-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa shaaciyay arrimaha xilligaan ku horgudban in wada-hadal laga yeesho arrinta taagan. Boqor Buurmadow ayaa sheegay in xal nabadeed uusan imaan karin inta ay ciidamada Somaliland joogaan duleedka Laascaanood, isaga oo ku taliyay in la geeyo magaalada Oog. “Ninkan (Muuse Biixi) waxa uu qorayo waxba kama jiraan ee ciidanka Oog ha la geeyo. Ciidankaas marka uu Oog tago nabad-gelyo waa la helaya, wada-hadal miyir qaba iyo shacabkana xumadan waa ka degaysa,” ayuu yiri Boqor Buurmadow. Waxa kale oo uu sheegay in xalka nabadeed u xayiran yahay in shacabka reer Laascaanood garowshiyo laga siiyo duqeymaha iyo gumaadka uu kula kacay maamulka Muuse Biixi. “Beesha Caalamka haddii ay wax qabaneyso ciidankan ha qaado oo halkaas (Oog) ha geyso si xal nabadeed iyo jawi lagu wada-hadli karo u yimaado.” Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sidoo kale waxa uu xusay in garaadada SSC uusan go’aanka gacantooda ugu jirin, maadaama ay dadkii reer Sool kaceen oo ka dhiidhiyeen weerarka ku socda. “Cid kasta oo ajnabi ah oo ka hadlaysa garaadada kuma dhici karaan in wada-hadal dushooda ku furaan dadka dhibaatada ku dhacday, garaadadu tallada malaha ee waa guddoomiyaan. Dadkii ay u guddoominayeen waa arkeysa oo halgankan dacalkay qabsadeen ninkii dilayay ee duqeynayay oo dul taagan wada-hadal inay furaan ma doonayaan.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalka ay xukuumadda Muuse Biixi ku qaaday magaalada Laascaanood uu mideeyay beesha degta halkaasi “Muuse Biixi waxa uu mideeyay Darood, dhibta kale uu keenay tolkiina wuu kala diray oo cid la dagaal galeysa majirto.” The post Boqor Buurmadow oo shaaciyay laba arrin oo hortaagan xalka dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Al-Shabab, the Islamist extremist group affiliated with al Qaeda, attacked a military base in the southern Jubbaland region of Somalia. According to a Somali officer and a resident, the group attacked the base in Janay Abdale, approximately 60 km (37 miles) west of the port city of Kismayu, early in the morning with a car bomb and gunfire. Casualty figures for the attack are not yet available, and the government has claimed that it is merely observing a pause before launching the next phase of its operations. Al-Shabab reportedly cut communications in the area, making it difficult for the army to respond. Government response The Jubbaland government said that regional and national forces had inflicted a “big blow” on Al-Shabab but did not provide any details. The government has claimed that it is merely observing a pause before launching the next phase of its operations. However, some observers have speculated that the offensive against Al-Shabab may have stalled. The government has not provided any details on its plans for the next phase of operations, leaving many Somalis uncertain about the future. Al-Shabab response Al-Shabab has claimed responsibility for the attack and has boasted about its success in capturing the base and seizing weapons. The group has a long history of carrying out attacks in Somalia, and it has shown that it can still launch major offensives despite the pressure from the military and allied militias. Al-Shabab has been a persistent threat in Somalia for over a decade, launching numerous attacks on government and civilian targets. The group has come under increasing pressure from the Somali military and allied militias in recent years. In 2022, these forces launched a major offensive against Al-Shabab, which reportedly wrestled control of many areas from the group. However, al-Shabaab has continued to launch attacks, demonstrating its continued ability to strike back at its enemies. Reactions from local residents Residents have expressed fear and concern about the latest attack. Halima Osman, whose husband survived the attack, described the scene as chaotic and bloody. Her husband and his colleagues reportedly ran into the bush after the bombing, killing many of their friends. Some military vehicles were also burned in the attack. Others have expressed frustration with the ongoing violence in the country and a sense of hopelessness about the government’s ability to stop groups like Al-Shabab. The post Al-Shabab attacks military base in southern Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Our teams are rapidly responding to the most urgent needs of populations displaced by the ongoing violence in #Laascaanood. Clean water and hygiene items were delivered to communities in Kalabaydh, Widh Widh, Xidh Xidh and Buhoodle thanks to @USAIDSomalia funding. pic.twitter.com/KpivQVrqSi — IOM Somalia (@IOM_Somalia) March 6, 2023 Qaran News
-
“Waxa aanu ka shaqaynaynaa sidii loo joojin lahaa marka hore dagaalka, ka dibna loo furi lahaa wada hadal. Waxaanu aaminsanahay in midnimadu ay tahay xalka kaliya, laakiin ma doonayno in midnimadan loo maro hab rabshad leh, taas oo xaaladda uga sii daraysa” Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidaa yidhi isaga oo ka hadlay doorka ay ku leeyihiin Xalka colaadda Laascaanood, isaga oo u warramay Telefishanka Afka Carabiga ku hadla ee Aljazeera. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii u socdaalay magaalada Doha ee waddanka Qatar. Dowladda Qatar ayaa bixisay saaxiibtinimo shaqsiyaad iyo mid Soomaaliyeed-ba shantii sano ee uu talinayay nidaamkii madaxweyne Farmaajo. Soomaaliya ayaa isbedel aaday 15-kii May 2022, dowladda Qatar waxay weli ku adkeysaneysay in Farmaajo kusoo laaban karo xafiiska waxayna taageertay musharaxeedii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laakiin codkii iyo go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu noqday Xasan Sheekh Maxamuud. Tobankii bilood ee lasoo dhaafay qorshaha Qatar ee arrimaha Soomaaliya ma caddeyn, waxaase jira warar sheegayay inay xiisaynayeen wada-shaqeyn furan. Dhowr bilood kahor Taliya NISA Mahad Maxamed Salaad ayay casuumtay dowladad Qatar, waxaana Caasimada Online ogaatay inay dalbadeen in waqti badan la galin wada-shaqeyntii gaarka aheyd ee nidaamkii baxay, taas badelkeeda hadda la furo bog cusub oo labada dal ah. Maalmihii tegay waxaa xoogeystay gacan-saarka Villa Somalia iyo dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, taas oo laga yaabo inay si taban u saameyso fikrada Qatar ka aaminsan tahay dowladda Xasan Sheekh. Magaalada Doha waxaa maalmahan ku sugan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin. Lama oga inay madaxweyne Xasan Sheekh is arki doonaan. Hoggaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ololaha doorashada kusoo galay inuu keeni doono Soomaaliya oo Dunida heshiis la ah. Isku-haynta Qatar iyo Imaaraadka waa tijaabo gaar ah, waxaana isha lagu wada haya qaabka ay Qatar isku fur-furto iyo sida madaxweyne Xasan Sheekh u wada kasbado labada dal oo ay dowladdii hore ku guuldareysatay inay wada kasbato. Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ka fulisay dhowr mashruuc oo maangal ah shantii sano ee lasoo dhaafay, waxaana la aaminsan yahay in haddii iyaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh inay wax badan ka tari karto dib u dhiska kaabayaasha muhiimka ah iyo kabka maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa dhawaan si kumeel-gaar ah u badashay danjirihii Soomaaliya ee Doha, taas oo lagu fasiray isku diyaarinta Soomaaliya ee cilaaqaadka cusub ee Qatar. Wasaaradda ayaa u yeertay safiirkii dalka u fadhiyey dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, sida ku cad warqad ay heshay Caasimada Online. Warqadda oo ku taariikheysan 2-da March 2023, loona diray safaraadda Qatar ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Cabdirisaaq Taano loogu yeeray arrimo wada-tashi, oo aan la shaacin waxa ay yihiin. Warqadda ayaa sidoo kale lagu shaaciyey inay xilka safiirka sii hayn doonto Ruun Saciid Qorsheel, waxaana dowladda Qatar looga codsaday inay la shaqeyso, islamarkaana taageerto. Ruun ayaa xilka si ku-meel gaar ah usii hayn doonto, balse waxaa lasoo magacaabi doonaa safiir cusub. Safiir Cabdirisaaq ayaa kamid ahaa safiirada aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyihii sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana u yeeristan ay tahay xil ka-qaadi dadban, isaga oo aan dib ugu laaban doonin Doha. Si kastaba, Dad badan waxay qabaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh wada hanan karo cilaaqaadka Doha iyo Dubia, waxaana isha lagu wada haya tallaabooyinka uu dhankaas u qaadi doono. The post Xasan Sheekh oo maraya tijaabadii ugu adkeyd ee isku-haynta Qatar iyo Imaaraadka appeared first on Caasimada Online.
-
Al-Shabaab has been evicted – at least temporarily – from scores of Somali towns and villages since last summer. This includes strategic locations such as Adan Yabaal in Middle Shabelle, just north of Mogadishu, which had remained under the control of the group for most of the past fifteen years. These events began in June 2022 when al-Shabaab effectively broke a truce with the Ali Mahaweyne sub-clan of the Hawaadle by killing one of its prominent elders. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa 19 xubnood ayaa ku dhawaaqay inay ka baxeen xubinimadii xisbiga Wadajir oo kamid ah asxaabta siyaasadeed ee kumeel-gaarka ah ee ka jirta Soomaaliya. Xisbigan waxaa hoggaamiya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Doorashadii ugu dambeysay Warsame wuxuu keensaday 15 cod, maadaama la kala dooranayay shaqsiyaad oo aan xisbiyo la kala dooraneyn. Wadajir xisbi ahaan waxay leeyihiin astaan ah dheelitir dowladeed. Xubnaha ku dhawaaqay inay xisbiga ka baxeen waxaa ku jira qaar dhawaan shaqooyin ka helay dowladda federaalka, xubno hore musharaxiin kale u dhisayay xilligii doorashada sida Xildhibaan Sanyare oo Saciid Deni dhisayay iyo qaar hore uga tagay xisbiga balse aan shaacin oo hadda qeyb ka ah liiska soo baxay. Sheekadan waxaynu ku soo koobeyna sababta ay xubnahaan u baxeen, waxay xisbiga u dhimi karto iyo rejada xubnaha baxay ee nidaamka tallada haya. 1. Sababta: Xubnaha sheegay inay ka baxeen xisbiga Wadajir waxay sababta ku sheegeen arrimo u gaar ah, laakiin Caasimada Online waxay ogaatay in xubnaha qaarkood go’aankan u qaateen dano ay ku qabaan dowladda hada jirta iyo inay diidan yihiin fikradaha hoggaamiyaha xisbiga ee ah in mararka qaar la iftiimiyo waxyaabaha ka qaldan dowladda hadda jirta, taas oo ay xubnaha u arkeen haddii ay sii socoto saameyn karto fursadaha ay hadda ka haystaan dowladda dhexe. Xiriir aan la sameynay xubnaha ku haray xisbiga si aan u ogaano in xisbiga uu qaatay siyaasada ah in dowladda hadda jirta mucaaridnimo mutaxan lagala horyimaado iyada oo sanad jirin ayay beeniyeen, waxay sheegeen in marwalba mab’da xisbiga uu yahay in shacabka loo hadlo. 2. Maxay saameyn ah oo ku yeelan karta xisbiga Wadajir? Soomaaliya hadda xisbiyada siyaasadda ma gaarin isku filnaansho, weli dalka kama jiraan xisbiyo rasmi ah oo dhamaan xisbiyada diiwaan-gashan waa ku-meel gaar, dadweynuhu weli xisbiyo ma kala dooran oo doorasho asxaab ah ma aanay dhicin. Siyaasiyiinta waaweyn ee shacbiyada leh ayaa weli la kala xusha xilliga doorashada. Siyaasiyiinta aan sida weyn u muuqan iyo ganacsatadu waxay marwalba raadiyaan qof ay dhisaan oo xukun la yeeshaan, haddii ay waayan cidda adkaata ayay isku dayaan inay kula daartan, halka tartamayaasha muuqda ay sidooda usii taagnaadan illaa doorashada xigta. Xisbiyadu hadda waxay u jiraan magac ahaan iyo madal ay ku kala warqaadan hoggaamiyaha iyo saaxiibadiisa ku fikirka ah ee raba inay madaxweyn u dhisaan, sidaas darteed liiska xubnaha habeen hore ka baxay xisbiga Wadajir si siyaasi ah iyo mustaqbaliyan-ba uma badna inay dhaawaceen xisbigan oo markii horeba boqolkii boqol ku tiirsanaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. 3. Saameynta taban ee xubnaha ka baxay xisbiga Wadajir? Xubnaha Wadajir ka baxay ee la sheegay in qaarkood raajicinayaan ku biirista UDP ee madaxweyne Xasan Sheekh culeys siyaasi ah ayaa horyaalla. Inta la ogyahay xubno badan oo UDP ka tirsan ayaa ku qadsan dowladda hadda jirta oo qaar ay durba mucaaridnimo darbiyada la fadhiyaan. Uma badna in xubnaha Wadajir ka yimid uu door shaqaalinimo ka badan kaga furan yahay dowladda hadda jirta. Xasan Sheekh isku macno uma sameynayaan xubnihii wax kasoo dhistay iyo xubno hadda u yimid oo doodooda u weyn ay tahay waxaa diidnay oo xisbigeena uga soo baxnay in lagu mucaarado. Sidoo kale dhaawaca dambe ee kooxdan kasoo baxday xisbiga Wadajir waa in berri xubnahaan loo arko rag haddii ay fursad yar helaan meel cidla ah uga tegi kara kooxda ay la joogan. The post Xog: Arrinta ka dambeysa in siyaasiyiin badan ka dareeraan xisbiga CC SHAKUUR appeared first on Caasimada Online.
-
In a wide-ranging interview with Al Jazeera, President Mohamud talks Somaliland, the fight against al-Shabab and the country’s future. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The Federation Internationale de Football Association (FIFA), the governing body of association football, has recognized Ali Abdi Mohamed, also known as Ali Shiino, as the new head of Somalia's Football Federation, ending a leadership dispute that has divided the country's football community. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo ay saaka aroortii hore dagaal-yahaano ka tirsan ku qaadeen saldhig ay ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle oo galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay raggii weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa xerada la weeraray, waxayna kooxda Al-Shabaab sheegtay in weerarkaasi ku billowday qaraxa ay ku dileen 89 ka tirsan askartii halkaasi ku sugneyd. Afhayeenka howlgallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkii Janaay Cabdalle ay barbar socdeen weeraro kale oo lagu beegsanayay ciidamo gurmad ah, islamarkaana ay ku qabsadeen gaadiid dagaal oo gaaraya 20, sida uu sheegay. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay gabi ahaanba xerada oo ay cagta marisay ciidamadii saldhiggaasi ku sugnaa, balse majirto illo madax-banaan oo xaqiijin kara sheegashada kooxdan. Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka oo gaadmo ahaa uu dhacay xilli aroor ah, islamarkaana ay jiifeen ciidamada degan saldhigaasi, taasi oo fursad badan siisay xoogaga Shabaab ee weerarka la beegsaday xerada Janaay Cabdalle. Waxaa la xaqiijiyay in dadka ku dhintay weerarkan uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Carab Maxamuud oo kamid ahaa ilaalada madaxtooyada Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa halkaasi. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaas oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka. The post Shabaab oo war kasoo saaray weerarkii Janaay Cabdalle appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen. Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Andersen ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta afkaarta xagjirnimada ah. Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa adkeeyey Danjire Steen Sonne Andersen in ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Danjiraha Denmark appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada xoogga dalka iyo Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugan deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar ay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay kusoo qaadeen deegaankaas, sida ay baahisay warbaahinta ciidamada qarabka sida. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ku sugan deegaanka ayaa sheegay in kooxdii weerarka soo qaaday jab lagu gaarsiiyay halkaas, sida ay hadalka u dhigeen, iyaga oo intaas ku daray in ay jiraan meydad ay ka carareen oo soo badhigi doonaan, kadib markii soo idlaado howlgalka ay wadaan ciidanka. Ciidamada xoogga dalka iyo Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugan Jubbaland ayaa waday dhaqdhaqaaqyo ciidan muddooyinkii ugu dambeysay, iyagoo sheegay in ay u diyaar gabeen sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga suga yihiin maamulka Jubbaland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo gaaray Kismaayo ayaa kulamo la qaatay madaxweyne Axmed Madoobe iyo saraakiisha ciidanka xoogga iyo Daraawiishta, iyagoo ka wadahadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab. Al-shabaab ayaa deegaannada Jubbaland kaga sugan magaalooyin dhowr ah oo ay ku jirto magaalada Bu’aale ee caasimadda rasmiga ah, ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii dambe ku diyaar garoobayay degmada Afmadow oo noqonaysa halka laga hoggaaminayo howlgallada dib-u xoreynta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi dheer siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Aljazeera ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan ammaanka guud ee waddanka iyo qorshaha la dagaallanka Al-Shabaab. Wareysiga oo soconayay 22:38 (Labaatan iyo labo daqiiqo, soddon iyo siddeed ilbiriqsi) ayaa su’aallo badan lagu weydiyay madaxweyne Xasan oo haatan ku sugan Dooxa. Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday wada-hadalka Al-Shabaab, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay. Hase’ahaatee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shuruudo adag ku xiray wada-hadalkaa Al-Shabaab, kuwaas oo uusan ku dhex sheegin wareysiga. Sidoo kale madaxweynaha ayaa sababta ku sheegay in ragga u dagaalamo kooxda Al-Shabaab ay u badan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan heysan waddamo kale oo ay aadaan, balse dowladdiisa ay albaabada u fureyso qaab kasta oo lagu soo celin karo. “Dadka Al-Shabaab u dagaalama waxay u badan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed, mana haystaan waddan kale oo ay ku noolaadaan, marka dowladdu albaabbada ayay u furaysaa,” ayuu wareysigan ku yiri madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya. Dhanka kale waxa uu ka warramay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab isaga oo sheegay in Shabaab aan looga adkaan karin awood ciidan oo keliya, sidaas darteedna ay dowladdu qaadatay istiraatiijiyad dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin Ciidan, Diin iyo Dhaqaale. Waxa kale uu intaasi kusii daray in dowladda oo kaashaneysa shacabkeeda ay guullo waa weyn ka gaartay dagaalka milaraiga, islamarkaana dhul badan laga qabsaday Al-Shabaab. “Dagaalka saddexda gees ee militari, dhaqaale iyo Fikir waa qorshe lagu guuleystay, dagaalka tooska ah waxaa lagu xorreeyay dhul baaxad weyn oo qaarkiis 15 sano ay joogeen, dhanka Maaliyadda waxaa la xiray oo la xayiray lacagaha ay sida baadda ah uga qaadeen Shacabka Soomaaliyeed iyo fikirka oo ah marinka ugu weyn ee dadka ku duufsadeen, Shacabka Soomaaliyeed 100% waa Sunni, Shaaficiya ah, Culimada Muslimiinta waxa ay soo jeediyeen in lala dagaalamo” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay. Soomaaliya ayaa ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Shabaab taas oo ay ka dhalatay xaalad ammaan oo horleh, kadib markii ay kordheen weerarada ka dhacaya Muqdisho. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo war cusub kasoo saaray wadahadalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa kasii daraya xiisadda dagaal dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, taas oo u dhexeyso ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaaladaasi, waxaana labada dhinac ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Somaliland iyo dadka deegaankaba ay helayaan gurmadyo gaaraya jiidda hore ee aagaga lagu dagaalamayo. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamo dheeraad ah oo ka baxay magaalooyinka Gaakacyo iyo Garoowe ayaa xalay iyo saaka gaaray gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey halkaasi. Ciidamadan oo u abaabulan hab heeleed, isla-markaana kasoo jeeda gobollada SSC ayaa ku biiray dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaaas oo maalmo badan qaatay. Dhinaca kale Somaliland ayaa iyadina ciidamo dheeraad ah kusoo daabushay duleedka magaalada, halkaas oo ay ka wado guluf dagaal oo ka dhan ah ciidanka deegaanka. Ujeedka milatariga Somaliland ayaa ah inay soo qaadaan dagaal rogaal celis ah, si ay markale dub ugu qabsadaan gacan ku heynta Laascaanood oo dhacda waqooyiga dalka. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xaaladda cakiran ee ka jirta xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac. Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa shalay markale ku dagaalamay magaaldaasn, kaas oo soo gaaray illaa xalay, taas oo sii adkeneysa xaaladda. Dagaalka Laascaanood oo socda ku dhowaad bil xiriir ah ayaa sababay dhimashada dad ka badan 200 oo qof iyo dhaawac ka badan 600 oo qof, sida laga soo xigtay dadka deegaanka. The post Ciidan ka baxay Gaalkacyo iyo Garoowe oo ku biiray dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Dooxa (Caasimada Online) – Magaalada Dooxa ee caasimada waddanka Qatar waxaa Isniintii kulan ku yeeshay madaxweynaha dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa yimid, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku jooga magaalada Dooxa uu gurigiisa ku booqday Farmaajo oo bilihii lasoo dhaafay ku noolaa dalka yar, balse dhaqaalaha hodanka ee Qatar. Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada madaxweyne ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Farmaajo dadaallada ay dowladda ay ku bixinayso xoreynta dalka, si meesha looga saaro Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa xusay in guullo wax ku ool ah laga gaaray halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan in dalka oo dhan laga saaro kooxda Al-Shabaab. Dhankiisa Farmaajo oo madasha ka hadlay ayaa madaxweyne Xasan ku boggaadiyay dadaalkiisa ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya. Waa kulankii ugu horreeyay ee foolka fool ah oo ay yeeshay labada madaxweyne, kadib markii uu Farmaajo baneeyay talada dalka, xilkana uu ku wareejiyay Xasan Sheekh. Farmaajo ayaa wixii ka dambeeyay 15-kii May ee sanadkii 2022 oo uu dalku ka dhacay isbeddal siyaasadeed noqday dibadjoog, wuxuuna u dhexeeyay Turkiga iyo Qatar. Si kastaba, kulankan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka, isla-markaana ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, kaas oo laga soo hooyay guullo waa weyn. The post Xog ku saabsan kulanka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo ee Qatar? appeared first on Caasimada Online.
