Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - A Somali military court sentenced Fartun Abdirashid Hussein, the wife of Somalia's ISIS-Somalia leader, Abdulkadir Mumin, to eight years in military prison on Monday. Source: Hiiraan Online
  2. Guddiga doorashada kuraasta ka dhiman baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay odayaasha xulista ergada kursiga HOP#147. Doorashada kursigaan ayaa lagu wadaa in 1-da bisha february ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb, waxaana kursigaan u taagan musharixiin dooneysa in ay ku guulaysato. Kursigaan ayaa waxaa baarlamaanka 11-aad loo soo doortay Mahad mAXAME Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka, ahna haatan xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta hadal buuq badan dhaliyay ka dhex sheegay kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo la xiriira arrinta madax bannaanida ee Somaliland. Mahdi Guuleed oo ka hadlay dooda ku aadan hindise sharciyeedka hay’adda NISA ayaa soo hadal qaaday sida uu sharcigaan uga hir-geli karo dalka, ulana jaan qaadi karo waddamada dariska ah, isaga oo dalalkaas ka tilmaamay Somaliland oo uu ku sheegay inay tahay dal daris la ah Soomaaliya. “Haddaba is barbar dhig baanu sameynay oo aanu la eegnay shuruucda kale iyo weliba Geeska Afrika iyo Somaliland qudheeda, ninbaa oran jiray Somaliland waxay kamid tahay waddamada dariska ah” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dowladda dhexe. Intaas kuma ekaan, wuxuuna Mahdi Guuleed u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax bannaan, isaga oo sheegay inay ku jirto wadamada dariska la ah Soomaaliya. “Marka waddamada dariska ah waan wada eegnay Somaliland-na ay ku jirto,” ayuu markale yiri xildhibaan Mahdi Guuleed oo deegaan ahaan kasoo jeeda Hargeysa. Intaas kadib xildhibaanada ayaa sameeyey fal-celin, waxaana hadalka Mahdi Guuleed ka dhashay buuq ay sameeyeen xubnaha Golaha, waxaana kadib soo farageliyay guddoonka. “Xildhibaanada sharafta leh garaaca joojiya cidda toosin sameyneyso waa la siinayaa,” ayuu yiri guddoonka sare ee Golaha Shacaabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa sidoo kale hadal heyn xoogan ka dhex-dhalisay baraha bulshada, waxaana dadka ka falceliyay ay soo jeediyeen in tallaabo laga qaado Mahdi, si uu u bixiyo raali-gelin. Si kastaba, Mahdi Guuleed ma’aha mudanihii ugu horreeyay ee Baarlamaanka ka sheega hadalkan, waxaana uga horreysay Xildhibaan Gobsan oo iyadana ka soo jeeda Somaliland, taas oo shaacisay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo ay tahay in lagu ixtiraamo. The post Mahdi Guuleed oo BF ka dhex sheegay in Somaliland ay tahay ‘dal madax bannaan’ + Video appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo ah Xaaska hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo C/qaadir Muumin. Haweeneydan oo isticmaaleysay magacyo kala duwan, sida Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa ayaa taariikhdu marka ay aheyd 21/03/2022 laga soo xeray gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, ayada oo loo heysto kamid ahaanshiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya. Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa shaaca ka qaaday in Fartuun ay Daacish u qaabilsaneyd arrimaha lacagaha. Sidoo kalena waxaa lagu eedeeyay in ay marti gelin jirtay xubnaha kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya magaalada Mudisho ama kuwa ku cusub. Haweeneydan ayaa sidoo kale lagu helay inay xiriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta kooxda Daacish, ahaana isku xeraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee caalamlka Bilal-Alsudani kaas oo uu 27-kii bishan January howlgal uu ku dilay Mareykanka. “Waxa ay tahay hadda Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Alshabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho,”‘ ayey tiri Maxkamadda. Waxa kale oo ay Maxkamaddu intaasi kusii dartay in ay la guur guureysay, isla-markaana ay ugu dhexeysay meelaha uu ku dhuunto, balse ay rasmi u daganeyd Gaalkacyo. Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii November, waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun, waxayna ugu dambeyn Maxkamadu fadhigeedii gabagabada ahaa soo dhamaysatay 17-kii bishaan January 2023. Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu ku dhowaaqday Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. The post Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Xaaska Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  5. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in xabsi ciidan lagu xukumay xaaska hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sideed sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo ah xaaska Cabdulqaadir Muumin. Fartuun oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa xiriir shaqo la lahayd Bilaal Al-Suudaani oo kamid ahaa hoggaamiyaasha sare ee Daacish kaas oo dhowaan lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Bari sida ay sheegtay Xeer Ilaalinta Maxkamada CQS. Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale sheegtay in Fartuun ay Daacish u qaabilsanayd dhinaca dhaqaalaha islamarkaana si joogto ah Taleefonkadeeda loo dhexmarin jiray lacago u dhexeeya $100-200 oo Dollar oo ay u diri jirtay Daacish. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Xaaska hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya oo xabsi ciidan lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
  6. Hargeisa (HOL) - The Somaliland government has warned the media not to publish news, stories, or opinions that might exacerbate tensions in the politically tense Las Anod region. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Jabuuti, Xasan Maxamed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kasoo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa wafdigan ku soo dhoweeyay magaalada Muqdisho. Ugu horreyn Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo qayb ka ahaa soo dhaweynta wafdigaan. Intaas kadib labada mas’uul ayaa kulan hordhac ah ku yeeshay qaybta nasiinada ee garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay isaga xog wareysteen arrimo dhowr ah. Ujeedka booqashada Wasiir Xasan Maxamed Cumar ayaa la xiriirta mid ay labada dowladood ku xoojinayaan iskaashiga milatari ee labada dal ee walaalaha ah. Sidoo kale wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxda ugu sarreysay ee dalka, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo uu kala hadli doono dagaalka Al-Shabaab. Booqashadan ayaa sidoo kale dabab socoto safarkii uu dhowaan magaalada Muqdisho kusoo gaaray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo maalmo ku sugnaa caasimada, kadibna waxay labada dal is dhaafsanayeen booqashooyinka madaxda labada dowladood. Jabuuti ayaa kamid ah dalalka sida weyn uga qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ku jirta howlgalka ATMIS, ayadoo ciidamadeeda ay joogaan Hiiraan. Si kastaba, xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti labada dal oo walaalo ah, misana daris ah ayaa cirka isku shareeray kadib dib u doorahadii Xasan Sheekh Maxamuud. The post Wasiirka Gaashaandhigga JABUUTI oo ka soo dagay MUQDISHO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of Interior, Federal Affairs & Reconciliation, Ahmed Moallim Fiqi, said that the recent comments made by Al Shabaab's spokesperson Ali Mohamud Rage Ali Dheere highlighted the hypocrisy of the group. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaalya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ka hadlayay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul ugu jawaabay Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere). Wasiirka ayaa si weyn uga horyimid hanjabaadda uu Cali Dheere u diray ganacsatada Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay inuu yahay nin iska hadlay. Jibriil Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in Cali Dheere aan waxba laga weydiineynin ilaalinta hantida Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in cidda laga ilaalinaayo hantida shacabka ay tahay kooxda Al-Shabaab, oo uu ku eedeeyey inay baad ka qaado ganacsatada iyo shacabka. “Ninka Cali Dheere la yiraa ee ku hadla Afka Khawaarijta, waxa aan u sheegayaa in aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed oo cidda laga ilaalinayaa ay tahay isaga oo ah khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu boggaadin u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee dhaqan-geliyay amrka kasoo baxaa dowladda ee ku aadanaa in aysan la macaamilin Al-Shabaab, ayna iska diidaan farriimaha uga imaanayaa dhanka kooxda. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed ay sii wadeyso dadaalkeeda, isla-markaana ay ka go’an tahay in la cuuryaamiyo Al-Shabaab. Hadalkan ayaa daba socda muuqaal uu dhowaan iska soo duubay Cali Dheer oo si adag uga hadlay dagaalka dhaqaale ee ay kala kulmeen dowladda federaalka, isaga oo dhanka kale bangiyada iyo shirkada waaweyn uga digay inay bixiyaan xogta dadka ay hantida u hayaan. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa muuqata in looga adkaaday dhanka milatari iyo dhaqaalaha, maadaama dhul badan laga qabsaday, sidoo kalena laga xiray akoono ay lacago ugu jireen. The post Dowladda Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay hanjabaaddii Cali Dheere appeared first on Caasimada Online.
  10. Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland ayaa soo jeediyay in xeer ay u sameeyaan ka gole ahaan dadka sifooba arrimaha qoomu-luudka, si loo helo xukun dhabb ah oo lagu fuliyo dadkaasi. Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo isna dhankiisa ka qayb qaadanayay dooda Ajandaha kal-fadhiga 80-aad ayaa golaha ka hor sheegay in xukunka dadka arrimahan ku sifoobay ay dastuurka Somaliland iyo sharciga ISLAAMKA ay dhigayaan, waxaanu daliishaday quraanka iyo axaadiista Rasuulka S.C.W ee ku saabsan xukunka dadka ku sifooba arrimaha qoomu-luudka. Ugu dambayn Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo isna ka hadley arrintaasi ayaa hadalka ku adkeeyay in arrimahaasi loo daayo xukunka diinta ISLAAMKA iyo sharciga Samaawiga ah, taasina loo raaco sidii loo fulin lahaa. Source
  11. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain Boris Johnson ayaa sheegay in mar uu taleefoon kula soo xidhiidhay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka hor duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, uu ugu hanjabay inuu gantaallo ku weerarayo. Ra’iisul wasaarihii xilligaas wuxuu sheegay in uu Putin ku yidhi “hal daqiiqo oo kali ah ayey qaadan”. Johnson wuxuu xusay in weedhan uu Putun adeegsaday ka dib markii uu kaga digay inta lagu guda jiro wicitaan telefoon oo “aad u dheer” kaas oo isaga iyo Putin dhex maray bishii February 2022 in dagaalku noqon doono “musiibo ballaadhan”. Johnson ayaa uga digay Putin in duullaanka Ukraine uu u horseedi doono cunaqabateyn reer galbeedku saaro Ruushka iyo ciidammada gaashaan buurta NATO oo la soo dhoobo xuduudaha Ruushka. Waxa uu sidoo kale isku dayay in uu ka hor joogsado Putin tillaabo millatari isagoo u sheegay in Ukraine ayna ku biiri doonin NATO “mustaqbalka dhow”. Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa yidhi: “Hal mar ayuu ii hanjabay oo igu yidhi wax la mid ah, ‘Boris, ma rabo in aan anigu ku dhaawaco, laakiin gantaalka waxay ku qaadan doontaa hal daqiiqo oo kaliya’.” “Laakiin waxaan u maleynayaa in qaabkiisa dabacsan, is lurid la’aantiisa, uu uga jawaabayay isku dayga aan ku doonayey inaan ku qanciyo inuu gorgortan galo.” Suurtagal ma aha in la ogaado in hanjabaadda Putin ay dhab tahay. Si kastaba ha ahaatee, marka la eego weerarradii hore ee Ruushku ka fuliyey gudaha Britain – sida kii ugu dambeeyay ee Salisbury ee 2018 – hanjabaad kasta oo ka timaada hoggaamiyaha Ruushka, si waliba oo uu kaftan ahaa loo yidhaa, ayaa u badan inay Johnson ku qasabto inuu hanjabaad dhab ah u qaato. Source
  12. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, si uu wadahadal ula yeesho dhiggiisa Masar, iyo sidoo kale madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Mr Blinken la filayo in uu sidoo kale ka hadlo arrimaha gobolka sida Liibiya iyo Suudaan. Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka ayaa su’aal ka keenay sababta Masar ay u hesho in ka badan hal bilyan oo doollar oo gargaar millatari oo Mareykan ah sannad walba, iyadoo la eegayo xaaladda xuquuqaha ee dalkaas. Kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in kumanaan maxaabiis siyaasadeed ah ay la kulmaan xaalado adag iyo qolal maxaabiistu ay buux dhaafiyeen. Source
  13. Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyootay halka inkabadan 800 qof ay ku dhaawacmeen kadib markii uu dhul gariir uu ku dhuftay waqooyiga dalka Iiran. Wasiirka arrimaha gudaha Iran oo tagay gobalka Asarbayjan ayaa sheegay in uu saameyn wayn uu geystay dhul gariirka ku dhuftay gobalka iyo deegaannada agdhaw. Dhul gariirka ayaa sidoo kale sababay burburka dhismayaal badan, dhimashada dad iyo dhaawac soo gaaray dadka deganaa gobalka. Baaritaanno la sameeyay ayaa lagu ogaada in dhulgariirka cabirkisa uu yahay 5.9, cabirka lagu qiimeeyo dhulgariirada adduunka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo haatan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka kala kulmeysa culeyskii ugu xooganaa ayaa hadane soo wajahday xaalad kale oo dhaqaale oo aad u baahsan, waxaana meeshii u hooseysay gaaray mushaaraadka xoogaga u dagaalama kooxda, kadib markii laga xiray akoono ay lacago badan ugu jireen. Dagaalka ay qaaday dowladda ayaa ka kooban saddex jiho oo kala ah, Milatariga, Fikirka iyo sidoo kale Dhaqaalaha, taas oo ujeedkooda uu yahay in lagu cuuryaamiyo Al-Shabaab. Khubaro dhanka sirdoonka ah ayaa shaaca ka qaaday in uu hoos u dhacay mushaarka ay kooxda bixiso, isla-markaana uu gaaray meeshii ugu hooseysay, ayadoo dagaalyahankiiba uu haatan mushaar u qaadanayo lacag dhan 10 dollar, maadaama dhaqaale xumo ay soo wajahday kooxda, sidoo kalena laga qabsaday meelihii ay lacagaha badan ka heli jireen. Mushaarka ay markii hore bixin jirtay kooxda ayaa u dhexeeyey $50 ilaa $100 oo la siinayo qofkiiba, balse ay hada u dhowdahay in la waayo wax la siiyo, sida ay sheegayaan khuburadu. Sidoo kale waxa ay ilo wareedyadu intaasi ku dareen in arrintaan ay dhacday afartii bilood ee u dambeysay markaas oo ah xiliga ay dowladu bilowday dagaalka dhaqaale ee Shabaab. Ilaha dhanka sirdoonka ee baahiyay xogtan ayaa sidoo kale sheegay in haddii sidan lagu sii hayo kooxda ay sababi karto in laga adkaado, isla-markaana laga tirtiro dalka oo dhan. Madaxda sare ee dowladda ayaa horay guullo uga sheegtay dagaalka dhanka dhaqaalaha ee Al-Shabaab, wuxuuna ra’iisul wasaaruhu sheegay in la xiray ugu yaraan ilaa 250 akoon oo ay kooxdo ku laheyd bangiyada iyo sidoo kale lambaro gaar ah oo ay lacago ugu jireen. “Lacagaha la xiray waa la baarayaa, Taleefoono ayaa loo qeybiyay shacabka Soomaaliyeed, markey Shabaab soo wacaan waxey ku leeyihiin lacagtaas dir meeshaas dhig, dowladda ayuu qofka soo wacayaa wuxuu leeyahay sidaas ayaa la yiri meeshaas ayaana dhigayaa akoonkaas ayaan ku shubayaa, sababtoo ah dadkii hadda dowladda waa aamineyn waxaana la leeyahay meesha dhig lacagtaadana waa laguu soo celinaa, sidaas ayaana lagu xiraa akoonada Khawaarijta” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Dhankiisa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in lasoo bandhigi doono malaayiin dollar oo Al-Shabaab ugu xareysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay arrintaan inay qeyb ka tahay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab oo uu sheegay inuu yahay mid ficil ah. Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo afhayeenka guud ee Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere oo soo hadlay uu qaylo dhaan ka muujiyay dagaalka dhaqaalaha ee ay ku qaaday dowladda federaalka Somalia, taas oo laga dheehan karo guul darrada kooxda. The post XOG: Mushaarka xoogaga AL-SHABAAB oo hoos u dhacay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  15. Linda Thomas-Greenfield Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sanduuqa Maraykanka uu $41 milyan ugu deeqay Soomaaliya si wax looga qabto xaaladda abaaraha ee ka jirta Soomaaliya. Danjire Linda oo soo gaartay magaalada Muqdisho sabtidii 29-ka january 2023, ayaa sheegtay in dad badan oo Soomaali ah ay wajahayaan xaalad bini’aadanimo oo daran. “Xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun” ayay tiri Linda Thomas-Greenfield Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay. “Isku darka xaaladaha cimilada, dhibaatada COVID-19, cooladaha sida dagaalka al-shabaab, ayaa dib u soo celiyay xaaladda macluusha” ayay sidoo kale tiri mrs Linda. Linda Thomas-Greenfield ayaa sidoo kale sheegtay in maraykanku uu sii wadayo taageerada uu siiyo Soomaaliya, sidoo kalena uu hubinayo in taageerada ay gaarto dadkii loogu talagalay. “Iyadoo Maraykanku uu kordhinayo taageerada, wuxuu sii wadaya in uu la shaqeeyo dhammaan heerarka kala duwan ee dowladda Soomaaliya si loo kordhiyo ammaanka iyo in la hubiyo in kheyraadka bini’aadanimada iyo horumarinta ay gaarayaan bulshooyinka ku sugan deegaannada dhawaan laga saaray alshabaab” ayay tiri Linda Thomas-Greenfield. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Xoghayaha arrimaha dibadda dowladda Maraykanka Antony Blinken ayaa booqasho ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Blinken ayaa lagu wadaa in kulan uu la qaato dhiggiisa Masar iyo madaxweynaha dalkaas Cabdulfataax Al-siisi, waxaana la filayaa in uu kala hadlo arrimo dhawr ah. Masar ayaa sidoo kale la filayaa in uu kala hadlo xaaladda gobalka , dalalka Liibiya, Suudan iyo arrimo kale oo ka taagan gobalka. Dalka Masar ayaa ah dalka ugu badan ee hela gargaarka militeri ee maraykanka uu bixiyo, iyadoo sanad walba guddoonta in kabadan 1 bilyan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Ciidamo badan oo u dhashay beelaha Sool clan islamarkaana ka mushahar qaadan-jiray Somaliland ayaa sida la xaqiijinayo ku biiray Ciidamada SSC ee ku sugan gudaha Laascaanood. In ka badan 1000 askari oo ka mushahar qaadan jiray Somaliland ayaa sida xogo hoose sheegayaan maalmihii u danbeeyay ku biiray ciidamada SSC kadib markii ay shacabka la dareen noqdeen. Ciidamadii ka amar qaadan jiray Col. Fool-Mogadishu Clan ayaa intooda badan ka baxay gacantiisa waxaana la sheegay in ay dirayska baddasheen oo u galeen xoogagga SSC. Ciidamadii Col. Mahad Canbaashe ayaa sidoo kale xoogoodu isaga baxay Somaliland marka laga reebo intii saraakiisa ahayd iyo ciidamo lagu qiyaasay ilaa 200 oo askari oo weli ku harsan xarumahoodii. Wararka ayaa intaas ku daraya in kornayl Mahad Canbaashe durba looga yeeray dhinaca magaalada Hargeysa si uu ula kulmo madaxweynaha Somaliland. PUNTLAND POST The post Fool-Mogadishu Clan iyo Mahad Canbaashe oo lumiyay inta badan Ciidamadii ay kaga mushahar qaadan jireen Somaliland appeared first on Puntland Post.
  18. U.S. forces extensively rehearsed a secret raid to take out a senior Islamic State financial operative this week, using a specially-built recreation of the rugged target area, U.S. officials said. Source: Hiiraan Online
  19. U.S. forces extensively rehearsed a secret raid to take out a senior Islamic State financial operative this week, using a specially-built recreation of the rugged target area, U.S. officials said. Source: Hiiraan Online
  20. Hargeisa (HOL) - The Speaker of the Somaliland House of Representatives, Abdirisaaq Khalif Ahmed, commended President Muse Bihi Abdi's decision to withdraw the army from Las Anod town to prevent further clashes. Source: Hiiraan Online
  21. Al Nassr manager Rudi Garcia has admitted Cristiano Ronaldo will leave the club in order to finish his career in Europe. Source: Hiiraan Online