Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa si weyn u cambaareeyay falkii ka dhacay dalka Sweden, kadib markii uu nin xag jir ah kitaabka Qur’aanka Kariimka ku hor gubay dhismaha safaaradda Turkiga ee ku taalla magaalada Stockholm. Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in uu si adag u cambaareynayo falkaasi oo uu ku tilmaamay “mid aad u fool xun”. “Waxaan si adag u cambaareynayaa falkii foosah xumaa ee uu geystay ninka garabka midig ee Swedishka ah ee Rasmus Paludan oo gubay nuqul kamid ah Quraanka Kariimka,” ayuu yiri Makcy Sall, oo sidoo kale ah madaxweynaha Senegal. Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri “Islaam nacaybka iyo nacaybka Muslimiinta waa wax laga xumaado waana in lala dagaalamo iyada oo aan tanaasul loo muujinayn.” Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa asaguna tallaabadan ku macneeyay mid tusaale kale u noqoneysa heerka argagaxa leh ee ay gaartay Islaam naceybka, ayada oo Sweden ka codsatay in la ciqaabo kuwa ka dambeeya dambiyada ku saabsan nacaybka. “Waa fal daan-daansi ah oo lagu beegsanayo Muslimiinta, laguna aflagaadeynayo qiyamkooda muqadaska ah,” ayey tallaabadan ku tilmaamtay OIC. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda si adag uga hortimid tallaabadan, ayada oo war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda si kulul loogu cambaareeyay falkaas oo ay sidoo kale ogolaadeen mas’uuliyiinta Sweden. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in falkan uu yahay mid loogu xad gudubay xurmada diinta, sidoo kale uu kicinayo dareenka muslimiinta caalamka oo dhan. “In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Sidoo kale dowladda federaalka ah ayaa ku baaqday in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fogaado hurinta nacaybka iyo colaadaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka. “Soomaaliya waxay ugu baaqeysa Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorinaysa dhammaan jileyaasha beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.” The post Cambaareyn xooggan oo ka dhalatay falkii Sweden ee ka dhanka ahaa Qur’aanka appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay si degdeg ah ugu soo laabtay caasimadda dalka, isaga oo soo gaabiyay safar shaqo oo ugu maqnaa dalka Kuwait. Guddoomiye Madaale oo markii uu soo gaaray Muqdisho la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay wixii Axadii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, isaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay. “Sabtidii ayaa safar shaqo ah u baxay oo dalka Kuwait ayaa aaday oo maalintii Axada ayuu shirkii noo furmay, dhacdadan markaa maqalnay safarkii waa soo gaabinay si aan dhibta ula qeybsano shacabkeena iyo shaqaalihii ku waxyeeloobay, runtii dhibku aad buu u yar yahay,” ayuu yiri. “Intii ku shahiiday halkan (xarunta gobolka) ee dhimatay Allaha unaxariisto, inta dhaawacantay Allaha bogsiiyo. Waxaa runtii aad iyo aad ugu mahad-celinayna hay’addaha amniga iyo ciidankii joogay xarunta gobolka oo ka howl-galay cadowgii isku dayay inay waxyeelayaan dadka masaakiinta ah,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa fikir qaldan, cida murtadka ah ee sheegayaan wa ayo? ma kala garanayaan waa dad dhalinyaro ah oo la maran-habaabiyay, Soomaalidu waa Muslim oo Diinta Islaamka ayey ku dhaqmaan.” Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhalinyarada ay Shabaab weerarada usoo diraan ay marka hore soo miir-dooriyaan “Dhalinyarada yaryarka yeysan ku dhumin nimanka danleyda ee iyagu shahaadada soo raadsan ee ciyaalka yaryarka intay kiniin soo siiyaan iraahda orda shahiida, waa nasiib darro runtii qof Muslim dhiigiisa daadintiisa laguma Janno-galo.” Guddoomiye Madaale ayaa ugu dambeyntiina sheegay in weerarada Shabaab oo xilligaan ku jabay dagaalka uga socda gobolada aysan marnaba cabsi-galin doonin, islamarkaana ay bulshadooda u adeegi doonaan marwalba. “Waxaa aaminsanahay in mowd-ku ina-haleelayo oo nama baqdin galinayaan Khawaarijta, laakiin waxaa kula talinaya intay goori-goor tahay ay ka towbad keenaan dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ee laynayaan, hana kamid noqdaan dadkooda.” Axaddii ayay aheyd markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo markii dambe dagaal toos ah la-galay ciidamada dowladda. Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, inkasta oo saacado kadib lasoo afjaray, waxaana weerarkaas ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya. The post MADAALE oo degdeg ugu soo laabtay Muqdisho kadib weerarkii xarunta gobolka appeared first on Caasimada Online.
  3. Johannesburge (Caasimada Online) – Dalka Koonfur Afrika ayaa difaacay xidhiidhka wanaagsan ee kala dhexeeya Ruushka iyo dhoolatuska milateri ee ay sida wadajirka ah u samaynayaan labada dal, xilli uu dalkaas ku sugan yahay wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Segei Lavrov, oo ah booqashadiisii ugu horraysay ee uu halkaas ku tago, tan iyo markii uu dalka Ruushku weerarka ku qaaday dalka Ukraine. Lavrov ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay mowqifka dhexdhexaadka ah ee uu qaatay dalka Koonfur Afrika, tan iyo markii uu dagaalku bilawday muddo hal sano laga joogo, wuxuuna eedda colaadda uu dusha ka saaray dalka Ukraine iyo wadamada reer galbeedka. “Waxaa la ogsoon yahay in aan taageernay soo jeedintii Ukraine ee ahayd in wadahadal la galo, isla xilliyadii uu bilaabmay hawlgalka milateri ee gaarka ahi …. waxaa si fiican loo ogyahay in Maraykanka iyo Ingiriiska iyo qaar ka mid ah saaxiibadeeda Yurub inay u sheegeen xukuumadda Ukraine inay tahay xilli aad u horreeya in heshiis la gaadho” ayuu yidhi. Ruushka ayaa si isdaba joog ah u diiday dalabaadka Ukraine iyo reer galbeedka ee ah inuu gabi ahaanba isaga baxo Ukraine, taasoo shardi u ah wada xaajood kasta. Lavrov ayaa sidoo kale beeniyay in Moscow ay beegsaneyso dadka rayidka ah, inkasta oo weeraro badan lagu qaaday dhismayaal la deggan yahay oo ku yaal Ukraine kuwaas oo khubarada ay sheegeen in ay u badan tahay in ay isu geyn noqon karaan dambiyo dagaal. Wasiirka xidhiidhka caalamiga ah iyo iskaashiga ee Koonfur Afrika, Naledi Pandor, ayaa ku celisay in Pretoria ay u aragto in xal diblomaasiyadeed iyo wadahadal in lagu gaadho nabadda. Hase ahaatee, waxa ay difaacday in Koonfur Afrika ay xaq u leedahay in ay xidhiidh laba geesood ah la yeelato dalalka ay doonayso oo aanay reer galbeedku amar ku siin. Koonfur Afrika ayaa martigelinaysa ciidamada badda ee Ruushka iyo Shiinaha kuwaas oo ay wada samayn doonaan dhoolatus milateri oo bisha February ka dhacaya magaalada Durban. VOA The post Dal kamid ah AFRIKA oo dhoolatus la sameynaya Shiinaha iyo RUUSHKA appeared first on Caasimada Online.
  4. PRESS RELEASE The International Islamic Trade Finance Corporation under 2nd Phase of the Aid for Trade Initiative for the Arab States (AFTIAS 2.0) Launches STEP Training to Boost the Capacities of Egyptian Exporters Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC: The training program aims to promote a thriving entrepreneurial ecosystem to diversify Egypt’s economy, enhance the role of the private sector and strengthen the integration of local SMEs into local and global supply chains Access Multimedia Content CAIRO, Egypt, January 23, 2023/ — The International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) (http://www.ITFC-idb.org), the Micro, Small, and Medium Enterprises Development Agency (MSMEDA), and the Foreign Trade Training Center, part of Egypt’s Ministry of Trade and Industry, launched the STEP 2 training for exporters to boost the capacities of Egyptian entrepreneurs and incorporate their products and services into the global supply chain. The training program, worth US$ 350,000, is funded by the ITFC and comes under the 2nd Phase of the Aid for Trade Initiative for the Arab States (AFTIAS 2.0) program to support Egyptian youth, exporters, and owners of the small, medium, and micro enterprises. The launching ceremony took place in the presence of Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC and Chairman of the Board of Directors of AFTIAS 2.0, Mr. Bassel Rahmy, CEO of MSMEDA, Mrs. Mary Kamel, Executive Director of the Foreign Trade Training Center (FTTC), and Mr. Amr Hazaa, Advisor to the Minister of Trade and Industry, Head of the Development Projects Unit. To improve the performance and competitiveness of the Egyptian economy, STEP 2 aims to nurture a new generation of Egyptian exporters and increase their capabilities, knowledge, and skills in order to enable them to produce valuable products that match market needs. The FTTC offers an integrated and holistic training program that covers the entire export cycle, equipping entrepreneurs with the skills needed to study and analyze international markets, identify available export opportunities, and prepare a strategic plan for export. It also covers export logistics, including means of packaging, shipping, transportation, and methods of financing. Eng. Hani Salem Sonbol said: ” ITFC is proud of its strong partnership with Egypt and MSMEDA in launching the training program, which aims to promote a thriving entrepreneurial ecosystem to diversify Egypt’s economy, enhance the role of the private sector and strengthen the integration of local SMEs into local and global supply chains.” He explained that the economic empowerment of Egyptian youth is the guiding criteria for all of the programs of the ITFC in Egypt in order to help them expand their businesses to reach new markets. For his part, Basil Rahmi, CEO of MSMEDA, said: “MSMEDA has exhibited a profound interest in cooperating closely with ITFC and the FTTC to kick-start the Project “Training … a Step to Exportation.” This project aims to build and foster the exporting capacities of entrepreneurs and give them access to adequate training and connect them with international markets. The project will also assist entrepreneurs in upgrading their products and rendering them competitive, which can help them become more opportunities for exportation.” For her part, Mary Kamel, Executive Director of the Foreign Trade Training Center, noted that the training center aims to create a new generation of qualified exporters to develop the competitiveness of Egyptian exports in global markets, in order to ensure economic growth and create opportunities for entrepreneurs to start exporting. She added that the project was set up in line with the objectives of the International Islamic Trade Finance Corporation, aiming to train 600 trainees from all governorates over a period of two years and equip them with the right knowledge, concepts, and skills necessary for exporting. For his part, Minister Plenipotentiary, Amr Hazaa, Advisor to the Minister of Trade and Industry, affirmed that this project comes in line with the goals of the ITFC and within the framework of the Ministry of Trade and Industry’s plan to expand Egyptian exports to US$100 billion. SOURCE International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) Qaran News
  5. Mogadishu (HOL) - On January 23, 1975, ten religious clerics in Somalia were executed in Somalia's capital by the government of President Siad Barre for protesting against a newly enacted Family Law (Xeerka Qoyska). The law, which was part of the government's revolutionary socialist agenda, aimed to modernize and secularize Somali society by making significant changes to traditional Islamic family structures and practices. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweyne Deni oo goobjoog u ahaa dhagax-dhigis ka dhacday garoonka diyaaradaha Boosaaso. Boosaaso (Ra’yi) — Magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso ayaa ah mid ay ka dheceen heshiisyo beddelay lahaanshaha dekedda kaddib markii maamul hore uu heshiis la galay shirkad laga leeyahay Imaaraadka. Hab siyaasadeedka Puntland ayaa sababay in ilaa hadda aan la ogeyn heshiiskaas qodobbadiisa waayo Madaxweyne Siciid Deni ayaa sanadkii hore sheegay inuu dib u eegis ku sameeyay heshiiska oo uu ku tilmaamay mid Punland aysan wax ka faa’iidin. Sida wax uu uga beddelay heshiiska ma cadda, waayo heshiisku weli mugdi ayuu ugu jiraa. Heshiisyada aan daahfurnaanta lahayn uma loogi karaaan oo keliya kaabayaasha dhaqaalaha shirkado shisheeye, waxa ay caadeyn karaan heshiisyo sharci-darro ah oo lagu lunsado hanti dadweyne. Dadka Puntland waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan faahfaahinta heshiisyada dowladda Puntland ku gasho kaabayaasha iyo dhulka Puntland. Sanadkii hore baarlamaanka Puntland wuxuu soo bandhigay sharcidarrada badda Puntland ay kaga kalluumaystaan maraakiib haysta shatiyo lagu bixiyay magaca Puntland. Ma jirto dowlad Puntland oo soo bandhigtay dakhliga ka soo xerooda maraakiibta haysata shatiyo kalluumeysi ay Puntland bixisay. Boosaaso way u baahan tahay maalgelin, laakiin waa in maalgelintu noqoto mid ka duwan heshiiyadii hore oo weli aan la ogeyn qodobbada ay ku salaysan yihiin iyo sida loola xisaabtamayo dhinaca heshiiska lala galay. Waxgaradka, isimada, siyaasiyiinta iyo dhammaan qaybaha bulshada waxay xaq u leeyihiin inay wax ka ogaadaan waxa ka socda magaalada Boosaaso iyo deegaannadda Gobalka Bari iyo Gardafuu. Isku milanka baarlamaanka iyo madaxtooyadu kuma waajibinayso dadka Puntland inay xog-moogeyaal ka sii ahaadaan heshiisyo iyo waxqabadyo noloshooda saamyn kara. Waa inay dowladda ka dalbadaan isla xisaabtan haddii xildhibbaannadu xaalkoodu u eg yahay af wax cunay xishoo. W.Q. Siyaad Cali Jaamac The post Ma Horumar baa Boosaaso Ka Socda Mise Hagrasho? appeared first on Puntland Post.
  7. For East African migrants, the beginning of the year brought rare good news: the arrest of the famous Eritrean trafficker Kidane Zekarias Habtemariam, on January 5 in Khartoum, Sudan, during an international police operation carried out by the United Arab Emirates with Interpol. Man is “one of the most cruel smugglers in the world”according to the police in the Netherlands, where he was on the list of most wanted criminals. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka furay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, 23-kii Janaayo sanadkii 1975-kii. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in culumadaas ay u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ee maanta ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka. “Waayihii ay dhaceen waxaas ee culumada la laayey dowladeena ayaa ku aragti aheyd dowladihii watay hantiwadaagga oo diinteena aan shuqul ku laheyn, culumadii diidayna waad ogeydeen oo waa la laayey,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in xiligaas aysan dadka Soomaaliyeed suurta-gal u noqoneyn inay raacaan nidaamkaas, maadaama aysan wax shaqo ah isku laheyn dhaqanka Soomaalida ee ku saleysan diinta suuban ee islaamka iyo kii Midowgii Suufiyeti ee Hanti-wadaaga. “Culumadii maalintaas la dilay waqtigooda ayaa intaas ku ekaa, laakiin kadib maxaa dhacay? Dagaalka Khawaarijta maalintii ay soo baxeen waxaa bilaabay madaxweyne Sheekh Shariif, maanta meel dhib badan ayuu soo gaaray,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in xalka Khawaarijta daawadiisa ay hayaan culumada Soomaaliyeed, “Culumo allay diinta islaamku ma qeybsanaa, marka aqoontii diinta idinkay idinku idishehee, waxaad shirkaan uga faa’iideysataan in doodaha yaryar ee dhexdiina ah aysan caamada soo gaarin,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay xasuuqeen culimadii iyo wax-garadkii dalka, ayna hor istaageen nolasha iyo horumarka deegaannada ay xoogga ku haysteen. “Qofkii rajo ka qaba Al-Shabaab in ay u naxariisanayaan haku tusaale qaato wadaadkii Indhoolaha ahaa ee isaga oo meel uu u baxsado la’ ay ku dileen Xarunta Gobolka Benaadir. Dagaalka Khawaarijta, muddo dheer ayuu soo socday, waxa uuna soo gaaray maanta oo dhibaatadoodu ina wada gaartay. Waxaan rabnaa in xal loo helo dabar-goynta fikirkaas, xalkiina shirkaan ayaa laga sugayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo tusaale u soo qaatay gefkii dowladdii Maxamed Siyaad appeared first on Caasimada Online.
  9. Las Anod (HOL) - The supreme traditional clan chief of Sool, Sanaag and Ayn regions, Garad Jama Garad Ali, arrived in Las Anod town on Monday, marking his first visit since 2007 when the Somaliland administration took over the city. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, maleeshiyo kooxda ka tirsan ayaa gudaha u galay xarunta, halkaas oo ku dhawaad 2 saac ka dagaalameen. Kooxdii Shabaab-ka aheyd ee weerarka soo qaaday ayaa la-laayay, kadibna meydkooda ayaa la iskugu geeyay banaanka xarunta maamulka gobolka Banaadir, halkaas oo saxaafada lagu tusay. Xubnihii maamulka ee gudaha ku jiray iyo inta badan masuuliyiintii maamulka gobolka Banaadir ayaa laga badbaadiyay weerarka. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay sheegtay in weerarkan ay ku dhinteen 5 qof, 4 kalana ay ku dhaawacmeen. Al-Shabaab markay weerar ku galaan hoteellada ku yaalla magaalada Muqdisho waxay ku jiraan ama haystaan saacado badan. Labadii hoteel ee ugu dambeysay ee ay weerareen Hayat iyo Villa Rays waxay mid walba haysteen in ka badan 48 saac, laakiin marka dib ugu laabano dhowr jeer oo xarumo dowladeed ay galeen kuma daahin oo durtaba waa la-laayay. Weerar ay kal hore ku qaadeen xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda federaalka oo ay gudaha u galeen waxaa la xasuusta in degdeg loo soo afjaray. Shalay xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ay qaraxyo kadib gudaha u galeen ayaa sidoo kale saacado yar lagu soo afjaray. Inkasta oo ay doodda weyn tahay galista xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ah mid aan la aqbali karin in Al-Shabaab xaruntaas ay haweysato, haddana arrin kale oo weydiin leh una baahan in la dul istaago ayaa ah sababta kooxda saacadaha badan u haysan karto hoteellada, oo ay qolal gaar ah oo si fudud looga saari karin u dagaan balse xarumaha dowladda ayna ugu nagaan karin marka ay weeraraan. Halkan waxaa ka dhalanaya tuhun ah in Al-Shabaab hoteellada sii dajiyaan kooxda ay rabaan inay weerarka fuliso oo ay halkaas muddo kusii noolaadan si ay u bartaan. Qof aan aqoon gudaha goobta ugama diriri karo sida Al-Shabaab uga dhex dagaalamaan hoteellada, haddii ay ciidankooda karaan inay ku nagaadan goob ay markaas ugu horeysay gudaha xarumaha dowladda ayay ku nagaan lahaayeen ayey leeyihiin khubarada amnigu. Baaris cusub ayay arrintaan xasuusineysa dowladda federaalka, dadka hoteellada dega aad looma hubiyo marka la joogo Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Maadama lagu jiro dagaal lagu raadinayo amni iyo badbaado shacab dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida waxaa laga raba inay keento xeelad lagu ogaan karo nooca dadka degaya hoteellada iyo xogahooda, si looga badbaado dhagarta Al-Shabaab loona badbaadiyo dadka war-mooga ah ee hoteellada degan ama kuwa u cunta iyo sheeko taga. Al-Shabaab waxay isticmaalayaan kaararkooda ugu dambeeyay, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu hore u sheegay in maadama kooxda jab weyn kasoo gaaray dagaalka ay dowladda kula jirto inay fulin doonaan qaraxyo iyo weeraro quus ah, wuxuuna shacabka weydiistay dulqaad inta laga soo afjarayo kooxda. Shacabka magaalada Muqdisho oo ah kuwa ugu badan ee bartilmaameedka u ah kooxda Al-Shabaab waxaa la gudboon taxadar inta lagu jiro maalmaha lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya dagaalka. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hoysay dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada dhowrkii billood ee lasoo dhaafay, waxaase dhinaca kale hortaalla inay si weyn ugu diyaar-garooban amniga caasimadda oo ah meesha ay Al-Shabaab marwalba rabto inay ugu aargudo xubnaha laga laayay. The post Farqiga weerarada Shabaab ee xarumaha DF iyo Hotellada – Arrin baaris u baahan appeared first on Caasimada Online.
  11. Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan iyo masuuliyiin sarsare oo ay horkacayaan ayaa galabta wakhti la qaatay qaybo ka mid ah bulshada xaafadda 150-ka ee magaalada Hargeysa. Madaxda xisbiga iyo dadweynaha ayaa si mug leh isaga xogwaraystay xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaanay masuuliyiinta xisbigu bulshada ku wacyigeliyeen diwaangelinta codbixiyeyaasha. Source
  12. Warqadani guji ama download-garayso si aad u akhridid hadii aad arki waydo Qaran News
  13. Ankara (Caasimada Online) – Turkey President Recep Tayyip Erdogan warned Sweden o Monday that it should not expect support for its bid to join the North Atlantic Treaty Organization (NATO) following a series of protests in Stockholm over the weekend. The demonstrations, led by anti-Islam activist Rasmus Paludan and pro-Kurdish groups, included burning the Quran outside the Turkish Embassy in Stockholm. Erdogan strongly criticized Paludan’s actions, stating that they insulted everyone, particularly Muslims. He also took issue with the Swedish authorities for allowing the protest to take place outside the embassy, which he referred to as an attack on 85 million Turkish citizens. In a statement, Erdogan said, “It is clear that those who allowed such vileness to take place in front of our embassy can no longer expect any charity from us regarding their NATO membership application.” The Turkish President also expressed his concerns with the pro-Kurdish protests in Sweden, in which demonstrators waved flags of various Kurdish groups, including the Kurdistan Workers’ Party (PKK). Erdogan criticized Sweden for not banning symbols associated with the PKK, which is considered a terrorist group in Turkey, the European Union, and the United States, and stated that this would prevent support for Sweden’s entry into NATO. “So you will let terror organizations run wild on your avenues and streets and expect our support for getting into NATO. That’s not happening.” Turkey has been blocking the Nordic nations’ historic bids to join NATO, stating that they must first address Turkey’s security concerns. Swedish officials have stated that the country’s Constitution guarantees freedom of expression and allows individuals broad rights to express their opinions publicly but that inciting violence or hate speech is not permitted. Individuals planning a public gathering in Sweden must seek permission from the police. The police can only deny permission in rare cases, such as when public safety is at risk. Top Swedish officials have stated that freedom of expression is crucial to democracy while criticizing Paludan’s actions as disrespectful and ones they disagree with. Anti-Islam activist Paludan, who holds both Danish and Swedish citizenship, has established far-right parties in both countries that have failed to win any seats in national, regional, or municipal elections. In last year’s parliamentary election in Sweden, his party received just 156 votes nationwide. His Quran burning sparked counter-protests in Turkey over the weekend, where demonstrators burned his photograph and a Swedish flag. SOURCE: NEWS AGENCIES The post Erdogan threatens to block Sweden’s NATO bid over Quran burning protests appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha culimada Soomaaliyeed. Shirka oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa la sheegay in culimada Soomaaliyeed kaga hadli doonaan bayaaninta diinteena suuban ee Islaamka iyo la dagaallanka fikirka Al-shabaab. Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in culimaa’udiinka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin shirka, ayna ka yimaadeen gudaha dalka iyo dibadiisa. PUNTLAND POST The post Culimada Soomaaliyeed oo shir uga furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn u dhaliilay in hay’addaha dowladda aysan xil gaar ah iska saarin dugsiyada Qur’aanka, si lamid ah Iskuulada iyo Jaamacadaha. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in xilligaan ay Dugsi Qur’aanka ka meeqaam sareeyaan Iskuulada iyo Jaamacadaha, taasi oo uu sheegay in ay wasaaraddaha xukuumadihii kala dambeeyay aysan ku baraarugsaneyn, islamarkaana ay hadda xooga wada saari doonaan. “Jaamacadaha iyo Iskuulladeenu inay qurxoonadaan waa fiican tahay laakiin in Dugsi Qur’aanka uu jidka ku dhex yaallo maahan, asna waa in uu qurxoonaada oo nadiif ahaada oo uu yeesho wixii ay lahaan lahaayeen dad meel iskugu yimid.” “Iskuul markii meel laga dhiso suuli ayaa loo sameeya oo meel biyo laga cabo ayaa loo sameeya, Dugsi Qur’aanka muxuu intaas oo kale u yaalan karin oo u muteystay meel ay kala istaagan, dayacaad sow maha ahan, meesha aan rabno in aan ka imano meeshaas waaye.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu rabo in Diinta ay xil gaar ah iska saarto dowladda, ayna masuuliyadeedu tahay inay ilaaliso oo ay ka hortagto dadka iyo kooxaha raba in ay sida gaarka ah u adeegsadaan. “Dowladdu markay deegaan qorsheynayso ee Iskuulka u yeelayso ee wax walba u yeelayso, dugsi Qur’aanka iyo Masaajidka aysan u yeelayn. Diinta weli dadkaa iska leh maanta la joogo waa rabna berri Ilaahay hana gaarsiiyo, laakiin dowladdu diinta malahan inay lahaato oo ilaaliso waaye.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Ma ahan in wax ka badasho ee waa in ay ilaaliso oo luuq laga soo galin, dowladda masuuliyadeeda u horeysa waa taas.” Madaxweynaha oo lahaa soo jeedinta shirweynaha Culimadda Soomaaliyeed ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu dadaal badan galinaya sidii loo dhisi lahaa Gole sare oo Islaami ah oo hormuud u yihiin Culimadda Soomaaliyeed. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan oo doonaya isbeddel lagu sameeyo dugsiyada qur’aanka ee dalka appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in duqeymo cirka ah ay ciidamadu ku garaaceen saldhig xubno Shabaab ah ku dhuumanayeen, kaasi oo ku yaalla deegaanka Beer-faarax oo dhaca Waqooyi-galbeed degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug. Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in duqeynta kadib uu xigay dagaal, islamarkaana khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, loogana dilay ku dhawaad 40 dagaal-yahan. “Ciidanka xoogga dalka ayaa weerar ku qaaday Deeganka Beer-faarax oo dhaca waqooyi galbeed Degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug. Ciidanka ayaa la wareegay deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Deegaanka Beer-faarax ee maanta la wareegeen ciidamadu ayaa dhaca Waqooyiga degmada Xarardheere oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab, waxaana fariiso muhiim ah ka sameystay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug. Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmuudg, Axmed Qoor-Qoor oo haatan ku sugan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa halkaas ka wada dardar-gelinta dagaalka, ayada oo maalmihii dambe ka socdeen howl-galo is-ballaarin ah. Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidamada dhulka ayaa sidoo kale ku sugan Xarardheere oo ah degmo muhiim ah, waxayna xooga saarayaan kasii duulaan tagida degmadaas iyo sifeynta deegaanada ay ku dhuumaleysanayaan Shabaabku. Si kastaba, Sheegashada dowladda ayaa imaneysa maalmo uun kadib markii ay sidan oo kale sheegtay inay Al-Shabaab ka dishay 100 dagaal-yahan oo Jimcihii toddobaadkii hore weerar ku qaaday degmada Galcad. The post Weerar lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen Shabaab oo xubno badan lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
  17. Laascaanood (Caasimada Online) – Xiisadda Laascaanood oo maalmihii dambe kasoo reysaneysay rabshadihii kal hore ka dhacay ayaa waxay markale u muuqaneysa inay si weyn usoo laba-kacleysay, kadib socdaal uu maanta magaalada ku tagay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC. Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadyada kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland ayaa waxa si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Garaadkan ayaa waxaa magaalada ugu dambeysay sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo gacan ku haynta Laascaanood ay la wareegtay xukuumadda Somaliland. Waxay soo dhawayntiisu noqotay middii abid ugu ballaarneyd ee ka dhacda Laascaanood, iyada oo kumanaan shacab ah oo sita calanka Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka gudaha magaalada. Garaad Jaamac oo khudbad ka jeediyay fagaaraha bartamaha Laascaanood ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dhibaatooyinka ka dhacay magaalada, isaga oo sheegay in aan Laascaanood mardambe laga maamuli doonin Hargeysa. “Soomaali kala go’aysaa ma jirto, Soomaali baanu nahay. Soomaali baanu ahaan doonnaa. Dhiiggii awoowayaasheen bilaash uma uusan daadan, wuxuu u daatay in la helo Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo mid ah. Kuwa maqan ayaan doonaynaa kuwo jooga kala goyn mayno,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay “in reer Laascaanood ay yihiin dad waligood usoo halgami jiray midnimada Soomaaliya, haddanaa ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo.” Arrintan ayaa ka dhigan in Somaliland oo gacanta ku haysa maamulka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay qaadi doonto tallaabo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa uu garaadku ka wado magaalada, sida ay qabaan dadka sida dhow ula socda arrimahaan. Sidoo kale waxaa lasoo sheegaya in walaac horleh uu soo foodsaaray bulshada ku nool magaaladaasi oo dhawaan uun kasoo baxay rabshado dhiig ku daatay. The post Xiisadda Laascaanood oo si weyn usoo laba kacleysay – Maxaa dhacay maanta? appeared first on Caasimada Online.
  18. Burkina Faso ayaa weydiisatay France inay ciidankeeda dalkaas ugala baxdo muddo bil gudaheed ah, sida ku cad warqad diblomaasi oo mas’uuliyiinta ay u direen Paris. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa Axaddii sheegay in Paris ay sharaxaad ka sugeyso Burkina Faso kadib markii militariga xukuma dalka ay sheegeen inay doonayaan in ciidamada Faransiiska ay ku baxan bil gudaheed. Macron ayaa ku baaqay “taxaddar dheeri ah” isaga oo sheegay in uu jiray “jahwareer badan” oo ku saabsan hadallo ay warbaabinta sheegeen inuu jeediyey hoggaamiyaha militariga Ibrahim Traore. Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Burkina Faso, oo ku taariikheysan Arbacadii, ayaa soo afjareysaa heshiikii 2018 ee ciidamada Faransiiska lagu geeyey halkaas, waxayna u qabatay muddo bil ah bixitaankooda. PUNTLAND POST The post Burkina Faso oo France u qabatay in ay mudda bil ah Ciidankeeda kala baxdo dalkaas appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa shalay weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyaga oo markii dambe dagaal toos ah la galay ciidamada dowladda. Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, iyada oo weerarkaas ay ku dhinteen illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya. Weerarka shalay ee xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa banaanka soo dhigay saddex arrimood oo ay tahay in dowladda federaalka si weyn ugu baraarugto, sida uu sheegay Axmed Cabdullaahi oo hore wasiir ku-xigeen uga soo noqday maamulka Galmudug. Axmed Cabdullaahi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in aan daba-gal badan lagu sameyn marka ay wax dhacaan, taasi oo keenaysa in dhacdooyin isku nooc ah ay markasta soo noq-noqdaan. “Waxaa isleeyahay goldalooloyin ayaa ka dhex jira hay’addaha amniga iyo dowladda oo dhan, markii wax dhacaan aan wax laga baraneyn oo aan dadaal badan xooga laga sameyn in dib u dhacaan wixii oo kale. Arrimahaan oo marwalba soo noq-noqonaya markasta waxay leeyihiin calaamad ah in la fududeydinayo oo dad dowladdii ama ciidamada kamid ah ay fududeynayaan,” ayuu yiri. “Haddii aan damco in aan tago gobolka Banaadir oo gudaha galo wey igu adkaaneysa ID-card kasta oo sito in aan gudaha galo, tana waxa waaye intaas oo checkpoint ayey soo mareysa oo meeshii u dambeysay ayaa falka laga sameynaya in ay markaas gacmo ku jiraan ayaa muuqaneysa.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Dadkii shaqeynayay oo aan la iska jirin dhexdooda gacmo ah oo shaqeynaya inay jiraan ayaa muuqaneysa iyo in daba-gal badan uusan jirin oo marka wax dhacaan aan dadaal badan laga sameyn in markale dhacaan.” Maleeshiyaadka Shabaabka ahaa ee weerarka ku qaaday xarunta gobolka Banaadir ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda. Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay magaalada Muqdisho, kadib dagaalka culus ee kaga socda gobollada dalka, waxaana weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada. The post Kadib WEERARKII xarunta G/Banaadir oo saddex arrin oo banaanka usoo baxay appeared first on Caasimada Online.
  20. Police in Jinja have detained at least 20 supporters of English Premier League football side, Arsenal, over a trophy parade on the city’s streets following the club’s 3-2 defeat inflicted on rivals, Manchester United on Sunday. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia has strongly condemned the actions of the Swedish authorities for allowing an extremist to burn a copy of the Holy Quran in front of the Embassy of Turkey in Stockholm on January 21. Rasmus Paludan, leader of the Danish far-right political party Hard Line carried out the Quran burning. Paludan, who holds dual citizenship with Sweden, has conducted several prior demonstrations in which he burned copies of the Quran. The burning of the Quran took place during a demonstration to protest Sweden’s bid to join NATO and to show support for Kurds. A statement released on Monday reads, “The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation strongly condemns the Swedish authorities’ allowing an extremist to burn a copy of the Holy Qur’an in front of the Embassy of the Republic of Türkiye in Stockholm on Saturday (January 21), which represents a blatant violation of religious sanctities and a provocation to the feelings of Muslims all over the world.” The Somali government stated that this act represents a violation of religious sanctity and is a provocation to the feelings of Muslims all over the world. The statement continues, “Allowing this hateful act that insults Islamic sanctities and values is completely unacceptable. It is a demagogic practice that promotes hatred and racism and serves the agendas of extremism and terrorism.” The Somali government calls for spreading the values of dialogue, tolerance, and coexistence and rejecting hate speech and violence. The statement adds, “The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation renews the importance of respecting religious symbols and refraining from provoking hatred and fueling strife through abuse and distortion of religions, sanctities, and Islamic rituals.” Somalia has called on Sweden to take strong measures against the rising tide of hatred against Muslims. It urges all actors in the international community to shoulder their responsibilities in curbing Islamophobia. The Muslim world has erupted in anger and alarm over the incident. Turkey, Pakistan, Kuwait, Saudi Arabia, the United Arab Emirates, Qatar, and Iran have all condemned the actions. Turkey said, “We condemn in the strongest possible terms the vile attack on our holy book, the Quran, in Sweden today (January 21), despite our repeated warnings earlier.” Pakistan added, “This senseless and provocative Islamophobic act hurts the religious sensitivities of over 1.5 billion Muslims worldwide.” Kuwait’s Foreign Minister, Sheikh Salem Abdullah Al Jaber Al Sabah, called on the international community “to shoulder responsibility by stopping such unacceptable acts and denouncing all forms of hatred and extremism and bringing the perpetrators to accountability.” Saudi Arabia stated, “Saudi Arabia calls for spreading the values of dialogue, tolerance, and coexistence, and rejects hatred and extremism.” The United Arab Emirates said it was against “all practices aimed at destabilizing security and stability in contravention of human and moral values and principles.” Qatar condemned the Swedish authorities’ permission to burn the Holy Quran. It called on the international community to shoulder its responsibilities to reject hatred and violence. The post Somalia condemns Sweden for allowing Quran burning appeared first on Caasimada Online.
  22. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa billowday barnaamij u ogolaanaya shacabka inay kafaalo qaadaan (sponsor) oo ay dalka Mareykanka keenaan qaxooti, ayaga oo lacag isku daraya, taasi oo sare u qaadi karta qaxootiga dalka imanaya, islamarkaana yareyn karta qarashka ka baxa dowladda. Barnaamijkan cusub ee ay daaha ka rogtay Waaxda Arrimaha Dibedda oo lagu magacaabo Welcome Corps, ayaa shan qof waxay iska ururin karaan ugu yaraan $2,275, halkii qofba ee ay dalka keenayaan, si lacagtaas loogu taageero guri dejinta iyo baahiyaha kale ee aas-aasiga muddda saddexda bilood ah ee ugu horreysa ee ay Mareykanka ku cusub yihiin. Kooxda wax sponsor gareyneysa, ayaa noqon karta muwaadiniin Mareykan ah, ama kuwa degan dalka ee haysta green card, waxaana looga baahan doonaa inay maraan hubin shaqsiyeed (background check), ayna abuuraan qorshe taageero, sida ku cad website barnaamijka. Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa barnaamijkan ugu yeeray “hindisihii ugu dhiiranaanta badnaa ee dib-u-dejinta qaxootiga” tan iyo markii uu Mareykanka billaabay soo qaadista qaxootiga 1980-kii. Waxa uu sheegay in kooxo diimeedyada, askarta, ganacsiyada iyo jaamacadaha ay ka qeyb-gali karaan barnaamijka. Barnaamijka ayaa ujeedkiisu yahay in la helo 10,000 oo kafaala qaada 5,000 oo qaxooti ah sanad xisaabeedka 2023, oo ku eg bisha September, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibedda. Barnaamijka oo la mid ah midka Canada ee loo yaqaan Group Five, ayaa qeyb ka ah dadaal ballaran oo madaxweyne Joe Biden oo Dimoqraadi ah uu shacabka Mareykanka ku siinayo fursad ay ku taageeraan ajaaniibta raadinaya badbaadada. Maamulka Biden ayaa habkan cusub u arka mid taageero dheeri ah siin kara qaxootiga kadib markii madaxweyne hore ee Mareykanka Donald Trump oo Jamhuuri ah uu ka dhigay kuwo halis amni ah, islamarkaana uu aad u yareeyey keenistooda, taasi oo weli aan laga soo kaban. Biden ayaa cadaadis kala kulmaya Jamhuuriga sababo la xiriira siyaasaddiisa ku aadan amniga xuduudda, ayada oo tiro aan horey loo arag oo muhaajiriin ah ay isku dayayaan inay si sharci-darro ah uga soo tallaabaan xuduudda Mexico. Hase yeeshee, barnaamijka Welcome Corps ayaan la fileyn inuu saameyn dhow ku yeesho xuduudda, maadaama qaxootiga lagu soo qaadayo ay galayaan hanaan codsi oo muddo dheer qaadanaya ayaga oo ku sugan dalal kale, si gaar ah meelaha ay dagaallada ka socdaan. Maamulka Biden ayaa horraantii Bishan billaabay barnaamij bani’aadannimo oo tijaabo ah, oo qiyaastii 30,000 oo qof oo muhaajiriin ka kala socda dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela ay bil walba kusoo geli karaan Mareykanka haddii ay haystaan dad sponsor gareeya, islamarkaana ay kusoo safraan diyaarad. Maamulka ayaa sidoo kale barnaamijkan u adeegsaday in dalka loogu ogolaado dadka Afghanistan iyo Ukraine ee soo qaxaya. Barnaamijka Welcome Corps ayaa qaxootiga keeni doona ayada oo la marayo Barnaamijka Dib-u-dejinta Qaxootiga ee Mareykanka, kaasi oo tixraacyada ka hela Qaramada Midoobe iyo safaaradaha Mareykanka. Biden ayaa sanad xisaabeedkan waxa uu qaxootiga uu Mareykanka keenayo ka dhigay ugu badnaan 125,000, taasi oo billaabatay 1-dii October 2022. Waxaa dalka yimid 6,750 intii u dhaxeysay October illaa December, sida ku cad xogta barnaamijka, taasi oo ka dhigan in tirada ay ka yaraan doonto hadaf sanadeedka. Qaxootiga iminka imaanaya Mareykanka ayaa waxaa caawiyaa sagaal hay’ado dib-u-dejin oo isku halleeya maal-gelinta dowladda. Qaar ka mid ah hay’adahaas ayaa hadda qeyb ka ah taageeridda qorshaha Welcome Corps. Lixda bilood ee ugu horreysa hindisaha cusub, Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa shacabka wax sponsor garaynaya ku xiri doonta qaxootiga kiisaskooda horey loo ansixiyey, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibedda. Bartamaha 2023, dadka wax sponsor garaynaya ayaa awoodi doona inay Waaxda Arrimaha Dibeda usoo gudbiyaan kiisaska qaxooti si looga fakaro in dib-u-dejin loo sameeyo. The post Mareykanka oo billaabay barnaamij ay shacabka ku keeni karaan qaxooti (Group 5) appeared first on Caasimada Online.
  23. By M.A. Egge UK Minister of State for International Cooperation and Africa Mr. Andrew Mitchell said that the British government recognizes the importance of stability and security in the Republic of Somaliland and the region. Mr. Mitchell, who was responding to a question asked at the session of the British Parliament on Wednesday regarding the situation in Lasaanod, said that they are constantly working with international friends, the UN and the government of Somaliland to support stabilization efforts. “We continue to closely monitor the situation, and we encourage all parties to calm the situation, to avoid another crisis, and to resolve the issue peacefully,” said the Minister of State for International Cooperation and Africa in the British government. Mr. Andrew Mitchell. Source Horndiplomat Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo uu horay ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen culimo gudaha dalka iyo dibadda isaga kala timid ayaa waxa uu ku saabsan yahay doorka culimada ee la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab. Culimada ayaa kulankooda dood uga yeelan doonaan dhowr qoddob oo miiska saaran, kuwaasi oo kala ah; Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Sixida fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka Sharciyad siinta dowladda: Xukunka Islaamka iyo dowladnimada casriga ah iyo Dhisidda Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa. Qaar kamid ah culimada qeybta ka ah kulankaan oo goor sii horeysay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay jiheynta dalka, si culimadu usoo saarto bayaan guud oo ku socda madaxda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo shacabka. Agaasimaha Waaxda Diinta iyo ku-dhaqanka Shareecada Islaamka ee wasaaradda Awqaafta iyo arimaha Diinta Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in shirkaan uu kusoo beegmay waqti aad loogu baahan yahay. “Waa shir Culimada Soomaaliyeed loo qabanayo, waa shir maslaxada guud looga hadlayo, waa shir la doonaayo in waddanka uu is raaco, si fiican isu raaco, diinta islaamkana isu raaco oo culimaduna si qeexan ra’yidooda usoo bandhigto,” ayuu yiri Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Cumar. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa shir la rajeynayo haddii Alle idmo in qodobo kasoo baxaan, waana la caddeyn doonaa qodobadiisa.” Furitaanka shirkan ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo khudbado ka jeedinaya, wuxuuna kusoo aadaya xilli uu dalka ka socdo dagaal culus oo ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab. The post Shirka culimada Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho iyo saddex qoddob oo horyaalla appeared first on Caasimada Online.