-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG ah, ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalka u leeyahay dhameystirka dastuurka. Dastuurka KMG ah ee dalka oo muddo dheer qabyo ah, ayaa Xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah u leh dhameystirkiisu, si uu dalku u yeesho dastuur sax oo heshiis lagu wada yahay. Ra’iisul Wasaaaha ayaa tilmaamay in fadhiyada ugu horreeya ee Baarlamaanka qodobka ugu muhiimsan ee horyaalla uu yahay qabyo-tirka dastuurka. Ra’iisul Wasaaraha oo is dul-taagay qodobo muhiim ah oo ku jira dastuurka KMG, kuwaas oo u baahan wada-xaajood siyaasadeed, ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay in ay dardargeliyaan howlaha horyaalla. Mudane Xamse ayaa sheegay in 5 kulan oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran looga heshiiyey qaar kamid ah qodobadii ugu muhiimsan ee dastuurku uu tilmaamayey, sida asteynta awooddaha Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Dowladaha hoose, Federaaleynta Garsoorka, qaab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Federaaleynta Maaliyadda. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka ku ammaanay sida ay durba uga howlgalaan masuuliyaddii loo igmaday, isla markaana ay soo dhameystireen habraacyadii muhiimka u ahaa shaqada guddiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirrada Sool Kasoo Jeeda Oo Ka Muquurtay Kulamadii Baarlamaanku Ugu Yeedhay. Wasiirrada deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sool ee xukumada ka tirsan ee looga yeedho Beerlamaanka, si wax looga waydiiyo hawlaha shaqo ee qaranka ay u hayaan ayaa mudooyinkii danbe ka gaws adaygay in ay iska soo xaadiriyaan. Labada guddi joogto ee golayaasha guurtida iyo Wakiilada oo labadii maalmood ee u danbeeyay u yeedhay laba wasiir oo kasoo jeeda Sool ayaanay kasoo qayb galin Masuuliyiintaas, sida ay xiqiijiyeen mudanayaasha qaarkood. Masuuliyiinta kulamada Baarlamaanka ka maquurtay ee ay u danbeeyay ayaa kala ah Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Qambi iyo Wasiirka gaadiidka Cabdirisaaq Ibraahim, halka ila wareed kale uu noo xaqiijiyay in Wasiir Saleebaan Cali Koore uu dhawr jeer oo hore ka maquurtay yeedhmada Baarlamaanka. Ma jir war rasmiya oo kasoo baxay golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiiradan reer Sool, balse warar xogagaal ah ayaa sheegaya in sababta ay uga maquurteen yeedhmadan ay tahay, xaalada ka taagan Laascaanood oo saamayn ku yeelatay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u codsatay inay ku biirto AGOA, oo udub dhexaad u ah siyaasadda dhaqaalaha Mareykanka iyo la-macaamilka ganacsiga ee Afrika. Soomaaliya ayaa rabta inay ku biirto 36 dal ee Afrikaanka ah, iyaga oo ka faa’iideysanaya sharciga kobaha iyo fursadaha Afrika ee AGOA. Codsigan ayay dowladda Soomaaliya uga dhawaaqday intii lagu guda jiray xafladda codsiga AGOA ee Soomaaliya, taasi oo uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ee xilka kasii degaya, Larry André oo isagu muujiyay sida ay Mareykanka uga go’an tahay ballaarinta iyo casriyeynta iskaashiga Afrika iyo Soomaaliya. “Mareykanka waxa uu diirada saari doona la shaqeynta Soomaaliya iyo dadkeeda si loo helo xalal cusub oo lagu xaliyo caqabadaha cusub iyo kuwa mudada dheer soo jiray, loogana faa’iideysto cilmi-baarista iyo teknoloojiyadda cusub iyo in la maal-gashado illo xooggan oo mustaqbalka fog ah iyada oo wax laga qabanayo baahiyaha deg-dega ah.” Waxa uu intaas kusii daray “Siyaasadahani waxay abuuri doonaan jawi xasiloon oo la saadaalin karo ganacsiyada si ay ugu shaqeeyaan waxayna gacan ka geystaan hubinta in kheyraadka loo isticmaalo si hufan. Waxaas oo dhan iyadoo maskaxda lagu hayo, safaaraddu waxay sharaf u tahay inay bixiso xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo wakiilka ganacsiga ee Mareykanka.” La-taliyaha sare ee madaxweynaha Jamhuuriyadda ee arrimaha dhaqaalaha, Xasan Aadan Hoosow ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in AGOA uu sahlayo Afrika inay badeecadahooda u suuq geeyaan dalka Mareykanka, iyaga oo aan laga qaadeyn khidman/canshuur (duty-free). “Dadaalkii dheeraa ee ay dwladdu ku bixisay abuurka xiriir gaacsi ee aan dunida la yeelano kadib, waxaan si rasmi ah u billowdnay hanaanka ku biiritaanka heshiiska ganacsiga Afrika iyo Mareykanka ee loo yaqaano Africa Growth and Opportunity Act (AGOA),” ayuu yiri Xasan Aadan Hoosow. Waxa uu intaas sii raaciyay “Wada-hadalada u gogol xaaray horumarka arrintaan laga gaaray maanta waxay qyb ka ahaayeen mirihii laga soo hoyay shirkii US-Africa Summit ee Washington ka dhacay December, 2022.” AGOA ayaa tan iyo markii uu ansixiyay Congress-ka Mareykanka 2000 waxay udub dhexaad u ahayd siyaasadda dhaqaalaha Mareykanka iyo la macaamilka ganacsi ee Afrika, waxayna Soomaaliya u sahli doontaa inay wax soo saarkeeda u dhoofiso suuqyada Mareykanka. Si kastaba, Soomaaliya ayaa si ay u buuxiso shuruudaha adag ee uqalmitaanka AGOA waa inay horumar dheeraad ah ka samaysaa samaynta dhaqaale ku salaysan suuqa, ku dhaqanka sharciga, siyaasadda kala duwanaanshaha iyo xaqa nidaamka cadaaladeed. The post DF oo qaaday tallaabo muhiim u ah ku biirista AGOA ee Mareykanka iyo dalalka Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The Somali Ministry of Youth and Sports has resolved the leadership crisis in the Somali Football Federation (SFF), which has been facing uncertainty since the controversial leadership election held in late February. After months of factional infighting and uncertainty, Ali Shiino has been officially recognized as the chairman. A ceremony to unite the conflicting parties within the SFF and end the current dispute will be held soon. Mohamed Barre, the Minister of Sports for the Somali government, confirmed that 80% of the conflict that arose during the SFF leadership election had been resolved. Source: Hiiraan Online
-
Mahad Ambashe, a senior plastic water carrier (caagle sare) and the face of securitization policy of the secessionist administration introduced a quota to prevent Somaliland from diversifying its dependency on local militias. Laascaanood (PP Report) — The Somaliland administration used securitization (treating political problems as security issues) combined with political marketplace to control Laascaanood for fifteen years. The securitization budget was earmarked for buying temporary loyalty of local militias. Somaliland administration found hard to diversify its core militias — more than 85% of the securitization budget went to ragtag militias once led by Mahad Ambashe, a former shepherd. He resisted efforts by Hargeisa to employ militias from other neighborhoods in Laascaanood. Defying his wish meant a revolt similar to the one that forced Somaliland forces to flee Laascaanood in January 2023. The securitization dynamic vested in Ambashe powers to employ militias on a quota-basis. The rule of thumb Ambashe upheld was meant to prevent Somaliland from making a pact with other Laascaanood neighborhoods to reduce its total reliance on his militias then based in West Laascaanood. Financially, this strategy made sense for Ambashe whose loyalty to Somaliland was not matched by any other local militias. Ambashe’s militias known as Caaglayaal (plastic water carriers) were embedded with Somaliland forces before the secessionist administration captured Laascaanood in October 2007. Somaliland administration did not manage to replicate this symbiotic relationship in other Laascaanood neighborhoods: securitization empowers one group at the expense of other groups. The only path open to rival militias or politicians was to lobby Hargeisa to employ militias, a proposal whose success was drastically limited by the quota Ambashe introduced to retain his influence and prevent the emergence of rival caaglayaal. Ambashe annuled the 2017 the Khaatumo leader’s agreement with Somaliland administration and forced Saleebaan Haglatoosiye iyo Abdirizak Atash to form political associations in an attempt to contest for a political party status in Hargeysa. The two political aspirants resigned a few weeks ago. They called on Somaliland administration to withdraw its troops in Sool. Securitization was a prize for which all wannabe politicians and militia organizers were vying for, oblivious to the inability of Somaliland administration to dilute its reliance on a group of militias that hosted Hargeisa forces in Laascaanood and nearby villages. The International Community footed the securitization bill on the understanding that Somaliland controlled Laascaanood through local militias. None of 4000 local militias once in the Somaliland payroll had been able to follow the instructions from Hargeisa to patrol Laascaanood streets to reassert their loyalty to Somaliland administration forces who feared house-to-house combat if they attempted to return to Laascaanood two weeks after locals kicked them out. Reconfiguration of local militias undercut the influence of Ambashe, who told Somaliland administration Interior Minister that “local militias armed to teeth are controlling Laascaanood neighborhoods”. Ambashe was not ready to engage local rival militias in street fighting. Somaliland administration did not promise him medical attention for any of his militia members. Subsequently, his militias agreed to be disarmed and then reorganized into a resistance force against his secessionist allies. The Laascaanood conflict demonstrates the limits and futility of securitization policy modelled on the “war on terror”. Somaliland administration failed to sell the International Community the securitization narrative to label Laascaanood residents terrorists and to justify its secession war under the pretext that Al-shabaab “is in Laascaanood”. The terrorism labelling card, the bread and butter of the securitization policy, backfired on the secessionist administration of Somaliland. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland reign in Laascaanood undone by securitization policy appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta 12-aad ee ciidanka milatariga Somaliland Genaral Faysal Cabdi Bootaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay duleedka magaalada Laacsaanood ayaa si adag kaga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay halkaasi. Bootaan ayaa shaaca ka qaaday in dharbaaxo kulul lagu dhuftay ciidamada huwanta oo uu tilmaamay inay markii hore weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidanka Somaliland. “Tallaabada adag ayaa laga qaaday ciidanka huwanta ee weerarka soo qaaday ciidanka qarankana waxay heegan u yihiin inay difaacaan karaamadooda, sharafkooda iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yiri Generaal Faysal Cabdi Bootaan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in goobihii lagu dagaalamay, gaar ahaan xerada Goojacadde ay weli joogaan ciidanka milatariga Somaliland, nabad-gelyana ay tahay. “Maanta oo labada bisha afaraad ay tahay waxaan caddeynayaa inaan taliskii Goojacadde joogno in nabad-gelyo ay tahay inaanu nabad qabno,” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray reer Somaliland, isaga oo ugu hambaleeyay guul uu sheegay inay dagaalka kasoo hoyeen ciidamadooda. “Dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu bishaareyneynaa in ciidanka qaranku guuleystay oo la jabiyay ciidanka huwanta iyo Puntland,” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhankeeda SSC ay guullo waa weyn ka sheegatay dagaalkii ay shalay ciidanka Somaliland kula gashay duleedka magaalada Laascaanood. Si kastaba, dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimashada ku dhowaad 300 oo qof iyo dhaawaca in ka badan kun qof iyo sidoo kale waxaa ku barakacay boqolaal kun oo ku noolaa halkaas. The post Daawo: Somaliland oo sheegasho cusub kasoo saartay dagaaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa saaka kulan la qaatay guddida joogtada ah ee golaha wakiilada. Kulankan ayaa la filayaa in la iskaga xog-waraysto sidii dalka doorasho uga qabsoomi lahayd. Masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka ayaa waxa hoggaaminaya guddoomiyaha gudidda Doorashooyinka, Muuse Xasan Yuusuf, halka hoose ka daawo arrimaha ay ka wada hadleen Source
-
Wasaaradda gaashaandhigga Taiwan, ayaa sheegtay in diyaaradaha militariga Shiinaha, iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ay kusoo xad gudbeen hawada jasiiraddaasi. Sida laga soo xigtay Taiwan, sagaal diyaaradood oo dagaal oo Shiinees ah iyo diyaarad aan duuliye lahayn, ayaa ka gudbay khadka dhexe ee marin biyoodka – xadka aan rasmiga ahayn ee u dhexeeya dhul weynaha iyo jasiiradda. Shiinuhu ayaa waxa uu sheegay in dhulkan uu yahay dhulkiisa, oo aanay waxba ku xad-gudbin. Saraakiisha Shiinaha ayaa ku hanjabay aargoosi aan la cayimin, haddii madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, ay la kulanto afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Kevin McCarthy Isniinta. McCarthy ayaa hadda safar ku maraya xulafada Mareykanka, ee dalalka dhaca bartamaha qaaradda Ameerika. Shiinuhu ayaa wuxuu Taiwan u arkaa qayb ka mid ah dhulkiisa, kaasoo ku biirin kara dhul weynaha Shiinaha, xitaa haddii xoog loo baahdo. Source
-
Dhageysiga maxkamada, Donald Trump, ayaa la qorsheeyay galabnimada salaasada, sida ay sheegtay laanta Mareykanka ee BBC News CBS. Madaxweynihii hore, ayaa la filayaa inuu kaga soo duulo Florida diyaaradiisa gaarka ah, uuna ku wareejiyo wakiilo heer federaal ah oo halkaas joogga si ay u ilaaliyaan. Xeerbeegti heersare ah, ayaa Mr Trump ku soo oogay dacwad la xidhiidha inuu bixiyay $130,000 (£105,000), oo uu siiyay xiddigta jisha filimada galmada ee Stormy Daniels. Eedeymaha ayaan weli si rasmi ah loo shaacin, waxaana qareenka u doodaya Trump uu sheegay Jimcihii, in isagana aanu weli akhrin eedda. Sarkaal ka tirsan waaxda fulinta sharciga, ayaa u sheegay CBS in Trump la filayo inuu diyaaradiisa gaarka ah kaga duulo magaalada New York Isniinta, ka hor inta aanu isku dhiibin saraakiisha salaasada. Hannaankan maxkamadda, ayaa waxay u badan tahay inay ku lug yeeshaan daraasiin ama boqolaal ciidanka qarsoodiga ah, sidaasi waxaa sheegay sarkaal katirsan ciidanka, isagoo ka gaab sadey magaciisa. Trump ayaanan la ka tiinadeyn doonin. Sarkaalka ayaa wuxuu intaa ku daray, in katiinadaha loo isticmaalo kaliya tuhmanayaasha loo maleynayo inay khatar ku yihiin duulimaadyada ama ammaanka guud. Source
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay howlgal culus ka sameeyay agagaarka degmada Buuloburde oo ka tirsan gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday Shabaab. Guddoomiyaha degmada Buuloburte, Xasan Maxamed Cabdi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay ku beegsadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ku dhibaateynaayeen dadka shacabka ah. “Kooxaha Khawaarijta waxay isbaaro u dhigteen dadka usoo ganacsi tega degmada Buuloburde, iyaga oo waxa ay haystaan ka qaatan” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday inay soo bad-baadiyay dad shacab ah oo ‘u afduubnaa’ kooxda, sidoo kalena ay soo daayeen gaadiid ku xayirnaa halkaasi. “Waxaan maqalnay in kooxaha Khawaarijta ay dad shacab ah iyo gawaari ay ku haysteen halkaasi waana ku baxnay, runtii dadkiina waa kasoo bad-baadinay,” ayuu sii raaciyay. Xasan Maxamed ayaa intaasi ku daray “Dad tobaneeyo ka badan ayay ahaayeen waxay saarnaayeen mootadan saddex lugaaleyda la yiraahdo iyo gawaaridaan raashinka wada”. Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay si dirqi ah uga baxsadeen xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa goobta ay weerareen ciidamada dowladda ee lagu hayey dadkaasi. Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay howlgallo ay Al-Shabaab ku beegsadeen dadka shacabka ah ee la socda gaadiidka ku safra waddooyinka gobolkaasi. Si kastaba, gobolkan oo dhaca bartamaha dalka, isla-markaana hoostaga HirShabelle ayaa xudun u noqday kacdoonka shacab ee ka curtay dalka ee looga soo horjeedo Al-Shabaab. The post Ciidamada DF oo howlgal kusoo furtay shacab ‘u afduubnaa’ SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Ammaanka degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegay in howlgal lagu sameeyay degmada lagu qabtay laba koox burcad ah, kuwaas oo la sheegay in ay dhac ka geysanyeen gudaha degmadaasi. Eedaysanayaasha ayaa mid kamid ah wuxuu ku hubaysnaa bastoolad Caag ah oo uu dadka ku dhacayay, halka kan kalana uu ahaa darawalka Mooto Bajaajka wax lagu dhacayay, sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka fulisay. Taliska Qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in eedeysanayaasha lasoo qabtay sida ugu dhqaha badan lagu horgeynayo caddaaladda lana marsiinayo waxa sharcigu dhigay, booliiska ayaa hore u qabtay koox lamid ah. Kooxaha burcadka ah ayaa inta badan bulshada ku nool caasimadda waxaa ay ka muujiyaa cabashooyin ku aadan, waxaana maamulka iyo laamaha amniga gobolka ay hore u sheegeen in ay wadayaan howlgallda amni xaqiijinta. Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe ka waday caasimadda howlagallo lagu baacsanayo kooxaha ciyaal weerada iyo goobaha lagu iibiyo waxyaabaha Maanka dooriya iyo warshada lagu sameeyo intaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia is making great strides in transforming its economy with the help of improved internet access. The nation is a leader in the region for internet connectivity, with internet penetration rates now at 54 percent, according to the International Telecommunications Union. With this increased access, Somali citizens are able to take advantage of a range of economic opportunities. Source: Hiiraan Online
-
Wararka aan ka helayno gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya Dagaalamayaasha Al-shabaab ay gubeen guryo ay lahaayeen dad shacab ah sida ay sheegayaan wararka. Dhacdadaan ayaa waxaa ay ay dhacday deegaan lagu magacaabo Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay in ay gubaan guryaha dadka shacabka ah. Maamulka Magaalada Baxdo ee Gobolka Galgaduud iyo Saraakiisha Booliska ayaa gaaray deegaanka si ay usoo arkaan dhibkadhibaatada loo geystay dadka shacabka iyaga oo kormeer sameeyay. Qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa qeyb kamid ah waxaa lagu yiri” iyadoo ujeedka kooxdu yahay inay iska horkeento bulshada deegaankaas”. Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhowr jeer sidaan oo kale u gubaya guryo iyo ceelal ay lahaayeen dad shacab ah gobollada Hiiraan Galgaduud iyo Mudug, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Seduced by DNA "evidence", but with precious little to corroborate it, a jury was quick to convict Farah Jama of rape. Julie Szego reports on a miscarriage of justice. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somali National Army (SNA) reportedly killed at least 14 al-Shabab militants during an attack in the Bay region of the Southwest State of Somalia on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Xiisadda Laascaanood ayaa ku sii fidaysa degaannada laamiga saaran oo marin u ah gurmadka iyo saadka Ciidamada Somaliland ee fadhiya Gooja-cadde. Iska hor-imaad hubaysan oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa xalay ka dhacay degaanka Adhicaddeeye oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Laascaanood. Iska hor imaadka ayaa dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo shacabka Adhicaddeeye oo xirtay jidka laamiga ah islamarkaana diiddan in la dhexmariyo dhaawaca iyo meydadka Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland iska hor-imaadkaas ku dileen laba haween ah oo mid kood markii danbe dhiig-bax u geeriyootay kadib markii ay diideen in isbitaal loo qaado. PUNTLAND POST The post Xiisadda magaalada Laascaanood oo ku sii fidaysa degaanno horleh appeared first on Puntland Post.
