-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha Wakiilada Somaliland Oo Qaatay Tallo Uu Samafale Coldoon Soo Jeediyay! Akhriso Qoraalkan ay soo saareen Golaha Wakiiladu:- Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Wakiilladda JSL ahna kusimaha Gudoomiyaha Md Siciid Mire Faarax (Giire) ayaa guddi gaar ah u magacaabay Wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerarka kala ah 1) Xeerka ciqaabta guud 2) Xeerka madaniga ah Xeerarkan oo muddo dheer Dalka jSL lagaga dhaqmayay ahaana xeerarkii 1960kii la abuuray markii labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia isku biireen Qoraalka gudiddan gaarka ah lagu magacaabayna waa kan ku lifaaqan. 11 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa shaaciyey waqtiga ay dowladdu u qorsheysay in lagu soo afjaro gabi ahaanba kooxda Al-Shabaab oo dagaal culus ay kula jirto. Xuseen Macalin oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in markii ay ka tashadeen sida laga yeelayo dagaalka Al-Shabaab ay qorsheeyeen in kooxda lagu soo afjaro mudo laba sano ah. “Markaan tashanay waxaan ku qanacnay in laba sano gudahood aan Shabaab ku soo afjari karno, iyadoo ATMIS laga maarmayo, marka Shabaab jiritaankooda wuxuu halkaan ku soo gaaray maamul xumada iyo daciifnimada dowladeenna,” ayuu yiri la-taliyaha dhanka amniga ee Madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu sheegay in Shabaab-ka looga adkaan karo mudo aad u kooban, “In kastoo kaalmo caalami ah aan isaga baahanahay, hadana cidda Shabaab jebi kartaa waa ciidanka Soomaaliya oo kaliya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Xuseen Macalin oo la weydiiyey dowladaha dhanka duqeymaha iyo dagaalka Al-Shabaab ka taageera dowladda Soomaaliya ayaa ku jawaabay, “Dowladaha dagaalka Al-Shabaab iyo dhanka circa naga taageera waa badan yihiin, dowladda Turkiga cir kaliya nagama taageerto oo ciidanka ugu badan ee dagaalmaya ayey noo tababartay,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladaha UK, Sacuudiga, Qatar, Mareykanka iyo Imaaraadka ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dagaalka Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Villa Somalia oo shaaca ka qaaday muddada ay kusoo afjareyso kooxda Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
9 Arrimood oo dhacay markii ugu horreysay Dunida sannadkan 2022 Heerarka bacriminta sare ee waddamada qaar ayaa gacan ka geystay kor u qaadista tirada dadka adduunka in ka badan siddeed bilyan oo qof Sannadka 2022 waxaa uu ku suntanaan doonaa dhacdooyin kala duwan oo aan hore inoo soo marin – kuwaas oo aan dhammaantoodna ka wada dhicin meeraheena! Laga soo bilaabo “diiwaanka isku dhufashada” ilaa socdaalkii qotoda dheeraa ee aan ku aadnay waayihii hore, waa kuwan qaar ka mid ah marxaladihii muhiimka ahaa ee indhaheenna soo jiitay. Nasa oo u leexatay dhanka dhagxaantan cirka-kaso-dhaca ah ‘asteroid’ Hay’adda hawada sare ee Maraykanka ayaa si guul ah u beddeshay dariiqa ay soo raacaan dhagxaana cirka ka soo dhaca ee loo yaqaan asteroid ka dib markii ay si ula kac ah loogu dhuftay dawgoodii dayax-gacmeed 28kii Sebtembar. Isku dhacaas waxaa loogu talagalay in lagu tijaabiyo in dhagaxyada hawada sare ee laga yaabo in ay khatar ku yihiin Dhulka si ammaan ah looga leexiyo jidkaas. Walxo yaryar oo caag ah oo laga helay jidhka aadamaha Daraasad lagu daabacay joornaalka Environment International bishii Maarso ee la soo dhaafay ayaa lagu baahiyey baadhis lagu sameeyey unugyada yaryar ee jidhkeenna, oo laga helay microplastics, gaadhsiisan in laga helay dhiigga 80% dadkii la baadhay. Microplastics-ku waa balaastiig yaryar oo dhererkoodu ka yar yahay 5mm – waxay abuurmaan marka qaybo waaweyn oo caag ah ay ku jabaan ciidda ama badda dhexdeeda oo ay wasakheeyaan deegaanka. Saamaynta microplastics-ka ee jidhka lama yaqaan, laakiin cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in natiijooyinka cusubi ay khuseeyaan iyo in microplastics-ku ay dhaawici karaan unugyada aadanaha. Koobkii Adduunka ee ay ku badnayd weedha ah ‘ u horreeyey’ Koobka Adduunka ragga ee Fifa 2022 waxa uu taariikhda geli doonaa guulo aan hore loo arag. Bilawgii, waxa uu ahaa koobkii ugu horeeyay ee uu qabto wadan Carab ama Muslim ah – Qatar. Sido kale waxaa markii ugu horeeyay kulan garsoore ka noqotay haweeneyd, taas oosuurtagashay markii Stephanie Frappart oo u dhalatay France ay dhex dhexaadisay ciyaartii wareega guruubyada ee Germany iyo Costa Rica. Runtii, Frappart’s ayaa kabtan u ahayd koox dumar ah ooo dhammaantood garsoorayaal kala duwan ka ahaa ciyaartaas, xilli sidoo kale ka soo muuqdeen caawiyayaasha garsoorayaasha. Waxaa sida oo kale jirtay in markiiugu horreysay Morocco oo si cajiib ah ugu soo baxday semi-finalka, natiijadii abid ugu fiicneyd ee Afrikaan (iyo Carab). Tan iyo markii aan ka hadlayno marxaladaha muhiimka ah, Qatar 2022 waxay ahayd marxaladii ugu dambeyntii la arkay Lionel Messi oo kor u qaaday koobka adduunka markii ugu horeysay shan isku day ka dib! Gaadhiddii mujtamaca adduunka ee 8 bilyan xili weli tiradu socoto 15 Noofambar 2022. Waa taariikhda markii dadka dunidu ay kor u dhaafeen siddeed bilyan oo qof markii ugu horreysay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. “Kobacan aan horay loo arag waxaa sabab u ah kororka tartiib tartiibta ah ee nolosha bini’aadamka taas oo ay ugu wacan tahay horumarinta caafimaadka bulshada, nafaqeynta, nadaafadda shakhsi ahaaneed, iyo daawada. Sidoo kale waa natiijada heerarka sare ee bacriminta ee dalalka qaarkood,” ayay hay’addu ku tiri. hadal. Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in iyadoo dadka caalamku ay ku qaadatay 12 sano inay ka koraan toddobo ilaa siddeed bilyan, ay ku qaadan doonto ugu yaraan 15 si ay u gaaraan bilyanka soo socda, maadaama heerarka dhalmada wadajirka ah ay u muuqdaan inay hoos u dhacayaan. Tallaal-kii isbeddelka horkacayey Saynis yahanada jaamacadda Oxford ayaa bishii Sebtembar ku dhawaaqay in ay sameeyeen tallaalka duumada oo leh awood “isbedal oo weyn”. Tallaalka cusub ee la filayo in la soo saaro sanadka soo socda, ayaa tijaabooyin lagu ogaaday in 80% uu waxtar u leeyahay cudurkaas dilaaga ah, kaasoo dila ku dhawaad 400,000 oo qof sanadkii. Saynis yahanadu waxa kale oo ay sheegeen in talaalkoodu uu jaban yahay. Duumadu waa mid ka mid ah sababaha ugu horreeya ee keena dhimashada carruurta iyo soo saarista tallaalka ka hortagga waa mid aad u adag, maadaama dulin-biyoodku sababa duumada uu yahay mid adag oo aan la ogaan karin. Waa bartilmaameed joogto ahaa, oo foomamka isbeddelaya ee jidhka dhexdiisa ah, taas oo adkeynaysay in laga tallaalo qofka xanuunkaas, se hadda waxa ay u muuqataa in tabtii lagu suulin lahaa la helay. La yaabkii u dhigay teleskoobkii James Web Telescope-ka lagu magacaabo James Webb ayaa iyana hal mar la wareegay cinwaannada 2022 – tan iyo markii la howlgalayey bishii Luulyo, waxa uu soo saaray sawirro yaab leh oo caalamka ah. Mid ka mid ah ayaa ahaa sawirka ugu qoto dheer ee koonkan ilaa hadda, oo ay ku jiraan JADES-GS-z13-0, galaxy da’diisu ka weyn tahay 13 bilyan oo sano oo xiriirinaysa “maalmihii hore” ee ka dambeeyay waxa loo yaqaan Big Bang. Waxa u muuqda oogada dhulka iyo meerayaal kale oo daciif ah, waa “galaxy-ga ugu fog” ilaa hadda lagu xaqiijiyay cabbirkaas. Markii ugu horreysay ee qof aan caddaan ahayni u guuray aqalka 10 Dawning Street Boqortooyada Midowday (UK) waxay dejisay tiro rikoor ah oo aaddan ra’iisul wasaarayaasha 2022: Liz Truss 45 maalmood oo keliya oo ay xukunka haysay waxay ahayd muddadii ugu gaabanayd abid ee ra’iisul wasaare xilkaas hayo. Halka qofkii xilkaa kala wareegay Rishi Sunak uu noqday qofkii ugu horreeyay ee aan caddaan ahayn ee qabta jagadaas 25 Oktoobar. Waxaynu aragnay bakteeriya innago aan qalab adeegsnayn Saynis yahano ayaa bishii June ku dhawaaqay daahfurka bakteeriyada ugu wayn aduunka. Uma baahnid mikroskoob si aad u aragto Thiomargarita magnifica: noolaha cusub ee la helay waxa uu la mid yahay cabbirka iyo qaabka iisha bini’aadamka. Dhererkiisa oo ah qiyaastii 1cm, ayaa qiyaastii 50 jeer ka weyn dhammaan bakteeriyada kale ee weyn ee la yaqaan iyo tan ugu horreysa ee lagu arki karo indhaha caadiga ah.. Qaran News
-
President Joe Biden on Friday signed the National Defense Authorization Act into law, a massive defense spending bill with provisions that will give service members a pay raise, fund support for Ukraine and Taiwan and rescind the US military’s Covid-19 vaccine mandate. In a statement following the signing of the NDAA, Biden said the act“provides vital benefits and enhances access to justice for military personnel and their families, and includes critical authorities to support our country’s national defense, foreign affairs, and homeland security.” The Senate voted last week to pass the massive NDAA with bipartisan support. It follows the House’s bipartisan approval of the legislation the week prior. The defense bill outlines the policy agenda for the department of defense and the us military and authorizes spending in line with the Pentagon’s priorities. But it does not appropriate the funding itself. The legislation, which authorizes $817 billion specifically for the Department of Defense, will provide $45 billion more than Biden’s budget request earlier this year. The increase for fiscal year 2023 is intended to address the effects of inflation and accelerate the implementation of the national defense strategy, according to the Senate Armed Services Committee. It authorizes $12.6 billion for the inflation impact on purchases, $3.8 billion for the impact on military construction projects and $2.5 billion for the impact on fuel purchases, according to a bill summary from the committee. The NDAA includes provisions to strengthen air power and land warfare defense capabilities, as well as cybersecurity. And it shows Congress’ continued support for helping Ukraine repel Russia’s invasion, even though several Republican lawmakers have raised questions about the ongoing US aid. Additionally, the NDAA establishes a specific defense modernization program for Taiwan to deter aggression by China. Among a series of provisions to support service members and their families, the funding will provide a 4.6% increase in military basic pay for service members – the largest in 20 years. The Department of Defense’s civilian workforce will get the same raise. It also bumps up service members’ housing allowance. In addressing service member suicides, the act requires the Secretary of Defense to compile a report on suicide rates within the ranks. The act also ends the requirement that troops receive the Covid-19 vaccine. However, it will not reinstate members of the military who were discharged for refusing to get vaccinated. White House press secretary Karine Jean-Pierre previously said the White House had viewed the removal of the vaccine mandate as“a mistake,” but she declined to say whether Biden would sign a bill that ends the requirement, noting that the president would“judge the bill in its entirety.” Biden said in his statement on Friday that while he’s pleased the funding bill supports several critical objectives,“certain provisions of the Act raise concerns.” he repeated past concerns about barring funds to transfer Guantanamo Bay detainees into the custody of certain foreign nations and several“constitutional concerns or questions of construction” over other provisions – including concerns about the transmission of highly sensitive information to Congress. Biden also called a portion of the NDAA requiring that documents, including presidential communications, be shared unconstitutional. “I will commit to complying with its disclosure requirements only in such cases where a committee has a need for such Presidential communications that outweighs the potential harm to the confidentiality interests underlying the Presidential communications privilege,” the president’s statement said. MENAFN Qaran News
-
Wasiirkii Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa caawa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee ka hayay maamulkaas. Ilyaas oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay mid la xiriirta dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee dhexmaray ciidamada maamulka Koomfur Galbeed iyo ciidamo taageersan Midowga Musharaxiinta. Wasiir Ilyaas ayaa mas’uuliyadda dagaalkaas dusha ka saaray Madaxweyne Laftagareen, wuxuuna tilmaamay in uu isku dayay in dagaalkaas laga baaqsado, hase ahaatee ka suurtogeli-wayday dhanka maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirka ayaa ciidanka Itoobiya ka codsaday in ay ixtiraamaan rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed oo mar dambe aan loo adeegsan siyaasadaha is diidan, si shacabka iyo siyaasyiinta ay u soo doortaan hoggaan ay ku qanacsan yihiin. PUNTLAND POST The post Muxuu isu casilay Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed? appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirkii warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa caawa xilka iska casilay, isagoo xil ka tegistaan u sababeeyay weerarkii ay shalay ciidamada ka amar qaata Madaxweyne Laftagareen ku qaadeen guriga musharax Maxamed Aadan Fargeeti. Wasiir Ilyaas ayaa sheegay inuu aad uga carooday markii la laayey dadkii uu ku metalay dowladnimada K/Galbeed, isagoo sheegay in wax aad looga xumaado uu dadkiisa kula kacay Laftagareen. “Dhacdo aad u fool xun oo qof qalbigiisa ay islaamnimo ku jirto uusan qaada Karin ayaa Baydhaba ka dhacday, waxaa lagu dheelay dowladnimadii aan waqtiga badan u soo hurnay, maanta waxaan ogaansaday in wixii shalay Baydhaba ka dhacay dartood aan xilka uga tago,” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta K/Galbeed. Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in xukunka uu u joogay in dadkiisana uu ku metelo, dowladnimadana uu wax ka dhiso, balse balan ka baxyo uu ku sameeyey hoggaanka maamulkaas. “Inta uusan weerarkaan dhicin habeen ka hor ayaan aniga, Suldaanka beesheyda iyo xildhibaanka DF nagu metela waxaan u tagnay Madaxweyne Laftagareen, waxaana u sheegnay in dhibaato badan aan tabaneyno oo dhalinyaradaas in la weeraro aanaa raali ka noqon Karin, balan ayaan lasoo galnay madaxweynaha, kadibna gadaasheena inta laga wareegay ayaa dhalinyaradii la weeraray, qaar waa la laayey, qaarna dhaawac iyagoo ah ayaa lasoo qabtay,” ayuu yiri wasiir Ilyaas. Wasiirka ayaa ciidanka Itoobiya ka codsaday inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed oo mar dambe aan loo adeegsan siyaasadaha is diidan, si shacabka iyo siyaasyiinta reer K/Galbeed ay u soo doortaan hoggaan ay ku qanacsan yihiin. “Dowladda federaalka oo Madaxweynaha, R/Wasaaraha iyo guddoomiyaha golaha shacabka ay ugu horeeyaan waxaan ka rabnaa in arrinta K/Galbeed aysan sahlan, halkaan in kursi dartiis dhiig loogu daadiyo ma dooneyno,” ayuu yiri Ilyaas. Wasiir Ilyaas ayaa Cabdicasiis Laftagareen ugu baaqay in kursiga uu isaga tago sidii Shariif Xasan, intii uu dhiig ku daadin lahaa, “Laftagareen waxaan la soo shaqeynayey mudo dheer, waxaan maamulka soo gaarsiinay meel munaasab ah, hadii lagu yiri hal sano kuma siineyno, madaxweyne adigoo dhiig daadin oo dhib geysan doorashada si sharaf leh u qabo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ilyaas Cali Nuur. Hoos ka daawo The post Daawo: Wasiirkii Warfaafinta K/Galbeed oo is-casilay, kadib markii ‘la weeraray’ dadkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid bulshada degmada Kaaraan ayaa galabta dhigay banaan-bax xoog leh oo ay dowladda Soomaaliya u dalbanayaan inay cadaalad u helaan nin darawal mooto ahaa oo galabta uu dilay askari boolis ah. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo ahaa wade Mooto Bajaaj ayaa u geeriyooday xabad laga riday qoriga Dhakhiikaha ee gaadiidka la saaro, waxaana dilkiisa ka dhashay banaan-bax ay dhigeen dad u badan ehelladiisa. Askari la sheegay inuu ka mid ahaa ilaalada taliyaha booliska degmada Kaaraan ayaa ninkaan dilay, isagoo dhaawacay haweeney kale oo mootada la socotay. Ehellada Cabdiraxmaan oo banaan-bax ka dhigay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ayaa dowladda ka dalbaday in askariga dilka geystay sharciga la hor keeno, iyagoo cadeeyey in wax aan sharciga aheyn aysan ku qanci doonin. Marxuumka ayaa la sheegay inuu ka geeriyooday hal xaas, seddax carruur ah iyo waalidkiis oo noloshooda uu gacanta ku haayey, maadaama uu ahaa halka qof ee u xamaala reerka dhan. Muqdisho, waxaa aad ugu badan dilalka ay sidaan oo kale askartu ugu geystaan dadka shacabka ah, gaar ahaan gaadiidleyda, waxaana aad u yar askarta sharciga loo hor geeyo dembiyada la xariira dilka dadka shacabka ah. Hoos ka daawo The post Daawo: Caro xoog leh iyo banaan-baxyo ka dhashay dil ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta markii u horeysay shaaciyay inay jiraan saraakiil ka tirsan ciidanka oo qaraxyada soo galiya magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabada xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in saraakiil ciidan ay Shabaab usoo dhaafiyaan baraha kontrol ee ciidamadda gawaarida ku hubiyaan. “Saraakiil ayaa jirta oo ciidamada qeybahooda kala duwan ah oo hadda baaristooda ay socoto, oo hay’addo ajnebi ah la kaashanay oo la leeyahay asaga ayaa kasoo daayay Checkpoint-ga, waa lagu daba jooga maalin maalmaha kamid ahna waa lasoo qabana,” ayuu yiri. “Askariga laftigiisa kama marna laakiin ninka derajo leh ee sarkaal boolis ah, sarkaal nabad-sugida, millateri ama asluub ah ee ku cadaato isaga ayaa qaraxa kasoo dayay checkpoint-ga waa maxay aakhira-beelka iyo aduunyo-beelka u dhiman.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiisha ay baaritaanada ku socdaan gawaari ay soo daayeen uu qarxay, kuwaasi oo akoonadooda bank-yada lagu arkay lacago badan oo uu sheegay in tuhunsan yihiin inay ku heleen gawaaridaaas qaraxyada ah oo ay soo daayeen. Qiraalka madaxweynaha ee la xiriira arrintaan ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee noociisa ee kasoo yeera dowladda federaalka, ayada oo sanadihii dambe uu sii kordhayay tuhunada laga qabo saraakiisha iyo hay’addaha amniga loo igmaday inay qaarkood fudeydiyaan qaraxyada. Si kastaba, hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili uu socdo baaritaanada weerarkii Shabaab ee Villa Rays, islamarkaana uu darawalka gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu u baxsaday dhanka Al-Shabaab, kadib markii uu soo galay raadka weerarkaas. The post Daawo: Xasan oo shaaciyay in saraakiil ciidan ay ku lug leeyihiin qaraxyada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, lataliyayaasha dhanka shareecada Sh, Dr. Ciise Maxamuud Cabdilaahi, Sheekh Maxamed Cali Gadhle, Dayib Muxumed Nuur latliyaha dhanka farsamada, Sharmaake Yuusuf Faarax Isu-duwaha Maxkamadaha Guur-guura iyo saraakiisaha waaxda Tababarka Maxkamadda Sare, ayaa Sabtida maanta tababar socon doona muddo lix cisho ah u furay 50 xubnood oo iskugu jiray Garsoorayaal ka kala socday heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex, Xeer-ilaaliyaal, Qareeno iyo xubno ka socday Guddida Dacwadaha ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. Tababarkan oo qayb ka ah kobcinta aqoonta iyo waayo-aragnimada bahda Garsoorka, ayaa diirada lagu saari doonaa mudadda uu socdo, Hababka Dacwad qaadista, Beeca, Rahanka, Damaanadaha iyo Shuruudahooda, akhlaaqiyaadka iyo hoggaaminta wanaagsan ee Garsoorka. Waxa xusid mudan in tababarkani uu ku xidhiidhsan yahay tababaro la xidhiidhay Shareecada Islaamka kuwaasi oo laga fuliyay caasimada iyo gobalada dalkaba. Ugu horayn waxa madasha tababarka kalmad kooban ka jeediyay Dr Ciise Maxamuud Cabdilaahi, waxaanu xusay in cadaaladdu ay aas-aas u tahay horumarka bulshada qaybeheeda kala duwan. Dr-ka oo kamid ah khuburada tababarka bixinaysa ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada iyo qiimaha ay leedahay in dadka lagu kala saaro cadaaladda. Waxaanu tibaaxay in qof kastaa ka dhaxlo cadaaladda xasilooni. Geesta kale waxa madasha tababarka ka hadlay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, waxaanu is-dul taagay qiimaha tababarka iyo aqoon-is-waydaarsiga, waxaanu hoosta ka xarriiqay in aqoon-is-waydaarsigu yahay is-xasuusin, taasi oo fahan u baahan. Xeer-ilaaliye Guud mudane Cabdiraxmaan Hayaan, ayaa sharaxaad ka bixiyay qodobo laf-dhabar u ah shaqada maalinlaha ah ee Garsoorka sida hababka loo raaco dacwadaha, kuwaasi oo ku jira tababarka. Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xusay in tababarkani kamid yahay kuwa hal-bowlaha u ah hawl-maal-meedka Garsoorka, kaasi oo ay Maxkamadda Sare taaba-galisay qabsoomidiisa, waxaanu xusay in khuburada jeedinaya tababarku ay yihiin muwaadiniin waayo-arag ah oo u dhuun daloola ahmiyada iyo doorka Garsoorka, waxaanu sheegay in xeel-dheerayaasha wadaniga ahi ay ka mudan yihiin kuwa shisheeyaha ah oo uu xusay in aanay xog-ogaal u ahayn arrimaha muhiimka innoo ah. Guddoomiyaha ayaa tibaaxay darsiyada uu xambaarsan yahay tababarku, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwii safarka dheer loo gali jiray waayihii hore, waxaanu xusay in wakhti xaadirkan cilmigu meel kasta ceegaagsan yahay isla markaana aanu cudur daar u noqonayn in qofku jahli kaga sugnaado. Guddoomiye Aadan ayaa sheegay in shaqada Garsoorku tahay shaqada ugu sharafta badan isla jeerkaana tahay shaqada ugu miisaanka culus ee loo baahan yahay in Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyayaashu yeeshaan fiiro dheer, hubsiimo, dedaal iyo aqoon-korodhsi joogto ah. Gunnaanadkii Guddoomiyuhu waxa uu Garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee Garsoorka ku bogaadiyay shaqada milgaha leh ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay markasta u gutaan waajibaadka dumaddooda sudhan. Wa bilaahi tawfiiq Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare. Source
-
Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Siciid Mire Giirre, ayaa magacabay guddi wax ka beddel iyo kaabis ku samaysa laba xeer oo shacab Somaliland muddo dheer ka cabanayeen. Laba xeer ayaa kala ah Xeerka Ciqaabta guud iyo xeerka Madaniga ah ee maxkamaddaha Somaliland. Qofkii ugu dambeeyay ee xeerkan Ciqaabta guud ka cawda waxa uu ahaa Cabdimaalik muuse coldoon. fea Source
-
Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa u safri doona gobolka Tigray ee Itoobiya si uu u kormeero heshiiskii nabadeed ee bishii hore ay kala saxeexdeen dowladda iyo Itoobiya iyo TPLF. Mas’uuliyiinta federaalka Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ayaa goor dambe oo Khamiistii ah ku heshiiyey wadahadallo Nairobi ka dhacay in Midowga Afrika la siiyo fursad buuxda oo ay gobolka ku kormeeraan, taas oo la xidhiidha soo afjaridda colaadda laba sanno jirsatay. Hoggaanka millatariga Itoobiya iyo wakiillada jabhadda Tigray People’s Liberation Front ayaa isku raacay in la dhiso koox kormeerayaal wadajir ah oo kormeera heshiiskii nabadeed ee la saxeexay bishii November. Heshiiskan oo lagu kala saxeexday dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo afjaray dagaal socday muddo laba sanno ah oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo kooxda TPLF oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen. Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, oo sidoo kale qeyb ka ah kooxda dhexdhexaadinta, ayaa sheegay Khamiistii in dhinacyada dagaallamaya ay isku raaceen in la sameeyo guddi la socda heshiiska. nabadeed. “Dhammaantood waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in kooxda la socodka iyo hubinta ee Midowga Afrika ay si buuxda u helaan, aragti buuxda oo dhinac kasta ah, si loo hubiyo in dhammaan qodobbada lagu heshiiyay dhab ahaantii la fuliyo,” ayuu yidhi Kenyatta. Source
-
Dabeylo daran iyo qabow ka jira magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa sababay in la xidho dhammaan iskuullada, sidoo kalena ay baaqdaan duulimaadyada diyaaraha u kala goosha Canada iyo guud ahaa Waqooyiga America. Qabowga wuxuu sidoo kale saameyn ku yeeshay nolol maalmeedka dadka, gaar ahaan kuwa ku cusub dalkaasi. Source
-
(SLT-Paris)-Nin hubeysan ayaa Jimcihii saddex qof ku dilay xarun dhaqan iyo makhaayad u dhow oo ay leeyihiin Kurdiyiinta, badhtamaha magaalada Paris, taasi oo dhalisay dibad-baxyo rabshado wata. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in Kurdiyiinta ay muddo ahaayeen bartilmaameed weerar, wuxuuna madaxda booliska ku amray inay la kulmaan. Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa isna sheegay in qofka lagu tuhunsan yahay weerarka ay caddahay inuu doonayey inuu beegsado ajaaniibta. Dhammaan dadka la dilay ayaa ahaa Kurdi, sida uu Reuters u sheegay qareen u hadlay xarunta dhaqanka Kurdiyiinta. Saddex qof oo kale ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah xaaladdiisa ay halis tahay. Sida uu sheegay Golaha Dimqoraadiga Kurdiyiinta ee Faransiiska (CDK-F), dadka dhintay ayaa kalaa ah haweeney iyo laba nin. Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa suntan dadka ka ilmeysiisay ku furay dibadbaxayaal cadheysan oo isugu soo baxay meel u dhow halka toogashada ay ka dhacday. Dibad-baxayaasha ayaa walxo ku tuuray booliska ayaga oo si cadhaysan u qaylinaya, waxayna weerarka u arkaan mid ula kac ah oo ciidammada ammaanka Faransiiska ayna wax badan ka sameyn sidii looga hortagi lahaa. Baabuur dhowr ah oo goobta yaallay iyo gawaadhida booliska ayaa daaqadahooda la burburiyey ayada oo dibad-baxayaasha ay tureen dhagxaan. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay xidheen nin 69 jir ah, oo dacwad-oogaha Paris Laure Beccuau uu sheegay in hore xabsiga looga sii daayey isaga oo sugaya maxkamadeynta weerar sannad kahor ka dhacay xero muhaajiriinta ay ku nool yihiin oo ku taalla Paris. Muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta Faransiiska ayaa muujinayey nin caddaan Faransiis ah oo isaga oo garbo duub u xidhan laga qabtay goobta weerarka. Dhinaca kale, wakaaladda wararka AFP oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ayaa sheegtay in ninka weerarka gaystay oo magaciisa lagu sheegay William M. uu dambi-baadhayaasha u qirtay inuu yahay cunsuri. Hoggaamiyayaasha Kurdiyiinta ayaa ku baaqay in bulshadooda ay helaan ilaalin wanaagsan, codsigan oo sidoo kale ay jeediyeen markii 10 sanno kahor sidoo weerar lagu dilay saddex haween oo Kurdi ah. Source
-
Shiinaha ayaa si xooggan u dhaleeceeyay tallaabada uu Mareykanka uu sare ugu qaaday kaalmada millateri uu siinayo Taiwan. Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegay in arrintani ay dhaawac weyn u geysatay amniga iyo xasiloonida ka jirta jasiiradda Taiwan. Dhaleeceynta Shiinaha ee Mareykanka ayaa timid iyadoo jawaab u ah xeerka kharashaadka gaashaandigga ee Mareykanka kaasoo ogolaanayo in toban bilyan oo doollar loogu deeqo Taiwan si looga taakuleeyo amniga iyo hubka. Wasaaradda arrimaha gaashaandhigga Taiwan ayaa bogaadisay xeerkan isla markaana sheegtay in uu muujinayo in muhiimadda uu Mareykanka siinayo sare u qaadidda amniga jasiiradda Taiwan. Source
-
Al Qaacida ayaa sii deysay muqaal 35 daqiiqo ah oo ay kooxda sheegtay inuu duubay hogaamiyahooda Ayman al-Zawahiri, kaas oo la rumaysan yahay in lagu dilay weerar uu Maraykanku qaaday bishii Augusto ee sannadkan 2022. Sida lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Wakaaladda Wararka ee Rueters. Codka ma lahan wax taariikh ah, halka qoraalka dul saaran aanu si cad u tilmaamin wakhti saxda ee qoray. Zawahiri ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay dalka Afgaanistaan, taasoo ah dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo gaadha kooxda xagjirka ah tan iyo markii la dilay aasaasihii ururka Osama Bin Laden sannadkii 2011-kii. Al Qaacida ma magacaabin cid bedeli doonta. Laakiin Saif al-Adel, oo ah sarkaalkii hore ee ciidamada gaarka ah ee Masar, xubin sarena ka ah Al Qaacida, ayay khubaradu u arkaan inuu yahay musharaxa ugu sarreeya. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa billaabay qorshe uu xal nabadeed ku raadinayo kadib dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhaba isaga oo maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed. Kulanka Lafta-gareen iyo Odayaasha ayaa waxaa looga wada-hadlay sidii doorkooda nabadeed ay uga qaadan lahayeen xal uhelida shaqaqadii shalay ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa dhankooda u sheegay madaxweynaha in doorkooda odaynimo ka qaadanayaan intii karaankooda ah xal u helida xiisada ka taagan Baydhabo ee ka dhalatay muddo kororsiga uu sameeystay. Lafta-gareen oo ku doodaya sharci ahaanta uu kusii fadhiyo kursiga u sareeya maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu ku hanjabay inay la xisaabtami doonaan dadkii ka dambeeyey dagaalkii Baydhabo. Sidoo kale waxa uu sheegay in mudo dheer uu ku dadaalaayey in Koonfur Galbeed uusan ka dhicin gacan ka hadal, isagoo sheegay inuu fidinayo gogol nabadeed oo cidii tabasho qabta ay ku soo bandhigi doonto. “Waa baari doonaa, waana la xasaabtami doonaa cid kasta oo sameysay dhacdadii maanta, Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay, waxaan dirayaa baaq nabadeed, cidii tabasho qabtay waxaan u fidinay gogol nabadeed oo cid kasta ay ku soo bandhigi doonto waxa ay qabto, taas oo furmeysa todobaad kadib” ayuu yiri Lafta-gareen. Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa si weyn uga soo horjeeda muddo kordhinta hal sanno ah ee uu sameeystay Lafta-gareen, waxayna ku baaqeen in sida ugu dhaqsaha badan la qabto doorasho wada-ogol ah, taasi oo aan hadda muuqan qorshaheedu. The post Madaxweyne Lafta-gareen oo qorshe cusub billaabay kadib dagaalkii Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska laamaha ammaanka iyo horumarinta hannaankooda shaqo isaga oo xusay in Sarkaal walba lagu xisaabtamidoono masuuliyaddiisa. Madaxweynaha oo kula dardaarmay Taliska guud, talisyada qeybaha iyo hoggaanada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed dhowridda xeerarka iyo shuruucda ciidanka ayaa faray in ay udub dhexaad u noqdaan la dagaallanka Maandooriyaha iyo Musuq-maasuqa oo uu tilmaamay in caqabad ku yihiin sugidda amniga dalka. “Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa in ay ka hortagaan in askartu Maandooriye isticmaasho. Waa cadow hortaagan in askarigu waajibkiisa guto waana in aan la oggolaan in Ciidanka Booliiska uu ka mid noqdo qof Balwad isticmaala”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale faray Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan qaanuunka dalka u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed isaga oo xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtamidoono shaqada loo igmaday. Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, saraakiisha iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saxeexa qalinka ku duugay xeerka miisaaniyadda ciidamada Maraykanka ee sanadka 2023 kaas oo uu ku jiro qodob u horseedaya in dawladda Maraykanku gaar ahaan labadeeda wasaaradood ee Difaaca iyo Arimaha Dibaddu ay Somaliland kala yeeshaan iskaashi khuseeya arimaha militariga iyo diblomaasiyadaba. Qodobkan sharci ayaa waxa uu faraya wasaaradaha Kaarajiga iyo Difaaca ee Maraykanka iyo hayada u qaabilsan gargaarka ee USAID inay Congress-ka usoo gudbiyaan warbixin sanadle ah oo ay ku faahfaahinayaan kaalmada iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo amni ee ay la yeeshaan Somaliland iyadoo u xeerku si cad u qeexayo in Somaliland aanay ka mid ahayn dawlad goboleedyada federaalka ee Somalia. Xeerkan ayaa meesha ka saaraya caqabadihi dhinaca sharciga ee hortaagnaa in wax xidhiidh ahi dhex maro waaxaha Arimaha Dibadda iyo Difaaca ee Maraykanka iyo Somaliland, waxaanu fududaynaya in dawladda Maraykanka iyo ta Somaliland ay dhinacyo kala duwan wada shaqeyn ka yeeshaan oo tusaale ahaan wuxu xeerku faraya wasaaradaha Khaarajiga iyo Difaaca ee Maraykanka inay Congress-ka usoo gudbiyaan ugu dambayn bisha June 2023 daraasad ku saabsan fursadaha jira ee kor loogu qaadi karo iskaashiga amni ee u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland. Qaran News
-
Madaxweyne Biden ayaa saxiixay Xeerka Awoodsiinta DIfaaca Qaranka (National Defence Authorization Act). Muqdisho ( Wararka PP) — Shalay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saxiixay Xeerka Awoodsiinta DIfaaca Qaranka (National Defence Authorization Act). Misaaniyadda xeerku waa 777 bilyan oo doollar. Waa markii ugu horreysay oo ay dowladda Maraykanka soo nooleysay qeyb ka mid siyaasaddii laba-gardaaqa (Dual-track) ku wajahan Soomaaliya oo leh dowlad aan ku meelgaar ahayn. Guddi ka kooban laba xisbi (Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga), oo xeerka ansixintiisa kaalin ku lahaa ayaa sheegay in “joogista Maraykanku joogo Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas ay tahay fursad ay ku xoojinayso iskaashiga amni iyo wadashaqayn ay la wadaagto Somaliland … in kastoo dowladda Maraykanku aysan u aqoonsanayn Somaliland dal…laakiin ay la wadaagto dano kaabaya gaaritaanka ujeeddooyinka militari ee Maraykanka”. Iskaashig amni wuxuu iskugu jiri doonaa samaynta dhoollatusyo wadajir ah, wadaagista xogta sirta, kuwaas oo uu Maraykanku u arko inay waxtar u leedahay kobcinta xasilloonida gobolka iyo amniga badda iyo soohdinta, gacan ka geysashada ka hortagga tahriibinta dadka, dhoofinta sharcidarrada ah ee duurjoogta, hubka iyo badeecooyinka sharci-darrada ah. Guddiga xeerkan ansixintiisa diyaariyay ayaa bisha Janaayo 2023 soo gudin doona warbixin ku saabsan Soomaaliya. Maraykanka ayaa ku qanciyay maamulka cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya inaysan is hortaagin ama u arkin iskaashiga amniga mid lid ku ah qarannimada Soomaaliya inkastoo iskaashi noocaas oo kale uusan Maraykanku la saxiixanin dal kale oo ka mid ah Afrika. “Siyaasadda Maraykanku waxay dhabar-jebisay dowlad-dhisiddii Soomaaliya ku howlanayd muddada dheer, weliba waxay sii hurinaysaa muranka dhuleed dhex yaalla Puntland iyo Somaliland” ayuu yiri diblomaasi hore uga tirsanaa Wasaaradda Arrimmaha Dibedda Soomaaliya. Madaxweynaha Somaliland oo la taagan madax Maraykan ah Dowladda Federaaka Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin iskaashiga amniga dhexmari doonaa Maraykanka iyo maamulka Somaliland.“ Soomaaliya ma aha oo keliya dal ku hoos nool Xeerka Cutubka 7aad (Chapter 7) oo ah mid la dul dhigo dalalka loo arko inay halis ku yihiin amniga dunida, waa dal dowladaha Galbeedku kula dhaqmayaan siyaasad dib u soo noolaynaysa colaado. “Dowladda Maraykanku waxay daaqadda ka soo gelisay siyaasaddeedii ‘dual-track’, waana meel-ka-dhac inay tixgelin weysay danaha amni ee Puntland markii ay iskaashiga amni maamulka Somaliland inay la yeelato go’aansatay. Waa iskaashi xasiloonidarro horseedi kara haddii aan si degdeg ah loo turxaan-bixinin” ayuu yiri xeeldheere amniga dalalka burburka ka soo kabanaya. Dowladda Puntland ayaa samaynaysa wadatashiyo ku saabsan jawaabta ay ka bixinayso heshiiska iskaashi amni ee Maraykanka iyo maamulka Somaliland yeelan doonaan qeybna ka ah xeerka uu Madaxweyne Biden saxiixay. © Puntland Post, 2022 The post Sidee Maamulka Somaliland Wax Uga Dheefayaa NDAA? appeared first on Puntland Post.
