-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr Fanax) oo la sheegay in uu dhakhtarnimo kaga howl-gali jiray gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa maanta kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida. Dr Fanax ayaa loo haysta dilal, qaraxyo iyo been abuur la xiriira darajooyin ciidan iyo takhasuska uu sheegtay ee mudada uu kaga shaqeysan jiray bulshada dhexdeeda, waxayna maxkamadeyntiisa maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Darajadeeda koowaad oo uu kasoo hor-muuqday Dr Fanax ayaa waxa uu sheegay in gudaha dalka uu ka soo shaqeeyay magaalooyinka Muqdisho, Baardheere, Kismaayo, Xudur iyo Beled-Xaawo. Ninkaan ayaa lagu eedeynaya in sanado badan uu jilayay Dhakhtar, uuna Al-Shabaab kasoo tirsanaa tan iyo 2009-kii, isaga oo kaga biiray Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Waxa uu ka qeyb qaatay fulinta dilal iyo qaraxyo ka dhacay gudaha Muqdisho, sida ay xeer ilaalinta ka hor sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida. “Eedeysanaha wuxuu xirtay dharkii ciidamada qalabka sida oo wuxuu xirtay garaadadii Gaashaanle, waa sarkaal been abuur ah oo isticmaalayay ID-cardkii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya,” ayuu yiri ku-xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida. Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Generaal Cabdullaahi Buula-kamey ayaa maxkamadda ka codsaday in ninkaan lagu rido xukun dil toogasho ah. “Qadar ayuu sheegay in uu ka shaqeeyay waligiis kama shaqeyn. Maxamed Cabdinuur waligeen nama soo marin ayey dhah jaamacada uu sheegay in uu ka sito shahaadada (dhakhtarnimada). Sidaas darteed waxay ku tuseysa intaas oo dhan waxay u ahaayeen wax uu ku qaraabanayay oo shaqadiisa ku fushanayay,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa dilaa arxan darran, oo nooc walba dadka u dila waxaa maxkamadda weydiisaneyna in lagu xukumo ciqaabta u qalanta si bulshada uga badbaado wixiisa, oo ah dil toogasho ah.” Qareenka u doodayay ninkaan eedeysanaha ah ayaa sheegay in uusan jirin markhaati la keenay maxkamadda, oo arkay eedeysanaha oo weerar ama dhibaato geysanaya. “Dad dhaawacan waaye, oo dhamaantood dhibanayaal waaye, mid walba waa dhaawacan yahay marka maxkamadda uma aqoonsan karto markhaatiyaal ee waa dhibanayaal.” Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo ugu dambeyntiina soo xiray dacwad dhageysigii eedeysane Dr Fanax ee maanta ayaa sheegay in maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto. The post Daawo: Dhakhtarkii dilaaga ahaa oo maxkamaddiisa ay ka billaabatay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Waxa soo baxaya sida Loo musuq maasuqay Deeqdii waxbarashada ee dawlada Itoobiya siisay Somaliland Deeq waxbarasho oo dhan 65 Ardey oo Master ah Somaliland ka heshey dalka Ethiopia, loona qeybiyey jaamacadaha kala duwan ee Ethiopia. 20 Ardey oo ka mid ardeydaas jaamacadihii lagu qorey ayaa Safaarada Somaliland ee Ethiopia Iyo Komishanka Tacliintu ku bedaleen 15 oo aan soo marin dariiqa saxda ahaa ee lagu kala xulayey Ardeyda. Ardeydaas ee la dulmey ayaa ilaa hada ku daadsan Addis, iyaga oo aan Waxbarashadii ay u soo baxeen helin kharashkooda isku qaba muddo Ka badan 22Maalmood. Su’aashu waxay tahay Deeqda Waxbarasho (scholarship) 15 qof ah ee Safaaradda Somaliland Dalka Itoobiya gudbisay sidee loo qoray? halkee laga qoray? habkee loo maray? miyaa loo tartamay mise waa la qaybsaday ? Deeqaha Waxbarasho yaa ka masuula ah? Ha’yaddee xaq u le in Ardayda ay tartansiiso ? Shuruuddi Deeqda Waxbrashada lagu xidhay Ardayda derajadooda GPA-ga ka sarreeyo 3 yaa bedelay? Su’aalaha ummadda hawga jawaabo Masuulka Waxbarashada u qaabilsan Safarradda Somaliland ee Itoobiya (edication atteche) waxaa qoray Mohamed Sidik – Dhamme Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku bogaadiyey dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday Al-Shabaab, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha oo dowladdu ay shalay xaqiijisay inay xirtay in ka badan 250 Banki oo lacagaha kooxda lagu shubi jiray. Madaxweyne Guuleed ayaa natiijo wanaagsan oo dagaalka laga gaaray ku tilmaamay in dowladdu ay ku guuleysatay inay xayirto malaayiin dollar oo lacagihii Al-Shabaab ah. “Waa bogaadinayaa si guud dagaal dhinacyada badan leh ee ay laamaha kala duwan ee dowladdu kula jiraan kooxaha Argagaxisada ah. Gaar ahaanna waxaan si weyn u bagaadinayaa dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxdaas lagu qaaday, taas oo sababtay in laga xiro in ka badan 250 xisaab bank oo ay si toos ah iyo si aan toos aheynba u isticmaaliyeen, kuwaas oo ay ku jiraan malaayiin doolar oo la doonayey in lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed. Qoraalka Guuleed ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa shacab weynaha Soomaaliyeed laga doonayaa inay dowladda iyo laamaheeda kala duwan si buuxda ugu gacan siiyaan dagaalka dhan kasta ah oo ay kula jirto kooxahaas Argagaxisada ah oo har iyo hoyaad u diiday umadda Soomaaliyeed.” Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiir ku xigeennada warfaafinta iyo amniga ayaa shalay shir jaraa’id qabtay, waxayna sheegeen in dowladdu ay natiijo weyn ka gaartay dagaalkii dhaqaalaha ee kooxda lagu qaaday. Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay ugu yaraan 70 lambar oo kooxda ay ugu dhici jireen lacagaha canshuurta ah ee dadka ay uga qaado sida xoogga ah, kuwaas oo qaar kood ay dadka ka soo wici jireen, qaarna lacagaha ku keydsa jireen. Dowladda ayaa deg deg guulo uga soo hoysay dagaalka ay la gashay Al-Shabaab, si gaar ah mid ka socda furimaha ayaa hadda maraya meel dhexe, ciidanka oo ka gudbay HirShabeelle ayaa u talaabay Galgaduud, waxayna bilihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ka xoreeyeen dhul aad u baaxad weyn. Hadda gulufka dagaal ee ugu culus wuxuu ka jiraa Galmudug oo ugu yaraan afar jiho dagaal looga qaaday Al-Shabaab, waxayna ciidamadu qorsheynayaan in maalmaha soo socda kooxda laga xoreeyo magaalooyinka ay ka joogaan gobolkaas, sida Ceeldheer, Ceelbuur iyo Xarardheere oo ka tirsan Mudug. The post Guuleed oo war kasoo saaray sheegashadii shalay ee DF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute ayaa markii u horeysay sheegay “in xal sharci ah” loo baahan yahay, si meesha looga saaro cabashada ay dadka la tagaan warbaahinta, ayada oo kiiskooda uu ku jiro maxkamadda. “Mushkilad u baahan in loo helo xal sharci ah ayaa dig soo tiri oo ah qofka dacwo ayaa maxkamadda ka taalla, qof ayaa la dilay ama dhib ayaa dhacay, waa soo baxa warbaahinta iyo baraha bulshada ayuu taga oo halkaas ayuu qeylo dhiga.” Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in arrintaan ay tahay caqabad haysata maxkamada iyo dacwadaha ay qaado, isaga oo xusay in marka uu qofka geeyo kiiska warbaahinta, una dhigo sida uu jecel yahay ay dadka ‘gardaro’ ku xakumayaan maxkamadda, sida uu sheegay. “Bulshadeena waa ogtihiin indhaha waxba kama aragto ee dhagaha ayay wax ka aragta, macnaha qofkii qeyliyay ayay rumeysane, yaa qeylilyay? Ninkaan ayaa qeyliyay Aleyle waa laga gar-daran yahay ayaa la’leeyahay, la iska qodxa bixin maayo oo maxay tahay la dhihi maayo.” Sidoo kale waxa uu warbaahinta iyo baraha bulshada ku tilmaamay “isbaaro casriyeysan,” oo wixii la rabo si fudud lagu marsan karo, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Waagii hore reeraha iyo maleeshiyaadka marka ay xanaaqan marka ay magaalo iyo gobol ha joogaan wadada dheer ee laamiga ah ama wadada hormarta ayay xiran jirin oo ha lagu kala tago dhihi jireen.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Hadda dowlad ayaa timid waddooyinka lama xiran karo, magaaladii ayaa la jooga oo dowladda xoog ayay ku leedahay, Isbaaro kale ayaa soo baxday xaga uu soo istaaga oo warbaahintii uu ka qeylina, tii hore xoog ayaa lagu suuliyay tan waxay u baahan tahay xal sharci ah.” The post Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo dacwa ka ah warbaahinta + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya oo hadda banaan ayaa dhawaan la buuxin doona. Kuraastan waa HOP#086 iyo HOP#147, mid kamid ah kuraastan waxaa dhawaan baneeyay taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad, midna waxaa loo diiday sanadkii dhamaaday Fahad Yaasiin, taliyihii hore ee NISA. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa 3-dii bishaan ku dhawaaqay guddi doorasho oo kumeel-gaar ah, kaas oo ka kooban 9 xubnood. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddigaan u igmaday qabashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh kala diray guddigii madaxa-banaana ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo dhinaca kale ay sharciyadii ka dhamaatay. Xubnaha guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze waxa ku jira xubno kamid ah guddigii hore ee doorashooyinkii dadbana ee dalka ka dhacay, kuwaasi oo dhinaca kale qeyb ka ahaa in Fahad Yaasiin loo diido kursiga HOP#086. Kursiga HOP#147 isaga muran badan kama jiro, waxa ka kacay Mahad Salaad oo noqday taliyaha NISA. Wuxuu ku biiray Mahad dhowr taliye oo hay’adda soo maray oo lumiyay kuraastooda xildhibaanimada sida; Sanbaloolshe iyo Xuseen Cismaan Xuseen. Kursigan ayaa waxa la filayaa in uu kusoo bixi doono nin la yiraahdo Ilyaas Sheekh Axmed, kaas oo beesha iyo taliyaha NISA aanay diidaneyn sida aan kasoo xiganay dad xogagaal u ah howsha kursigan. Kursiga HOP#086 isaga weli buuq ayaa ka jira, Fahad Yaasiin ayaa waxa lasoo warinaya in weli uu rabo kursiga, si uu gabaad ugu noqdo inta lagu jiro muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh, maadama Fahad Yaasiin loo haysto eedo badan oo dalka ka dhacay intii uu jiray nidaamkii madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale musharaxiin hore looga hor istaagay in kursiga u tartamaan oo uu kamid yahay nin la yiraahdo Khaalid ayaa weli raba kursiga. Xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigan, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa wararka qaar sheegayaan in kooxdiisa UPD ay ku cadaadinayaan inuu markale u istaago kursiga. Faarax hadda waa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya. Weli ma cada in uu go’aansaday inuu kursiga qaato, laakiin haddii Faarax uu rabo fursad fiican ayuu leeyahay maadama xukunka dalka ay saaxiibadii haystaan. Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh kursigaan muhiim ayuu u yahay, waana lagu dhibi karaa haddii uu jiho kale aado, waana sababta qaarkooda wax qorsheeyo ugu doodayaan in si walba Faarax uu qaato kursiga HOP#086. Mid kamid ah astaamaha lagu fahmi karo inay kooxda madaxweyne Xasan Sheekh qorshe fog ka leedahay xukunka dalka waa sida ay kursigan u maareeyaan oo marna culeys ku noqon kara marna caawin kara, ayey leeyihiin falanqeeyayaashu. The post Kursigii Mahad Salaad iyo kii Fahad oo la dooranayo iyo cidda loo badinayo – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – In a joint operation on Friday night, a team of elite intelligence agents and local police in Somalia’s capital, Mogadishu, seized a weapons cache allegedly buried by the al-Qaeda-linked militant group, al-Shabab. The National Intelligence and Security Agency (NISA) said in a statement that a suspected group member was also arrested in the raid, which took place in the Dharkenley district of the city. An anonymous official from NISA told Caasimada Online that the seized weapons included improvised firearms, bombs, rounds of ammunition, and other explosives. This operation is a continuation of the government’s efforts to defeat al-Shabab and prevent terrorist activities. On Friday, Mogadishu administration announced that security forces would begin a house-to-house search for suspected al-Shabab members hiding among civilians. This announcement comes days after President Hassan Sheikh Mohamud made an impassioned appeal to the public to help his government flush out group members, which he called “bedbugs.” For the past several months, security experts and community leaders in Mogadishu have been calling on government security agencies to step up their operations in the capital to avert pending al-Shabab terror attacks. President Mohamud declared a “total war” against the group shortly after being elected last year. Working with local clan fighters, the government has claimed multiple military victories against al-Shabab in the past six months, retaking towns and villages in HirShabelle state that had been controlled for years by the militants. In those military operations supported by its international partners, the government claimed about 2,000 al-Shabab fighters were killed. In a tragic incident, one person was killed, and at least six others were injured in a suicide car explosion at a checkpoint controlled by government troops in the central region of Hiran on Saturday. The attack was part of a twin suicide car bombing. The militant group al-Shabab claimed responsibility for the attacks, targeting military bases in Jalalaqsi and Bulobarde. The suicide car bombing comes as government forces and allied clan militias have launched a major offensive against al-Shabab since August. The group has retaliated with deadly attacks after being driven out of territories. According to a local shopkeeper in Jalalaqsi, a suicide car bomb exploded at a checkpoint near the bridge, resulting in one death and six injuries. Government authorities were not immediately available for comment, but witnesses reported that government forces attempted to stop the attackers by firing at the second car carrying explosives. Despite past government offensives, al-Shabab, which has been waging a deadly insurgency war against the government of Somalia since 2007 to enforce its strict interpretation of Islamic law, has regrouped and returned to areas where the army cannot maintain control. The post Somali forces seize weapon cache in Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
-
Mesagawaa (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga hubka qaatay ee deegaanka ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxay kula wareegeen Dekedda qadiimiga ah ee Cigo oo aad ugu dhow magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Ciidankaan oo ka baxay magaalada Mesagawaa ayaa sii maray dhowr deegaan oo ay isaga carareen maleeshiyaadkii horay u joogay ee Al-Shabaab, waxayna ugu dambeyntii gaareen deegaanka Cigo oo ay ku taallo deked macmal ah. Deegaanada kala ah Baraag-Sheekh Caamir, Dhabaqle, Xuseen-Cagey, Cigo iyo deegaano kale ayaa maanta laga raacdeeyey Al-Shabaab, waxaana caawa ku sugan ciidamada dowladda. Deegaanadaan ayaa waxaa mudo dheer maamuleysay kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ciidankii ka xoreeyey ay hadda kaabiga ku hayaan magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Intii uu socday howlgalkaan waxay ciidamadu qabteen dad la sheegay in looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Deegaanka muhiimka ah ee Cigo oo ka mid ah deegaanada maanta laga xoreeyey Al-Shabaab ayaa waxaa loogu tegay dad badan oo kalluumeysato ah. Xeebta deegaankaas iyo nawaaxigiisa waxaa la sheegay in aad looga helo Aar-goosatada loo iib keeno magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmahaan dardar gelinaya howlagallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidankii xoreeyey Sh/Dhexe hadda kaabiga ku hayaan Ceeldheer oo Galgaduud ka tirsan. Dhanka Mudug waxaa Hobyo, Wisil iyo Baxdo ka soo baxay ciidankii ugu xooganaa oo Danab, PSF-ta Puntland, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga hubka qaatay ee deegaanka isugu jira, wuxuuna duulaankaas ku jiheysan yahay degmada muhiimka ah ee Xarardheere. The post Ciidanka Xoogga dalka oo maanta Al-Shabaab ka xoreeyey Dekedda Cigo appeared first on Caasimada Online.
-
(ERGO) – Sharifo (not her real name) lives in Abag-beeday village, eight kilometres from the besieged town of Hudur in southern Somalia’s Bakool region. Since November 2022, she has been receiving food aid that has enabled families like hers to remain in their village despite the terrible drought and the pressures of living in an area cut off by Al-Shabab. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Faransiiska, Netherlands iyo Slovakia ee loo soo magacaabay Soomaaliya. Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha aqoonsiga danjireyaasha kala ah; 1. Mudane Arnaud Suquet – Danjiraha cusub ee dalka Faransiiska ee Soomaaliya 2. Mudane Maarten Brouwer – Danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands iyo 3. Marwo Katarina Zuffa Leligdonova oo ah Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Slovakia u fadhin doonta Soomaaliya Danjireyaasha ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda. Waxay soo bandhigeen dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada-hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay dowladda federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu. Sidoo kale waxa uu xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka. The post Sawirro: Saddex dal oo Yurub ah oo safiiro cusub usoo dirsaday Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Koox ciidamo isku jira oo Mareykan ah oo shaqo wadaag ah ayaa maalinimmadii shalay Jannaayo 13, 2023, booqasho indho-indheyn ah ku tegay dekedda magaallada Berbera (Joint Task Force-Horn of Africa). Booqashadan ayaa ku soo beegantay wax yar un ka hor tababar laylis ciidan ah oo la qorsheynayo inay ka qayb qaataan dalal badan oo ay hor kaceyso dowladda Mareykanka, oo loogu yeeray Justified Accord, bisha Febraayo 2023. Justified Accord, ujeeddada laga leeyahay waxaa lagu sheegay in sare loo qaado iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo hawl gallada ka hor tagga argagixisada iyo in la diyaariyo ciidamo goboleed qayb ka noqda hawl-gallada Qarammada Midoobay, iyo hawl-gallada ay oggolaadaan Midowga Afrika. Marka laga tago Justified Accord ee dekedda Berbera, waxaa iyadana tababaro iyo laylisyada ay ka dhacayaan dalalka Botswana, Djibouti, Kenya, Rwanda, iyo Uganda, waxaana qayb ka noqonaya 20 dal oo ay ku jirto Soomaaliya. Ciidammada Mareykanka ah ayaa iyaga si joogta ah ula socon doona hadba goobaha dhibaatada ka jirto hawl-gallada iyo in si joogta ah loogu diyaariyo awood u dhiganta sida la soo jeediyay. Dhanka kale, waxaa iyadana jira wallaac ka dhashay arrintan oo la xiriira inuu qorshuhu intaas ka weynyahay, oo waxaa jira guux faro badan iyo hadal hayn la xiriirta arrintan oo durba dad-weynaha Soomaaliyeed ay muujinayaan, taasoo ku salaeysan in ujeedda guracan oo khayaan ah ay ku hoos qarsoontahay hawla-galkaan Justified Accord, taasoo ay ku sheegan in dowladda Mareykanka ay ku soo galbineyso ciidammada badda ay dhowaan sameysatay dowladda Itoobiya si xeebaha Soomaaliyeed sal-dhig looga dhigo, waxaana jira warar shaki badan dhaliyay oo bishii la soo dhaafay uu saxaafadda siiyay ninka ugu magacaaban ciiddankaas Itoobiya ee la yiraahdo Kundu Ghele, midkaasoo sheegay in ciidammada badda ee ay sameysatay Itoobiya ay ilaalin doonaan xeebaha dalalka deriska ah. Waxaa iyadana soo baxaya in madaxweynaha dalka Djibouti uu ku qanciyay Muuse Biixi iyo Xasan Shiikh Maxamuud inay oggolaadaan tallaabadaas iyo kuwo kale oo aan xog fiican laga wada heyn intii lagu guda jiray munaasabaddii arroos siyaasadeedka ahayd ee loo sameeyay gabadha madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana jira warar hadda soo baxay oo tilmaamaya in madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbalnd Axmed Maxamed Madoobe uu maalmaha soo socda u ambabixi doono dalka Djibouti oo marti qaad ka helay madaxweynaha dalkaas, sida ilo aan rasmi ahayn oo ku dhow-dhow marti qaadkaas laga helayo ujeeddada marti qaadkan ayaa ah in Axmed Madoobe lagu qanciyo inuu ku biiro heshiisyadii ay horay u galeen seddexdaas nin, waxaana wararku intaas ku darayaan in khilaafka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni ay qayb ka tahay sababaha loo soo dhoweynayo Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Tababar ay si wada jir ah u sameynayaan ciidammada Mareykanka iyo 20 dowladood appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si adag uga horyimid hadal uu kulankii maanta ee golaha shacabka ka sheegay Xildhibaan Shariif Mustafa. Xildhibaan Shariif Mustafa ayaa golaha ka horsheegay inay kula jiraan oo ay xubno ka yihiin xildhibaano Al-Shabaab ah, sida uu hadalka u dhigay, xili uu dalka ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxda. “Shabaab inta ayuu ku jiraa, maxaa been iskugu sheegayna argagixiso inta ayuu ku jiraa ee aan iska xoreyno,” ayuu si carro leh u yiri Xildhibaan Shariif Mustafa. Xildhibaan Odowaa oo ka daba qaatay hadalka ayaa ugu horeyn ka dalbaday Xildhibaanka in uu raali-gelin ka bixiyo hadalkiisa, islamarkaana uu golaha dhex fadhin Shabaab. “Xildhibaan Shariif Mustafa meeshan Shabaab ma joogo xildhibaanada qaranka loo soo doortay ayaa jooga. Warkaas cudur daar in aad ka bixiso ayaa raba aniga oo ku hadlaya magaca xildhibaanada baarlamaanka,” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Warkaas baarlamaanka ma qabto, qof walba inta uu iska xanaaqo oo dhaho inta Shabaab ayaa fadhiya, meeshan Shabaab ma fadhiya oo laguma oga.” Hadalkan ayaa si weyn uga careysiiyay xildhibaanada golaha, waxaana la ogyahay in arrintaan ay suuqa taallay xilligii doorashada baarlamaanka 11-aad ay ka socotay dalka, xiligaasi oo laga deyrinayay saameynta ay Shabaab ku yeelan karto baarlamaanka cusub. Al-Shabaab ayaa waxaa xiligan ku socda dagaal xoogan oo dhinacyo badan ah, kaasi oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post Daawo: ODOWAA oo raali-gelin ka dalbaday xildhibaan sheegay arrin caro dhalisay appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Kenya (MFA), ayaa waxay beenisay wararka sheegaya in la qorsheeyay in xafiiska xidhiidhka Kenya ee Hargeysa loo aqoonsado safaarad. Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Alfred Mutua ayaa caddeeyay warkan, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in Kenya ay safaarad ka samaysanayso Somaliland. Source
-
Wararka naga soo gaarayo degmada Buuloburte ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax wayn uu ka dhacay gudaha magaalada. Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka masjidka wayn ee magaalada Buuloburte waxaana la soo warinaya in uu ka dhashay khasaaro kala duwan. Inta la xaqiijiyay dad ka badan 10 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray dad kor u dhaafaya 30 qof oo shacab ah. Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa ahayd xilli mashquul badan uu ka jiray wadada, waxaana taas ay keentay in khasaare badan uu ka dhasho qaraxa. Masjidka wayn ee magaalada iyo qaybo kamid ah goobihii ka agdhawaa ayaa waxaa soo gaaray burbur xooggan. Dhinaca kale degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa la soo warinayaa in uu qarax xooggaan uu ka dhacay, waxaana qaraxa ku dhintay dad shacab ah. Qaraxyadaan ayaa imaanaya xilli ay gobalka Hiiraan ka socdaan hawlghallo ka dhan ah ururka alshabaab kuwaas oo ay wadaan ciidamada dowladda, maamulka gobalka iyo dadka deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar fuleynimo ah oo u muuqday cabsi galin ayey Al-Shabaab ku qaaday shacabkii reer Muqdisho ee Khamiistii dareenkooda ku muujiyay banaanbaxii ka dhacay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow, kaasi oo galaafatay nolosha Fardawsa Maxamed Axmed, oo aheyd Hooyo Soomaaliyeed. Hooyo Fardawsa ayaa ifka uga tagtay sagaal carruur ah, oo kala ah shan wiil iyo afar gabar, waxayna aheyd ruux kaliya ee u dhaq-dhaqaaqayay qoyskaas, sida uu sheegay Sayigeedu. Maxamed Cabdulqaadir Cismaan oo ah Sayigii qabay Fardawsa oo warbaahinta la hadlay isaga oo wajigiisa ka muuqato tiiraanyo adag ayaa waxa uu sheegay in garab istaago iyo kaalmo u baahan yahay. “Waxay ku dhimatay qarax, waxay aaday Garoonka oo wey kasoo laabtaya degmadii ayay aaday, degmadii ayaa bam lagu tuuray sidaas ayay ku dhimatay. Hooyo wax ay qaban karto wax yar ma ahan, maanta dhibaato aad u xanuun badan ayaa i gaartay,” ayuu yiri. “Hooyadii wax kala dabareysay hadey iga tagtay oo Sagaal caruur ah oo yaryar ah ii joogaan. Waxaan garab ka codsana dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” Qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir oo booqday Aabahaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xaaskiisa, oo u dhimatay gumaadka iyo cabsi galinta ay ku hayaan Al-Shabaab. Waxay sheegeen in garab buuxa u yihiin, islamarkaana ay garab taagan yihiin sidii ay kaalintooda ugu muujin lahaayeen reer Maxamed Cabdulqaadir Cismaan. Fardawsa ayaa waxaa galaaftay falalka arxan darrada ah ee Shabaab, kaasi oo sanado badan ku cabsi galin jireen shacabka Muqdisho oo maalintii Khamiistii sheegay inaysan gabaad u noqon doonin argagixisada. Khamiistii ayaa waxa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax weyn oo billow u ahaa kacdoon ay caasimadda uga soo horjeedo Al-Shabaab, waxaana markii uu soo idlaaday oo dibad-baxayaasha guryahoodii kusii socdeen lagu weeraray bambaanooyin Saddex ah, kuwaasi oo laba kamid ah lala eegtay gawaari caasiyo ah oo ay saarnaayeen banaan-baxayaasha. Sidoo kale Bab-gacmeedka saddexaad ayaa lagu weeraray xarunta degmada Dharkiinleey, halkaasi oo dadweynaha degmada isugu tageen, markii laga yimid garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow. The post Sheekada hooyo 9 caruur dhashay oo u dhimatay cabsi galinta Al-Shabaab (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa magacabay xubnaha guddi ka shaqeeyo wadaxaajoodka Faderaalka iyo Puntland. Deni ayaa sheegay in xubnaha guddigaan oo ka kooban 13 xubnood iyo 9 xubnood oo khubaro ah in ay Puntland ku matalayaan xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka. Magacaabida Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka. Guddiga Goleyaasha Dowladda: 1. Md. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye 2. Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) G. Xigeen 3. Md. Saadiq Abshir Garaad Xubin 4. Md. Axmed Jaamac Cabdulle Xubin 5. Md. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin 6. Md. Carshe Maxamed Siciid Xubin 7. Md. Cabdullaahi Maxamed Xasan Xubin 8. Md. Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin 9. Md. Maxamed Cabdiwaab Axmed Xubin 10. Md. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur Xubin 11. Md. Xasan Yuusuf Nuur Xubin 12. Md. Maxamuud Cawad Cumar Xubin 13. Md. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Xubin Guddiga Khubarada: 1. Md. Axmed Cali Xaashi Guddoomiye 2. Md. Ismaciil Xaaji Warsame G.Xigeen 3. Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Xubin 4. Md. Maxamed Maxamuud Ciis (Awoowe) Xubin 5. Md. Axmed Abshir Faarax Xubin 6. Md. Xasan Maxamuud Ciise (Binge) Xubin 7. Md. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keyton) Xubin 8. Md. Maxamed Siciid Maxamed (Jabiye) Xubin 9. Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan (C/nuug) Xubin Source: goobjoog.com
-
Hawlgalka Justified Accord oo 2017 soo bilaabmay ayaa ah layli ama carbis military oo kulmiya waddamo tirro badan oo African ah (khaas ahaan Geeska Africa) oo dannahoodu kala duwanyahiin. Carbiskan ayaa ujeedkiisu yahay in ladhiso, la iskuna dhafo awooda ciidamadaas iyo hanaanka xog is waydaarsiga technilogiyada, si ay u taageeraan hawlgalada Qaramada Midoobay iyo Kuwa Midawga Africa ee ka hawlgala Africa, si gaar ah ka hortaga iyo ladagaalanka kooxaha xagjirka ah iyo gurmadka masiibooyinka. Jamhuriyada Somaliland ayaa sannadkan ka mid ah waddamada marti galinaya Hawlgalka Justified Accord wajigiisa 23-aad kaas oo ka qabsoomi doona Berbera sida ay shaaciyeen Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Dawlada Maraykankuba. Carbiska ayaa ka koobnaan doona qayb layli dagaal toos ah, casharo, gurmadka caafimaad degdega ah ee ciidanka iyo ka hortaga weerarada interket-ka. Waxaana ka qayb galidoona ciidan lagu qiyaaso 800 oo ay ku jiraan labbo unug oo Maraykan ahi, kaas oo socondoonaa muddo laba usbuuc ku dhaw. Qayb kasta oo aynu kor kusoo sheegnay ayaa ka dhici doonta waddan gooni ah, mana cadda qaybta ay Somaliland marti galindoonto. Hawlgalada military ee wadaaga ahi waa hanaan ka mid ah xidhiidhada dibloomaasiyadeed ee wadamada caalamka, iyada oo dhamaan wadamada ka qaybqaata ay ka faa’idaan aqoon military, is barasho, is dhexgal iyo isu soo dhawaasho siyaasadeed iyo wadamada oo midka ka kale fahmo qaabka hawlgalka ciidankiisa. Sidaas awgeed, arintan ayaa Jamhuuriyada Somaliland u noqonaysa guul dibloomaasiyadeed oo dhinaca siyaasada iyo militarygaba ah. Hadaynu sikale u dhigno arinkan ayaa Ciidamka soomaliland uga dhigan Aqoonsi Military. In kasta oo aanay ahayn markii ugu horaysay ee ciidamada kala duwan ee Somaliland carbis wadaag ah la sameeyaan quwado shisheeye, haddana kan ayaa noqonaya kii ugu balaadhnaa. Arrimaha xiisaha leh ee kujira arinta ayaa ah in Somalia ay ka qayb tahay carbiskan wadaaga ah. Arintan oo ku soo beegmaysa kadib markii usbuucii lasoo dhaafay ay dawlada Maraykanku saanad ciidan oo qiimaheedu yahay sagaal milyan (9 million) ku wareejisay dawlada Somalia, khaas ahaan ciidanka gaarka u tabobaran ee Danab ee la dagaalama Argagaxisada. Waxa aanay arintani noqondoona markii u horeeyay ee inta la’ogyahay hal goob isugu yimaadaan ciidamo ka socda Somaaliland iyo Somalia oo guluf siyaasadeed ka dhaxaysay 31 sanno ee lasoo dhaafay. Walaahu Aclam. Waxa qoray Maxamed Cabdixakiim Source
-
Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Puntland Siciid Cabdi Muumin Booliska degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal ayaa maanta qabtay gaadiid waday dad barakacyaal ah oo u badan haween iyo caruur, kuwaas oo laga qaaday Garowe loona waday gobolka Karkaar, si ay uga qayb noqdaan diiwaangelinta doorashada goleyaasha deegaanka. Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Puntland oo war-saxaafadeed ka soo saaray dhacdan ayaa sheegay in ay soo gaareen cabashooyin la xiriira xadgudubyo lagula kacay dadkaas oo ay ku lug-leeyihiin dad awood ku leh Xukuumadda Puntland. Xafiiska Difaacaha wuxuu xusay in uu isha ku hayo ururada iyo shakhsiyaadka doonaya in ay ku danaystaan barakacyaasha, iyagoo ka faa’iidaysanaya duruufaha ay ku sugan yihiin dadkaas. Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Puntland ayaa uga digay Xukuumadda Madaxweyne Deni in ay u adeegsato hantiga dadweynaha danaheega gaarka ah. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo lagu eedeeyay in ay xadgudubyo u gaysatay barakacyaal deggan Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay guddiga diyaarinta wada-xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka, xilli uu dowladda federaalka soo kala dhex-galay khilaaf la xiriira arrintaan. Guddigan oo laba heer ah ayaa waxa uu madaxweyne Saciid Deni kusoo saaray xeer madaxweyne Lr. 002, isaga oo ka duulaya go’aankii maamulkiisa kasoo baxay 9-kii bishaan. Guddiga diyaarinta wada-xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka ee madaxweyne Deni uu magacaabay ayaa waxay iskugu jiraan laba heer oo kala ah; guddiga goleyaasha dowladda iyo guddiga khubarada, sida lagu sheegay wareegtadan. Xubnaha guddigan ayaa isku geyn ka kooban 22 xubnood, waxayna kala yihiin; Guddiga Goleyaasha Dowladda: Md. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) G. Xigeen Md. Saadiq Abshir Garaad Xubin Md. Axmed Jaamac Cabdulle Xubin Md. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin Md. Carshe Maxamed Siciid Xubin Md. Cabdullaahi Maxamed Xasan Xubin Md. Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin Md. Maxamed Cabdiwaab Axmed Xubin Md. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur Xubin Md. Xasan Yuusuf Nuur Xubin Md. Maxamuud Cawad Cumar Xubin Md. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Xubin Guddiga Khubarada: Md. Axmed Cali Xaashi Guddoomiye Md. Ismaciil Xaaji Warsame G.Xigeen Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Xubin Md. Maxamed Maxamuud Ciis (Awoowe) Xubin Md. Axmed Abshir Faarax Xubin Md. Xasan Maxamuud Ciise (Binge) Xubin Md. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keyton) Xubin Md. Maxamed Siciid Maxamed (Jabiye) Xubin Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan (C/nuug) Xubin The post Deni oo magacaabay guddiga wada-xaajoodka federaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddi uu ugu magacdaray guddiga diyaarinta wada xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka. Guddigan oo ka kooban 22 xubnood ayaa isugu jira goleyaasha dowladda iyo khuburo. Guddiga Goleyaasha Dowladda: 1. Md. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye 2. Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) G. Xigeen 3. Md. Saadiq Abshir Garaad Xubin 4. Md. Axmed Jaamac Cabdulle Xubin 5. Md. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin 6. Md. Carshe Maxamed Siciid Xubin 7. Md. Cabdullaahi Maxamed Xasan Xubin 8. Md. Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin 9. Md. Maxamed Cabdiwaab Axmed Xubin 10. Md. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur Xubin 11. Md. Xasan Yuusuf Nuur Xubin 12. Md. Maxamuud Cawad Cumar Xubin 13. Md. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Xubin Guddiga Khubarada: 1. Md. Axmed Cali Xaashi Guddoomiye 2. Md. Ismaciil Xaaji Warsame G.Xigeen 3. Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Xubin 4. Md. Maxamed Maxamuud Ciis (Awoowe) Xubin 5. Md. Axmed Abshir Faarax Xubin 6. Md. Xasan Maxamuud Ciise (Binge) Xubin 7. Md. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keyton) Xubin 8. Md. Maxamed Siciid Maxamed (Jabiye) Xubin 9. Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan (C/nuug) Xubin. Puntland ayaa maalmo ka hor sheegtay in ay u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan inta laga dhammaystirayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabay guddi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo barbar taagan yihiin Wasiirka Maaliyada iyo Wasiiru-dowlaha Amniga ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo ugu warbixiyay halka uu marayo dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab ka dhanka ah. Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in natiijo fiican laga gaaray dagaalka dhaqaale ee dowladda kula jirto Al-Shabaab, lana xayiray 250 Akoon iyo 70 Lambar oo kooxda u adeegsan jirtay “ku baadista shacabka” sida uu sheegay. “In ka badan 3kun oo kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa lasoo xiriiray dowladda (lambaradii hore loo baahiyay) kuwaasi oo usoo gudbiyay xogo ku aadan dhaqaalaha Khawaarijta ay sida xooga ah uga aruursaneysay dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.” “Natiijada horudhaca ah waxay suurta-galisay in la xayiro 250 Akoon, waxa sidoo kale macluumaadka ka yimid dadka Soomaaliyeed uu suurta-galiyay in la xanibo 70 Telefoon oo ah kuwa loo arkayay in Khawaarijta ay u isticmaaleysay lacagaha sharci darada ah ee ka boobto dadka.” Sidoo kale waxa uu sheegay in weli uu socdo kala shaandheynta macluumaadka ay usoo gudbiyeen dadweynaha Soomaaliyeed, kadibna ay marsiin doonaan nidaamka loogu tala-galay in lagu qaado tallaabooyinka sharciga ogol yahay. “Dowladda Soomaaliya waxay markale u mahad-celinaysa shacabka Soomaaliyeed, waxayna weydiisaneysa inay sii wadaan la shaqeynta ay la-shaqeynayaan hay’addaha, iyaga oo macluumaadkooda kusoo diraya telefoonadii hore loola wadaagay.” Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 23-kii bishii October ee sanadkii hore soo saartay digniino ku saabsan joojinta la macaamilka dhaqaale ee Shabaab, oo dagaal culus uga socdo qeybo kamid ah dalka Dowladda ayaa xiligaas la wadaagtay dadweynaha lambaro ay ugu tala-gashay in shacabka Soomaaliyeed kula soo wadagaan xogaha ku saabsan “haddii ay arkaan dhaqaale Shabaab loo qaadayo ama ay qaadanayaan, nooca uu doono ha ahaade.” The post Dowlada oo shaacisay tirada akoonada iyo lambarada laga xayiray Al-Shabaab + Video appeared first on Caasimada Online.
