Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo laga doorto degmada shanaad magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa markii saddexaad loo dhaariyay xubin ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada Congress-ka Mareykanka. Ilhan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa bishii Novermber ee sannadkii hore mar kale dib loo soo doortay. “Kursigani aniga kaliya maaha. Waxaa iska leh kumannaanka qof ee aan ku metelo, kuwaas oo doonaya wakiil u dagaalama” ayay barteeda Twitter-ka kusoo qortay Ilhan markii la dhaariyay kadib. Waxay sheegtay in u dagaallami doonto sidii wax looga qaban lahaa cimilada, xuquuda shaqaalaha iyo ilaalinta dimuqraadiyadda. Ilhaan Cumar ayaa dabayaaqadii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-Mareykan ah oo ka mid noqda Congress-ka Mareykanka. Source
  2. Maxaas (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay kordheen khasaaraha ka dhashay qaraxyo is-miidaamin ahaa oo ay saaka aroortii hore kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday gudaha degmada Maxaas oo ka tirsan gobolkaasi. Qaraxyado oo labo ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadan ku dhintay illaa 15 qof oo ay ku jiraan haween shaax ku iibinayay goobta, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo ay ku jiraaan saraakiil iyo wariyeyaal. Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah qaraxyadan lala eegtay guriga uu gudaha degmada Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana la sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey uu ka maqnaa gudaha guriga. Sidoo kale qaraxaa labaad ayaa isna waxaa lagu soo warramayaa in lagu dhuftay guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane. Guddoomyaha oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa shaaca ka qaaday in ay ka bad-badeen qaraxyadaas oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen kuwa ‘aragagixiso’. Muumin ayaa sidoo kale intaas ku daray in hay’adaha amniga iyo kuwa gurmad degdegga ah ay yimaadeen goobaha ay ka dhaceen qaraxyadan. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxana shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, balse ma shaacin inta uu la’egyahay. Weeraradaan waxay ku soo aadayaan, xilli ay haatan howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan oo inta badan laga saaray Al-Shabaab. Si kastaba, kooxda ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo waa weyn uga fulisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo uga jaawabeyso duulaanka ay ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo inta badan ka saara HirShabeelle. The post Yuu ahaa bartilmaameedka Shabaab kadib qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas appeared first on Caasimada Online.
  3. Beledweyne (HOL) - According to reports from the Mahaas area in the Hiran region, two suicide explosions occurred early Wednesday morning, killing at least 15 people and wounding scores more. Source: Hiiraan Online
  4. Xukuumadda Puntland ayaa burisay go’aan ka soo baxay maamulka Gobolka Bari oo lagu joojiyay shirarka siyaasadeed ee aysan fasixin dowladda. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa buriyay go’aankaas waxaana uu fasaxay shirarka siyaaasadeed haddii aysan wax yeelayn amniga Puntland. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiir Juxaa ayaa lagu caddeeyay in dadka reer Puntland xaquuq dastuuri ah u leeyihiin in ay qabsadaan shirar ay ku cabbirayaan ra’yigooda siyaasadeed. PUNTLAND POST The post Wasiir Juxaa oo buriyay go’aan ka soo baxay maamulka Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  5. Iska hor-imaad hubaysan oo u dhexeexa Ciidamada Somaliland iyo xoogagga jabhadda SSC ayaa mar kale xalay ka dhacay Laascaanood. Xoogagga SSC ayaa sida la sheegayo qoryaha garabka laga rido ku weeraray saldhigyo ay Ciidamada Somaliland ku leeyihiin Laascaanood. Goob-joogayaal ku sugan Laascaanood ayaa xaqiijiyay in xalay iska hor-imaad culus uu magaalada ku dhexmaray Somaliland iyo SSC. Labada dhinac ayaa saacado ku dagaallamayay xaafada dhinaca Koonfureed ee Laascaanood sida ay xogaha sheegayaan. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadkii xalay waana habeenkii labaad oo la weeraray ciidamada Somaliland ee ku sugan Laascaanood. PUNTLAND POST The post Iska hor-imaad hubaysan oo xalay ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  6. Maxaas (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba qarax oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay magaalada oo dhan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaan ay ahaayeen kuwa ismiidaamin ah isla-markaana loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qaraxa. Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxyadan lala beegsaday maqaaxi lagu qaxwweyo iyo goobo ganacsi, isla-markaana uu ka dhashay burbur aad u xoogan. Sidoo kale waxaa lasoo wariyay inay jirto dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxyadaan, waxaana la xaqiijiyay dhimashada illaa 5 qof oo ay ku jiray haween shaax ku iibinayay goobta la qarxiyay. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay Maxaas ka bilaabeen howlgallo, kadib weerarka ka dhacay halkaasi. Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxana shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, balse ma shaacin inta uu la’egyahay. Weeraradaan waxay ku soo aadayaan, xilli ay haatan howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan oo inta badan laga saaray Al-Shabaab. Si kastaba, kooxda ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo waa weyn uga fulisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo uga jaawabeyso duulaanka ay ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. The post Sawirro: Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas appeared first on Caasimada Online.
  7. Ilhaan Cumar oo laga doorto degmada shanaad magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa markii saddexaad loo dhaariyay xubin ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada Congress-ka Mareykanka. Ilhan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa bishii Novermber ee sannadkii hore mar kale dib loo soo doortay. “Kursigani aniga kaliya maaha. Waxaa isla leh kumannaanka qof ee aan ku metelo, kuwaas oo doonaya wakiil u dagaalama” ayay barteeda Twitter-ka kusoo qortay Ilhan markii la dhaariyay kadib. Waxay sheegtay in u dagaallami doonto sidii wax looga qaban lahaa cimilada, xuquuda shaqaalaha iyo ilaalinta dimuqraadiyadda. Ilhaan Cumar ayaa dabayaaqadii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-Mareykan ah oo ka mid noqda Congress-ka Mareykanka. PUNTLAND POST The post Ilhaan Cumar oo markii saddexaad loo dhaariyay xubin ka tirsan Congress-ka Mareykanka appeared first on Puntland Post.
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli oo kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay howlgallada looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab isaga oo bogaadiyay guulaha laga gaaray. Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay baneysteen dhiigga dadka Muslimiiinta ah ee Soomaaliyeed, isaga oo tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah qaraxyadii ay fuliyeen sida kii Zoobe oo kale. “Waxa Soomaaliya ka socda waa dila Islaamka, waxey leeyihiin gaalo ayaa la dagaalameynaa oo Suuqyadi iyo Hoteelladi ayaa nag laga dhigayaa, gaalada kale ee joogta dalka oo innaga aheyn waa ayo marka laga reebo niman AMISOM oo taangiyo ku jira iyo kuwa Xalane difaac kaga jira maba la gaarayee,” ayuu yiri Sheekh Shibli. Waxa uu intaas ku daray “Gaalada la leynayo ee lagu jihaadayo oo dhiiggoodu xalaal yahay oo ilaahey loogu dhawaanayo oo inta muuqaallo soo duubaan ay leeyihiin murtidiinta ayaan nag ka dhignay waa ayo, waa Suuqa Zoobe iyo Hoteelladeena dadka joogo oo Muslimiin Soomaali ah.” Sheekha oo goob fagaare ah khudbad ka jeedinayay ayaa sheegay in xukunka khawaarijta Al-Shabaab uu yahay in la laayo. “Qof go’aankiisa uu yahay Muslim inuu laayo, shaqadiisa uu fulinayanaya ay tahay Muslim inuu gumaado, diin ahaana dhalan rogan, dhaqan ahaana dad gumaad ah oo xoolahoodu xalaal u yihiin oo dhiigoodu xalaal u yahay, dadka saas oo kale ah hadal iyo waan waan ah ma anfacdo, laaya meesha aad ku aragtaan,” ayuu yiri. Waxa uu Sheekh Shibli xusay in ijiid aan ku jiidee ay tahay in kooxda khawaarijta AL-Shabaab meel dhexe looga soo haro, waxa uuna tilmaamay inaysan laheyn Islaamnimo lagu daayo isagoo hoosta ka xariiqay in xalka kaliya uu yahay in laayo oo la iska dhiciyo. Waxa uu ugu dambeyntii Sheekh Shibli shaaciyay in xitaa dambi tahay in loo gargaaro isagoo in natiijadooda ay xun tahay haddii dadka lagu sii daayo, waxaana uu tusaale usoo qaatay dhiigga dadka Muslimiinta ah oo ay daadiyaan iyo inay xoolaha umadda xoog ku qaataan. Hadalka Sheekh Shibli ayaa imanaya ayada oo gobollo ka mid ah dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxdan, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay ugu dambeyn usoo jeesteen inay iska dulqaadaan cadowga maalin kasta gumaadaya. Hoos ka daawo Sheekh Shibli The post Daawo: Sheekh Shibli oo Soomaalida u diray farriin ku saabsan kooxda Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  9. The Ethiopian army says it has "liberated several localities" from the rebel Oromo Liberation Army (OLA) in operations in the Oromia region, the military posted on Facebook on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  10. Investigations have started into the circumstances in which a Uganda soldier under the African Union Transition Mission in Somalia (Atmis) shot three of his colleagues dead in Mogadishu on Monday morning. Source: Hiiraan Online
  11. MOGADISHU, SOMALIA — Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud announced Sunday the country will hire a record 3,000 new teachers to try to bridge a wide education gap. The move follows a four-fold increase in the Somali ministry of education's budget for 2023. But critics note funding for education is still poor, and that insecurity and poverty have pushed the majority of Somali children out of school. Source: Hiiraan Online
  12. Tanzania’s President Samia Suluhu Hassan has lifted a ban after six years on opposition political rallies outside of election campaigns. Source: Hiiraan Online
  13. Narok Senator Ledama Olekina has said the legitimisation of trade between Kenya and Somalia will minimise the number of deaths. Source: Hiiraan Online
  14. MOGADISHU, SOMALIA — Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud, in his New Year's Day speech Sunday, declared the country will eliminate al-Shabab Islamist militants this year. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjirihii dowladda Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan. Danjire Cabdilfataax waxaa u dhammaaday muddo xileedkiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Cabdifataax, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, wuxuuna u rajeeyey mustaqbal wanaagsan. Dhankiisa, Danjire Cabdifataax Cabdullaahi oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankaan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Cabdifataax ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay sidii ay ula shaqeysay mudadii uu ahaa dinjiraha Muqdisho u joogay dowladiisa Itoobiya, isla markaana uu gudanayey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed oo ay la leeyihiin dalalka caalamka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisu ay muhiimad gaar ah siineyso wanaajinta xiriirka wadamada gobolkaan Geeska Afrika, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka. Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hadda leh xiriir wanaagsan, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh oo dib loo soo doortay uu la yimid dabacsanaan siyaasadeed oo dunida ay kula jaan-qaadi karto dowladiisa cusub. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo Muqdisho ka sagootiyey danjire Cabdifataax Cabdullaahi appeared first on Caasimada Online.
  16. Gudoomiyaha degmada Garoowe Hon Abdulkadir Geedi ayaa shahaado sharaf guddoon siiyay wakiilada shirkadihii ka qayb qaatay nadaafadda iyo horumarinta Garoowe. Xubnaha shahaado sharafta la siiyay ayaa matalayay dhammaan shirkadihii ka qayb qaatay dayac-tirka suuqa INJI iyo ololihii nadaafadda caasimadda. Shirkadaha ayaa sidoo kale qayb ka ahaa arrimaha horumarinta degmada Garoowe waxaana lagu abaal mariyay shahaado sharafyo. Guddoomiyaha degmada ayaa sidoo kale dhammaan xubnaha shirkadaha matalayay uga mahadceliyay shaqooyinka ay la qabteen dowladda hoose. PUNTLAND POST The post shirkado ka qayb-qaatay nadaafada iyo horumarinta Garoowe oo shahaado sharaf la siiyay appeared first on Puntland Post.
  17. Muuse waa hogaamiye fashilmay. Muuse waa hogaamiye fashilmay. Haddii kalmaddu ay in uuun micno leedahay, Muuse wuu fashilmay. Dhaqan hogaamiye ma laha, oo hadal hogaamiye ma laha, oo daacad ma aha, oo run ma sheego, wax kasta oo san na gurrac buu u yaqaan. Maanta waxa uu yidhi geerida dadka Lascaanood waa ka xumahay, dhibta na waa la wadaagnaa. Kalmad kasta iyo xaraf kasta oo hadalkaas ka mid ahi been cad weeye, isaga laftiisa ayaana taas ogg. Hadii uu dilka ka xunyahay, muxuu maalintii 1aad ee dhibtu bilaabatay sidii hogaamiye u gu istaagi waayay, ee dabka u damin waayay? Muxuu shan maalmood oo dad rayid ah rasaas la la dhacaayay u aamusnaa? Muu ogayn miyaad odhan? Maalintii 1aad hadii uu amri lahaa in aan qof dambe oo shicib ah xabad la la dhicin, wixii dhacay na la baadhaayo, xaalku ba sida uu maanta yahay ma ahaadeen. Carab dalab leh, lug dalab leh la ga garan ogg, ayay Soomaalidu hore u gu maahmaahday. Hadalka dibnaha ka yimaadda, iyo ka wadnaha ka yimaadda waa la ka la yaqaan. Dilka Laascaanood in uu Muuse ka xunyahay hal qof oo ka siistay amma u ga qaatay ma jiro, hadii uu jiro na waa mid isaga la jaad ah. Muuse iyo afarta alwaax ee agg taagnaa midkoodna karaamo ma laha – Siciid Sulub, Saleebaan-geel, Maxamed Kaahin oo Muuse uu ka dhigay maansuukh uu isagu garashada iyo caqliga u hayo, iyo Indho-indho ayaa agtiisa isa soo tubay. Bal maxay ilaa intaas oo dhan sugaayeen, xagee se ku maqnaayeen? Nacdal baa idinku taalla dheh, ciyaala suuq aan masuuliyad aqoonin weeye dhamantood. Orgomihii Xamaas, iyo raggii Awdal baa yimide, Ood lagama gooyaan maxaa, ehelu-naar jooga. C. Gahayr. Waxaa Qoray:- Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  18. Lasanod (Editorial) — The speech that Somaliland Administration President Muse Bihi Abdi delivered today had pushed northern Somalia into the abyss of a civil war thirty two years after the full-blown civil war had broken out of Somalia. The Federal Government of Somalia has the main reasonability to prevent a relapse into hostilities in Northern Somalia. Bihi expects US to fund Somaliland administration security forces already supported by Britain. There is no reason for Somaliland administration leaders to assume that Somalia broke up into two countries. Because of that assumption people represented in both the Upper House and Lower House in Mogadishu get killed by Somalilad troops in Las Anod for expressing their identity based on a united Somalia is defensible Hargeysa leaders need to be pulled from the brink by reminding them of the consequences of a civil war. President Bihi has the blood of Las Anod victims on his hands. There is a difference between the aspirations of Somaliland administration leaders to break away from Somalia and their obligation to respect political and property rights of Somali citizens in Las Anod. If Somali citizens can be arrested or killed in Las Anod for waving the flag of Somalia, the sovereignty of Somalia is being called into question. Puntland State of Somalia represents Las Anod at federal member state level, but the federal government and its institutions represent the people of Las Anod at the national level. This situation restrains Puntland from responding to atrocities in Las Anod militarily .Puntland State defers to the Federal Institutions. The Federal Government of Somalia could engage the International Community to put pressure on Somaliland Administration not to force the idea of secession on citizens who are in favour of the union. In 2019 the Federal Government of Somalia allowed the Somaliland delegation to include “freedom of movement” in Djibouti Somalia-Somaliland talks. In 2021 Somaliland used that clause to forcibly displace more that 1500 citizens in Las Anod under the pretext that “they are foreigners”. Somaliland Administration claims that it had been included in “the National Defense Authorization Act (NDAA)” , a development that reflects the extent to which the United States of America violates the sovereignty of Somalia by adopting policies that make peaceful resolution of political and territorial disputes impossible. If a superpower country signs agreements with a subnational entity that claims to have seceded from Somalia, it promotes secession wars. Britain, a country that has taken a lead role in state-building initiative in Somalia since 2012, has historic links with the North and funds Somaliland security forces responsible for atrocities in Las Anod. Both the USA and UK recognise the political and territorial unity of Somalia, and yet aspects of their policies towards Somalia inadvertently preclude conflict resolution strategies for certain political problems. The International Community can play a role in persuading Somaliland administration to withdraw its troops in Las Anod and confine its administration only to areas where the 2001 unilateral referendum for “Somaliland” took place. Withdrawal of troops in Las Anod will not diminish the stature of Somaliland Administration during talks with the Federal Government of Somalia about the Union. © Puntland Post, 2022 The post Why Somaliland Administration Should Withdraw Its Troops in Las Anod appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay amar ku soo rogtay dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa degmadaas. Kadib markii ciidamada xoogga dalka ay maalin ka hor Al-Shabaab ka saareen degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud cabsi badan ayaa soo wajahday kooxda. Dadkii ku noolaa degmada Ceeldheer oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee weli gacantooda ku jira ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku amreen inay ka baxaan magaalada. Ceeldheer oo ah magaalo ku taalla xeebta badweynta Hindiya waxaa hadda ka socda barakac ay sameynayaan dadkii ku noolaa degamaas oo sanado badan ay Al-Shabaab xukumayeen. Inkastoo aan si rasmi ah loo cadeyn sababta ay Al-Shabaab u barakicinayaan dadka shacabka ah ee ku nool degmada Ceeldheer, hadana waxaa jira warar sheegaya in kooxdu ay qorsheyneyso inay baneyso degmadaas. Ciidanka xoogga dalka oo duulaan ah ayaa ku wajahan Ceeldheer oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, waxayna warar soo baxaya sheegayaan in Al-Shabaab aysan ku dagaalami doonin magaaladaas oo ay isaga bixi doonaan. Al-Shabaab waxaa la sheegay in ciidanka xoogga dalka aysan u babac-dhigi karin hadii ay kula dagaalamaan Ceeldheer oo ah magaalo ku taalla dhul Deex ah oo banaan, isla markaana aan laheyn howd la gabaadsado. Sababta ay u barakicinayaan dadka waa inay ka badbaadaan duqeynta diyaaradaha dagaalka ee garab siinaya ciidanka xoogga dalka, iyagoo doonaya in shacabka ay u kaxeystaan dhulka howdka ah, si aan loo duqeyn. Ugu yaraan labadii bilood ee u dambeysay Al-Shabaab waxay isaga cararayeen deegaan ama degmo kasta oo lagu weeraro, iyagoo aan dagaalamin, waxaana xusid mudan in diyaaradaha dagaalka oo aad uga taxadaraya inay shacabka dhibaato gaarsiiyaan ay kooxda ku duqeeyaan dhulka howdka ah ee gabaadka ay ka dhigtaan. Beegsiga diyaaradaha ayaa ka dhigan in aysan jirin meel ay Al-Shabaab ku badbaadayaan, waxayna meelaha qaar naf ka dayaan inay shacabka horay u kaxeystaan, si aan loo duqeyn oo shacabka dartiis loogu dhaafo. The post Xog: Kooxda Al-Shabaab oo amar culus ku soo rogtay dadka ku nool Ceeldheer appeared first on Caasimada Online.