-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaallamayaal ka tirsanaa Al-shabaab ayaa maanta lagu laayay duqayn ka dhacday degaanka Miiroon ee duleedka degmada Xarardheere. In ka badan dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu laayay duqaynta sida uu shaaciyay Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Tahliil Biixi. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa iska kaashaday duqeynta sida laga soo xigtay Taliyaha Ciidanka dhulka XDS. Gen. Biixi ayaa sidoo kale sheegay in gebi ahaanba degaankaas Miiroon ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug. PUNTLAND POST The post Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu laayay duqayn ka dhacday duleedka Xarardheere appeared first on Puntland Post.
-
Gudoomiyaha hayadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi. Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaarada Imaaraad-ka carabta ee magaalada Mogadishu ayey Gudoomiyaha iyo Danjiraha kaga wada hadleen dowrka dowlada imaaraad-ka ee la tacaalida arimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn dowlada iyo Shacabka imaaraad-ka kaga mahadceliyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed, asigoo si gaar ah kaga codsaday dowlada imaaraad-ka in lagala shaqeeyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xureeyay kooxaha khawaarij-ta. Safiirka Imaarad-ka Carabta ee Soomaaliya anjire Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa u balan qaaday Hayadda Maareynta Masiibooiyinka in ay sii wadi doonaan garab istaag shacabka Soomaaliyeed. Gudoomiyaha ayaa markii uu kulanka dhamaaday ku wareejiyay Danjire Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi warqad mahadnaq ah iyo hadiyad ka turjumeysa dhaqanka wanaagsan ee Shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa markii u horeysay ka hadlay dhoola-tuskii Isniintii ee magaalada Laascaanood, kadib socdaal uu magaaladaas ku tagay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC Taliye Nuux Taani ayaa sheegay in ciidamada gaadiidka watay ee galbinayay Garaadka, haddana ku sugan gudaha Laascaanood ay yihiin kuwa Somaliland, isaga oo beeniyay warar sheegaya in ciidamo hubaysani ay magaalada soo galeen. “Waxaanu halkan ka caddeynaynaa in nabad-galyada guud ee magaalada Laascaanood ay gacanta ugu jirto ciidamada qaranka, baabuurta garaadada soo dhawaynaysay, waxay ahaayeen baabuurtii ciidankanqaranka,” ayuu yiri Taliye Taani. Taliye Taani oo ka hadlayay madal ay kula sugnaayeen saraakiil sar sare oo ciidamada ka tirsan, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shirwaynaha la qorsheeyay in beelaha gobolku ay Laascaanood ku yeeshaan uu amaankiisa sugi doono ciidanka Somaliland. “Waxaa sidaa u yeelaynaa si gaadiid kale aanu gobolka usoo galin oo amniga u dhaawicin,” ayuu yiri Taani oo waxba kama jiraan ku sheegay in ay jiraan baabuur ciidan oo garaadyada tagay Laascaanood ay wataan. Sheegashada Somaliland ayaa noqoneysa mid yaab leh, maadama ciidamadaas ay qeyb ka ahaayeen munaasibad looga soo horjeeday gooni isu-taagga Somaliland, laguna muujinayay midnimada Soomaaliya. Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadyada kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland ayaa waxa Isniintii si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Garaadkan ayaa waxaa magaalada ugu dambeysay sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo gacan ku haynta Laascaanood ay la wareegtay xukuumadda Somaliland, waxayna soo dhawayntiisu noqotay middii abid ugu ballaarneyd ee ka dhacda Laascaanood, iyada oo kumanaan shacab ah oo sita calanka Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka gudaha magaalada. Isniintii ayaa waxay reer Laascaanood muujiyeen in aysan raali ka ahayn in mardambe laga maamulo Hargeysa, islamarkaana ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo. The post Somaliland oo ‘si yaab leh’ uga hadashay isbaddallada ka socda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
“Maanta waxaa biyo kama dhibcaan ah in daba-qabataynta Somaliland ay ku jirto keliya Muuse Biixi oo is casila, doorasho degdeg ahna ku dhawaaqa.” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani ayaa sidan yidhi:- “Shan Sanno oo uu Muuse Biixi xukumaayay Somaliland, waaxaa dhacay khaladaadkii siyaasadeed ee abid ugu waawaynaa iyo cadaalad daradii ugu baahsanayd. Waxa uu qaatay go’aamo dhabarka ka jabiyey wixii soddon sanno la soo dhisayay, waxaa si aan hore u dhicin loo toogtay rayid aan hubaysnayn oo Laascaanood, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo si nabadgelyo ah madaxweynaha uga codsanayey in uu shuruucda dalka dhowro, iyo in uu waajibaadkiisa qaran guto. Waxaa saldhgiyada bilayska dhexdooda loogu kala abtiriyey dhalinyaro, dembiga keliya ee loo haystaa ahaa in ay sharcidarrada diideen. Waana taas dhashay inankii yaraa ee shalay ay masuuliyiinta qaranku, xabsiyada ku dhex weydiinayeen qolada uu yahay, inuu su’aalo iska weydiiyo waxa ay tahay dawladnimadu. Shantaas sanno Madaxwayne Muuse waxaa laga baryayey in uu shuruucda dalka ixtiraamo, in aanu dadkiisa kala dhoweysan, in aanu shacabkiisa qaybin, in uu dhegeysto ergada dalka, dadka iyo isagaba lexejecladu ka hayso. Waxa uu dhegaha ka furaystay, in dheefta iyo khayraadka qaranka uu si xaqsoor ah muwaadiniintiisa ugu qaybiyo, waxa uu miciinsaday xadhig iyo cabudhin, waxa aanu badheedh u baalmaray nidaamkii doorasho ee uu kursiga ku yimid. Foolxumida cawaaqibka ka dhashay hoggaamintaas gurracani, waa taas maanta aanu dafiri karin xitaa muxaafadku. Waxaa xaqiiq noqotay in qaybsanaanta umaddu ay ka weyntahay inta indhow-garadku arkayo, waxaana ka sii xanuun badan, sida aan madaxweyne Muuse looga filayn in uu daweeyo dhibtaas uu isagu abuuray. Maanta waxaa biyo kama dhibcaan ah in daba-qabataynta Somaliland ay ku jirto keliya Muuse Biixi oo is casila, doorasho degdeg ahna ku dhawaaqa.” Qaran News
-
Gurigani waa Hoyga uu magaalada Laaacaanood ka degan yahay Garaad Cabdillaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah Garaadka Beesha uu ka soo jeedo Wasiirka Warfaafinta Xukumada Muuse Biixi Saleebaan Cali koore waxaana ka babanaya Calanka Somalia Qaran News
-
Gobollada SSC ayaa markii u horraysay si madax-bannaan loogu daray Mashruuca Barwaaqo oo ku kacaya Malaayiin doollar, kaas oo laga fulinayo dalka oo dhan. Barnaamijka Barwaaqo ayaa xoogga saaraya Mashaariicda dhanka Biyaha, Beeraha, dhaqashada Xoolaha nool iyo ilaalinta deegaanka. Waxaa sidoo kale qorshaha qoran ku jira, dhismahaha Awoodda hay’adaha dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo wax soo saarka iyo Xoolaha. Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in Mashruucaas laga hirgelin doono Gobollada SSC, sida ay shaacisay Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta DFS. Waxaa xusid mudan in Gobollada SSC markii hore loo aqoonsanaa dhul lagu muransan yahay, islamarkaana aysan heli jirin Mashaariicda Horumarinta. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaliya oo shaacisay in Mashruuca Barwaaqo laga hirgelinayo Gobollada SSC appeared first on Puntland Post.
-
The setting of The Youth of God is in Toronto, Canada, and the main message of the novel is to narrate the living condition that the Somali immigrants in Canada are going through. However, before getting further into the themes and details of the novel, it is important to provide some background information about why Somalis immigrated to Canada Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Dr Cumar Dalcat ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad oo ku saabsan Tiknoolajiyadda, ICT-da iyo Boostada, waxaana goobjoog ahaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Masar Mudane Mostafa Madbouly, sidoo kale waxaa madasha lagu saxiixay hishiishkaan joogay Safiirka Soomaaliya ee Masar Danjire Ilyaas Sheikh Cumar, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh iyo Lataliyaha Wasaaradda. Hishiishkaan waxa uu ku saabsanyahay iskaashiga labada dal in ay isweedaarsadaan Aqoonta ku saabsan tababbarada ICT-da, Isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta Kaabayaalka Dhijital-ka ah, khibradaha istaraatiijiyada iyo siyaasada amniga internetka, Iskaashiga dhinaca adeega Boostada, waayo-aragnimada ku saabsan hal-abuurka Teknoolajiyada iyo hal-abuurka ganacsiga, waxana uu socon doonaa hishiishkaan muddo shan sano ah. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan oo ka hadlay ahmiyadda hishiishka is-afgaradka ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar ayaa sheegay …..”Iyada oo la adkeenayo xiriirka soo jireenka ah ee labada wadan waxaa maanta saxiixay Hishiish iskaashi ah dhinacyada Isgaarsiinta, Boostada iyo (ICT) Ujeedada heshiiska waa in la isweydaarsado khibradaha labada dal” ayuu yiri Wasiir Jaamac. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Masar oo heshiish is-afgarad kala saxiixday appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa weli ka socdo shirweynaha dib u heshiisiinta ee Koonfur Galbeed, kaas oo u dhexeeyo maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka ku ah ee maamulkaasi. Maxamed Xuseen Xasan (Joon) oo kamid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed oo la hadlay Telefishinlka Universal ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay shirka ka socdo Baydhaba iyo natiijada illaa iyo hadda laga gaaray, maadaama wada-hadalladu galeen hal todobaad. Siyaasigan ayaa shaaca ka qaaday in wejiga koowaad ee shirka uu weli socdo, isla-markaana looga hadlayo tabashada mucaaradka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay. “Maalmahan waxaa socday wejiga koowaad ee dib u heshiisiinta oo looga hadlayey tabashooyinkii ay qabeen siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed oo ay hoggaaminayaan Midowga Musharixiinta,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah Maxamed xuseen Xasan (Joon). Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wejiga labaad oo ah mid muhiim ah la guda-geli doono todobaadka soo socdo, isla-markaana looga hadli doono arrinta doorashada. “Arrinta ku saabsan siyaasadda iyo doorashooyinka waa innoo dhiman tahay, waana ku ballan sanahay in la galo isbuuca soo socda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Joon ayaa sidoo kale xusay in waxa shirka kaliya ay noqon doonto in la jaan gooyo doorashada, si looga gudbo xiisadda kala dhalatay muddo kororsiga Lafta-gareen. “Waxaan rajeyneynaa muddo xileedka madaxweynaha sida uu u dhammaaday, isla-markaana doorasho lagu jiheyn doono gogoshaas” ayuu markale yiri. Koonfur Galbeed ayaa haatan ku jirto xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay doorashada maamulkaasi, kadib markii ay isku qabteen madaxtooyada iyo xubnaha mucaaradka ah. The post Daawo: Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Koonfur Galbeed iyo waxa xiga appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal Oo Meel Fagaara Ku Bur Buriyay Khamri Gaaraya 850 Dhalo Iyo Xashiishad Dhan 26 Duub. Waxaa madasha lagu bur burinayay goob joog ka ahaa Gudomiyaha Gobolka Nugaal Iyo Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Puntland. Taliyaha qaybta booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay Ciidamadii khamrigan tirada badan iyo Xashiishadan umadda ka soo qabtay. Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa Walidiinta ugu baaqay inay Guryahooda,Gadiidkooda iyo Caruurtooda la socdaan si waxay quudanayaan iyo saqada ay la baxayaan xalaal ugu noqoto. Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xuseen Cali ayaa shegay in Gurigii danbe ee lagu qabto Mandooriye inay dowladu la wareegayso sida Gadiidkii lagu qabtay Mandooriyahan Dowladu ula wareegtay. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Nugaal oo burburiyay in ka badan 850 dhalo oo Khamri ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha, isaga oo uu hareer taagan yahay Ergeyga Midowga Afrika ayaa ka warbixiyay howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay dalka. Daa’uud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda ay guullo waaweyn ka gaareen howlgallo ka dhacay Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Howlgalladan ayaa si gaar ah uga kala dhacay gobollada Galgaduud, Mudug, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Baay, sida uu sheegay Daa’uud Aweys. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladaas lagu dilay in ka badan 300 oo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isla-markaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda. “Isu-geynta tirada Khawaarijta laga dilay howlgalladii dhacay todobadii maalmood ee la soo dhaafay waxay gaareysaa 323 xubnood,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabooyinkan ay muujinayaan in dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ay guul weyn ka gaareen dagaalka Al-Shabaab “Taas waxay muujineysaa in ciidamada dowladda oo kaashanaya shacabka ay horumar weyn ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta,” ayuu markale raaciyay. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgalladan ciidamada huwanta ay kooxda Al-Shabaab uga soo furteen hub iyo gaadiid dagaal. Dhanka dowladda waxa uu xaqiijiyey in ay 7 askari uga dhinteen weerarkii Galcad, kaas oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii ciidanka Danab iyo 5 askari oo looga dilay weerar kale oo ka dhacay deegaanka Xawaadley kaas oo isna ku jiro sarkaal sare oo la yiraahdo Shataqey. Wasiir Daa’uud Aweys oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladu ay ka sii billowdeen Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, ayada oo laga duulayo baaqii madaxweynaha. Illaa 10 deegaan oo ka tirsan maamulladaas ayuu xaqiijiyay inay soo galeen gacanta dowladda, waxaana ka mid ah deegaanadaas Janaay Cabdalle oo ka tirsan Jubbada Hoose. The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dishay in ka badan 300 oo Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Uganda ayaa shalay oo salaasa ahayd bilowday qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal ah ee Kingfisher, sida ay sheegtay wakaaladda batroolka ee dawladda. Waxa la filayaa in marka la gaadho 2025 shidaalkii ugu horreeyay oo dhan 1.4 bilyan oo foosto laga soo saari doono ceelasha gobolka badhtamaha dalkaasi. Wakaaladda batroolka ee dawladda Uganda, ayaa mashruucani ku tilmaamtay mid taariikhi ah. Dowladda Uganda ayaa muddo ku howlanayd bilaabidda mashruucani lagu qodayo ceelasha shidaalka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo ay uga jawaabayaan weerarkii hoobiye ee shalay lagu garaacay agagaarka dhismaha Xarunta Madaxtooyada, gaar ahaan Xamarweyne iyo Warta Nabadda. Ciidamada Booliska oo kaashanaya qaar kamid ah maamullada degmooyinka ayaa bilaabay howlgallo lagu sugayo amniga degmooyinka dhaca bartamaha caasimada. Howlgalkan oo lagu magac daray qof iyo guri ayaa waxaa xalay lagu bilaabay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir oo kamid ah meelaha lagu weeraray hoobiyaha. Saraakiisha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka geysato Muqdisho. Sidoo kale waxaa howlgalka lagu soo qabtay tiro dad ah, Qamri, Xashiis iyo Calaq, sida ay shaaciyeen hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya. Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Xamarweyne, Daahir Maxamed Axmed oo goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalka laga sameeyay degmadiisa. “Waxaa sameynay howlgal loogu magac daray qof iyo guri howlgalkan wuxuu ka socon doonaa guud ahaan gobolka Banaadir, si gaar ah hadda wuxuu uga socdaa qaybta bartamaha,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Xamarweyne. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka uu yahay in la soo saaro xubnaha Al-Shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan Xamarweyne. “Waxaa la rabaa in la soo saaro cadowga ku dhex dhuumaaleysanayo bulshada ee raba inay qal-qal geliyaan amniga dalka, maanta hoobiye la soo tuuray canug yar oo 5 jir ah ayaa ku dhaawacmay muxuu haleeyay? oo gacmihii iyo lugihii ay burbureen” ayuu sii raaciyay. Muqdisho ayaa wajaheyso xaalad amni, waxaana labadii maalin ee ugu dambeeyay ka dhacay weeraro lagu beegsaday agagaarka Madaxtooyada iyo Gobolka Banaadir. The post Daawo: Dowladda oo xalay tallaabo qaaday KADIB weerarkii agagaarka Villa Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Warqado ay ku qoran yihiin xog loo calaamadeeyay inay yihiin kuwo sir ah ayaa laga helay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence toddobaadkii hore, wuxuuna markii dambe diiwaankaas sirta ah u wareejiyay FBI-da, sida uu qareenkiiisu sheegay salaasadii. Greg Jacob, oo ah qareenka Pence ayaa Keydka Qaranka ee National Archives ee lagu keydiyo siraha iyo taariikhda Mareykanka u diray warqad uu ku ogeysiinayo dukumentiyadaas 18-kii January, isaga oo sidoo kale warqad gaar ah 22-kii bishan ku ogeysiiyay kaydka in FBI-du ay u timid guriga madaxweyne ku xigeenkii hore si ay u soo qaaddo warqadahan. Soo shaac bixista warqadahan ayaa Pence ku dareysa liis ay ku jiraan Donald Trump oo uu u ahaa madaxweyne ku xigeen iyo madaxweyne Joe Biden oo iyagana guryahooda laga helay warqado sir ah. Jacob, wuxuu ku sheegay warqadda uu u diray Kenydka Qaranka in “taxaddar badan awgeed” uu Pence u shaqaaleysiiyay sharciyaqaan madaxbannaan si uu u eego diiwaannada ku kaydsan gurigiisa kadib markii lasoo sheegay agab laga helay guriga Biden. Wuxuu intaas ku daray in Pence markii uu ogaaday inay jiraan warqadahan sirta ah uu ‘ku hubiyay meel ammaankeedu sugan yahay’. Source
-
Mogadishu (HOL) - Somali Police Force apprehended a father accused of murdering his 6-year-old daughter. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa waxaa lagu cadeeyay xukunka sharciga ah ee Al-Shabaab. Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim oo kamid ah culimada Soomaaliyeed oo shirka ka hadlay ayaa ugu horeyntii waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwa ku socda “dariiq halowsan oo aan aheyn Islaamka saxda ah.” Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay tahay Khawaarij, ayna tahay in loogu yeero marka la eego dhinaca gaaleysiinta Muslimiinta, ku dhiirashada dhiigooda iyo hantidooda. “Hadda ka qiimeyno dhanka kale ee waxay sameynayaan waxa ay u eegyihiin dawaa’if kale oo kuwaas ka duwan, waxay dhaqanka aad ugu eegyihiin niman la yiraahdo Al-Xashaashiin ee Ismaacilayada ahaa ayaa dhaqanka noocaan ah lahaa in dadka masaajida lagu laayo oo waxay gaadheen in illaa Salaaxudiin Al-Ayyubi ay gurigiisa galaan oo u muujiyaan in uu ‘muhadad yahay’,” ayuu yiri. Sheekh Cismaan Usuuli ayaa sidoo kale iftiimiyay in xaq uu yahay dagaalka lagula jiro Shabaab, ayna tahay in culimada ay ka qeyb qaadato dagaalka ay ku cadeynayaan xaqa maadama kooxdan ay fikir qaldan ku duufsadeen dad dhalinyaro ah. “Laba aan u kala qaadno Shabaab, ninka qoriga qaatay ee duurka galay oo raba in uu umadda laayo kaas sharcan iyo caqlan xukunkooda waa in la iska dhiciyo cid isweydiineysa malaha, dowladda ka masuul ah o ayada qori u qaatay Allaha kheyr ha siiyo ciidamada waa kuwa furinta ku jira, Ilaahay ha ku garab-galo dowladda,” ayuu yiri. “Waxa jira kuwa aan dagaalka ku jirin oo fikir ahaan iska aaminsan oo meel kasta jooga kuwaas anaga ayay masuuliyadooda na-saaran tahay. Qolooyinka afkartaas wata ee mugdiga kula jira, anaga in aan Ilaahay ugu dhawaano weeyi, masuuliyadaas waa la isweydiinaya.” Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen culimo gudaha dalka iyo dibadda isaga kala timid ayaa waxa uu ku saabsan yahay doorka culimada ee la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab, inta uu socdana waxay dood ka yeelan doonaan saddex qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Sixida fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka Sharciyad siinta dowladda: Xukunka Islaamka iyo dowladnimada casriga ah iyo Dhisidda Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa. Si kastaba, shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa wuxuu muhiim u yahay jiheynta dalka, ayada oo culimadu kasoo saari doonto bayaan guud oo ku socda madaxda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo shacabka. The post Daawo: Culimada ku shirsan Xamar oo caddeeyay xukunka sharciga ah ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Rep. Victoria Spartz (R-Ind.) said she will not support Speaker Kevin McCarthy’s (Calif.) effort to deny Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) a seat on the House Foreign Affairs Committee, making matters more difficult for the GOP leader as he looks to follow through on his pledge to not seat the congresswoman on the panel. Source: Hiiraan Online
-
Furin Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo dagaal xoogan uga socdo gobolada dalka ayaa waxaa soo baxeysa in weli kooxda ay madaxa ciidda ka ceshaneyso ayada oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka, islamarkaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. Arrinta halista ah ee laga soo warinayo furimaha dagaalka ayaa ah in ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas ay rasaasta ku bedashaan ama ku iibsadaan qaadka, oo isagu ah dhibaato horleh oo wiiqi kara haddii aan wax laga qaban guulaha laga gaaray Shabaab. Ganacsatada Qaadka geysa deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada huwanta ayaa lasoo sheegaya in ciidamada ay qaadka kaga iibiyaan rasaasta, waxaana rasaasta qaadka looga badasho ciidamada dib looga sii iibiya kooxda dagaalka lagula jiro ee Al-Shabaab. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga ayaa sidoo kale xaqiijiyay jiritaanka arrintaan, isaga oo sheegay in arrintan ay timid maadama aysan lacag haysan ciidamada ku sugan furinta si ay ugu iibsadaan qaadka oo ay kusoo jeedaan habeenkii oo dhan, sida uu sheegay. “Jaadlayaasha markay geeyaan meesha waa la qarinayaa waa sheegayna oo madaxdana waa u sheegayna waxaa la leeyahay rubuca jaadka waa 5 xabadood rasaas ah shan nin oo cadow ah ayaa ku dili laheyd, qeybta jaadka waa marduuf badhkeed waa 10 xabadood, marduufka waa 20 xabadood,” ayuu yiri. “Marka ciidanka, guutada dhan ee meesha degan ay jaadkaas muddo ku socdaan maalinta dambe rasaastaas kuligeed Shabaab ayay gaareysa oo laga gadaya, markaas adiga ayaa berri subax lagugu soo weeraraya.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Marka ay is ogaadaan in midkiiba shan xabo ama toban xabo uu haysto qiyaastii, inta aad ka gaarin sanaaduuqdii rasaasta in la furo ayaad arkaysaa iyaga oo dhuunta kasoo galay.” Arrintaan ayaa halis ku ah qorshaha dagaalka socda oo ah in muddo kooban lagu wiiqo kooxda Al-Shabaab, ayna tahay in si degdeg ah wax uga qabato dowladda federaalka oo dagaalkan ku hogaamineysa dalka, sida ay qabaan dadka ka faaloonaya dagaalka. The post Xog: Halis aad u wiiqi karta qorshaha DF Soomaaliya oo ka taagan furimaha dagaalka appeared first on Caasimada Online.
