Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Kursigii uu baneeyay Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa la filayaa in doorashadiisu dhacdo 1-da bisha Febraayo, taasi oo ka qabsoomi doonto Dhuusamareeb, sida uu shalay shaaciyay guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka banaan BF. Kursigan oo tirsiigu yahay HOP#147 ayaa waxa loo xirayaa musharax uu wato Mahad Salaad, oo lagu magacaaba Ilyaas Sheekh Axmed, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Musharax Ilyaas ayaa waxa uu hore u ahaa madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug. Musharaxan ayaa la sheegaya in uu taageero buuxda uu ka haysto jufada kursiga leh iyo xildhibaankii hore u baneeyay Mahad Maxamed Salaad. Doorashada kursigaan ee loo balansan yahay 1-da Febraayo ayaa ah mid nidaam ahaan uun loo marayo, mar haddii lasii og-yahay natiijadeeda iyo musharaxa kusoo baxaya. Ilyaas oo saaxiib dhow la ah agaasimaha NISA Mahad Salaad horana ula soo shaqeeyay ayaa waxaa la filayaa inuu kursigan tartan la’aan ku qaato. Kursigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. Tan iyo markii la magacaabay guddigan ayaa waxaa soo baxayay eedeymo la xiriira in uu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu xasuusta in muddadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood, haddii ay arrintaan dhacdana waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweynaha. The post Xog: Kursigii uu baneeyay Mahad Salaad oo doorasho la’aan lagu kala baxayo (Xog) appeared first on Caasimada Online.
  2. Sarkaal Maraykan ah ayaa laga soo xigtay in uu rumaysan yahay in Israa’iil ay ka dambaysay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo habeen hore lagu qaaday warshad milateri oo ku taalla gudaha dalka Iran. Wargeyska caanka ah ee Wall Street Journal oo soo xiganaya ilo aanu magcaabin oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa markii ugu horraysay bidhaamiyey in Israa’iil ay ku lug lahayd weerarkaas. Dowladda Iran ayaa sheegtay in ay ka hortagtay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo duqaymo ka geystey meel u dhow magaalada Isfahan ee ku taalla bartamaha dalkaasi, waxayna sheegtay in aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas. Tehran, si rasmi ah cid uguma eedayn weerarkaas, hase ahaatee wasiirka arrimaha debedda ayaa ku tilmaamay weerar fulaynimo ah oo looga dan leeyahay in amni darro looga abuuro Iran. Source
  3. Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) on Sunday said some Republicans are “OK with Islamophobia” in response to questions about efforts by Speaker Kevin McCarthy (R-Calif.) to block her from continuing to sit on the House Foreign Affairs Committee. Source: Hiiraan Online
  4. Sarkaal Maraykan ah ayaa laga soo xigtay in uu rumaysan yahay in Israa’iil ay ka dambaysay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo habeen hore lagu qaaday warshad milateri oo ku taalla gudaha dalka Iran. Wargeyska caanka ah ee Wall Street Journal oo soo xiganaya ilo aanu magcaabin oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa markii ugu horraysay bidhaamiyey in Israa’iil ay ku lug lahayd weerarkaas. Dowladda Iran ayaa sheegtay in ay ka hortagtay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo duqaymo ka geystey meel u dhow magaalada Isfahan ee ku taalla bartamaha dalkaasi, waxayna sheegtay in aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas. Tehran, si rasmi ah cid uguma eedayn weerarkaas, hase ahaatee wasiirka arrimaha debedda ayaa ku tilmaamay weerar fulaynimo ah oo looga dan leeyahay in amni darro looga abuuro Iran. PUNTLAND POST The post Israa’iil uu weerar ka fulisay gudaha dalka Iraan appeared first on Puntland Post.
  5. The Somali government announced Sunday that 136 militiamen of the jihadist organization Al Shabaab have been killed during the last two days of military operations in the country, as part of the "total war" declared by President Hassan Shaykh Mohamud against the terrorist group. Source: Hiiraan Online
  6. The Dadaab refugee camp in Kenya — Africa's biggest refugee camp — is about to get even bigger. Kenya has approved more land for the crowded camp to help relieve congestion. The expansion comes as thousands of Somali refugees fleeing record drought and hunger arrive in Dadaab in search of relief. Juma Majanga reports from Dadaab refugee camp in Kenya. Source: Hiiraan Online
  7. Hadal isagaa iska badane qaado warka Gudoomiye Cabdirazaaq Khaliif wixii kale iska daadi. Halka aakhirka la isugu imaan doonaa waa sida uu sheegay balse ma dhib yara sida dhinaca xukuumadda loogu kalsoonaan karo waayo been iyo balanqaad hore ayaa looga soo daalay. Runtuna waa qadhaadhahay in Muuse uu liqi karo iyo in kale la arki doonaa. Wax aan xaqiiqada ahayniba xal run ah ma noqon karo. Muusena waa Muuse. Qaran News
  8. MOGADISHU, Somalia (AP) — The first U.S. Cabinet member to visit Somalia since 2015 urged the world’s distracted donors Sunday to give immediate help to a country facing deadly famine, which she calls “the ultimate failure of the international community.” Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaal toos ah oo cirka iyo dhulka ah ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab oo sanado badan aan la kulmin iska caabin sidaan u abaabulan. Dagaalka ayaa horseeday guulo waa weyn, sida in lagala wareegay magaalooyin badan iyo degmooyin ay ka talinayeen 15 sano. Waxaa sidoo kale dagaalka lagu qaaday Shabaab qeyb ka ah in lagala dagaalamay dhanka maaliyadda, islamarkaana la xayiray 250 akoon oo ay ku leeyihiin bankiyo ku yaalla Soomaaliya, kuwaaa oo dadka ganacsatada xoolahooda inta si sharci darro ah ugu qaadaan kadibna ay ku gumaadi jireen. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in lasoo bandhigi doono malaayiin dollar oo Al-Shabaab ugu xaraysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay arrintaan inay qeyb ka tahay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab oo uu sheegay inuu yahay mid ficil ah. “Dowladdu mar dhow way soo bandhigi doontaa xisaabaad badan oo Al-Shabaab Banliyada loogu ururin jiray kuwaas oo la xiray. Taleefoono badan oo lacagaha la isugu xawili jirayna waa la xiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuuud mar uu shacabka kula hadlayay Garoonka Eng Yariisow. Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa isna sheegay in hadda wadashaqeyn fiican ay kala dhaxeyso ganacsatada iyo dowladda, islamarkaana lala socdo oo ganacsatada ay soo gudbiyaan Bankiyada Al-Shabaab ay ku amraan in lacagta la dhigo iyo akoonada ay leeyihiiin Khawaarijta. Waxa uu Ra’isul Wasaaraha sheegay in ganacsatada loo celin doono lacagtooda, gaar ahaan kuwa soo sheegaya marka ay A-Shabaab soo wacaan islamarkaana lagu amro in akoon ay ku shubaan. “Lacagaha la xiray waa la baarayaa, Taleefoono ayaa loo qeybiyay shacabka Soomaaliyeed, markey Shabaab soo wacaan waxey ku leeyihiin lacagtaas dir meeshaas dhig, dowladda ayuu qofka soo wacayaa wuxuu leeyahay sidaas ayaa la yiri meeshaas ayaana dhigayaa akoonkaas ayaan ku shubayaa, sababtoo ah dadkii hadda dowladda waa aamineyn waxaana la leeyahay meesha dhig lacagtaadana waa laguu soo celinaa, sidaas ayaana lagu xiraa akoonada Khawaarijta” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamse Ra’iisul Wasaaraha, oo ka hadlaya sida lacagahaas laga yeeli doono, ayaa sheegay in la baari doono lacagaha iyadoo dadkii usoo sheegay dowladdana lacagahooda lasiin doono, waxaana uu xusay in lacagaha kalena ilaa amar dambe iney meeshooda ku jiri doonaan. Al-Shabaab ayey u muuqatay inay si weyn u saameeysay xayiraadda dowladdu ku sameysay dhaqaalaha u yaala bankiyada, waxaana afayeenkooda uu eedeyn u jeediyay bankiyada in aysan ilaalin karin lacagaha ammaanada ku ah, taas oo u muuqata cabsi gelin iyo iska hor keenid shacabka iyo Bankiyada dalka ah. W/Q: Ahmed Abdirisaq Loyalyare12@gmail.com Geneva- Switzerland The post Sidee dowlada ka yeeleysaa malaayiinta dollar ee laga xayiray kooxda Al-Shabaab? appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweyne Cabdiraxman Tuur ayaa suurta geliyey inay dhamaan beelaha dega Somaliland oo ay ku jiraan Sool clan wada samaystaan nidaam ay heshiis ku yihiin Madaxweyne Cigaal ayaa sababay in magaalada Laascaanood ka baxdo gacanta Somaliland Dhulbahantana ka dareeriyay Dalka Madaxweyne Rayaale ayaa sababay inay dib ugu soo Laabato Laascaanood nidaamka Somaliland Madaxweyne Siilaanyo ayaa Markale sababay in lala heshiiyo jabhadihii Sool clan Sidoo kalena deegaano cusubi ay ka mid noqdaan Somaliland Ugu danbayn Muuse Biixi ayaa markan burburiyay wada noolaan shihii Nabada ku dhisnaa ee Somaliland beelaheedu kuwada naaloon jireen Laascaanood na gaadhsiiyey Halka ay maanta joogto. Maxay kula tahay? Bushaaro Baanday Qaran News
  11. Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa Axaddii sheegtay in weerar loo adeegsaday diyaarad drone ah lala beegsaday xarun ay leedahay wasaaradda difaaca, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka taagan barnaamijka Nukiliyeerka. Nidaamka lidka diyaaradaha ayaa burburiyey hal drone, halka laba kale ay qarxeen, ayey tiri wasaaradda difaaca, waxayna intaas ku dartay in wax khasaare ah uusan ka dhalan weerarka oo ka dhacay gobolka bartamaha ku yaalla ee Isfahan. Holac xooggan ayaa hawada qabsaday sida ay ay muujiyeen muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada, iyo warbaahinta dowladda, ayada oo la arkyey dad kala cararaya iyo gawaarida gurmadka deg degga ah. “Weerar aan guuleysan ayaa lagu soo qaaday dhisme ay leedahay wasaaradda difaaca,” ayey tiri wasaaradda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee IRNA. Mas’uuliyiinta ma aysan sharxin dhaq-dhaqaaqyada ka socday goobta, hase yeeshee IRNA ayaa sheegtay in weerarka uu beegsaday “warshad soo saarta rasaasta.” Mohammad-Hassan Assafari, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Iran, ayaa wakaaladda wararka Mehr u sheegay in “cadowga iyo mucaaradka” Iran ay doonayeen inay weerar “ku arbushaan awoodda difaaca,” Iran. Weerarka drone-ka ayaa imanaya xilli xaalad kacsan ay ka jirto Iran, oo ay ruxeen dibadbaxyo ka dhashay gabar Kurdish-Iranian ah Mahsa Amni, oo bishii September ku dhimatay gacanta booliska, iyo is-mari waaga ka taagan barnaamijkeeda Nukliyeerka oo aan xal laga gaarin. Iran ayaa sidoo kale waxay dalalka Reer Galbeedka kala kulantay eedeyn ah inay diyaarado drone ah oo hubeysan u qeybineyso Ruushka si uu ugu isticmaalo dagaalka Ukraine, eedeyntaas oo Tehran ay beenisay. Iran ayaa sanado badan waxay dagaal dadban kula jirtaa Israel, oo lagu eedeeyey weeraro curyaamin ah iyo dilal qorsheysay oo lala beegsaday barnaamijka Nukliyeerka Iran. Iran ayaa waxay gobolka Isfahan ee weerarka uu ka dhacay ku leedahay xarumo dhowr ah oo lagu sameeyo daraasaadka Nukliyeerka oo ay ku jirto xarun lagu beddelo uranium-ka. The post Diyaarado DRONE ah oo weeraray xarun ay leedahay wasaaradda difaaca IRAN appeared first on Caasimada Online.
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa markii u horeysay shaaciyay in ciidamada Eritrea ay weli ku sugan yihiin Itoobiya, inkasta oo ay dib uga laabteen xuduudda. Arrintan ayaa waxay beenineysa hadalkii mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ee ahaa in ciidanka Eritrea ay mar hore ka baxeen dhulka Itoobiya. Ciidamada Eritrea ayaa ka barbar dagaallamayey ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad isbaheysi ah oo labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal ku dhex maray dowladda Itoobiya iyo xoogagga goolka Tigreega ee TPLF. Bishii November, si kastaba ha ahaatee, dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo colaadda, waxaana heshiiskaasi uu amrayay in dhammaan ciidamada shisheeye laga saaro gobolka Tigray. “Arrinta Eritrea, waxaan fahamsanahay inay ku noqdeen xuduudda, lagana codsaday inay ka baxaan,” ayay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ku sheegtay shir jaraa’id mar ay booqasho ku joogtay caasimadda Kenya ee Nairobi. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo Sabtidii warbixin siinayay saraakiisha ajnabiga ah ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo ka socda Eritrea oo ku sugan Itoobiya. “Ma jiro ciidan kale oo ka hawlgala gobolka Tigray marka laga reebo ciidamada difaaca Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.,” ayuu yiri Major General Teshome Gemechu. Afhayeenka ciidamada Tigreega Getachew Reda ayaa isna meesha ka saaray sheegashada dowladda Itoobiya ee ah in ciidamada Eritrea ay ka baxeen Tigray, wuxuuna sheegay in “kumannaan” ka mid ah ay weli halkaas ku sugan yihiin. The post Mareykanka oo shaaciyay in ciidamada Eritrea aysan weli ka bixin gobolka Tigray appeared first on Caasimada Online.
  13. Mogadishu (Caasimada Online) – A Russian helicopter belonging to UTair that was participating in UN humanitarian operations in Somalia was attacked at the Aden Adde International Airport in Mogadishu, according to a statement issued by the Russian Embassy in Djibouti, which is also responsible for Somalia. The incident occurred on January 23, according to the Embassy, but it was only made public on Sunday. The Embassy said the helicopter was “insignificantly damaged” and that there were no casualties due to the incident. “The Russian helicopter of UTair-Helicopter services, participating in the air transport support of the UN humanitarian mission in Somalia, was shelled in the international airport of Mogadishu. The helicopter was insignificantly damaged,” the Embassy said in a statement. “There are no casualties as a result of the incident, and the Russian pilots continue to work as normal,” the Embassy added. The Embassy further added that the Al-Shabab group, the notorious extremist organization, was responsible for the attack and that an investigation was currently underway. Al-Shabab has not yet issued a statement about the attack. There is no known incident or attack on the Aden Adde airport in Mogadishu on January 23. However, the Federal government may have covered it up. The attack on the Russian helicopter comes amidst a series of recent violent incidents in Somalia, including mortar attacks by Al-Shabab on January 24 in neighborhoods near the Presidential Palace in Mogadishu. Seven mortar shells fell in the vicinity of the Presidential Palace, the SYL monument, the Ministry of Information, and a primary school in Hamar Weyne district, injuring two students and a street vendor. On January 22nd, Al-Shabab also launched a deadly attack on the headquarters of the Banadir Regional Administration, killing at least six people and injuring several others. The attack began with a suicide bomb that caused a massive blast that destroyed a building near the office complex, followed by gunfire and a four-hour siege. Despite the recent progress made by the Somali National Army and local clan militias in reclaiming territory in the center of the country, with the support of US air strikes and an African Union force, Al-Shabab continues to retaliate and strike with deadly force against civilians and military targets. The post Russian helicopter fired upon at Mogadishu Airport appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad Helicopter ah oo Ruushka uu leeyahay ayaa lagu weeraray garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa sidaas sheegtay safaaradda Ruushka ee Jabuuti, oo sidoo kale qaabilsan Soomaaliya. Weerarkan ayaa dhacay 23-kii Janaayo, sida ay sheegtay fasaaradda, balse waxaa shaaca laga qaaday kaliya Axaddii. Diyaaraddan ayaa waxaa leh shirkadda UTair ee Ruushka, waxayna ka qeyb-qaadaneysay howlgalka bani’aadannimo ee QM ay ka waddo Soomaaliya, sida ay sheegtay safaaradda Axaddii. “Diyaarad Helicopter oo laga leeyahay Ruushka oo ka qeybqaadaneysay taageeridda gaadiidka cirka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu duqeeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, diyaaradda ayaa waxaa soo gaaray burbur aan badneyn,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda “Ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay shilkan, duuliyayaasha Ruushkuna waxay si caadi ah u sii wateen shaqadooda,” ayay tiri safaaradda. Safaaradda ayaa intaas ku dartay in kooxda Al-Shabaab ay ka dambeysay weerarka, islamarkaana iminka uu socdo baaritaan ku aadan dhacdadan. Kooxda Al-Shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin weerarka. Ma jirto dhacdo ama weerar la ogyahay oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho 23-kii Janaayo, inkasta oo suurta-gal ay tahay in dowladda federaalka ay qarisay. Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerar hoobiye oo 24-kii Janaayo ay Al-Shabaab ku qaady xaafado ku dhow madaxtooyada qaranka. Sidoo kale, 22-kii Janaayo, oo ah maalin kahor maalinta ay safaaradda sheegtay, Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xarunta gobolka Banaadir. The post Diyaarad Ruushku leeyahay ‘oo lagu weeraray’ garoonka diyaaradaha Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa shalay sii daayay farriin muuqaal ah oo ugu hanjabayo bangiyada Soomaaliyeed oo sidoo kale iskaga hor keenayo bangiyada iyo dadka aya lacaguhu u yaallan. Sida ay dad badan la socdaan Al-Shabaab waxaa lagu qaaday dagaal dhaqaale oo aanay noociisa hore ula kulmin, waxa laga soo xiray lacagihii ay dekadda ka heli jireen. Waxa kale oo dowladda xayirtay lacago ugu jiray akoono ay ku lahaayeen qaar kamid ah bangiyada dalka. Cali Dheere ayaa dhibaatada dhaqaale ee kooxda soo foodsaartay wuxuu ka dhigay mawduuc gaar ah isaga oo ka hadlayay 12 daqiiqo. Wuxuu yiri lagama yeelayo bangiyada inay yiraahdan waxaa raacnay shuruucda caalamiga ah ee wareega lacagaha caalamiga ah. Isaga oo farriintiisa shacbiyaynaya Cali Dheere wuxuu yiri bangiyada lagama akhrisanayo inay shacabka ku yiraahdaan lacagihiina waa la xayiray, shacab laga xayiray lacag ay lahaayeen majiraan ee maadama lacagihii Shabaab la xayiray wuxuu Cali Dheere farriintiisa ka dhigay mid shacabkana saameysay. Hanjabaad ayuu u badna hadalka Cali Dheere, la idinkama yeelayo lacagihii waa la xayiray ayuu ku celceliyay afhayeenka Al-Shabaab. Qeyb hadalkiisa kamid ah wuxuu isku dayay inuu iska horkeeno bangiyada iyo dadka ay lacagaha u yaalan. Wuxuu yiri lacago ma haysataan ee lambaro ayaa haysatan lacagihiina halis ayaa kusoo wajahan ee isku badnaada. Nuxurka farriinta Cali Dheere waxay ahayd xaqiijinta in lacagahooda la xayiray iyo inuu bangiyada ugu hanjabo inay tallaabo ka qaadi doonaan haddii aan lacagahooda la fasixin. Haddaba, Maxaa la gudboon bangiyada Soomaaliyeed? Dalka wuxuu leeyahay dowlad, dhulka ay bankiyada degan yihiin waxa maamusha dowladda federaalka ee Soomaaliya. Bangiyada waxay ku shaqeynayaan ama ku qasban yihiin inay raacaan shuruucda caalamiga ah ee wareega lacagaha iyo hubinta maaliyadda. Ma-jiro bangi awooda in uu jabiyo shuruucda caalamiga ah ee bangiyada kadibna uu la shaqeysto koox argagixiso ah. Sharciyo adag ayay aduunyadu kasoo saartay in lacago loo kala gudbiyo kooxaha argagixisada, sidaas darteed Bangiyada Soomaaliya ku yaalla waxay ku qasban yihiin inay intaas ka badan aqbalin in hantidooda lagu laayo umadda Soomaaliyeed iyo in argagixisada akoono ku yeelato lacagna ku keydsato. Dalka waxa ka socda dagaal shacbi ah, kaasi oo ku dhaw in uu soo afjaro kooxaha argagixisada, waxaana ganacsatada la gudboon inay xaqa garab siiyaan. Dowladda iyo shacabka waxa hortaalla inay isha ku hayaan bangiyada raaca amarada kooxda ee fasaxa lacagaha xayiran ama u sameeya akoono cusub. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wuxuu hadalka Cali Dheere u cadeynayaa xaaladda dhaqaale ee kooxda ku sugan tahay iyo sida u shaqeeyay dagaalkeedii dhaqaaluhu. Balse dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa laga raba sida ay u xoojin lahayd dagaalkeeda dhaqaalaha, dhinaca kalana u ilaalin laheyd hantida umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bangiyada oo ay kooxdu u muuqato in culeys soo saareyso xilligaan. The post Arrimaha la gudboon Bankiyada Soomaaliyeed kadib hanjabaadii Cali Dheere appeared first on Caasimada Online.
  16. Today in Somalia, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, U.S. Representative to the United Nations, announced that the United States, through the U.S. Agency for International Development, will provide more than 41 million dollars in funding to save lives and meet humanitarian needs in Somalia. Source: Hiiraan Online
  17. Today in Somalia, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, U.S. Representative to the United Nations, announced that the United States, through the U.S. Agency for International Development, will provide more than 41 million dollars in funding to save lives and meet humanitarian needs in Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (Caasimada Online) – Ambassador Linda Thomas-Greenfield announced today that the United States, through the U.S. Agency for International Development (USAID), is providing more than $41 million in new, urgently needed assistance for the people of Somalia. The announcement was made during an unexpected visit by Ambassador Linda Thomas-Greenfield to the Somali capital of Mogadishu, where she held a meeting with President Hassan Sheikh Mohamud. During the meeting, Mr. Mohamud shared with Ambassador Thomas-Greenfield the recent successes of the Somali military in their efforts to counter terrorist groups and liberate areas under their control. He also praised the United States for its contributions to the fight against Al-Shabab, recognizing its ongoing threat to the region. The President also highlighted the challenges faced by Somalia’s military rebuild and counter-terrorism efforts due to arms sanctions and requested support from the United States in lifting these sanctions. Ambassador Thomas-Greenfield announced that the United States would provide over $41 million in additional aid to address the humanitarian needs and save lives in Somalia. She acknowledged the dire humanitarian situation in Somalia resulting from climate change, COVID-19, and conflicts, including Al-Shabaab. She stressed the importance of the international community’s efforts to prevent further starvation. The Ambassador praised the President, government, and people of Somalia for their efforts in fighting against Al-Shabab and liberating areas and presented how the United States will assist in providing basic needs and services to those affected by terrorism. The prolonged drought’s impacts resulted in an overwhelming number of hunger-related deaths and extreme levels of human suffering, and famine remains a significant threat in parts of the country. Today’s new funding bolsters U.S. famine prevention efforts with a focus on addressing extreme food gaps, treating severe malnutrition in women and children, and combating the current outbreak of deadly diseases like measles and cholera. This new assistance comes as the drought intensifies following a fifth failed rainy season, putting people at risk of further devastation and despair. Today’s announcement of more than $41 million will meet urgent needs for nearly 860,000 people across Somalia and enhance humanitarian coordination critical for the response. Today’s commitment also builds on $411 million in USAID assistance delivered in December, bringing the U.S. government’s contribution to more than $1.3 billion since the start of Fiscal Year 2022. The post US announces additional $41 million in aid to Somalia appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)- Koox hubeysan ayaa caawa weerar ku qaaday saldhigga booliska degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Ilo dhanka ammaanka ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in kooxdaas ay weerarka ku bilowday jug culus oo loo maleynayo inuu ahaa qoriga nooca loo yaqaano Sebenka. Jugta culus ee la maqlay kadib waxaa bilowday rasaas culus oo dhexmartay askartii saldhigga joogtay iyo kooxdii weerarka soo qaaday. Rasaas ayaa mudo socotay ilaa hadana lama garanayo cidda weerartay saldhigga booliska ee degmada Howlwadaag. Kooxda Al-shabaab ayaa loo maleynayaa inay fulisay weerarkaan, waxaana kacsan xaaladda aagga uu ku yaallo saldhigga Howlwadaag. Booliska Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama soo saarin weerarkaan, hadii uu jiro khasaare ka dhashay iyo cidda geysatay toona. Kooxda Al-shabaab oo cunaqabateyn adag iyo dagaal toos ah kala kulmeysa dowladda Soomaaliya ayaa hadana weerarro ka geysata gudaha caasimadda Muqdisho, waxayna dowladu la tacaaleysaa xal u helidda amni darradaan. The post Koox hubeysan oo caawa weerar toos ah ka geystay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada lagu soo tababaray dalka Eritrea ee ku xareysan xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray gadood. Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo ciidamada laga keenay Eritrea ayaa waxay ka cabanayaan noloshooda, xuquuq ka maqan iyo in si xun loola dhaqmay. Madaxweynaha oo dadaal badan ku bixiyay soo celinta ciidankan ayaa waxa uu markii saddexaad shalay tegay xerada ay ku jiraan, isaga oo isku dayay in askarta qanciyo, dibna ugu soo celiyo xerada qaar ka baxay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ciidamada u sheegay inay xaalada dejiyaan, islamarkaana loo fulin doono ballan-qaadka inay heli doonaan xuquuqdooda, mushaarka iyo daryeelka kale ay doonayaan, sida ay ogaatay Caasimada Online. Habeen hore unbay ahayd markii uu madaxweyne Xasan la kulmay guddiga waalidiinta ciidankan, isagoo kala hadlay soo laabashada ciidanka maqan iyo fulinta balan-qaadkiisi ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda. Waalidka uu la kulmay madaxweynaha ayaa dhankooda uga mahad-celiyay mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdega ah ee uu u fuliyay balan-qaadkiisii. Guddigaan ayaa madaxweynaha u sheegay inay ka dawoobeen tabashadii iyo wal-walkii ay qabeen, waxayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab. Kumanaan kamid ah ciidankii tababarka ku soo qaatay ayaa la keenay dalka, halka tiro kalena ay weli ku maqan yihiin dalka Eritrea, kuwaasi oo uu madaxweynuhu u sheegay waalidiinta in weli uu tababar u socdo. The post Xaalad cusub oo ka taagan ciidamada laga keenay Eritrea iyo Xasan Sheekh oo… appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ergeyga dalka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda-Greenfield Thomas. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Linda guulaha ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo xoreynta deegaannada. Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey dalka Mareykanku gacanta weyn ee ay ka geysanayaan la-dagaalanka argagixisada Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay khatarka argagixisadu ay ku hayaan gobolka. Xasan ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cuna-qabetynta hubka ee saaran Soomaaliya dib-udhiska ciidamada iyo dadejinta dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyay Danjire Linda Thomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas. Ergayga Mareykanka u fadhida QM ayuu sidoo kale wuxuu madaxweynaha ka dalbaday in ay qeyb ka noqdaan ololaha Soomaaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa dhankeeda ku bogaadisay madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen la-dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo deegaannada laga xoreeyey ee muddada ay curyaamiyeen. Waxay soo bandhigtay sida ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u u baahan yihiin dadka laga xoreeyey argagixisada. The post Sawirro: Safiirka QM oo booqasho lama filaan ah ku timid Muqdisho – Maxay kala hadashay Xasan Sheekh? appeared first on Caasimada Online.
  22. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay caasimadda Muqdisho Ergeyga dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda-Greenfield Thomas. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay Danjire Linda guulaha ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen furimaha dagaalka argagixisada iyo xoreynta deegaannada, uuna ku bogaadiyey dalka Maraykanka gacanta ay ka geysanayaan dagaalkaas. Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in Madaxweyne Xasan uu xusay caqabadda ay ku hayso cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya dib u dhiska ciidamada iyo dadejinta dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey Danjire LindaThomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Dhankeeda, Safiirka Qaramada Midoobay u fadhida dalka Maraykanka Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa la xusay in ay ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab iyo deegaannada laga xoreeyey ee muddada ay curyaamiyeen, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga qeyb qaadanyaan gurmadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin dadka laga xoreeyey argagixisada. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-shabaab iyo cunaqabetynta hubka appeared first on Puntland Post.
  23. Ciidamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa hawlgal qorshayssn ku dilay 136 tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan saddex hoggaamiye sida uu shaaciyay wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Caddaala. Al-Caddaala ayaa sheegay in hawlgalka oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha hoose sidoo kale lagu dhaawacay 98 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab. Ciidamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ayuu sheegay in qu howlgalkan ka sameeyeen degaanno u dhow degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. Al-Caddaala ayaa sheegay in sidoo kale maleeshiyada Al-shabaab laga burburuiyay keyd hub iyo gaadiid dagaal oo ay weerarro ku fulin rabeen. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka 136 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  24. Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali government announced that a recent military operation in the Lower Shabelle region, near the capital city of Mogadishu, resulted in the deaths of 136 members of the Al-Shabaab militant organization. During a press conference held in the capital, the Deputy Minister of Information, Abdirahman Yusuf Al-Adala, stated that 90 other members of the group were also wounded in the operation. According to the minister, the operation took place in a vast jungle area between Tawakal and Garasjered, 12km west of Janale district in the Lower Shabelle region, close to the capital city of Mogadishu. “The operation occurred in an area where the Kharijites had named Warta-Beder; the Kharijites had amassed a group of fighters numbering several hundred at that location, with the intent of launching attacks against the Somali people,” said the minister. Among the Al-Shabaab members killed in the operation were high-ranking leaders, including Salman Dhere, responsible for the group’s coastal operations, and Moallim Salahey, who was in charge of attacks on the towns of Awdhegle, Qoryolay, and Janale. Moallim Hashi, a leader in charge of the group’s operations in the Lower Shabelle region, was also reported to have been killed. The operation also resulted in the destruction of a significant weapons cache and vehicles used by Al-Shabab, including war vehicles and equipment for explosive devices. However, there is currently no independent confirmation of the claims made by the government. This comes just days after the Information Minister, Daud Aweis, announced that the national army (SNA), with support from local militias, had killed 323 members of the terrorist organization Al-Shabaab over the course of seven days. Aweis also reported that the SNA had successfully captured the areas of Eldher, Haradhere, and Galcad in Galmudug state, which had been under the control of Al-Shabaab for over 15 years. A security analyst in Mogadishu emphasized the significance of these recent developments, stating, “The recent operations by the army, as well as the liberation of Haradhere, a coastal and strategic town, are significant defeats for the terrorist organization.” Some officials have suggested that the terrorist organization Al-Shabab is nearing its demise. However, experts have cautioned that the group has a history of regrouping and reclaiming areas after being pushed out of major towns by the army. They have warned that the military may be unable to maintain control of these areas long term. Omar Mahmood, a senior analyst at the International Crisis Group for East Africa, said that “the true test for the efforts against Al-Shabab is not in the initial offensive phase, but rather in maintaining control and stability in the aftermath.” He also noted that the group is currently under pressure but warned that they tend to adopt a long-term strategy. In light of these ongoing challenges, some experts have suggested that the government replicate its cooperation with clan-based militias across the country. Hassan Mohamed, a former military officer, stated, “Al-Shabaab would be extinct if the government and clans were launching simultaneous attacks across the entire country.” The post Somalia says 136 Al-Shabab members killed in operation appeared first on Caasimada Online.