Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Inkastoo aan rasmi ahaan loo ogayn xilliga uu baxayo madaxweynaha, hadana waxaa ka socda magaaladaasi diyaar garowga soo dhaweynta wefdiga madaxweynaha, waxaana halkaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah. Degmada Xarardheere waxaa gacanta ku haya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas oo la wareegay Todobaadkii hore maalmo kadib markii ay isaga baxeen Al-shabaab. Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli uu socdo diyaar-garowgii u danbeeyay ee Al-shabaab lagaga saarayo magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud halkaas oo ah degmada keliya ay hadda ka haystaan Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan degmada Xarardheere appeared first on Puntland Post.
  2. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana Shirka ku wehlinaya Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh. Shirka 26-aad ee Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Carbeed ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca Teknolojiyada ah ee dalalka Carabta, ansixinta istraatiijiyada Carbeed ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, xoojinta addeegyda boostada, ganacsiga Elektronic-ga ah, hubinta amniga internet-ka iyo is-dhaafsiga khibradaha maamulka Teknolojiyada cusub. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif inta uu ku suganyahay Magaalada Qaahira waxa uu kulamo doceedyo la qaadan doonaa Wasiirada dhigiisa ee dalalka carbeed ee ka soo qeybgalay shirka iyo Dowladda Masar oo ay kawada hadli doobaan xoojinta xiriirka labada Dal. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay Shirka Isgaarsiinta Teknolojiyada dalalka Carabta appeared first on Puntland Post.
  3. Mogadishu (HOL) - General Mohamed Tahlil Bihi, infantry commander of the SNA, said that dozens of Al Shabaab fighters were killed by government forces near Harardhere district in an operation on Monday. Source: Hiiraan Online
  4. Warar dheeraad aha ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay isgoyska siinaay ee magaalada Muqdisho, subaxnimadii hore ee saaka oo Talaada ah. Qaraxa ayaa yimid kadib markii uu qarxay gaari yaallay wadada hareeraheeda, markii dambana uu qarxay, waxaan ka dhashay khasaaro kala duwan. Inta la xaqiijiyay gaariga qarxay ayaa sababay dhimashada hal qof oo ahaa wadihi gaariga, waxaana sidoo kale qasaaro uu soogaaray dhismayaal ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay. Weli kama aysan hadlin qarax ka dhacay isgooyska Siinaay laammaha ammaanka ee magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa sheegaya in xaalad aan caadi aheyn ay ka taagan tahay kadib markii shalay dad ku dhow toddobaatan kun qof oo xirnaa calanka buluuga Soomaaliya ay isugu baxeen. Isu soo baxan taariikhda galay ayaa lagu soo dhoweynaya mid ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo u taagan midnimada Soomaaliyeed, kana soo jeeda deegaanka. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah waxgaradka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo si diiran loogu soo dhoweeyay Laascaanood ayaa ku baaqay in Garaadaddu shir iskugu yimaadaan Laascaanood si ay ugu tashadaan danta guud ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn iyadoo la tixgelinaayo Soomaalinimada. Maagalada Laascaanood oo maamulka Somaliland ay faarujiyeen shantii Janaayo ayaa waxaa dadweynuhu iyo kooxo dhalinyaro ah ay xoog kaga hortageen maamulka Somaliland oo maamulayay magaaladaasi (2007) Lix iyo Toban sano, kadibna kacdoon shacab ay ugu baxeen si xaalada aysan u noqon mid xunjiro dhiig ah ku daado. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo si Soomaalinimo loogu soo dhoweeyay magaalada ayaa magaalada Laascaanood wuxuu kaga qeyb geli doonaa shirweyne guud oo waxgaradka SSC kaga tashan doonaan aayahooda, kaasoo lagu go’aamin doono midnimada iyo wadajirka Somaliweyn. Suxufiga lagu magacaabo Cabdiqani C/llaahi Irbad oo ku sugan magaalada Laacaanood ayaa Caasimada Online u sheegay in maanta iyo beri magaalada laga sugaayo Garaad C/llaahi Garaad Saleebaan iyo Garaad Maxamed Garaad Abshir oo go’aamin doona mustaqbalka shacabka iyo gobolka Sool aayahooda meesha ay kaga tashan doonaan. Maamulka Somaliland ayaa walaac xoogan ka qaba shirweynahaasi ay isugu imaan doonaan waxgaradka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, iyadoo magaaladana ay faarujiyeen ciidamadii maamulkaasi shantii bishii Janaayo oo ay kooxo dhalinyaro deegaanka ah ay la wareegeen maamulka magaalada. Mowjadaha kacdoon ee ka taagan Laascaanood ayaa muujinaayo rabitaanka shacabka gobolka oo todobaadyadii u danbeeyay maamulka Somaliland uu dad shacab ah ku bartilmaameedsaday si xiisadaha taagan loo joojiyo. The post Sawirro: Laascaanood oo muujisay midnimadda Soomaaliya iyo waxa xiga appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud presided over the opening ceremony for a conference of Somali scholars in Mogadishu on Monday aimed at delegitimizing the influence of Al Shabaab. Source: Hiiraan Online
  7. Click here to read more about this article Qaran News
  8. Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa toddobaadkan u safraysa dalalka Ghana, Mozambique iyo Kenya. Socdaalkeeda ay ku tegayso qaaradda Afrika ayaa qaadanaya inta u dhexeeya bisha January 25-keeda illaa 29-keeda sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka. Safarka Greenfield ayaa ku salaysan arrimaha amniga ee gobolka, arrimaha bini’aadanimada iyo taageerada Maraykanka ee dalalka Afrika ee lagu yaraynayo isbedelada cimilada. Safarka Thomas-Greenfield ayaa ku soo beegmaya xilli ay Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Janet Yellen ay socdaal ku joogto qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Senegal, Zambia iyo South Africa. PUNTLAND POST The post Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay oo ku wajahan Qaarada Afrika appeared first on Puntland Post.
  9. Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Geneva ayaa bilad sharaf ka guddoomay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka WHO. Biladda ayuu wasiirka ku muteystay hirgelinta xaruma caafimaad oo ku shaqeeya tamarta cadceedda taas oo bixineysa adeegayda caafimaadka. Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu ammaanay xillii uu socday caabuqa Corona in ay dalka ka hirgelisay xaruma soo saaray Oxygen ka kuwaas oo iyagana ku shaqeeya tamarta cadceedda. Xarumaha caafimaadka ee ku shaqeynaya tamarta qoraxda ayaa ah kuwa ay dowladda Soomaaliya qorsheyneyso in ay ku fidiso guud ahaan dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal shalay lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay deegaano hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Jeneraal Biixi oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in la dilay ugu yaraan 39 xubnood oo Shabaab ka tirsanaa, isagoo u mahad celiyey saaxiibada dowladda ka taageera howlgallada Al-Shabaab. “Waxaan Khawaarijta u geysanay jab aan laga sheekeyn karin, waxaan tirinay meydadka 39 xubnood, waxaan gubnay gaadiidkoodii, waxaan dul istaagnay meydadka 47 Shabaab ah, dhaawacyada in ka badan 50 kalena waxay geeyeen Joowle,” ayuu yiri Jeneraal Biixi. Deegaanada ay ciidanka xoogga dalka howlgalkaan ka fuliyeen ayaa galbeed ka xiga degmada Xarardheere, waxayna u dhowyihiin deegaanka Caad oo hadda ay ciidamadu aad ugu dhowyihiin. Howlgalka waxaa ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka, waxaana Shabaab-ka lagu baacsaday dhowr deegaan oo hoos tagta Xarardheere, iyadoo la isugu daray duqeymo iyo dagaal toos ah. “Laba maalin gudahood Shabaab badan ayaan leynay, 47 meydad ah ayaan dul istaagnay, bulshada deegaanadaan ku nool waxay si joogto ah noo siiyaan xogta Khawaarijta, waa dad raba in deg deg looga xoreeyo cadowga,” ayuu hadlkiisa ku sii daray. Jeneraal Biixi ayaa sheegay in ay Al-Shabaab deegaanka Caad ku gubeen gaadiid ay lahaayeen dad shacabka, sidoo kale gaadiid ay ayagu lahaayeen oo ka halaabay ayuu sheegay inay dab qabadsiiyeen. “Dadkii dhulkaan ku noolaa waa caroodeen, hubkooda ayey la soo baxeen, meel kasta oo Shabaab uu ka joogo Mudug iyo Galgaduud waxaa nooga imaanaya ciwitaano, dadku waxay codsanayaan in aan ka soo gaarno, war naga kiciya hal mar, anagaa dhameystiri doonee ayey na leeyihiin dadku,” ayuu yiri Jeneraal Biixi. Hoos ka dhageyso wareysiga Biixi The post Dhageyso: Jeneraal Biixi oo shaaciyey tirada Shabaabkii shalay lagu laayey Mudug appeared first on Caasimada Online.
  11. Ciidamada dalka Ugand ayaa xabsiga u taxaabay ugu yaraan 20 dhalinyaro ah kuwaas oo taageera kooxda kubadda cagta Arsenal. dadkaan ayaa la qabtay xilli ay la socdeen kolonyo taageerayaal ah oo u dabaal dagayay guusha ay kooxda ka gaartay dhiggeeda Manchester United kulan ka tirsan horyaalka ingiriiska. “Ma garan karo waxa aan sameynay, waxaan u dabbaadageynay guusha aan ka gaarnay Manchester United” ayuu yiri Baker Kasule oo uu wargeyska soo xigtay. Wargeyska The Monitor ayaa ku soo waramay in dadkaan laga qabtay bartamaha magaalada Jinja, iyaga oo dabaaldagyo sameynaya. Ma cadda illa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xariiga dhalinyaradaan, balse waxa ay noqotay dhacdo aad looga hadal haayo baraha bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Xukuumadda Tel aviv ayaa sheegtay in ay baareyso dil loogeystay muwaadin falastiini ah kaas oo ay ciidamada toogteen todobaadkii hore. Dilkaan ayaa ka dhacay bar koontarool oo ku taalla xaafadda ninka la toogtay taas oo u dhaw daanta galbeed ee ay yahuuddu xoogga ku haysato. Ninka la dilay ayaa la sheegay in uu daganaa xaafadda, sidoo kalena aad looga yaqiinay goobta lagu dilay, waaana nin 45 sano jir ah waxaana lagu magacaabayay Axmed Kahla. Kahla ayaa isku dayay in uu gaarigiisa ka dago xilli ay askarta waxbaarayeen taas oo sababtay dagaal dhex mara isaga iyo askarta sababayna dhaawac uu markii dambe u geeriyooday Kahla. Ciidamada Israel ayaa sheegay in ay bilaabayaan baaritaannada kiiska ninkaan oo si wayn ugu faafay baraha bulshada, dhaleeceen badanna ay kala kulmeen ciidamada. Askarta israel ayaa toogtay 18 qof saddexda isbuuc ee ugu horeysa sanadka 2023-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Burkina Faso has confirmed that it wants 400 French troops stationed there to leave within a month. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, argagixisaduna ay uga been abuurteen. Madaxweynaha ayaa dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, maanta oo kale sanadkii 1975-tii, kuwaas oo u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka, waxa uuna sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ee maanta ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Khawaarijta Al-shabaab ay xasuuqeen culimadii iyo wax-garadkii dalka, ayna hor istaageen nolasha iyo horumarka deegaannada ay xoogga ku haysteen, taas oo sababtay in uu xoogeysto kacdoonka ay shacabka Soomaaliyeed ku diideen argagixisada, kagana soo horjeesteen fikirka xagjirnimada ah. “Qofkii rajo ka qaba Al-shabaab in ay u naxariisanayaan haku tusaale qaato wadaadkii Indhoolaha ahaa ee isaga oo meel uu u baxsado la’ ay ku dileen Xarunta Gobolka Benaadir. Dagaalka Khawaarijta, muddo dheer ayuu soo socday, waxa uuna soo gaaray maanta oo dhibaatadoodu ina wada gaartay. Waxaan rabnaa in xal loo helo dabar-goynta fikirkaas, xalkiina shirkaan ayaa laga sugayaa”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyey in dowladdu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah Dawladda. Source: goobjoog.com
  15. Kenya’s opposition leader, Raila Odinga, has said his political coalition does not recognise William Ruto as the President of Kenya and declared the new Kenyan government as "illegitimate". Source: Hiiraan Online
  16. Terrorism is slowing progress.Rising terror attacks have forced security bosses to suspend construction of a crucial road linking Kenya and South Sudan. Source: Hiiraan Online
  17. JOHANNESBURG — The old maxim that “the pen is mightier than the sword” couldn’t be more appropriate when it comes to Somali journalist Abdalle Ahmed Mumin. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka furay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa xujo adag dul-dhigay culumada Soomaaliyeed, isagoo tusaaleeyey caqabadaha iyo kala shakiga ay bulshada ka dhex abuureen khilaafaadka yar-yar ee culumada ka dhaxeeya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culumada ka dalbaday inay ku heshiiyaan dhismaha hey’addii maamuli laheyd, “In culumadu ay dowladda toosiso, dadkana u sheegto in dowladdu ay masuul ka tahay diinta, wax dambe nagama qaldamayaan,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa culumada ka balan qaaday in hey’adda uu dhisi doono hadii ay la yimaadaan naqshad ay heshiis ku yihiin, “Waxaan rabnaa waajibkaan aan idiin wakiilanayo inaad nagu soo celisaan oo dhahdaan intii naloo diray waa tan, markaas dowladdu kaalinteeda ayey guda doontaa,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray, “Diinta dowladda wakiil ka ah 4.5 maaha, federaalisim maaha, waa meesha kaliya ee dalkeena laga toosi karo, hadii aan hey’ad diinta maamusha dhisno waajibaa naga dhacaya.” Madaxweynaha ayaa sheegay in markii qeylo yeerto dhinaca Masaajidka loo carari jiray, balse hadda ay qayladii ka yeertay culumada dhexdeeda, isagoo culumada ka dalbaday inay isku dulqaataan. “Culumoy is aqbala oo haku kala tegina waxyaabaha yar yar oo aad ku kala duwan tihiin, wada socda idinkoo ra’yigiinu kala duwan yahay, horta idinku is aqbala,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa culumada Soomaaliyeed ka balan-qaaday in doorkii ku dhaqanka diinta ee dhanka dowladda oo aan sal-dhiya laheyn tan iyo xornimadii Soomaaliya uu toosi doono. Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in dowladdu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa hey’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan dowladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka, iyaga oo wakiil uga ah dowladda. The post Madaxweyne Xasan oo hal xujo hordhigay culumada ku shireysa magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka shirweynaha Culimadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada dagaalka kula jira kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ay shuhado yihiin haddii ay ku dhintaan dagaalka. Sheekh Soomow ayaa waxa uu dagaalka socda ku macneeyay “Jihaad loogu jiro Islaamnimada saxda ah” taasi oo ay kooxaha xagjirka ah suurad xumeeyeen, islamarkaana u adeegsadeen si qaldan, sida uu hadalka u dhigay. “Dhamaanteen waxaa nagu waajib ah in aan galno Jihaadka, waxaa rabaa in loo duceeyo dhamaan intii ku shahiiday. Geesiyaasha ku dhintay dagaalka waa shahiideen waa dhinteen yaa la dhihin oo loo baroordiiqin,” ayuu yiri Sheekh Soomow. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Kuwa anaga naga dhinta waa Ahlu-Janno, ciidamada qalabka sida waxay ku jiraan Jihaad fii-sabiili-laah. Khawaarij in aan bixino ayaa isku waafaqsanahay.” Sidoo kale waxa uu adkeeyay in laga toobad keeno maanta oo kale Culimaddii Soomaaliyeed ee la-laayay, taasi oo dowladdii millateriga aheyd ay xasuuqday 23 Janaayo 1975-kii kadib markii ay ka horyimaadeen falal kasoo horjeeda Diinta oo ay ku kacday. “Haddii aan saxno fikirkaas, waa in laga towbad keenaa maalintii culimaddii Soomaaliyeed la-laayay oo weliba Salaad towba la tukado oo meeshii la tago waa ku waafaqsanahay.” Sheekh Soomow ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dadkii iska lahaa fikirka xagjirka ah ee Diinta sida qaldan u adeegsaday ee Shabaab ku gumaadayaan bulshada in ay Ilaahay uga towbad keenaan. “Nebiga CSW ayaa horay noogu sheegay in ay imaan doonaan Qoom cibaado badan balse aysan kalxamaha dhaafsiisnayn Alle ka cabsigoodu. Qof walba oo kaalin kulahaa in fikirkaan guracan dalka la keeno waa in uu Alle u laabto Ummadana cafis weydiisano.” The post SOOMOW: Ciidanka ku naf waaya dagaalka Al-Shabaab lama dhihi karo waa dhinteen appeared first on Caasimada Online.
  20. “ Waxa aan galabtana kormeer iyo wacyigelin ugu tagnay Degmada 26ka June ee Caasimadda Hargeysa oo bulshada ku dhaqan degmadaasi ay si gobonnimo iyo hilow ku dheehan yahay noogu soo dhaweeyee , waxa aan wakhti la qaadannay Bulshada ku dhaqan degmadaas oo aan dhageysannay dareenkooda, doonistooda iyo sida ay ugu diyaar yihiin in ay ka qeyb qaataan isbeddelka dalkan lagu hoggaamin doono, loogana shaqeyn doono isku haynta dalka & dadka, rejadii umaddana lagu soo celinayo.” Mushaarrax madaxweyne Dr. Cirro Qaran News
  21. Dadka isku sidka Muuse Biixi iyo Qaranimada, waxa muhiim ah in ay ogaadaan in aanay isku sidkanayn. Muuse waa Madaxweynihii Qaranka, waa masuulkii u sarreeyey waddanka, wixii khaldama isaga leh dhaliisheeda, wixii saxna, isaga leh ammaanteeda, labaduna buugga weyn ee taariikhda ayey u gelayaan. Taasina Macnaheedu maaha in haddii Madaxweynaha la dhaliilo hoggaamintiisa iyo siyaasaddiisa In loo jeedo Qaranimada, balse hoggaanka Qaranka waa la dhaliili karaa, waana marin habaabin in qof dhaliisha kala cararaya Madaxweynaha uu u turjumo in Qarankii la dhaawacayo. Dhaliisha toosinta ahi waxbay dhistaa Waxaa qoray Saleban Saxansaxo Qaran News