-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa si cajiib ah u difaacay hey’adaha ammaanka, isagoo tusaale macquul ah hor dhigay xildhibaanada golaha shacabka, kadib hadal kooban oo kulankii maanta ee golaha uu ka jeediyey. Sanbaloolshe ayaa xildhibaanada kula dardaarmay in waqtigii la dhaliili lahaa hey’adaha ammaanka aan la gaarin, isagoo u soo jeediyey in loo jigeysto dagaalka Al-Shabaab oo wax kale aan lagu isku mashquulin. “Shabaab-ka shaqadiisu waa in anaga la isku kaana mashquuliyo, marka dagaalka Al-Shabaab aan ka soo jeesano, mida kale hey’adaha ammaanka waa inay helaan waqti ku fulan oo ay wax ku qabtaan,” ayuu yiri Sanbaloolshe. Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa sheegay in xafiisyada ugu sareeya hey’adaha ammaanka uu joogi jiray oo dhibka ay leedahay uu soo arkay, “Howlaha ammaanka wax la isku tuurtuuri karo maaha, xildhibaanada cabashadoodana waa wax meesha ku jira,” ayuu yiri. Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo mar soo noqday taliyaha NISA ayaa xildhibaanada ka dalbaday in waxa dowladda ka dhex jira ee Shabaab-ka farxad gelinaya aan kulamada golaha la keenin oo guddiyadu ay gaar uga tashadaan. “Hoolaha amniga si hoose haloo dhaqo, aan isku dul-qaadano, si masuuliyadi ku jirto aan howlahaan u xalino, mar dambena yaan golahaan la keenin muran amniga ku saleysan,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku sii daray. Hoos ka daawo The post Daawo: Sanbaloolshe oo si cajiib ah u difaacay hay’adaha amniga hal talana siiyey BF appeared first on Caasimada Online.
-
Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Waxaa maanta ciidanka dowladda isku soo dhiibay odayaashii la shaqay jiray kooxda Al-Shabaab ee degmada Ruun-nirgood oo ah degmadii ugu dambeysay ee Shabeellada Dhexe ay ka joogtay maleeshiyada Al-Shabaab. Ciidanka dowladda oo la sheegay in hadda ay ku sugan yihiin hareeraha degmadaas Ruun-nirgood, waxaa maanta isku soo dhiibay odayaashii degmadaas oo lagu soo dhaweeyey deegaan lagu magacaabo Cadcadey oo hoos taga degmadaas. Saraakiil uu ku jiro Jeneraal Gacmadulle ayaa soo dhaweeyey odayaashaas oo warbaahinta loo soo bandhigay, kuwaas oo ka warbixiyey sababtii ku kaliftay inay Shabaab-ka la shaqeeyaan. Odayaashaan ayaa sheegay in khatar badan ay ugu jireen in diyaaradaha dagaalka ay laayaan, iyagoo kooxda aan ula shaqeyneyn doorashadooda oo rag la qasbay ay ahaayeen, sida ay sheegeen. “Habeen hore waxaa na soo dul istaagtay diyaarad, waxay nagu shiday leyr weyn oo wax kasta laga arkaayo, waxaan is-weydiinay sababta nagu kalifeysa inaan sugno inta nalaka duqeynayo, sabuxdiina waan ka soo cararnay inteenii Alle na waafajiyey,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha. Sidoo kale odayaashaan ayaa warbaahinta u sheegay in wax faa’iido ah aysan ku qabin la shaqeynta Al-Shabaab, “Ninka ugu badan 8 bilood ayuu la joogay, wax doorasho ah ma anaa laheyn ee waan qasbaneyn,” ayuu yiri oday kale. Jeneraal Gacmadulle oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ay odayaashaan isku soo dhiibeen ayaa yiri, “Allaah ayaa waafajiyey odayaashaan inay ka soo baxaan kooxda, hadii aysan ka soo goosa laheyn waxaa dhici laheyd ceeb-weyn oo Alle naga koriyey.” Korneel Saney Cabdulle oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka dowladda ayaa saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta u sheegay inay kooxda kala wareegeen degmada Ruun-nirgood, in kastoo wararkii u dambeeyey ay sheegayaan in magaalada aysan weli ciidanku gudaha u gelin, sidoo kale ma jirto cid ka madax-banaan ciidanka oo xiqiijisay in Al-Shabaab ay si buuxda uga baxeen Ruun-nirgood. Hoos ka daawo The post Daawo: Odayaasha Ruun-nirgood oo isku dhiibay DF, soona bandhigay xog yaab leh appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Bishii toddobaad ee sanadkan ayaa waxaa dib u bilowday Qaadka Kenya ee loo dhoofiyo Soomaaliya, kaasoo xirnaa tan iyo sanadkii 2020. Hase yeeshee farxadii ganacsatada ay qabeen ma noqon mid raagta, waxaana durba murugo iyo walwal hor-leh ay ka qaadeen lacago ay ku sheegeen ‘sharci daro’ oo lagu soo rogay. Bishar Axmed oo ka mid ah ganacsatada Qaadka ee Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in lacagaha laga qaado aysan ahayn canshuurta dowladda (Kenya iyo Somalia) iyo tan kirada diyaaradaha midna. “Waa lacag baad ah, ma aha canshuur. Canshuurta dowladda halkan ayaan ku bixiinnaa (Soomaaliya), tan kirada diyaaraddana Kenya ayaa lagu bixiyaa. Lacag kaloo dheeraad ah oo aan miisaan ahayn, canshuur na ahayn ayaa la bixiyaa” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray in lacagtaas ay ku wargeliyeen inay bixyaan ragga iyo dumarka qaadka soo dhiibta ee Kenya jooga. Lacagahan dheeraadka ah ee ay ganacsatadu sheegeen in laga qaado ayay ku andacoodeen in ay qaataan dad ay ku tilmaameen “ma gafe” oo jooga dhanka Kenya, arrintaasna ay soo socotay in muddo ah. Beeraleyda khaadka ee Kenya ayaa cabasho arrintan la xiriirta u gudbiyay madaxweynaha Kenya, oo balanqaaday in uu wax ka qabanayo. ‘Inaan ganacsiga qaadka iska joojinno ayaan ku dhow nahay’ “Lacagtaas meesha ay u socoto annaga nalooma sheegin, ma gafe ayaa qaata,” ayuu yiri Bashiir oo ka mid ah ganacsatada qaadleyda ee Soomaaliya. Waxa uu intaa ku daray in aysan garaneynin waxa ay yihiin dadka lacagta dheeraadka ah ka qaada. “Lacagtu ma aha mid dhanka Soomaaliya laga qaado ee waa mid Kenya gudaheeda lagu qaado. Xilligii hadda qaadka la furay ilaa iyo hadda ayey socotaa,” ayuu yiri Bashiir ku daray hadalkiisa. Waxa uu intaas ku daray in ay qarka u saran yihiin in ay gebi ahaanba joojiyaan ganacsigooda, sababo la xiriira “lacagta dheeriga ah” ee laga qaado, oo dhan shan doolar kiiladii ba, taas oo ka dheeraad ah lacagaha caadiga ah ee canshuurta ah. “Shaqada jaadka in la iska joojiyo ayaan ku dhow nahay. dadka deymo ayaa farqaha ugu xiran, oo shaqadan in la iska joojiyo ayey u dhowdahay,” ayuu yiri. Sacdiya Muxudiin Cali oo sidoo kale ka mid ah ganacsatada qaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhawr jeer dawlada Soomaaliya u gudbiyeen cabashadooda. “Waan ku daalnay sida aan ula hadlaynay dowlada Soomaaliya, canshuurtooda keliye ayeey eegtaan, xitaa waan mudaharaadnay maalmo badan laakiin wax dheg jalaq noo siiyay ma laha. dad masaakiin ah oo lagu tunto ayaa nahay,” ayey tiri Sacdiya Muxdiin. Caqabad ka jirta xitaa dhinaca Kenya Guddoomiyaha ganacsatada Qaadka ee magaalada Maua oo ka mid ah meelaha Qaadka laga keeno, Maxamed Quraysh Macalim ayaa qiray in ay jirto “lacagta dheeriga ah” ee laga qaado ganacsatada qaadka. “Waxay soo billaabatay xilligii corona-há oo shaqada ay istaagtay haddana labada dowladood ay cilaaqad sameeyeen oo xoogaa shaqada naloo billaabay,” ayuu yiri. Isagoo sii sharraxaya waxa ay lacagtaas tahay ayuu yiri: “Sida aan hadda u heysanno waxay nala tahay in ay yihiin qolooyin dhexda wax ka hagaagsaday. Dadkii Jaadka gadayay ee xagga Muqdisho ku ganacsanayay dhowr jeer bey dowladdaas u cawdeen oo ay xitaa bannaanbax dhowr jeer [sameeyeen], annaga lafteennana cabasho waan gudbinnay.” Maxamed Quraysh ayaa xusay in suuqa xumaaday ay uga sii darayaan dhibaatada abaarta ka dhalaty iyo qiimaha nolosha ee sare u kacay, taas oo nolosha ku adkeysay ganacsatada qaadka iyo beeraleyda tacabta. Arrintan ayaa waxay hoos u dhigtay qaadka horay Soomaaliya loogu dhoofin jiray. Saddex sano kahor inta aan la joojin dhoofinta qaadka, 50 tan ayey ganacsatada maalin walba u diri jirin Soomaaliya laakin hadda waxay dhoofiyaan 19.2 tan oo keliya, sida uu noo sheegay maamulka ganacsatada qaadka. Codsiga Ganacsatada Bishaar Axmed oo dhanka Soomaaliya uga ganacsada Qaadka ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ka codsaday in ay arrintan wax ka qabtaan oo qiimihii hore ee ay Qaadka ku iibsan jireen lagu soo celiyo. “Waxaan codsan lahaa, in Qaadka beeciisii hore lagu soo celiyo, shacabkana sidaa ayaa u roon, ganacsatadana jeebkooda sidaa ayaa u faa’ido badan oo u fiican,” ayuu yiri. Guddoomiyaha ganacsatada Qaadka ee dhanka Kenya ayaa isna dhankiisa soo jeediyey in meesha laga saaro dallaaliinta si ay ugu ganacsadaan si xor ah. Ballan-qaadka madaxweeynaha Kenya Madaxweeynaha Kenya, William Ruto oo mahad naq u tagay magaalada Maua inta aan xilka loo dhaarinin ayaa ganacsatada Qaadka u sheegay inuu “si adag wax uga qaban doono dallaallinta dhibka ku haya”. “Maadaama aad isoo doorateen waxaad ii dhiibteen ul aan ku garraaco dadkaan idin dhibaya, marka xilka la ii dhaariyo horay ayaan ka bilaabaaya dadkaan (dallaaliinta) inaan wax ka qabto,” ayuu yiri Madaxweyne William Ruto. Madaxweeynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ganacsatada Qaadka u sheegay inuu toddobaadkaasi gudihiisa oo ah toddobaadka xilka loo dhaariyey la kulmayo madaxweeynaha Soomaaliya oo Kenya u joogay ka qeyb galka xafladda dhaarintiisa, wuxuuna yiri. “Waxaan la kulmaaya madaxweeynaha Soomaaliya, arintiinna Qaadka waxay ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee aan kala hadli doono madaxweeynaha Soomaaliya”. “Dalaalleyda yeysan idin cabsi gelinin,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Maadaama uu aad hoos ugu dhacay Qaadkii loo dhoofin jiray Soomaaliya oo ahaa suuqa ugu ballaaran ganacsatada Qaadka Kenya, hadda waxay Qaadka intiisa badan u diraan gobolka waqooyi bari ee Kenya. Horay ayey caqabado waaweyn usoo wajaheen ganacsatada Qaadka, iyadoo dhowr sano ka hor ay mar dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo gebi ahaanba dalkeeda ka mamnuucday Qaadka uga imaada Kenya ka dib markii uu khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay labada dal. Saraakiisha Dowladda federaalka Soomaaliya oo aan isku daynay in aan la hadalno si aan wax uga weydiinno arrimaha ku saabsan lacagaha dheeraadka ah ah ee ganacsatada qaadka sheegeen in laga qaado noogama aysan soo jawaabin farriimaha aan u dirnay. Isha: BBC The post Qaadka Kenya ee la keeno Soomaaliya oo qarka u saaran inuu joogsado + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ka jawaabay dhalleeceynta Reer Galbeedka ee ku aadan xayiraadda siyaasadeed ee lagu soo rogay duqa magaalada Istanbul kahor doorashooyinka guud ee sanadka dambe. Maxkamad ayaa toddobaadkii tegay ku xukuntay Ekrem Imamoglu in ka badan laba sano iyo bar xabsi ah, waxayna ka mamnuucday inuu xil qabto sababo la xiriira “inuu aflagaadeeyey mas’uul dowladeed” 2019-kii. Kiiska ayaa ka dhashay doorasho muran badan dhalisay oo guushii hore ee Imamoglu la naskahay, kahor inta aan lagu celin oo uusan mar labaad ku guuleysan. Imamoglu ayaa loo arkaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ay suurtagalka tahay inuu Erdogan kaga adkaan karo doorashada madaxweyne ee 2023. Duqa magaalada Istanbul oo 52 jir ah ayaa xilka sii hayn doona illaa laga soo geba-gebeynayo kiiska racfaanka. Dowladda Mareykanka ayaa hoggaamisay dhalleeceyn caalami oo ka dhan ah maxkamadeynta. Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa sheegtay “inay aad u dhibtay ugana niyad-jabtay” halka Jarmalka ay ugu yeereen “jug culus oo gaartay dimoqraadiyadda. Hase yeeshee madaxweyne Erdogan ayaa maanta u sheegay taageerayaashiisa in quwadaha shisheeye ay isku dayayaan inay kiiska u adeegsadaan inay ku faro-geliyaan siyaasadda Turkey kahor doorashada. “Ma aragtaan injineerada siyaasadeed?” ayuu Erdogan weydiiyey taageerayaashiisa. “Ma aragtaan quwadaha shisheeye ee dambi shaqsiyeed u adeegsanaya inay ku maamulaan siyaasadda dalkeena?” Xukunka lagu riday Imamoglu ayaa kumanaan kun oo taageerayaashiisa ah isugu keenay waddooyinka magaalada Istanbul. Qaar ka mid ah fallanqeeyayaasha ayaa rumeysan inay dhiiri-gelin karto ololaha mucaaradka Turkey ee sii liicaya—kuwaas oo weli ku muransan cidda ka hortagi laheyd Erdogan sanadka xiga. Erdogan ayaa muddo saddex maalmood ah diidanaa inuu ka falceliyo xukunka. Wuxuu kadib iska fogeeyey go’aanka isaga oo sheegay in weli racfaan laga qaadan karo. AFP, VOA The post ERDOGAN oo u jawaabay Reer Galbeedka kadib markii Mareykanka iyo Jarmalka ay… appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradaha Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ayaa heshii ku gaaray magaalada Baydhabo. War-mirtiyeed ay wadajir u soo saareen ayaa lagu xusay 8 qodob oo la xiriira horumarinta haweenka iyo ilaalinta xuquuqdooda, waxaana heshiiskaas ka maqnayd Puntland. Qodobada ay ku heshiiyeen Wasaaradaha Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ayaa kala ah: 1. In gacan laga gaysto ansixinta iyo dhaqangelinta sharciyada lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, caruurta iyo dadka naafada ah. 2. Fulinta iyo dhaqangelinta qorshaha qaranka ee haweenka, nabada iyo amniga ee hirgelinta qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1325. 3. Mashruuca dhaqaale abuurida ee haweenka iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada. 4. Dhismaha iyo qalabeynta xafiisyo ay yeelanayaan wasaaradaha haweenka federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. 5. Ilaalinta mas’uuliyadda wasaaradaha, gaar ahaan mashaariicda ku saabsan haweenka, caruurta iyo dad naafada ah. 6. Fulinta qorshaha dowladda ee doorka haweenka nabadeynta amniga iyo xasilinta. 7. In dhammaanka kulamada Protection Cluster’s-ka ay hoggaamiyaan wasaaradaha haweenka. 8. Qabanqaabada shir-weyne haween oo ay diyaarinayso Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Dowladda Federaalka, kaas oo la qaban doona bisha February 2023. The post Heshiis ay ka maqan tahay Puntland oo gaareen DF iyo dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta oo Arbaco ah ay magaalada Muqdisho soo gaareen qaybtii ugu horeysay ee ciidamo tababar ugu maqnaa dalka Ereteriya. Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Cabduqadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in ay ciidamadaan oo tababar muddo dheer ugu maqna Ertreai ay dalka yimaadeen qaybtoodii ugu horeysay. Ciidamadaan ayaa sidoo kale wasiirka uu sheegay in maalmaha soo socda ay soo dhameystirmi doonaan, iyaga oo qayb ka noqon doono dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in ay ciidamada tababarka ku maqan ay dalka dib ugu soo noqon doonaan, si ay qayb uga noqdaan dagaalka Al-shabaab looga xuraynayo dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
“Xisbigii kulmiye ee ay tageeri jireen dadkayagu Maanta yahay mid shimbiro ka dhex heesayaan” Rooda Abdi Muuse, Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Ogaal “Waxaa xalay noo qabsoomay kulan aniga iyo gudoomiyaha uruurka mideeye cismaan badmaax Kulankan diyarintiisa iyo casuumada waxaa lahaa gudoomiyaha ogaal rooda. Kulanka ayaa daarnaa sidan 1) in la dardargaliyo sidii ay isu diwaangalin lahaayeen degaamada aanu ka soo jeedno guud ahaan 2) in siyaasada degaanka aanu ka soo jeedno noqdo mid aanu hogaankiisa hayno , 3) in xisbigii kulmiye ee ay tageeri jireen dadkayagu Maanta yahay mid shimbiro ka dhex heesayaan, oo lagu halayn karin masayrka dadkayaga iyo diwaangalintoodii baaxada lahayd . Iyo dorashadoodiie muga iyo muuqa waynayd. 4) labada masuul ayaa isla qaatay in madaxwaynaha qaran ka muse biixi qaatay doorkiisii kulmiye iyo kiisa mudo xileed ba. Isla markaana aanu lumin karin masayrka iyo codka dadka yaga. 5) Masuul ka ogaal rooda ayaa aaminsan 7 sano axmed silaanyo iyo kulmiye jogeen iyo 5 sano muse joogay, waxaa la daydayayaa siyaasadii , dhaqalihii , hogaamintii , taladii iyo horuumarkii degamada aanu ka soo jeedno 6) ugu danbayn kulamadan ayaa sii socon doono Laguna abaabuli doonaa in aany degaamadani dib ugu hungoobin xisbigii kulmiye, ee islamihiisiii xataa ka huleeleen, loogana tagay talada xun iyo xubno xileed xunka , Iyo cayda bahdulka , birmagaydada dalka NB: Tagerayaasha ogaal Markaad kulankan aragtaan ha moodin isku biirid OGAAL waxay ku tartami doontaa xisbi qaran lkn waxaan ka tashanaynaa dadkayaga oo uruuro leh in aan meel madow lagu sii haynin hawshaasina ogaal iyo mideeye u taalo …………………. Guul” Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Ogaal Rooda Cabdi Muuse Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidda qeybtii ugu horreysay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka muddada dheer ugu maqnaa dalka Eritrea. Ciidamadan cusub oo tababar ku soo qaatay xeryaha waddanka Eritrea ayaa muddo la sugayey, waxaana garoonka kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda. Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadan maanta dalka dib loogu soo celiyay ay billow u yihiin qorshaha ay dowladda dib ugu soo wada celineyso ciidamadii Eritrea ku maqna mudada dheer. Waxa uu sheegay wasiirka in ciidankan dalka dib loogu soo celiyay iyo kuwa soo socdaba ay tahay ka qeyb noqoshada howl-galada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda guud ahaan dalka. “Ciidamadaan waxay qeyb ka noqon doonaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, sida aad la socotaan madaxweyne Xasan Sheekh muddo labo jeer ah ayuu ku laabtay Eritrea isaga oo dadaalo gaar ah ku bixinayo soo laabashada ciidamadaas si ay uga qeyb qaataan howl-galada socda, maanta ayey inoo suurta-gashay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in soo laabashada ciidamadaan ay dhabar-jab xoogan ku tahay Al-Shabaab iyo cid walba oo nabada & guud ahaan dalka dhib ku haysa, sida uu hadalka u dhigay. “Dowladda guud ahaan waxay sii wadi doonta howl-galadaas, waxa kale oo sii wadi doonta horumarinta, tayeynta iyo tababarada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo xaqiiqdii kaalin mug leh ka geystay la-dagaalanka Khawaarijta.” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Haddii Ilaahay yiraahdo mustaqbalka dhow Soomaaliya waxay ku noolaan doonta ayada oo aysan ku nooleyn Khawaarij, ciidamo tayeysan oo tababaran ay lahaan doonto.” Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo keenista ciidamadaan, islamarkaana la soo dhameystirayo illaa bisha Janaayo. Dhalinyaradaan oo tababar ugu maqna dalka Eritrea muddo ku dhow afar sano ayaa waxaa aad u yar macluumaadka laga heli karo, waxayna galeen tababar culus oo noocyo badan leh. The post DF oo war kasoo saartay ciidamada Eritrea laga keenay iyo qorshaha ay ka leedahay appeared first on Caasimada Online.
-
Qaadka Kenya u dhoofiso Soomaaliya oo qarka u saaran inuu joogsado Bishii toddobaad ee sanadkan ayaa waxaa dib u bilowday Qaadka Kenya ee loo dhoofiyo Soomaaliya, kaasoo xirnaa tan iyo sanadkii 2020. Haseyeeshee farxadii ganacsatada ay qabeen ma noqon mid raagta, waxaana durba murugo iyo walwal hor-leh ay ka qaadeen lacago ay ku sheegeen ‘sharci daro’ oo lagu soo rogay. Bishar Axmed oo ka mid ah ganacsatada Qaadka ee Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in lacagaha laga qaado aysan ahayn canshuurta dowladda (Kenya iyo Somalia) iyo tan kirada diyaaradaha midna. “Waa lacag baad ah, ma aha canshuur. Canshuurta dowladda halkan ayaan ku bixiinnaa (Soomaaliya), tan kirada diyaaraddana Kenya ayaa lagu bixiyaa. Lacag kaloo dheeraad ah oo aan miisaan ahayn, canshuur na ahayn ayaa la bixiyaa” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray in lacagtaas ay ku wargeliyeen inay bixyaan ragga iyo dumarka qaadka soo dhiibta ee Kenya jooga. Lacagahan dheeraadka ah ee ay ganacsatadu sheegeen in laga qaado ayay ku andacoodeen in ay qaataan dad ay ku tilmaameen “ma gafe” oo jooga dhanka Kenya, arrintaasna ay soo socotay in muddo ah. Beeraleyda khaadka ee Kenya ayaa cabasho arrintan la xiriirta u gudbiyay madaxweynaha Kenya, oo balanqaaday in uu wax ka qabanayo. ‘Inaan ganacsiga qaadka iska joojinno ayaan ku dhow nahay’ “Lacagtaas meesha ay u socoto annaga nalooma sheegin, ma gafe ayaa qaata,” ayuu yiri Bashiir oo ka mid ah ganacsatada qaadleyda ee Soomaaliya. Bishar Axmed oo ka mid ah ganacsatada qaadka ee Muqdisho Waxa uu intaa ku daray in aysan garaneynin waxa ay yihiin dadka lacagta dheeraadka ah ka qaada. “Lacagtu ma aha mid dhanka Soomaaliya laga qaado ee waa mid Kenya gudaheeda lagu qaado. Xilligii hadda qaadka la furay ilaa iyo hadda ayey socotaa,” ayuu yiri Bashiir ku daray hadalkiisa. Waxa uu intaas ku daray in ay qarka u saran yihiin in ay gebi ahaanba joojiyaan ganacsigooda, sababo la xiriira “lacagta dheeriga ah” ee laga qaado, oo dhan shan doolar kiiladii ba, taas oo ka dheeraad ah lacagaha caadiga ah ee canshuurta ah. “Shaqada jaadka in la iska joojiyo ayaan ku dhow nahay. dadka deymo ayaa farqaha ugu xiran, oo shaqadan in la iska joojiyo ayey u dhowdahay,” ayuu yiri. Sacdiya Muxudiin Cali oo sidoo kale ka mid ah ganacsatada qaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhawr jeer dawlada Soomaaliya u gudbiyeen cabashadooda. “Waan ku daalnay sida aan ula hadlaynay dowlada Soomaaliya, canshuurtooda keliye ayeey eegtaan, xitaa waan mudaharaadnay maalmo badan laakiin wax dheg jalaq noo siiyay ma laha. dad masaakiin ah oo lagu tunto ayaa nahay,” ayey tiri Sacdiya Muxdiin. Caqabad ka jirta xitaa dhinaca Kenya Guddoomiyaha ganacsatada Qaadka ee magaalada Maua oo ka mid ah meelaha Qaadka laga keeno, Maxamed Quraysh Macalim ayaa qiray in ay jirto “lacagta dheeriga ah” ee laga qaado ganacsatada qaadka. “Waxay soo billaabatay xilligii corona-há oo shaqada ay istaagtay haddana labada dowladood ay cilaaqad sameeyeen oo xoogaa shaqada naloo billaabay,” ayuu yiri. Maxamed Quraysh Macalim, oo ah Guddoomiyaha ganacsatada Qaadka ee magaalada Maua Isagoo sii sharraxaya waxa ay lacagtaas tahay ayuu yiri: “Sida aan hadda u heysanno waxay nala tahay in ay yihiin qolooyin dhexda wax ka hagaagsaday. Dadkii Jaadka gadayay ee xagga Muqdisho ku ganacsanayay dhowr jeer bey dowladdaas u cawdeen oo ay xitaa bannaanbax dhowr jeer [sameeyeen], annaga lafteennana cabasho waan gudbinnay.” Maxamed Quraysh ayaa xusay in suuqa xumaaday ay uga sii darayaan dhibaatada abaarta ka dhalaty iyo qiimaha nolosha ee sare u kacay, taas oo nolosha ku adkeysay ganacsatada qaadka iyo beeraleyda tacabta. Arrintan ayaa waxay hoos u dhigtay qaadka horay Soomaaliya loogu dhoofin jiray. Saddex sano kahor inta aan la joojin dhoofinta qaadka, 50 tan ayey ganacsatada maalin walba u diri jirin Soomaaliya laakin hadda waxay dhoofiyaan 19.2 tan oo keliya, sida uu noo sheegay maamulka ganacsatada qaadka. Codsiga Ganacsatada Bishaar Axmed oo dhanka Soomaaliya uga ganacsada Qaadka ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ka codsaday in ay arrintan wax ka qabtaan oo qiimihii hore ee ay Qaadka ku iibsan jireen lagu soo celiyo. “Waxaan codsan lahaa, in Qaadka beeciisii hore lagu soo celiyo, shacabkana sidaa ayaa u roon, ganacsatadana jeebkooda sidaa ayaa u faa’ido badan oo u fiican,” ayuu yiri. Guddoomiyaha ganacsatada Qaadka ee dhanka Kenya ayaa isna dhankiisa soo jeediyey in meesha laga saaro dallaaliinta si ay ugu ganacsadaan si xor ah. Ballan-qaadka madaxweeynaha Kenya Madaxweeynaha Kenya, William Ruto oo mahad naq u tagay magaalada Maua inta aan xilka loo dhaarinin ayaa ganacsatada Qaadka u sheegay inuu “si adag wax uga qaban doono dallaallinta dhibka ku haya”. “Maadaama aad isoo doorateen waxaad ii dhiibteen ul aan ku garraaco dadkaan idin dhibaya, marka xilka la ii dhaariyo horay ayaan ka bilaabaaya dadkaan (dallaaliinta) inaan wax ka qabto,” ayuu yiri Madaxweyne William Ruto. Madaxweynaha Kenya, William Ruto Madaxweeynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ganacsatada Qaadka u sheegay inuu toddobaadkaasi gudihiisa oo ah toddobaadka xilka loo dhaariyey la kulmayo madaxweeynaha Soomaaliya oo Kenya u joogay ka qeyb galka xafladda dhaarintiisa, wuxuuna yiri. “Waxaan la kulmaaya madaxweeynaha Soomaaliya, arintiinna Qaadka waxay ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee aan kala hadli doono madaxweeynaha Soomaaliya”. “Dalaalleyda yeysan idin cabsi gelinin,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Maadaama uu aad hoos ugu dhacay Qaadkii loo dhoofin jiray Soomaaliya oo ahaa suuqa ugu ballaaran ganacsatada Qaadka Kenya, hadda waxay Qaadka intiisa badan u diraan gobolka waqooyi bari ee Kenya. Horay ayey caqabado waaweyn usoo wajaheen ganacsatada Qaadka, iyadoo dhowr sano ka hor ay mar dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo gebi ahaanba dalkeeda ka mamnuucday Qaadka uga imaada Kenya ka dib markii uu khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay labada dal. Saraakiisha Dowladda federaalka Soomaaliya oo aan isku daynay in aan la hadalno si aan wax uga weydiinno arrimaha ku saabsan lacagaha dheeraadka ah ah ee ganacsatada qaadka sheegeen in laga qaado noogama aysan soo jawaabin farriimaha aan u dirnay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Darawalka guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan u goostay Al-Shabaab, ayaa shaaciyay in Ugaas ka tirsan beeshiisa u fudeydiyay inuu iska dhiibo deegaanada kooxdaasi. Ninkaan oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen ayaa waxa uu ku sheegay cod ay ka baahisay warbaahinta Al-Shabaab in markii uu kasii baxayay magaalada Muqdisho uu la hadlay Ugaaska beeshiisa kadibna uu ku xiray horjooge ka tirsan kooxda. “Habeen ayaa iskaga soo tagay xaafadeyda oo subaxii aan mooto soo raacay, telefoonkeyga iyo document-yadeydii waa kasoo tagay. Ceelasha ayaa imaaday oo uga sii gudbay Afgooye, yarkii Mootada ayaa ka wacay Ugaaska oo igu soo xiriiriyay qofka meesha ikeenay oo sidaas ayaa ku imaaday,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu Darawalka u ahaa guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka uu ku noola cabsi, maadama aysan jirin masuuliyad la iska saarayo amnigiisa, marka laga imaado marka uu gaariga u wado Mursal. Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyey in ninkaan uu la shaqeynayey afartii sano ee lasoo dhaafay, islamarkaana uusan garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Xuseen uu ku biiro Al-Shabaab. “Ninkaas darawal ayuu ahaa Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu iga soo raacay markaan guddoomiyaha Baarlamaanka noqday, wuxuuna ii ahaa darawal ila shaqeeya. Ninkaas oo Xuseen ahaa 4 sanno ila shaqeynayey lama hayo sabab rasmi ah oo ninkii halkaas u aaday, laakiin waa inaan u deynyaa hay’adaha amniga,” ayuu yiri. Mursal oo hadda ku maqan dalka dibaddiisa ayaa sheegay in ninkaan laba maalin kahor uu ka tegay gurigiisa magaalada Muqdisho, kadibna markii la waayey lagu wargeliyay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, si ay dabagal ugu sameeyaan. Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ninkan baxsaday ee u galay Al-Shabaab uu soo galay raadka weerarkii lagu qaaday hoteelka Villa Rays oo ku dhow xarunta madaxtooyada, ayadoo la qabtay dad u dhowaa isaga, sida ay ku warameen ilo xilkas ah. Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan arrintan la xiriirta darawalka Maxamed Mursal, oo dhalisay hadal heyn iyo shaki xoogan. The post Darawalka guddoomiye Mursal oo shaaciyay cidda u fududeysay ku biirista Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa isku khilaafay doodda ku aadan amniga, gaar ahaan u yeerista hay’adaha amniga. Dooda amniga oo maalmo soo taagneyd ayaa dhalisay khilaaf horleh oo ka dhashay in loo yeero qaar kamid ah hay’adaha amniga, si ay hor yimaadaan Golaha Shacabka. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan ku kala aragti duwanaaday, taasi oo keentay in ajendaha amniga la laabo ama dib loo dhigo. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo kamid ah xubnaha dooda ka qayb-galay ayaa kulanka ka sheegay in aan hadda la joojin xilligii lala xisaabtami lahaa hay’adaha amniga dowladda, balse la joogo xilligii la sixi lahaa ama la toosin sida uu ku dooday. Sidoo kale xildhibaanka ayaa ku taliyay in aan la siyaasadeyn arrimaha amniga, sidoo kalena aan laga faa’iideysan culeyska hadda saaraan hoggaanka hay’adaha amniga. “Howlaha ammaanka wax la’isku tuur tuuri karo ma’aha, xildhibaanada xasaanadoodana waa wax meesha yaallo, ammaanka sugistiisana waa wax meesha yaallo. Xilligii hay’adaha ammaanka lala xisaabtami lahaa lama gaarin, xilligii la sixi lahaa oo la toosi lahaa ayaa la joogaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo kulanka ka hadlay. Intaasi kadib waxaa hadalka qaaday guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo doodan dib ugu celiyay guddiga amniga ee Baarlamaanka, wuxuuna ku amray inay dib ugu noqdaan, kadibna ay go’aanka iyo cidda loo yeerayo kusoo celiyaan Golaha. “Adinka guddigii ah inaad kala hadashiin waa laga qurxoon yahay marka aniga waxaan qabaa hal mar isku noqda, kadibna go’aan soo gaara,” ayuu yiri guddoomiyuhu. Maalmihii u dambeeyay xubnaha Golaha Shacabka ay si weyn kulamadooda diirrada ugu saarayey ammaanka, kadib markii ay kordheen falalka amni darrada ee ka dhacaya dalka. The post Khilaaf ka dhex qarxay baarlamanka Soomaaliya iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Diyaarad siday qaybtii ugu horreysay ciidamada lagu tababaray dalka Ereteriya ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ciidamadan oo ka qaybqaadan doona la dagaallanka Al-shabaab ayaa muddo sanado ah ku maqnaa dalka Ereteriya oo ay geysay dowladdii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana tiradooda guud ahaan lagu sheegay 5 kun oo askari. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo ka hor sheegay in dhalinyarada ku maqan Ereteriya ay iman doonaan inta u dhaxaysa bisha aan ku jirto ee December iyo bisha soo socota ee Janaayo 2023. Ciidamadan intii ay maqnaayeen waxaa warar been abuura ka faafiyay siyaasiyiin mucaaradsanaa dowladdii Farmaajo oo uu ka mid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo sheegayay in ay ka qaybqaateen dagaalkii Itoobiya oo qaarkood ku dhinteen. PUNTLAD POST The post Qaybtii ugu horreysay ciidamadii ku maqnaa Ereteriya oo yimid Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa magacaabay ku simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Qorshaynta Puntland ayaa lagu magacaabay ku simaha cusub ee Agaasimaha Qorshaynta Puntland. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Jaamac ayaa loo magacaabay ku simaha Agaasimaha guud ee Qorshaynta sida ku cad wareegtadan. Agaasimihii guud ee Qorshaynta Sharma’arke Xasan Cali ayaa dhowaan shaqada laga joojiyay si baaritaan loogu sameeyo. PUNTLAND POST The post Agaasime ku meel gaar ah oo loo magacaabay wasaaradda Qorshaynta Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Waa abaalkiin! Tan iyo habeenkii ay koobka Paris keeni waayeen, ciyaartoydii madoobayd ee Faransiiska u ciyaaraysay, waxa ku socotay caydii iyo cunsuriyaddii ay Yurub caanka ku ahayd, gaar ahaan Faransiis. Saddexdaas ciyaartoy ayay lee yihiin: “Maxaad Paris koobka u keeni waydeen, oo aad rigoodhihii iyo fursaddii u danbaysay u dhalin waydeen.” Ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee Kylian Mbappe ayaa isaga oo ka murugaysan waxa isaga iyo saaxiibbadii lagu hayo, warbaahinta la hadlay, oo xaqiiqada hortaalla rumaystay. Hadalkiisa waxa ka mid ahaa: “Waan ka xumahay, taageerayaashu marka aannu guulaysanno jidadka inta ay usoo baxaan ayay na ammaanaan oo yidhaadan; France ayaa guulaystay, ha noolaado France, guul ayaad u keenteen France, balse haddii aannu guuldarraysano, gidigood wax ay ku dhawaaqan Afrikaankii ayaa na jebiyay, oo si xun noo galay. Soo galootigii bilaa sharciga ahaa ayaa halkaas na dhigay! Qaar ka mid ah, heer bay marayaan ay yidhahdaan; ku noqda kayntii iyo saxarihii aad ka timaaddeen, si aad u cuntaan caleenta dhirta qalashay, una cabtaan dhiiqada iyo ajada baliyada. Ma istaahishaan in la idin wayneeyo iyo guusha! Waxa aad ku noolaydeen oo weli ku sugan tihiin, meel liidata.” Kylian Mbappe, wax uu si ciilkaambi ah u yidhi: “Waa wax laga xumaado in hadalkaas aannu maqalo, waanu se u qalannaa waxaas oo dhan! Waayo, waxa aannu ka door bidnay dalkayagii in aannu ku noolaano qurbe! Waana abaalka marka aad dalkaaga ka fogaatid. Runtii wax aan ka fekerayaa in aan ka fadhiisto xulka oo aan ku laabto dalkaygii. Aabbahay asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa Cameron! Aniguna waxa aan doonaya in aan u ciyaaro xulka dalkayga Cameron, waana arrin aan si dhab ah uga fekeri doono.” Walaa xawla! Kuwaas bay Soomaali badani i lahayd taageer! Waa xaqiiq, awrkiraalanimadu nolosha asal kuma laha. Xamaal uun baad ku garbabeelaysaa, cid abaal kuu haynaysaana ma jirto. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidda qaybtii ugu horreysay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka muddada dheer ugu maqnaa dalka Eritrea. Ciidamadan cusub oo tababar ku soo qaaday xeryaha waddanka Eritrea, ayaa muddo la sugayey, waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil. Askarta maanta la keenay ayaa waxa ay gaarayaan illaa 400 oo askari, kuwaas hordhac u yihiin soo celinta dhammaan ciidamada Soomaaliyeed ee haatan ku maqan dalkaasi. Maalmo kahor ayaa Madaxweynaha wuxuu sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo, isla markaana la soo dhameystirayo illaa bisha Janaayo. “Bisha aan ku jirno inta aysan dhamaan waa soo bilaabanayaan, bisha ku xigta inta aysan dhamaan waa soo dhameystirmayaan, howshaas meel fiican ayey noo mareysaa, wax kastana waa noo hagaagsan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhac dambe uusan jiri doonin, “Insha allah dib u dhac dambe ma jiri doono.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay ugu yaraan laba jeer wuxuu safar ku tegay dalka Eritrea, si soo celinta ciidankaas uu ugala xaajoodo madaxda dalkaas. Dhalinyaradaan oo tababar ugu maqan dalka Eritrea muddo ku dhow afar sano ayaa waxaa aad u yar macluumaadka laga heli karo, waxayna galeen tababar culus oo noocyo badan leh. The post Qaybtii ugu horreysay ee ciidamadii ku sugnaa Eritrea oo la keenay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Ruun-nirgood oo ah degmadii ugu dambeysay ee ay kaga sugnaayeen Al-Shabaab Howlgalka lagula wareegay Ruun-nirgood ayaa waxaa horkayey, Korneel Saney Cabdulle oo ah taliyaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Korneelka oo u warramay Idaacadda Kulmiye ayaa xaqiijiyay inay gudaha u galeen degmadaasi, kadib markii ay ka weerareen dhowr jiho. “Waa sax ciidanka waa ku jiraa Ruun-nirgood waa degmo aad u ballaaran oo ka baxday gacanta Khawaarijta,” ayuu yiri Taliye Saney Cabdulle. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaal culus uu ka dhacay halkaasi, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyey Kooxda Al-Shabaab, inkasta oo uusan caddeyn inta uu gaarsiisan yahay. “Dagaal wuu dhacay, waana looga awood roonaaday, marka Ilaah ayaa mahaddaas iska leh gacanta dgemada nagu simay,” ayii sii raaciyey taliyuhu. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay haatan howlgallo ka wadaan agagaarka degmada Ruun-nirgood oo la tirsan gobolka Shabeelaha, si ay uga hortagaan weerar rogaal celis ah oo uga yimaada dhinaca xoogaga kooxda Al-Shabaab. Tallaabada ay maanta qaadeen ciidamada huwanta ayaa ka dhigeysa in guud ahaan Al-Shabaab laga xoreeyay degmooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle. The post Al-Shabab oo maanta lagala wareegay degmadii ugu dambeysay ee SH/DHEXE appeared first on Caasimada Online.
-
Somali soldiers return from clandestine training in Eritrea
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - The first group of Eritrean-trained recruits arrived at Mogadishu’s Aden Adde International airport on Wednesday, days after President Mohamud said the soldiers would begin returning home. Source: Hiiraan Online -
Abdifatah A. Ileeye, oo ah aqoonyahan iyo Cilmi baadhe, ayaa ka sameeyey daraasad cilmiyeed ka sameeyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland in ay leedahay waxyaabaha sahlaya in ay gaadho hadafka qaranka ee ah Aqoonsi caalami ah oo ay hesho iyo in ay iib geyso dalkan aan aqoonsiga haysan. Waxyaabihii uga soo baxay daraasadan, waxa uu soo kooban lixdan qodob ee hoos ku qoran “Daraasadan waxa aan ku sameeyay horta in Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland ay leedahay inta badan imkaaniyaadka (Mechanisms) looga baahan yahay Wasaarad Arrimo Dibadeed si ay dano qaran u ilaaliso ama u raadiso, danahaas oo ay arrinta aqoonsigu ku jirto. Daraasadu waxa ay soo saartay, oo wax aad loola yaabo ah, in Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland aanay soddon sanno yeelan dhamaan imkaaniyaadkii Wasaarad Arrimo Dibadeed ay ku shaqayn lahayd, aqoonsi ay raadisaa ha joogee! Hada eeg; Soddon sanno Somaliland ma ay yeelan siyaasad arrimo dibadeed, oo qoran oo meel loo raaco leh; Soddon sanno Wasaarada Arrimaha Dibadu weligeed ma ay yeelan xeerka ugu weyn ee lagu maamulo adeegyada arrimaha dibada (the law on foreign service). Wasaarada aan kan lahayn maxaa lagu sheegaa? Soddon sanno Wasaarada Arrimaha Dibadu ma ay yeelan xeerar ay ku maamusho Wakiilada dalka dibadiisa jooga. Weligeed ma ay yeelan! Soddon sanno Wasaarada Arrimaha Dibadu weligeed ma ay yeelan istijaah macnaysan oo ay ku samayso galaangal iyo xodxodasho; Soddon sanno Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland weligeed ma ay yeelan xeer lagu maamulo qaab-dhismeedka Wasaarada. Nin waliba sidii uu doono ayuu ka dhigtaa; Soddon sanno Somaliland ma laha wax Alle wax ay ku qiimayso shaqooyinka arrimaha dibada. Dhan Alle dhan loo socdo, khasaare mise faa’iido. Arrintani iyadu suurtagal ma aha maadaama aanu dalkuba soddon sanno lahayn siyaasad arrimo dibadeed oo qoran! Dadka reer Somaliland waa inay isweydiiyaan waxa soddonkaa sanno la hayay. Sidee ayay ixtiraaf u raadin kartaa Wasaarad dhan oo imkaaniyaadkeedii oo dhami ay maqan yihiin soddon sanno? Arrintani waa inay dood cusub furtaa!” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kordhiyay howlgallada haatan ka socdo magaalada Muqdisho ayaa maanta gacanta ku dhigay laba nin oo hubeysan, kuwaas oo dhac ka geysanayen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay labadaan nin oo ku hubeysnaa qoryaha AK74 waxayna mooto Bajaaj sidoo kale gacanta lagu dhigay. War kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in xilliga lasoo qabanayey raggaan ay u dhac u geysaneyeen dadka shacabka ah, isla-markaana loo gudbin doono maxkamada. Sidoo kale ciidamada Booliska ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka ee soo gudbiyay xogta raggan oo dhac baahsan ka waday xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid. Xalay ayey aheyd markii rag hubeysnaa oo qorsheynayey inay weeraro geystaan lagu qabtay degmooyinka Dayniile iyo Kaaraan, kuwaas oo ka tirsan Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabooyinka ay qaaday iyo howlgallada socdo looga hortagao falalka ammaan darrida ee mararka qaar ka dhacay gudaha caasimada. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab oo dagaallo looga furay gobollada ayaa culeys soo saartay Muqdisho, waxaana usii dheer burcad hubeysan iyo ciyaar weero ka dilaacday caasimada. The post Sawirro: Rag hubeysan oo lagu qabtay HOWLGAL ka dhacay degmada Yaaqshiid appeared first on Caasimada Online.
