Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wakiilada beesha caalamka ayaa mar kale war cusub kasoo saaray dagaalka weli ka socda gudaha magaalada Laascaanood ee u dhexeeya ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diidka ah. Beesha caalamka ayaa shaaca ka qaaday in ay si xoogleh u cambaareyneyso sii socoshada dagaalka Laascaanood, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac. “Saaxiibada beesha caalamka ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xidhiidha abaabulka kooxaha hubaysan,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka. “Waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah,” ayaa markale lagu yidhi warka qoraalka ah. Wakiilada Beesha Caalamka ayaa markale ku celiya baaqooda ah in la joojiyo dagaalka, wax welibana lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka. “Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaadho xal nabadeed. Waxaan ku celinaynaa baaqayaga ah in gargaar bani’aadanimada aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka beesha caalamka. War-saxaafadeedka beesha caalamka ayaa waxaa si wada-jir ah usoo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub (EU), Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay. Source
  2. Ankara (Caasimada Online) – Dalka Turkiga, sagaal qof ayaa Talaadadi shalay nolol loogu tagay oo laga soo badbaadiyay darbiyada burburay hoostooda, hal todobaad kaddib, dhul-gariirki xoogganaa ee garaacay Turkiga iyo Suuriya. Kuwa lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jiray laba wiil oo walaal ah oo mid uu ahaa 17 jir kan kalana 21 sano jir. Labaduba waxaa laga soo bixiyay guri dabaq ah oo ka mid ah guryaha ku burburay gobolka Kahramanmaras ee dalka Turkeye. Magaalada Antakya ee caasimadda gobolka Hatay ee dalka Turkiga, waxaa burburka hoostiisa laga soo badbaadiyay gabar iyo wiil u dhashay Suuriya, kuwaas oo darbiyada dumay hoostooda ku go’doonsanaa wax ka badan 200 oo saacadood. Mid ka mid ah dadka lasoo badbaadiyay ayaa kooxaha gurmadka u sheegay, in wali ay jiraan dad nool oo ku go’doonsan burburka hoostiisa. Tirada dadka ilaa iyo hadda ku dhintay dhul-gariirka labada waddan ee diriska ah ee Turkey iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 41,000. Kumannaan kun oo qof ayaa hooy la’aan ah xilli darajada qaboowga xilliga qaboobaha ay tahay mid aad u daran. The post Tirada dhimashada dhul-gariirkii Turkiga iyo Syria oo gaartay 41,000 appeared first on Caasimada Online.
  3. Taliska Ciidanka xoogga Puntland ee PSF ayaa shaaciyay in ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka saareen dhul ka tirsan buuraleyda Calmis ee Gobolka Bari. Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka PSF uu ka sameeyay buuraha Calmiskaad ayaa kooxda Al-shabaab looga saaray xarun ay ku lahayd tuulada XABLEY. War ka soo baxay PSF ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka A-shabaab laga saaray XABLEY kadib hawlgal qorshaysan oo Ciidanku ka fuliyay halkaas. Taliska PSF ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan Hawlgallada ka socda dhanka buuraha ee ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Puntland: Ciidanka PSF oo Al-shabaab ka saaray dhul ka tirsan Calmis appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Muqdisho)-Shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ayaa maanta ku dhawaaqday inay billowday duulimaad maalinle ah oo ay ku tagi doonto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga bilaabo 9-ka March sannadka 2023-ka. Shirkaddu waxay sheegtay inay doonayso in Soomaaliya ay si toos ah ugu xidho Dubai iyo Imaaraadka Carabta. Hamad Obaidalla, oo ah madaxa ganacsiga ee flydubai, ayaa yidhi: “Waxaan sii wadeynaa raadinta fursadaha aan ku kobcineyno shabakadaha Bariga Afrika iyo furitaanka suuqyo aan la isticmaalin. Gobolkani waxa uu sameeyay koboc dhaqaale iyo horumar la taaban karo sannadihii u dambeeyay. Masuulkan wuxuu sheegay in duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya ay sii kicin doonaan dhaqaalaha islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan abuurista isu socodka iyo ganacsiga. Shirkadda Fly Dubai waxay sidoo kale sheegtay inay ballaadhisay shabakadeeda Afrika ilaa 11 goobood, taasoo siinaysa rakaabka Imaaraadka iyo gobolkaba ikhtiyaarro ku habboon safarkooda. Shirkadda meelaha ay isku ballaadhisay waxaa ka mid ah Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar. Waxa xusid mudan in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay shirkadda Fly Dubai u diiday inay duulimaadyo maalinle ah ku timaado magaalada Hargeysa, balse ay u ogaalatay inay toddobaadkii maalmo kooban safar ku timaado Hargeysa, taasi ay dadka qaarkood ku macneeyeen in cid kale loogu danaynayay balse ay fursad weyn u ahayd Somaliland. Source
  5. Rome (Caasimada Online) – The International Fund for Agricultural Development (IFAD) announced on Tuesday that it is “substantially” increasing its support to address the drought crisis in Somalia after a three-decade-long suspension of direct investments in the country. IFAD President Alvaro Lario confirmed that Somalia had cleared its debt with the organization through member-state support, allowing direct investments to resume. The prolonged drought in the country continues to threaten millions with acute food insecurity. As such, IFAD recognizes the need for long-term solutions through rural development to build resilience. Lario emphasized the importance of providing humanitarian assistance to save lives but also to establish a foundation for a brighter future. Immediate assistance for agriculture development IFAD is mobilizing resources for a new US$50m agricultural development project, providing services and training to support small-scale farmers and pastoralists. This project includes the provision of seeds, irrigation, veterinary services, micro-finance loans, and training in climate-smart and adaptation techniques. To support this effort, IFAD immediately makes US$11.6m in funding available. This project will help farmers and pastoralists adapt to climate change, build resilience, and cope with future shocks. Hassan Sheikh Mohamud, the President of the Federal Republic of Somalia, has welcomed IFAD’s renewed commitment. He recognizes that this re-engagement is an opportunity to address many food security priorities in the country. The president emphasized that IFAD’s re-engagement marks the beginning of the process of transition from humanitarian to development efforts and that other organizations will follow suit. Belgium, Germany, Italy, and Sweden have supported Somalia in clearing its arrears, which prevented the country from benefiting from IFAD’s highly concessional loans and grants since the civil war began in 1991. IFAD continued to mobilize donor grants, channeling resources for rural development projects in Somalia. This re-engagement with IFAD is a significant step forward for Somalia’s development and ability to withstand economic and climatic shocks. Strengthening resilience in rural populations Jochen Flasbarth, State Secretary for the Federal Ministry of Economic Cooperation and Development of Germany, highlights the importance of building institutions and ownership in times of crisis to leverage further financing for climate-resilient agriculture. The Belgian ambassador to IFAD, Pierre-Emanuel De Bauw, emphasizes the urgency of strengthening the resilience of rural populations in the world’s poorest countries. IFAD’s renewed commitment to supporting Somalia’s agricultural development is critical to the country’s long-term sustainability. Through this effort, small-scale farmers and pastoralists will be equipped with the necessary tools and knowledge to adapt to climate change and build resilience. As a result, Somalia can withstand economic and climatic shocks and improve its food security in the face of continued challenges. The post IFAD resumes support for Somalia after debt clearance appeared first on Caasimada Online.
  6. Dalka Turkiga, sagaal qof ayaa salaasadii shalay nolol loogu tagay oo laga soo badbaadiyay darbiyada burburay hoostooda, hal todobaad kaddib, dhul-gariirkii xoogganaa ee garaacay Turkiga iyo Suuriya. Kuwa lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jiray laba wiil oo walaal ah oo mid uu ahaa 17 jir kan kalana 21 sanno jir. Labaduba waxaa laga soo saaray guri dabaq ah oo ka mid ah guryaha ku burburay gobolka Kahramanmaras ee dalka Turkeye. Magaalada Antakya ee caasimadda gobolka Hatay ee dalka Turkiga, waxaa burburka hoostiisa laga soo badbaadiyay gabadh iyo wiil u dhashay Suuriya, kuwaas oo darbiyada dumay hoostooda ku go’doonsanaa wax ka badan 200 oo saacadood. Mid ka mid ah dadka lasoo badbaadiyay ayaa kooxaha gurmadka u sheegay, in wali ay jiraan dad nool oo ku go’doonsan burburka hoostiisa. Tirada dadka ilaa iyo hadda ku dhintay dhul-gariirka labada waddan ee diriska ah ee Turkey iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 41,000. Kumannaan kun oo qof ayaa hooy la’aan ah xilli darajada qaboowga xilliga qaboobaha ay tahay mid aad u daran. Source
  7. Culimada S/land oo xataa Sheekhii Muuse Biixi ku jiro warkoodii wuxuu ku soo ururay Kelmed keliya oo ah Laascaanood Qofka Dirirteeda ka qayb qaata ee ku dhintaa waa Ehlu-naar!. Culimadii Somaliland wada shaqayn buuxda, oo aan hore loo gu aqoon ayay ka sameeyeen mashaqada Laascaanood. Iyaka oo aanay cidi u maqnayn, oo Selefi, Suufi, Ictisaam iyo Waxdad ba isugu jira, oo xataa Sheekhii Muuse Biixi ku jiro, warkoodii dorraad waxa uu ku soo ururay mid keliya – Laascaanood ninka dirirteeda ka qayb qaata ee ku dhintaa waa ehelu naar! Taas micnaheedu waxa weeye, nin kasta iyo gabadh kastaayba wiilka qoyskiina ee aad meeshaas ku ogtahay u sheeg in uu jidkii naarta hayo. Qoyskayaga mid baa ka tegi gaadhay oo waa ka joojinay, islaamo sabaayad samaynaayay na waxaas faraha ka qaada ayaan ku idhi. Aniguba ma girif-girif yari – deminta dabka waan ka qayb qaatay, qalbiga na waan ka diidanahay. Culimadu wax wacan ayay aduunkooda iyo aakhiradooda ba u tareen, waa se in ay sii kordhiyaan. Cid kasta oo dagaalkaas ka soo hor jeeda ehel baanu nahay. Dagaal in uu Laaska ka bilaabmo fashil siyaasadeed oo Hargeysa ka yimid ayay ahayd welina tahay. Naf iyo maal ahaan cidda waxyeelada u weyni ka soo gaadhaysaa waa dadka deegaanka, siyaasi ahaan cidda khasaaraha u weyni ka soo gaadhay na waa Hargeysa, maxaa yeelay Laascaanood marnaba ma ahaan doonto sidii ay ahayd ka hor mudaharaadadii 27 December, 2022. Waxa Qoray Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  8. (SLT-Riyadh)-Waddanka Saudi Arabia ayaa loo doortay inuu marti-geliyo Koobka Kooxaha Adduunka ee bisha December ee sannadkan 2023, sida ay FIFA ayaa ku dhawaaqday salaasadii shalay. Golaha FIFA ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay xidhiidhka kubadda cagta Sacuudi Carabiya inuu martigeliyo koobkan, oo ay kasoo qeybgalayaan lixda horyaal ee qaaradaha iyo kooxda ku guuleysata horyaalka Sacuudiga. Tartanka ayaa dhici doona inta u dhaxaysa 12-22 December 2023. Horraantii bishaan, Sacuudi Carabiya waxaa u doortay xidhiidhka kubbadda cagta Aasiya inuu martigeliyo Koobka dalalka Aasiya ee 2027. Sacuudiga ayaa hore u martigeliyay munaasabado isboorti oo ay ku jiraan Super Cup-ka Spain ee sanadkan, horyaalka feerka adduunka ee u dhaxeeya Oleksandr Usyk iyo Anthony Joshua iyo tartanka gawaarida ee Riyaad Grand Prix. Kulanka golaha FIFA ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay isbedel lagu sameeyay qaab dhismeedka koobka kooxaha adduunka, iyadoo la ansixiyay in laga dhigo 32 kooxood laga bilaabo 2025. Source
  9. Ganacsade Jabuutaawi ayaa sheegay inuu yahay Madaxweynaha ku meel gaadh ka ah ee maamulka cusub ee deegaankiisu samaysteen Jabuutaawi wuxuu kamid ahaa dadkii ugu adkaa qadiyada Somaliland hadana wuxuu kamid yahay Kuwa ugu fog ee ka soo horjeeda Somaliland Muuse biixi dadka uu kasaaray qadiyada Somaliland Ayuu kamid yahay Ganacsade Jabuutaawi. Qaran News
  10. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha ee loo soo gaabiyo IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doollar. Waxa uu ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha shalay lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta. Soomaaliya oo ay weli ka jirto abaar taariikhi ah, taasoo malaayiin Soomaali ah ku riixday cunto yari badan, Alvaro Lario, oo ah Madaxa Sanduuqa Horumarinta Beeraha Adduunka ee loo soo gaabiyo (IFAD) ayaa shalay ku dhawaaqay intii lagu guda jiray kalfadhiga 46-aad ee golaha maamulka IFAD inay si weyn u xoojin doonaan taageerada ay hay’addani siiso Soomaaliya oo ay dib u bilaabi doonto maalgashigeeda tooska ah ka dib markii deynta lagu leeyahay oo sababtay in muddo soddon sano ah la hakiyo maalgashiyada. Soomaaliya waxaa hadda laga cafiyey deymihii ay ku lahayd IFAD iyada oo taageero ka helaysa dalalka xubnaha ka ah. “Maanta, xaaladda malaayiin Soomaali ah waa mid murugo leh,” ayuu yiri Lario. “Shan xilli roobaad oo xiriir ah ayaa la waayey, kuwaas oo dhibaato u geystay noloshooda iyo awooddooda ay nolosha kula tacaali lahaayeen, taasoo ay usii dheertahay colaado, cimilo xumo, Ayaxa oo dillaacay iyo qiimaha raashinka oo kacay, shidaalka iyo bacrimiyaha oo aad u sarreeya, waa inaan gargaar bani’aadamnimo u fidino si loo badbaadiyo nolosha hadda. , laakiin waxaa si la mid ah muhiim u ah inaan maanta aasaaska dhigno si loo xaqiijiyo mustaqbal ifaya.” Ayuu yidhi Haddaba intii uu socday shirka jaraa’id, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay ballan-qaadka IFAD ee soo cusboonaadey: “Dib-u-howlgelintaan waxay fursad u tahay waa cusub oo Soomaaliya u soo ifbaxaya si wax looga qabto waxyaabo badan oo mudnaan u leh haqab-beelka cuntada dalka,” ayuu yidhi. “Dib-u-howlgelinta IFAD waa bilowga geeddi-socodkii looga gudbi lahaa bini’aadantinimada una guuri lahayd horumarka, waxayna wax badan ka taraysaa – albaabada ayay furaysaa, ururrada kalena way ku dayan doonaan.” Maxay kala Yihiin Lacagahani? Lario waxa uu ku dhawaaqay in IFAD ay si degdeg ah u samaynayso $11.6 milyan oo doolar oo la heli karo iyo abaabulidda agabka mashruuca horumarinta beeraha oo $50 milyan oo doolar ah, bixinta abuurka, waraabka, beeralayda iyo adeegyada caafimaadka xoolaha, daymo yar yar oo la bixiyo, tababar xaga cimilada iyo farsamada la qabsiga si loo horumariyo dalagga iyo wax soo saarka xoolaha. “Waa inaan caawinnaa beeralayda yar yar iyo xoolo-dhaqatada inay la qabsadaan isbeddelka cimilada oo aan dhisno adkeysigooda si ay ula qabsadaan xaaladaha mustaqbalka,” ayuu yidhi Lario. “Waxay u baahan yihiin dhaqaale iyo tababar.” Ayuu kusii daray. Maalgelinta tooska ah ee IFAD ee dib loo cusbooneysiiyey ayaa hadda suurta gashay iyada oo looga mahad celinayo waddamada Belgium-ka, Jarmalka, Talyaaniga iyo Sweden oo Soomaaliya ku taageeray in laga cafiyo deymaha ay ku leedahay IFAD. Dayntaas ayaa Soomaaliya ka hor istaagtay in ay ka faa’iidaysato deymaha iyo deeqaha IFAD ee aadka u fudud tan iyo sannadkii 1991-kii, markii ay dagaaladii sokeeye ka bilowdeen Soomaaliya. “Sida Jarmalku uu Soomaaliya uga sifaynayo deymaha maqan ee IFAD waxa ay u sahlaysaa in Sanduuqa uu dib u bilaabo doorkiisii muhiimka ahaa ee ku aaddanaa taageeridda horumarinta reer miyiga iyo beeralayda ee u adkeysiga cimilada Soomaaliya iyo si loo xoojiyo hay’adaha iyo helista waqtiyada dhibaatooyinka si looga faa’iidaysto maalgelin dheeraad ah oo loogu talagalay beera u adkeysta cimilada,” ayuu yidhi Jochen Flasbarth, Xoghayaha Gobolka, Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Federaalka Jarmalka. “Dhibaatada cimiladu waxay cawaaqib xun ku leedahay beeraha iyo wax soo saarka cuntada ee dalalka ugu saboolsan adduunka, waa mid degdeg ah in aan xoojino adkeysiga dadka reer miyiga ah ee dalalkan,” ayuu yidhi Ergay Pierre-Emanuel De Bauw, Guddoomiyaha IFAD ee Belgium-ka. “Belgium-ku waa sharaf u ah in uu ka mid noqdo dalalkii ugu horreeyay ee gacan ka geystay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha ay ku leedahay leeyahay IFAD, taasoo u sahlaysa dalka inuu ka faa’iidaysto maalgelinta IFAD si loogu caawiyo beeralayda yaryar inay la qabsadaan isbeddelka cimilada iyo wax ka qabashada xaalufka dhulka.” Haddaba deymaha IFAD ee waddamadani nka cafiyeen Soomaaliya ayaa sidan u kala dhigan: Belgium-ka wuxuu cafiyey € 2.5 milyan oo Yuuro, Jarmalka € 6 milyan oo Yuuro, Talyaaniga €474,000 Yuuro iyo Sweden oo cafisay qarash dhan € 944,000 oo Yuuro. Source
  11. Laascaanood (Caasimada Online) – Wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ayaa markale war cusub kasoo saaray dagaalka weli ka socda gudaha magaalada Laascaanood ee u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. Beesha caalamka ayaa shaaca ka qaaday in ay si xoogleh u cambaareyneyso sii socoshada dagaalka Laascaanood, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur xoogan. “Saaxiibada beesha caalamka ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Sidoo kale beesha caalamka ayaa qoraalkeeda walaac uga muujisay duqeymaha ka socda magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay waxyeello kasoo gaareen dadka rayidka ah. “Waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah. Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa markale ku celiya baaqooda ah in la joojiyo dagaalka, wax welibana lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka. Ugu dambeyn xubnaha beesha caalamka ayaa dalbaday in labada dhinac aysan hor istaagin gurmadka loo fidinayo dadka shacabka ah ee ka ka barakacay Laascaanood. “Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed. Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka beesha caalamka. War-saxaafadeedka beesha caalamka ayaa waxaa si wada-jir ah usoo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub (EU), Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha caalamka oo war cusub kasoo saartay dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  12. Garaad Mukhtaar Garaad Cali, ayaa yidhi “annaga yaan xabad joojin dambe naloosoo wicin maadaama ay Somaliland sheegtay in ay la dagaalamayaan Alshabaan iyo Puntiland, ha wacaan Argagixisada” Garaadku wuxuu sidoo kale sheegay in hadii beesha caalamku ay soo wacaan ay u sheegi doonaan in cida is haysaa aanay ahayn iyaga Somaliland. Qaran News
  13. Dalka Turkiga, sagaal qof ayaa shalay nolol loogu tagay oo laga soo badbaadiyay darbiyada burburay hoostooda, hal todobaad kaddib, dhul-gariirki xoogganaa ee garaacay Turkiga iyo Suuriya. Kuwa lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jiray laba wiil oo walaal ah oo mid uu ahaa 17 jir kan kalana 21 sano jir. Labaduba waxaa laga soo bixiyay guri dabaq ah oo ka mid ah guryaha ku burburay gobolka Kahramanmaras ee dalka Turkeye. Magaalada Antakya ee caasimadda gobolka Hatay ee dalka Turkiga, waxaa burburka hoostiisa laga soo badbaadiyay gabar iyo wiil u dhashay Suuriya, kuwaas oo darbiyada dumay hoostooda ku go’doonsanaa wax ka badan 200 oo saacadood. Mid ka mid ah dadka lasoo badbaadiyay ayaa kooxaha gurmadka u sheegay, in wali ay jiraan dad nool oo ku go’doonsan burburka hoostiisa. Tirada dadka ilaa iyo hadda ku dhintay dhul-gariirka labada waddan ee diriska ah ee Turkey iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 41,000. Kumannaan kun oo qof ayaa hooy la’aan ah xilli darajada qaboowga xilliga qaboobaha ay tahay mid aad u daran. PUNTLAND POST The post Khasaaraha Dhul-gariirkii Turkiga iyo Suuriya oo kordhay appeared first on Puntland Post.
  14. Mareykanka oo u digay dadka heysta labada Baasaboor Safaaradda Mareykanka ee Moscow ayaa ka digtay inay xaddidan tahay awooddeeda ah inay caawiso muwaadiniinta ku sugan Ruushka Mareykanka ayaa uga digay muwaadiniintiisa labada dhalasho heysta in ay si deg deg ah uga soo baxaan dalka Ruushka isagoo ka cabsi qaba in si khaldan loo xiro si loogu qafaalo ka dibna si khasab ah looga qeybgeliyo dagaalka Ukraine. Digniin dhanka safarka ah oo hor leh oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in laga yaabo in Ruushka uu diido in uu aqoonsado dadka heysta labada dhalasho ee Ruushka iyo Mareykanka. Digniintu waxay intaa ku dartay in muwaadiniinta Maraykanka mar hore “la waraystay sabab la’aan isla markaana loo hanjabay”. Saraakiisha Ruushka ayaa iska indho tiray la-talinta safarka ee Mareykanka ee la cusboonaysiiyay. Ma kala cadda tirada muwaadiniinta Mareykanka ee u safraya ama ku nool Ruushka, Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa BBC u sheegay in aysan la socon socdaalka muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda. Ka dib duulaankii uu Ruushka ku qaaday Ukraine bishii February 2022, dhowr kun oo qof oo u dhalatay Mareykanka ayaa la sheegay inay ka carareen dalka Ruushka. Digniinta safarka ee Mareykanka, waaxda arrimaha dibadda waxay sheegtay in kuwa weli ku sugan Ruushka ay la kulmaan suurtagalnimada “tacaddiyo iyo in la bartilmaameedsado”. Dadka heysta labada baasaboor ee Mareykanka iyo Ruushka ayaa sidoo kale wajahaya in la askareeyo taasoo qayb ka ah abaabulka ballaaran ee militariga Ruushka si ay u taageeraan howlgallada Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda. “Ruushku waxa laga yaabaa inuu diido inuu aqoonsado laba dhalasho gaar ahaan midda Mareykanka, inuu u diido inay helaan inay adeegyo ka helaan qunsuliyada Maraykanka, in la abaabulo dadkaas, lagana hortago inay ka baxaan Ruushka ama inay askareeyaan,” sida ay sheegtay wasaaradda. Tiro muwaadiniin Mareykan ah – oo ay ku jiraan shaqaale hore iyo kuwa hadda ku jira dowladda iyo ganacsato – ayaa mar horeba xabsiga la dhigay, waxaana la weydiyay su’aalo , waana la dhibaateeyay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Waxaa laga yaabaa in laamaha amniga Ruushka ay ku guuldareystaan ​​in ay ogaysiiyaan safaarada Maraykanka xariga muwaadin Maraykan ah oo ay si aan macquul ahayn uga daahiyaan in uu caawimaad ka helo qunsuliyada Maraykanka” ayaa lagu yiri digniinta. “Laamaha amniga Ruushka waxay sare u qaadayaan fulinta howgallada sharci-darrada ah ee la xiriira sharciyada maxalliga ah si ay u beegsadaan hay’adaha ajnaaniibta ah iyo kuwa caalamiga ah oo ay u arkaan in aan loo baahnayn’.” Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Maraykanka uu marar badan soo saaray digniinno lamid ah ah kuwan, sida laga soo xigtay war qoraal ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS. “Ma ahan markii ugu horreysay ee aan maqalno digniintan,” ayuu yiri. Digniintii ugu dambeysay ee Mareykanka uu jeediyay muwaadiniintiisa ee ku saabsaneyd inay isaga baxaan Ruushka ayaa timid bishii Sebtembar, markii mas’uuliyiinta Ruushka ay ku dhawaaqeen abaabul qeyb ka mid ah ciidamada keydka ah si ay uga qeybgalaan dagaalka Ukraine. Marka laga soo tago Ruushka, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa muwaadiniinta uga digtay inay u safraan ” 18 waddan oo kale oo ay ku jiraan Afgaanistaan, Suuriya, Haiti, Kuuriyada Waqooyi, Soomaaliya, Ukraine iyo Yemen. Qaran News
  15. Mogadishu (HOL) - The International community strongly condemns the continued violence in Las Anod and expresses serious concern about reports regarding the mobilization of armed groups. Source: Hiiraan Online
  16. Geneva/Nairobi – The International Organization for Migration (IOM) and 47 other partners are appealing today (14/02) for USD 84 million to provide humanitarian and development assistance to over 1 million migrants and the communities hosting them, many of whom are vulnerable, and in need of urgent help along the Eastern Route from the Horn of Africa to Yemen. Source: Hiiraan Online
  17. New York (Caasimada Online) – Khubarada QM ayaa sheegay in aragtida ugu weyn ee xubnaha ay tahay in hoggaanka ururka Al-Qaacida uu la wareegay Sayf al-Adl, oo horey mas’uul uga ahaa amniga Osama bin laden, islamarkaana tababaray qaar ka mid ah xubnihii fuliyey weerarkii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka. Guddiga khubarada ayaa warbixin ay u gudbiyeen Golaha Ammaanka ku sheegay in weli aan si rasmi ah loogu dhowaaqin in Sayf al-Adl uu beddelay Ayman al-Zawahiri oo bishii August ee 2022 lagu dilay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey Kabul. “Hase yeeshee wada-hadallo dhacay November iyo December ayey dalal badan oo xubno ka ah QM ku qaateen fikirka ah in Sayf al-Adl uu hadda u shaqeeyo sida hoggaamiyaha aan lala loolamin ee kooxda,” ayey tiri warbixinta. Qiimeynta ku saabsan sababta aan weli loogu dhowaaqin hoggaanka Sayf al-Adl ayaa lagu kala duwan yahay. Dalalka qaar ayaa dareemaya in joogitaankii al-Zawahiri ee Kabul ay ceebeysay kooxda Taalibaan oo raadineysa sharciyad “islamarkaana Al-Qacida ay dooratay inaysan arrintan sii xumeyn ayada oo qireysa dhimashadiisa,” ayey yiraahdeen khubarada. “Si kastaba, inta badan waxay go’aamiyeen in sababta ugu weyn ay tahay joogitaanka Sayf al-Adl ee gudaha Iran, taasi oo dhalisay su’aalo diimeed iyo kuwa howlgal oo horyaalla Al-Qacida,” ayey yiraahdeen. Ayaga oo xusaya in hal dal uu diiday wax xiriri ah oo Al-Qacida kala dhaxeeya Iran, ayey guddiga QM sheegeen in halka uu joogo Sayf al-Adl “ay dhalineyso su’aalo miisaan ku leh damaca Al-Qacida ay ku xajisaneyso hoggaanka dhaq-daqaaqa caalamiga xilli ay caqabado wajaheyso” kooxda Daacish. Sayf al-Adl ayaa ku jiray liiska xayiraadda QM tan iyo 2001, si la mid ah Mohammed Salahaldin Abd El Halim Zidan, oo u dhashay dalka Masar, sida ay sheegeen guddiga. Sayf al-Adl ayaa liiska QM ugu jira inuu la wareegay hoggaanka militari ee Al-Qacida kadib dhimashadii Mohammed Atef – mid ka mid kaaliyayaasha ugu dhowaa Osama bin Laden – kaasi oo lagu dilay weerar ay Mareykanka fuliyeen November 2001. Ka sokow inuu ahaa madaxii amniga Osama bin Laden, QM ayaa sidoo kale sheegtay in Sayf al-Adl uu mintidiinta bari jiray sida loo isticmaalo qaraxyada, islamarkaana uu tababaray qaar ka mid ah diyaarad afduubteyaashii fuliyey weerarkii Mareykanka lagu qaaday September 11, 2011. QM ayaa sidoo kale sheegtay inuu tababaray dagaal-yahanadii Soomaalida ee Muqdisho ku dilay 18 askari oo Mareykan ah 1993-kii, dhacdadii loogu magac daray Black Hawk Down. Mareykanka ayaa Sayf al-Adl u doonayaa xiriirka uu la lahaa qaraxyadii lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ee Dar es Salaam, Tanzania, iyo Nairobi, Kenya 1998-kii. The post Waa kuma hoggaamiyaha cusub ee Al-Qacida ee horey u tababaray Soomaalida? appeared first on Caasimada Online.
  18. Ukraine has launched a training course for diplomats from African countries, as part of an effort to strengthen relations with the continent, Foreign Minister Dmytro Kuleba has said. Source: Hiiraan Online
  19. The government will prioritise transformation of the agricultural sector as a way of accelerating the implementation of the bottom-up economic model. Source: Hiiraan Online
  20. NAIROBI - Kenyan soldiers will join police to fight "rampant incidents of banditry" across the arid northwest that have killed more than 100 civilians and 16 police officers over the past six months, officials said. Source: Hiiraan Online
  21. Somali National Army (SNA) said Tuesday its forces have arrested al-Shabab's head responsible for explosive devices in the Mudug region, the central part of Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Laanta dembi baarista ee dowladda Soomaaliya ee loo yaqaano CID, waxaa waqti fog lagu eedeynayay laaluush wajiyo badan leh. Qaar waxay la xiriireen madaxda laanta, qaar howl-wadeenada hoose, arrimaha qaarna madaxdii Booliska ee xilka laga qaaday ayaa ku lug lahaa. Qof madax ah oo gacanta la gali kara arrintan, karana in uu suuliyo ayaa muddo la naawilayay inuu yimaado halka laga xakumo Booliska Soomaaliya. Dadka baarista loo geeyo ee ku xiran CID-da iyo dadka doonaya faraha dembi la’aanta si ay u dalbadaan Baasaboor ama waxyaabo kale oo socdaal iyo shaqo la xiriira ayaa tabiyay dhowr jeer in lagula kacay musuq-maasuq iyo wax isdaba-marin. Xarunta CID waa mid kamid ah goobaha ugu badan oo ay shacabku musuqa ku eedeyeen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Isniintii, Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed ayaa kor u sheegay eedaha shacab ee loo haysto CID, wuxuuna raaciyay in ay arrintaas xaliyeen oo mardambe aysan dhici doonin in xaruntaas lagu jeeb baarto shacabka Soomaaliyeed. “Cabasha ka jirtay CID xageeda waa soo xalinay inteeda badan waxaa rajeynaynaa maanta laga bilaabo qofka muwaadinka ee CID aadaya asagoo niyad-san uu aado. Waxaa baabiinay safkii dheera ee dadku ka cabanayeen iyo wixii fududeeye la oranayay,” ayuu yiri Jeneraal Sulub. “Majiri doonto intan tuur waraaqda dube lagu soo saaraya. Qofka waa in uu hadda kadib kalsooni ku aado CID iyaga oo ku xisaabtamaya inay si wanaagsan ula macaamilaan ciidanka booliska meesha jooga.” Waxa uu intaas kusii daray “Wax alaala wixii sharci darro ah ee ka jiray meeshaas loogu adeegayo bulshada waxa rajeynayna maanta laga bilaabo CID waxay ku shaqeyn doonta qaabkii saxda ahayd ee ciidanka booliska uu ku shaqeyn jiray.” Dhawaan Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay tuhunka ciidamada ee wada-shaqeynta Shabaab, maantana taliyihii Booliska ayaa carabka ku dhuftay musuqa CID-da iyo inuu arrimahaas xaliyay. Tani waa astaan muujinaysa inay Soomaaliya u gudubtay marxalad la isku bareero oo aan runta lagala dhuuman cidda ku xad-gudbeysa xuquuqda shacabka iyo muuqaalka dowladnimada. The post Soomaaliya oo u gudubtay ‘marxalad la isku bareero’ kadib go’aankii dowladda appeared first on Caasimada Online.