Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay fara-gelinta dowladda federaalka Itoobiya ee dagaalka uu dhiigga badan ku daatay ee weli ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo lagu rabo in xal nabadeed looga gaaro xiisadda taagan. Saciid Deni ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dadaallada ay wado Itoobiya, oo ayadu wafdi usoo dirtay arrinta magaalada Laascaanood, si ay u waan-waan uga dhex bilaabaan labada dhinac. “Waxaa uga mahad-celinaya dadaalka dowladda Itoobiya wado ee ku raadineyso dhex-dhexaadinta iyo xal oo ugu muhiimsan tahay in xabada laga daayo deegaanada iyo dadka nabdoon, la burburin isbitaallada, la waxyeelin guryaha deegaanka oo la baabi’in masaajidada, xad-gudubka keeni kara colaada sokeeye iyo isnaca in la joojiyo,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ee Muuse Biixi ay kula xisaabtami doonaan masuuliyada burburinta gobolka Sool iyo weerarada aan loo meel-dayin ee ku qaaday, sida uu sheegay. “Waxaa garowsanahay in dadka reer Somaliland aysan isku waafaqin in Sool la burburiyo ama la garaaco, laakiin maamulka Muuse Biixi masuuliyadiisa waa kula xisaabtami doona waqtiga iyo madasha ay ku haboon tahay.” Waxa uu sheegay in codkiisa uu ku biirinayo baaqyada waxgaradka Soomaaliyeed iyo kan caalamiga ah oo ah in xabada la joojiyo iyo burburka oo miiska wada-hadalka la iskugu yimaado. “Waxaa rabaa in codkeyga ku biiriyo codka waxgaradka Soomaaliyaad, midka gobolka, midka caalamiga ah iyo midka QM ee Golihiisa Ammaanka Qaranka uu soo saaray oo ah in xabada la joojiyo oo haddii wax lagu kala duwan yahay la wada-hadlo, intaas ayuu mowqifka dowladda yahay.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in maamulka Puntland uusan qeyb ka aheyn dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee SSC. Dowladda Itoobiya ayaa colaadda Laascaanood ka noqotay dhex-dhexaadiye ay labada dhinac ku kalsoon yihiin, iyadoo markii hore la waayay cid labada dhinac dhex gasha. The post Saciid Deni oo war kasoo saaray fara-gelinta Ethiopia ee dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  2. Abune Mathias, the Patriarch of the Ethiopian Orthodox Tewahedo Church, is reportedly alarmed by the conflict in Northern Somalia. Addis Ababa (PP News Desk) — The office of Abune Mathias, the Patriarch of the Ethiopian Orthodox Tewahedo Church, is reportedly looking into sending a delegation to North Somalia to end the one-month-old conflict in Sool region in the Federal Republic of Somalia. The initiative of the Abune follows in the footsteps of the Ethiopian government mediation efforts to end the secession war in Northern Somalia. ”The Ethiopian Orthodox Tewahedo Church aims to urge Somali brothers and sisters to stop the bloodshed and resolve differences through negotiation” a retired priest told a radio station in Addis Ababa. The two-pronged mediation efforts of Ethiopia comes in the wake of a claim made last week by the Foreign Minister of Somaliland Administration Essa Kayd, who told The Reporter, an Addis Ababa-based newspaper, that “Somaliland is a buffer zone for Ethiopia”. Ethiopia is sending troops to Somalia to reinforce ATMIS forces at with Al-shabaab in the South. “The neutrality of the Ethiopian Orthodox Tewahedo Church will not endear it to the breakaway administration of Somaliland because Hargeisa views itself to be the seat of sovereign country” said a senior political analyst in Ethiopia. © Puntland Post, 2023 The post Abune Mathias of The Ethiopian Orthodox Tewahedo Church “to send peace delegation to Northern Somalia” appeared first on Puntland Post.
  3. Dagaal xooggan ayaa dhex maray ciidanka dowladda iyo Al-shabaab kadib markii kooxda Al-shabaab weerar ku soo qaadeen fadhiismo ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaanada Doonka, Mukayga, iyo Buundayereey oo dhaca shabeelaha hoose. Dagaalka ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa soo weeraray saldhigyada ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaano hoostaga Afgooye ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose. Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Dhanka kale ciidanka dowladda ayaa la sheegayaa in uu soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac ah waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladaha abaarta iyo cunto yarida ee ka jirta gudaha Soomaaliya, taasi oo sii adkeeysay saamaynta isbadalka cimilada. Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in mushkiladani u baahan tahay jawaab caalami ah oo deg deg ah, taasi oo ugu baaqay beesha caalamka, si la isugu dubarido si ka fiican sidii hore oo loo xaqiijiyo in la badbaadiyo nolosha iyo hab nololeedka dadka kuwooda ugu nugul ee ku nool dalkeena. “Waxaa caqabadaha na haysta sii adkeeyey saamaynta isbaddalka cimillada oo ka sii daray xaaladaha abaarta iyo cunto yarida. Waxa ay mushkiladdani u baahan tahay jawaab caalami ah oo degdeg ah la isuguna dubbarriday si ka fiican sidii hore, si loo dhimo isla markaasna loola qabsado saamaynta isbaddalka cimilada isla markaana loo xaqiijiyo in la badbaadiyo nolosha iyo hab nololeedka dadka kuwooda ugu nugul ee ku nool dalkeenna.” Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Madasha 5-aad ee QM ee dalalka soo koraya ee ka qabsoomtay magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in safmarkii COVID-19 uu si culus u sameeyay Soomaaliya, taasi oo soo banaanka keentay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam lagu badbaadin karo bulshada si loola tacaalo saamynta mushkiladaha caalamiga ah ee mustaqbalka. “Sidaas awgeed, waxa aan si aan daal lahayn uga shaqeyneynaa sidii aan ku kobcin lahayn dhaqaalaha, ku abuuri lahayn shaqooyin, sidoo kalena ku uruuri lahayn dakhliga gudaha, balse wali ma haysanno barnaamiyada badbaadada maaliyadeed ee bulshada ee dalalka kale ee horumaray ay haystaan.” Waxa uu ka dhawaajiyay in sababaha ay Soomaaliya ula harjadayso sidii ay ku gaari lahayd horumar waara ay tahay dhaxalka colaad daba dheeraatay iyo xasillooni darro siyaasadeed. Balse waxa uu sheegay madaxweynaha in hadda si guul leh u xallinayaan labadooda, iyada oo loo marayo wadada wada-hadal iyo iyo geeddi-socod dowlad dhis loo dhan yahay. “Waxaan sidoo kale si wadajir ah oo saamayn leh ula dagaallamaynaa haraaga ugu dambeeya ee argagaxisada caalamiga ah ee joogta Soomaaliya, annagoo la kaashanayna shacabkeenna iyo bahwadaagta caalamiga ah.” The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq deg deg ah u diray caalamka appeared first on Caasimada Online.
  5. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xamze Abdi Barre ayaa shir guddoomiyay kulankii koowaad ee ay yeeshaan guddiga Hagista Mashruuca Dib-U-Daabicista Shillin Somaaliga oo qeyb ka ah mashruuca Kalkaal oo uu taageero Bank Adduunka si dib loogu dhiso hey’addaha dhaqaalaha ee Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda banka dhexe ee Soomaaliya, xubno ka socday tiirka horumarinta dhaqaalaha,guddiga horumarinta dhaqaalaha qaranka, Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobolleedyada marka laga reebo Puntland iyo madaxda ka socota world bank oo qadka internetka ku soo xaadiray shirka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in dib loo daabaco lacagata shillinka, dib u dhiska hey’adaha dhaqaalaha dalka sida dalka uga soo kabto saboolnimada. “ Dib u daabicidda Shillin Soomaaligu waxay waxwayn ka badali doono shaqada hay’adaha dhaqaale ee dalka, isla markaana waxay kobcindoontaa dhaqaalaha iyada oo yareyndoonta saboolnimada” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Mashruuca Kalkaal oo uu taageerayo Bank Adduunka ayaa ujeedadiiso yahay xoojinta tabarta waxsoosaaraka hey’adaha dhaqaalaha ee dowladda iyo in dib loo yagleelo dhaqaalaha Soomaaliya. Banka adduunka ayaa Banka Dhexe ee Soomaaliya ka taageeraya in dib loo hawlgeliyo xarumaha Banka Dhexe ee maamulada iyo gobolada dalka, iyo dib u daabicida shilling Soomaaliga. Shilling Soomaaliga ayaa ku jiri xiligii ugu adkaa, iyadoo meelo badan oo ka mid ah dalka aanan laga adeegsan shilling Soomaaliga sabab la xariirta sicir barar uu sababay. Burburkii ka dib waxaa soo baxay shirkado gooni looleeyahay oo isku dayay inay daabacaaan shilling Soomaali taasi oo keentay sicir barar iyo in dadka ay ka aamin baxaan adeegsiga shilling ka. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer oo hore sheegay in ay daabacayso shilling Soomaaliga, wali ma jirto xog sarmi ah oo laga hayo xiliga ay soo baxayso lacagta koowaad. Inta badan gobolada dalka ayaa waxaa laga adeegsadaan lacagta elektronika ah ee mobileska la iskugu diro. Shirka mamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee lagu wado inuu ka dhaco Baydhabo dhawaan ayaa waxaa ka mid ah qodobada looga arrinsanayo hanaanka mideynta lacagaha canshuuraha. Halka astaynta awoddaha ee looga heshiiyay Muqdisho horaantii February ay gooni ugu qaasyeeshay dowladda dhexe awoodda daabicista lacagta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal saakay markale dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo dhexeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka ee SSC la magac baxay, sida lagu xusay qoraal kasoo baxay waasaradda arrimaha gudaha. “Kooxaha huwanta ah ee ku sugan magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka magaalada Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraalka. Hadalka kasoo baxay Somalailand ayaa kusoo aadaya xilli dhinacyada dagaalamaya cid waliba cidda kale ay ku eedeenayso dagaalka in ay soo qaaday, magaalada Laascaanood ayaa degaanaan laga dareemayay 48-kii saac ee lasoo dhaafay, iyadoo ay jirtay dhinacyadu ay wadeen hub uruursi iyo gurmadyo kale duwan. Dowlad goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in ciidankeeda aysan qeyb ka aheyd dagaalka ka dhacaya magaalada Laascaanood,iyadoo ay xusid mudan tahay in ciidamada Puntland iyo Somaliland dhowr jeer ay ku dagaalameen deegaanka Tukaraq oo ay muddo isku horfadhiyeen labada ciidan. Ciidamada Somaliland iyo xoogga deegaanka dagaalka u dhaxeeya ayaa waxaa uu gaaray bil, iyadoo wali dhinacyadu ay ku dagaalamayaan duleedka magaalada, gaar ahaan Saldhigga Goojacadde meel aan ka fogeyn, ciidamada Somaliland ayaa ka baxay dhowr fariisin oo ay ku sugnaayeen sida deegaanka Tukoraq. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalka maanta dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, xilli maalmihii lasoo dhaafay uu deganaa jawiga magaalada. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in fadhiisimaha ciidamada Somaliland ay weerar ku soo qaadeen kooxo iskugu jira nabad-diid, argagixiso iyo Puntland, islamarkaana ay iska difaaceen ciidamadeedu. “Kooxaha huwanta ah ee sugan magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaa oo ah mid fulaynimo ah, mana jirto wax dhibaato ah oo soo gaadhay Ciidamada Qaranka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Somaliland. “Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka jawaabeen weerarka ay soo qaadeen kooxaha isgarabsanayaa isdifaacid iyo iska caabin.” Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ujeedka dagaalkii maanta iyo weerarka ay sheegtay in lagu soo qaaday uu yahay sidii loo wiiqi lahaa dadaalada nabadeed ee socda, taasi oo lagu rabo in xal looga gaaro xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood. “Xukuumadda waxay cadaynaysaa in weerarkan saaka ay soo qaadeen kooxaha huwantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabaddaynta Magaalada Laascaanood.” Waxay ku eedeysay ciidamada deegaanka iyo kooxaha kale ay sheegtay inay qeybta ka yihiin weerarkii saaka in aysan ogolayn in shacabka magaalada Laascaanood nabad helaan. Dagaalka saaka oo ka bilowday duleedka magaaladaasi, oo maalmihii dambe ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC, ayaa waxaa ka dhashay khasaare labada dhinac ah. Dagaalkan ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay uu deganaa jawiga magaalada, islamarkaana ay socotay waan-waan ay garwadeen ka tahay dowladda Itoobiya. Dowladda Itoobiya oo colaadda Laascaanood ka noqotay dhex-dhexaadiye ay labada dhinac ku kalsoon yihiin, iyadoo markii hore la waayay cid labada dhinac dhex gasha, ayaa waxaa durtaba muuqata in wada-hadalkii hordhaca ahaa ee la yeelatay Somaliland iyo SSC uusan u dhaqan-galin si rasmi ah. The post Somaliland oo war kasoo saartay dagaalkii maanta iyo ujeedada laga lahaa appeared first on Caasimada Online.
  8. ST. PAUL, Minn. – Two southeast Minnesota agencies are sharing in just over $2.5 million to diversify the tech sector in the state. Source: Hiiraan Online
  9. Las Anod (HOL) - Heavy fighting erupted on the outskirts of Las Anod on Monday between SSC-Khatumo forces and Somaliland, according to local sources. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - Several fishing vessels from foreign countries have been caught illegally fishing in Somali waters, according to evidence gathered by the Ministry of Fisheries and Blue Economy. The vessels have reportedly been operating in the Somali Exclusive Economic Zone (EEZ) since January 2023, posing a significant threat to the country's sustainable fishing regulations, fish stock, and overall marine ecology. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) - Nineteen members of the Wadajir political party, led by lawmaker Abdirahman Abdishakur Warsame, resigned from the party on Sunday night. Source: Hiiraan Online
  12. (SLT-Laascaanood)-Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa saaka markale ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diidka ah. Sida ay ogaatay warbaahinta Somalilandtoday, dagaalkan oo illaa hadda socda ayaa ka billaamay duleedka magaaladaasi, oo maalmihii dambe ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diidka ahi. Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkan, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn maadama uu socdo, waxaana gudaha magaalada si weyn looga maqlaya dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac. Dagaalka saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay uu deganaa jawiga magaalada, islamarkaana ay socotay waan-waan ay gadhwadeen ka tahay dowladda Itoobiya. Dhan kale xukuumadda Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay oo kaga hadlay dagaalka saaka dib uga billaamay Laascaanood oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandtoday waxa ay ku tidhi sida tan: “WAR-SAXAAFADEED Hargeysa-06-03-2023(), Kooxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, Nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaas oo ahaa mid fulaynimo ah, mana jirto wax dhibaato ah oo soo gaadhay Ciidamada Qaranka. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka jawaabeen weerarka ay soo qaadeen kooxaha isgarabsanayaa isdifaacid iyo iska caabin. Xukuumadda Jamhuuriyadda waxay cadaynaysaa in weerarkan saaka ay soo qaadeen kooxaha huwantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabaddaynta Magaalada Laascaanood. Talaabadan oo muujinaysa sida kooxaha argagixisada ah iyo Maamulka Puntland aanay u ogolayn in shacabka Magaalada Laascaanood nabad helaan.” Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay maraakiib laga leeyahay waddamo shisheeye oo ay sheegtay inay si sharci darro ah uga kalluumeystaan Badda Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee XFS ayaa waxa lagu wargeliyay dalalka ay maraakiibtoodu ku jiraan biyaha Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan badaha dalka. “Wasaaradda waxay caddeynaysaa in dhamaan maraakiibtaasi ay sharci darro ku soo galeen biyaha Soomaaliya kuna kalluumaysanayeen islamarkaana aysan jirin wax ruqsad kalluumeysi ah oo ay ka haystaan dowladda federaalka Soomaaliya.” Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay fartay maraakiibtaas oo aysan shaacin dalalka laga leeyahay inay soo celiyaan hantida ay sida sharci darada ugu qaateen dalkeena, “Haddii kale waxaan la’la tiigsan doonaa sharciga.” “Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah waxay caddaynaysaa in muddooyinkii la soo dhaafay ay ururinaysay xogo ku saabsan maraakiib kalluumeysi oo laga leeyahay wadamo shisheeye ay xadgudub kalluumeysi ku hayeen biyaha badaha Soomaaliya. Maraakiibtaas oo illaa bishii Janaayo ku jiray biyaha dalka iyagoo sifo sharci darro ah uga kalluumeysanayey biyaha Soomaaliya.” Qoraalka ayaa sidoo kale waxa lagu yiri “Waxaan caddeynaynaa in aanay sharci ahayn waxa loogu yeero endorsement letter laguna xalaaleysan karin in biyaha badaha dalkeena looga kalluumeysto.” Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee XFS ayaa sheegtay in bixinta rusqadaha kalluumeysiga maraakiibta qalaad ay tahay awood dastuuri ah oo heer federaal, oo uu bixin karo oo kaliya wasiirka wasaaradda kalluumeysiga dowladda federaalka. “Sida ku cad, qoddobada 11-aad, 12-aad, 13-add ee sharciga kalluumeysiga Soomaaliya, bixinta rusqadaha kalluumeysiga maraakiibta qalaad waa awood dastuuri ah oo heer federaal ah. Wasaaraddu waxay leedahay habraacyo iyo xeerar qeexaya shuruudaha, heshiisyada iyo hanaanka sharciga ah ee bixinta rusqadaha kalluumeysiga qalaad.” #image_titleThe post DF Soomaaliya oo digniin culus u dirtay dalal shisheeye (Faahfaahin) appeared first on Caasimada Online.
  14. (SLT-Laascaanood)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane Cabdirsaaq Khaliif oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, isaga oo si kulul ugu jawaabay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Cabdirisaaq Khaliif oo u warramay Wariye Maxamed Yuusuf Bakayle ayaa ka jawaabay eedeynta Somaliland ee ku aadan in argagixiso ay ka dagaalameyso Laascaanood, isla-markaana isaga oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada uu garab siinayo kooxahaasi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu la socdo ficillada xukuumadda, balse waxa uu tilmaamay inay uga sii darayaan xaaladda taagan, ayna sii kicineyso dareenka shacabka. “Aniga runtii i damqi-meyso waan maqlayey dad noocaas u hadlaya oo aan laheyn macno badan waxaanse is leeyahay waxay ku hadlayeen afka xukuumadda,” ayuu yidhi Khaliif. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in madaxweyne Biixi ayna daacad ka aheyn xabad joonin, isla-markaana uu isagu xagal daaciyay wax kasta oo lagu gaadhi lahaa nabadda. “Dhibka magaalada ka dhacay wuxuu isugu jiraa mid nafeed oo aad u ballaaran oo lagu qiyaasi karo dad ka badan 200 oo qof inay ku dhinteen dhinaca shacabka, waxaa dhaawac soo gaaray in ka badan lix boqol oo qof” ayuu yidhi guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif. Waxa kale oo uu raaciyay “Waxaa burbur soo gaadhay kaabayaashii dhaqaalaha iyo goobihii adeegga guud oo ay ugu horreeyaan cisbitaalka, burburkaas wuxuu soo gaaray masaajidada”. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in xittaa burbur soo gaadhay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. “Guriga aan daganaa duqeymaa ku dhacay burburna wuu gaaray, wuxuuna kamid ahaa guryihii magaalada ee sida ba’an loo duqeeyay,” ayuu markale yidhi guddoomiyuhu. Source
  15. Ethiopia's Tigray People's Liberation Front (TPLF) rebels have denied establishing a transitional administration in the northern region in accordance with the peace agreement signed in November last year. Source: Hiiraan Online
  16. Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa Saakay waxaa markale ka qarxay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo ku deegaanka ee la magac baxay xoogagga SSC, waxaana warar dheeraad ah laga helayaa dagaalka socda, magaalada ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay ku jirtay xaalad deganaan ah. Wararka naga soo gaarayo magaalada ayaa sheegaya in la maqlayo Rasaas aad u xooggan oo labada dhinac ay isku ridayaan, dagaalka ayaa ka dhacay duleedka Waqooyi ee magaalada oo maalmahaan ay isku horfadhiyeen dhinacyada, iyadoo ay soo kala gaareen gurmadyo kale duwan, dagaalka Laascaano ayaa bil jirsaday. Dhanka kale ciidamada Somaliland ayaa waxaa lasoo warinayaa in ay madaafiic ay ku garaacayaan magaalada Laascaanood, dagaalka ayaa yimid xilli la filayay inuu dhaqan geli karo waanwaan ay garwadeen ka aheen dowladda kale duwan, iyadoo u muuqata in ay meesha ka baxday maadama uu dib u qarxad dagaalka. Ciidamada Somaliland iyo xoogga deegaanka ayaa dagaalka u dhaxeeya waxaa uu gaaray bil, iyadoo wali dhinacyadu ay ku dagaalamayaan duleedka magaalada, gaar ahaan Saldhigga Goojacadde meel aan ka fogeyn, ciidamada Somaliland ayaa ka baxay dhowr fariisin oo ay ku sugnaayeen sida deegaanka Tukoraq. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. DHallin-yarada ha garato kaalinteeda hana gudato xilkeeda! DHallin-yarrada Laas-Caanood waxay dib u soo nooleeyeen kaalintii lagu yaqiinay lagana sugayay dhalin-yarada Soomaaliyeed! Waxay bud-dhig u noqdeen inay jibiyaan gidaar weyn oo muddoo 32 sano ah uu ku taamayay gumeysiga doonayay inuu Soomaaliya ka dhigo waslado yar-yar oo aan itaal lahayn oo midba meesheeda lagu maamulo kheyraadkeedana sidaas lagu dhaco, walise waa talaabo kow ah oo curdan ah una baahan dhabar adeyg iyo halggan aan dhammaad lahayn oo loo diyaar garoobo! Waxaan marar badan xasuustaa hadalo uu ku celcelin jiray wakiilkii dowladda Ingiriiska u joogay shirkii Mbagathi ee dalka Kenya, ninkii lagu magacaabi jiray David Bell, oo marqaati cad u noqon lahaa in dowladda Ingiriiska ay wax weyn ka ogeyd qorshaha goosashada ah ee ay ku taameysay kuna dhawaaqday kooxda SNM ee uu u diyaarsaday inuu dowladeeyo si aan danihiisa gurucan loo hor joogsan. David Bell, waxaa shaki la’aan ah inuu si buuxdo shirkaas Mbagathi uu wakiil uga ahaa waxa loogu yeero Somaliland. Mararka aan badneyn ee uu shirkaas soo hadal qaado waxyaabaha la xiriira dhibaatooyinka xagga nolosha ah ee Soomaaliya heysata iyadoo waliba erggadii Soomaalida ahayd ee ay maamuleysay gacantii dulmineysay ee kala qeybineysay oo ay xisaabtooduna ahayd in Somaliland ay tahay dal gaar ah ayaa haddana David Bell dheeri ka ahaa ergooyinka kale ee shisheeyaha shirkaas u jooga, oo xataa Kenya iyo Itoobiya oo iyagu ahaa labo dal oo dan bidaayay go’itaanka Somaliland sababo la xiriira inay xoog ku heystaan dhul iyo dad Soomaaliyeed, oo shaki ay ka qabeen Soomaalidii shirka fadhisay ayuu baro dheeraa oo wuxuu si aan qarsoodi lahayn oo waliba kibir ku jiro u muujinayay in Somaliland waxeeda loo gaar yeelo, mararna wuxuu ku kaftami jiray in waxa ay Somaliland leedahay isagu wakiil uga yahay!… YOOBSAN SNM, haddii uusan shacabku is indho tireyn dhibaatada ku dhacday gobolka Woqooyi Galbeed 1988-kii iyadaa dhigtay, sababtuna waxay ahayd guryihii iyo meelihii ay maxasta tiilay bay dagaalka la soo galeen oo gabbaad ka dhigteen. Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ciidammadii SNM soo galay askartii dowladda ee magaalooyinkaas joogtay waxay ka soo tooganayeen guryihii shacabku degganaa, taasi ulama jeedno inaan wixii halkaas ka dhacay aan leennahay dowladdii Kacaaanka ahayd denbi kuma lahayn, waxaanse cadeyneynaa in baaxaddii dhibaatadaas ay sabab u ahayd SNM. Marka la garab dhigo gobolladii Woqooyi Bari (inta hadda la yiraahdo Puntland) oo Kacaankii casaa ee Hanti Wadaagga la jidbeysnaa uu isaga si iskii ah ugu bareeray burburinta magaalooyinkii gobolkaas iyo noloshii dad-weynaha, waxayna ciidammada dowladdii kacaanka maalin kasta madaaficii ku garaacayeen Barkadahii laga cabayay, waxay xabaaleen Ceelashii, waxay gubeen tuulooyin dhan oo dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa ka qixiyeen, ilaa ay magaallada Muqdisho ka sameynsantay qeyb dhan oo loo baxshay Yoobsan kana tirsaneyd Ceel-Gaabta, maxaa yeelay dadkii tuulooyinkoodii laga soo gubay ama la burburiyay waxay ku soo yaaceen magaallada Muqdisho, waxayna kor saar ku noqdeen qaraabadooda, iyagoo faro maran oo ceyr ah, kaaga daranee wax ay magaallada kaga shaqeystaan aan aqoon, oo aan mehrad lahayn, taasi waxay keentay inay maalin kasta ay soo tuurtaan bartamaha magaallada, gaar ahaan agagaarkii dhismayaashii ka haray mehredihii ku dhowaa xaafaddii Isku-Raran ee Kacaankii uu dumiyay, halkaasoo markii dambe loo baxshay Yoobsan. SNM, waxay marar badan ku celcelisaa in iyagoo dowlad ah ay Koonfurta ula yimaadeen dowladnimmada, balse waxaa ay xaqiiqadu tahay in fikradda iyo mabda’a ay SNM-tu qaadatay oo aysan dadka Soomaaliyeed badankii aysan ka dhaadhaceyn ay ahayd fikrad uu guumeystihii Ingiriisku uga tegay haraadigii iyo daba-dhilifyadii isaga u adeegayay taasoo uu kaga dhaadhiciyay inuu wax gaar ah u qabanayo. waxaana taas cadeyn u ah inta aan taariikh iyo laga sheekeyn halgankii loo soo galay gobollada Woqooyi ee dalka in fikradaha ay aaminsantahay SNM ay yihiin kuwo dabeecad ahaan tilmaamaya inay rumeysanyihiin in Ingiriisku uu yahay sokeeye marka laga soo tago in xiriir lala yeesho taasoo salka ku haysa ballan qaadyadii uu ka tegay xilligii guumeysiga uu joogay gobolka, middaas oo aan ka turjumeyn fikirkii halgamayaashii Soomaaliyeed iyo odayaashii dhaqanka ee gobollada Woqooyi kula dagaalamay guumeystaha ciiddooda ilaa ay gaareen heer ay yiraahdaan ilmo Ingiriis ah kuma dhaln karaan dhulkeenna ama ciidda Berbera!…sidaa daraadeed waxaa qasab noqotay in ilmaha Ingiriiska ah lagu dhaliyo markab dushiisa ama ay islaanta ku soo dhasho dalka Ingiriiska. Taasi waxay cadeyn u tahay in fikradda ay ka dhalatay Somaliland aysan ahayn middii ay qabeen qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee deegaannadaas ee rumeysnaa fikradihii gobonimo u dirirkii isla markaasna guumeystaha Ingiriiska ka xoreeyay gobollada Woqooyi . Kacdoonka dhallin-yarrada Laas-Caanood, iyo kuwa cabursan ee qoriga caaraddiisa lagu hor joogo ee gobollada Woqooyi Galbeed, Tog-DHeer iyo Awdal waxay ka turjumeysaa bisayl ay guud ahaan gaareen shacabka Soomaaliyeed ee gobollada Woqooyi, iyo inay si buuxda oo aan kala har lahayn u garowsadeen in kala qeybinta ummadda Somaaliyeed ay tahay fikirad ay asal ahaan ka dambeeyaan guumeystayaashii markii horaba kala qeybiyay ummadda isla markaasna aysan ahayn mid ka imaan karta maskax qof mas’uul ah oo ay damqeyso in la kala dhantaalo xoogga iyo midnimmada ummadda. Waxaa run ahaantii yididiilo wanaagsan ah in wali dhallin-yarada kaalinteedii hormuudnimo qaadato iyo inay ummadda samaha u hor kacdo, arrintaas ayaa saansaan wanaagsan ah oo inay hadda dib u soo noolaanayso aad moodaa! Waxaan iyadana shaki ku jirin in kacdoonka dhallin-yarada Laas-Caanood wiilashooda iyo gabdhahoodaba uu muujinayo ifafaalo wanaagsan iyo in dareenka wadaninimo ee dhallintu wali noolyahay, iyadoo dhinaca kalana ay dhammaan dhallin-yarada gobollada kala duwan ee dalka ay muujiyeen inay si buuxdo u garab taaganyihiin kacdoonka Laas-Caanood si loo xaqiijiyo mid ahaanshaha dadka iyo dalka. Sida dad badan rumeysanyihiin ama war-baahinta ay faafisay kacdoonka Laas-Caanood inuu bilowdo sabab uma aysan ahayn dadka ilaa 120-ka lagu sheegay ee shirqoollada la soo mareegay lagu dilay, wuxuuse ahaa kacdoon muddo dheer soo jiitamayay oo ay caburinayeen kooxda qawleysatada ah ee weligood daba socday fikirkii guumeystaha iyo kala qeybinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waxaana la rumeysanyahay in dilalka iyo shirqoollada ujeeddada laga lahaa ay ahayd in dadka horaadka ah ee shacabka ku hoggaamin kara midnimmada ummadda la laayo ama ay dalka ka cararaan iyo in la cabsi geliyo shacab-weynaha si ay uga haraan fikirka midnimmada dalka, waana arrin muddo soo socotay oo heerar kala duwan soo maraty, iyadoo aysan Muuse Biixi iyo kooxdiisa marna fileyn inay jiraan shacab ku soo dhiiran kara, wuxuse waagu ku beryay markii dhallin-yaradii Laas-Caanood ay ka kacdoontay bishii December 26, 2022, markii la dilay nin dhallin-yaro ahaa oo ku suntanaa inuu ka mid yahay dhallinta indhaha magaallada ah oo la oran jiray Cabdulfataax Cabdullaahi Cabdi kuna magac-dheeraa Hadraawi-Singub. Kacdoonkaas oo ay hor kacayeen dhallin-yarada Laas-Caanood oo ay ku jireen qaar aan wali qaan gaarin ayaa wuxuu jebiyay gidaarkii caburinta, iyo cabsi-gelinta shacabka ahaa ee tiirka u ahaa siyaasadda maamulkii kooxda SNM-ta ee magaallada ka jiray. Wali caburinta noocaan ah ma dhammaan, waxay ka jirtaa guud ahaan gobolka Awdal oo qaar ka mid ah odayaashii dhaqanka ka carareen caga-jugleynta maamulka SNM-ta, waxay kaloo ka jirtaa deegaannada dhaca bariga sida; Ceerigaabo, iyo Ceel Af-weyn. Waxaa iyadana arrin xusid mudan ah in dad-weynaha gobollada Woqooyi ay wax badan ka niyad jabeen siyaasadda iyo dhaqanka dowladda Federal-ka Soomaaliya oo aan iyada waligeed arrinta u wajihin si dowladnimo iyadoo isla markaasna madaxda qaarkeed ay si sharci daro ah, oo meel ka dhac ku ah dowladnimmada ay munaasabadaha qaarkood ugu hambalyeynayeen dabao-dhilifyada guumeystaha ee ku haminayay inay dalka kala gooyaan. Kacdoonkaas wuxuu bannaanka u soo saaray xaqiiqda wajiga waxa Somaliland loogu yeero ee uu maamulo Muuse Biixi Cabdi, waxaana isla markiiba shacabkii loogu jawaabay Xabbad ka dhaceysay noocyada kala duwan ee qoryaha, mana jirin ilaa muddo 5/6 casho ah haba yaraatee cid muujisay inay ka xuntahay arrinkaas, taasi macnaheeda waxaa weeye cabsida laga qabay guumeystaha la ogyahay ama la tuhunsanyahay inuu gadaal ka riixayo Muuse Biixi iyo siyaasadda ah in la kala gooyo dalka Soomaaliya, waxaase taas ka duwanaa madax-weynaha dowladda Federal-ka Xasan SHiikh Max’ud oo malaha niyadda kala jiray kuwa dalka kala goynaya, oo isaga oo is moogeysiinaya dhibaatada shacabka reer Laas-Caano ku dhacday ayuu xafiiska Qarammada Midoobay ee xuququl-insaanka ee Soomaaliya iyo waxa loogu yeero Beesha Caalamka ay soo weydiiyeen waxa ay dowladdiisu uga aamusantahay xasuuqa lagu hayo shacabka Laas-Caanood! Waana sababtaas midda keentay in Xasan SHiikh iyo xubnaha kale ee dowlddiisa ay ka hor yimaadaan Xasuuqa Somaliland ee shacabkaas. KHatarta Al-SHabaab waxaa inooga daran qofkii dalka kala goynaya! Waxaa sidoo kale arrin muuqata ah ninka la doortay ee Xasan SHiikh Max’ud inaysan jirin culeys ay ku hayso maqnaanshaha gobollada Woqooyi ee dalka, sida laga fahmi karo saykolojigiisana wuxuu arrinta oo dhan u arkaa ama u aqrinayaa inay tahay duulaan lagu soo qaaday xulufadii uu ka tirsanaa, dowlad ahaan isaga iyo golaha wasiirrada kama hadlaan dagaallada sida joogtada ah maalin kasta uga socda Laas-Caanood, idaacadaha dowladda sooma hadal qaadaan, kaaga daranee, Xasan SHiikh, xataa ma dareemi karo waxa ay ka mudantahay taageerrada aan kala harka lahayn ee shacab-weeynaha Soomaaliyeed la garab istaageen Qadiyadda Laas-Caanood, waxaana la moodaa inuusan garan muhimadda midnimmada dadka iyo dalka, iyo waajibka ka saran isaga ka madax-weyne ahaan. Waxaa iyagana ilaa lacag laaluusha ah la siiyo aan waxba dareemeyn oo aan ka hadli doonin nimanka sheeganaya inay xil-dhibaano u yihiin shacabka Soomaaliyeed!… In Muuse Biixi Cabdi iyo koox yar oo la socota maanta looga baqo inay dalka kala gooyaan waxay ku tusaysaa tayada madaxda dalka, waxay ku tusaysaa sida loo wiiqay tayada shacabka dalka, waxay ku tusaysaa sida loogu guuleystay in dhallin-yarada laga tir-tiro maskaxdooda inay iyagu leeyihiin dalka oo dhaxalkoodii awoowe uu yahay. KHatarta kooxda Muuse Biixi, waxba kama duwana midda kooxda Al-SHabaab, labadaba waxay khatar ku yihin iney hana–qaado dowladnimmada, waxay dhantaalayaan midnimmadii iyo wada-jirkii ummadda, waxayna salka ku wada hayaan talo shisheeye oo looga dan leeyahay sidii kuwaas iyo wixii la mid ah loogu adeegsan lahaa dhagarta lala maagganyahay Soomaaliya… Waxaana la moodaa in Xasan SHiikh iyo xukuumaddiisa iyo golaha shacabka ay aad isugu dhabar jabinayaan la dagaallanka Al-SHabaab iyagoo dhinaca kalana la qaxweeynaya Muuse Biixi!…. Dadka Af-Soomaaliga ku hadla!!…Oyaa kun hadla Af-Soomaaliga?! Dagaalka dacaayadda ah ee ay kala qeybinta dadka Soomaaliyeed u adeegsadeen guumeystuhu intuu dalka burburay ee ay hir geliyeen kooxda Muuse Biixi ee waliba dhaqan galay waxaa ugu khatarsanaa inay isku dayeen inay dadka Soomaaliyeed u ekeysiiyaan qoomiyado kala duduwan oo isu keen ah sida Itoobiya iyo Kenya, waxayna faafiyaan oraahda caanka oo ay waliba siyaasiyiintii dalka qaarkood isticmaaleen ee ah “Dadka Af-Soomaaliga Ku Hadla” waxaase dhab ah Af-Soomaaliga inaysan cid kale ku hadlin oo uu yahay afka dadka Soomaaliyeed oo keliya qof kalana uusan ku hadlin. Waa la ogyahay in Soomaalida keliya ay Af-Soomaali ku hadasho, oo arrintaas ma aha mid lagu murunsanyahay, laakiin ujeeddada oraahdaas ka dambeysa ayaa ah in shacabka Djibouti aan loo aqoonsan inay yihiin Soomaali, in shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiyo Guumeysato aan loo aqoonsan inay yihiin Soomaali, iyo in shacabka ku nool gobolka ay Kenya xoogga ku haysato aan loo aqoonsan inay yihiin Soomaali, sidaas si la mid ahna aysan Somaliland ahayn Soomaali, laakiin dhammaantood ay Afka Soomaaliga ku hadlaan!… Soomaalida, waxaan waligeed muran gelin inay tahay dad hal isir ah, afkooda, midabkooda, sameyskooda, diintooda, iyo dhaqankooda uu isku mid yahay, waan middaas sababata ugu weyn ee guumeystuhu u raadinayo inuu wali Soomaaliya sii kala goo-gooyo!. Dagaalkii bilowday bishan February 6, 2023, ayaa wali socda, waxaa jira tuhumo in Muuse Biixi ay gacan siinayaan dalal shisheeye, waxaa kaloo si cad u muuqata in gobollada Awdal, iyo gobollada dhaca dhanka Bariga dhammaantood yihiin kuwo ay kooxda bur-cadda ah ee dalka iyo dadka kala goyneysa ay xoog ku heystaan. Waxaase shaki la’aan ah in dagaalka ilaallinta dhaxalka Halgamayaashii Soomaaliyeed ee ka bilowday Laas-Caanood uu gaari doono Boorame, Ceerigaabo! Hasa yeeshee, dhibaatada u weyn waxay ka taagantahay in wali uusan Muuse Biixi garowsan wax xanuun ahna aysan ku hayn dhallin-yarada Soomaaliyeed ee waliba wiil iyo abtigii ah,wiil iyo seeddigii ah, dad wada koray oo wanaag mooyee wax xummaan aysan dhex oolin, oo xooggii dadka iyo dalka ah ay isku dhimanayaan iyadoo aysan jirin wax dan ah oo laga faa’idayo marka laga reebo Cadowga iyo inta Nacabka u ah jiritaanka dadka iyo dalka Soomaaliyeed!…Muuse Biixi indhihiisu waa dhaafsanyihiin oo ma arkaan dhaawacyada tiro beelay ee daadsan isbitaallada Laas-Caano, Burco, iyo Hargeysa ee waliba aan lahayn dhaqaatiir iyo dawooyin wax ku ool ah!…Aaah!…Yeey dilayaan yaase dilaya?! Waxaa dhallin-yarda Soomaaliyeed iyagana la gudboon inaysan talo ka qaadan cidda iyaga isku jebineysa!…inaysan dhegaha u laalaadin cidda midnimada ummadda dhantaaleysa, inay ku dhiiradaan kuna qancaan oo ku faannaan inay yihiin Soomaali….Soomaali….Soomaali, illaashadaan gobanimmadii, midnimmadii, ay ka dhaxleen awoowayaashoodii u soo halgamay Gobanimmada ay maanta haystaan. The post <strong>Dagaalka Laas-Caanood waa ilaalinta dhaxalkii halgamayaashii Soomaaliyeed!</strong> appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay dagaalka Laascaanood ka qeyb galayaan haddii garaadada beesha Sool clan ay ka codsadaan. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland haatan ayna wax door ah ku lahayn colaadda gobolka Sool, islamarkaana wuxuu sheegay dadka Laascaanood inay isaga filan yihiin inay difaacaan sharafkooda iyo rabitaankooda ummaddeed. “Puntland qeyb kama aha dagaalka Laascaanood, Waxaanse ku kalsoonahay Shacabka reer Laascaanood in ay Sharafkooda iyo cirdigooda difaacaan, Kalsooni buuxda baan ku qabnaa, Waxaan u sheegayna Caalamka iyo Cidwalba in aan mus-danbeed u nahay Laascaanood, Marka Isimada iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo arrinta kari waayaan, Waxaan Fariin halkan ugu dirayaa in aan diyaarnahay” ayuu yidhi madaxweyne Deni Source
  19. Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku leh magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho’ gaar ahaan xaruntooda Villa Hargeysa. Ajandayaasha looga hadlaayo ayaa kala ah: 1: Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Socdaalka 2:Dhamaystirka dooda warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka la-dagaalanka Argagixisada 3:Ka doodista warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta 4:Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka Xildhibaannada golaha shacabka ayaa muddooyinkii dambe soo saarayay sharciyo cusub, kuwaas oo kasoo kala gudbay wasaarado dhowr ah, waxaana golaha dhowaan lagu wadaa in ay ka doodaan wax ka bedelka Dastuurka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa saaka markale ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkan oo illaa hadda socda ayaa ka bilowday duleedka magaaladaasi, oo maalmihii dambe ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC. Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkan, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn maadama uu socdo, waxaana gudaha magaalada si weyn looga maqlaya dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac. Sidoo kale waxaa lasoo warinaya in xaafadaha magaalada Laascaanood ay kusoo dhacayaan madaafiic ay soo tuurayaan ciidamada Somaliland, inkasta oo aan lasoo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay illaa hadda. Dagaalka saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay uu deganaa jawiga magaalada, islamarkaana ay socotay waan-waan ay garwadeen ka tahay dowladda Itoobiya. Dowladda Itoobiya oo colaadda Laascaanood ka noqotay dhex-dhexaadiye ay labada dhinac ku kalsoon yihiin, iyadoo markii hore la waayay cid labada dhinac dhex gasha, ayaa waxaa durtaba muuqata in wada-hadalkii hordhaca ahaa ee la yeelatay Somaliland iyo SSC uusan u dhaqan-galin si rasmi ah. Laba maalin kahor ayay aheyd markii ay Laascaanood soo gaareen ciidamo gurmad u ah kuwa SSC oo watay gaadiidka dagaalka iyo hub fara badan, kuwaasi oo si toos ah ugu biiray ciidamada SSC ee hore ugu sugnaa furimaha dagaalka ee duleedka magaalada. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online The post Dagaal xoogan oo saaka markale ka qarxay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada qeyb-galayeen Madasha 5-aad ee Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya oo ku qabsoontay magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay mideynta mawaaqifta labada dal ee fagaareyashan, si loo xaqiijiyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo mudnaanta la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika oo labada dal ay kaga yaallaan Qaaradda Afrika oo madaxdoodu shirka ay ka qeyb galayaan. Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha Safka hore, kuwaas oo ciidankooda nabad ilaalinta ah ay joogaan Soomaaliya si ay dowladda kaga gacan siiyaan in amnigeeda ay dib u hanato, madaxweyne Geelle ayaa dhowaan shir uu kaga qeyb galay Muqdisho ku taageeray madaxweyne Xasan Ololihiisa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee dalka ka socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Hargeisa (HOL) - Abdirahman Du'ale Beileh, former Finance Minister of Somalia, arrived in Hargeisa on Sunday after allegedly being granted permission by the President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, to return to the breakaway region. Minister Bayle is one of Somaliland's most prominent political figures and had served in Somalia's federal government before returning to Somaliland as part of an amnesty deal. Source: Hiiraan Online
  23. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood. Madaxweyne Siciid Deni ayaa ugu horrayn caddeeyay in aysan Puntland gebi ahaanba qayb ka ahayn dagaalkaas islamarkaana ay ku kalsoon tahay in dadka SSC ku filan yihiin difaaca dhulkooda. Waxaase uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay dagaalka qayb ka noqoto haddii dadka Reer SSC-Khaatumo ay ka dalbadaan arrintaas. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay Taliska Muuse Biixi kula xisabatami doonto dhibaatada uu ka geystay Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood. Halkaan ka daawo Khudbiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  24. Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed la qaatay madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada qeyb-galayeen Madasha 5-aad ee QM ee dalalka soo koraya oo ku qabsoontay magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Kulankan ayaa waxay labada madaxweyne kaga wada-hadleen mideynta mawaaqifta labada dal ee fagaareyashan, si loo xaqiijiyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale waxay kulankooda ku lafa-guray sidii arrintaas loo xaqiijin lahaa, iyada oo mudnaanta la siinayo horumarka iyo xasilloonida gobolka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay furitaanka sirweynihii 5-aad ee Qaramada Midoobay, oo looga hadlayo caqabadaha haysta dalalka soo koraya iyo sidii loo caawin lahaa, ayaa sidoo kale waxa uu kulan la qaatay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamin Bin Xamad. Labada mas’uul ayaa kulankooda kaga wada-hadlay aayaha xiriirka labada waddan iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar Sidoo kale Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya, kuwaas oo lagu tageerayo dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa. Amiirka daka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa dhankiisa madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey kasoo qeyb-galka Madasha QM ee dalalka soo koraya wuxuuna xusay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda Soomaaliya. The post Maxaa looga hadlay kulanka Xasan Sheekh iyo Geelle ee Doha? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.