-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Musharrax Madaxwayne Dr. Cabdiraxman Cirro ayaa Maanta cusbitaalka ku booqday Hani Warsame Zulub, oo kamida masuuliyiinta xisbiga wadani. Qaran News
-
Booliiska Puntland ayaa hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Garoowe waxay ku soo qabteen maandooriyaha Xashiishka iyo dadkii ka ganacsanayay. Ciidanka saldhiga bari ee degmada Garoowe ayaa hawlgalkaas oo ay ka sameeyeen xaafadda Waaberi ku soo qabtay11 kiilo oo xashiish ah iyo saddex qof oo ka ganacsanayay. “Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Saldhiga Bari ee Degmada Garoowe ayaa hawl-gal ay ka sameeyn Xaafadda Waaberi ku soo qabtay 11 kilo Xashiish ah iyo 3 qof ka ganacsanayay maandooriyaha” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Booliska. Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay xoojiyeen hawl-galada looga hor-tagayo falalka amni xumo ee ka dhaca caasimadda Garoowe oo inta badan ay sababaan dadka isticmaala maandooriyaha ama ka ganacsadda. PUNTLAND POST The post Booliiska Garoowe oo gacanta ku dhigay maandooriyaha Xashiishka iyo dadkii ka ganacsanayay appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hortimid khidmad ay dowladda Federaalka kusoo rogtay shirkadaha isgaarsiinta ee dalka ka howlgala, xilli xiisadda labada dhinac ay sii korortay. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland ayaa sidoo kale lagu caddeeyey mowqifka Puntland ee la xiriira xeerarka isgaarsiinta iyo khidmada dheeraadka ee dowladda federaalka Soomaaliya. Qaraalka ayaa lagu sheegay in Puntland aysan quseyn xeerka la xiriira Isgaarsiinta iyo khidmadaha hirarka ee ay Dowladda Soomaaliya si iskeed ah go’aan uga gaartay. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu yiri “inta laga gaarayo heshiis la xiriira dhaqaalaha, Puntland waxa ay ku dhaqmeysaa dastuurka Puntland iyo xeerka isgaarsiinta iyo canshuuraha Puntland”. Go’aanka maamulka Puntland ayaa yimid, iyadoo dowladda Federaalka ay hirgelineyso qorshaha khidmadda cusub, waxayna arrintan qeyb ka tahay khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka oo meeshii ugu xumeyd gaaray Janaayo 2023. Puntland ayaa dhowaan sheegtay inay si madax-banaan u dhaqmeyso inta laga dhameystirayo dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayada oo eedeymo dhowr ah u jeedisay dowladda federaalka. Si kastaba, go’aankan ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay caro uu madaxweyne Saciid Deni ka qaaday in shaqsiyan iyo Puntland ay waayeen xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. The post PUNTLAND oo ka hortimid khidmad ay soo rogtay DF appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - As Muslims worldwide observe the holy month of Ramadan, Somalis are expressing hope for peace and security. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee dowladda federaalka Itoobiya ay usoo magacowday Somaliland Amb. Delil Kedir Bushra ayaa shalay la kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed. Kulankan ayaa waxaa wasiir Kaahin ku wehlinayay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha. Kulanka Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Itoobiya ayaa waxa uu udaarna isbarasho iyo soo dhaweyn wasiirku u sameeyay Amb. Delil Kedir, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Labada masuul ayaa sidoo kale waxay kulankooda uga wada-hadleen xaaladda nabad-gelyo ee Somaliland, xilli ay Laascaanood ka taagan tahay xiisad colaadeed, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. “Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Safiirka warbixin ka siiyey Nabad-gelyada buuxda ee ka jirta Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, horuumarka ka socda dalka iyo Iskaashiga ay Somaliland la leedahay wadamada jaarkeeda ah, oo ay ugu horeyso Iskaashiga nabad-gelyada,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulankaan. Safiirka cusub ee dowladda federaalka Itoobiya ayaa ugu dambeyntiina uga mahadnaqay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha soo dhowaynta uu u sameeyey. Kulanka Safiirka Itoobiya iyo madaxda Somaliland ayaa imanaya xilli ay fashilmeen dhex-dhexaadin garwadeen ay ka aheyd Itoobiya, oo la rabay in xal looga gaaro colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC. Dadaallada Itoobiya ayaa waxay horumar ka sameyn waayeen labada dhinac ee isku haya magaalada Laascaanood, waxaana halkaasi ku guul-dareystay isku-deygii Itoobiya ee xal loogu raadinayay colaadda ka taagan xarunta gobolka Sool. Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, “dadaallada Itoobiya ayaa u guul-dareystay kadib markii labada dhinac ay shuruudo dhowr ah hordhigeen wafdigii ka socday Itoobiya,” kuwaasi oo xilligaan ay adag tahay in labada dhinac ay aqbalaan. Shuruudaha ay labada dhinac hordhigeen xubnihii ka socday Itoobiya ayaa xilligaas god kusii riday in waqti dhow xal laga gaaro dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa socda muddo ku siman laba bil, ayada oo khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac. The post Sawirro: Safiirka Ethiopia oo la kulmay madaxda sare ee Somaliland kadib fashilkii… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid ah siyaasiyiinta ugu macnaha badan Soomaalida ayaa loo magacaabay ergayga dowladda federaalka u qaabilsan arrimaha Somaliland. Guuleed oo ah siyaasi dhaqan ah, dhinaca kalena loo yaqaano farsamo yaqaan ku fiican wada-hadalada ayaa markale hormuud looga dhigay wada-hadalada midnimo doonka ah. Muddo laba sano ku dhaw isaga oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayuu Cabdikariin Xuseen Guuleed daadihinayay wada-hadalada Somaliland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xilligaasi wixii ka dambeeyay wax horumar ah lagama sameyn wada-hadalada Somaliland, inuu madaxweyne Xasan Sheekh dib ugu xusho howshaan isla Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dadka qaar ku fasireen qirashada in Guuleed uu guul wax ku ool kasoo hooyay wejigii hore ee wada-hadaladii uu hormuudka u ahaa. Xulashada in Guuleed ku haboon yahay booskan ayaa la aaminsan yahay inay kasoo bilaabatay madal dhaqan oo Jabuuti ka dhacday, taas oo isku arkeen Xasan Sheekh, Muuse Biixi, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed. Dadka arrimahaan faaqidaya waxay leeyihiin guuleed xasaasiyad badan kama qabto Somaliland, waana sababta caawisay doorkii hore, haddana abuureysa rejada labaad. Midnimada waa mawduuc weyn, Somaliland waxay tirsaneysa nabaradii 1988 laakiin Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu ku jiraa siyaasiyiinta fara ku-tiriska ah ee aaminsan in la xalin karo tabashooyinka Somaliland. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu aaminsan yahay in Somaliland looga garaabo tacadigii iyo dhibaatadii ay u geysatay dowladdii kacaanka, oo iyadu ku dhibaateysay awooddii qaranka, sida uu ka sheegay fagaarayaal dhowr ah. Sidoo kale waxa uu qaba in aan marnaba Somaliland lagu go’doomin midnimo diidmada, ee laga shaqeeyo horumarkeeda, si lamid ah dalka inta kale ee dowladda federaalka ay masuuliyad uga saaran tahay, “Nabada, xasiloonida iyo horumarinta Somaliland waxaa naga saaran masuuliyad sida dalka kale inta kale masuuliyad nooga saaran tahay.” Ergayga cusub ee arrimaha Somaliland oo isagu ah nin xogagaal u ah wada-hadal dowladda federaalka iyo Somaliland iyo marxaladihii ay soo mareen ayaa waxa uu dowladdii hore ku dhaliili jiray hanaanka ay u wajahday qadiyada Somaliland, oo uu sheegay inaysan wax isbedel ah ka sameyn meeshii ay soo gaarsiiyeen. “Wada-hadaladii aan daadihinayay in guulo waaweyn laga garay oo guusha waxaa u horeysa kalsooni abuur, taasina waa abuurnay,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed oo maanta markale looga fadhiyo sii amba-qaadka geedi socodka wada-hadalada muddada dheer hakadka ku jiray, maadama loo magacaabay ergayga arrimaha Somaliland. Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya. The post Maxay ka dhigan tahay in GUULEED loo magacaabo ergayga SOMALILAND? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa faray qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee hay’adaha dowladda oo la maqan gaadiid ay leeyihiin hey’adahaasi inay dib u soo celiyaan gaadiidkaas muddo labo todobaad gudahood ah. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Hantidhowrka ayaa lagu sheegay inay jiraan masuuliyiin dowladda horay xilal uga soo qabtay oo gaadiid ay dowladdu leedahay uu ku maqan yahay, kuwaas oo “il gooni ah lagu hayo.” War-gelinta loo diray masuuliyiinta la maqan gaadiidka ayaa ka kooban seddax qodob oo kala ah: 1 – Sida ugu dhaqsiyaha badan muddo laba todobaad gudahood ah dib ugu soo celiya gaadiidkaas hey’adaha iska leh ee dowladda federaalka. 2 – Inay ka sameeyaan wixii cilad ah ama garaafo ah oo gaadiidkaas gaartay intii ay heysteen. 3 – Inay saxiixaan ducomentiyada wareejinta hantida markii ay dib ugu celiyaan hey’adaha dowladda ee gaadiidkaas iska leh. Sidoo kale war-gelin kale oo ka kooban shan qodob ayuu Hantidhowrku siiyey hey’adaha dowladda, waxaana qodobka koowaad lagu faray in afar cisho gudahood ay ku soo gudbiyaan liiska gaadiidka ku maqan masuuliyiintii hore. Sidoo kale hey’adaha dowladda ayaa qoraalkaan lagu faray in wax gaadiid ah aysan soo iibsan ilaa inta xafiiska Hantidhowrka uu arrinta gaadiidka maqan ka xalinayo. Hoos ka eeg warqadda Hantidhowrka The post Hanti-dhowraha Qaranka oo amar ka soo saaray gaadiid ka maqan hay’adaha DF appeared first on Caasimada Online.
-
DHAMBAAL TACSI AH: 03/04/2023. INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, bahda qoraalka, aqoonyahanka iyo Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay, AHN Wasiirkii hore ee Warfaafinta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), oo maanta galabtii ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay aqoonyahan kayd badan uga tagay jiilalka danbe, isla markaana kaalin mug leh kasoo qaatay horumarinta tacliinta iyo dib-u-dhiska dalka JSL. Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, bahda qoraalka, aqoonyahanka iyo shacbiga Somalilana ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN Qaran News
-
Ceeldheer (Caasimada Online) – Laba sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, labada nin mid ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda, halka kale la qabtay isagoo dhagar maleegaya. Xussen Daahir Maalin (Dhagey) oo ahaa sarkaal sare oo Al-Shabaab uga biiray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, isla markaana hoggaaminayay dhowr weerar kooxdu ay ku qaaday qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Ceeldheer. Sidoo kale Ciidanka Gorgor ayaa soo qabtay sarkala kale oo lagu magacaabo Calas Ibraahim Axmed Barre oo kooxda uga biiray degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, ninkaan ayey saraakiishu sheegeen in markii la qabtay uu qorsheynayay inuu dhibaateeyo dad aan waxaba ka galabsan. Raggaan ayaa warbaahinta loo soo bandhigay sawirradooda iyagoo katiinadeysan, waxaana lagu hayaa degmada Ceeldheer, saraakiishu waxay noo sheegeen in loo gudbinayo Muqdisho, si loo maxkamadeeyo ama loo dhaqan celiyo. Iyadoo uu socdo abaabulka wajiga labaad ee dagaalka ay dowladdu ku qaadeyso Al-Shabaab ayaa waxaa sii badana xubnaha ka soo goosanaya Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda. Maanta ayaa sidaan oo kale koonfurta gobolka Mudug looghu soo bandhigay laba nin oo kasoo goosatay Al-Shabaab, halka maalin ka horna isla furimaha koonfurta Mudug lagu soo bandhigay laba kale. Dhinaca kale ciidanka xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey dhulka howdka ah ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, ciidanka ayaa la wareegay goobo ay Al-Shabaab godad ka qoteen. Goobahaas waxaa laga soo sheegay khasaare howlgalkaas lagu gaarsiiyey kooxda, sida ay tebisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Taliyaha ururka 4-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab L/Xidigle Cabdulaahi Mustaf oo howlgalkaas hoggaaminayey. The post Sawirro: Saraakiil ka tirsan AL-SHABAAB oo lagu soo bandhigay CEELDHEER appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Cellulant’s Payment Processing Platform to Power Online and Offline Payments for Businesses in Africa The payments market in Africa is experiencing rapid growth, mainly due to advancements in peer-to-peer (P2P) and consumer-to-business (C2B) payment solutions Access Multimedia Content SAN FRANCISCO, United States of America, Cellulant (https://www.Cellulant.io), a leading payments technology company, aims to change how businesses in Africa make and receive payments by introducing online and offline payment solutions. The payments market in Africa is experiencing rapid growth, mainly due to advancements in peer-to-peer (P2P) and consumer-to-business (C2B) payment solutions. However, the fragmentation of payment processing continues to pose a significant challenge for businesses seeking to establish a presence in Africa. Solving intractable problems is not new to Cellulant; founded at the height of Africa’s mobile technology boom in 2003, Cellulant is building Africa’s most comprehensive payments infrastructure. The company offers a single API payment platform that enables businesses to collect payments online and offline while allowing anyone to pay from their mobile money, local and international cards, or bank. Providing alternative payment methods for African consumers is particularly important on a continent that holds 70% of the world’s $1 trillion mobile money market. Card penetration sits at a 3% penetration rate – meaning global companies looking to expand into Africa need a payments partner that can offer alternative payment methods for the local market. At the recently held 25th Annual Harvard Africa Business Conference in Boston, Cellulant’s Group CEO Akshay Grover stated, “Solving the payments challenges in Africa is not just about payments but accelerating global economic growth. Africa’s dynamic economies and lack of an established payment infrastructure have resulted in a unique occurrence on the continent. On the one hand, this has prompted the growth of payment platforms and solutions to meet the various needs of businesses and consumers, turning Africa into a centre of innovation in the payments sector. On the other hand, with multiple providers, a wide range of payment methods exists due to the absence of a consistent infrastructure enabling businesses to collect payments seamlessly or easily operate across borders. Therefore, a payments infrastructure in Africa must holistically address the needs of businesses and their consumers by making it easy to collect payments online and offline -regardless of the size of the business.” Cellulant has built, Tingg, a payments platform that provides multinational and international businesses with a one-stop-shop solution for their payment needs across the continent. The payments gateway connects to over 370 payment methods from mobile money operators and banks across the continent to global and regional card switches such as Visa, Mastercard, NIBSS and Verve. The payments platform has full-stack offline and online payment capabilities. It caters to businesses in various sectors, such as Airlines, Telecoms, E-commerce, Ride-Hailing, Retail and Remittances, enabling these businesses to deliver a frictionless payment experience to their customers. Today, Cellulant powers payments for renowned global companies such as Emirates, Bolt, KLM, Ethiopian Airlines, Glovo, Kenya Airways, and Jumia; and processes billions of dollars yearly. Cellulant is ISO 27001 (ISMS), ISO 27701 (PIMS), ISO 22301 (BCMS), ISO 20000-1 (Service Management) and PCI-DSS compliant for all its payouts and collections products. SOURCE Cellulant Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Amniga oo looga hadlay dar-dargelinta sugida Amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta , shuruucda horutebinta u leh amniga iyo qaadista cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya. Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah iyo qorshaha qaran ee ka hortaga fikirka xagjirka ah oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, si loo helo bulsho amni iyo nabad ku wada nool. Shirka ayaa lagu ansixiyay magaca iyo waajibaadka Xarunta Qaran ee la dagaallanka Fikirka Xagjirka ah ee WAANO, taas oo hoos tageysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS. Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siineyso xasillinta iyo xoreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska Khawaarijtu ay ku hayaan, dalkuna u gaaro horumar iyo caddaalad, iyada oo la diyaarinayo shuruucdii hageysay amniga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Cuba ayaa markii ugu horeysay safiir u soo dirsatay Soomaaliya, tan iyo markii ay labada dal xiriirka isku jareen sanadkii 1977-kii, xiligaas oo Soomaaliya ay dagaal culus la gashay Itoobiya. Dowladda Cuba ayaa oo xiriir shan sano jirsaday xiligaas la laheyd Soomaaliya ayaa toos ula safatay dowladda Itoobiya, waxayna safka hore uga jirtay dowladihii Soomaaliya ku jebiyey dagaalkii 1977-kii. Xiligaas dowlado ay ugu horeeyeen Ruushka iyo Cuba ayey xiriirka u jirtay Soomaaliya, maadaama ay toos u soo galeen dagaalka, iyagoo garab-siinayey ciidamadii Itoobiya ugu dambeyntiina ku guuleystay inay Soomaaliya ku jebiyaan dagaalkaas. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa nuqul ka mid ah warqahada aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjire cusub oo dowladda Cuba ay u soo dirsatay Soomaaliya. “Kadib markii la aasaasay xiriir diblomaasiyadeed intii u dhaxeysay 1972-1977, waxaan soo dhaweyneynaa dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Cuba oo lagu maamulayo iskaashi iyo is ixtiraam,” ayuu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka. Qoraalka Wasiir Abshir ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa sharaf ii ah inaan ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Cuba u soo magacawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Juan Manuel Rodríguez.” Saaxiibadii caalamka ee Soomaaliya ayaa tartiib-tartiib u soo noqonaya, waxayna Cuba ku jirtay dowladihii ay dagaalka ku kala tageen Soomaaliya tobanaan sano ka hor. Ruushka oo isku xilli ay xiriirka u jartay Soomaaliya isaga iyo Cuba, weli dib uma furan dafaaradiisii Muqdisho, balse burburkii kadib wax un cilaaqaad ah waa dhex mareen qaar kamid ah madaxdii soo hoggaamisay dalka. The post Sawirro: Soomaaliya oo dib u billowday xiriirka dalka horseeday guuldarradii dagaalkii 77 appeared first on Caasimada Online.
-
In ka badan 10 wariye oo Soomaali ah ayaa ka gudbay xadka u dhaxeeya dalalka Mexico iyo Maraykanka, kuwaasi oo galay dalka Maraykanka. Suxufiyiintan ayaa ka tagey deegaannada Soomaalida gaar ahaan Dalka Soomaaliya, Deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia iyo Somaliland. Suxufiyiintan ayaa sheegay in ay ka carareen shaqo la’aan iyo xarumihii warbaahinta ee ay ka shaqeyn jireen oo qaarkood la xidhay, halka kuwa kalana ay sheeganayaan in ay lasoo deristay cabsi la xidhiidha shaqadooda. 3-dii bilood ee ugu dambeeyey Soomaali tiro badan ayaa ka gudubtay xadka u dhaxeeya dalalka Mexico iyo USA, iyagoo socdaal dheer usii mara sidii ay u gaadhi lahaayeen dalka Maraykanka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin looga bixiyey qarax galabta ka dhacay degmada Hodan, kaas oo sababay dhaawacyada seddax qof. Qaraxa ayaa waxa qabsaday mid kamid ah gaadiid Kolonyo ah oo ciidamada ATMIS ay leeyihiin, kuwaasi oo ka yimid dhanka Tarabuunka, kuna sii jeeday Isgoyska Zoobe. “KM4 agagaarka xarunta CID-da, waxaa ka dhacay qarax ka dhashay gaari noociisu yahay JAMES oo xamuulka qaada, kaas oo ka mid ahaa kolonyo Ciidanka ATMIS qeybtooda Burundi,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya. Qaraxaas waa la garan waayey waxa uu ka dhashay, waxaana loo badinayaa in gaariga ATMIS uu ka dhashay, sida ay Caasimada Online la wadaageen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah. Taliska booliska oo weli ku jaha wareersan nooca qaraxaas ayaa qoraalkaan ku yiri, “Qaraxa ayaa ka dhashay dab gaariga qabsaday. Isla markaana, dhaawacyo u badan gubasho gaarsiiyay ilaa 3 qof oo shacab ah oo goobta ka ag dhawaa.” Booliska ayaa intaas ku sii daray inay socdaan baaritaano lagu ogaano waxa sababay qaraxaas, 3-da qof oo ku dhaawacmay qaraxaas waxay ahaayeen gabdho laamiga geeskiisa Qaad ku iibinayey. “Waxaa dadkii gurmad u fididiyay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, hadda waxaa socota baaris la xariira sababta, wixii ku soo kordhana dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Booliska Soomaaliya. Guddoomiyaha degmada Hodan oo goobta soo gaaray daqiiqado kadib markii uu qaraxu dhacay wuxuuna la hadlay warbaahinta isagoo sheegay in khasaaraha nafeed ee qaraxaas ka dhashay uu ku egyahay dhaawaca 3-da hablood. Sidoo kale guddoomiyaha degmada Hodan wuxuu sheegay in gaarigii uu qaraxaasi qabsaday ee ciidanka ATMIS aysan waxweyn gaarin oo lugihiisa uu ku socon karo. Waxaa dib loo furay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee waddooyinka soo gala Isgoyska KM-4, oo markii hore ay xirteen ciidanka ATMIS kadib markii uu dhacay qaraxa. Magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka nabdooneed qaraxyadii ay geysa jirtay kooxda Al-Shabaab, waxaana taas u sabab ah dagaalka gobollada dalka uga socda kooxda. The post Sawirro: Booliska oo war ka soo saaray khasaaraha qaraxii ka dhacay KM4 – Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa faray qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee hay’adaha Dowladda oo la maqan gaadiid ay leeyihiin hay’adahaas inay dib u soo celiyaan gaadiidkaas muddo labo isbuuc gudahood ah, gaadiidkaan ayaa kala ah nuucyo kale duwan oo hore dowladdu u siisay mas’uuliyiin hore xilal usoo qabtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka Amniga oo looga hadlay dar-dargelinta sugida Amniga guud ee dalka iyo ciribtirka Khawaarijta. Shirkan Amniga ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay shuruucda hor-tebinta u leh amniga iyo qaadista cuna-qabteynta hubka ee Soomaaliya saaran, taasi oo muddooyinkii dambe laga sameeyay horumar wanaagsan. Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howl-gallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howl-gallada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab. Intii uu socday shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa-guray qorshaha qaran ee ka hortaga fikirka xagjirka ah oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, si loo helo bulsho amni iyo nabad ku wada nool. Shirka ayaa waxaa lagu ansixiyay magaca iyo waajibaadka Xarunta Qaran ee la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee WAANO, taasi oo hoos-tageysa xafiiska ra’iisul wasaaraha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Xamza. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siineyso xasillinta iyo xoreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska Khawaarijtu ay ku hayaan, dalkuna u gaaro horumar iyo caddaalad, diyaarinta sharciyada hor qabadka ku leh amniga qaranka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dagaal saddex jiho leh ku qaaday kooxda Al-Shabaab, kaasi oo laga gaaray guulo wax ku ool ah, kooxdana looga xoreeyay deegaano ay gacanta ku hayeen in ka badan 10 sano. Xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa dhawaan sheegtay in si guud loo cuuryaamiyay hanaankii maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab, oo uu hoos u dhacay dhaqaalihii ay heli jirtay kooxda, islamarkaana kala bar la dhimay dhaqaalihii soo geli jiray. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada oo ay ugu horeyso Al-Shabaab, kaasi oo ay ka qayb-qaadanayaan dowlado waaweyn oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga. The post Sawirro: Shirka amniga qaranka oo arrimo muhiim ah lagu ansixiyay appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) – At least three women were injured in an explosion that occurred in one of the ATMIS convoy vehicles at the KM4 junction in Mogadishu on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxakmadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku riday Maxamed Farxaan Bashiir Khamiis oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ahaa wade Mooto Bajaaj oo xubnaha kooxda ugu kala gudbin jiray hubka noocyadiisa kala duwan. Maxamed Farxaan ayaa kooxda Al-Shabaab waxa uu kaga biiray Xamar bishii lixaad ee sanadkii hore, waxaana ku tashkiiliyay ku biirista kooxda saaxiibkiisa, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida. Ninkan ayaa waxa uu tababar saddex maalin socday ku soo qaatay degmada Kuntuwaareey, waxaana la soo baray isticmaalka Hubka sida AK47, RBG, Bastoolad iyo Bambo F1. Maxamed Farxaan ayaa horjoogihiisii amar ku siiyay in uu ku soo laabto Xamar, kadibna waxaa lagu xiray haweeney lagu magacaabo Faa’isa Cali Maxamed waxa ayna u iibisay Mooto Bajaaj celis ah oo laga siiyay lacag dhan 2550$, sida ay warbaahinta dowladda kasoo xigatay maxkamadda ciidamada qalabka sida. Ninkan hubka Mooto Bajaaj ugu kala gudbin jiray xubnaha kooxda ayaa la sheegay in uu mudo 5 bilood ah mushaar ahaan u qaadan jiray 80$ bishii. “Maxamed ayaa xaafadda Macaani ee duleedka Muqdisho ka soo qaaday qori Ak47 ah iyo rasaastiisa oo ay u soo dhiibtay haweeneey, waxa uuna ku wareejiyay marwo kale oo joogatay Suuqa Xoolaha. Markale ayuu 2 qori Ak47 ah iyo RBG kaso qaaday darbiga COCA-COLA ee Dagmada Yaqshiid , waxa uuna geeyay Meel u dhaw saldhiga Dagmada Kaaraan, waxa halkaas ugu yimid Laba nin ka dibna waxa ay bilaabeen in ay la dagaan hubkii saarnaa mootada si ay u rakibtaan.” “Inta ay shaqadaas wadeen ayaa waxaa ka fakaday hal baalooto oo Saban ah waxaa halkaas ku geeriyooday mid ka mid ah maleeshiyada halka midkii kalana uu ka baxsaday gacanta ciidamada,” ayuu yiri xafiiska xeer ilaalinta ciidamada. Maxamed Farxaan Bashiir ayaa waxa uu laamaha amaanka usoo gacan galay daba-yaqaada sanadkii hore ee 2022-ka, muddo uu baxsad ka ahaa cadaalada, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida, “ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Farxaan oo isna baxsad ahaa Sideed iyo tobankii bishii December 2022.” Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Maxamed Farxaan, waxaana laga ogolaaday 19-kii March ee sanadkaan. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbeyn maanta go’aan ka soo saaray kiiska Maxamed Farxaan Bashiir Khamiis, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida. The post Shabaab hubka ku kala gudbin jiray bajaaj oo maanta la xakumay appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Abdikarim Hussein Guled ‘s appointment received a mixed reaction from those it concerned. President Muse Bihi and his team in Hargeisa have called to congratulate him on the new role. SCC-Khatumo went a further step and issued a statement in which it both welcomed him and distanced itself from his mandate. Having noted this, a couple of things need to be said about his appointment. First, Guled belongs to the Sacad clan of the Habar-gidir, who are counted as allies by the Isaaq elites in Somaliland. This puts him in a tight position. On the one hand, the ululation for his appointment in Hargeisa reflects that he is expected to be a friend rather than a neutral facilitator. On the other hand, the Daarood elites, key stakeholders in the talks, may watch him carefully and expect him to bring Somaliland back to the union with no major compromises. More importantly, Guled led the stalled talks between Somaliland and Somalia’s federal government. None of the points agreed upon in that meeting were implemented, including the contentious issue of aviation. The expectation, therefore, is that Guled should pick up where the process was left off. Already, one of the opposition parties in Somaliland, UCID, made a remark to this effect. However, neither Mohamoud nor the federal member states would accept such a concession. Second, President Hassan Sheikh Mohamud’s appointment is more tactical than substantive. It is part of his strategy of eliminating his possible contenders for the 2026 elections, one by one in the political process. Look no further than Abdirahman Abdishakur, whose appointment as the envoy for the drought dried up his political party. Almost everyone left him because he was in a position without a portfolio, where he could not benefit his followers in any way remotely comparable to his boss and friends. As for the present appointment, in addition to its likely effect on the upcoming reshuffle, it may embroil Guled in the same dilemma as AA. It may also further put him in a difficult position where his master erects more complications than necessary to make sure that he fails in this role. This sinister intention is particularly likely to be made easier by the fact that the issue is more complex than the eye captures, as Guled himself acknowledged. For this reason, the messenger is more important than the message. Having highlighted the problems apparent in the appointment, the following could be a better alternative to approach the issue: Set up a ministry dedicated to the unification, staffed by lawyers and experts in international relations, to explore options and possibilities in which Somaliland could be engaged. Leadership of the ministry should be drawn from Somalis other than the Daarood and Dir elites. Mogadishu Clan, too should be included in the precluded list since the administration in Hargeisa drums up the Irir rhetoric at a time when the Mogadishu Clan is at the helm of the power in Somalia. Abdifatah Ismael Tahir is former member of Somali Parliament and Research Associate at The University of Manchester. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post Decoding Guled’s appointment: Strategy or compromise? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino hordhac ah ayaa laga helaya qarax goordhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska KM-4 oo ay ku yaallaan goobo ganacsi oo waaweyn iyo xarumo dowladeed. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana la sheegaya in uu qabsaday mid kamid ah gaadiid Kolonyo ah oo ciidamada ATMIS ay leeyihiin. Kolonyada ciidamada ATMIS ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka Tarabuunka, islamarkaana ay kusii socdeen dhinaca Isgoyska Zoobe. Qaraxan ayaa dhaliyay khasaare kala duwan, waxaana cirka isku shareeray qiiq iyo uuro uu dhaliyay. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada ATMIS ay rasaas badan fureen kadib markii uu dhacay qaraxa, illaa haddana si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa iyo rasaasta ay fureen ciidamada. Waxaa gebi ahaanba hadda xiran waddooyinka soo gala Isgoyska KM-4, waxaana hakad ku jira isku socodka dadka iyo gaadiidka Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online The post Faah-faahin hordhac ah oo laga helayo qarax ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
