Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mustafe Martin oo Lagu Xidhay Hargaysa Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Mustafe Martin oo maalintii shalay yimi Magaalada Hargaysa. Sida Cabdirisaaq Meecaad u cadeeyay Warbaahinta. Mr Meecaad waxa uu intaas ku daray in Markii Boolis ku qabanayay ay la socotay Xaaskiisu balse iyada la Soo daayay. Hadana isaga lagu hayo Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa. Saab tv Qaran News
  2. Waxaan faalladan kaga hadlayaa Istaraatiyad warbaahineed oo Soomaaliland ka dhicisowday Arbacadii iyo xaqiiqada qaddiman ee ay heleen shacabka Somaliland. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo muddo lix cisho ah jooga aagga Laascaanood iyo koox wasiirro ah oo la socda ayaa Arbacadii qaaday tallaabo warbaahineed oo ay ku muujinayeen in ugu yaraan ay wax uun uga dhaqaaqeen hawlihii ay u tageen Laascaanoodda ay shacabku kacdoonka kula wareegeen toddobaadkii hore. Hase yeeshee, waxay hawshaasi saacado gudahoodba u soo afjarantay sidii caano qubtay oo aan dabadoodda la qaban. Wasiirka, wefdigiisa iyo odayaal ka socday Beesha Jaamac Siyaad ayaa ku kulmay meel ka baxsan Laascaanood oo ah xero ciidan. Waxay ka wada hadlayeen soo wareejinta laba askari oo ka tirsan ciidanka oo Soomaaliland sheegtay in loo qabtay nin lagu dilay Laascaanood, toddobaaad ka hor, habeenkii ay shacabku kacdoonka kula wareegayeen magaaladda. Nasiib darro, wasiirka iyo wefdigiisa oo malaha fursadba hore ugu heli waayay cid reer Sool ah oo ay la hadlaan ayaa go’aansaday in ay arrintaas u dhigaan si ka gedisan ujeedadeedii, waxayna u sheegeen shacabka Soomaaliland in ay la kulmeen waxgaradka iyo odayaasha gobolka Sool oo ay kala hadleen xiisaddii taagnayd ee gobolka, iyagoo shacabka Somaliland warkaas u mariyay Warbaahinta. Odayaasha Jaamac Siyaad ee kulanka ka qaybgalay ayaa markii ay ogaadeen tallaabadaas warbaahinta kula hadlay Laascaanood, waxay si adag u beeniyeen in ay wax ka baxsan arrinta soo wareejinta labada nin ay kala hadleen Kaahin iyo xubnaha maamulkiisa ka tirsanaa ee la socday. Labada dhinacna iskumaba afgaran arrinta dilka dhacay iyo soo wareejinta ragga ku eedaysan. Odoyaasha qaarkood oo warbaahinta la hadlay, waxay ka dhaarteen in kulanku lahaa ajandayaasha kale ee warbaahinta d lagu baahiyay. Qaarkood waxay sheegeen in si qarsoodi ah loo sawiray. Waxay caddeeyeen mawqifkoodu inuu yahay midka ay soo saareen guddiga 33da ah ee Aayo ka talinta Sool, kuwaas oo soo saaray qoddobo ay ka mid tahay in aan Soomaaliland looga sii baahnayn gobolka Sool ee ay ka baxdo. Wasiir Kaahin iyo ragga la socda waxay shaqo ugu maqan yihiin maamulka Somaliland Shaqo ah in kacdoonka Sool ay si walba oo suuragal ah ku xalliyaan. Tallaabada warbaahineed ee ay maanta qaadeen kooxda wasiirka iyo jawaabta odayaasha Jaamac Siyaad ayaase jid-gooyo u noqotay wax walba oo suuragal ah oo ku saabsan arrinta Sool oo Maxamed Kaahin ugu warami kari lahaa shacabka Soomaaliland marka uu Hargaysa ku noqdo ee warbaahinta la hadlayo. Siyaasiyiinta ayaa hadii ay xataa ku guuldaraystaan hawlihii ku maqnaayeen, waxay ka shaqeeyaan sidii ay shacabka wuxuun ugu sheegi lahaayeen. Arrinta ka dhacday Laascaanood ayaase ah xog dhamaystiran oo ay shacabku si qaddiman u heleen. Waxay hadda sii ogyihiin in muddo shan cisho ah oo uu Kaahin ku sugnaa aagga Laascaanood uu keliya la kulmay odayaal kooban oo ka mid ah Jaamac Siyaad oo halkaas u tegay arrinta soo wareejinta rag ku eedaysan dilka qof ka mid ah dadkii ay ciidanku ku dileen magaalada mudadii kacdoonka shacabka. Waa mawduuc ka baxsan gebi-ahaanba isku dayada Kaahin ee ku aadana in bal xal loo helo in Somaliland sii joogi karto Sool. Guddiga hawsha Sool u xilsaaran ayaase soo saaray in aan Sool looga baahnayn maamulkaas intii uu Kaahin joogay aagga Laascaanood. Kaahin iyo kooxdiisa oo ku guuldaraystay in ay helaan cid reer Sool ah oo arrinta Sool kala hadasha maalmo ay joogaan aagga Laascaanood, waxay marag u tahay sida Somaliland looga nacay Gobolkaas. W/Q: Warsame Cabdiraxmaan Faalladani waxay ka turjumaysaa aragtida qoraaga oo ku saxiixan. The post Faallo: Muxuu Maxamed Kaahin ugu warami doonaa shacabka Somaliland? appeared first on Puntland Post.
  3. Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 oo deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto Soomaaliya, kadib kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirrada Waxbarashada Soomaaliya iyo Masar. Wasiir Faarax oo heshiis dhanka iskaashiga tacliinta sare ah la saxiixday wasiirka Tacliinta Sare ee Masar, Dr. Ayman Caashuur, ayaa sheegay in Dawladda Masar ay siin doonto Soomaaliya sannad kasta deeq waxbarasho oo isugu jira cilmi iyo xirfado kala duwan oo heer jaamacadeed ah, oo gaaraya 450 arday. Bayaan ka soo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiir Faarax uu dowladda Masar uga mahad celiyay deeqahaan waxbarasho iyo garab istaagga weyn oo ay u fidiso ardayda Soomaaliyeed. “Tani waa deeqdii ugu badnayd ee Soomaaliya ay ka hesho Masar,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah in ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Masar loola macaamilo sida muwaadiniinta Masaarida oo kale. Wasiir Faarax ayaa ballanqaaday in xulashada ardayda la siinayo deeqaha waxbarasho ay ku imaan doonto tartan iyo imtixaan. Wasiir Faarax Sheekh ayaa aad u amaanay macalimiinta Masaarida ah ee wax ka dhigtay dugsiyo ku kala yaalla Muqdisho iyo deegaano ka tirsan Puntland. Wasiir waxbarashada ee dalka Masar ayaa sheegay inay sannadkaan kordhinayaan macalimiinta loo dirayo Soomaaliya, iyagoo ka howlgali doona dhammaan gobollada dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay ka qayb qaadan doonaan tababarka loo fidiyo macallimiinta Soomaaliyeed. “Tani waxay ku soo beegantay xilli ay Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya si weyn ugu hawlgaleyso baahinta iyo tayaynta waxbarashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada waxbarashada Soomaaliya. The post Dal Carbeed oo Soomaaliya siiyey 450 deeq waxbarasho appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo maanta ka qeyb-galay shir sanadeedka Garsoorka dalka ayaa shaaciyay sida keliya ee Soomaaliya ku heli karto garsoor dhab ah oo cadaali ah. Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in Garsoorka uu ka horeeyo wax walba, si uu cadaali u noqdana ay tahay in loo galo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab mid lamid ah. “Waxaa cidwalba ka fileyna in loo wada guntado hirgelintiisa iyo dhaqan-gelintiisa (heshiiska Garsoorka) si ay umadda Soomaaliyeed u hesho Garsoor dhab ah, oo madax-banaan oo ugu adeega si cadaalad ah oo dhex-dhexaad ah,” ayuu yiri. “Si aynu u helno amni oo umaddeena midnimadeeda usoo noqoto waxaa u baahanahay cadaalad iyo garsoor soo celin kara oo cadaaladaas umadda ugu adeegi kara.” Waxa uu intaasi sii raaciyay hadalkiisa “Garsoorka wuxuu shardi u yahay oo ka horeeya waxkasta oo kale, taas marka la helo waxaa aaminsanahay inay waxkasta oo kale ay fududaanayaan oo qabsoomayaan.” Guddoomiyaha ayaa sheegay in sanadihii dambe uu Garsoorku sameynayay isbedelo muhiim ah, balse weli loo baahan yahay in dagaal adag loo galo sidii uu dalka uga shaqeyn lahaa garsoor cadaali ah oo madax-banaan. “Garsoorka wuxuu u baahan yahay runtii in loo galo dagaal lamid ah midka Khawaarijta, waayo cadaaladu waa masuuliyad wadareed saaran dhamaan saddexda Gole oo ugu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyada, Fulinta ay ku xigto oo Baarlamaankii uu ku xigo. Garsoorka intaas markay gacmaha wada-galiso ee iskugu tagto ayuu istaagi karaa Garsoorka.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in garsoorka oo hagaaga uu macnaheedu yahay sareynta sharciga iyo badbaada Soomaaliya, haddii xataa uu dalka ka dhaco khilaaf siyaasi ah oo culus. “Dhismihii hay’addaha muhiimka u ahaa Garsoorka, sida Golihii adeega Garsoorka oo kale waxay ku xidhan yihiin labadii Gole ee kale. Haddii loo baahdo in la fuliyo xukunadii iyo awaamiirtii kasoo baxeysay Garsoorka waxa uu ku xidhan yahay labada hay’adood ee kale, marka fulinta iyo baarlamaanka iyo madaxweynaha oo ah odeygii guud ee dalka waxaa dhamaanteen nalooga baahan yahay sidii aan u xaqiijin laheyn in dalka uu helo Garsoorka uu mudan yahay.” The post ‘Garsoorka dalka wuxuu ku hagaagayayaa’ qoddobkii uu diiday madaxweyne DENI appeared first on Caasimada Online.
  5. Gaarisa (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qarax miino oo ay Al-Shabaab ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan. Qaraxa oo ka dhacay deegaan u dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa lala beegsaday Shaqaale iyo Injineero ka tirsan hay’adda waddooyinka, xilli ay kusii jeedeen magaalada Bura, halkaas oo uu ka socda dhimsha waddada tareenka ee isku xireysa dalalka Kenya iyo Itoobiya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari ay la socdeen shaqaalahaasi, waxaana goobta ku dhintay afar qof oo saddex kamid ah ay ahayeen Injineerada ku howlanaa dhismaha waddada, kuwaas oo xilligaas waday howlo kormeer ah, sida uu shaaciyay Booliska Kenya. Mid kamid ah saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda dalka Kenya oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay in qaraxa lagu weeraraday kolonyo ay la socdeen shaqaalaha, wuxuuna xaqiijiyay dhimashada afarta qof oo ay ku jiraan Injineeradii waday dhismahaasi. “Gaari ay la socdeen afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka Kenya ayaa lagu weeraray qarax miino, dhammaan afarta qof ayaa isla goobta ku dhintay,” ayuu yiri John Otieno oo ah sarkaal ka tirsan dowlada Kenya. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay baxsadeen dableyda weerarkan fulisay, balse ay haatan ku daba jiraan ciidamada ammaanka ee waddanka Kenya. Sarkaalkan oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan uusan wax saameyn ah ku yeelan dhaq-dhaqaaqa iyo howlaha ka socda halkaasi. Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, waxayna aheynd bishii December markii ay weerar kan lamid ah ku dishay laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, kaas oo ka dhacay isla deegaanka maanta la weeraray. Si kastaba, dowladda Kenya ayaa qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, waxayna ciidamadeeda ka howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee maamulka Jubbaland. The post Shabaab oo qarax ku dishay Injineero u shaqeynayey Kenya appeared first on Caasimada Online.
  6. Allah ha u naxariistee waxa maalintii Jimcaha 06/01/2023 magaalada Kampala ee dalka Uganda ku geeriyooday duuliye sare Jaamac Cabdillaahi Coofle. Duuliye Coofle waxa uu ka mid ahaa duuliyeyaashii diyaaradihii rayidka ee Soomaaliya. Dufcaddii u horreysay ee loo soo tababaro shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines ayuu ka tirsanaaa. Sida aan mar hore isaga laftiisa ka guntay, markii uu ka baxay dugsigii sare ee Sheekh, isaga oo Boorama fasax ku jooga ayaa loo soo sheegay inuu Xamar si degdeg ah u soo galo. Iskusocodku ma wacnayn oo Xamar si fudud laguma gaadhi karayn. Habeeno in la sii dhaxaa qasab bay ahayd. Tacab iyo hawl badan ka dib, sidii ayuu ku tagay Muqdisho oo imtixaankii ku galay. Nasiib wanaag, tiradii guulaysatay ayuu ku soo baxay, waxaana loo qaaday dalkii Jarmalka Galbeed, halkaas oo uu tababar duuliyenimo ku soo qaatay kulliyadda Lufthansa Flight Academy. Source: Hiiraan Online
  7. Qaahira (Caasimada Online)- Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xalay la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka dhinaca maaliyadda ah ee dowladda Soomaaliya ay ku qaadday kooxda Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay Al-shabaab ka xirtay 250 akoon oo ay ku lahaayeen 4 banki. Sidoo kale Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay inay xireen 70 number oo lacagaha loogu shubi jiray Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku lahaayeen laba shirkadood. Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xogta numberadaas la xiray ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed, kadib markii dowladdu ay bishii Oktoober ee sankadii hore sameysay numbarro ay soo wici karaan dadka ay Al-shabaab-ku soo weydiistaan ‘lacagaha baadda ah.’ “Markii la arkay in dowladdu shaqeyneyso waa la aaminay, waaxa nala shaqeeyeen shacabku,” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la baarayo lacagaha ku jira akoonada iyo lambarrada la xiray. Wuxuu ammaanay wasaarado ay ka mid yihiin warfaafinta, maaliyadda iyo isgaarsiinta oo aad uga qeyb qaatay dagaalka Al-Shabaab. Wuxuu intaas ku daray inay xireen shakhsiyaad lacago u sii waday saldhiyo ay Al-shabaab ku lahaayeen maagaalooyin ay ka mid yihiin Basra, Gandarshe iyo Xawaadley. “Qofkii la qabto isaga oo lacag u wada Al-shabaab waa dambiile, wuxuuna lamid yahay iyaga,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Barre. Ra’isul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in dhaqaalaha Al-shabaab uu hoos u dhacay, isla markaana ay soo wajahday lacag la’aan, ayna ku sugan yihiin wuxuu ugu yeeray ‘duruuf aad u adag’ oo tuugsi ku kaliftay. “Sanadkaan waxaa naga go’an Shabaab in laga waayo Soomaaliya, sidoo kale sanadkaan deyntii na rafaadisay ayaa bisha 9-aad ee sanadkaan nalaka cafi doonaa ilaahey idankiis,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Barre. Hoos ka daawo The post Daawo: Xamza oo shaaciyey tirada lacagta, lambarada iyo akoonada laga xiray Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa is-rasaaseyn uu sarkaal ka tirsanaa Nabad sugidda ku dhintay askar kalena ay ku dhaawacmeen oo ka dhacday afaafka hore ee garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Is-rasaaseyntaas waxaa la sheegay inay ka dhalatay is hortaag ay ciidan ka tirsan NISA ku sameeyeen kolonyo militeri ah oo Xildhibaan Yuusuf Kabaale uu la socday. Xildhibaanka iyo ciidankiisa ayaa loo diiday ka soo gudbaan bar-control oo ciidanka NISA ay ku leeyihiin iridda xigta Madiina Gate, dhinaca Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir. Sarkaal ka tirsanaa ciidanka NISA ee halkaas ku sugan oo magaciisa lagu soo koobay Carabey ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday is-rasaaseynta. Ma jirto faahfaahin dhameystiran oo laga helay geerida sarkaalkaan ka tirsanaa NISA, waxaana hadda degan xaaladda goobta uu shilkaasi ka dhacay. Sidoo kale ugu yaraan laba askari oo ka tirsan militeriga, isla markaana ka mid ahaa ilaalada Xildhibaan Yuusuf Kabaale ayaa lagu dhaawac iska hor imaadkaan. Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka mid ahaa masuuliyiintii laf-dhabarka u aheyd halgankii Al-Shabaab looga xoreeyey HirShabeelle, gaar ahaan Shabeellada Dhexe ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay Muqdisho. Xilliga uu dhacay shilkaan Xildhibaan Yuusuf Kabaale ayaa watay gadiid dagaal iyo askar militeri ah xoog leh, waxaana is hor taagay askar ka tirsan NISA oo bartaas control ku qoran. The post Sawirro: Askar uu xildhibaan caan ah watay oo dishay sarkaal ka tirsanaa NISA appeared first on Caasimada Online.
  9. Wasiirada maaliyadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo wehelinayo gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday Muqdisho ayaa maanta gaaray heshiis maaliyadeed oo la xiriira deeqaha dibada. Sida ku cad heshiiska deeqaha dibada ayaa dowladda federaalka loo qoondeeyay 60%, halka dowlad goboleeyada iyo gobolka Banaadir loo qoondeeyay 40%. Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in baaris gaar ah lagu sameeyo lacag horay loogu diray dowlad goboleedyada oo halbeega ay isticmaaleen uu ahaa in 50% lagu kharas gareeyo arrimaha bulshada iyo maamul wanaaga. Heshiiska dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa ka maqnayd Puntland oo aan ka qaybgelin shirkaas. PUNTLAND POST The post Muxuu yahay heshiiska Puntland ka maqan tahay ee gaareen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada? appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo ka mid ahaa hoggaamiyaasha halgankii kooxda Al-Shabaab looga xoreeyey gobolka Hiiraan ayaa galabta soo gaaray Muqdisho. Yuusuf Dabageed oo warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in sida dadka qaar ay la tahay aan Al-Shabaab weli laga gaarin guul weyn, maadaama aan weli laga xoreyn dalka, islamarkaana ay reer HirShabeelle labo un mid u furan tahay. “Labo mid ayaa noo furan, anaga oo dagaal ku jirna oo difaacayna dalkeenna in aan dhimano iyo anaga oo sharaf leh oo Hirshabeelle ku xaragoonayna in aan noolaano, wax aan ka heyn labadaas nooma fura,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan Al-Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay weeraradii u dambeeyey ee Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha HirShabeelle. “Weerarro ayaan weli nagu socda, meelaha ay HirShabeelle uga dambeeyaan iyo dhinaca Galmudug ayey naga soo weeraraan markasta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in meel kasta oo kooxdaan ay dalka ka joogto ay isku mid tahay, maadaama mar kasta ay dad Soomaaliyeed un dilayaan. “Umadda Soomaaliyeed waxaan leenahay nimankaas iska celiya, dowladiina u kaashada, waa cadow qof muslim ahna kuma noolaa karo meel ay ka dhowyihiin ama joogaane,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed. Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele oo bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa Hiiraan, isla markaana door weyn ka qaatay dagaalka Al-Shabaab eek a socda gobolkaas Hiiraan. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa isna ku sugan Muqdisho, waxaana xusid mudan in gaabis uu ku yimid howlgalkii ka socday gobolkaas, inkastoo Al-Shabaab laga xoreeyey bariga Hiiraan, hadana waxay ku sugan yihiin galbeedka gobolkaas. Hoos ka daawo Yuusuf Dabageed The post Dabageed oo shaaciyey in guulaha laga gaaray Shabaab aysan aheyn sida la moodo appeared first on Caasimada Online.
  11. Click here to read more about this article Qaran News
  12. Lesbos (Caasimada Online) – Maxkamad racfaan oo ku taalla dalka Greece ayaa amartay in lasii daayo muhaajir Soomaali ah oo xabsi daa’in loogu xukumay inuu dad soo tahriibiyey. Kiiskan ayaa dareenka caalamka kusoo jeediyey sharciyada ciqaabta adag ee ilaalinta xuduudaha ee dalkan ka tirsan Midowga Yurub. Mohamed Hanad Abdi, ayaa sanadii 2021 lagu xukumay 142 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu doon ay dad ku dhinteen kasoo kaxeeyey Turkey oo uu keenay jasiiradad Lesbos ee Greece 2020-kii. Si kastaba, maxkamad racfaan oo ku taalla jasiiradda Lesbos ayaa Isniintii waxay xabsigiisa ka dhigtay sideed sano, waxaana garsooraha maxkamadda uu amray in lasii daayo ayada oo loo xisaabinayo muddadii uu horey xabsiga ugu soo qaatay iyo hab dhaqankiisa wanaagsanaa. Maxkamadda ayaa waxaa ka qeyb-galay dhowr xubnood oo ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub, oo ku dooday in Mohamed, oo ah 29 jir aabe u ah afar caruur, si khaldan xukun loogu riday. “Waxaan dhammaanteyn la ilmeyneynaa farxad, waxay aheyd maalin aad u adag. Dacwad-oogaha qaranka wuxuu qaatay mowqif adag, wuxuuna doonayey in xukunka la joogteeyo,” waxaa sidaas yiri Stelios Kouloglou oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub, oo hogaaminayey ololaha, lana hadlay AP. “Waa go’aan aad muhiim u ah, sababtoo ah dad badan oo ah muhaajiriin caadi ah ayaa loola dhaqmaa inay yihiin tahriibiyeyaal,” ayuu yiri. “Mohamed wuu kasoo bixi doonaa xabsiga dhowr maalmood kadib marka warqadihiisa la diyaariyo, tallaabada noo xigta waa inaan u ololeynaa in sharciga la beddelo.” Mohamed ayaa maxkamadda u sheegay inuu doonta soo kaxeeyey kaliya markii uu ka tegay naaquudiye Turkish ah oo dadka tahriibiya, islamarkaana uu isaga kala wareegay si uu u badbaadiyo dadkii saarnaa. Doonta ayaa waxaa ku qarqamay laba qof, halka 33 laga soo badbaadiyey. Qaar badan oo ka mid ah dadkii soo badbaaday ayaa taageeray sheegashada Mohamed si ay sheegeen qaraeenadiisa. AP, VOA The post Go’aan laga gaaray kiiska nin Soomaali ah oo hareeyey baarlamanka Midowga Yurub appeared first on Caasimada Online.
  13. Baidoa (HOL) – Lower House Speaker Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe and members of the Southwest opposition groups have agreed to remove pro-opposition militia forces from Baidoa following a meeting in Baidoa on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  14. (SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa maanta qaaday tallaabo u muuqata inay aqoonsatay Somaliland oo hadda ay ula macaamileyso sida dal madax-banaan oo kale. Amar madaxweyne oo kasoo baxay madaxweynaha dalkaas William Ruto ayaa lagu sheegay in Kenya ay safaarad ka furaneyso Somaliland, taasi oo qeyb ka ah isku day lagu ballaadhinayo howlgallada diblomaasiyadeed ee Kenya ee dalalka kale ee caalamka. Amarkan, oo tirgiisu yahay Executive Order No.1 of 2023, ayaa safaarado ama qunsuliyado lagaga furi doonaa magaalooyinka Djibouti, Bern, Arusha, Goma, Jakarta iyo Hargeysa. Safaaradaha Jabuuti, Jakarta (Indonesia), iyo Hargeysa ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyey sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda. Source
  15. Maxkamad racfaan oo ku taalla dalka Greece ayaa amartay in lasii daayo muhaajir Soomaali ah oo xabsi daa’in loogu xukumay inuu dad soo tahriibiyey. Kiiskan ayaa dareenka caalamka kusoo jeediyey sharciyada ciqaabta adag ee ilaalinta xuduudaha ee dalkan ka tirsan Midowga Yurub. Mohamed Hanad Abdi, ayaa sanadii 2021 lagu xukumay 142 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu doon ay dad ku dhinteen kasoo kaxeeyey Turkey oo uu keenay jasiiradad Lesbos ee Greece 2020-kii. Si kastaba, maxkamad racfaan oo ku taalla jasiiradda Lesbos ayaa Isniintii waxay xabsigiisa ka dhigtay sideed sano, waxaana garsooraha maxkamadda uu amray in lasii daayo ayada oo loo xisaabinayo muddadii uu hore xabsiga ugu soo qaatay iyo hab dhaqankiisa wanaagsanaa. Maxkamadda ayaa waxaa ka qeyb-galay dhowr xubnood oo ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub, oo ku dooday in Mohamed, oo ah 29 jir aabe u ah afar caruur, si khaldan xukun loogu riday. “Waxaan dhammaanteyn la ilmeyneynaa farxad, waxay aheyd maalin aad u adag. Dacwad-oogaha qaranka wuxuu qaatay mowqif adag, wuxuuna doonayey in xukunka la joogteeyo,” waxaa sidaas yidhi Stelios Kouloglou oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub, oo hogaaminayey ololaha, lana hadlay AP. “Waa go’aan aad muhiim u ah, sababtoo ah dad badan oo ah muhaajiriin caadi ah ayaa loola dhaqmaa inay yihiin tahriibiyeyaal,” ayuu yidhi. “Mohamed wuu kasoo bixi doonaa xabsiga dhowr maalmood kadib marka warqadihiisa la diyaariyo, tallaabada noo xigta waa inaan u ololeynaa in sharciga la beddelo.” Mohamed ayaa maxkamadda u sheegay inuu doonta soo kaxeeyey kaliya markii uu ka tegay naaquudiye Turkish ah oo dadka tahriibiya, islamarkaana uu isaga kala wareegay si uu u badbaadiyo dadkii saarnaa. Doonta ayaa waxaa ku qarqamay laba qof, halka 33 laga soo badbaadiyey. Qaar badan oo ka mid ah dadkii soo badbaaday ayaa taageeray sheegashada Mohamed si ay sheegeen qaraeenadiisa. Source
  16. (SLT-Laascaanood)-Odayaal reer Laascaanood ah ayaa xukuumada Somaliland kala hadlay kiiska nin shacab ah, oo dhawaan ciidamada millaterigu ku toogteen magaalada Laascaanood. Waxa ay sheegeen in wasiirada ay odayaashu la kulmeen ay ugu tageen si ay ugala hadlaan, arrinta mid kamid ah shacabka magaalada oo maalmo ka hor ay ciidamadu toogteen xili habeen ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa markii u horeysay ka hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay maamul goboleedka Puntland ee ay ku sheegtay inay u dhaqmayso sidii dowlad madax-banaan. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in mowqifka ay muujisay Puntland ay wada-hadal kala gali doonto dowladda federaalka, si looga gaaro is-faham arrimaha ay tabanayaan madaxda maamulkaasi. “Waa rajeynaya in wada-hadal laga galo arrintaan. Wasiirkiisi Juxa wuxuu yidhi waxa ula jeednay gorgortan, marka waa furan yahay gorgortan-kaasina. Qeyb ayaa ka noqon doono howshaas in meesheedi kusoo noqoto,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale tilmaamay in weli uusan dalka laheyn Dastuur kala xadeynaya awoodaha dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kan kumeel-gaarka ahna uu dhigayo in waxkasta wada-hadal laga galo. “Nidaamkeena lama yaqaano! Waxa lagu soo heshiiyay dalka federaal ha qaato oo Dastuur KMG ahna qoddobo ayaa lagu qor-qoray, inta badan sheegaya in wada-hadal laga galo arrimaha federaalka. Haddii aan la wada-hadlina lama gaarayo guushii iyo qoddobadii la rabay, taas waxay keenaysa in wada-hadalka noqdo albaab furan.” Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si dadban ugu jawaabay Puntland ayaa sheegay in si qaldan loo fahmay nidaamka federaalka, isaga oo xusay in aan marnaba la kala qaybin karin dalka. “Dalkaan laba wax-yaabood inaan la’isku qaldin ayaan rabaa. Dalka in la federaaleeyo waa mid dalka in la’isku haayaa oo mid noqdanaa waa mid kale,” ayuu yiri madaxweynuhu. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka uu leeyahay hal dowlad oo ah dowladda dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyad la yiraahdo ayaan nahay hal dowlad ayaa nahay. Jasiirado kala xir xiran oo midba midka kale difaac uga jiro ma aha”. The post FIQI oo shaaciyay habka ay DF ku wajaheyso go’aanka Puntland appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa soo saaray baaq cusub oo ku socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ka kooban afar qoddob. Cali Cosoble ayaa waxa uu madaxweynaha usoo jeediyay in meesha laga saaro askarta loo yaqaano minishiibiyada ee hubeysan, kuwaasi oo dhowr jeer dilal u geystay dad shacab ah. “Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud MudaneMadaxweyne waxaan kugula talinayaa in ciidan iyo qof hubeysan uusan qaadin wax canshuur ah,” ayuu yiri Cali Cosoble. Waxa kale oo uu yiri “In mihnadaha kuwa ugu hooseeya ee ay dadka ay tabartooda aadka u yar tahay nolosha ka raadiyaan laga daayo canshuurta laga qaado. Waxaa ka mid ah; Waratada, tabakaayadaha iyo bajaajyada.” Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan dhalinyaro aqoon leh oo loo tababari karo qaadista canshuuraha. “Madaxweyne waxaa buuxa dhallinyaro ka soo baxday dugsiyada sare oo shaqa la’aan ah oo loo tababari karo,” ayuu yiri si meesha looga saaro arrimaha waayadii dambe ka dashay canshuur qaadista Muqdisho. Ugu dambeybtiina wuxuu madaxweynaha ugu baaqay in xilligaan la joogo xooga la saaro canshuur ka qaadista shirkadaha waaweyn. “Dalka markuu xasilo, nidaam iyo kala dambeyna la hirgeliyo, kaddib ayaa loo soo jeesan karaa ganacsiga yar-yar.” The post Cali Cosoble oo baaq u direy Xasan Sheekh kadib arrin kusoo badatay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  19. Muuqaalka Madaxweyne Xasan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirka sannadlaha ah ee garsoorka dalka ayaa ka hadlay hannaanka federaaleynta garsoorka ee Puntland diiday. Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah awoodsiinta garsoor hufan, iyadoo shirarkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho ku soo gabagaboobay bishii la soo dhaafay lagu ansixiyey hannaanka federaaleynta garsoorka, dowladdana ay ka go’an tahay adkeynta madax-bannaanida iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan hay’adaha caddaaladda. “Garsoorku waa madax-bannaan yahay. Golaha Saree e Adeegga Garsoorka waxaa loo sameynayo waa in aan la faro gelin. Ma dooneyno dalka Soomaaliya guduhiisa in ay ku noolaadaan labo muwaadiniin oo kala xuquuq ah oo lakala faddilo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Labo waxyaalood in aan laysku khaldin baan rabnaa, dalka in la federaaleeyo waa mid ku saleysan la isku hayo oo hal dal uu yahy. Midda kale, dalka in la federaaleeyo macnaheeda mahan in qofba Meesha uu rabo uu iska aadi karo oo dalku kala tago, maya taas” ayuu raaciyay. Hannaanka federaaleynta garsoorka iyo astaynta awoodaha dowladda ayaa ahaa qodobadii sababay in Puntland ku dhawaaqday in ay u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan inta laga dhammaystirayo Dastuurka Soomaaliya oo lagu ansixinayo afti dadweyne. PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh oo ka hadlay federaaleynta garsoorka ee Puntland diiday appeared first on Puntland Post.
  20. Nairobi (Caasimada Online) – In a move that has the potential to create a diplomatic rift, the Kenyan government has taken a significant step that many interpret as a formal recognition of Somaliland, a self-declared republic in northern Somalia that has yet to receive international recognition. President William Ruto announced in an Executive Order that Kenya would be opening a diplomatic mission in the capital of Somaliland, Hargeisa, as part of an effort to expand the country’s diplomatic missions abroad. Somaliland also has a Liaison Office in Kenya, one of the few countries allowing the breakaway region to open an office. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has yet to be officially recognized by any country other than Taiwan. The African Union has consistently maintained that any recognition of Somaliland must first come through Somalia. This position is based on the principle of member states’ sovereignty and territorial integrity, and it has been a point of contention between Kenya and Somalia. The move by Nairobi to open a diplomatic mission in Hargeisa could further complicate the already complex relationship between Kenya and Somalia. The two countries have a history of cooperation and conflict, with a major point of contention being the disputed maritime border in the Indian Ocean. In 2021, the International Court of Justice (ICJ) ruled in favor of Somalia, determining that the border should be adjusted so that Somalia would be granted rights to most of the oil-rich region in the Indian Ocean. Kenya rejected the ruling, and the dispute has continued to be a source of tension between the two countries. In addition to the maritime dispute, trade in the stimulant plant Khat, also known as Miraa in Kenya, has also been a point of friction between the two countries. Somalia is Kenya’s largest market for Khat, but the Somali government suspended the importation of the crop when international flights were suspended due to the COVID-19 pandemic, even though the ban has since been lifted. President Hassan Sheikh Mohamud, upon his re-election, sought to improve relations between Somalia and Kenya. He visited Kenya twice, meeting with outgoing President Uhuru Kenyatta and newly-elected President William Ruto. These meetings aimed to strengthen ties between the two nations and resolve any outstanding issues. During the bilateral talks, both countries reached several agreements, one of which was Somalia lifting the ban on Khat and Kenya committing to facilitate the entry and movement of Somali citizens. However. Nairobi still needs to deliver on this promise. To make matters worse, Kenya’s decision to open an embassy in Hargeisa undermines President Mohamud’s efforts to improve relations between the two countries, and it risks causing a further deterioration in the relationship between Kenya and Somalia. President Hassan Sheikh Mohamud’s agreement with Kenya’s leaders has been heavily tilted toward Kenya’s benefit. In contrast, Somalia only benefited from the photos taken during these meetings. It still needs to be made clear how Somali President Hassan Sheikh Mohamed will respond to Kenya’s actions. However, he may take action to punish Nairobi. Kenya currently has troops serving in Somalia under the African Union Transition Mission in Somalia (AMISOM). The post Kenya-Somalia ties at risk over diplomatic mission in Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu (HOL) - President Hassan Sheikh Mohamud said that his administration had promoted federalization and decentralization in Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Waxa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shir ay isagu yimaadeen Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaan oo muddo saddex maalin ah u socday Wasiirrada Maaliyadda heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu gorfeeyay arrimaha Maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha,qeybsiga deeqaha kabka Miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamka ay Soomaaliya ku taageeraan. Shirkaan ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee ka dhexeeya Hey’adda Maaliyadda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com