Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay khilaaf ka taagan xiriirka kubadda cagta. Labada garab ee isku haya xiriirka kubadda cagta ayaa magaalada Muqdisho ku qabsaday laba doorasho oo iska soo horjeeda, ayada oo laba garab mid walba iskii u doortay guddoon. Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Barre ayaa sheegay in xal laga gaaray khilaafkii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, kaasi oo ka dhashay doorashadii hoggaanka xiriirka. “80% is-afgarad ayaa laga gaaray khilaafkii ka dhashay doorashadii hoggaanka doorashada xiriirka kubbada cagta Soomaaliay,” ayuu yiri Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre. Waxa uu sheegay in Cali Shiino uu yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee ay aqoonsan yihiin, isaga oo wasiirku xusay in dhawaan la qaban doono xaflad la isugu keenayo dhinacyada isku haya xiriirka, “si guud ahaan loo dhameeyo khilaafkii muddada ka jiray xiriirka.” Sidoo kale waxa uu sheegay inay diyaarinayaan siyaasadda qaran ee Isboortiga dalka, taasi oo uu sheegay inay hagayso isboortiga dalka, si looga baaqsado khilaafyada inta badan ka dhasha arrimaha la xiriira. Cali Shiino ayaa kamid ahaa guddoonka bishii Febraayo ay labada garab ku doorteen magaalada Muqdisho iyo Aadan Xaaji Yabarow Wiish, oo labaduba isku haystay hoggaanka doorashada xiriirka. Khilaafka ka taagna xiriirka iyo doorashooyinkii iska soo horjeeday ee dhacay ayaa mugdi galisay mustaqalka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, inkasta oo haatan ay muuqato in wasaaraddu ay isku soo dhaweysay dhinacyadii is-hayay, si hoggaan mid ah u yeesho xiriirka. The post DF oo war cusub kasoo saartay khilaafkii ka taagnaa… appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabay Ergeyga arrimaha wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hoygiisa ugu tegay guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullahi oo Somaliland ka soo jeeda. Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in kulankaas uu qeyb ka yahay wadatashiyo taxane ah oo uu la yeelan doono masuuliinta dowladda iyo qeybaha bulshada. Guuleed ayaa bilaabaya fikrado uruurin ku aadan ka gungaaridda geedi socodka wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland ee loo igmaday, waxaana laga doonayaa inuu xal dhab ah ka keeno arrimaha is diidan ee labada dhinac. Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ah ruugcadaa aad looga jecelyahay koonfurta Soomaaliya, kana soo jeeda Somaliland ayaa ergeyga cusub la wadaagay sooyaalkii taariikheed ee labada gobol ee waqooyi iyo koonfur – Jamhuuriyadda Soomaaliya. Arrimaha kulankaan lagu gorfeeyey waxaa ka mid aha aka sheekeynta taariikhda midnimadii la yagleelay sanadkii 60-kii iyo talooyin ku aadan waxa maanta la gudboon ee laga doonayo xafiiska Ergeyga gaarka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay u igmatay arrimaha Somaliland. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahad celiyay gudoomiyaha Aqalka Sare xogtii iyo talooyinkii uu siiyo, kuwaas oo Guuleed uu ku tilmaamay “dhaxalgal.” Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa garwadeen ka noqonaya midnimo ama kalago’ wixii ay isku afgartaan Soomaaliya iyo Somaliland oo hadda habayaraateen wax un wadahadal ah aysan u socon. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa habeen ka hor ku dhawaaqay in ergaygaan, Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu Soomaaliya ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha waxa uu soo bilaabay wadahadallada labada dhinac, in kastoo markii dambe ay fashilmeen, kadib markii dowladdii uu hoggaaminayey Farmaajo ay ku guul-dareysatay inay sii wado wadahadallada Somaliland. The post Sawirro: Guddoomiye Cabdi Xaashi oo arrimaha Somaliland kala hadlay Ergeyga cusub appeared first on Caasimada Online.
  3. Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay ku casuunto madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee Riyadh martigelineyso bisha May. Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Amiir Faysal Bin Farhan ayaa u safri doona magaalada Dimishiq toddobaadyada soo socda si uu Assad ugu wareejiyo martiqaad rasmi ah oo uu kaga qayb galayo shir madaxeedka la qorsheeyay 19-ka May. Ka qayb galka Assad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa noqonaysa horumarkii ugu muhiimsanaa ee uu ku sameeyay dib ugu soo noqoshada dalalka Carabta tan iyo 2011, markii Suuriya laga joojiyay ururka. PUNTLAND POST The post Sacduudiga oo Bashar al-Assad ku casumaya shir madaxeedka Carabta appeared first on Puntland Post.
  4. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin u diray dadka reer Hiiraan, gaar ahaan bulshada ku nool magaalada Beledweyne, isagoo uga digaya laba khatarood. Khatarta koowaad ee Cali Jeyte uu ka digay waa fatahaad laga cabsi qabo in wabiga Shabeelle uu ka geysto magaalada Beledweyne iyo qeybo kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Guddoomiye Jeyte wuxuu sheegay in digniino culus oo khatarta fatahaadda ku saabsan ay ka soo gaarayaan dhanka dalka Itoobiya oo wabiga Shabeelle uu ka soo burqado. “Reer Hiiraan iyo guud ahaan reer Hirshabeelle waxaan u sheegayaa in dhulka uu maro wabiga Shabeelle ay naga soo gaarayaan farriimo digniin ah, dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida ayey naga soo gaarayaan digniinahaas,” ayuu yiri Cali Jeyte. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa carrabka ku adkeeyey in uusan ku talineyn in hadda laga sii qaxo Beledweyne iyo goobaha kale ee fatahaada uu ka geysan jiray wabiga Shabeelle, balse uu dadkiisa ugu baaqayo inay feejignaadaan. Farriinta labaad ama khatarta labaad ee Cali Jeyte uu ka digay waa dhagarta Al-Shabaab, isagoo dadka reer Hiiraan ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dhagarta uga imaan karta kooxdaas ay dagaalka adag la galeen. “Waxaan ku war gelinayaa dadka reer Hiiraan inay u diyaar garoobaan cadowga dhagarqabaha ah ee dagaalka ba’an ay la galeen, hadda waxaan ku jirnaa qorshihii ugu dambeeyey ee lagu ciribtiri lahaa, waxaana ku amaanayaa ciidamada geesiyaasha ah ee u diyaar garoobay soo afjaridda cadowgaas,” ayuu yiri Cali Jeyte. Digniintaan ka soo yeertay guddoomiye Cali Jeyte ayaa ku soo aadeysa iyadoo dalka uu ka curtay roobka Guga, isla markaana digniino badan laga soo saarayo fatahaado ay geystaan wabiyada mara Soomaaliya. Dhawaan wabiga Jubba ayaa fatahaad ka geystay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo in ka badan 10 qof ay fatahaaduhu ku dileen, sidoo kale xoolo iyo guryo ayuu baabi’iyey wabiga Jubba oo fatahaad ka geystay gobolka Gedo. Hoos ka daawo Cali Jeyte The post Daawo: Cali Jeyte oo laba khatarood oo waaweyn uga digay dadka reer Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Senator hore Kornayl Axmed Xaashi Maxamuud, Xildhibaan hore Rashiid Aadan Cabdullahi Gabiyoow Iyo Janaraal Cabdi Mahdi Cabdisalaam. Madaxweynaha oo uu wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa masuuliyiintan ka dhagaystay figradahooda iyo aragtiyada wax ku oolka ah ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan dagaalka ka dhanka Khawaariijta iyo xaalada guud ee dalka. Waxaa Madaxweynahu uu masuuliyiintan la wadaagay qorshayaasha Dowlada Jubaland ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo howlgalada natiijooyinka Wanaagsan laga gaaray ee ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo Ciidamada xooga dalka. Inta uu kulanku socday waxaa kale oo Masuuliyiintu ay isla soo qaadeen sidii loo adkayn lahaa Midnimada Bulshada iyadoo wax walba oo kala aragti duwanaansho ah loo marayo xalinteeda wada hadal iyo is qancin taas oo ah wadada kaliyah ee lagaga *****n karo himilooyinka shacabka Jubaland. The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo qaabilay Siyaasiyiin Reer Jubaland ah appeared first on Puntland Post.
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga hortimid magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay sameeyay ee Cabdikariin Xuseen Guuleed ugu magacaabay ergayga arrimaha Somaliland. Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay magacaabidda ergayga arrimaha Somaliland, iyada oo ku doodey in xilligeeda la joogin magacaabistabuu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday madaxweynaha lagu dulminayo xuquuqda gobollada SSC, oo xilligaan ay is-hayaan xukuumadda Somaliland. “Maanta waxaa u baahan in xuquuqdooda la ilaaliyo dadkii ku noolaa magaalada Laascaanood ee guryahoodii laga barakaciyay oo in ka badan 80,000 ay Itoobiya u barakaceen oo ay geedaha hoostooda ku jiraan,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dowlad-goboleedka Puntland Maxamuud Dirir. Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya xilligaan oo dagaal ka socdo xarunta gobolka Sool ee Laascaanood looga fadhiyay magacaabidda ergayga arrimaha bini’aadinnimo ee dadka ku barakacay colaadda ka taagan gobolkaasi. “In aad u magacowdid (madaxweyne) ergay gaar ah oo beesha caalamka kala shaqeeya isku dubaridka gargaarka looo fidinayo dadkaas, si ay guryahoodii ugu noqdaan ayay aheyd maanta oo lagaga fadhiya,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland. “Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Villa Somalia. Si kastaba, Puntland ayaa hore qiil uga dhigatay Somaliland, oo ay sheegtay in aan dastuurka la dhameystiri karin illaa laga keenayo Somaliland, kadib markii ay ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan oo kale. The post Puntland oo ka hortimid magacaabista Guuleed, kuna tilmaamtay ‘mid dulmi ah’ appeared first on Caasimada Online.
  7. Horn of Africa countries comprises Eritrea, Ethiopia, Djibouti, and Somalia, with an estimated population of 140,683,144 (2020 est.) and an area of 1,882,757 km2. Source: Hiiraan Online
  8. Horn of Africa countries comprises Eritrea, Ethiopia, Djibouti, and Somalia, with an estimated population of 140,683,144 (2020 est.) and an area of 1,882,757 km2. Source: Hiiraan Online
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa soo dhaweeyay magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ugu magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay magacaabista Guuleed ee arrimaha Somaliland, xilli uu muddo hakad ku jiray wada-hadalada labada dhinac. Guddoomiye Waraabe ayaa waxa uu sheegay in Ergayga uu madaxweyne Xasan Sheekh usoo magacaabay Somaliland uu wax badan ka soo shaqeeyay gudaha Somaliland, gaar ahaan arrimaha bini’aadannimada. “Cabdikariim Xuseen Guuleed waa nin aad saaxiib u nahay oo iskugu nimid wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Waa nin qiimo leh oo Somaliland hore u yimid,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale waxa xusay in Cabdikariin Guuleed uu kaalin ku lahaa wada-hadalladii dhex-maray Soomaaliya iyo Somaliland oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Jannaayo 19, 2014-kii. “Wax badan oo heshiis ku aheyn wada-hadalladii ay nala galeen dowladdii Xasan Sheekh oo markii uu yimid Farmaajo la baabi’iyay ayaa dooneyna in aan ka wada-hadalno. Waa in wixii aan ku heshiinay iyo waxa wada qabsan karnaba marka hore ka wada-hadalno.” Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas. The post Mucaaradka Somaliland oo soo dhaweeyay magacaabistii uu sameeyay Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  10. Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi. Ergayga ayaa guddoomiyaha waydiiyay fekerkiisa ku saabsan dib u bilaabashada wadadahalada Soomaaliya iyo Somaliland iyo waxyaabaha uu ku talinayo si loo gaadho wadahadal midho dhal ah. Dhanka kalena Puntland ayaa cambaareysay, ergayga Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay wada hadalada Somaliland & Dawladda faderaalka, waxayna kusifeysay in Xasan Sheekh aan waxba siyaasad ah u kordhin, oo uusan garowsaneyn Midnimada dalka. Somaliland ayaa iyana taagan in cid kasta oo la soo magacaabo iyo wada hadal kasta oo dhex mara Somaliland iyo Somaliya aanu waxba ka bedeli doonin goodnight isu taaga Somaliland sidoo kale dawlada Somaliland ayaa maamulka Puntland u aragta mid ka mid ah dawlada Somaliya isla markaasna ayna ayna ka hadli karin arimaha Somaliland lana qadariyo xuduudkii u dhexeeyay labadii dal ee midoobay 1960kii isla markaasina kala dhaqaajiyay 1991kii Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaith. Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Danjire Alromaith ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sidii loo sameyn lahaa guddi Saaxiibtinimo ah oo ka kooban labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Sheekh Aadan Madoobe. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda Al-Shabaab iyo hormarinta ku socota ciidamada Soomaaliya oo hadda tababarro ku qaadaya dalal kala duwan. Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Uganda tababar ugu soo xiray ciidan cusub oo ku biiraya militeriga Soomaaliya ayaa aad ugu mahad celiyey Imaaraadka Carabta, isagoo shaaciyey in tasiilaadka ciidanka lagu tababaray Uganda ay Imaaraadku bixiyeen. Maalin ka hor Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sidaan oo kale xafiiskiisa ugu qaabilay safiirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Ahmed Jumah Alromaith. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka ayaa kulankaas uga wadahadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Dowladda Imaaraadka oo dhawaan dib u soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya ayaa hadda wada galaangal xoog leh, iyadoo danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya uu mid mid ula kulmayo masuuliyiinta Soomaalida. Dhawaan waxaa hadal-heyn badan abuuray gaadiid dagaal oo kor u dhaafaya 100 Cabdibile oo dowladda Imaaraadka ay ka dejisay magaalada Kismaayo, kuwaas oo la sheegay inay bilow u yihiin qorshe uu Imaaraadku saldhigga militeriga uga furanayo Soomaaliya, gaar ahaan qeybo ka mid ah Jubbaland. Hoos ka eeg sawirrada kulanka Aadan Madoobe iyo Safiirka The post Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ku heshiiyey sameynta guddi nooc cusub ah appeared first on Caasimada Online.
  12. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Danjire Alromaith ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sidii loo sameyn lahaa guddi Saaxiibtinimo ah oo ka kooban labada Baarlamaan iyo wadashaqeyn ay u yeelan lahaayeen labada Baarlamaan, Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay doorka Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda Al-shabaab iyo horumarinta ciidamada Soomaaliya, iyadoo dhowaan dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ay wadagaleen heshiis dhanka ciidanka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Laascaanood (Caasimada Online) – Milateriga Somaliland ayaa markale sheegay inuu qaadayo tallaabooyin milater oo horleh, kadib dagaalkii shalay magaalada Laascaanood ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Somaliland oo hore u iclaamisay inay qaadeyso dagaal qorsheysan ayaa waxay markaan sheegtay inay dharbaaxo kulul ku dhufan doonto ciidanka huwanta ee isgarbasanaya, sida uu warbaahinta afka xukuumadda ku hadasha u sheegay Jeneraal Faysal Cabdi Bootaan. Taliyaha qaybta 12-aad ee ciidanka milatariga Somaliland ayaa waxa uu yiri “Ciidanka qaranku howl-galadiisii dagaal wuu sii laban laabayaa, talaabo lama ilaawaan ah ayay ka qaadi doonaan huwanta.” “Niman soo duulay iyo argagixiso kusoo dhex dhuuntay iyo maamulka Puntland oo hadeer cadeystayba ayaa howsha dagaalka keenay,” ayuu yiri Jeneraal Bootaan oo sheegay in Somaliland aysan dhibaato ku aheyn dadka reer Laascaanood. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in goobihii lagu dagaalamay shalay, gaar ahaan xerada Gooja-cadde ay weli joogaan ciidanka milatariga Somaliland, nabad-gelyana ay tahay, ayna ka guuleysteen huwantii dagaalka kula jirtay, sida uu sheegay. Dagaalka Laascaanood ayaa sii xoogeysanaya xilli uu Mareykanka soo saaray digniintii ugu cusleyd ee dagaalkan u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalka Laascaanood uu cawaaqib uga iman karo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland, ayada oo ugu baaqday Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo magaalada. “Dowladda Mareykanka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha weli ka socda Laascaanood, waxayna saaxiibadeeda caalamka iyo deriska kula biireysaa baaqa ku aadan in xiisadda la qaboojiyo, loo hoggaansamo xabad-joojinta la isku raacay, la ogolaado gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana dib loo billaabo wada-hadallo wax ku ool ah oo ku wajahan xal nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda. Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rabshadaha sii socda ay kordhin doonaan suurta-galnimada ah in kooxaha xagjirka ah ay abuuraan xasillooni darro ballaaran, oo uga sii dari doonta dhibaatada bani’aadannimo ee hadda jirta. “Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland inay ciidamadeeda amniga dib ula soo baxdo si ay u caddeyso inay ka go’an yihiin mabaadi’dan. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa maleeshiyada Laascaanoood inay ka feejignaadaan ficil kasta oo weerar ah oo ka dhan ah ciidamada Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka. Si kastaba, Xukuumadda Somaliland ayaa ku doodeysa in labadii bilood ee dagaalka socdo ay ciidamadeedu ku jireen weeraro joogto ah, oo aan loo meel dayin, ayna ku koobneed is-difaac, balse hadda kadib aysan sii ahaan karin oo ay qaadeyso weeraro qorsheysan. The post Militariga Somaliland oo ku dhowaaqay dagaal cusub appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka kumeel-gaarka ah ee dalka, isaga oo shaaciyey in heshiis laga gaaray qodobada dastuurka qaarkood. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalka u leeyahay dhameystirka dastuurka, oo soo jiitamayay muddo dheer. Dastuurka KMG ah ee dalka oo muddo dheer qabyo ah, ayaa Xukuumadda Dan-Qaran mudnaan gaar ah u leh dhameystirkiisu, si uu dalku u yeesho dastuur sax oo heshiis lagu wada yahay. Ra’iisul Wasaaaha ayaa sheegay in fadhiyada ugu horreeya ee Baarlamaanka qodobka ugu muhiimsan ee horyaalla uu yahay qabyo-tirka dastuurka. Sidoo kale waxa uu is dul-taagay qodobo muhiim ah oo ku jira dastuurka KMG, kuwaasi oo uu sheegay inay u baahan yihiin wada-xaajood siyaasadeed, isaga oo xubnaha guddiga kula dardaarmay in ay dardar’geliyaan howlaha horyaalla. Mudane Xamza ayaa sheegay in shan kulan oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran looga heshiiyey qaar kamid ah qodobadii ugu muhiimsan ee dastuurku uu tilmaamayey, sida asteynta awooddaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo dowladaha hoose, federaaleynta garsoorka, qaab-dhismeedka amniga qaranka iyo federaaleynta maaliyadda. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntiina waxa uu xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista dastuurka ku ammaanay sida ay durba uga howl-galeen masuuliyaddii loo igmaday, islamarkaana ay soo dhameystireen habraacyadii muhiimka u ahaa shaqada guddiga. The post Qaar ka mid ah qodobada ugu muhiimsan dastuurka oo heshiis laga gaaray + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  15. Mogadishu (HOL) - The Puntland government has criticized President Hassan Sheikh Mohamud's Saturday decision to appoint an envoy to Somaliland. Source: Hiiraan Online
  16. Amin Grocery, a Somali-owned grocery store in downtown Willmar, specializes in international foods and dry goods, and will be selling halal meat produced locally. Source: Hiiraan Online
  17. Sanogo said he initially debated not fasting during the NCAA tournament. However, he looked into Hakeem Olajuwon's fasting in the 1990s while still maintaining his excellent level of play. "That's one of the reasons I'm doing it," he said. "If he did it, why can't I do it? I was thinking about not doing it -- should I do it during the tournament or wait until after the tournament -- he's one of the reasons I did it." Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr bilood kahor sheegtay inuu dhamaaday wejigii koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, loona diyaar-garoobayo wejiga labaad. Tani waxay dhashay in aanay dowladda dagaallo qorsheysan qaadin, taas caksigeedana kooxda Al-Shabaab ayaa si weyn uga faa’iideysatay. Hakadka ku yimid howl-galadii dardarta ku socday ee dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed waxay Al-Shabaab ka faa’iiday saddex arrimood, oo kala ah; 1. Lacag aruursi: Sida aan kasoo xiganay qaar kamid ganacsatada Muqdisho tan iyo markii uu hakadka ku yimid weeraradii joogtada ahaa ee dowladda ku haysay Al-Shabaab waxaa bilowday in kooxda ay dib usoo cusbooneysiiso lacagihii baadda ahaa ee ay ka qaadi jirtay ganacsatada Muqdisho. Mid kamid ah jihooyinkii laga naafeeyay kooxda Al-Shabaab ayuu dhaqaaluhu ahaa, laakiin fursadan waxay kooxdu uga faa’iideysatay dhaqaale aruursi xoog leh. Xogaha dheeriga ah ee mawduucan la xiriira ayaa waxay sheegayaan inay kooxdu u hanjabtay ganacsato ka cago jiiday bixinta lacagaha, taas oo keentay inay ganacastada qaar ka cararaan magaalada Muqdisho. 2. Aargoosi: Al-Shabaab waxay dileen dhowr qof oo kasoo jeeda beelaha uu dagaalku kala dhaxeeyo muddooyinkii lasoo dhaafay. Fursada ay ka heleen dagaaladii cuslaa oo ka istaagay ayaa loo arka inay keentay in dadku isdhigtaan, iyaguna aargoosi sameeyaan. 3. Weeraro joogto ah: Kooxda Al-Shabaab waxay maalmo kahor weerar ku qaaday fadhiisimo ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne iyo deegaanka Baarsaguuni ee gobolada Hiiraan iyo Jubbada Hoose Tan iyo markii dagaalada cuslaa laga joojiyay kooxda waxay Al-Shabaab weerar ku qaaday Galcad, Janaay-Cabdalle, Ruun-Nirgood iyo goobo kale, halkaas oo khasaarooyin badan ka dhasheen. Inay kooxdu awoodo in weerar abaabulan ku qaado fadhiisimaha ciidanka dowladda Soomaaliya waxaa loo sababeeynayaa firaaqa ka dhashay ku mashquulka dowladda ee isku diyaarinta wejiga labaad ee dagaalka. Intaan ka badan ma la sugi karaa Al-Shabaab?. Dadka arrimaha amniga ku takhasusay waxay sheegayaan in hab qaldan dowladda u wajahday kala wareega labada weji dagaal, taas oo dhashay firaaq faa’iido siiyay kooxda Al-Shabaab. Intaan ka badan in aan la sugi karin oo ay tahay in dowladdu si uun u billowdo wejiga labaad ee dagaalka ayaa kamid ah tallooyinka lasoo jeediyay. Wararku waxay sheegayaan in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku jirto maalmihii udambeeyay ee diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka, balse waxaa tallooyinka la bixiyay kamid ah in qeyb kamid ah shaqada dagaalka lasii wado, si loo dhimo fursadaha kooxda iyo dhibaatooyinka ay u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka dowladda. The post Firaaqa ku yimid dagaalka Al-Shabaab oo ay ka dhalatay saddex dhibaato oo weyn appeared first on Caasimada Online.
  19. LASANOD, Somalia (Caasimada Online ) – Somaliland Army’s 12th Brigade Commander, Faisal Abdi Botan, announced the army’s intent to launch an offensive against the SSC-Khatumo forces in LasAnod after heavy fighting erupted again on the town’s outskirts last Saturday. Speaking to Somaliland-owned media from the Goja-Adde command near Las Anod, Botan emphasized that the national army would take “an unforgettable” step against the enemy while intensifying its operations. The commander accused the Puntland administration of playing a role in the conflict and claimed that the opposing forces suffered heavy losses during Saturday’s skirmishes. In contrast, SSC elders’ committee spokesman, Abdirizak Mohamed Hassan, asserted that they had killed 100 Somaliland soldiers and wounded another 100, adding that they had defeated the Somaliland army in the war. Despite mediation efforts by various parties, attempts to reach a ceasefire have been unsuccessful. While both sides have announced ceasefires at different times, the fighting has continued unabated. US calls for de-escalation The United States State Department recently expressed growing concern over the ongoing violence in LasAnod, a disputed town in northern Somalia. In a statement released last Friday, the State Department urged “adherence to the agreed ceasefire, unhindered humanitarian access, and resumption of constructive dialogue towards peaceful resolution.” The statement also warned that “continued violence will increase the potential for extremist groups to sow broader instability and further exacerbate the ongoing humanitarian crisis.” As a show of commitment to peace, the US called on Somaliland to withdraw its security forces and requested militias in Las Anod to cease any offensive actions against Somaliland forces. Devastating impact on civilians The conflict between security forces and clan fighters in Las Anod has resulted in more than 200 deaths within a month. The fighting, which began on February 6, has caused significant damage to infrastructure and homes. The mayor of Las Anod, Abdirahim Ali Ismail, reported that “210 civilians were killed and 680 others were wounded” in the clashes. The conflict was triggered by the assassination of Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), the local chairman of Wadani, Somaliland’s opposition party, and the subsequent murder of local entrepreneur Mohamed Ali Saadle. The conflict trigger On February 5, local leaders, clan elders, and notable figures convened in Las Anod to discuss resolving the conflict. They issued a 13-point declaration reinstating the rule of the SSC-Khatumo regions, denouncing Somaliland as a separatist state, and reaffirming their commitment to being part of federal Somalia. They also urged Somaliland authorities to withdraw their soldiers from the area. This declaration led to violent clashes, with both sides accusing the other of aggression. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized internationally. The unresolved status has further complicated the situation in the region as various parties continue to vie for power and influence. LasAnod, which straddles a key trade route, is claimed by both Somaliland and neighboring Puntland, a semi-autonomous state of northeastern Somalia. The ongoing conflict over this strategic location has intensified tensions between the two sides, further complicating prospects for a peaceful resolution. The post Somaliland issues threat: Tensions soar in LasAnod appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland. “Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Villa Somalila. Madaxweynaha ayaa Cabdikariin Guuleed faray inuu qaato doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland. Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas. Haddaba, Aan dul-istaago Cabdikariin Guuleed iyo waxa uu ka aaminsan yahay Somaliland-ta looga dhigay ergayga. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu aaminsan yahay in Somaliland looga garaabo tacadigii iyo dhibaatadii ay u geysatay dowladdii kacaanka, oo iyadu ku dhibaateysay awooddii qaranka, sida uu ka sheegay fagaarayaal dhowr ah. “Qadiyada Somaliland waa qadiyad la xalin karo, dhinaca kalana qadiyad sida loo maleynayo aan u sahlaneyn oo u bahaan wada-hadal iyo xog-ogaalnimo xoog badan lagu xaliyo ayay i dhaxal-siisay, sidaas daraadeed waxaa isleeyahay qadiyadaas qofkii xalin lahaa in aan aaminsanahay ayaa ahay ee xog-ogaalnimo, dareen, aqoon iyo dad aqoon ku xalin lahaa in aan ahay ayaa aaminsahay,” ayuu Guuleed ku yiri wareysi uu bixiyay kal hore. “Dadka reer Somaliland waa dad lagu tacadiyay oo tacadigaas iyo dhibka gaaray ay tahay in looga garaabo. Cadow banaanka kasoo weeraray sidaas kama dhicin ee waa ciidankii qaranka, diyaaradihii qaranka, qofka daruuftaas iyo dadka meeshaas degan aan gaarin ma fahmi karo, aniga maalinta ay sidaas u burbursaneyd waa tagay oo waa joogay.” Guuleed ayaa qaba in aan marnaba Somaliland lagu go’doomin midnimo diidmada, ee laga shaqeeyo horumarkeeda, si lamid ah dalka inta kale ee dowladda federaalka ay masuuliyad uga saaran tahay, “Nabada, xasiloonida iyo horumarinta Somaliland waxaa naga saaran masuuliyad sida dalka kale inta kale masuuliyad nooga saaran tahay.” Ergayga cusub ee arrimaha Somaliland oo isagu ah nin xogagaal u ah wada-hadal dowladda federaalka iyo Somaliland iyo marxaladihii ay soo mareen ayaa waxa uu dowladdii hore ku dhaliili jiray hanaanka ay u wajahday qadiyada Somaliland, oo uu sheegay inaysan wax isbedel ah ka sameyn meeshii ay soo gaarsiiyeen. “Wada-hadaladii aan daadihinayay in guulo waaweyn laga garay oo guusha waxaa u horeysa kalsooni abuur, taasina waa abuurnay,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed oo maanta markale looga fadhiyo sii amba-qaadka geedi socodka wada-hadalada muddada dheer hakadka ku jiray, maadama loo magacaabay ergayga arrimaha Somaliland. Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya. The post Muxuu Cabdikariin Guuleed ka aaminsan yahay Somaliland-ta looga dhigay ergayga? appeared first on Caasimada Online.
  21. Xukuumadda Puntland ayaa mar kale ku celisay in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn colaadda ka taagan magaalada Laascaanood. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Ciidamada Puntland ay qayb ka yihiin dagaalkaas. “Waxaan ku celinaynaa in dowladda Puntland aysan wax lug ah ku lahayn dagaalkaas ay shacabku isaga difaacayaan xasuuqa maamulka Somaliland ka wadaan Laascaanood”ayuu yiri Maxamuud Caydiid. Wasiirka Warfaafinta Puntland ayas sidoo kale jabhad argagixiso ah ku tilmaamay Somaliland waxaana uu ka hortimid ergay gaar ah oo xalay madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay arrimaha Somaliland. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku celisay in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  22. Hargeisa (HOL) - DP World, the Dubai-based global port operator, is set to develop a new edible oil terminal at the Port of Berbera in Somaliland. The facility is expected to reduce supply chain costs and create local jobs. DP World has already agreed to a long-term lease for the terminal. Source: Hiiraan Online