-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland ayaa si adag uga hortimid qorshaha Deni ee doorashada qof iyo cod, taasi oo ay sheegeen in laga leexiyay hanaankeedii saxda ahaa. Qoraal kasoo baxay madasha ayaa sidoo kale waxa looga digay in damaca kooxda Deni u horseedi karo Puntland halis amni iyo xasilooni la’aan siyaasadeed, sida ay sheegeen. “Waxaa jirra walaac weyn iyo diidmo ay ka muujiyeen bulshada gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafu is-diiwaangelinta gacan marooqsiga ah ee xukuumaddu waddo,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Shacabka deggen gobolladaas oo aan la kulanay waxay dareen wel-wel leh ka muujiyeen damaca muddo kororsiga ku dhisan ee madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ku lifaaqan diiwaan-gelinta baalmarsan dastuurka Puntland iyo xeerarka doorashooyinka.” Waxay sheegeen in madasha u cadaatay in guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka (TPEC) ay baal-mareen xeerarkii u degsanaa hanaanka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka guud ahaan, ayna bilaabeen diiwaan-gelin aan loo dhameyn xilli uu jiro khilaaf xoog leh. “TPEC waxay billowday diiwaan-gelin aan loo dhameyn xilli uu jiro khilaaf xoog leh iyo kala qeybin qabaa’ilka lagu kicinayo oo horseedi karta halis amni iyo xasilooni la’aan siyaasadeed.” Qoraalka kasoo baxay madasha ayaa waxa kale oo lagu sheegay in ururka Kaah oo ah midka kooxda Deni uu duruufo dhaqaale uga faa’iideysanayo dadka barakacayaasha, kuna tumanayo xuquuqdooda. Intaas kadib waxay madashu ku baaqday shan qoddob oo muhiimad gaar ah u leh xaaladda taagan, kuwaasi oo kala ah; In Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka (TPEC) aysan halis amni iyo xasilooni la’aan siyaasadeed u horseedin Puntland, islamarkaana aysan baalmarin Dastuurka dowladda Puntland iyo shuruucda dalka u degsan. In xukuumaddu joojiso afduubka shaqadii loo idmaday Guddiga doorashooyinka (TPEC) oo ay hoggaaminayaan wasiirada xukuumadda, gudoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka. In ciidmadda amniga Puntland qeybahooda kala duwan aysan ku milmin siyaasadda una adeegin damac shakhsi sidoo kalana ka fogaadaan wax walba oo dhaawici kara taariikhda iyo sumcada wanaagsan ee ciidamada Puntland leeyihiin isla markaana ku ekaadaan waajibaadkooda dastuuriga ah. In xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo ku hawlan muddo kororsi ay joojiso marin habaabinta shacabka lagu hayo iyo ku takri-falka dhaqaalaha ummadda oo ay u adeegsanayso dano siyaasadeed iyo kala qeybinta dadka reer Puntland. Waxay Madasha Siyaasadda Puntland ugu baaqaysaa Isimada, cuqaasha, waxgaradka iyo bulshada qeybahooda kala duwan in laga hortago hubanti la’aanta siyaasadeed ee xukuumadda Siciid Cabdullahi Deni ku hawlantahay si dano shakhsi loogu gaaro. “Ugu danbayn Madashu waxay ugu baaqaysaa in shacabka Puntland ay ku faro adaygaan nabadda iyo xasiloonida ay haystaan meelna uga soo wada jeestaan cid walba oo kala qeybin bulsho iyo khalkhal amni-darro ku hawlan.” The post Mucaaridka SACIID DENI oo ka digay laba arrin oo halis ku ah jiritaanka PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Axmed Khaliif oo ka mid Xildhibaannada golaha wakiillada ayaa si adag uga hadlay xaaladda ay maanta ku sugan tahay magaalada Laascaanood. Xildhibaan Axmed Khaliif ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in uu xilka iska-casilo. “Maanta oo kale hadaan isaga ahaan lahaa, damiirkeygu wuxuu isiin lahaa inaan is casilo. laakin waan ku ogahay oo damiirkaasi kuguma Jiro. Waxa dhacayana dan kama lihid, Somaliland inay adiga kaa dambeyso marabtid Allow sahal Umuuraha” Xildhibaan Axmed Khaliif Source
-
Garaadka guud ee Gobollada SSC iyo Doollo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa 15 sano kadib maanta dib ugu laabtay magaalada Laascaanood. Garaadka oo ay galbinayaan gaadiid dagaal iyo ciidamo hubaysan ayaa kumanaan shacab ah ku soo dhaweeyeen Laascaanood. Garaad Jaamac ayaa ka qayb-galaya Shirka Aaya-ka-tashiga beelaha SSC oo la filayo in uu Todobaadkan ka furmo Laascaanood kaas oo daba socda kacdoonka Shacabka. Garaadka ayay Laascaanood ugu danbaysay 23 October 2007 oo ku beegan 8 cisho kadib markii Somaliland qabsatay Laascaanood 15-kii October ee sannadkaas. PUNTLAND POST The post Kumanaan shacab ah oo Laascaanood ku soo dhaweeyay Garaad Jaamac Garaad Cali appeared first on Puntland Post.
-
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee beelaha Sool clan ayaa maanta markii ugu horreysay 15 sanno kadib yimid magaalada Laascaanood. Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ka qeyb galidoona shirweyne la filayo in uu ka qabsoomo magaalada Laascaanood. Garaadka ayaa soo dhowayn ballaadhan loogu sameeyay magaalada Laascaanood. Garaad Jaamac Garaad Cali waxaa magaalada Laascaanood ugu dambeysay sanadkii 2007, xilligaas oo Jamhuuriyadda Somaliland ay la wareegtay magaalada Laascaanood, kadib dagaallo dhexmaray Somaliland iyo maamulka gobolleedka Puntland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, Gaashaanle sare ahdi Cumar Muumin oo loo yaqaano (Macallin Mahdi) ayaa farriin culus soo saaray kadib weerarkii xarunta gobolka Banaadir iyo gubashadii Suuqa Bakaaraha. Macallin Mahadi ayaa marka hore uga mahadceliyay hay’adaha ammaanka sidii ay uga qayb-qaateen daminta dabkii habeen hore ka kacay Suuqa weyn ee Bakaraha. Sidoo kale wuxuu uga mahadnaqay ciidamada ammaanka, sidii ay u soo afjareen weerarkaas oo saacado qaatay, laguna beegsaday xarunta dowladda hoosee ee Xamar. Taliyaha ayaa si gaar ah u amaanay ciidamada Haramcad oo sameeyay howlgalka lagula dagaalamay xubnaha weeraray xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu ka tacsiyeeyay geerida Liibaan Maxamed Maxamuud oo ahaa sarkaal xigeen ku dhintay weerarkaas, isaga oo ku dhaawac ah u rajeeyay caafimaad deg deg ah. Halkan hoose ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:- Fariin ka timid Taliyaha qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan hay’adaha amiga dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir sidii ay uga qeyb qaateen damintii dabkii ka kacay suuqa wayn ee Bakaaraha iyo sida ay usoo afjareen weerarkii kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab ku qaadeen xarunta gobolka Banaadir. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo si wayn uga qeyb qaatay sidii loo soo afjari lahaa kooxdii weerarka kusoo qaaday xarunta gobolka Banaadir, waxaana uga tacsiyaynayaa dhammaan ciidanka, ehelka iyo asxaabta Sargaal xigeenkii ku shahiiday intii uu socday howlgalkaas oo lagu magacaabayay Liibaan Maxamed Maxamuud, waxaana alla caafimaad u waydiinayaa dhammaan saraakiishii iyo askartii ku dhawaacantay intii uu socday howlgalkaas. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Saraakiishii iyo askartii ka tirsnayd Taliska qeybta Guud ee Boliiska G/Banaadir, Ciidanka hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo iyana qeyb ka ahaa howgalkaas iyo dhammaan madaxda maamulka Gobolka Banaadir. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ayna soo gudbiyaan garanwaaga ama wixii ay u arkaan in ay lid ku yihiin amniga Gobolka Banaadir. Taliska qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir wuxuu mar walba u taagan yahay sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka ku nool Muqdisho. The post Macallin Mahdi oo farriin culus soo saaray kadib weerarkii gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo wareysi gaar ah bixiyay ayaa dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inay raali ka ahaayeen in Shabaab ay xasuuqdo beesha Mogadishu Clan. “Beesh Mogadishu Clan waxaa soo maray ku fiirsasho Shabaab, sida aad moodo in la yiri Shabaab gebigoodaba barakiciya oo dhulka ka saara ayey u dhaqmeen, waa waxyaabaha tuhunka keenaya xiriirka kooxdii hore ee Nabad & Nolol iyo Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble. Waxa uu sheegay in dowladdii hore ay dhibaatooyin xooggan u geysaneysay dadka ka hadla beegsiga ay Shabaab ku hayso Mogadishu Clan, taasi oo uu tilmaamay inay tahay ku tala-gal aan meel loogu soo gaban, sida uu sheegay. “Nimankaas waxay raali ka ahaayeen in Shabaab ay Mogadishu Clan xasuuqaan oo laayaan. Shan sanno oo lasoo dhaafay in nala laayo waa nagu fiirsadeen, ninka kugu fiirsado in lagu dilo sow raali kama ahayn,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay “Maalmihii doorashooyinkii wixii qaraxyo Beledweyne iska daba dhacayay ee loo jixin-jixeyn oo la-lahaa doorashada ha socota, oo kuraas dad loo xirayay. Beesha Hawiyaha la yiraahdo waxa soo martay ku fiirsasho Shabaab.” Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in dowladdii Farmaajo aysan dagaal dhab ah la galin kooxda Al-Shabaab, ayna xiligeedii sii xoogeysatay kooxda oo hadda uu dagaal xoogan kaga socdo gobolada dalka. “Waa la isa-soo gaari doona, subax kaliya sidii wax samada kasoo dagay la arki maayo wixii oo is wada badalay laakiin dabka (xoreynta) waa is gaaraya,” ayuu yiri Cali Cosoble oo sii xoojinaya dagaalka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab. The post Cosoble: Kooxda FARMAAJO wax ayey ka ogeyd xasuuqa Shabaab ee dadka Mogadishu Clan appeared first on Caasimada Online.
-
A spokesperson for the Tigray People's Liberation Front (TPLF) has denied rumours that there had been a shake-up in its leadership structure in the wake of November’s peace deal with Ethiopia’s government. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Axadii weerar ku billowday is-miidaamin ku qaaday dhismaha Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaas oo saacado badan qaadatay, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 qof oo kamid ahaa shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir, halka tiro kale oo aan la cayimina ay ku dhaawacmeen. Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgal culus sameeyay ayaa kadib waxay soo afjareen weerarkaas, ayada oo goobta lagu soo bandhigay meydadka ugu yaraan illaa shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo weerarka fuliyay. Haddaba Muxuu ka dhigan yahay weerarkii lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir? Aqoonyahan Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo falanqeeya arrimaha amniga ayaa ka falceliyay weerarka ay kooxda Al-Shabaab la beegsatay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal TV. Cabdiraxmaan Sahal ayaa shaaca ka qaaday in weerarka lala beegsaday xarun muhiim oo dowladeed, isla-markaana uu ka dhigan yahay in shacabka iyo hay’adaha ammaanka aysan laheyn wadashaqeyn rasmi ah maadaama la bartilmaameedsaday xaruntii gobolka Banaadir. “In Al-Shabaab ay weeraraan xarunta gobolka Banaadir waxay ka dhigan tahay in shacabka iyo hay’addaha amaanka dowladda aanan la hayn wada-shaqeyn toos ah,” ayuu yiri Sahal. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga weerarka geystay in ay lugeynayeen, isla-markaana ay soo mareen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kahor inta aysan geysan weerarka. Cabdiraxmaan Sahal ayaa soo jeediyay in la’isku xiro shacabka iyo ciidamada ammaanka, si loo sugo amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho. “Amniga sidoo kale waxaa ka qayb qaadan kara bulshada waxaa weeyaan dhaqaalaha qayb ayuu ka yahay amniga marka waa in hoos loo daadajiyo dowladda,” ayuu sii raaciyay. Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo dagaallada uga furan gobollada dalka, isla-markaana la gaasiiyo gobollada ee dalka, sida Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. “Dagaalka ka socdo gobollada in la sii xoojiyo tuulooyinka iyo meelaha ay ku hareena looga daba tago, dagaalkana laga fududeeyo aagaga kale, sida South West iyo Jubbaland, kadibna waxay u badan tahay in waa cusub uu baryo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sahal. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, maalin uun kadib weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir, kaas oo ka mid noqday weeraradii ugu xooganaa ee ka dhaca caasimada. The post Daawo: Muxuu ka dhigan yahay weerarkii xarunta gobolka BANAADIR? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan falkii ka dhacay dalka Sweden, kadib markii uu nin xag jir ah kitaabka Qur’aanka Kariimka ku hor gubay dhismaha safaaradda Turkiga ee ku taalla magaalada Stockholm, kaas oo dhacay Sabtidii oo ay ku beegneyd 21-kii January ee 2023. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay falkaas oo ay sidoo kale ogolaadeen mas’uuliyiinta Sweden. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in falkan uu yahay mid loogu xad gudubay xurmada diinta, sidoo kale uu kicinayo dareenka muslimiinta caalamka oo dhan. “In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Sidoo kaledowladda federaalka ah ayaa ku baaqday in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fogaado. hurinta nacaybka iyo colaadaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. Ugu dambeyn dowladda federaalka ayaa ka dalbatay dhammaan dalalka kale ee caalamka in ay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka. Halkan hoose ka aqriso:- WARSAXAAFADEED Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, waxat kulul u cambaareysaaa falkii ay mas’uuliyiinta Sweden u ogolaadeen nin xag jir ah inuu ku gubo Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda kitaabka Qur’aanka Kariimka ah Sabtidii (January 21), taasoo ka dhigan mid cad. ku xad gudubka xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan. In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay cadeyneysaa mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku baaqaya muhiimadda ay leedahay faafinta qiyamka wada-tashiga, dulqaadka iyo wada noolaanshaha iyo diidmada nacaybka iyo colaadaha, waxayna dib u cusbooneysiineysaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fogaado. hurinta nacaybka iyo hurinta colaadaha iyada oo la adeegsanayo xadgudubka iyo qalloocinta diimaha, xurmada iyo caadooyinka Islaamka. Soomaaliya waxay ugu baaqday Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorisay dhammaan jileyaasha beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka. The post DF Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ujeeddooyin siyaasaseed u adeegsanaya Ciidanka gaar ah ee PMPF sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay. PMPF ayaa dhawaan qayb ka noqday ciidamada ilaalinaya agabka diiwaan-gelinta doorashooyinka lagu muransan yahay ee qof iyo cod taas oo ka baxsan shaqadooda rasmiga ah. Xogaha ayaa sidoo kale caddaynaya in Ciidanka PMPF loo diyaariyay in ay qayb ka noqdaan mudda kororsi uu bartamaha sannadkan 2023 qorshaynayo Siciid Deni. Shaqada rasmiga ah ee Ciidanka PMPF ayaa ah ilaalinta xeebaha Puntland iyo sidoo kale la-dagaallanka argagixisada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ujeedooyin siyaasadeed u adeegsanaya Ciidanka PMPF appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - The Somali government condemned the Swedish authorities' allowing a far-right, anti-Muslim racist leader to burn a copy of the Quran outside the Turkish embassy in Stockholm on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan oo ka hadlayey arrimo la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo howlgallada xoreynta ee ka socdo dalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah. Ugu horreyn Cali Jayte Cismaan ayaa ka sheekeeyay sheeko dhex-martay isaga iyo gabar yar oo shaah ku iibineysay deegaan laga saaray Al-Shabaab, kadib booqasho uu ku tegay. Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in ay gabadha yar ay ka dalbadeen inay siiso shaah, balse ay wacday hooyadeed, kadibna ay weydiisay inay shaah ka iibsan karto iyo in kale, ayada oo ku sheegtay ‘inay Murtadiin yihiin’ sida uu shaaca ka qaaday Cali Jayte Cismaan. “Gabay yar oo aan is leeyahay ma 13 jirbaa qiyaasta ayaan ku iri adeer shaah naga iibi taleefoon yar inay lasoo baxday ayey hooyadeed wacday markaasee tiri hooyo Murtadiintiiba ileh shaah naga iibsee ee ma ka iibsan karaan?” ayuu yiri guddoomiye Jayte. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gabadhaaas yar waxa ay sameysay ay tahay arrin lagu soo barbaariyey, maadaama ay ku nooleyd dhul ay ka talinayeen Al-Shabaab. “Hadda waa isla quman tahay ee ogow ayada haddii ay is leedahay qofbaa xumeyneysaa way naga yara fogaan laheyd macnaha waxa ay ku soo kortay ayaa noocaas ah,” ayuu yiri. Jayte oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka, si loo xoreeyo deegaanada weli harsan. “Soomaaliya waa inay cadowgeeda u midowdo, qoray ma heysatid, gaadii ma heysatid maxaa qabanee ha is dhihin adiga diyaar soo noqo oo halagu helo,” ayuu sii raaciyay. Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn Al-Shabaab loogula dagaalamay, waxaana horkacayey guddoomiye Cali Jayte oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, waxaana Al-Shabaab looga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla gobolkaasi. The post Daawo: Maxaa kala qabsaday Cali Jayte iyo gabadhii ugu yeertay murtadka? appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyo ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka qarxay deegaanka Singaleyr, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Weerarka kadib ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale warararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka lagu dhaawacay taliyihii ciidanka Jubbaland ee saldhigyada Singaleyr iyo Buundada Wirkoy iyo laba askari oo kale. Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa dhankooda shaaciyay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, ayna gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Jubbaland u diyaar garowday howlgallo lagu xoreynayo deegaanada ay maamulkaas ka joogaan xoogaga Al-Shabaab. Ujeedka ayaa ah in la qabto degmada Jilib oo ah xarunta gobolka Jubbada Dhexe, isla-markaana uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa kacdoon uga billowday gobollada dalka, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda. The post Dagaal u dhexeeya Jubaland iyo Al-Shabaab oo ka qarxay duleedka Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
Locals said convoys of Eritrean forces aligned with Ethiopia's government were pulling out. The US hailed the "ongoing withdrawal" as a key step to peace after two years of fighting. Source: Hiiraan Online
-
Russia's Foreign Minister, Sergei Lavrov, is visiting South Africa for the first time since the invasion of Ukraine 11 months ago, which Pretoria has refused to condemn. Source: Hiiraan Online
