Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga Qaran ee la dagaalanka Lacag Dhaqidda iyo ka hortagga Maalgelinta Argagixisada ayaa faray Shirkadaha Isgaarsiinta inay diiwaangeliyaan macaamiisha qaadanaya Sim Kaarada Cusub, ugu yaraan laga qaado sawir iyo farro, kuwa hore u qaatay Sim kaarada in dib loo diiwaangeliyo muddo 90 cisho. Sidoo kale waxaa la xadiday lacagaha lagu diro Taleefanada (Mobile Money) dhaq dhaqaaqyada maalinlaha uusan ka badnaan $300 (Sadeex Boqol oo dollar). Warsaxaafadeed ay guddigan soo saareen ayay ku sheegeen inay dowladdu la wareegeyso si waafaqsan sharciga ka hortaga lacag dhaqida & La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, hanti kasta oo lala xiririyo Alshabaab, isla markaana xayiraad safar ayay kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la leh Shabaab. Guddigan ayaa sidoo kale kusoo rogay shirakadaha ganacsiga, dadka ka ganacsada dhulalka & dhismayaasha inay iska diiwaangeliyaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh muddo sadex 3 usbuuc gudahooda ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay la wareegayso Hanti kasta oo lala xiriiriyo Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa markii u horeysay ku baaqay in ay faraha kala baxaan arrinta ka taagan Laascaanood gacmo shisheeye oo uu sheegay inay ku lug leeyihiin xiisadda ka aloosan magaalo madaxda gobolka Sool. War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Ucid ee uu hoggaamiyo Faysal Cali Waraabe ayaa waxa lagu sheegay in ay ka xun yihiin xaalada colaadeed ee ka taagan Laascaanood, iyaga oo soo dhaweeyay xabad-joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday Somaliland. “Xisbiga cadaaladda iyo daryeelka Ucid waxa uu soo dhaweynayaa xabad-joojintii halka dhinac aheyd ee ay ku dhawaaqday xukuumadda, taasi oo ahayd talladii guddoomiyaha xisbiga Ucid.” Qoraalka kasoo baxay UCID ayaa sidoo kale waxa loogu baaqay garaadada ku sugan Laascaanood in ay dhankooda ku dhawaaqaan xabad-joojin bilaa shuruud ah. “Xisbiga UCID waxa uu ka digayaa durbaanada qabyaaladeed iyo waxkasta oo sii hurinaya xaaladda. Wuxuu ugu baaqaya in ay faraha kala baxaan dhamaan gacmaha shisheeyee ee ku lug leh arrinta Laascaanood.” Xisbiga ayaa waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ugu baaqay in uu sida ugu dhakhsaha badan u qabto doorashada Madaxtooyada, si xal looga gaadho khilaafka siyaasadeed ee curyaamiyay siyaasadda, dhaqaalaha iyo wada-jirka shacabka reer Somaliland, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga. Ugu dambeyntiina wuxuu ka codsaday dhamaan hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Somaliland, in ay gacan ka geystaan taakuleynta dadkii rayidka ahaa ee ku barakacay coladda ka taagan magaalada Laascaanood. Hadalka mucaaradka Somaliland ayaa imanaya, xilli uu weli dagaal xoogan ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, islamarkaana uu galay maalintii 9-aad. The post Mucaaradka Somaliland oo dalab yaab leh kasoo saaray xaaladda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (HOL) - Somali government on Tuesday displayed a man who was allegedly an explosive expert for al Shabab militants in the Mudug region. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) - Somali government on Tuesday arrested a man who was allegedly an explosive expert for al Shabab militants in the Mudug region. Source: Hiiraan Online
  5. Nairobi (Caasimada Online) – The Kenyan government announced on Monday that it would deploy troops to the drought-stricken north, citing scores of deaths caused by bandits and cattle rustlers. Over the past six months, the Northern Rift Valley region has witnessed the loss of over 100 civilians and 16 policemen in the past six months due to the activities of “marauding bandits and livestock rustling terrorists,” as per the statement from the interior ministry, In northern Kenya, disputes over grazing and water sources are frequent among cattle-herding communities, resulting in livestock theft or arguments. However, the government claims that “murderous gangs” have recently intensified their attacks on innocent Kenyans and law enforcement agencies, burning schools, police vehicles, and other public facilities. Hundreds of people have been displaced from their homes, prompting the government to declare a national emergency and instructing citizens to surrender any illegal firearms within the next three days. The Kenya Defence Forces will be deployed in support of the National Police Service to address the security emergency caused by rampant banditry on February 15, 2023, as per the gazette notice released on Monday. The deployment is still subject to approval by parliament. Cattle rustling has been a recurring problem in Kenya’s arid north, resulting in the deaths of several people in the past. In 2012, over 40 police officers were killed in an ambush while pursuing cattle rustlers in the country’s arid north. In 2019, at least 12 people, including three children, were killed in two attacks by cattle rustlers in northern Kenya. Kenya, East Africa’s most vibrant economy, is currently experiencing its worst drought in four decades, resulting in the loss of livestock and crops in five consecutive failed rainy seasons. The post Kenya to deploy troops to combat banditry and rustling appeared first on Caasimada Online.
  6. Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in xabad joojinta ay xukuumadu ku dhawaaqday ay suuragalin doonto in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo. Wasiir Kayd oo warbaahinta kula hadlay Afka Ingiriisiga, ayaa sheegay in xabad joojintu ay suuragalin doonto in khilaafka wadahadal lagu dhameeyo, waxaanu sheegay in Somaliland markasta hesho wado ay arrimaheeda ku xalisato. “10, 2, 2023 dowlada Somaliland waxay ku dhawaaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, waxanan aaminsanahay tani in ay fursad siin doonto wadahadal, dadka reer Somaliland marka waxay helaan wado ay ku xaliyaan khilaaf kooda xasarad la’aan, waana dhaqankayaga” ayuu yidhi Wasiir Kayd. Waxa uu sheegay in aanu umadina ka badbaadi karin dhibaatooyinka adduunka, ayna tahay qayb kamid ah sunaha nolosha, lakiin dadka reer Somaliland ay yihiin dad adkaysi leh, oo ka gudbi doona dhibaatooyinka, waxaanu shacabka usoo jeediyay in ay u midoobaan in xalka nabad lagu raadiyo. Xukuumada Somaliland ayaa todobaadkan gudihiisa dhowr jeer ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruuda, lakiin wali dagaalka Laascaanood ayaa soconaya maalintii 9aad oo xidhiidha, isla markaana may hirgalin xabad joojintu. Dagaalada ka soconaya Laascaanood ayaa galaaftay nolosha tobanaan qof, iyadoo tiro kale oo intaa kabdanina ay ku dhaawacmeen, sidookale, kumanaan qof ayaa ka qaxay magaalada colaada awgeed. Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in la qabtay Salmaan Daadir, oo ahaa Madaxii qaraxyada iyo caafimaadka ee Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Mudug. Qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta ayaa waxa lagu sheegay in sarkaalkan muhiimka u ahaa kooxda Al-Shabaab lagu qabtay Aagga Camaara ee gobolka Mudug ee dowlad-goboleedka Galmudug. Salmaan Daadir oo gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad, ayaa waxaa la qabtay isagoo maleegayay dhagar uu ku dhibaateyn lahaa shacabka, sida lagu sheegay qoraalka dowladda. “Dhagar qabe Salmaan ayaa gaari ku waday xilliga la qabtay agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo daawooyin, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad.” Ciidamada dowladda ayaa daba-yaaqada sanadkii hore la wareegay deegaanka Camaara oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku sugnaayeen sannadihii u dambeeyey, waxaana illaa hadda si buuxda gacanta ugu haya ciidamada huwanta. Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay kooxda Al-Shabaab ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah. Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, sidoo kale waxaa qeyb ka ah dagaalka tooska ah midka dhaqaale iyo fikri ee dowladdu ku cirib-tirayso kooxda. The post Salmaan Daadir, Madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Mudug oo u gacan galay DF appeared first on Caasimada Online.
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland, Mudane Maxamed Cilmi Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi, gaar ahaan arrinta Laascaanood. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa beeniyay inay jiraan dad kasoo jeeda gobolka Sool oo lagu dhibaateeyay magaalada Hargeysa, wararkaas oo maalmihii dambe la hadal hayey. “Qof wax la yeelayo iyo qof dhib heystaa ma jiro gobolka. Bulshada ku nool gobolka Maroodi-jeex waa bulsho og in Qaranka la wada leeyahay,” ayuu yiri guddoomiyuhu. Maxamed Cilmi Axmed ayaa ugu baaqay shacabka reer Laascaanood ee ku nool Hargeysa, inay daganaan muujiyaan, isla-markaana ay wataan shaqooyinkooda iyo waxbarashadooda cadadiga ah, isagaoo hoosta ka xariiqay in lagu waxyeeleyn karin gobolka Maroodi-jeex. “Cid alla waxaa weeyaan cid wax u dhimeysa oo waxyeeleysaa ma jirto been yaa la’idin sheegin baan leeyahay dadka waxaan leeyahay sidii ay gobolka u daganaayeen ha u daganaadaan howlahoodana ha qabsadaan,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale guddoomiyaha ayaa soo hadal qaaday xiisadda weli ka jirta magaalada Laascaanood, wuxuuna tilmaamay in la buun buuniyay dagaalka ka socda halkaasi. Guddoomiye Maxamed Cilmi Axmed ayaa hoosta ka xariiqay in reer Laascaanood aan laga xigin Somaliland, ayna yihiin dad deegaanka ah oo ka tirsan maamulkaasi. “Shaqaaqada ka jirta gobolka Sool waa la buun-buuniyay waxa jira dad Facebook-ga iyo Youtube-ka been aad ugu baahinayo waxaan u sheegayaa Umadda Somaliland in la wada leeyahay Somaliland,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay guddoomiye Maxamed Cilmi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalintii 9-aad uu galay dagaalka ka socdo gudaha magaalada Laascaanood, kaas oo geystay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogleh. The post Daawo: Maxaa ka jira in shacab kasoo jeeda Sool lagu dhibaateeyay Hargeysa? appeared first on Caasimada Online.
  9. Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqday masiibo qaran, ka dib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen in todobo ka mid ah sagaalka gobol ee ay ka kooban tahay ay daadad ku rogmadeen,isla markaana ay burburiyeen wadooyin iyo buundooyin. Hay’adda cimilada ee qaranka ayaa saadaalisay in roobabka xooggan ay sii jiri doonaan maalmaha soo socda, iyadoo khasaare badan uu soo gaaray beeralayda dalkaasi,sida lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada. Dawladdu waxay ku dhawaaqday xaalad masiibo ah oo heer qaran ah si ay awood ugu yeelato in si degdeg ah looga jawaabo saameynta fatahaadaha,sida lagu sheegay bayaanka, balse laguma sheegin khasaaraha ka dhashay roobabkaasi. PUNTLAND POST The post Koonfur Afrika oo ku dhawaaqday Musiibo Qaran kadib daadad ku rogmay dalkaas appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka qeybta Waliyow Cadde ee Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Isxaaq Maxamed Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgal dad lagu soo qab-qabtay oo xalay laga sameeyay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, isagoo shaaciyay in dagaalka lagula jiro Shabaab uu soo galay Muqdisho. Gaashaanle Isxaaq Maxamed ayaa sheegay in xubno badan oo firxad ah, kana tirsan Al-Shabaab ay soo galeen caasimada, kadib culeys ay kala soo kulmeen gobollada dalka. Taliye ku-xigeenka qeybta Waliyow Cadde ayaa isaga oo la hadlayey dhalinyaro lagu soo qabtay howlgalka ka dhacay degmada Hodan ayaa tilmaamay in xubnaha la raadinayo ay ku dhex dhuumaaleysanayaan bulshada, loona baahan yahay in la wada shaqeeyo. “Dagaalka lagula jiro nimankaas magaalada Muqdisho wuu soo galay intiina caawa meeshaan fadhido qofba guri ayaa laga soo waday intaas ayuu ku dhex-jiraa qofka aan raadineyno” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka qeybta Waliyow Cadde. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay caqabad ku tahay horumarka dalka, isla-markaana ay dhibaato ku heyso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. “Nimanka Khawaarijta waxa ay u hortaagan yihiin horumarka dalka, nabadda, waxayna dhib ku hayaan bulshada Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Ugu dambeyn taliyaha ayaa farriin u diray reer Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay in aysan gurigooda geynin qof aysan garaneyn meel uu ka yimid, isla-markaana loo baahan yahay inay maraan habraaca loo dajiyay kireynta guryaha, ayada oo lasoo marayo degmada. “Qofka aad gurigaaga ku soo dhaweyneyso muxuu ahaa qof aan la garaneyn oo meel kale kasoo cararay oo aad degmada kasoo diiwaan-gelin gurigaaga hasoo dajin,” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan. The post Daawo: Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo soo galay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqdo magaalada Caluula sida wararku sheegayaan. Madaxweyne Siciid Deni oo ku sugan Boosaaso ayaa sida la xaqiijinayo safar ku tegi doona magaalada xeebeedda Caluula ee Gacanka Gardafuu. Safarkan ayaa lagu tilmaamay kii u horreeyay ee Siciid Deni Caluula ku tego tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland 8 January 2019. Waxa la sheegaya in uu u kuur-galayo xaaladda bulsho iyo baahiyaha ka jira degmada Caluula balse Madaxtooyadu weli kama warbixin safarkan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo lagu wado in uu booqdo degmada Caluula appeared first on Puntland Post.
  12. Somalia authorities have over the past week been dealing with yet another mass displacement of people as conflict raged in Las Anod following intensified confrontation between Somaliland forces and SSC (Sool, Sanaag and Cayn) militias. Source: Hiiraan Online
  13. (SLT-Laascaanood)-Xalay ayaa waxaa ciidammada Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diidka ah uu dagaal ku dhex maray magaalada Laascaanood, dagaalkaas oo bilaabmay abaaro sideedii iyo dheeraad fiidnimo ayaa wararku sheegayaan inuu socday qiyaastii laba saacadoo wax ku dhaw. Ilaa haatan ma jiraan warar faahfaahsan oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas. Waxay noqonaysaa markii ugu horraysay ee ay labada dhinac gorrodda is daraan goor habeenimo ah tan iyo markii dagaalku halkaa ka bilaabmay muddo haatan sagaal maalmood ah. Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa haatan dagan. Source
  14. Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo sidoo kale kuwa deegaanka. Dagaalka oo billowday abaare sideeda habeenimo ayaa waxaa barbar socotay duqeyn xoogan, gaar ahaan madaafiic lagu garaacay gudaha magaaladaasi. Kooxaha gurmadka deg-dega ah ayaa sheegay in dad kooban ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah, maadaama xilliyada habeenkii ah markii ay kala qabowdo xabadda ay kasoo adeegan jireen dukaamada. Waxay sidoo kale noqonaysaa markii u horraysay ee ay labada dhinac xilli habeen ah ku dagaalamaan magaalada, tan iyo markii dagaalka ka bilowday halkaasi 9 maalin kahor. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka xalay dib uga billowday Laascaanood. Xaaladda ayaa saaka yare degan, inkastoo labada dhinac ay weli dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan Laascaanood, ayada oo suuragal ay tahay in markastaa uu dagaalka dib u qarxo. Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo. Si kastaba, labada dhinac ayaa horay u sheegay in mid kasta uu diyaar u yahay xabad joojinta, balse ma noqon mid hirgasha, waxayna noqotay mid ku kooban afka baarkiisa. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus iyo duqeymo oo ka dhacay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  15. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu qorsheynayey dagaal ka dhan ah Somaliland. Wasiir Caateeye ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay in Farmaajo uu ciidan la dagaalama Somaliland ku soo tababaray Turkiga ioyo Eritrea, sida uu hadalkiisa u dhigay. Sidoo kale qoraalka wasiirka gaashaandhigga Somaliland qeybtiisa dambe waxaa ku xusan in Somaliland lagula dagaalamayo hub loogu deeqay Soomaaliya. “Qorshahan lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Somaliland ayaa soo socday muddo sanado ah, iyadoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo uu ciidamo tababar ku soo qaatay dalalka Eritrea iyo Turkiga, u jeedkooduna yahay inay la dagaalamaan Somaliland. Hubka loogu deeqay Soomaaliya ayaa lagula dagaalamay Somaliland,” Wasiir Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye. Source
  16. Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa shalay lagu diley Imaamka Masaajid ku yaalla degmadaasi. Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku diley Imaamka Masaajidka Maqaamul Ibraahim AHUN Sheekh Mukhtaar Cabdi Xaamud. Raggan ayaa la sheegay inay y ka baxsadeen goobta, ka hor intii ayna gaadhin ciidammada amniga. Maamulka Degmada Wadajir iyo Saraakiisha amniga ayaan weli ka hadlin dilka Sheekh Mukhtaar Cabdi loogu gaystay degmadaasi. Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, waxaase uu imaanaya, xilli maalmihii ugu dambeysay ay falalka dilka ku soo badanayeen magaalada Muqdisho. Source
  17. Dowladda Maraykanka ayaa si adag u diiday eedaha uga yimi dalka Shiinaha ee ku saabsan, in Maraykanku uu sannadkii hore dul mariyey hawada dalkaas, in ka badan 10 buufimood oo ah kuwa wax basaasa oo ku duulaya joog aad u sarreeya. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo xiisadda labada dal ay meel sare marayso, ka dib markii ay ciidamada Maraykanku ay soo rideen boofin ka timi dalka Shiinaha oo soo gashay hawada Maraykanka. Afhayeenka golaha amniga qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa u sheegay telefishanka MSNBC “inaanay run ahayn eedaha ka yimi Shiinuhu, isla markaana aanu Maraykanku dul marin wax buufimo ah” Shiinaha ayaa qirtay in mid ka mida buufimahoodu inay muddo sideed maalmood ah, dul heehaabaysay hawada dalka Maraykanka, ka hor intii aanay soo ridin, diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku bishii February 4-teedii. Bejieng ayaa ku doodaysa buufimada lagu arkay hawada Maraykanku inay ahayd mid loo isticmaalayey dhinaca saadaasha hawada, hase ahaatee laamaha ammaanka ee Maraykanka ayaa iyagu qaba in aaladdan loo isticmaalayey basaasnimo. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo beeniyay in uu Shiinaha ku basaasay buufinaha joogga sare ku duula appeared first on Puntland Post.
  18. Kenya’s President William Ruto has ordered the army to join a security operation against armed bandits in the northern Rift Valley region who have killed dozens of people in recent months. Source: Hiiraan Online
  19. Jowhar (Caasimada Online) – Fal-celin xoogleh ayaa ka dhalatay dhacdo la yaableh oo shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii uu nin hubeysan Isniintii shalay aheyd afaafka hore ee Maxkamad ku taalla magaaladaasi uu ku dilay laba nin oo ku eedeysnaa dilka wiilkiisa oo da’diisu ay aheyd saddex sanno jir. Aabaha toogashada geystay ee horay loo dilay wiilkiisa yar oo dhowr habeen kahor meydkiisa laga helay xaafada Kulmis ee magaaladaas, ayaa ka tirsanaaa ciidanka dib-u-xoreyta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisley-da, kaas oo goobta isaga baxsaday. Dadka falceliyay dhacdadaan argagaxa leh ayaa waxaa kamid ah siyaasiga lagu magacaabo Dr. Xasan Cadaay oo kasoo jeedo HirShabelle, kadib wareysi uu siiyay Somali Cable TV. Xasan Cadaay ayaa shaaca ka qaaday in arrintan laga sii gaashaaman karay, wuxuuna HirShabelle ku dhaliilay sida ciidan hubeysan loogu ogolaaday inay tegaan maxkamadda. “Waxaa khalad aheyd oo aan loo baahneyn maxkamadda inay yimaadiin ciidamo, haddii ay imaanayaan waa inay shacab ahaadaan,” ayuu yiri Dr. Xasan Cadaay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay habooneyd, haddii aan la sugi karin amniga kiiska raggaas loo soo gudbiyo magaalada Muqdisho, si ay u shaqeyso cadaaladda. “Dhibaatada uu maamulka HirShabelle galay ayaa waxa ay aheyd goobta in ay keenaan ciidan hub sita dhibaatadaasna geystay, haddii aysan qaban karin, amnigana aysan sugi karin waxay aheyd inay usoo wareejiyaan magaalada Muqdisho,” ayuu ku daray hadalkiisa. Siyaasiga caanka Xasan Cadaay oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi kusii daray in arrintan ay halis ku tahay amniga madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, Yuusuf Dabageed iyo golaha wasiirada, sida uu hadalka u dhigay. “Askari labo Xidigle ah in uu maxkamadda Jowhar ku dilay labo eedeysane waxa ay halis ku tahay amniga madaxweynaha HirShabelle, madaxweyne ku xigeenka iyo golaha wasiirada oo khatar ku jiro”ayuu markale wareysigaan ku yiri Siyaasi Dr Xasan Cadaay. Si kastaba, dhacdadaan ayaa dhalisay walaac xoogan, maadaama ay keentay in lagu kala cararo dhismaha maxkamadda oo aheyd halka markii loo cadaalad doontay, ayada oo ay dhacdadaan si weyn usii qabsatay baraha ay ku wada xiriirto bulshada ee Internet-ka. The post Daawo: Arrintii shalay ka dhacday Jowhar oo halis ku ah Guudlaawe iyo Dabageed appeared first on Caasimada Online.
  20. Two women have sued the government for failing to recognise marriages between refugees and Kenyans. Source: Hiiraan Online
  21. Two men charged with murdering a 22-year-old man in Dublin a day before his body was found dumped in Co Meath have been granted bail. Source: Hiiraan Online
  22. NEW YORK CITY: The UN is seeking $2.6 billion to help 8 million people in Somalia as the country once again finds itself on the brink of widespread famine, as a result of overlapping crises including prolonged drought, conflict, insecurity, high food and water costs, and mass displacement. Source: Hiiraan Online
  23. NAIROBI, KENYA — A Somali journalist said he had been freed from jail Monday just hours after a court handed down a two-month sentence on security charges, a case widely criticized by rights campaigners and media advocacy groups. Source: Hiiraan Online