Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay dad gaaraya illaa 19 qof oo ay horay ugu ridday xukunno dil ah. Ragga la toogtay ayaa waxaa ku jiray shabakado isku xirnaa oo ka kala tirsanaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daaacish, sida ay shaaciyeen saraakiisha maxkamadda. Toogashada oo dhacday abaare sideedii subaxnimo ayaa ka dhacday magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso iyo Garoowe ee maamul goboleedka Puntland. Ragga la toogtay 13 kamid ah waxa ay ahaayeen xubno ka kala tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ay Puntland ku eedeysay inay geysteen dilal iyo qaraxyo. Sidoo kale lix kamid ragga saaka xukunka toogashada ah lagu filiyay waxa ay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidamada Puntland oo iyaguna horay dilal uga geystay magaalooyinka maamulkaasi, kuwaas oo lagu ridday xukuno dil ah oo ugu dambeyn maanta lagu fuliyay. Fulinta xukunkan toogashada ah ayaa waxaa si aad ah u baahiyay warbaahinta, ayada oo laga hadal hayo baraha bulshada, maadaama ay hal mar toogashada lagu fuliyay 19 nin. Dadka qaar ayaa tallaabadan ku boggaadiyay Puntland, halka kuwa kalena ay aragti ahaan kasoo horjeesteen, maadaama ragga la dilay ay u badnaayeen dhalinyaro. Ma’aha markii ugu horreysay oo toogasho noocaan ah ay fuliso Puntland, waxayna 27 June ee sanadkii 2021-kii sidaan oo kale tiirka u geysay 21 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhigooda uu yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. The post Puntland oo maanta toogasho ku fulisay 19 qof appeared first on Caasimada Online.
  2. Al-Shabaab militants on Tuesday attacked a military base in a Somali town recently recaptured from the Islamists, killing several soldiers, according to local army officials. Source: Hiiraan Online
  3. Irish donations have reached over one million people struggling to survive a record drought in the Horn of Africa where famine remains a serious threat, according to Concern Worldwide. Source: Hiiraan Online
  4. “Anigu Faysal Cali Waraabe ka hadli maayo oo dadka aanu isku Grade nahay ayaan ka hadlaa Dadka Yuotubers-ka ah iyo Dadka Followerska -ka Raadiya Ha u jawaabeen. Lakiin arrinta Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro wuxuu ka yidhi Laascaanod War Sax ah ayuu ka sheegay oo ah in Ciidanka meesha laga saaro nabadgelyada iyo wada hadaladana la ogolaado intaasina waa intaan anigu kala hadlaayo Adeer. Madaxdhaqameed ka xagee ayuu Role-koodu yaala Karayaal ayaa la isla hor fadhiyaa.” Cabdirisaaq Ataash Qaran News
  5. ABU DHABI, 7th March 2023 (WAM) – Representatives of the United Arab Emirates, Qatar, Somalia, Türkiye, the United Kingdom, and the United States of America met in Washington, D.C. to discuss Somalia’s security, state-building, development, and humanitarian priorities. Source: Hiiraan Online
  6. FILE - Somali soldiers patrol at the Sanguuni military base, about 450 km south of Mogadishu, Somalia, June 13, 2018. Source: Hiiraan Online
  7. New York (Caasimada Online) – Laba nin oo Soomaali ah ayaa loo heystaa dembi ah inay gacan ku lahaayeen afduub Soomaaliya loogu geystay weriye u dhashay dalka Mareykanka, kaas oo burcad badeed Soomaali ah ay lacag madax furasho ah ka qaateen. Dacwad oogayaal Mareykan ah ayaa sheegay in labada nin ee Soomaalida ah lagu helay danbi ah inay gacan siiyeen kooxo burcad badeed Soomaali ah oo madax furasho ka qaatay Weriye Mareykan ah oo u afduubnaa muddo laba sano iyo bar ah. Mid ka mid ah labada nin ee Soomaalida ah ayaa haysta dhalashada Mareykanka, sida lagu shaaciyey warbixin ay ka qortay wakaaladda wararka ee Associated Press. Maxamed Tahliil Maxamed iyo Cabdi Yuusuf Xasan ayaa lagu kala magacaabaa labada nin ee Soomaalida ah ee dembigaan loo heysto, waxayna xeer-beegtida heer federaal ee dowladda Mareykanka bartamihii bishii Febraayo soo bandhigtay cadeymo muujinaya in labada nin ay Weriya shir-qooleen. Weriyahaas oo lagu magacaabo Maykal ayaa dhalasho ka heysta Mareykanka iyo Jarmalka, waxaana lagu afduubtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, xilli uu howlo shaqo u yimid Soomaaliya sanadkii 2012-kii. Inkastoo weriyahaas uu ka shaqeynayey warbaahin laga leeyahay dalka Jarmalka, hadana wuxuu waday cilmi baaris ku saabsan arrimaha burcad badeeda Soomaalida, sidaas ayuuna ku yimid magaalada Gaalkacyo oo laga afduubtay. Xiligaas afduubayaasha ayaa dalbaday 20 milyan oo dollar, waxayna baahiyeen muuqaalka weriyaha ee hub culus lagu handadayo. Sanadkii 2014-kii ayaa weriyaha lagu sii daayey lacag madax furasho ah oo qoyskiisa ay bixiyeen, taas oo gaareysay 1.6 milyan oo dollar, wuxuuna dib ula midoobey reerkiisa. Maxamed Tahliil oo ah mid ka mid ah ragga loo heysto kiiskaas ayaa la sheegay in xiligaas uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya, balse uu shaqadiisii uga tegay inuu hoggaamiyo kooxdii burcadda aheyd ee heysatay weriyaha. Cabdi Yuusuf oo ah ninka kale ee kiiskaan loo heysto ayaa la sheegay inuu masuul dhinaca amniga ah ka ahaa Mudug oo ninkaas Weriyaha ah lagu heystay, ayaa qeyb ka noqday dadaallada madax furashada looga raadinayo reerka Weriyaha. Cabdi Yuusuf Xasan oo ku dhashay Muqdisho ayaa qaatay dhalashada dalka Mareykanka, waxaana sanadkii 2019-kii lagu xiray magaalada Minneapolis, waxaana lagu soo oogay dembiyo federaali ah. Inkastoo aan si buuxda loo faahfaahin xogta Maxamed Tahliil, hadana waxaa la sheegay in lagu xoray magaalada New York sanadkii 2018-kii, waxaana la sheegay in weriyuhu uu Maxamed u aqoonsaday ninkii hoggaaminayey kooxdii madax furashada ka qaadatay. Weriyaha oo book ka qoray dhacdooyinkii afduubkiisa ayaa sheegay in mar uu Facebook kala soo xariiray Maxamed Tahliil oo madax u ahaa kooxdii afduubatay, isla markaana uu u sheegay in raggii madax furashada ka qaatay uu midba mid kale dilay, kadib markii ay ku heshii waayeen lacagtii ay madax furashada uga qaateen. Maxamed Tahliil iyo Cabdi Yuusuf ayaa lagu wadaa in xukun lagu rido 6-da bisha September ee sanadkaan, waxaana loo badinayaa in xukunkaas uu noqa karo cabsi daa’in. The post Laba nin oo Soomaali ah oo loo xukumay dambiga afduub ee weriye Mareykan ah appeared first on Caasimada Online.
  8. Shidaal jaban oo xukuumaddii Kulmiye ku hor taagan tahay badda iyadoo u dananaysa shirkado ay qayb ka tahay. Waxaa badda Berbera taagan laba markab oo sida shidaal u raran ganacsato reer Somaliland kuwaas oo sida shidaal qiimaha aan ka jaban ku suuqa yaal ee ay keento shirkadda aan heshiiiskeeda golaha wakiiladdu JSL ansixin ee TRIFAGURA. Shidaalkan ayaa wasaaradda Ganacsiga u diiday in lagu shubo haamaha keydka ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba. Sababta loo cuskaday diidmadan ayaa ah in xaddiga maaddada SALFARTA ee ku jirtaa ay badan tahay 500 PPM oo heerka xukuumada u dhigtay dalka balse ay ugu dananayso shirkado ay iyadu qayb ka tahay. Baadhista shaybaadka shidaalkan oo aan mid ka mid ah aragnay ayaa heerka salfarta ku jirtaa ka yar tahay 1000 PPM. Labada markab oo mugga shidaalka ay sidaan isku noqonayo 7,800 Mt ayaa waxay kala yihiin. 1. MT JESSICA (Oil product tanker) oo sita calanka jasiirada Komoros oo lambarka tixraaciisu yahay IMO 9140853 / 620999046 Maraakaabtian ayaa maalin kasta oo ay badda ku sii nagadaan dhiigbax dhaqaale ku ah ganacsatada dalka. Dhanka kale, ummada reer Somaliland ee loo diidan yahay iney helaan shidaal jaban ayaa waxa dhiiga ka jaqay shirkada xukuumadu wadato maalin kasta oo maraakiibta shidaalka jaban sida badda lagu sii hayo. Faro-gelinta iyo kootada loo xidho shaqsiyaad iyo shirkado xukuumada iyo madaxtooyada SL ay wadato ayaa keenay dhibaatooyin waawayn oo soo gaadhay ganacsiga xorta ahaa ee Somaliland kuwaas oo qaarkood ay keeneen dagaalo sokeeye oo dalka ka qarxay oo ganacsato shalay shaqo abuurayaal ahaa hada ay yihiin qaar dirays xidhan oo dagaal dhiig badani ku daatay ku jira. Xisbiga Waddani wuxuu si adag u cambaaraynayaa bahalnimada iyo ma naxaanimada xukuumada hore ee talada haysa. Waxaanu dadka ugu baaqayaa iney ka dhiidhiyaan siyaasadaha cadawnimadu ka muuqato ee xukuumadii ay doorteen caadaystay xili ay ku jiraan sicir-barar, abbaaro, iyo qax baahsan. Allaa Mahad leh Xamse Cabdiraxmaan Khayre Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska Qaran News
  9. Xilli ay weli qoyan tahay xinjirtii iyo dhiigii shacabkeena Laascaanood, in aynu Hargeisa iyo Burco heeso iyo jaas isugu nimaadnaa waa halkii ugu dambaysay maangaabnimada iyo damiir xumada. Waxaaban xasuustay Siyaad Barrihii, Hargeysa iyo Burco oo ololaya lahaa ciyaarihii kubbadda ee gobalada ayaa ay ka qaybgalayaan” Waxaaban xasuustay Siyaad Barrihii, Hargeysa iyo Burco oo ololaya lahaa ciyaarihii kubbadda ee gobalada ayaa ay ka qaybgalayaan.” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Qaran News
  10. Ankara (Caasimada Online) – Mucaaradka Turkey ayaa soo afjaray bilo dood kulul ah Isniintii, waxayna isku raaceen inay madaxa xisbiga calmaaniga ee ugu weyn u magacaabaan musharaxa ka hortagaya madaxweyne Erdogan, doorashada dhaceysa 14-ka May. Heshiis la gaaray xilli dambe oo looga dan leeyahay in laga weecdo kala jab ku yimaada codka mucaaradka ayaa ka dhigan in madaxa xisbiga CHP, Kemal Kilicdaroglu uu labada duq ee magaalooyinka Istanbul iyo Ankara u magacaabo madaxweyne ku-xigeeno haddii ay soo afjaraan 20 sano oo xukunka Erdogan ah. “Waa na laga adkaan lahaa haddii aan kala jabi laheyn,” ayuu Kilicdaroglu u sheegay dadweyne badan oo isugu soo baay inay taageeraan saacado markii heshiiska lagu dhowaaqay. Erdogan ayaa wajahaya dagaal siyaasadeedkii ugu adkaa noloshiisa, ayada oo ay dhaceyso doorasho ay qaar badan u arkaan middi ugu cawaaqibka weyneyd ee taariikhda aas-aaska Jamhuuriyadda Turkey 100 sano kahor. Hoggaamiyaha 68 jirka ah ayaa u baahnaan doono inuu ka adkaado caqabado badan, oo ay ka mid yihiin xasarad dhaqaale iyo dhul-gariir gaystay burbur xooggan. Codadka ra’yiga ayaa muujinaya tartan aad la isugu dhow yahay, oo ay adag tahay in la saadaaliyo cidda ku guuleysaneysa. Hase yeeshee, xaaladda Erdogan ayaa u muuqatay inay fududaatay markii mid ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka ka kooban lixda xisbi ay Jimcihii ka baxday wada-hadallada isbaheysiga. Meral Aksener ayaa ku dooday in Kilicdaroglu — oo ah 74 jir afgaaban oo kasoo jeedo bulshada la liido ee Alevi — uusan haysan taageero shacbiyad oo uu kaga adkaado Erdogan. Waxay ku adkeysatay in mid ka mid ah labada duq ee magaalo ee caanka ah ee Istanbul iyo Ankara, oo ka tirsan xisbiga CHP loo doorto inay ka hortagaan Erdogan. Labada duq ayaa Isniintii la kulmay Aksener si ay xisbigeeda Iyi Party ee ugu soo celiyaan xeendabka mucaaradka. “Dalkeena uma dulqaadan karo kala jab,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay duqa magaalada Ankara, Mansur Yavas kadib kulanka. Mucaaradka ayaa markii ugu dambeysay u midoobay Erdogan doorashooyinkii dowladaha hoose ee 2019, si ay uga adkaadaan xulufada Erdogan. Awooddii ay ku qabsadeen maamulka labada magaalo ee ugu weyn Turkey ayaa meesha ka saartay dareenkii ahaa in Erdogan aan laga adkaan karin, waxayna dhabbaha u xaartay suurta-galnimada inuu xukunka dib ugu soo laabto xisbiga aas-aasihii Turkey Mustafa Kemal Ataturk. Hase yeeshee Kilicdaroglu ayaa doonayey in Yavas iyo duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu ay sii hayaan xilalkooda si looga fogaado halista ah in maamulka labada magaalo uu dib gacanta ugu galo xisbiga Islaamiga ah ee Erdogan. AFP, VOA The post Mucaaradka dalka Turkey oo ku heshiiyey musharaxa ka hortagaya ERDOGAN appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey shirka guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda ee tiirka Soomaali Dunida Heshiis La ah, la qabtay saacadihii lasoo dhaafay. Shirkaas ayaa looga hadlay ansixinta siyaasadda qaran ee qurbo joogta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah. Shirka ayaa sidoo kale looga dooday hannaankii loo soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku go’doonsan meelo badan oo adduunka ka mid ah. Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhalinyaro u badan ayaa ku jira xabsiyo kala duwan oo caalamka ah, kuwaas oo baahi wayn u qaba in loo fududeeyo sidii ay dalkooda hooyo ugu soo laaban lahayeen, iyagoo nabad qaba. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay ka go,an tahay sidii muwaadiniinteeda ku xiran jeelasha kala duwan ee adduunka ay si nabad ah ugu soo celin lahayd dalkooda hooyo. Saalax Axmed Jaamac ayaa cadeeyey in dowladdu muhiimad gaar ah siinayso qurba -jooga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada caalamka oo kaalin wayn ugu jira dowladnimada Soomaaliya. Inta badan dalalka caalamka, haba ugu badnaatee Afrika waxaa ku xiran muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhalinyaro u badan, kuwaas oo garabkii ay u baahnaayeen aan ka helin dowladda Soomaaliya oo aad ugu mashquulsan arrimaha gudaha. Markii uu bilowga ahaa muddo xileedkii Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre ayaa lagu xusuustaa in dowladda Soomaaliya ay xabsiyada dibadda ka soo saartay boqolaal maxbuus oo Soomaali ah, balse waayahaan dambe dowladda Soomaaliya muhiimad gaar ah ma siiso inay u dooda muwaadiniinteeda lagu heysto dunida dacaladeeda. The post DF oo go’aan ka soo saartay muwaadiniin ku xiran dibedda appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilsay Danjiraha dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen. Ra’iiusl Wasaare Xamza iyo Danjire Andersen ayaa waxay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Denmerk, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu Andersen kala hadlay sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyad Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta afkaarta xagjirnimada ah. Shantan arrimood ayaa muhiimad gaar ah u leh dowladda, xilli ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku haysay kooxda. Danjire Steen Sonne Andersen ayaa ra’iisul wasaaraha la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladdiisu xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Danjiraha Andersen ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uga mahad-celiyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay xafiiskiisa, isaga oo ku amaanay dadaallada ay waddo xukuumaddiisa. The post Sawirro: R/W Xamza oo 5 arrin deg deg ah hordhigay… appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdrashiid Cali Sharmarke, Cabdiweli Cali Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali ayaa ka digay muddo kororsi ay sameystaan goleyaasha dowladda federaalka Soomaaliya. Bayaaan ay wadajir u soo saareen madaxdii hore ayaa lagu sheegay in muddo kororsi ay ku howlan yihiin labada aqalka ee baarlamaanka, waxayna tallaabadaas ku tilmaameen sharci darro baalmarsan dastuurka dalka. Waxay sheegeen in aysan xilligan jirin baahi taagan oo loo qabo in wax ka baddel lagu sameeyo dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin la sameeyo, haddii ay dhacdana ay horseedi doonto dib u dhac ku yimaada dowlad dhiska, xasilloonidda siyaasadda iyo dagaalka argagixisadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayay ugu baaqeen in uu arrintan xagal daacinta ah uu dalka iyo dadka ka badbaadiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadii’da asaasiga ah ee dastuurka. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo looga digay muddo kororsi appeared first on Puntland Post.
  14. DOHA, Qatar (Caasimada Online) – Qatar’s Emir, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, has appointed the country’s foreign minister, Sheikh Mohammed Bin Abdulrahman al-Thani, as the new prime minister in a move that analysts say signals a renewed focus on bolstering the Gulf state’s global presence. This comes after Qatar successfully mended fences with regional rivals and hosted the 2022 World Cup, a major sporting event that aimed to elevate the country’s global profile and influence beyond its gas wealth. Along with the new prime minister, the emir’s office also announced a cabinet reshuffle that reappointed the finance and energy ministers, two crucial positions in the wealthy nation that is a major gas producer. Sheikh Mohammed has been Qatar’s foreign minister since 2016 and played a critical role in representing Doha during the three-and-a-half-year boycott of Qatar by Saudi Arabia and its allies, which ended in early 2021. Qatari’s top priority Mahjoob Zweiri, director of the Gulf Studies Center at Qatar University, sees Sheikh Mohammed’s appointment as a clear message that foreign policy and presence on the international scene remain a top priority for Qatar. “Having an active foreign minister, who worked in a crucial and critical time, as prime minister is a clear message,” Zweiri said. Qatar’s hosting of the 2022 World Cup, which drew criticism over human rights, was part of the country’s strategy to elevate its global profile and expand its influence beyond its gas wealth. The emir, Sheikh Tamim, had steered Qatar through the blockade imposed by four Arab states on Doha for backing Islamists they deemed a threat and for its ties with Iran. Andreas Krieg, a professor at King’s College in London, sees Qatar as a “lot more outward-looking” following the World Cup and the end of the blockade. He describes Sheikh Mohammed as a diplomat by profession who is also a “diplomat within the cabinet among ministers.” The emir trusts him as a transformational manager. The emir kept key ministers in the new cabinet, including Finance Minister Ali bin Ahmed al-Kuwari and Energy Minister Saad al-Kaabi. Sheikh Khalifa bin Hamad Al Thani, chief of 2022 World Cup security, was also named the new interior minister. The emir also restructured the board of the sovereign wealth fund Qatar Investment Authority, appointing central bank Governor Sheikh Bandar Bin Mohammed Bin Saoud Al-Thani as chairman to replace Sheikh Mohammed. The post Qatar Emir appoints Sheikh Mohammed as new PM appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Dooxa ee waddanka Qatar ayaa la kulmay madaxweynihii uu tallada kala wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waa kulankoodii koowaad tan iyo markii uu Farmaajo xilka wareejiyay. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmihii dambe waxa uu saldhiga ka dhigtay magaalada Dooxa ee waddanka Qatar. Villa Somalia waxay sheegtay inuu Xasan Sheekh la wadaagay Farmaajo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab. Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa laga bixiyay illaa shan fasiraad, kuwaasi oo kala ah; 1. Tixanaha is-booqashada: Farmaajo markii uu xafiiska joogay booqasho uu ku tagay magaalada Ankara ee waddanka Turkiga ayuu dhinaca kale booqday Xasan Sheekh oo markaas deganaa magaalada Ankara. Tani waa qeyb kamid ah in madaxda Soomaalida aanay is inkirin oo ay is booqdaan markii dibadda ay joogaan wallow aad loo dhaliilo is aragooda marka gudaha la wada joogo. 2. Farriin ku socota Jamaahiirta labada hoggaamiye: Kulankaan gaarka ah wuxuu imanaya iyada oo dalka ka dhacday doorasho dhib badan laga maray oo gaartay in hub la isku adeegsado. In labada hoggaamiye u muujiyeen Jamaahiirtooda in loolanku ku eegyahay maalmaha kursiga la isku haysto ayuu keenaya kulankan ayay leeyihiin fallanqeeyayaashu. 3. Farmaajo iyo dagaalka Al-Shabaab: Dad badan ayaa duray qeyb kamid ah farriinta Villa Somalia ee ah inuu Xasan Sheekh uga warbixiyay Farmaajo halka uu marayo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab. Dadku waxay leeyihiin Farmaajo wax weyn uguma fadhiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo isaga ayaa qaadi lahaa haddii ay taasi ahmiyad u leedahay. 4. Dowladda Qatar iyo kulanka labada hoggaamiye: Dowladda waddanka Qatar oo isku diyaarineysa wajiga cusub ee la-macaamilka Soomaaliya wax weyn ayay u tahay inay aragto in madaxda Soomaalida loolankooda uusan xadka dhaafin oo ay leeyihiin biseyl iyo is-aqbalid. Waxay ku dhiirigelinaysa ayaa la leeyahay xoojinta wajiga cusub ee cilaaqaadka Soomaaliya. 5. Laba weerar kadib iyo laab furnaanta Xasan Sheekh: Iyada oo la xasuusto in dowladdii Farmaajo ay laba jeer weerar hubeysan ku qaaday Xasan Sheekh. Mar hoteelkii Maa’ida, marna guriga uu ka deganaa aagga Mirinaayo, haddana in marka aad xukunka hesho aad iska ilowdo nabaradii uu nidaamkii hore ku geystay waa wax uusan qof walba awoodin ayay dadka uga falceliyeen booqashada uu Xasan Sheekh ugu tegay Farmaajo. The post Shan fasiraad oo laga bixiyay kulankii Xasan Sheekh iyo Farmaajo ee Qatar appeared first on Caasimada Online.
  16. Mogadishu (PP Editorial) — The President of the Federal Republic of Somalia Dr Hassan Sheikh Mohamud granted an interview with Al Jazeera Television. President Mohamud talked, among other issues, about the war against Al-Shabaab. About the conflict around Laascaanood President Mohamud said that “some people in Laascaanood said ‘we don’t want secession; we are in favour of the Union’ whereas the Somaliland government says ‘we want to secede’. Hence the conflict.” A clip of the interview with President Mohamud. Although the Somaliland government is rejectionist— an entity that rejects the political and territorial unity of Somalia— it’s represented in the federal institutions. Last Friday in a Kismaayo mosque President Mohamud reminded his detractors that they “have representatives in the federal institutions”. By this he meant that decisions made by the Federal Government of Somalia have a popular consent. The Federal Government of Somalia endorsed in principle the 6/2/2023 Laascaanood Declaration in which traditional leaders reiterated their political representation in the Mogadishu-based federal institutions. Why did Somaliland forces shell Laascaanood? Somaliland government is not seeking to secede from Somalia. It claims to be a republic that seceded from Somalia in 1991 and conducted a unilateral referendum in 2001. In a Kismaayo mosque last week, President Mohamed claimed federal institutions “have popular consent.” In 2021 Somaliland government forcibly displaced more than 1500 Somalis on the false argument that they are foreigners. Forced displacement preceded indiscriminate shelling of Laascaanood by Somaliland forces. The point President Hassan Sheikh Mohamud should have emphasised is that no Somali citizen should be killed or maimed for asserting his/her political identity based on a territorially and politically United Somalia. President Mohamud’s claim that the Union is non-negotiable is not as legally robust as the right of the Somali citizen to be protected against the forces of a secessionist administration claiming to be enforcing colonial borders that ceased to exist on 1 July 1960, when the Republic of Somalia came into existence. The Ethiopian government is working to bring the Laascaanood conflict to an end, an irony that, hopefully is not lost President Mohamud, the head of a state once blamed by Ethiopia for irredentist campaigns but is now grappling with a secession war about which the government he leads is incapable speaking frankly. © Puntland Post, 2023 The post Somalia President Misinterpreted the Causes of the Secession War in Northern Somalia appeared first on Puntland Post.
  17. DOHA, Qatar (Caasimada Online) – Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has disclosed in an interview with Al-Jazeera that his country is working assiduously towards restoring peace in its northern breakaway region of Somaliland, amid growing tensions between local clan forces and the region’s authorities. He also addressed a wide range of topics, including the fight against the al-Shabab armed group, the drought that has ravaged the country, and the issue of gender violence. “We believe that unity is the only solution… but we don’t want this unity through violence, which makes matters worse,” Mohamud said, emphasizing the need for peace rather than violence in resolving the issue of Somaliland’s autonomy. The recent violence in the region resulted from leaders of Somaliland’s Sool, Sanaag, and Cayn provinces announcing their intention to rejoin Somalia. According to the UN, fighting broke out last month around LasAnod in Sool, killing at least 200 people and displacing more than 185,000. In response to the crisis, Mohamud said that the government has been advocating for the cessation of violence and creating a space for dialogue. ‘All-out war’ against al-Shabab In August 2021, Mohamud declared an “all-out war” against al-Shabab, which has been rebelling against the government since 2007. The president believes that the only solution to deal with the group is through an all-out war. He added that the ultimate goal of the fight against al-Shabab is to create a stable environment that will attract foreign investment and encourage Somalis to return to their homeland. With support from the US army, African Union (AU) forces, and local assistance, the Somali military has regained control of large portions of territory from the armed group since launching its offensive last year. The recapture of the port town of Harardhere, an al-Shabab stronghold on the Indian Ocean, in January 2022 was a significant victory for the government-led forces. However, al-Shabab has retaliated with a series of attacks in the capital and other cities, including an attack on the mayor’s office in Mogadishu and a military base. Mohamud has commended the African Union forces for their support, stating they were responsible for helping the Somali state grow and reach a level that provided space for society to develop. Looming famine The looming threat of famine in Somalia has been a significant concern since the country experienced five consecutive failed rainy seasons. The UN has estimated that eight million people are food insecure. More than 700,000 could suffer famine between April and June 2023 if aid supplies are not increased. In a recent report, UN experts stated that food insecurity remains “extremely critical,” but they no longer project famine. Mohamud acknowledged that the threat of famine still looms, despite a reprieve. Climate experts and humanitarian workers had warned that trends in recent weeks, including expectations of below-normal rainfall, are worse than those in 2011 when a quarter of a million people died in Somalia due to famine. Violence against women Mohamud also addressed the issue of gender violence in Somalia. Two UN reports in 2021 noted that there had been an “alarming” 80 percent increase in sexual violence in Somalia compared to 2019, mostly carried out by al-Shabab fighters. However, the reports also highlighted that sexual violence was attributed to government security forces for at least 15 percent of verified cases. Mohamud acknowledged that gender violence was a problem that needed to be addressed, and the government is working to deal with it. He stated that the judiciary system had been rebuilt, and security forces and those who had committed such crimes were immediately taken to court. However, the president also acknowledged that there were limitations to the justice system. The post Somalia president discusses efforts to restore peace appeared first on Caasimada Online.
  18. UAE-based DP World has been upgrading the port of Berbera on the coast of Somaliland, a breakaway region that has been functioning as a de-facto sovereign state for the past 32 years, since winning a 30-year concession in 2016. Supachai Wattanaveerachai, DP World’s CEO for the Horn of Africa region, tells fDi about the port’s prospects and the current stand-off with Ethiopia. Q: What specific opportunities do you see in operating in Berbera? A: The port of Berbera is ideally positioned to serve Somaliland and the hinterland of the Horn of Africa region, especially Ethiopia, a landlocked country of almost 120 million people. The Ethiopian government has the ambition to diversify its port partners as they currently depend mainly on the Port of Djibouti, in its north-eastern neighbour Djibouti. Our port in Berbera is approximately the same distance from Addis Ababa in Ethiopia as the Port of Djibouti, at around 900km. Berbera is also an excellent base for serving South Sudan, Yemen, Uganda and other countries in the region. With its 16-metre depth, the port can handle vessels with up to 18,000 twenty-foot equivalent units (TEU), enough for almost the largest container ships in the world’s oceans. Q: How much are you planning to invest in the free zone adjacent to the port DP World is also developing? How many tenants have you signed up for the free zone so far? A: Unlike other developers of economic zones, who can view them as a real estate play, we do not consider the investment in buildings as the criteria for success. We view our economic zones as an ecosystem consisting of hard and soft infrastructure required to create a competitive and conducive environment for investment and trade. It is this ecosystem that makes the environment attractive for potential investors. We recently signed an agreement with a significant UAE-based food company that will develop a 300,000 square foot edible oil packing plant in the zone. We have another 10 companies already registered. What is more critical is that we have created an environment that makes investing in Somaliland both easy and attractive. Q: Ethiopia was supposed to be a major partner in the development of the port, but this has not materialised. Is this hampering the port’s potential? A: The development of the transit agreement is moving in the right direction. However, we are already handling humanitarian cargo for Ethiopia as well as all the Ethiopia export cargo that we can capture. In addition, the Berbera Economic zone will contribute to port volume and transit and tranship of cargo to Yemen, and the Somalian states of Puntland and South Somalia. Q: Somaliland lacks international recognition as a sovereign state. What kind of legal and operational risks does this raise for DP World’s operations in Berbera? A: We have been operational in Somaliland since 2017. Our major constraints when we arrived were concerns about security and, generally, the practicality of doing business. All these factors were considered in the very supportive business ecosystem we’ve designed with the support of the people and government of Somaliland. This ecosystem also leverages the synergies with Jebel Ali Free Zone (Jafza), where on the one hand, companies can register their companies through the Jafza one-stop shop. On the other hand, Berbera Economic Zone companies can avail of the Jafza incubation centre services. Fdiintelligence Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hordhac ah ayaa laga helayaa laba jug oo xoog leh oo caawa laga maqlay magaalada Muqdisho. Sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah waxaa la weeraray ciidan fariisin ku leh isgoyska KPP ee degmada Hodan. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya hubka loo adeegsaday weerarkaas, dadka qaar waxay sheegayaan in laba bamgacmeed lagu tuuray ciidanka. Dadka qaar ayaa noo sheegay in ciidanka lagu riday laba xabadood oo ka dhacday qoriga RPG ee Sebenka loo yaqaano, balse si rasmi ah looma oga cidda fulisay weerarkaas iyo waxa loo adeegsaday. Sidoo kale weli lama ogaan hadii uu jiro khasaare ka dhashay weerarkaas inta uu la egyahay, waxaana lagu kala cararay aagga isgoyska KPP. Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dhacdadaan, sidoo kale kooxda Al-shabaab oo la aaminsan yahay inay geysatay weerarkaan ayaan weli ka soo hadlin weerarkaan. Maalmahaan amniga caasimadda Muqdisho ayaa ahaa mid liita, waxaana ka dhacayey dilal iyo qaraxyo soo boodo ah, sidoo kale hoobiyeyaal ayaa dhowr mar lagu garaacay magaalada. Waxaa xusid mudan inay yaraadeen qaraxyadii gaadiidka lagu soo rari jiray oo la aaminsan yahay inay ka hor tageen ciidamada ammaanka oo howlgallo culus ka fuliya Caasimada Muqdisho. The post Faah-faahin hordhac ah oo laga helayo jug culus oo caawa laga maqlay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  20. Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa guddoomiyey shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Soomaali Dunida Heshiis La ah, kaasi oo looga hadlay ansixinta siyaasadda qaran ee qurbo joogta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah. Shirka ayaa sidoo kale looga dooday hannaankii loo soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku go’doonsan meelo badan oo adduunka ka mid ah kuna jira xabsiyo kala duwan, kuwaas oo baahi wayn u qaba in loo fududeeyo sidii ay dalkooda hooyo ugu soo laaban lahayeen iyagoo nabad ah. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay ka go,an tahay sidii muwaadiniinteeda ku xiran jeelasha kala duwan ee adduunka ay si nabad ah ugu soo celin lahayd dalkooda hooyo, isagoo intaa ku daray in dowladdu muhiimad gaara siinayso qurba -jooga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada caalamka oo kaalin wayn ugu jira dowladnimada Soomaaliya. All reactions: 90Aadan Shakuur, MukhTar Moha Hussein and 88 others Source: goobjoog.com
  21. Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo uu wehliyo Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay u qaabilsanaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibadda Sweden Irina S Nyoni iyo Danjiraha Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgärde. Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Madaxa Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden Irina S Nyoni. Ergeyga ayaa ka warbixiyay xaaladda abaarta dalka ka jirta, isagoo sheegay in dadaallada wadajirka ah Dowladda Federaalka, deeq-bixiyayaasha iyo hay’adaha Qaramada Midoobay looga hor tagay macluul la saadaalinayay in ay dalka ka dhacdo damaadkii sanadkii hore. Ergeyga ayaa sheegay in kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay dhibaato xooggan gaarsiiyeen qaar ka mid ah ilihii nolosha ee degaannadii ay gacanta ku hayeen, ka hor inta aan laga saarin, wuxuuna Dowladda Sweden ugu baaqay in ay gacan ka geysto gargaarka naf-badbaadinta ah ee dadka ku dhaqan goobaha khawaarijta laga xoreeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Shariif Sayid Cali ayaa si adag uga horyimid guddi uu dhawaan magacaabay Wasiirka Wasaaradda Sheekh Mukhtaar Roobow Cali. Warqad 4-tii bishaan kasoo baxday xafiiska Wasiir Roobow ayaa waxa lagu magacaabay guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023. Guddigaan ayaa ka kooban 9 xubnood oo uu ku jiro nin la dhashay wasiir Roobow. Saalax Shariif, wasiir ku-xigeenka wasaaradda ayaa waxa uu sheegay in guddigan uu magacaabay wasiir Roobow uu yahay kuwa lagu soo xulay hanaan sharci darro ah, kaasi oo ku dhisan eex, nin jecleysi iyo kooxeysi diimeeda, sida uu sheegay. “Taas oo wax u dhimi karta hufnaanta tartanka adeega Xajka,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka wasaaradda oo si weyn uga horyimid hanaanka soo xulista guddigaan. “Guddigan waxaa ku jira xubno aan ahayn shaqaalaha wasaaradda lehna shirkado ganacsi oo u tartamaya adeega Xajka, taas oo meesha ka saaraysa helida fursado cadaalad ah oo loo siman yahay.” Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa madaxda sare ee dalka ka codsaday inay soo fara-geliyaan arrintaan, oo uu ku tilmaamay ku tagrifal awoodeed. Guddigaan Xajka ee uu magaacabay Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa waxaa xubnaha guddiga xoghaye looga dhigay Ibraahin Rooboow Cali oo ay walaalo yihiin Wasiir Mukhtaar Rooboow Cali. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa sanadihii dambe waxaa ragaadiyay khilaaf la xiriira arrimaha Xajka, iyada oo inta badan sanad walba marka uu soo dhawaado xilliga Xajka ay sidaan oo kale madaxda wasaaradda ay soo saaran amaro is diidan oo la xiriira arrintaan. Hoos ka arag warqadaha kasoo kala baxay wasiirka iyo ku-xigeenka wasaaradda The post Roobow iyo Saalax Shariif oo ay ka dhex tafatay kadib tallaabo uu qaaday Roobow appeared first on Caasimada Online.
  23. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta la shiray Guddoomiyeyaasha iyo Garsooreyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobolka Banaadir, waxaana ay ka wada-hadleen dar-dar-gelinta hawlaha shaqo gaar ahaan kiisaska horyaala Maxkamadaha si loo xaqiijiyo helitaanka caddaalad aan daahis lahayn. Shirkan oo ah mid joogto ah, ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta isla-xisaabtanka, dib-u-eegista waxyaabahii qabsoomay, caqabadaha jira iyo weli ba sidoo kale siddii loo fududeyn lahaa helitaanka adeega caddaaladeed ee dalka. Guddoomiyaha oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa Garsooreyaasha iyo guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Rafcaanka iyo Gobalka ku boggaadiyey sida hufan ee ay mar walba ugu adeegaan cid kasta oo caddaalad u soo doonata Maxkamadaha, waxaana uu kula dar-darmaamay in la sii hagaajiyo dedaalka iyo adeegidda bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay inay diyaar u tahay in dagaalka ka socda magalaada Laascaanood ee gobolka Sool lagu dhameeyo wada-hadal iyo nabad-gelyo. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Somaliland ay mowqifkeeda ku aadan dagaalka socda ay la wadaagtay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland (Civil Society Organisations). Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa waxa uu warbixin dheer ka siiyey Ururada Bulshada Rayidka ah nabad-gelyada iyo sida ay xukuumadda uga go’an tahay in dhibaatada magaalada Laascaanood ku dhamaato heshiin iyo hanaan nabdoon. Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa dhinoocada wasiirka la wadaagay aragtidooda ku saabsan in laga wada shaqeeyo nabad-gelyada iyo horuumarka dalka, iyaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin wada-shaqaynta joogtada ah ee labada dhinac, gaar ahaana wasaaradaha ay wada-shaqaynta leeyihiin ay ka mid tahay wasaaradda arimaha gudaha. War-saxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaan uu ku soo dhamaaday isfaham buuxa iyo in loo wada-shaqeeyo si ka dhow sidii hore, iyada oo masuuliyiinta ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah ay uga mahad-celiyeen Wasiir Maxamed Kaahin warbixinta buuxda ee uu siiyey iyo kulan ay wada qaateenba. Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha ayaa waxa kulankan ku wehlinayey Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Mustafe Cali Bile, Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda. Xukuumadda Somaliland ayaa hore ugu dhawaaqday xabad joojin aan dhaqan-gelin, ayada oo marar dhowr ahna sheegtay inay diyaar u tahay in miiska wada-hadalka lagula xaliyo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, haddana majirto wax ay ka tartay dagaalka oo weli sii socda. Waxaa marba marka ka dambeysa kasii daraysa xiisadda dagaal dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taasi oo u dhaxeyso ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamo dheeraad ah oo ka baxay magaalooyinka Gaakacyo iyo Garoowe ayaa xalay iyo saaka gaaray gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey halkaasi. Ciidamadan oo u abaabulan hab heeleed, islamarkaana kasoo jeeda gobollada SSC ayaa ku biiray dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo maalmo badan qaatay. Dhinaca kale Somaliland ayaa iyaduna ciidamo dheeraad ah kusoo daabushay duleedka magaalada, halkaasi oo ay ka wado dhaq-dhaqaaq ka dhan ah ciidanka deegaanka. Si kastaba, Dagaalka Laascaanood oo socda ku dhowaad bil xiriir ah ayaa sababay dhimashada dad ka badan 200 oo qof iyo dhaawac ka badan 600 oo qof, sida laga soo xigtay dadka deegaanka. The post Somaliland oo war cusub kasoo saartay dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  25. Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa sheegtay in la baajiyey macluushii laga cabsi qabay inay ka dhacdo Soomaaliya balse weli malaayiin qof ku sugan yihiin cunno yari. FAO ayaa sheegtay in maalgashi istiraatijiyad ku salaysan loo baahan yahay si loo wanaajiyo cuntada iyo biyaha ay helayaan malaayiin qof oo Soomaali ah. War-saxaafadeed shalay kasoo baxay magaalada Rome ayey hay’addu sheegtay in nolosha iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha ee malaayiin qof oo Soomaali ah ay halis ku sugan yihiin. Hay’adda FAO waxay ku baaqday in si degdeg ah loo kordhiyo gargaarka degdegga ah ee bani’aadaminnimo iyadoo dhinaca kalena la xoojinayo soo kabashada dadka. FAO waxay sheegtay in gargaarka bani’aadaminnimo uu ka hortagay macluul ka dhacda qaybo ka mid ah Soomaaliya ilaa haatan, balse malaayiin qof oo Soomaali ah ay weli haystaan dhibaatooyin ka imanaya cunno yari. PUNTLAND POST The post Hay’ada FAO oo sheegtay in laga baaqsaday macluul ka dhici lahayd Soomaaliya appeared first on Puntland Post.