-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, plans to appoint new ambassadors in the Gulf States to expand his political influence in the region. After serving in opposition for five years, President Mohamud came to power in May 2022 and aims to replace diplomats who were aligned with his predecessor, Mohamed Abdullahi Mohamed. In an effort to assert his control, President Mohamud has appointed Abshir Omar Huruse, a Puntland businessman with no diplomatic background, as Foreign Affairs Minister. This strategic move gives him the freedom to choose ambassadors with the help of his right-hand man, the Minister of State for Foreign Affairs, Ali Mohamed Omar. The priority is to address the current ambassadors in Egypt and Qatar, who are closely associated with Fahad Yasin, Farmajo’s former intelligence chief, according to Africa Intelligence report. President Mohamud has closer ties to the UAE than Qatar, and he may use the recent departure of Qatar’s ambassador to Mogadishu to appoint someone from his inner circle in Qatar. However, he will have to consider former Prime Minister Mohamed Hussein Roble, who is interested in becoming the next ambassador to Abu Dhabi. A friend of Puntland’s regional president, Said Abdullahi Deni, who has strong connections with the UAE also interested in the position. The relations between Somalia and the UAE have been strained in recent years due to allegations of UAE interference in Somalia’s internal politics. Tensions reached a high point in 2018 after Somalia seized $9.6 million from a UAE plane in Mogadishu, leading the UAE to close a military facility and hospital in the city and disband its military training mission. In February 2022, the money was released, and Somalia’s Prime Minister apologized, which the UAE accepted. President Mohamud, who has recently started his second tenure, has prioritized repairing diplomatic relations with the UAE. In June 2022, President Mohamud met with the UAE President and expressed gratitude for the UAE’s support and discussed ways to strengthen cooperation between their countries in various sectors, particularly development, and peace in Somalia. The Somali ambassador to Egypt, Ilyas Sheikh Oma, is also expected to be removed from his position due to his close ties to Yasin. The change may also extend to other ambassadors, including the one in Saudi Arabia, who was appointed by Farmajo, Salim Hagi Ma’ow. President Mohamud recently visited Saudi Arabia, and Riyadh sent Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad to serve in Mogadishu after the embassy was re-opened in 2021. Diplomatic relations with the Gulf States are crucial for attracting investment to Somalia. The post Somali President plans to appoint new ambassadors to Gulf States: Sources appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ugu horeeyo Gudoomiyaha hayadda Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Gudoomiye ku xigeenka Mudane Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa kulan la qaatay Wasiirada wasaaradaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowlada Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir. Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ayaa waxaa looga hadlay ajandaha shirka Madasha Arimaha Bini’aaddanimada ee maalinta barri ah ka furmi doono magaalada Mogadishu. Source: goobjoog.com
-
Hobyo (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn usoo ifbaxay muran xoogan oo u dhaxeeya odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha reer Xaaji Saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan beesha Habargidir, kaasi oo la xiriira maamul u sameynta degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa mid walba waxay ku doodeysa inay tahay beesha ugu badan ee degta degmada Hobyo, sidaas darteed ay u xaq leedahay inay noqoto cidda mataleysa maamulka degmada. Kulan ka dhacay Hobyo oo qeybaha kala duwan ee beesha reer Xaaji Saleebaan ay kasoo qeyb-galeen ayaa waxay soo jeediyeen in degmada loo dhiso gole deegaan, kaasi oo noqon mid maamulkeeda lasoo magacaabo. “Anaga (Reer Xaaji) hadaan nahay waxaan gobolka Mudug ku leenahay 68 deegaan, waxaan xaq u laheyn helitaanka guddoomiyaha gobolka, taliyeyaasha ciidanka iyo waxyaabo kale oo badan, waxaana intaas oo dhan ku weynay in madaxweynaha Galmudug uu kasoo jeedo reer Xaaji Saleebaan oo haduu noo magacaabo booska xaqa u laheyn la leeyahay beeshiisa ayuu u roonaaday,” ayuu yiri mid kamid ah odayaash beesha reer Xaaji Saleebaan. Marka laga imaado kulankan, sidoo kale waxaa jirta waxgarad ka tirsan beesha Sacad oo dhankooda sheegay in Hobyo ay tahay mid deegaan ahaan wax laga weydiinayo beeshooda, ayna leeyihiin mudnaanta maamulka degmadaasi. “Waa in wax lagu qeybsada sidii xalka horay loogu gaaray. Reer Xaaji Saleebaan waa walaalaheen, daris baa nahay deegaankana waan kala leenahay oo horay waxaa inoo soo dhex-maray dhibaato badan mana dooneyno in markale waxaas dhacaan,” ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka beesha Sacad. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Cadaado horay Sacad ayaa u lahaa ayaga nala soo dagay way naga soo saareen, waxaan leeyahay walaalaheen ma yeeleyno inaan idinku xad gudubno ee ha nagu soo xad gudbina.” Muranka iyo isqab-qabsiga cusub ee ka dhaxeeya beelaha reer Xaaji Saleebaan iyo Sacad oo labadoodaba ka wada tirsan Habargidir ayaa imanaya, xilli uu dagaal xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka socdo deegaanada maamulka Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa dhawaan sheegay in deegaanada maamulkaasi ay yeelan doonaan maamulo ay soo doortaan dadka, ka horna loo magacaabi doono maamul KMG ah. The post Beelo Habargidir ah oo isku haysta maamul u sameynta degmo ka tirsan MUDUG appeared first on Caasimada Online.
-
Urur siyaasadeedka Dhalinyarada Puntland- PYPA ayaa digniin ka soo saaray diiwaan-gelinta doorashooyinka lagu muransan yahay ee Puntland Bayaan ka soo baxay Urur siyaasadeedka Dhalinyarada ayaa si adag uga digay dhibaatada ka dhalan karta is diiwaangelinta Hubaysan ee Xukumadda Puntland waddo si loo hirgeliyo doorashooyinka qof iyo cod. “Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA wuxuu ka digayaa dhibaatada ka dhalan karta is diiwaangalinta Hubaysan ee Xukumadda Puntland wado iyo Colaada laga hurinayo Caasimadda Puntland taaso khatar galin karta Amniga Puntland” ayaa lagu yiri bayaanka. Baaqa Urur siyaasadeedkan ayaa ku soo beegmay xilli xalay Ciidamo ka tirsan Puntland ay digniin ka soo saareen diiwaan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod. PUNTLAND POST The post Digniin laga soo saaray diiwaan-gelinta doorashada qof iyo cod ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag xaalad ayaa ka taagan maanta kadib markii ay dhaceen mudaharaado laga soo horjeedo dilal ku soo noqnoqday deegaankaasi oo Ciidamada dawladdu gaysanayaan. Mudaharaadka kadib dad gadoodsan iyo Ciidamada Booliska ayaa isku dhacay, waxana la maqlayaa rasaas Ciidamadu ridayaan. Dhinaca kale Xildhibaanno laga soo doorto gobolka Sanaag oo maanta Warbahainta Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay in dilalka ka dhacaya degmada Ceel-afweyn ay yihiin kuwo qorshaysan oo shacabka lagu dhibayo. Source
-
Shacabka degmada degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ayaa maanta sameeyay mudaharaad ay uga soo horjeedaan Somaliland, kaddib markii ciidamada maamulkaas ay dileen qof rayid ah. Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa qaarkood watay calanka buluuga ee Soomaaliya, iyagoo ku qalinayey in ay aysan doonayn ciidamada Soomaliland ee deegaanka ku sugan, kaddib dilal badan oo ay u gaysteen dad shacabka ah. Ciidamada Somaliland ayaa rasaas u adeegsaday mudaharaadayaasha, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaas. Degmada Ceel-afweyn waxaa horay uga dhacay dilal ay geysteen ciidamada Somaliland, iyadoo xukuumada Muuse Biixi Cabdi ay ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato arrintaas. PUNTLAND POST The post Mudaharaad ka dhan ah Somaliland oo ka dhacay degmada Ceel-afweyn appeared first on Puntland Post.
-
Kenya ayaa shaacisay in ay u fureyso xadkeeda ay la wadaagto Soomaaliya ee dhaca Magaaloyinka Mandheera iyo Baladxaawo kadib mudda dheer oo uu xirnaa. Go’aankaan ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki khamiistii isagoo socdaal dhanka amniga ah ku marayay kowntiga Mandheera. “Waxaan farayaa kooxda amniga gobolka inay la fariistaan madaxda siyaasadda ee gobolkan, dhammaan hay’adaha dowladda ee halkan ka shaqeeya si ay u dajiyaan qorshe ay hagi doonaan hoggaamiyeyaasha bulshada iyo odayaasha beelaha si loo hubiyo in aan bilowno howlgal lagu soo saarayo hubka. mintidiinta Mandheera iyo Waqooyi Bari. Tan waxaa lagu sameeyay Soomaaliya, waxaana sidoo kale ku sameyn karnaa halkan guriga,” ayuu yiri Prof Kindiki. Xadkaan ayaa keenya ay xirtay 10 sano ka hor, xilligaas oo Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay shirkii dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo maalmo qaatay una dhexeeyay madaxweyne Lafta-gareen & xubnaha mucaaradka. Shirkan oo uu furay, sidoo kalena uu xiray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa heshiis rasmi ah looga gaaray muranka doorashada guud ee kusoo socota maamulkaasi. Haddaba yaa adkaaday Lafta-gateen iyo mucaaradka? Sida lagu caddeeyay heshiiska waxaa ay arinta kusoo dhammaatay sidii la filayey oo aheyd in muddo kororsiga loo daayo madaxweyne Lafta-gareen, si uu u qabto doorashada guud. Xubnaha mucaaradka oo qaddiyaddan ka taagnaa meel adag ayaa ugu dambeyn ku qasbanaaday inay ogolaadaan halka sano ee ay xubnaha Golaha Wakiilada ugu dareen madaxweynaha, taas oo guul u ah Lafta-gareen, maadaama uu uga adkaaday mucaaradka. Tallaabadan cusub ayaa fursad siineysa madaxweynaha oo markii horeba aan u diyaar-garoobin qabashada doorashada, isaga taasi beddalkeeda go’aan ku gaaray in uu waqtiga dheereysto, waxaana la qaatay go’aankaas madax goboleedyada kale oo ku darsaday. Mucaaradka ayaase lagu qanciyay in doorashada la bilaabayo isla sanadkan gudihiisa, si loo dhaqan-gelo heshiiska lagu gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Waxaa sidoo kale la go’aamiyey in odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan muddada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS, iyaga oo la tashanaya beelahooda si waafaqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed. “In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iyaga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qodobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka. Lafta-gareen iyo mucaaradka ayaa sidoo kale isku raacay in ugu dambeyn doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo ee sanadka soo socdo 2024-ka, markaas oo la geli doono tartan aad u adag. Si kastaba, arrintan ayaa meesha ka saareysa, walaacii laga qabay xaaladda Koonfur Galbeed oo gacan ka hadal gaartay, marii ay Baydhabo ku dagaalameen labada dhinac. The post Yaa adkaaday Lafta-gareen iyo mucaaradka KOONFUR GALBEED? appeared first on Caasimada Online.
-
The Saleban family left Minnesota for Somaliland, where disobeying parents is illegal and carries a maximum penalty of six months in prison Source: Hiiraan Online
-
Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed lagu soo gabagabeyay shirka dib u heshiisiinta Koonfurgalbeed. Shirkaan oo magaalada Baydhabo uu ka daahfuray madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdi casiis Lafta-gareen, siyaasiyiinta maamulka Koonfur galbeed, waxgarad, malaaqyo, nabaddoonno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka Koonfur galbeed. Kulankaan ayaa intii uu socday looga hadlayay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka alloosan siyaasiyiinta maamulka koonfur galbeed. Source: goobjoog.com
-
In some ways, Somali American memoirist Said Shaiye would clearly prefer to be a computer, “free of pain”. Or perhaps he feels halfway there. At one point in his fascinating and frustrating debut Are You Borg Now?, he confesses to a refugee’s limited emotional range, much like his Star Trek heroine, Seven of Nine. Source: Hiiraan Online
-
In some ways, Somali American memoirist Said Shaiye would clearly prefer to be a computer, “free of pain”. Or perhaps he feels halfway there. At one point in his fascinating and frustrating debut Are You Borg Now?, he confesses to a refugee’s limited emotional range, much like his Star Trek heroine, Seven of Nine. Source: Hiiraan Online
-
“The Color Line” by Somali-Italian writer Igiaba Scego is a richly-layered historical fiction structured by the voices of two Black women living in Rome during different centuries. Our contemporary is Leila who, alongside her friend Alexandria, works to create a celebratory exhibition of 19th century painter Lafanu Brown. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, taas oo salka ku heysa doorashada maamulkaasi, waxaana si weyn la’isugu hayaa arrinta diiwaan-gelinta oo haatan ka socota magaalooyinka qaar. Xiisadda ayaa kasii dartay markii ay xalay tallaabo lama filaan ah qaadeen ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland, gaar ahaan guutada 2-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo digniin culus soo saaratay. Qoraal kasoo baxay ciidamada ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Puntland, wuxuuna talisku sheegay in jujuub iyo diiwaan-gelin hubeysan ay ka socoto caasimada Garoowe. Sidoo kale waxa qoraalkan lagu sheegay in arrintan ay ka dhalaneyso amni darro iyo qalalaase ka dhaca Puntland, ayna uga digayaan dhinacyada ku lugta leh arrintaasi. “Ciidanka Kumaandooska waxay ka digayaan markale diiwaan-gelinta hubeysan iyo doorasho aan heshiis lagu aheyn oo keeni karta dambiyo la xiriira ku takrifal awoodeed iyo qalalaase ka abuurma gudaha Puntland,” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay ciidamada. Ciidamada kumaandooska ee soo saaray diniintan culus oo liddi ku ah madaxweyne Saciid Deni ayaa ku baaqay in wadahadal la’isugu yimaada, si xal looga gaaro xiisadda taagan. Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in waajib uu ka saaran yahay amniga iyo kala dambeynta, ayna gudan doonaan shaqada loo igmaday ee kaga aadan Puntland “Hadaba deganaasho la’aanta jirta, si looga gudbo waxaan faraynaa cid kasta oo ay khuseyso inay isugu yimaadaan wadahadal, si loo dhowro amniga iyo kala dambeynta, lagana noqod wax weliba oo keeni kara xasilooni darro,” ayaa markale lagu yiri qoraalka. Dhinaca kale waxaa la joojiyay tababar magaalada Garroowe uga socday shaqaale loogu talagalay in diiwaan-gelinta ay ka sameeyaan gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan caasimadda Puntland ee magaalada Garoowe. Arrintan ayaa salka ku heyso tallaabada ay qaadeen ciidamada kumaandooska Puntland oo ka horimid diiwaan-gelin laga bilaabo gudaha magaaladaasi. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxayna arrimahaan kusoo aadayaan, ayada oo haatan Deni ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ka wado kulamo siyaasadeed oo ku aadan xaaladda doorashada ee maamulkaasi. The post Xiisadda siyaasadeed ee PUNTLAND oo kasii dartay – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
