Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU, Feb. 9 (Xinhua) -- The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) on Wednesday opened a new center that will monitor locust and other pests in northern Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. SIR MO FARAH has become a patron of the Bakhita Centre for Research on Slavery, Exploitation and Abuse at St Mary’s University in Twickenham. Source: Hiiraan Online
  3. Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa lagu ansixiyay magacaabista Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, Laba Hindise Sharciyeed iyo Siyaasad. Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Abuukaate Axmed Ciise Guutaale inuu noqdo Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda ayaana golaha u soo jeedisay. Mudane Abuukaate Axmed Ciise ayaa ah aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Shirka ayaa looga dooday shuruuc la horkeenay oo dalka ahmiyad weyn u leh, wuxuuna goluhu si wadajir ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah. Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada, Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda iyo sidoo kale Siyaasadda Maareynta Deegaanka oo Golaha ay horkeentay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shuruucda uu goluhu meelmariyey ay dhammaantood yihiin kuwa leh mudnaan gaar ah oo hagaya dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, gaar ahaan deyn cafinta. Hindise Sharciyeedyadan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah. Dhanka kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo Goluhu bogaadiyey dadaallada socda ee dalka lagu xoreynayo laguna xasillinayo. The post Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka iyo Laba hindise Sharciyeed appeared first on Puntland Post.
  4. The head of Kenya police service has disowned a reported operation on the home of former interior minister Fred Matiang’i in Nairobi on Wednesday night. Source: Hiiraan Online
  5. NBC News Pentagon Correspondent Courtney Kube joins Meet the Press NOW from Mogadishu, Somalia, after embedding with U.S. Special Ops for an exclusive look at how the U.S. military is helping Somali Special Forces fight terrorist organization Al Shabaab. Source: Hiiraan Online
  6. On September 21, Kenya will be marking a decade since the deadly terror attack at the upscale Westgate Shopping Mall in Nairobi, where 67 people were killed. Source: Hiiraan Online
  7. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo la Hadley qeybta afka English ee Idaacada BBC-da ayaa yidhi:- “Waxaanu haynaa maxabiis Al-Shabaab ah , waxanu haynaa maxabiis Puntland , waxaanu diyaar u nahay in aanu tusno beesha Caalamka , ma jirto dagaal u dhaxeeya Somaliland iyo shacabka reer Laascaanood . Waxaa jira dagaal iyo weerar ka imanaya kooxo Maleeshiyaad ah oo ku xidhan ururka AS Ciidamada Somaliland waxay awood u leeyihiin inay dalkooda difaacan iyaga oo hada-na is xakameynaya” Source
  8. MOGADISHU, (Xinhua) -- More than 8.3 million people require humanitarian assistance in Somalia where significant segments of the population are on the brink of famine, the United Nations relief agency said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  9. Ankara (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay dhulgariirkii ku dhuftay dalka Turkiga, kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof. Dadka ku dhintay musiibadan waxaa kamid ah Soomaali ku nooleyd waddanka Turkiga oo qaarkood ahaa arday wax ka baraneysay gudaha dalkaas. Wararka ayaa sheegaya in meydadka haatan lasoo saaray ay ku jiraan arday Soomaaliyeed oo ku dhintay dhismayaasha soo dumay, kuwaas oo laba gaarayo. Mid kamid ah marxuumiinta meydadkooda la helay waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Cismaan, sida uu VOA u sheegay walaalkii Cabdiraxiin Nuur Cismaan. Cabdiraxiin ayaa sheegay in walaalkiis uu kamid ahaa ardayda ku nool dalka Turkiga, isla-markaana xilliga uu dhacayay dhulgariirka uu ku sugnaa mid kamid ah magaalooyinka halakeeyay, isaga oo tilmaamay inuu booqasho ugu tegay rag kale oo ay saaxibo ahaayeen, balse uu ku soo dumay dabaqii ay daganaayeen, kadib dhulgariirka ku dhuftray Turkiga. “Maxamed meesha waxa uu u joogay waxbarasho waxaa lagu jiray fasaxiim wuxuuna buuqasho ugu tegay rag ay saaxibo yihiin oo ku sugan magaalada uu dhul gariirku haleelay dabaqii ay ku jireen waa uu ku dumay Allaha u naxariisto,” ayuu yiri Cabdiraxiin Nuur. Dhanka kale kooxaha gurmadka ee dalka Turkey, ayaa weli wada howlaha samatabixinta waxayna dadka ka raadiyaan burburka dhismayaal soo dumay, si loo soo saaro meydadka. Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dhul-gariirka ayaa haatan maraya illaa 12 oo kun oo qof, sida ay shaacisay dowladda dalkaasi oo la daala dhaceysa xaalad adag. Si kastaba, waa dhul-gariirkii ugu khasaaraha badnaa ee ku dhufta dalka Turkiga, kaas oo sababay dhimashadii ugu badneyd, maadaama ay ka dhalatay saameyn baaxad leh. The post Meydadka arday Soomaali ah oo laga helay burburka dhulgariirkii Turkiga appeared first on Caasimada Online.
  10. Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada qaranka Somaliland iyo dadka deegaanka ayaa maalintii afraad Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool. Dagaalka ayaa saaka dib uga qarxay furimihii uu xalay gabalka ugu dhacay dhinacyada dagaalamaya. Hugunka madaafiicda iyo dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlaya daafaha magaaladaasi, sida ay wararku sheegayaan. Wararka ayaa intaa ku daraya inay magaalada ka go’een biyihii ka dib markii goobtii keydka biyaha ay waxyeelo ka soo gaadhay dagaalka. Dagaalkan galay maalintiisii afraad ayaa sababay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh waxaana sidoo kale ku barakacay dad badan oo shacab ah. Source
  11. Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, waxaana markale uu dagaalka dib uga bilowday qaybo kamid ah gudaha magaaladaas oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga xerada Qooja-cadde, waxaana rogaal celin sameeyay ciidanka Somaliland oo shalay dib loo riixay. Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay isku adeegsadaabn hub culus iyo sidoo kale madaafiic ku soo dhaceysa xaafadaha qaar ee magaaladaasi. Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii 4-aad. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee dagaalka uu socdo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama ay weli xabaddu sii dhaceyso. Dhaawacyada qaar ayaa waxaa la geeyey magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay ka heleen gurmaad caafimaad oo ay u sameysay Puntland. Dagaalka oo ah mid sii xoogeynsanayo ayaa sidoo kale kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac. Dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo. Qaramada Midoobay oo ayaduna ka hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood. The post Dagaalka Laascaanood oo galay maalintii afaraad iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  12. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in is faham-waa xooggan soo kala dhex galay Cabdirisaaq Khaliif iyo Muuse Biixi. Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa sida la sheegayo Taliska Muuse Biixi ka dalbaday in Ciidamada laga saaro Gobolka Sool si loo helo jawi lagu bilaabi karo wada-hadal. Waxaase wararku tilmaamayaan in dalabkaas uu ku gacan-sayray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi islamarkaana ku adkaystay in Ciidamada Somaliland sii joogayaan Gobolka Sool. Xiriir dhanka Taleefonka ah oo saacadihii la soo dhaafay dhawr jeer dhexmaray Muuse Biixi iyo Cabdirisaaq Khaliif ayaa la sheegayaa in uu isfam la’aan ku dhammaaday. Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku sugan magaalada Laascaanood halkaas oo buuraha u dhow maalintii afraad uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada SSC. PUNTLAND POST The post Cabdirisaaq Khaliif iyo Muuse Biixi oo isku fahmi la’ Xalka dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  13. Guddoomiye ku xigeenkii Somaliland u qaabilsanaa Gobolka Sool oo dhawaan la magacaabay Saleebaan Diiriye Cabdi Ibraahim ayaa markii u horraysay ka hadlay dagaalka ka socda Laascaanood. Guddoomiye Saleebaan oo warbaahinta kula hadlay gudaha Laascaanood ayaa sheegay in Somaliland xaquuq ka samaysay magaalada kadib markii madaafiic lagu garaacay. Saleebaan ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka Somaliland faafisay ee ku saabsan in argagixiso laga saarayo Laascaanood waxaana uu sheegay in shacabkii degaanka la xasuuqayo. “Waxa aan caddaynayaa in dadkii la xasuuqayo oo ruux nool, neef xoola ah iyo guryaha isku si’ loo beegsanayo, ma jirto argagixiso waxa dagaallamaya SL iyo dadkii deegaanka, anna dagaalka ayaan ku biirayaa, xalki waa in Muuse la baxo ciidankiisa” ayuu yiri Saleebaan Diiriye. Saleebaan ayaa ugu danbayn shaaciyay in uu isaga baxay maamulka Somaliland waxaana uu Taliska Muuse Biixi ugu baaqay in uu ciidamadiisa la baxo. PUNTLAND POST The post Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool oo sheegay in Somaliland xaquuq ka samaysay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Puntland oo magaacabay guddida Arrimaha Bani’aadantinimada ee Laascaanood:- 1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye. 2. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen. 3. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan Xubin. 4. Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin. 5. Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin. 6. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Layla Cabdi Cartan Xubin. 7. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin. 8. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin 9. Maxamed Caydiid Jaamac Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin. 10. Dr Siciid Warsame Shahaado xubin. 11. Shiikh Fu’ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin. 12. Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin. 13. Cabdikaafi Axmed Siciid Ganacsade Xubin. Qaran News
  15. Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah Isimada waaweyn ee gobolka Sool ayaa markale si adag uga hadlay dagaalka, isaga oo sheegay in uusan istaageyn illaa ciidamada Somaliland ka baxaan guud ahaan gobolka. Garaadka oo sii daba-socda baaqii nabad-galyo ee dhawaan uu jeediyay madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in dagaalka maalintii afaraad galay uu sii soconayo haddii uusan ciidankooda la bixin. “Muusow waxaan ku leeyahay maamulkaagu nabadna wuu ku baaqayaa madaafiicna dadkii ayuu la dhacayaa, waxaan caddaynayaa in Laascaanood saddexdii cishe ugu danbaysay uu dagaal ka soconayo, dagaalkaasi oo ah dagaal aan wax shacabka reer Laascaanood loo reebtay jirin,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay madaxda dhaqanka Somaliland oo iyagu xalay ku baaqay in xabada la joojiyo shuruud la’aan, isaga oo sheegay in aanay nabad jirayn illaa ciidanka Somaliland uga baxaan dhulkooda. “Nabad jiri mayso illaa ciidamada Somaliland ay Oog ku noqdaan,” ayuu yiri Garaad Jaamac oo kamid ah Isimada waaweyn ee gobolka Sool. Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad oo xiriir ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac. Xukuumada Somaliland ayaa weli ku adkaysanaysa in kooxo argagixiso ah ay colaada hurinayaan, halka ay garaadada iyo qaybo kamid ah maamulka Laascaanood ay beeniyeen arrintaas, iyaga oo sheegay in ciidamada maamulka Muuse Biixi ay duulaan ku yihiin dhulkooda. Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, ayada oo Qaramada Midoobay ay dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool. Xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi, sida muuqata waxaa xiligaan adag in xal laga gaaro xiisada taagan. The post Garaad Jaamac oo shuruud adag ku xiray nabad-galyo ka dhaqan gasha SOOL appeared first on Caasimada Online.
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu horkacayo wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo maanta gaaray magaalada Kismaayo. Danjire Souef ayaa waxaa booqashadan ku wehlinaya qaar kamid ah wakiilada hay’adaha Qaramada Midoobay iyo howlwadeenada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya. Labada dhinac ayaa yeeshay kulan gaar ah oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Jubbaland, kaas oo looga hadlay dagaalka iyo arrimaha bani’aadanimada. Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ahaa qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada Jubaland waxaana diirada lagu saarauy dardar galinta howlgalada dib u xoraynta ee ka bilaabanaya deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka. Sidoo kale waxa laga wada-hadlay sidii ay howlgaladaas uga qeyb qaadan lahayeen ciidamada ATMIS ee ku sugan deegaanada dowlad goboleedka Jubaland, si ay uga barbar dagaalamaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta ee maamulkaasi. Jubbaland ayaa haatan u diyaar garoobeyso duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan laga dareemayo magaalooyinka Kismaayo iyo Afgmadow ee maamulkaasi. Dhanka kale Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Cali Bogmadow oo haatan ku sugan degmada Afmadow ayaa kula kulmay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, wuxuuna kala hadlay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ka bilaabanaya halkaasi. Cali Bogmadow ayaa ku dhawaaqay in Afmadow ay noqon doonto saldhigga ugu weyn ee laga hagi doono howlgalada ka bilaabanaya gobolada Jubbooyinka oo loo diyaar garoobayo. “Waxaanu u soconay howlgal halkan ay noqoto barteeda hoggaaminta, ciidamada isku uruursadaan, taakuleynta la keeno,” ayuu yiri taliye Cali Bogmadow. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dadka deegaanka oo uu ugu baaqay in garab istaagaan ciidamada huwanta, ayna ku taageeraan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab. The post Maxay ka wada-hadaleen Axmed Madoobe iyo madaxa howlgalka ATMIS? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa tan iyo markii sida weyn loogu jabiyay dagaalka socda ee iska kaashanayaan ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa waxay billowday joogteynta istaraatijad ay horey isticmaali jirtay. Sarkaal hore uga tirsanaa xoogaga gacan-saarka la leh Al-Qaacida oo lagu magacaabo Cumar Abuu Ayaan oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in qorshaha Shabaab ee “in ay ka baxaan goobaha ay haatan gacanta ku hayaan ay ka damacsan yihiin khiyaamo weyn.” Abuu Ayaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Shabaab aysan difaaci doonin magaalooyinka ay hore u difaacan jireen, taasi badelkeedna ay iskaga baxayaan si ay ula wareegaan ciidamada, kadibna ay kusoo qaadan duulaan culus oo aan la filayn. “Intii ay ka fogaan lahaayeen, waxay ku wareegayaan kaymaha u dhow magaalooyinka kadibna waxay dib ugu soo celiyaan magaalada kuwa naftii haligayaal (is-miidaamiya) tiro badan. Waa istaraatijiyad horleh weeyi,” ayuu yiri Abuu Ayaan. Sarkaalkan hore ayaa muujiyay in dib u gurashada Shabaab ay leedahay halis haddii aan laga tabaabusheysan sida ugu dhaqsaha badan. “Waxay abuureen cadaawad dhanka bangiyada. Waxa kale oo ay u yeereen shirkadihii iyo ganacsatadii oo ay ka codsadeen in ay siiyaan lacagtii ay ku doonayeen in ay dhawr sano ka hor siiyaan, si ay lacag badan u urursadaan, waxa kale oo ay dhimeen kharashaadkoodii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abuu Ayaan. Marka laga imaado hadalka sarkaalkan hore, La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in Al-Shabaab ay ka cirib-tirto guud ahaan waddanka sanadkan aan hadda ku jirno ee 2023-ka. “Waad sii diiwaan-gashan kartaa, sanadkaan waxaan rabnaa in aan qof Al-Shabaab ah lagu arkin dhul Soomaaliyeed,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha. Soomaaliya ayaa dhawaan taageero u heshay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, kadib markii ay horaantii bishan shir ku yeesheen Muqdisho madaxda dalalka safka hore, waxaana la filaya in ay billowdaan howl-galo wada-jir ah oo ay iska kaashanayaan Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya. The post Khiyaano weyn oo ku jirta qorshaha Al-Shabaab ee dagaalka oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
  18. Jowhar (Caasimada Online) – Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Xawaadle oo maalmihii dambe uu shir uga socday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa madaxda maamulka HirShabelle u diray digniin culus. Odayaasha iyo waxgaradka Xawaadle ayaa si adag uga soo horjeeda in dhismaha golaha deegaanka degmada Jowhar loo maro hab cadaaladda ka fog, iyaga oo maamulka uga digay in dhismaha golaha uu saleeyo habkii awood qeybsi ee sanadkii 1993-dii. Waxay sheegeen in xiligaasi dalka dowlad ka jirin, islamarkaana beesha Xawaadle colaado ka jirtay dalka ay kaga maqneyd fadhiga dhismahii golaha deegaanka ee Jowhar ee sanadkaas. “Golihii deegaanka degmada Jowhar ee la dhisay waqtiyadii kala duwana ee dowladahii dalka soo maray beesha Xawaadle waxa ay ku laheyd door muuqato, haatana waxay u taagan tahay helitaanka xaquuqdii ay ku laheyd golaha.” Odayaasha iyo waxgaradka Xawaadle ayaa waxa kale oo ay ugu baaqeen madaxda maamulka HirShabelle in dhismaha golaha deegaanka degmada Jowhar laga fiirsado oo shanta beelood loogu qeybiyo si cadaalad ku dheehan tahay. Arrintan ayaa imaneysa, xilli uu khilaaf xoogan ka taagan yahay hab dhismeedka loo marayo golaha deegaanka degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. The post Odayaasha beesha Xawaadle oo digniin u diray madaxda HirShabeelle + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  19. Afmadow (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee ku aadan duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada gobollada Jubbooyinka ee maamulkaas oo la filayo inay ka bilowdaan howlgallo culus. Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Cali Bogmadow oo haatan ku sugan degmada Afmadow ayaa kula kulmay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, wuxuuna kala hadlay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ka bilaabanaya halkaasi. Cali Bogmadow ayaa ku dhawaaqay in Afmadow ay noqon doonto saldhigga ugu weyn ee laga hagi doono howlgalada ka bilaabanaya gobolada Jubbooyinka oo loo diyaar garoobayo. “Waxaanu u soconay howlgal halkan ay noqoto barteeda hoggaaminta, ciidamada isku uruursadaan, taakuleynta la keeno,” ayuu yiri taliye Cali Bogmadow. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay ku filan yihiin inay xoreeyaan gobollada Jubbooyinka, ayna howlgeli doonaan maalmaha soo socda. “Annagu waxaynu heysanaaa waxay gobolladaasi heysanin waxaynu heysanaa ciidan lagu kalsoonyahay oo isku dhaf ah oo la yiraahdo ciidamada qalabka sida ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Daraawiish leh oo SNA leh oo Nabad Sugid leh oo Boolis leh,” ayuu yiri. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dadka deegaanka oo uu ugu baaqay in garab istaagaan ciidamada huwanta, ayna ku taageeraan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab. “Idinka waajib ayaa idin saaran, haddii aad tihiin shicibkii waxaa weeye taakuleyntii la’idinku yaqiinay iyo garab istaagi ciidanka ayaa la’idinka rabaa” ayuu markale yiri. Jubbaland ayaa la filayaa inuu ka billowdo guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana abaabulkiisa uu ka socdaa magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee maamulkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallada Jubbaland appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho lagu qaban doona shirweyne maalgashi oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Suudaan. Shirweynahan ayaa waxaaa oo diiradda lagu saari doona maal-gashiga warshadaha iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gogal xaadh u ah shirweynaha dhawaan qabsoomi doona la yeeshay safiir ku-xigeenka safaarada Suudaan ahna sii-haayaha safiirka Mudane Ammar Ahmed B. Ali. Kulanka ayaa looga hadlay qaban-qaabada shirweynaha, ayada oo sidoo kale diirada lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo, midka dhaqan iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kaga mahad-celiyay dalka Suudaan doorkooda taageerada walaaltinimo ee had iyo jeer ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay kala faa’ideysiga dhanka aqoonta iyo xirfadaha ee labada Caasimadood, mataaneynta, tababarrada iyo maalgashiga Caasimada dalka Soomaaliya. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo shirweynahan muhiimka ah ee ka qabsoomi doona magaalada Muqdisho, kaasi oo faa’iido u leh labada dal ee u dhaxeeyo. The post Muqdisho oo dhowaan marti-gelinaysa shirweyne muhiim ah oo u dhaxeeya… appeared first on Caasimada Online.
  21. Saint Paul (Caasimada Online) – The Minnesota Department of Human Services (DHS) revoked the Lakes Adult Day Center licenses in Minneapolis and the Forever Friendship Adult Day Center in St. Paul in late January after their owners were implicated in a federal nutrition fraud scheme. The DHS paid out approximately $22 million to the 11 centers involved in the scheme over the past five years. Liban Alishire, who controlled the Lakes Adult Day Center, has admitted to pocketing over $700,000 as part of the scheme. Alishire and others are accused of overstating the number of underprivileged children served by his Lake Street Kitchen and Community Enhancement Services and sites, which were sponsored by Feeding Our Future. This organization allegedly stole $250 million from federal programs to feed poor children, programs overseen by the state Department of Education. Mekfira and Abduljabar Hussein, who controlled the Forever Friendship Adult Day Center, have been indicted for falsely claiming that their nonprofit, Shamsia Hopes, could provide daily meals for up to 5,000 children. The Husseins obtained around $8 million from the federal government through Feeding Our Future and used most of these funds for personal purposes, such as paying off their mortgage. DHS barred an undisclosed number of conspirators from working for DHS-funded organizations for 15 years based on information obtained from FBI search warrants and other publicly available documents. DHS has not yet completed its investigation into all 50 people charged in the meals fraud probe. However, it has stated that it has no authority to halt payments or exclude individuals from its programs based solely on fraud allegations made by other government agencies. DHS issued a revocation order for the Lakes Adult Day Center due to four previous enforcement actions and 35 licensing infractions, including failing to offer necessary adult daycare services. An inspection revealed that participants frequently spent extended periods of time lying on couches, watching television, and socializing with little involvement from staff. In early 2022, DHS informed Alishire that Lakes’ license was given a two-year conditional status following the documentation of 13 violations by inspectors. In the case of Forever Friendship, state officials disqualified two “controlling individuals” due to the risks they posed to the program and a licensing visit that found five violations. The revocation order against Forever Friendship cited the risks posed by the controlling individuals who have been implicated in the federal nutrition fraud scheme. DHS is proposing changes to current legislation to allow for a quicker response in the future when alerted to fraud in programs administered by other state or federal agencies. The department declined to identify the daycare workers barred from working for DHS-funded organizations, citing state laws prohibiting the provision of information about administrative investigations. The revocation of the licenses of the Lakes Adult Day Center and the Forever Friendship Adult Day Center serves as a warning to others involved in the federal nutrition fraud scheme and demonstrates the DHS’s commitment to upholding the integrity of its programs and ensuring that public funds are used appropriately. The DHS is continuing its investigation into the remaining individuals implicated in the scheme and is working to hold those who committed fraud accountable. The post Minnesota DHS revokes licenses of daycare centers in nutrition fraud scheme appeared first on Caasimada Online.