Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Finland ayaa maanta si rasmiya ugu biirtay gaashaanbuurta NATO ka dib markii laga aqbalay dalabkii ay soo gudbisay sannadkii hore. Dowladdan ayaa dareentay cabsi xooggan oo kaga timi dalka jaarka yihiin ee Ruushka oo xilligaas duullaan ku qaaday waddanka Ukraine. Finland ayaa maanta noqonaysa dalkii 31aad ee ka mid noqda Gaashaanbuurta NATO. Dalka Turkiga oo muddo badan diiddanaa in Finland iyo Sweden lagu soo daro ururkan ayaa ugu dambayn oodda ka qaaday xubinnimada Helsinki oo iyadu ka soo baxday shuruudihii uu Turkiga doonayey. Balse Ankara ayaa ilaa hadda ka soo hor jeedda in Sweden loo ogolaado ka mid noqoshada NATO ka dib markii ay Stockholm lagu eedeeyey in ay weli taageero siiso kooxaha Kurdiyiinta u badan ee Turkiga dagaalka kula jira. PUNTLAND POST The post Dowladda Finland oo si rasmi ah ugu biirtay Gaashaanbuurta NATO appeared first on Puntland Post.
  2. Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in maanta maalintii saddexaad oo xidhiidh ah ay xaaladda magaaladu tahay mid deggan. Dadka aan badneyn ee ku hadhay qaybaha kala duwan ee magaalada ayaa lasoo sheegayaa in ay muujinayaan cabsi ah in dagaalku xilli walba qarxi karto. Shalay ayey ahayd markii deegaanka Adhicaddeeye ee gobolka Sool la sheegay in dadka deegaanka qaarkood ay halkaasi isaga carareen, kaddib xiisad ka dhalaty gaadhi ay leeyihiin ciidamada qaranka Somaliland oo la rasaaseeyay. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inay wali dhawrayaan xabad joojintii ay hore ugu dhawaaqeen ayna diyaar u yihiin in nabad lagu dhammeeyo xiisadda colaadeed ee Laascaanood. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka ka dhasha qaraxyada miinooyinka ah ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, kuwaas oo aad u kordhay sanadihii lasoo dhaafay. QM oo warbixinteeda ku soo beegtay iyada oo maanta la maamuusayo maalinta loogu talagalay in la sameeyo wacyigelinta miinooyinka iyo in la dhiirrageliyo soo saaristeeda ayaa shaacisay tirada dadka ku dhintay ama kuwa ku dhaawac miinooyinka ee 2022-ki Warbixintaan ayaa waxaa lagu xusay in Soomaaliya sanadkii tagay 2022-kii ay wayxeello gaarsiisay ,iino in ka badan 1,200 oo qof oo dhimasho & dhaawac soo gaaray, ayada oo warbixinta lagu sheegay in loona baahan yahay in la sameeyo wacyigelin guud, si loo soo afjaro halista taagan ee Miinooyinka iyo haraadiga walxaha qarxa. Qoraalkan oo ay soo saartay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho ayaa lagu sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo dardargelin lahaa wacyigelinta bulshada iyp dhiirragelinta kooxaha miinooyinka soosaara. “Marka laga eego tirada dadka ku wax-yeelooba ama baaxadda culayska dhaqaale, khasaaraha ay dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed kala kulmaan khatarta ka dhalan karta walxaha qarxa waxay ku kacaysaa qiimo aad u sarreeya oo aan la xamili karin. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa si joogto ah uga go’an la-shaqaynta maamullada Soomaaliyeed iyo saaxiibada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo badbaadiyo dadka rayidka ah loona kobciyo nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya” ayay tiri Anita Kiki. Sidoo kale waxa ay boggaadisay doorka kooxaha gurmadka ee ka shaqeeya miino soo saarista, si loo badbaadiyo nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, Waa ay sii hadashay waxa ay hadalkeeda sii raacisay: “Maalintan Caalamiga ah awgeed, waxaan si gaar ah u qiraynaa geesinimada iyo heellanaanta hawl-wadeenada ka shaqeeya miino-saarista iyo sida ay uga go’an tahay abuurista jawi amaan ah oo bed-qaba oo ay helaan dhammaan dadka Soomaaliyeed” ayay mar kale qoraalka ku tiri Anita Kiki Gbeho. Waxaa kale oo ay sii raacisay “Sannadkii 2022, in ka badan 1,200 rayid Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay ama ku dhaawacnmay walxaha qarxa, oo ay ku jiraan haraadiga walxaha qarha ee ay reebeen daagaalada, miinooyinka iyo walxaha qarxa ee macmalka ah” ayaa la raaciyay bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobay. Soomaaliya ayaa waxaa ku badan moonooyina iyo haraadiga walxaha qarxa, kuwaas oo dhibaato ku haya shacabka degan goobaha looga tegay haraadigaas ee yaalla dalka. The post Warbixin shaacisay tirada dadkii qaraxyada Soomaaliya ku dhintay sannadkii 2022 appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa lagu wadaa in maanta oo salaasa ah uu hortago maxkamad ku taallada magaalada New York, halkaas oo ay uga billaabi doonto dhageysiga dacwado uu waajahayo. Wuxuu noqon doonaa madaxweynihi ugu horreyay Mareykanka ee lasoo hortaago maxkamad, iyada oo loo heysto danbi. Source
  5. Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Finland ay ku biiri doonto isbaheysiga militari maanta Salaasada ah, wax ka yar hal sano, ka dib markii uu dalkani gudbiyay codsigiisa ku biiritaanka NATO, tallaabadan oo jawaab u ahayd duulaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine. Stoltenberg ayaa u sheegay warfidiyeenka, ka hor kulanka wasiirada arimaha dibada ee NATO, in Finland ay ku soo darayso isbaheysiga ciidan milateri oo si wanaagsan u tababaran, una qalabaysan, ka dib markii dalka Turkigu uu ansixiyey ku biiritaankooda, maadaama loo baahan yahay in dhammaan dalalka xubnaha ka ah NATO inay ansixiyaan dal kasta oo ku soo biiraya. Xoghayaha guud ee NATO ayaa sheegay inuu si wanaagsan ugu qanacsan yahay in Sweden ay sidoo kale xubin ka noqon doonto isbahaysiga NATO, taasina ay mudnaanta koowaad ugu jirto inay hirgasho. Turkiga ayaa si weyn uga soo horjeeda xubinimada Sweden, iyada oo Turkigu ku eedaynayo inay Sweden gabaad siiso kooxo uu u arko argagixiso. Xoghayaha NATO ayaa sheegay in Sweden ay fulisay tallaabooyinkii lagu heshiiyey ee walaaca ku hayey Turkiga. Xoghayaha NATO ayaa sidoo sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu dalbaday in hoos loo dhigo joogitaanka ciidanada NATO ee dhinaca bariga ka hor duullaankii ballaadhnaa ee Ruushku ku qaaday Ukraine, halka dalabaadkii Putin ee ku aaddanaa Finland iyo Sweden ay u dhaceen si caksi ah. Xoghayaha ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay ciidamo badan oo NATO ahi ay joogi doonaan dhinaca bari ee Isbahaysiga maadaama xubno cusbi ay ku soo biireen NATO. Source
  6. Mogadishu (HOL) - The Somali government announced the capture of two alleged Al-Shabaab leaders who surrendered in the Eeldheer district of the Galgaduud region. Source: Hiiraan Online
  7. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya Mr. Christopher Thornely. Wasiir Abshir Cumar Huruuse ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in uu warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya Mr. Christopher Thornely. “Waxaan maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Canada u qaabilsanaan doona dalkeenna Mr. Christopher Thornely” ayuu yiri wasiirka. Waddamada Soomaaliya iyo Canada waxaa ka dhexeeya xiriir dheer oo iskaashi iyo saaxiibtinimo, waxaana ku nool waddanka Canada jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u ballaaran saamayn badanna ku leh labada waddan. PUNTLAND POST The post Wasiir Huruuuse oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Canada appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah uu hortago maxkamad ku taallada magaalada New York, halkaas oo ay uga billaaban doonto dhageysiga dacwado uu wajahayo, kuwaas uu galay markii looga adkaaday doorashada iyo intii uu xilka haayay intaba. Wuxuu noqon doonaa madaxweynihi ugu horreyay Mareykanka ee lasoo hortaago maxkamad, iyada oo loo heysto danbi, waxyaabaha loo heysto ayaa waxaa kamid inuu xiriir la sameeyay haweeneey ka ganacsata jirdeeda xilligii uu ku jiray olilaha tartanka, sanadkii 2016, taas oo keentay in dib laga ogaado xiriirkooda. Waxyaabaha kale ee madaxweyne Trump loo heysto ayaa waxaa kamid ah inuu lacag dhag dhan $130,000 uu ku bixiyay inuu aamusiyo gabadha si aysan usoo shaacbixin xiriirka kala dhexeeyay madaxweynihii, taas ayaa qeyb ka ah maadaama uu diiday inuu uga jawaabo TV-da markii ay su’aalo ka weydiiyeen xiriirka inuu jiro. Wararka kale ee ku gadaamay Maxkamadeynta Trump ayaa waxaa laga yaabaa in ku gudban yihiin xaalado badan oo la xiriira gabadhaas uu aamusiyay, waxaana soo eedeeyay guddi xeer beegto ah oo ay fariisiyay xeer-ilalainta magaalada New York, kuwaas oo muddo dheer ku haayay, kiiska loo heysto madaxweynihii ee Mareykanka. Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa waxaa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo maxkamad lasoo taago, isaga oo loo heysto kiis dacwadeed qarin dambi iyo laaluush uu bixiyay, Bill Clinton ayaa hore loogu oogay dacwado la xiriira inuu xad gudub galmo uu la sameeyay gabar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. ADDIS ABABA – (BORKENA) – Ministry of Health (MoH) disclosed that a Cholera outbreak has affected 18 Woredas of Oromia and Somalia Regional States. Source: Hiiraan Online
  10. Iyadoo u dabaaldegeysa Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta iyo Kaalmaynta Wax-ka-qabashada Miinooyinka, ayaa Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay mar kale adkeynayaan ka-go’naanshohooda taageerada dadaallada Soomaaliya looga cirib-tiraayo khataraha haraadiga walxaha qarxa. “Marka laga eego tirada dadka ku wax-yeelooba ama baaxadda culayska dhaqaale, khasaaraha ay dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed kala kulmaan khatarta ka dhalan karta walxaha qarxa waxay ku kacaysaa qiimo aad u sarreeya oo aan la xamili karin”ayay tiri Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa si joogto ah uga go’an la-shaqaynta maamullada Soomaaliyeed iyo saaxiibada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo badbaadiyo dadka rayidka ah loona kobciyo nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya,” ayay sii raacisay hadalkeeda xilli ay ka hadlaysay munaasabadda. “Maalintan Caalamiga ah awgeed, waxaan si gaar ah u qiraynaa geesinimada iyo heellanaanta hawl-wadeenada ka shaqeeya miino-saarista iyo sida ay uga go’an tahay abuurista jawi amaan ah oo bed-qaba oo ay helaan dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayay kusoo gabagabeysay hadalkeeda Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho. Sannadkii 2022, in ka badan 1,200 rayid Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay ama ku dhaawacnmay walxaha qarxa, oo ay ku jiraan haraadiga walxaha qarha ee ay reebeen daagaalada, miinooyinka iyo walxaha qarxa ee macmalka ah, waxaana dadka dhintay ay u badan yihiin caruur, kuwaas oo aan garaneyn khataraha ay yeelan karaan, iyaga oo ku ciyaara dibadeedna ay ku qarxaan oo waxyeello kasoo gaarto. Guud ahaan intaas waxaa sii dheer, wasakhowga haraadiga walxaha qarxa ayaa caqabad ku ah soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarka iyadoo goobaha wasakhowga ka dhigaysa mid xad dhaaf ah, oo hor-istaagaya helitaanka hab-nololeed iyo adeegyada muhiim ka u ah dadka deegaanka, iyo sidoo kale xannibaadda xorriyadda dhaqdhaqaaqa dadka. Waxay sidoo kale caqabad ku tahay gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee muhiim u ah qaybo ka mid ah deegaanada dalka Soomaaliya oo ay abaaro ka jiraan. Qaramada Midoobay ayaa si garab-istaag ah ugala shaqaynaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah sidii loo yarayn lahaa saameynta walxaha qarxa. Isla markaana, waxay ka shaqaynaysaa sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda aqooneed ee hay’adaha amniga ee Soomaaliya si ay u hogaamiyaan una agaasimaan wax ka-qabashada miinada. Taageeradaas waxaa ka mid ah yaraynta halista waxlxaha qarxa, hawlo miino-saaris iyo sahan, iyo u doodista iyo dadaallada kobcinta awoodda si kor loogu qaado u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Mogadishu (HOL) - The African Transition Mission in Somalia (ATMIS) and Somali Police Force have issued conflicting reports regarding an explosion that injured three women at the KM4 junction in Mogadishu on Monday. Source: Hiiraan Online
  12. Cape Town (Caasimada Online) – Xaaladda adag ee ay wajahayaan ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa haatan yeelatay weji cusub, ayada oo ay soo korortay halis kale oo ay wajahayaan Soomaalida ku nool magaalooyinka dalkaas. Soomaalida ayaa markii hore lagu hayay dhac, dhaawac iyo dil ay kala kulmayaan burcad Koonfur Afrikaan ah, balse waxaa haatan soo kordhay afduub loo geysanayo Soomaalida. Ceyraduus Cilmi oo kamid ah hoggaanka Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika ayaa ka faahfaahin ka bixiyay dhacdooyinka afduubka ee lagu hayo ganacsatada Soomaalid ah “Xaaladda si kale ayay isku bedashay, waxaana soo kordhay afduub,” ayuu yiri Ceyraduus Cilmi oo kamid ah hogaanka Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in maalmihii u dambeeyay laba afduubtay illaa saddex qof oo Soomaali ah, kuwaas oo kala ahaa ganacsade dukaankiisa laga watay laba caruur oo Soomaali ah, kuwaas oo iyaga oo iskuul u socday waddada laga afduubtay. Ceydaruus ayaa xusay in afduubayaasha ay qaadanayaan lacag madax furasho ah, isla-markaana ehellada dadka ay ku dhacday arrintaasi ay bixiyeen madax furasho. “Afduubkani waa dhicii hore oo la casriyeeyay halkii ganacsiyadooda Soomaalida loogu tegi jiray inta sanadkan 2023-ka waa markii labaad, muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsato ahaa ayaa laga afduubay goobta ganacsigiisa muddo ka bacdina waa lasoo sii daayay hadda arrin ugu daran waxa ay tahay Soonkii kahor inyar ayaa waxaa dhacday ganacsade Soomaaliyeed ayaa laba wiil uu dhalay oo iskuulka u socday waddada laga kaxeystay , lana afduubtay, illaa iyo haddana waa la la’yahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ceydaruus. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in waxa geysanayaa dhibaatooyinkaas ay yihiin kooxo burcad Afrikaan ah, ayna yihiin kuwii horay dhaca iyo dila ku hayay Soomaaliyda. “Waa burcad Koonfur Afrikaan uun oo qofka kaxeysaneyso oo afduubeysa wax kale oo caddeyn ah lama haayo oo aan aheyn inay Koonfur Afrikaan afduubanayaan” ayuu yiri. Si kastaba, arrintan ayaa walaac ku abuurtay ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Koonfur Galbeed, maadaama ay wajahayaan xalad adag oo amni darro ah. The post Xaaladda Soomaalida dalka Koonfur Afrika oo weji cusub yeelatay iyo halis soo korortay appeared first on Caasimada Online.
  13. Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe oo dhowaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka saareen dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa laga hirgeliyay Leyrka cadceeda ku shaqeeya, kuwaas oo loogu talo galay la adeegsado xilliyada Habeenkii. Magaaladaan oo 4 bilood ku jirta gacanta dowladda ayaa waxaa hadda ka socda hormarro kala duwan waxaana dib loo howlgaliyay xurumaha Cafimaadka, Dugsiyada Quraanka iyo Saldhiga Booliska, waxaana la filayaa in dhowaan ay yeelato Garoon ay diyaaraduhu ka duulaan. Leyrarka ku shaqeeyo cadceeda ee laga hirgelyay ayaa waxaa ay qeyb weyn ka qaadan doonaan isku socodka dadka degmada iyo ganacsiga xilliyada habeenkii ah, iyadoo lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana uu wax badan u tari doonaa bulshada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo dhowaan safar ku tagay ayaa sheegay in Aadan Yabaal ay tahay degmo qadiimi ah marka loo eego 18-ka gobol ee dalka, isaga oo ballan qaaday in ay heli doonto hormarro dhaqsi ah. Xukuumadda Danqaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisulwasaare Xamse ayaa sheegtay in deegaannada laga saaray Al-shabaab la geyn doono waxyaabaha aasaasiga u ah dowladnimada, sida caafimaadka waxbarashada iyo adeegyada kale si ay bulshadu ula jaanqaado casriga. Dowladda ayaa waxaa sidoo lagu wadaa in mashruucaan ah ay ka hirgeliso deegaannada laga saaray Al-shabaab, kuwaas oo bulshooyinka degan ay u baahan yihiin, waxaana bilihii lasoo dhaafay magaalooyin dhowr ah waxaa ay soo galeen gacanta ciidanka dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Ciidamada dowlada Xogga dalka ee ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Galgaduud ayaa degmada kusoo bandhigay laba xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda, iyaga oo ka warbixiyay sababta ku kaliftay in ay isaga soo baxaan kooxda. Horjooge Xussen Daahir Maalin (Dhagey) oo a Al-Shabaab uga biiray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, isla markaana hoggaaminayay dhowr weerar kooxdu ay ku qaaday qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Ceeldheer. Ciidanka Gorgor ee Kumaandooska ayaasoo qabtay Horjooge Calas Ibraahim Axmed Barre oo kooxda uga biiray degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, isagoo qorsheynaya inuu dhibaateeyo dad aan waxaba ka galabsan, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidanka ee ku sugan Ceeldheer. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay xubnaha ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda, waxaana sidoo kale dhowr jeer ciidanka ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan kooxda, xilli howlgallo ay ku jireen ciidanka dowladda. Gobolladda Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan, kaas oo qeyb ka ah howlgalka wajiga labaad ee dowladdu ay ku dhawaaqday in laga fulinaayo qeybo ka mid gobollada dalka, iyadoo Al-shabaab laga saaray deegaanno hore ay ugu sugnaayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre presided over the Security Council meeting on Monday in Mogadishu to discuss the acceleration of security in the country, eliminating the Al-Shabaab group, laws promoting security, and lifting the arms embargo on Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal markale saaka ka dhacay bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa SSC oo roondo waday iyo kuwa Somaliland oo si kadis ah isaga horyimid bariga magaalada. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu billowday salaaddii subax kadib, isla-markaana uu soo gaaray illaa 7:00 subaxnimo, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Labada dhinac ayaa is-weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayada oo dhawaqa rasaasta iyo daryanka hubka laga maqlayay meelo ka baxsan aagga lagu dagaalamay. Ilo deegaanka ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada SSC ay dagaalkan ku qabsadeen gaari nooca dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada maamulka Somaliland. Sidoo kalekale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha labada dhinac oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay Laascaanood, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan. Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay khudbad uu jeediyay madaxweynaha Somaliland uu ku sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin heshiis iyo xabad joojin, balse mar kasta lasoo weeraro ciidamadooda, iyaguna ay ku qasban yihiin inay is difaacaan. Dhanka kale waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay farageliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska balse laguma guuleysan. Si kastab, dgaalka ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan ku qof iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka. The post Dagaal mar kale ka qarxay magaalada LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
  17. From a distance, the Skillful International College located in Adado town in central Somalia looks like an ordinary tertiary institution, but upon interacting with the managers and students, its prestigious status comes to the fore. Source: Hiiraan Online
  18. Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in markale xoogaga Al-Shabaab ay maanta weerar gaadmo ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha degmada Ruun-nirgood oo ka tirsan gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyay xero ay ku sugnaayeen ciidamada Macawiisleyda, waxaana kadib xigay dagaal toos ah. Labada dhinac ayaa is weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana khasaare soo kala gaaray, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in la iska caabiyay Al-Shabaab. “Qolada nabad diidka ahaa waxa ay sameeyeen weerar gaadmo ah ayay ku sameeyeen ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, marka waana laga hortegay,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khasaare xoogan la gaarsiiyay xubnaha weerarka soo qaaday, dhankooda ay ka dhinteen laba askari oo kamid ahaa ciidanka deegaanka. “Khasaare iyaga ayuu ku gaaray dad badan ayaa ka dhintay, annaga weerarkaas laba wiil ayaa nooga dhintay oo geesiyaal ahaa Allaha u naxariisto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada huwanta ay haatan wadaan howlgallo lagu baadi goobayo xubnaha weerarka soo qaaday, isla-markaana ay xaaladdu degan tahay. “Waa la daba kacay, haddana waa la daba joogaa, waa ku guul darreysteen isku daygii ay sameeyeenm” ayuu markale yiri guddoomiyuhu Ruun-nirgood oo dhowaan soo gashay gacanta dowladda ayaa waxaa todobaadkii hore weerar ku billowday qaraxyo ka fulusay Al-Shabaab, kaas oo khasaare badan geystay. The post Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xero ku taalla Ruun-Nirgood + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  19. Two Anti-Terrorism Police Unit (ATPU) detectives have been arrested for failing to repatriate four Somali nationals who were found to be in the country illegally. Source: Hiiraan Online
  20. Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Finland ay ku biirayso isbaheysiga militari maanta oo talaado ah, wax ka yar hal sano, ka dib markii uu dalkani gudbiyay codsigiisa ku biiritaanka NATO, tallaabadan oo jawaab u ahayd duulaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine. Stoltenberg ayaa u sheegay warfidiyeenka, ka hor kulanka wasiirada arimaha dibada ee NATO, in Finland ay ku soo darayso isbaheysiga ciidan milateri oo si wanaagsan u tababaran, una qalabaysan, ka dib markii dalka Turkigu uu ansixiyey ku biiritaankooda, maadaama loo baahan yahay in dhammaan dalalka xubnaha ka ah NATO inay ansixiyaan dal kasta oo ku soo biiraya. Xoghayaha guud ee NATO ayaa sheegay inuu si wanaagsan ugu qanacsan yahay in Sweden ay sidoo kale xubin ka noqon doonto isbahaysiga NATO, taasina ay mudnaanta koowaad ugu jirto inay hirgasho. Turkiga ayaa si weyn uga soo horjeeda xubinimada Sweden, iyada oo Turkigu ku eedaynayo inay Sweden gabaad siiso kooxo uu u arko argagixiso. Xoghayaha NATO ayaa sheegay in Sweden ay fulisay tallaabooyinkii lagu heshiiyey ee walaaca ku hayey Turkiga. PUNTLAND POST The post Finland oo maanta ku biiraysa Isbaheysiga militari ee NATO appeared first on Puntland Post.
  21. MOGADISHU (Xinhua) -- Flash floods caused by heavy rains killed at least 21 people, displaced over 100,000 more and destroyed property in the past two weeks in southern Somalia, the United Nations humanitarian agency said on Monday. Source: Hiiraan Online
  22. Faahfaahino ka soo kordhay Qarax haddiyad ahaan loo adeegsaday oo ka dhacay Ruushka Qarax ka dhacay maqaaxi lagu shaaho magaalada St Petersburg ayaa waxaa ku dhintay Vladlen Tatarsky oo ahaa nin caan ah oo wax ku qora Online-ka kana tirsanaa militariga Ruushka, sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha gudaha ee Ruushka. Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay ugu yaraan 25 qof. Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qaraxa iyo dad dhaawac ah oo maraya wadada. ma kala cadda cidda ka dambeysay qaraxa. Vladlen Tatarsky (magaciisa dhabta ah uu yahay Maxim Fomin) wuxuu ahaa nin si weyn u taageerayya dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine. Xilliggii uu qaraxa dhacayay, Vladlen Tatarsky wuxuu marti ka ahaa munaasabad ka socotay maqaaxida. Waxaa jira warar kala duwan oo ka soo baxaya warbaahinta Ruushka oo ku saabsan qarax. warbaahinta Ruushka oo soo xiganeyso ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegayaa in taallo yar oo ku jirtay kartoon oo lagu soo qariyay bambo haddiyaad ahaan loogu guddoonsiyay Mr. Vladlen Tatarsky xilli uu ka qeybgalayay xafladda. Muuqaal sidoo kale lagu baahiyay barta Telegramka ayaa muujinayay kartoon lagu soo qariyay bambada oo si kaftan ah loogu dhiibayo ninka hase ahaatee, BBC-da ma xaqiijin karto in waxlahaas uu qaraxa ahaa. Vladlen Tatarsky Tatarsky wuxuu mar kasoo warrami jiray jiidda hore ee dagaalka Ukraine, wuxuu si weyn usoo caan baxay sanadkii lasoo dhaafay markii uu muuqaal ka soo duubay gudaha aqalka looga arrimiyo Kremlin-ka , wuxuuna xilliggaas yiri, “Qof kasta waan ka guuleysan doonaa, qof kasta waan dili doonaa, qof kastana waan dhici doonaa”. Munasabadda uu ninkan ka hadlayay xilliggaas waxaa martigeliyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kaasoo ku dhawaaqay in Ruushka uu la wareegayo afar gobol oo ka tirsan Ukraine. Dhulkaas ayuu Ruushka qabsaday, waxaana si weyn u cambaareeyay dalalka caalamka. Maqaaxida qaraxa lala beegsaday Axaddii waxaa horey u lahaa nin la yiraahdo Yevgeny Prigozhin, oo ah madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee caanka ah ee Wagner ee Ruushka, sida uu ku warramay Website-ka kasoo baxa magaalada St Petersburg ee Fontanka. St Petersburg waa magaalo uu ka soo jeedo madaxweyne Putin, waana magaalada uu markii ugu horreysay kusoo shaac baxay. Maqaaxida ayaa ku taalla goob amaan ah oo dhacda bartamaha magaalada St Petersburg Vladlen Tatarsky, bartiisa Telegram-ka waxaa ku xiran in ka badan 500,000 oo qof, wuxuuna halkaas kusoo bandhiggaa qoraallo uu ku dhaleeceynayo dadka wado ololaha ka dhanka ah Ruushka. Cyber ​​​​Front Z, oo ah koox isugu yeerto “xogta ciidamada Ruushka” ee ka howlgasha Telegram, ayaa sheegtay inay kireysteen maqaaxida weerarka lala eegtay. “Waxaa dhacay weerar argagixisanimo, waxaan raacnay tallaabooyin lagu ilaalinayo amniga balse naguma filneyn” “Waxaan tacsi u direynaa qof kasta oo aqoon u lahaa weriyaha kasoo warrami jiray dagaalka iyo qoyska saaxibkeen Vladlen Tatarsky.” sida Telegram-ka ay ku shaaciyeen Cyber ​​​​Front Z. Bishii August ee la soo dhaafay qarax baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay meel u dhow Moscow waxaa lagu dilay Darya Dugina, oo ahayd gabadh weriye oo si weyn u taageeri jirtay militariga Ruushka. Waxay ahayd gabadh uu dhalay Alexander Dugin, oo ah saaxib si weyn ugu dhowMr Putin. Weriyaha BBC-da Olga Ivshina ayaa sheegtay in Tatarsky uu ku biiray xoogaggii gooni u goosadka ee Ruushka 2014-kii, markaasoo ay qabsadeen meelo badan oo ka mid ah gobollada Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine. Waxa uu ku dhashay Makiivka, oo ka tirsan gobolka Donetsk. Tatarsky wuxuu sheegay in uu ku biiray fallaagada Donetsk markii ay ka sii daayeen xabsiga kadib markii loo xiray in uu geystay falal dhac ah isagoo hubeysna, Donetsk waa mid ka mid ah gobollada uu Ruushku ku andacoonayo inuu goostay. Qaran News
  23. Qiimaha shidaalka caalamka oo si lama filaan ah sare ugu kacay+Sababta Waxaa sare ugu kacay qiimaha Shidaalka aduunka, kaddib markii shirkadaha ugu waaweyn caalamka ee dhoofiya shidaalka ay ku dhawaaqeen inay hoos u dhigayaan wax soo saarkooda. Qiimaha saliida ceyriinka ah ee Brent, ayaa kor u kacay in ka badan boqolkiiba shan. Kororka ayaa yimid kaddib markii dalalka ku bahoobay ururka OPEC, oo ay ku jiraan dhowr waddan oo Khaliijka ah, Ciraaq iyo Ruushka ay ku dhawaaqeen, inay jarayaan wax soo saarka in ka badan hal milyan oo foosto maalintii. Qiimaha saliidda ayaa sare u kacay bishii Febraayo 2022–kii, ka dib markii Ruushku ku duulay Ukraine, Qaran News
  24. Trump oo u duulaya New York si maxkamad loo soo taago : Donald Trump Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa “isku diyaarinaya dagaal dhinaca sharciga ah” xilli la filayo in maanta oo Talaado ah uu dhageysiga kiiskiisa ka bilowdo maxkamadda, sida uu sheegay qareenkiisa. Mr Trump oo hadda ku sugan gurigiisa ku yaalla Mar-a-Lago ayaa la filayaa in uu maanta oo Isniin ah u duulo magaalada New York, halkaas oo uu ku wajihi doono dacwado la xidhiidha lacago laaluush ah oo la siiyay haweeney ka shaqeysa filimada anshax xumada. Ka dib waxa uu qorsheynayaa in uu dib ugu laabto gobolka Florida marka uu dhammaado dhageysiga maxkamadda. Florida marka uu ku noqdo waxa uu khudbad u jeedin doonaa taageerayaashiisa. Donald Trump waxa uu weli beeninayaa in uu wax dambi ah galay.Qareenka u doodaya oo lagu magacaabo Joe Tacopina ayaa ballan qaaday dacwad kasta oo ka dhan ah madaxweynihii hore loola dagaallami doono si adag. Qaran News