-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo xalay ay qaaday dowladda Soomaaliya, kadib markii ay xirtay warbaahinno ay Al-Shabaab ku faafin jireen wararkooda, kuwaas oo ay ku jireen kuwii ugu muhiimsanaa ee afka kooxda ku hadla. Dowladda ayaa xalay soo saartay liiska warbaahinnada Al-Shabaab ee la xiray, kuwaas oo ka kooban ilaa 12 mareegood, iyadoo horey ay dowladdu ugu guuleysatay xiritaanka in ka badan 30 bar-mareeg (website) oo ay kooxda lahayd. “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay ilaa 12 warbaahin oo nooca mareegaha ah, kuwaas oo ay Khawaarijtu lahaayeen, iyadoo horey ay dowladdu ugu guuleysatay xiritaanka in ka badan 30 bar-mareeg ama website oo Khawaarijtu ku lahaayeen barta internet-ka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Sidoo kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay xogta iyo raadadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay intaba, sida lagu sheegay warka ka soo baxay dowladda. “Xogta la helay waxay sahli doontaa in tallaabo laga qaado dembiilayaasha Khawaarijta ugu adeegayay hawlahan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray: “Inta uu socdo howlgalka baabi’inta nooc kasta oo Khawaarijtu u isticmaalaan warbaahin ahaan, waxaa lagu burburiyay kumanaan kun oo baro ay ka sameysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo.” Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha internet-ka ee Khawaarijta ayaa sidoo kale mar dhow rajeynaya inay gacanta u soo galaan website-yada kale ee ay Khawaarijtu ku gudbiyaan falal dambiyeedka iyo marin-habaabinta, sida lagu sheegay warkan. Sidee looga fal-celiyay tallaabada ay xalay qaaday DF? Cabdullaahi Nuur: “Waa shaqo wacan. Fadlan ha joojinina shaqada illaa laga ciribtirayo maafiyada.” Liibaan: “Waxaas waa iiga muhiimsan kuwa bulshada waxyaabaha aan wanaagsaneen u soo gudbiya, beenta iyo baro-bagaandada meelaha la fadhiya.” Suleymaan: “Al-Kataa’ib maad la wareegtaan haddaad run sheegaysaan? Laakiin maxaa iga galay horta?” Maxamed Cabdicasiis Xasan: “Waa arrin bogaadin mudan, runtii waana soo dhaweynayaa arrinkaas.” Shuceyb Axmed Cilmi: “Naga xira balaayada, baryahaan waaba layaabaye. Shaqo wacan ayaad qabateen.” The post Sidee looga fal-celiyay tallaabadii ay xalay qaaday Dowladda Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo si weyn loo bogaadiyay, kadib markii magaalada Garoowe lagu xiray nin watay dareeska ciidanka oo dhibaateeyay canug yar oo Yemeni ah. Falkan, oo si weyn uga caro-geliyay bulshada Soomaaliyeed kadib muuqaal kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa keenay in Puntland ay jawaab degdeg ah ka bixiso. Muuqaalka caro-dhalinta dhaliyay ayaa ku faafay baraha bulshada, waxaana laga dhex arkay askari oday ah oo ul weyn ku garaacaya wiil yar oo Yemeni ah, kaas oo qaxooti ku ah dalka. Duqa magaalada Garoowe, Cabdulqaadir Maxamed Geedi, oo arrintan soo farageliyay, ayaa qaabilay qoyska dhibaatadu gaartay, wuxuuna raalligelin iyo xaal-marin siiyay aabaha iyo wiilka yar ee la gaad-gaaday, isaga oo kula kulmay xafiiskiisa. Geedi ayaa sidoo kale tilmaamay in maxkamad lasoo taagi doono ninka gaystay falkaas, isagoo xusay in uu waardiye ka ahaa suuqa magaalada Garoowe. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo dulqaadan karin dhibaatada uu geystay askarigaas, taasoo fariin qaldan ka tarjumeysa dalka iyo guud ahaan ciidamada. “Waxaan ku faraxsanahay in aan waqti la qaatay Maxamed Yare iyo waalidkiis. Waxaan la wadaagnay dareenkayaga iyo sida aan uga damqanay falkii maanta uu kula kacay waardiye xarun ganacsi. Nasiib wanaag, falkaasi si degdeg ah ayey dowladda uga jawaabtay, waana la xiray, waxaana la horgeyn doonaa sharciga. Ninkaasi wuxuu xirnaa dharka ciidanka balse ma ahayn askari sharciyeysan,” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamuud Geedi. Waxaa kale oo uu sii raaciyay: “Waxaan qorsheynaynaa in hadda kadib dadka noocaasi ah loo sameeyo dhar u gaar ah iyo habraac ay xarumaha ganacsiga kula shaqeeyaan dowladda hoose.” Dhanka kale, Duqa Garoowe ayaa sameeyay tallaabo kale oo bulshada ay si weyn u ammaantay, taasoo ah in uu kafaala qaaday nolosha qoyska wiilka yar ee la dhibaateeyay, kuwaas oo nolol u soo raadsaday Soomaaliya, gaar ahaan Puntland. “Waxaan si buuxda u kafaalo qaadnay nolosha iyo deegaanka Maxamed Yare, anagoo garab istaagi doona oo si dhow uga war hayn doona xaaladdiisa. Dadweynaha Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee nala soo xiriiray, waan uga mahadcelinaynaa sida ay uga falceliyeen arrintan,” ayuu mar kale yiri Duqa magaalada Garoowe. Dhankiisa, Caadil Xuseen Saalixi, oo ah aabaha dhalay wiilka yar, ayaa sheegay inuu ku qancay raalligelinta la siiyay, wuxuuna tilmaamay in uu rajeynayo in xalka uu kusoo dhammaado maxkamad, maadaama wiilkiisa uu dhibbane u yahay falka dhacay. The post Puntland oo qaaday tallaabo si weyn loogu amaanay appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne, Somalia – A fierce, 24-hour siege of the Qaahira Hotel in Beledweyne, the capital of Somalia’s Hiiraan region, concluded after Somali security forces neutralized Al-Shabaab militants who had stormed the establishment. The attack, which began with powerful explosions, resulted in the deaths of at least seven people, including elders, military officers, and civilians, with several others injured. The attack commenced with vehicle-borne explosive devices targeting the hotel, followed by armed militants infiltrating the premises, where local elders and military officials were residing. “The attackers were six in total; four detonated themselves, and security forces killed the other two,” stated Omar Alasow, the mayor of Beledweyne, during a press conference. He further explained that security forces spent many hours rescuing the people trapped inside the hotel. “The operation was concluded late last night. This morning, we are inside the hotel, and investigations are underway to determine if any further explosives were planted,” the mayor said. Survivor recounts chaos A local elder who survived the attack recounted the harrowing experience. “They hit us with a ‘Leylo’ truck loaded with explosives during morning prayers. Then, armed men, about six or seven, entered. We fought back fiercely,” he said. He added that an attacker detonated an explosive vest during the fighting. The elder also confirmed that they inflicted many casualties upon the attackers. The attack occurred amidst intensified military operations against Al-Shabaab in the Hiiraan and Middle Shabelle regions, which fall under the HiShabelle State administration. Despite recent territorial losses, Al-Shabaab has demonstrated its capacity to launch complex and deadly attacks. Beledweyne, a crucial hub in the local resistance against Al-Shabaab, has been a frequent target of the group’s attacks, highlighting the region’s volatility. The city’s geographical position has made it a focal point in the fight against the extremist group. The term “Khawaarijta,” which was used in the Somali text, is a term used by the Somali government and its allies to describe Al-Shabaab. Al-Shabaab’s resurgence The attack highlights Al-Shabaab’s continued ability to execute complex operations, even amid ongoing counter-terrorism efforts. The Qahira Hotel was hosting discussions on countering the group’s influence when the militants struck, highlighting their intent to disrupt local resistance efforts. Similar attacks in Beledweyne, including a 2022 twin bombing that killed over 100, reflect a pattern of targeting this restive region. In recent months, government forces have reclaimed swathes of territory in central Somalia, though analysts warn that the group’s ability to execute complex assaults remains undiminished. The United Nations reported in February 2025 that Al-Shabaab continues to exploit local grievances and governance gaps, sustaining its recruitment and funding networks. Security forces continue investigating the scene, searching for any remaining threats and gathering evidence. The authorities are also working to support the victims and their families. For Beledweyne’s residents, the attack is a stark reminder of the persistent danger posed by the militants, even as the government touts territorial gains. The human toll—lives lost and a community shaken—underscores the steep cost of this enduring conflict. The post Somali forces end Al-Shabab militants’ hotel siege appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagana soo doorto Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay ku hawllan tahay fashilinta dagaalka Puntland kula jirto dagaallamayaasha Argagixisada Daacish. Xildhibaanka oo maanta hadal ka jeediyay Fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo ay saaxiibo dhaw yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh in ay mileeshiya-beeleed ka abaabulayaan magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, si ay qalalaase uga sameeyaan Puntland. Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire ayaa tilmaamay in mas’uuliyiintaasi oo ka soo jeeda Puntland ay Garoowe Boosaaso ku diyaarsadeen mileeshiyaad qabiil, oo uu mushaar ugu qoray Madaxweyne Xasan Sheekh, si ay qalalaase u sameeyaan oo loo xagal-daaciyo dagaalka Puntland kula jirto kooxda Argagixisada ah ee Daacish. “Intii uu socday Dagaalka Daacish waxaa jira mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Xasan Shekh oo abaabulay mileeshiya-beeleed lagu uruurinayo Bosaso iyo Garoowe. Mas’uuliyintaasi waxay saxiib dhow la yihiim Madaxweyna Xasan Shiikh, halkii Dagaalka Daacish Taageera laga sugayay Madaxweynaha waxa uu ku abaal mariyay mas’uuliyiintaas in uu Ku daro mileeshiya beeleedka Bayrolka Ciidamada Xooga dalka” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Faarax Mire. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo mileeshiya-beeleedyo ka abaabulaysa Garoowe iyo Boosaaso si ay u fashiliso dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ku dhawaad 24 saac oo xiriir ah kadib, waxaa goordhow lasoo afjaray weerarkii xooganaa ee ay shalay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka Qaahira, oo ku yaalla galbeedka magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan. Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, kaas oo xubno ka tirsan Shabaab ay ku galeen hoteelka, halkaas oo ay deganaayeen odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan. Inta la xaqiijiyay, weerarkan waxaa ku dhintay illaa 7 ruux oo isugu jiray nabadoonno, saraakiil ciidan, iyo dad shacab ah, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen. Guddoomiyaha degmada Beledweyne, Cumar Calasow, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay sida uu howlgalka u dhacay. Wuxuu sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay ahaayeen illaa 6 nin, kuwaas oo 4 ka mid ah ay is qarxiyeen, halka labada kalena la dilay. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ugu dambeyn gudaha u galeen hoteelka, iyagoo toogtay raggii dagaalka kula jiray dhismaha. “Kooxda hotelka weerartay waxay ahaayeen lix dhagar-qabe. Afar ka mid ah way is qarxiyeen, labada kalana waxaa toogtay ciidamada ammaanka. Ciidamada waxay ku howlanaayeen ilaa shalay badbaadinta odayaal, saraakiil, iyo dad shacab ah oo ku jiray hotelka. Ugu dambeyn, howlgalka ayaa lasoo afjaray saqdii dhexe ee xalay. Hadda subaxan waxaan ku suganahay gudaha hotelka, halkaas oo ciidamada ay wadaan baaritaano la xiriira dhagarta kooxda Al-Shabaab iyo suurtagalnimada in ay qaraxyo ku xireen dhismaha,” ayuu yiri guddoomiyaha Beledweyne. Dhinaca kale, nabadoon ka badbaaday weerarka ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay inuu muddo dheer dagaallamay, ugu dambeynna uu naftiisa badbaadsaday isagoo dhaawac fudud qaba. “Salaaddii subax annaga oo cibaado ku jirna ayay nagu dhufteen gaari nooca ‘Leylo’ ah oo qarax lagu soo raray. Kadibna, rag hubeysan oo aan ku qiyaasay 6 ilaa 7 qof ayaa gudaha soo galay. Aniga iyo rag kale aad ayaan u dagaallannay,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in markii hore ay iska caabiyeen kooxda, balse ay jirto in mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday uu is qarxiyay markii ay cabbaar dagaallamayeen. Wixii qaraxa labaad ka dambeeyay, waxay u suurtagashay inay rag badan ka dilaan kooxda weerarka soo qaaday. Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Kooxdan ayaa mar kale dib ugu soo laabatay deegaannadii laga xoreeyay gobolladaasi oo hoos taga maamulka HirShabelle. Beledweyne, oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Khawaarijta, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday qaraxyo ay soo maleegeen Al-Shabaab, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Qaraxan ugu dambeeyay ayaa u muuqda mid la mid ah kuwii hore. The post Weerarkii Beledweyne oo lasoo afjaray ku dhawaad 24 saac kadib + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia's national football team has appointed Yusuf Ali Nur as head coach ahead of crucial 2026 FIFA World Cup qualifiers against Guinea and Botswana later this month. The move follows the departure of Moroccan coach Rachid Lousteque, who led the Ocean Stars for two seasons but failed to make a significant impact. Source: Hiiraan Online
-
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen ku ansixiyay wax ka bedelka Sharciga Ka Hortagga Lacag Dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa waxaa soo xaadiray 143 xildhibaan. Cod bixinta ayaa natiijadeedu noqotay in 141 xildhibaan ay ogolaadeen wax ka bedelka sharciga, halka laba xildhibaan ay ka aamuseen, mana jirin cid diiday. Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa xildhibaanada faahfaahin ka siiyay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay qaranka, isagoo xusay in wax ka bedelka sharcigan uu xoojinayo hanaanka maaliyadeed ee dalka iyo la dagaalanka maalgelinta argagixisada. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay sharcigan, iyagoo ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ah horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta amniga dalka. Ansixinta wax ka bedelkan ayaa la filayaa inay kor u qaaddo awoodda dowladda ee la dagaalanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed iyo amniga Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Dagaal culus maanta ayaa ka dhacay deegaanka Labogaras ee hoostaga degmada Cadale, gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah, iyo kooxda Al-Shabaab. Wararka laga helayo goobta dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab, iyaga oo ku guuleystay inay khasaare xooggan gaarsiiyaan kooxdaas. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, dagaalka ayaa sababay dhimashada tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana sidoo kale jira khasaare soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, inkastoo aan tirada rasmiga ah la shaacin. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ku guuleystay inay dib u qabsadaan deegaanno ay horay u maamulayeen Al-Shabaab, iyaga oo sii wada howlgallada ka dhanka ah kooxdaas. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in ciidamadu ay dileen xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo kooxdaas. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Somalia is bracing for a challenging Gu season (March-April-May) as forecasts predict drier-than-usual conditions and higher-than-average temperatures across much of the country. The anticipated weather patterns pose a significant threat to food security, water availability, and livestock survival, according to findings presented during the sixth National Climate Outlook Forum (NCOF6) held in Mogadishu on March 4-5, 2025. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo maleeshiyaad kale oo badan. Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in howlgalka, oo laga fuliyay deegaanka Damasha Shabeelow, uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu khaarijiyay horjooge lagu magacaabo Mansoor Timo-weyne, kaas oo maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka gaadiidka dagaalka. Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in horjoogahan uu ka yimid dhinaca deegaanka Buulo Fulay, isaga oo gaadiid lasoo dayactiray u waday Al-Shabaab, balse waxaa lagu dilay duqeyn ka dhacday aagga Damasha Shabeelow. Howlgalkan ayaa sidoo kale lagu khaarijiyay 50 dagaalame oo ka tirsanaa argagixisada, kuwaas oo ku sugnaa goobta la duqeeyay, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. Dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku dartay in howlgalka lagu burburiyay saddex gaari oo dagaal, kuwaas oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo loo adeegsan lahaa weerarada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe. Arrintani waxay ka dhigan tahay in jab culus la gaarsiiyay kooxda, taas oo horey sidan oo kale ula kulantay duqeymo culus. Dilka loo gaystay Mansoor Timo-weyne waxaa ka horreeyay khaarijintii Daa’uud Maleele, oo kooxda u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Zakawaatka, iyo sidoo kale sahanka deegaanka Beledul-Amiin, oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Daa’uud Maleele ayaa isna todobaadkan lagu dilay howlgal kale. Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab kama aysan hadlin howlgalka ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga Dalka ee maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad-goboleedka HirShabelle. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka sii wadaan gobolka, kuwaas oo looga hortegayo abaabulka Al-Shabaab. Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay kusii xoogeysanayay gobolka Shabeellaha Dhexe, oo deris la ah Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo kooxda ay ku soo qaadeen duullaan xooggan. Dagaallo culus oo dhexmaray ciidamada dowladda, kuwa deegaanka, iyo Al-Shabaab ayaa dhaliyay khasaare xooggan, waxaana weli lagu dagaalamayaa deegaannada fog ee gobolka. The post Horjooge Mansoor Timo-weyne iyo 50 maleeshiyo oo lagu dilay howlgal qorsheysan appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Puntland ayaa maanta sheegtay in ay markii u horraysay dhawaan hirgelin doonto hay’ad qaabilsan ka hortagga dhaqidda Lacagaha sharci-darrada ah (Money Laundering). Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta Boosaaso kula shiray Ganacsatada Gobolka Bari ayaa u sheegay in ay dowladdu dhawaan hirgelin doonto hay’ad qaabilsan ka hortagga dhaqidda Lacagaha sharci-darrada ah oo ay caan ku yihiin Argagixisada ISIS. “Waxaa dhowaan la hirgalin doonaa hay’ad ka hortagta dhaqidda lacagaha sharci-darrada ah” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo la hadlayay Ganacsatada Gobolka Bari, waxaana uu intaasi ku daray in kooxaha Argagixisada ah adeegsadaan hannaanka dhaqidda Lacagaha Sharci-darrada ah. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Ganacsatada Gobolka Bari u sheegay in laga guulaystay Argagixisadii ISIS ee dhibaatada xooggan ku haysay Ganacsatada Boosaaso, islamarkaana ka qaadi jirtay Lacaga baadda ah, oo ay ku sheegaan Sakawaadka. PUNTLAND POST The post Puntland oo dhawaan hirgelinaysa hay’ad qaabilsan ka hortagga dhaqidda Lacagaha sharci-darrada ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo warsaxaafadeed soo saaray, ayaa ka hadlay weerarkii tooska ahaa iyo qaraxyadii ay shalay Al-Shabaab ka fuliyeen hoteel ku yaalla magaalada Beledweyne. Sidoo kale, wuxuu soo saaray dalab culus oo la xiriira xaaladda dalka. Ugu horreyn, Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay ehellada dadkooda ku waayay weerarka lagu beegsaday odayaal iyo saraakiil ku sugnaa hoteelka la weeraray, isagoo xusay inuu murugada la qaybsanayo qoysaska dhibbanayaasha. “Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tacsida la qaybsanayaa ehelka iyo qaraabada dadkii birmo-geydada ahaa ee ku geeriyooday weerarkii arxandarrada ahaa ee argagixisadu ka gaysateen Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne,” ayuu yiri madaxweynihii hore. Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray: “Muwaadiniinta kale ee dhaawacyadu soo gaareen iyo burburka hantida ee dhacay, waxaan Alle uga baryayaa bogsiimo degdeg ah iyo beddel khayr qaba.” Kadib hadalkiisa tacsiyeed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan la dagaallanka argagixisada, si looga hortago falalka gurracan ee ay kooxdu ka waddo gudaha dalka. “Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ciribtirka cadawgan arxanka daran, si Soomaaliya ay u hesho nabad waarta, dadkeenuna ay ugu noolaadaan sharaf iyo qarannimo buuxda,” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo uu xusay: “Falalkan arxan darrada ah waxa uu ka turjumayaa bahalnimada iyo cadowtinnimada ay argagixisadu u qabaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo caadaystay daadinta dhiigga xurmada leh ee shacabkeenna, xilligan oo lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.” Weerarkii Beledweyne, oo saacado badan qaatay, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba nabadoon oo caan ka ah galbeedka Beledweyne, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen. Weerarkan oo qarax ku billowday, ayaa waxaa qaaday rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo saaka aroortii weeraray Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne. Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa kusoo aaday xilli Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Kooxdan ayaa mar kale dib ugu soo laabatay deegaannadii laga xoreeyay gobolladaasi oo hoos taga maamulka HirShabelle. Beledweyne, oo ah xudunta kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Khawaarijta, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday qaraxyo ay maleegeen Al-Shabaab, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Qaraxan ugu dambeeyay ayaa u muuqda mid la mid ah kuwii hore. The post Madaxweyne Farmaajo oo dalab culus soo saaray kadib arintii shalay dhacday appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in miisaaniyadda dalku ay labadii sanoo la soo dhaafay si weyn u korortay markii loo eego kuwii ka horreeyay oo aad uga hooseeyay. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo warbaahinta dowladda wareysi siiyay ayaa sheegay in miisaaniyadda dowladdu hadda ay marayso $1.3 bilyan, taas oo muujinaysa jiritaanka koror aad u xooggan. Wasiirka ayaa sheegay in kororka miisaaniyadda ay sabab u tahay dakhliga gudaha oo batay iyo kabka dunida laga helo sare u kacay labadii sanoo ugu dambeysay. Dowladda Federaalka ayaa bilihii la soo dhaafay qaaday tillaabooyin dhowr ah oo ku saabsan kobcinta dakhliga, kuwaas oo ay ku jiraan canshuuro badan oo lagu soo rogay ganacsiyada iyo adeegyada dalka ka jira. Source: goobjoog.com
-
Lt. Gen. Tsadkan Gebretensae, Vice President and Democratization Cabinet Secretariat of the Tigray Interim Administration, has warned that war between Ethiopia and Eritrea “seems inevitable,” with preparations reaching their “final stages” and Tigray at risk of becoming the main battleground. Source: Hiiraan Online
-
Ukraine ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin aqbalaaadda, soddon maalmood oo xabbad joojin ay la qaataan Ruushka, sida ay soo joodiyeen Maraykanku, maalin kaddib wadahadalladii Maraykanka iyo Ukraine ku dhex maray Sucuudiga. Bayaankan wadajirka ah, Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu si degdeg ah u bilaabi doono la wadaagista sirdoonka iyo kaalmada amniga ee Ukraine, taasoo Washington hakisay kadib kulankii muranka dhaliyey ee dhex maray labadooda Madaxweyne. “Wufuuddii labada dal waxay isku raaceen inay magacaabaan kooxahooda wada xaajoodka isla markaana si degdeg ah u bilaabaan wada xaajood ku aaddan nabad waarta oo xaqiijinaysa amniga muddada dheer ee Ukraine,” ayaa lagu yidhi bayaanka Mareykanka iyo Ukraine. Rubio oo shir jaraa’id ku qabtay Jeddah fiidnimadii Talaadada ayaa sheegay inuu rajeynayo in Ruushku aqbalo soo jeedinta. Ukraine waxay “diyaar u tahay inay joojiso dagaalka oo ay wadahadal bilowdo,” ayuu yidhi, wuxuuna intaas ku daray haddii Ruushku diido dalabkaas “Waxaa nasiibdarro ah in aynu ogaaano doonno cidda caqbadda ku ah nabadda .” “Maanta waxaan sameynay dalab ay reer Ukraine ku aqbaleen, kaasoo ah in la galo xabbad joojin iyo wada xaajood degdeg ah,” ayuu yidhi. “Waan qaadaneynaa dalabkan oo waxaan u geyn doonnaa Ruushka, waxaana rajeyneynaa inay yidhaahdaan haa oo aqbalaan nabadda. Hadda kubaddu waxay taallaa dhinacooda,” ayuu raaciyay. Dalabka xabbad-joojinta 30 maalmood ah wuxuu dhaafayaa hindisaha Zelensky ee ahaa xabbad joojin qayb ahaan ka dhaqan gasha dhanka badda iyo cirka. Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa u mahadceliyay Donald Trump isagoo ku ammaanay “natiijada hagaagsan” ee wada-hadalladii ka dhacay Jeddah. Muuqaal uu soo duubay, Zelensky wuxuu ku sheegay in Ruushku ay tahay inay muujiyaan haddii ay doonayaan in ay dagaalka joojiyaan ama sii wadayaan. “Waa waqtigii runta oo dhan la ogaan lahaa,” ayuu raaciyay. Moscow wali kama aysan jawaabin soo jeedinta Mareykanka. Kremlin-ka ayaa Talaadadii hore sheegay in uu soo saari doono bayaan kadib marka ay Washington uga warbixiso natiijada wada-hadallada. Ruushka ayaa Ukraine ku qaaday duullaan ballaadhan bishii Febraayo 2022, wuxuuna hadda gacanta ku hayaa qiyaastii 20% dhulka Ukraine. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wariyeyaasha kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay inuu la hadli doono Madaxweyne Putin, wuxuuna rajo ka muujiyay inuu aqbali doono heshiiska. “Labada dhinac waa inay oggolaadaan,” ayuu yidhi Trump, isagoo rajeynaya in heshiiska la wada gaadho karo maalmaha soo socda. “Waxaan beri la yeelaneynaa kulan muhiim ah dhanka Ruushka, waxaana rajeynayaa in wada-hadallo wanaagsan ay halkaas ka soo baxaan.” Trump wuxuu intaas ku daray inuu diyaar u yahay inuu mar kale casuumo Zelensky si uu ugu soo laabto Washington. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, ayaa sheegtay in Ruushku uusan meesha ka saarin wada-hadallo uu la yeesho Mareykanka maalmaha soo socda, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dowladda Ruushka, Tass. Senator Marco Rubio oo la hadlayay warbaahinta ayaa la weydiiyay haddii xidhiidhka Trump iyo Zelensky uu dib usoo hagaagay, wuxuuna ku jawaabay in waxa la rabo uu yahay “nabadda” inay dib usoo hagaagto. “Tani ma aha filim ama riwaayad telefishin,” ayuu yidhi. “Maanta dad ayaa ku dhimanaya dagaalkan, shalay way dhinteen, nasiib-darrose haddii aan xabbad-joojin la helin, berri way dhiman doonaan.” Kooxaha Mareykanka iyo Ukraine waxay kulmeen kadib markii weerarro drone ah oo ka dhacay Moscow ay sababeen dhimashada ugu yaraan saddex qof, taas oo uu Ruushku ku andacooday in taasi ay muujinayso in Ukraine aysan rabin inay wadahadal ku soo afjarto dagaalka. Bayaanka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Ukraine ayaa sheegay in labada madaxweyne ay isku raaceen in si degdeg ah loo dhammeystiro heshiiskii la xidhiidhay macdanaha muhiimka ah. Ukraine ayaa Mareykanka u bandhigtay inuu siiyo marin u helidda kaydkeeda macdanta dhifka ah, taasoo la macno ah in Mareykanku heli karo kheyraad muhiim ah oo lagu isticmaalo warshadaha tignoolajiyadda sare. Beddelkeeda, Ukraine waxay rabtay in loo dammaanad qaado ammaankeeda. Si kastaba ha ahaatee, arrintan waxaa hakad geliyay khilaaf ka dhex dhacay Aqalka Cad. Sanator Marco Rubio ayaa sheegay in heshiiskan uusan ka mid ahayn qodobadii lagu gorfeeyay wada-hadalladii Talaadadii ka dhacay Jeddah, balse waxa uu hoosta ka xarriiqay in wadahadallo la xidhiidhaaa ay socdeen oo ay hoggaaminayeen wasaaradaha maaliyadda ee Mareykanka iyo Ukraine. Wafdiga Mareykanka ee ka qeyb galay wada-hadallada Jeddah waxaa sidoo kale ka mid ahaa la-taliyaha amniga qaranka ee Mareykanka, Mike Waltz, iyo ergayga gaarka ah ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff. Bbcsomali Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waddo qorshe culus oo ay saldhig milatari ku siinayso dowladda Masar, si tababar loogu siiyo ciidamada Xoogga Dalka ee ka qayb-qaadanaya howlgalka socda iyo qorshaha sugidda amniga dalka, kaasoo haatan maraya meel wanaagsan. Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Masar ay horay u gaareen heshiis ku aaddan xoojinta taageerada milatariga, arrintanina ay qayb ka tahay fulinta heshiiskaas. Sidoo kale, wuxuu xusay in Masar la siinayo xeryo ciidan oo laga dhisayo gudaha Soomaaliya, halkaas oo ay ka howlgeli doonaan macallimiin Masaari ah oo tababaro siinaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Ujeedka ugu weyn ee qorshahan ayuu ku sheegay in lagu xoojinayo amniga guud ee dalka, kaasoo ay haatan dardar-gelineyso dowladda federaalka Soomaaliya. “Masaarida waxay si gaar ah u taageeraan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. Waxaan rajeyneynaa in la sameeyo xeryo ciidan oo ay ku tababaraan macallimiin u dhashay Masar. Dabcan, qofka ku siiya qoriga ama kuu tababara sarkaal waxa uu si toos ah uga qaybqaatay dagaalka aad ku jirto,” ayuu yiri Wasiir Cali Cumar (Balcad) mar uu warbaahinta la hadlayay. Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in Masar ay mar walba garab taagneyd Soomaaliya, isla markaana ay horey u tababartay saraakiil Soomaaliyeed oo leh khibrad iyo waayo-aragnimo sare. Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli dhowaan labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga amniga, kaasoo u dhexeeyay Qaahira iyo Muqdisho. Sidoo kale, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa loo ogolaaday inay qayb ka noqoto howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo sanadkan ka bilowday gudaha Soomaaliya. Waxaa la filayaa in ciidamada Masar oo imaanaya dhanka cirka iyo badda ay soo gaaraan dalka. Dowladda Masar ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdulfitaax Al-Siisi ayaa horey Soomaaliya ugu wareejisay hub iyo saanad lagu xoojinayo ciidamada Xoogga Dalka, kaasoo dhowaan la wareegtay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post DF Soomaaliya oo saldhig milatari siineysa Masar iyo arrinta ka dambeysa + Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Mekelle (Caasimada Online) – Hal maalin kadib markii Getachew Reda uu shaqada ka joojiyay saddex sarkaal oo sare oo taageersan garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael, waxaa soo baxaya warar sheegaya in iska horimaadyo ciidan ay ka dhaceen goobo kala duwan oo ka tirsan gobolka Tigray. Wararka ayaa tilmaamaya in khasaaro badan oo rayid ah laga soo wariyay Dega Hamus iyo qaybo ka mid ah caasimadda Mekelle, kadib markii garabka Debretsion uu qaaday weerar culus. Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Tigray, Getachew Reda, ayaa saacado yar ka hor sheegay in “koox yar oo saraakiil ciidan ah” ay “sharciga gacantooda ku qaateen, ayna burburinayaan hay’adaha dowladeed ee gobolka Tigray,” taasoo, sida uu sheegay, gelisay gobolka xaalad khatar ah oo aan hore loo arag. Wararka laga helayo ilo maxalli ah ayaa sheegaya in garabka Debretsion, oo uu hoggaaminayo General Masho Beyene, ay la wareegeen maamulka magaalada Adigrat. Xafiisyada dowliga ah ee magaalada ayaa hadda gacanta ugu jira ciidamada Debretsion, hase yeeshee wali lama caddeyn karo in xubnaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada la xiray ama la dilay. Khasaaraha Mekelle iyo Adigudom Getachew Reda ayaa Talaadadii sheegay in khasaaro badan laga soo sheegay Mekelle iyo Adigudom. Isaga oo arrintan ka hadlayay, wuxuu yiri, “Waxaa jira khasaaro badan oo ka dhacay Adigudom iyo qaybo ka mid ah Mekelle. Weerarkan waa qeyb ka mid ah qorshe lagu doonayo in si sharci-darro ah xukunka loogu dhiibo garab ka mid ah TPLF, taasoo si toos ah uga hor imaanaysa rabitaanka shacabka Tigray iyo heshiiskii Pretoria.” Wuxuu ugu baaqay dhinacyada saxiixay heshiiska Pretoria inay si degdeg ah uga falceliyaan xaaladda. Sidoo kale, Getachew Reda ayaa ku andacooday in “xoogag shisheeye” – oo sida la fahamsan yahay uu ula jeedo ciidanka Eritrea – ay ku lug leeyihiin dhaq-dhaqaaqa garabka Debretsion ee Adigrat iyo qaybo kale oo ka mid ah Tigray. Isagoo qoraal soo dhigay bartiisa warbaahinta bulshada, wuxuu yiri, “Waxaa jira sababo badan oo muujinaya in xoogag shisheeye ay isku dayayaan in ay ka faa’iidaystaan qalalaasahan si ay u sii xoojiyaan rabshadaha gobolka iyo guud ahaan deegaanka.” Getachew Reda oo go’doon ku jira? Warar aan la xaqiijin oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in Getachew Reda iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ay go’doon ku yihiin magaalada Mekelle. Dhawaan, Khamiistii, General Tsadkan Gebretensae, oo horey u soo noqday taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya isla markaana taageersan maamulka ku-meel-gaarka ah ee Getachew Reda, ayaa maqaal uu ku qoray “Africa Report” ku sheegay in “dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Eritrea uu suurtagal yahay waqti kasta.” Inkasta oo ay jiraan eedeymo sheegaya in saraakiisha milatariga ee taageersan garabka Debretsion – kuwaasoo sidoo kale lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen ganacsiga dahabka ee sharci-darrada ah iyaga oo u maraya Eritrea – ay si qarsoodi ah ula kulmeen dowladda Eritrea, haddana saraakiishan ayaa beeniyay eedeymahaasi. Dowladda Federaalka oo weli aamusan Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed wali kama hadlin xaaladda cakiran ee gobolka Tigray. Dhanka kale, warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in gobollo ka mid ah Tigray, gaar ahaan bariga, oo taageersan maamulka ku-meel-gaarka ah, ay bartilmaameed u yihiin weerarka ugu dambeeyay ee garabka TPLF ee Debretsion, iyadoo wararka qaar ay xusayaan suurtagalnimada in Eritrea ay ku lug leedahay. Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegaya in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ay sahminayaan Mekelle iyo deegaanada ku hareeraysan, hase yeeshee Getachew Reda ayaa la sheegay in uusan wax xog ah ka haynin arrintan. The post DAGAAL culus oo dib uga qarxay TIGRAY iyo TPLF oo qabsatay dhowr magaalo appeared first on Caasimada Online.
