro Xisbiga kulmiye Taa badalkeedana Lagu dhisi Doono Jagada Maayarka Burco Ka dib markii Uu Maayarka Degmada Burco Si cad U Diiday Inuu ku Biiro Xisbiga Kulmiye isla markaana Dhiso Madaxweyne Muuse Biixi Qaran News
  17. After years of scattershot walk-outs and demonstrations, workers at Amazon’s fulfillment center in Shakopee have begun an effort to unionize the warehouse and legally force the retail giant to negotiate with them. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey saldhigyadii Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Saldhigyada ay ciidamada xoogga dalka ka burburiyeen Al-Shabaab ayaa ku kala yaalay degaanada kala ah Baladul-Amiin, Ay-Buralay, Kushka, Dharabka, Fulaydheer iyo degaanno kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Taliyaha Guutada 7-aad Qeybta 12-ka April Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) oo hawlgalka hoggaaminayey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay sii wadi doonaan baacsiga Al-Shabaab, inta laga ciribtirayo dhammaan deegaanada gobolkaas. Dhinaca kale,Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta gaaray degaanka Guulane oo hoos taga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe. Taliyaha waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Agaasime Muxudiin Xasan Juris Saabeey oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, taliyaha booliska HirShabelle Col. Xasan Dhicisow iyo saraakiil kale. Saraakiishaan ayaa booqanaya deegaano u dhow Guulane oo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada dowladdu ku laayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Inta badan gobollada ay Al-Shabaab ka joogaan dalka waxaa ka socda guluf dagaal oo aad u culus, iyadoo guulo waaweyn ay ciidanka dowladdu ka gaareen dagaalkaas ka dhanka ah Al-Shabaab. The post Sawirro: Ugu yaraan 5 deegaan oo maanta laga xoreeyey Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  19. In an UpFront special, Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud sits down with Marc Lamont Hill to discuss the humanitarian and security challenges facing his country. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU (Xinhua) -- The World Bank said it has approved a 70 million U.S. dollar International Development Association (IDA) grant to develop resilient water, agriculture, and environmental services for rural communities in Somalia's drylands. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) - Somalia's Lower House Parliamentary Speaker, Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe, on Friday morning denied reports that he accepted the parliamentary seat HOP086 won by former NISA chief Fahad Yasin. Source: Hiiraan Online
  22. Click here to read more about this article Qaran News