-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shaqaalaha safaaradda Mareykanka iyo qoysaskooda ayay ciidamada Mareykanku ka daad-gureeyeen caasimadda Suudaan ee Khartuum, halkaas oo ay dagaallo ka socdaan, sida uu sheegay madaxweyne Joe Biden. ” iyagoo fulinanaya Amarkayga, millatariga Maraykanku waxay sameeyeen hawlgal ay Khartuum kaga soo saareen shaqaalaha Dawladda Maraykanka,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray. Dagaallada u dhaxeeyo ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF oo galay todobaadkii labaad ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, halka kumanaan kale ay ku dhaawacmeen. Saacado ka hor, kooxda dagaalka kula jira ciidanka Suudaan ee RSF waxa ay ku dhawaaqday in ay howlgalka militariga Mareykanka oo ka kooban lix diyaaradood kala shaqeysay sidii Suudaan looga daad-gureyn lahaa diblamaasiyiinta Mareykan ah iyo qoysaskooda. Shaqaalaha safaaradda Mareykanka ayaa loo qaaday goob aan la shaacin oo ku taal Itoobiya, sida ay wakaaladda wararka ee AP u sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo wax badan kala socda howlgalka daad-gureynta, waxaana ilaa iyo hadda la rumeysan yahay tirada laga saaray Suudaan in ay gaarayaan ilaa 70 qof oo Mareynkan ah. PUNTLAND POST The post Diblomaasiyiin iyo shaqaale Maraykan ah oo laga daad-gureeyay colaadda Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
Dagaalka Sudan ayaa maanta dib u qarxay ka dib markii ay dhaqan geli weyday xabad joojin loogu talagalay munaasabadda Ciidda. War ka soo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in muwaadiniin u dhashay dalalka Britain, Mareykanka, Faransiiska iyo Shiinaha lagu soo daadgureynayo diyaarado kuwa xamuulka qaada ah oo ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Khartoum. Balse waxaa jirta Soomaali ku sugan Suudaan oo arday iyo shacab kale isugu jira kuwaas oo qaarkood ka soo qaxay magaalada khartuum markii uu dagaalka bilowday. Waxay hadda ku sugan yihiin magaala xadeedka Qadaarif. Axmed Xasan Maxamed waxa uu ka mid ah yahay Soomaalidaas ka soo qaxay magaalada Khartuum kadib markii uu qarxay dagaalka Suudaan ee u dhaxeeya milatariga Sudan iyo xoogagga RSF. Axmed oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay ku sugan yihiin magaala xadeedka qadaarif oo ay ku xayiran yihiin. Isagoo ka jawaabaya su’aal ay BBC-da oo ay ah goorta ay ka soo baxeen magaalada Khartuum ayuu Axmed yiri: “Waxaan magaalada khartuum ka soo baxnay maalintii afaraad ee dagaalka taas oo ku beegnayd Arbacadii la soo dhaafay, waxaan u soo baxnay dhankaas iyo magaalada Qadaarif si aanu u gaarno dalkeenii Soomaaliya inagoo sii mareyna xadka Itoobiya balse hadda waxaan ku xayiranahay magaalo xadeedka Qadaarif.” Waxaa intaas ku daray in bilowgii ay ku soo baxeen labaatameeyo arday ah balse hadda Soomaalida ku sugan Qadaarif ay shan boqol ku dhow-yihiin. Maxay tahay Sababta ay ugu xayiran yihiin Qadaarif? Axmed ayaa sheegay in sababta dhabta ah aysan garanayn balse Soomaalidii kale ee wadatay baasaboorrada kale sida Kenya iyo Itoobiya la fasaxay oo ay ka gudbeen xadka. “Waxaan la dhaafeyn ciidamada Suudaan, sababta ay nagu haystaana inooma ay sheegin, aniga ahaan baasaboorkeuyga waa uu shaqeynayaa, Iqaama ayaa ii saaran balse dhanka Suudaan baa nagula haystaa.” “Aniga Axmed ah, waxaan kuwada soconnay 10 arday oo Soomaali wada ah laakiin waxaa nagu jiray labo wiil oo baasaboor Kenyan sitay iyo inan mid Itoobiyaan ah sitay hase yeeshee Saddexdaba waa ay ka gudbeen inagii baasaboor Soomaaliga wadanayna ayaa meesha ku xayiran.” BBC-da oo ay jawaab u raadineysa sheegashada Axmed oo u hadlayay ardayda iyo Soomaalida kale ee ku sugan Qadaarif ayaa waxaanu la xiriirnay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan…. Isagoo ka jawaabaya arrinkaas ayuu safiirka yiri: “Anaga waxaan ognahay oo bartilmaameed qaas ah oo qof Soomaalimada ama inuu wato baasaboor Soomaali ah lagu bartilmaameedsanayo ma jiro laakiin waxaan haynaa in lagu jiro xilli amarjansi ah oo ay imaan karaan caqabado gaar ah ama ha noqoto qof baasaboor ka dhacsan yahay ama ha noqoto qof baasaboorkiisa ka dhumay kuwaas oo aanu diyaar u nahay inaan xallino laakiin ma hayno macluumaad ah in Soomaalida si gaar ah loo bartilmaameedsanaya sababna ma jirto maxaa yeelay wax dambi oo gaar ah ma gelin qofka Soomaaliga.” Dhanka kale Amed ayaa BBC u sheegay inay wajahayaan caqabado ay ka mid tahay kharash la’aan maaddaamaa xawilaad lacag loogu soo diro aysan jirin, kharashkii ay wateena ka go’ay. Wareysiga ay BBC-da la yeelatay Axmed Xasan Maxamed oo dhameystiran halkan ka dhageyso Qaran News
-
Qadaarif (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda dalka Sudan ayaa maanta dib u qarxay kadib markii ay dhaqan geli weysay xabad joojin loogu talagalay munaasabadda Ciidda. Soomaalida ku sugan dalka Sudan oo arday iyo shacab kale isugu jirta ayaa qaarkood waxaa u suurta gashay inay ka qaxaan magaalada Khartuum oo dagaal culus uu ka socdo, waxayna tageen magaalo xadeedka Qadaarif. War kasoo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in muwaadiniin u dhashay dalalka Britain, Mareykanka, Faransiiska iyo Shiinaha lagu soo daadgureynayo diyaarado kuwa xamuulka qaada ah oo ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Khartoum. Balse Axmed Xasan Maxamed oo ka mid ah Soomaalida ku xayiran dalka Sudan ayaa sheegay inay ku sugan yihiin magaala xadeedka Qadaarif oo ay ku xayiran yihiin, wareysi uu Axmed siiyey BBC ayuu uga warbixiyey dhibaatooyinka ay wajahayaan. “Waxaan magaalada Khartuum ka soo baxnay maalintii afaraad ee dagaalka, taas oo ku beegnayd Arbacadii lasoo dhaafay, waxaan u soo baxnay dhankaas iyo magaalada Qadaarif, si aanu u gaarno dalkeenii Soomaaliya, inagoo sii mareyna xadka Itoobiya, balse hadda waxaan ku xayiranahay magaalo xadeedka Qadaarif,” ayuu yiri Axmed. Wuxuu intaas ku sii daray in bilowgii ay Khartuum ka soo baxeen iyagoo qiyaastii 20 arday ah, balse hadda Soomaalida ku sugan Qadaarif ay shan boqol ku dhow yihiin. Axmed ayaa sheegay in sababta dhabta ah aysan garanayn, balse Soomaalidii kale ee wadatay baasaboorrada dalalka kale, sida Kenya iyo Itoobiya la fasaxay oo ay ka gudbeen xadka. “Waxaan la dhaafeyn ciidamada Suudaan, sababta ay nagu haystaana nooma sheegin, aniga ahaan baasaboorkeyga waa uu shaqeynayaa, Iqaama ayaa ii saaran, balse dhanka Suudaan baa nagula haystaa,” ayuu yiri Axmed Xasan oo ka mid ah ardaydii Soomaaliyeed ee waxbarashada u joogtay dalka Suudaan. “Aniga Axmed ah, waxaan kuwada soconnay 10 arday oo Soomaali wada ah, laakiin waxaa nagu jiray labo wiil oo baasaboor Kenyan ah sitay iyo inan mid Itoobiyaan ah sitay, hase yeeshee 3-daasba waa ay ka gudbeen inagii baasaboor Soomaaliga wadanay ayaa meesha ku xayiran,” ayuu Axmed hadalkiisa ku sii daray. Ugu dambeyntii Axmed Xasan wuxuu sheegay inay wajahayaan caqabado ay ka mid tahay kharash la’aan, maadaamaa xawaalad lacag loogu soo diro aysan jirin, kharashkii ay wateena uu ka go’ay. The post Maxaa ka jira in Soomaalida kaliya loo diiday inay ka cararaan dagaalka ka socda Sudan? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka booliska degmada Waaberi ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdi Maxamed Khaliif (Cabdi Haash Gaad) 30 jir ah, kuna eedeysan inuu Toorey caloosha uga dhuftay Maxamed Cabdullahi Sheekh. Eedeysanaha lasoo qabtay caawa ayaa dhibkaan geystay xalay, waxayna saraakiisha boolisku sheegeen in eedeysanaha ay cadaaladda hor geyn doonaan. Boolisku ma shaacin sababta ninkaan ku kaliftay inuu caloosha toorey uga dhufto dhibanaha, waxaana xusid mudan in isla gudaha degmada Waaberi laga soo qabtay ninkaan ku eedeysan inuu dhibka geystay. Inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca falal tuugnimo ah, kuwaas oo sababa in dil ama dhaawac loo geysto qofka ay tuugadu dhaceyso, balse boolisku ma kala cadeyn in kiiskaan uu la xariiro dhaca tuugada. Muqdisho tuugada taleefoonada ka dhacda dadka waxay sitaan midiyo ama toorey, qori iyo bistoolad oo ah waxa ugu badan oo lagu dhaco dadka shacabka ah. Mararka qaar waxaa dhacda in tuugadu qofka ay dhaawacaan, kadibna dhacaan, inta badana inay tuugadu dadka disho waxaa keenta in qofka la dhacayo uu dagaalamo ama isku dayo inuu goobta ka baxsado. Inkastoo lasoo sheego meelaha qaar, hadda waxaa Muqdisho ka yaraaday tuugada taleefoonada dhacda, ciyaal weerada iyo kooxihii dadka u dili jiray Al-Shabaab. Ciidan cusub oo boolis militaar ah ayaa laga howl-geliyey amniga caasimadda, waxayna fariisimo ka sameysteen degmooyinka dhaca daafaha oo markii hore ay ku badnaayeen falalka amni darrada ah. Sidoo kale ciidankaan oo wata gaadiid u gaar ah ayaa ka howlgala gudaha caasimadda, waxaana la dagaalanka tuugada iyo kuwa dilalka geysta u dheer, dhaqan gelinta qararka ay dowladdu ku xakameyneyso hubka culus ee lagu dhex sida jiray magaalada Muqdisho. The post Booliska Muqdisho oo soo qabtay nin dambi culus ka geystay degmada… appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE TEB Apps team is heading to GITEX Africa to educate and accelerate business automation and Customer Relationship Management (CRM) software adoption TEB is a powerful business automation and CRM software that helps maximise conversions, accelerate growth and boost revenue Access Multimedia Content LONDON, United Kingdom, April 21, 2023/ — TEB Apps (https://TEB.cloud/en), a powerful business automation and CRM software (Saas) start-up is showcasing cutting edge technology in Marrakech, Morocco for the GITEX Africa (https://GITEXAfrica.com) 2023 from 31st May to 2nd June 2023. CRM Software, here are the facts Our market research teams have found that Business Automation and CRM software is invaluable for accelerating the efforts of sales teams across a variety of businesses. 90% of sales professionals believe that CRM software is a ‘necessity’ for their team. 78% believe that CRM is ‘essential’ to achieve customer satisfaction. 67% agree that CRM helps reduce the sales cycle. Industry facts 12% yearly CRM adoption growth predicted between now and the next five years (2028) (https://apo-opa.info/3UT4Tfc). 88% of small business owners say automation empowers their company to compete with larger companies (https://apo-opa.info/3URogWc). 57% of employers want to use automation to improve human performance and productivity (https://apo-opa.info/40zSO00). Why TEB? TEB, is a game changer. A powerful business automation and CRM software that helps maximise conversions, accelerate growth and boost revenue. Now more than ever, businesses need to move away from spreadsheets, time-consuming manual processes and embrace technology adoption for high performance. “Africa is at the precipice of a great technology evolution and there is already some great work taking place in the region. The Business Automation and CRM industry is growing, and we look forward to being part of that growth story across Africa.” – Ashish Raina, CEO. TEB helping customers change the future What makes TEB different? 20 years of engineering excellence. 100+ years of combined enterprise sales experience. 1.2 million hours of software engineering. 24 multi languages solutions. 100’s of customers worldwide. 1000’s of software users spanning 15 industries. We put people first! We choose the human approach. Our customer success team will go above and beyond to support a timely implementation, onboarding and hands on training. Change the game with TEB. Distributed by APO Group on behalf of TEB Apps. SOURCE TEB Apps Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Waare oo haatan ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ayaa war qoraal oo uu soo saaray kaga hadlay qorshe xasaasi ah oo ay kooxda Al-Shabaab ka damacsan tahay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan. Waare oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay malaayiin dollar ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa guddoomiye Cali Jayte Cismaan, isla-markaana xilka looga qaadi lahaa, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sidoo kale xusay in beddalka Cali Jayte ay tahay mid u hiilinaysa Al-Shabaab, isla-markaana ay hoos u dhigeyso howlgallada ka socda gobolka. Sidoo kale wuxuu madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ugu baaqay inuu iska ilaaliyo dhagarta Al-Shabaab, isaga oo ka dalbaday in uusan beddalin Cali Jayte. “Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jayte loo bedeli lahaa,” ayuu qoraalkan ku yiri Waare. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Beddalka guddoomiye Jayte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Guudlaawe Xuseen iska daa Guddoomiye Jeyte!.” Cali Jayte ayaa door weyn kasoo qaatay howlgalladii gobolka Hiiraan oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda. Sidoo kale waxa uu hadda hoggaaminayaa wejiga labaad ee howlgalka xoreynta oo la doonayo in Al-Shabaab looga saaro galbeedka Hiiraan. Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo haatan uu taagan yahay khilaaf u dhexeeyo guddoomiye Cali Jayte iyo maamulka HirShabelle, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda maamulkaasi, kaas oo ka dhashay mideynta canshuuraha. The post Al-Shabaab oo malaayiin dollar ku bixineysa in la beddalo Cali Jayte appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa aad u amaanay ciidankii lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo uu sheegay inay nabad ka dhigeen magaalada Muqdisho. Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in bishii Ramadaan ay nabad heleen dadka reer Muqdisho, iyadoo laga hor tegay weerarradii Shabaab iyo ciyaal weeradii. “Ciidankii lagu soo tababaray dalka Uganda ee boolis militaar oo madaxweynuhu uu amray inay amniga caasimadda sugaan, waxay suurta geliyeen in si nabad ah ay dadka reer Muqdisho u soomaan, una cibaadeystaan,” ayuu yiri duqa Muqdisho. Wuxuu sheegay in dad badan oo masaajidda ka quustay inay ku cibaadeystaan ay Ramadaankii dhamaaday u suurta gashay inay masaajidda ku soo cibaadeystaan, taasna ay suurta geliyeen ciidanka cusub ee amniga caasimadda la wareegay. “Ciyaal Weero, Khawaarijtii iyo Tuugadii dhamaan waala xakameeyay, waana ku mahadsan yihiin ciidankii lagu soo tababaray Uganda, anaguna waan kala shaqeyn doonaa sugidda amniga muwaadiniinta ku nool caasimadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Madaale. Ciidanka cusub ee boolis militaarka ayaa si xoog leh uga howlgala degmooyinka dhaca daafaha Muqdisho, iyagoo halkaas ku baacsada kooxaha ciyaal weerada oo u badan degmooyinka hareeraha xiga. Sidoo kale ciidanku waxay ka hor tagaan in Muqdisho la soo geliyo gaadiid lagu soo raray waxyaabaha qarxa, inta badan qaraxyadii ka dhici jiray caasimadda waxaa la sheegay in lagu soo farsamey jiray gobollada. Degmooyinka Kaaraan, Wadajir, Dhakenley, Kaxda, Deyniile, Heliwaa iyo kuwo kale oo ciyaal weeradda iyo tuugadu ay ku badnaayeen ayaa la geeyey ciidanka cusub ee boolis militaarka ah, waxaana lagu amaanay sida deg degga ah oo ay wax uga bedeleen amni xumadii ka jirtay caasimadda Muqdisho. Hoos ka daawo muuqaalka guddoomiyaha The post Daawo: Madaale oo hal ciidan ku amaanay amniga ay heleen dadka reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Jeneral Axmed Maxamed Tareedisho oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee haatan howlgallada ka wada Galmudug ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ka fulisay deegaanka Masagawaa ee gobolkaasi. Tareedisho ayaa marka hore xog ka bixiyay sida u u dhacay weerarka, wuxuuna tilmaamay inay ka hortageen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka. “Dagaal ayay soo qaadeen, balse waa laga war helay saas ayaana looga hortagay, ayaga oo meel dhexe socda dagaalka sidaas ayuu u dhacay, waana laga adkaaday” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu ka hadlay qaabka loo dilay saddex oday dhaqameed oo ay Al-Shabaab ku dileen weerarka ay ka fuliyeen Masagawaa, wuxuuna taliyaha tilmaamay in odayaashaas ay qayb ka ahaayeen howlgallada xoreynta, isla-markaana ay la dagaalamayeen Shabaab. “Odayaal dhaqameedka hadda ma ahayn odayaal dhaqamees waxay ahaayeen dad shacabkooda la safan oo qoryahooda wata, isla-markaana Khawaarijta la diriraayo oo dhufeyska dhinacooda uga jiro. Saddex ayaa meesha ku dhimatay oo kamid ahaa raggii aagga ka dagaalamaayay” ayuu sii raaciyay. Jeneral Maxamed Axmed Tareedisho oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in 18 kamid ah Al-Shabaab ay ku dileen dagaalka dhex maray labada dhinax, isla-markaana ay dhankooda ka dhinteen illaa 4 qof, sida uu hadalka u dhigay. Dhankeeda Al-Shabaab ayaa iyaduna guul weyn ka sheegatay weerarkan, waxayna shaacisay in saacado kooban ay qabsatay deegaanka, sidoo kalena ay khasaare culus gaarsiisay ciidamadii ku sugnaa halkaasi. “18 ayaa xaqiijinay hadda waxa ka dhintay dhankaan kalena raggii meesha dagaalamayay waxaa ka dhintay saddex oday iyo hal wiil oo dhalinyaro ahaa” ayuu mar kale yiri Jeneralku. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta. The post Jeneral Tareedisho oo XOG ka bixiyay weerarkii Masagawaa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Darawallada Bajaajleyda ee ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga horyimid go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ee labada qayb (A iyo B) loogu qaybinayo mootooyinka haatan ka shaqeeya caasimada. Bajaajleyda oo u badan dhalinyaro ayaa la hadlay qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho waxayna sheegeen in go’aankan uu saameynayo shaqadooda maalinlaha ah, sida ay hadalka u dhigeen Bajaajleyda ayaa ku dooday in ciriiriga ka jira caasimada ay keeneen dhagaxyada lagu jaray qaar kamid ah waddooyinka, ayna dalbanayaan in la qaado si xal loogu helo jaamka Muqdisho. “Waxay rabaan 15 inay usoo baxdo Bajaajta nimankaas 5 bari oo kamid ahna waddadaa xiran meeshaas waxaa kasoo hareyo 10 beri. Qof nafle ah ayaa tahay waxaa laga yaabaa in maalin ama laba maalin aad jirato sideed bari ayaa soo hareysi, marka sidaas xal ma’aha” ayuu yiri mid kamid ah Bajaajleyda. Waxa kale oo uu sii raaciyay “Ciddii dooneysa magaaladaan inay jaamka ka yareyso ha qaadaan dhagaxyada, hana geeyaan meesha magaalada looga baxo, kadibna talo kale ha keenaan”. Darawal kale oo ka hadlay go’aanka maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in aysan suuragal ahayn in laba loo kala qaybiyo Bajaajta, wuxuuna sabab uga dhigay in dhalinyarada qaar ay kiro ku wadaan, halka kuwa kalena ay ka biishaan qoysaskooda. “A iyo B wax suurageli karo ma’aha, waayo dadbaa waxay ku wadaan 10 dollar haddio baahasha ka xumeeyo macquul ma noqoneyso” ayuu yiri darawal kale. Ugu dambeyn waxa ay wacad ku mareen Bajaajleyda in ay dhigi doonaan dibadbax balllaaran oo ay kusoo bandhigayaan cabashada ay ka qabaan go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir. Si kastaba, horay golaha wasiirada Soomaaliya ayaa usoo saaray go’aanno ka dhan ah Bajaajleyda, waxayna mamnuuceen soo dejinta mooto Bajaajta iyo mootada labada lug leh, waxaa sidoo kale goluhu soo jeediyay in la tirakoobo Bajaajyada ka shaqeeya Muqdisho. The post Bajaajleyda oo ka horyimid go’aankii maamulka gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Waddamada Caalamka ayaa bilaabay in ay diblomaasiyiintooda iyo muwaadiniinta ka soo daadgureeyaan dalka Suudaan, ka dib markii ay fashilantay xabbad-joojin ciidda loogu talogalay oo ay gaadheen ciidamada Suudaan iyo ciidanka Birmadka-degdegga ah ee RSF. Dalalka Mareykanka, UK, Faransiiska & Shiinaha ayaa bilaabaya in ay dadkooda ka soo qaataan Suudaan, halka Sucuudi Careebiya ay dadkeeda iyo dadka dalalka ay saaxiibka yihiinba soo gurayso. Soomaaliya ayaa dhakeeda sheegtay inay soo daadgureysay arday dalkaas wax ku baranayey, hayeeshee dad badan oo shacab ah oo kale ayaa dagaalku ka dul dhacay o aan haysan baro-bixin. Garoonka caalamiga ah ee magaalada Khartoum ayaa loo xidhay rabshadaha, iyadoo safaaradaha shisheeye – oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK – aysan awoodin inay muwaadiniintooda keenaan dalkooda. Dagaal waddooyinka la isku eryanayo ayaa ka qarxay magaalada caasimadda ah ee Khartoum, 15-kii Abriil kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya hoggaamiyeyaasha labada dhinac – General Burhaan iyo RSF-ta Mohamed Xamdan “Hemedti” Dagalka – oo ku saabsan sidii Suudaan loo maamuli lahaa. Labaduba waxay jagooyin sare ka soo qabteen dawladda milatariga ah ee Suudaan ee hadda jirta, taas oo la dhisay ka dib afgambigii 2019 ee xukunka lagaga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer xukumayey dalkaas Cumar Al-Bashiir. Waxay ahayd in ay ciidamadooda isku daraan balse RSF-ta ayaa is-hortaag ku sameysay isbeddelkan, iyagoo soo abaabulay ciidamadooda taasoo isu beddeshay dagaal toos ah todobaadkii hore. Qaran News
-
Belgrade (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiga dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta kulan wax ku ool ah la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane. Aleksandar Šapić. Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Duqa Magaaladda Belgrade ayaa waxaa ay wada-hadleen sedax arrimood oo kala ah; Dib u mataaneynta labadda caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade. In khubaro injineero ah ay daraasad rasmi ah kuu sameeyaan habka biyo-mareenka ee Caasimadda Muqdisho. Qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gar-gaarka deg-deg ah, iyo gaadiidka waxbarashadda iyo weli maareynta saxmada magaalada, sida wakhiga ay socon karaan gaadiidka xamuulka iyo isticmaalka goobaha gaadiidka la dhigo. Duqa Magaaladda Belgrade, Aleksandar Šapić ayaa dhankiisa sheegay in xiriirka labadda caasimadood uu ahaan jiray mid aad xoog badan, “Keydka xusuus dhowrka Belgrade waxaan ku arki kartaa sida ay u wada-shaqeyn jireen madaxda Muqdisho iyo Belgrade,” ayuu yiri Aleksandar Šapić, waxaana ka mid ahaa buu yiri Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faasax. Sidoo kale, Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa Duqa Magaaladda Belgrade u gudbiyay dhambaal rasmi ah oo ka yimid Duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimaacle (Madaale) oo ku sabaabsan dib usoo celinta xiriirkii soo jireenka ahaa labadda caasimadood ee qadiimid ah. Labdda Dowladood ee Soomaaliya iyo Serbia ayaa si wagaasan iskula jaan-qaadaya tan iyo dib u furidda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee magaaladda Belgrade. Xiriirka labadda dal ayaa ah mid ku dhisan wax-wada qabsi, is-ixtiraam iyo iskaasho danaha labadda dal. The post Sawirro: Soomaaliya iyo Serbia oo wada-hadal muhiim ah ku yeeshay Belgrade appeared first on Caasimada Online.
-
Dad badan oo ay ku jiraan Soomaali oo ka cararay colaadda caasimadda Suudaan ee Khartuum ayaa lagu soo warramayaa in ay baylah ku yihiin magaalada Qadaarif ee Suudaan oo ku taalo xuduudda Suudaan iyo Itoobiya, hal kaasi oo ay ku haysato cunto iyo adeeg la’aan maadaama aysan ka jirin xataa xawaalado ay eheladooda wax ugu diri karaan. Dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada xawaaladleyda waxa laga dalbanayaa in ay ka shaqeeyaan sidii ay gurmad iyo adeegyo ugu fidin lahaayeen Soomaalida Suudan ka soo baxaya. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar qaraxyo ku billowday oo saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud. Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi. Dowladda ayaa sheegtay in ciidamadii halkaasi ku sugna oo iskugu jiray kuwa dowaldda iyo dadka deegaanka ay fashiliyeen weerarka ay ku qaaday Al-Shabaab. “Khawaarijta oo aanan awoodin inay dagaal toos ah kala hor yimaadaan geesiyaasha Xoogga Dalka ayaa Qaraxyo waxay ku soo xireen kuwa ay qaldeen, laakiin naftood hurayaasha Ciidanka Qaranka ayaa hor istaagay damaca Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Sidoo kale, Jeneraal Tareedisho oo ku sugan goobta dagaalka ka dhacay oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa isaguna waxa uu sheegay in 18 ka tirsan dagaal-yahaanadii soo weeraray ee kooxda ay ku dileen dagaalkii saaka kadib weerarkii qaraxyada ay kusoo qaadeen. Waxa uu intaas kusii daray in xaaladda magaalada ay hadda tahay mid degan, ayna ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay wali sii baacsanayaan firxadka Shabaab-kii saaka soo weeraray Masagawaa. Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab oo dhankeeda war kasoo saartay weerarkan iyo dagaalka tooska ah ee xigay, ayaa sheegatay in dagaal-yahaanadeeda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka iyo saldhigyadii ciidanka dowladda, sida ay sheegtay. Si kastaba, Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta. Labo maalin kahor ayay aheyd markii dagaal qaraar oo jlibka la’isku dhigtay oo ka dhacay deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Waxaa haatan koonfurta iyo bartamaha dalka ka socda howl-gallo culus, iyada oo la filayo in dhawaan uu si rasmi ah u billowdo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post DF oo war kasoo saartay khasaaraha weerarkii Masagawaa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis madaxweyne u fidiyay 127 maxbuus oo ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasi oo maanta lasii daayay. Maxaabiistan uu madaxweynaha cafiska u fidiyay ayaa ku kala xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar iyo xabsiga MBC ee KM7 (ex-Control Afgooye), sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha oo lagu faafiyay warbaahinta dowladda. “127 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye, ayaa saaka lasii daayay markii uu cafis u fidiyay Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud munaasabadda Ciidda awgeed,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay warbaahinta dowladda. Cafiska madaxweyne ee lagu sii daayay maxaabiistan ayaa ku timid soo jeedin uu sameeyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah. Maxaabiistan ayaa la sheegay inay ahaayeen maxaabiis ku xukuman dambiyada fudud, uuna sidaas xafiiska Xeer Ilaaliyaha uu madaxweynaha ugu jeediyay in cafis u fidiyo oo laga sii daayo xabsiga dhexe ee Xamar iyo xabsiga MBC ee KM7. Madaxdweynaha Soomaaliya ayaa sanad walba cafis madaxweyne u fidiya maxaabiista ku xiran xabsiyada ku yaal caasimadda, kuwaasi oo loo soo xiray dambiyo fudud, iyada oo cafiskaan ku soo aadaya munaasabadda Ciidul-Fidriga. The post Madaxweyne Xasan oo cafis u fidiyay 127 maxbuus oo xabsiyada dalka ugu xirnaa… appeared first on Caasimada Online.
-
Backfired: President Mohamud attempted to capitalise on term extensions for Galmudug, Southwest and Jubaland to sponsor a bill about changing presidential and legislature terms of office. Mogadishu (PP News Desk) — A controversial bill sponsored by Villa Somalia to amend the presidential term has reportedly been put on hold. A bill submitted nearly nine weeks ago to the bicameral legislature was aimed to make key changes to the executive and legislature terms of office. The bill faced a backlash from influential political leaders including the former President Sharif Sheikh Ahmed and former Prime Minister Hassan Ali Kheire. Sheikh Adam Madoobe plans to instruct his Secretariat to prepare discussions of the bill in the Lower House to intimidate Villa Somalia. “Villa Somalia realised that the bill is so unpopular as to further weaken the legitimacy of the Federal Government of Somalia. President Hassan Sheikh Mohamud told his allies to abandon the bill altogether” an MP who requested anonymity told Puntland Post. The former Prime Minister Hassan Ali Kheire warned against any changes to the presidential and legislature term of office. In limbo: Mahdi Guled’s brief has unceremoniously been upended by the backlash against the controversial bill. The Villa Somalia occupant reckoned that term extensions and term changes in Galmudug, Southwest State and Jubaland could provide the incumbent President with an opportunity to push presidential term changes through the bicameral legislature. Mahdi Guled, an MP and former Deputy Prime Minister, was appointed to oversee the Villa Somalia-sponsored bill. Former President Sharif Sheikh Ahmed criticised the incumbent administration for an untimely power grab. “The speaker of the Lower House Sheikh Adan Madobe, who brokered a deal between Villa Somalia and Southwest State, was content with the bill. He may urge his Secretariat to prepare the bill for discussions to intimidate the Villa Somalia. Villa Somalia does not want the bill to be discussed at either the Lower House or Upper House” added the MP. © Puntland Post, 2023 The post Villa Somalia Puts Presidential Term Amendment On Hold appeared first on Puntland Post.
-
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka ahaana madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Al-shabaab malaayiin lacag ah ku bixinayso sidii bedeli lahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte. Waare ayaa sheegay in bedelka Jeyte ay tahay mid u hiilinaysa Al-shabaab, isagoo ka codsaday madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen in uusan tallaabadaas qaadin. We have reliable information that Al Shabaab is spending millions to have Governor Ali Jeyte replaced. Replacing Governor Jeyte at this time is giving aid and comfort to Shabaab. President @GudlaweHussein leave Governor Jeyte alone! pic.twitter.com/b0FzJjZm6I — Mohamed Abdi Ware (@HShPrez2Ware) April 22, 2023 “Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jeyte loo bedeli lahaa. Bedelka Guddoomiye Jeyte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Gudlaawe Xuseen iska daa Guddoomiye Jeyte!” ayuu Waare gacankiisa Twitter ku qoray. Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa lagu xasuustaa dagaaladii uu hormuudka u ahaa ee gobolka Hiiraan lagula galay ururka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Waare: Al-shabaab waxay malaayiin lacag ah ku bixinaysaa sidii bedeli lahaa guddoomiye Jeyte appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka masjidka Sheekh Cali Jimcaale ee magaalada Muqdisho ayaa markii u horeysay ka hadlay dhacdo fajiciso ku noqotay dad badan, taasi oo uu maamulka masjidka ku tilmaamay wax laga xumaado. Maamulka masjidka oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu dhacdadii shalay ee ragga iyo dumarka isku dhex-galeen intii lagu jiray salaadda Ciidul-Fidriga ku sheegay “munkar ku dhacay si aan ku tala-gal aheyn.” Arrintan ayuu sheegay maamulka masjidka Sheekh Cali Jimcaale inay ku dhacday kadib markii masjidka ay soo buux dhaafiyeen kumanaan kun oo shacab ah oo isaga kala yimid magaalada Muqdisho, ayna meesha ka baxday hab nidaamintii saxda aheyd ee masjidka. “Waxaa la waayay meel dadka lagu kala nidaamiyo. In ragga iyo dumarku ay is dhexgaleen intii salaadda lagu jiray waa fool xumo weyn oo ka fog diinta islaamka iyo aqlaaqda islaamka,” ayuu yiri maamulka masjidka oo sheegay inuu ka xun yahay wixii shalay ka dhacay masaajidka intii lagu guda-jiray salaaddii Ciidul-Fidriga. Sidoo kale waxay sheegeen in ciidamada amniga iyo kooxaha nidaamka ilaalinayay loo awood sheegtay oo ay xamili waayeen culayska badan ee kaga yimid qul-qulka dadka oo shalay aad u badna. “Wixii shalay meesha ka dhacay waxay ahayd awood sheegasho. Waxaa ka baqnay xataa in wax intaas kasii daran dhacaan. Waxaaba ka baqnay in dad isbuurasho ku dhintaan.” Dhacdadan oo si weyn uga fal-celiyeen bulshada, ayaa waxay timid kadib markii qaar kamid ah raggii ay dhex galeen qeybtii dumarka ay ku tukanayeen, taasi oo maamulka masjidka uu sheegay inay ku dhacday qaab aan ku talo-gal ahayn iyo nidaam xumo timid kadib markii masaajidka uu buux dhaafay intii lagu guda-jiray salaada ciidda. Si kastaba, Arrintaan ayaa waxay noqoneysa markii u horeysay ee gudaha Soomaaliya ay ka dhacdo in masjid dhexdiisa ay rag iyo dumar is dhex-galaan xilli salaad lagu jiro. The post Maamulka masjidka Cali Jimcaale oo ka hadlay ‘dhacdadii fajicisada noqotay’ ee shalay ka dhacday appeared first on Caasimada Online.
-
By allowing Bihi to challenge sovereignty of Federal Republic of Somalia vested in President Hassan Sheikh Mohamud, Twitter backtracks on its commitment to fighting disinformation and fake news. Mogadishu (Comment) — Twitter, the microblogging site owned by Elon Musk, is supposed to promoting free speech. It cannot fight every disinformation-filled tweet shared on the site but it has the wherewithal to deal with glaring examples of disinformation. Two Twitter handles belonging separately to the President of the Federal Republic of Somalia Hassan Sheikh Mohamud and the Muse Bihi Abdi, the President of Somaliland Administration, a self-proclaimed republic that claims to have unilaterally seceded from Somalia, provide an example about the need to stamp out high profile disinformation. Bihi’s Twitter handle (with more than 175 000 followers so far) identifies himself as the President of the “Republic of Somaliland”. By allowing Bihi to use the word Republic Twitter is not taking the leader of the secessionist administration to task for falsely claiming to be the president of a sovereign country. Unlike President Mohamud’s Twitter handle, theTwitter handle of Bihi has no a blue tick. These two Twitter handles pose tougher challenges for Musk. If a blue tick signifies a verified user, would Twitter allow for a user to boast a false political title (in this case Bihi claiming to be the president of a non-existent republic waging a secession war in Northern Somalia, for example).? Twitter does not seem to have a policy to deal with parody accounts that assume a false political identity. Would Twitter allow a Governor of a state in the United States to claim to be President on the basis of unilateral secession? Bihi should either drop the designation Republic and settle for The President of Somaliland or have his account flagged as a disinformation-peddling handle. We are not living in a planet of “alternative facts”. Twitter faces a moment of truth in its overhauled policies under Elon Musk. Twitter handles for high profile politicians should be setting a good example for other users to fight disinformation or fake news. The post A Tale of Two Somalia Twitter Handles appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay la haayeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka Masagawaa , waxaana sidoo kale xigay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay labada dhinac. Dowladda ayaa sheegtay in ciidanka xoogga ay ku guuleysteen in ay iska caabiyaan weerar lagu saoo qaaday sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, deegaanka ayaa waxaa gaaray gurmadyo kala yimid degmooyinka Ceeldheer iyo Ruunnirgood. Deegaanka Masagawaa ayaamaalinimadii shalay waxaa sida la sheegay ku sugnaa saraakiil ka tirsan xoogga dalka siyaasiyiin, kuwaas oo kormeer u tagay deegaanka, waxaana xusid mudan in deegaanka dowladda ay la wareegtay bishii January sanadkaan 2023 dhowr iyo toban sano kadib. Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa sidaan oo kale waxaa ay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen fariimo ciidanka dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Budbud, waxaana saraakiisha ciidanka ay sheegeen in weerarkaas la iska caabiyay sida ay hadalka u dhigeen. Gobolka Galgaduud ayaa waxaa maalmihii dambe ka socday howlgal ay wadeen ciidanka doiwladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka, waxaana ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab, iyadoo u jeedku yahay degmada Ceelbuur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
