-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Ummada Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan gaar ahaana shacbiga Somaliland, farxada maalinta Ciidal Fidriga awgeed, oo ku beegan Jimcaha beri ah oo ay bisha Shuwaal ee taariikhda Hijriyadu kow tahay. (01/10/1444) Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga u rajeeyay farxad, caafimaad, bash-bash iyo barwaaqo in ay ku ciidaan, Ilaahayna nabadda iyo badhaadhaha u siyaadiyo, acmaashii wanaagsanayd ee bisha Ramadaana innaga aqbalo. Guddoomiyuhu waxa uu bulshada ku booriyay in ay khayrka isku kaashadaan, wanaaga xoojiyaan, isku naxariistaan, is-kaalmeeyaan, isna cafiyaan. Waxaanu Ilaahay uga baryayaa in ciidan, ciideeda ku gaadhsiiyo cimri dherer, caafimaad-qab iyo cibaado suuban. Alla mahad leh Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarinaya mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay inoo xaqiijiyeen mudaneyaal ka tirsan BF. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mooshinkan ay diyaarinayaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa la rabaa in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza. Kaambaynka mooshinkan ayaa si xawli ah u socda, ayada oo Xildhibaanada hormuudka u ah qorshahaan ay isku dayayaan inay taageero u helaan mooshinkooda. Xildhibaanadan ayaa xiriir la sameeyay qaar kamid ah saaxiibadooda Baarlamaanka, kuwaasi oo ay ka dalbadeen inay ka qeyb qaatan mooshinka lagu ridayo xukuumadda Xamza, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha ayaa waxa uu si weyn ugu dhaliilay xukuumadda, oo uu sheegay in isdhex-yaac uu ka jiro hay’addaha dowladda. Ergeyga ayaa xilligaasi wareysi uu siiyay VOA wuxuu ku sheegay in xukuumadda ay sidii la rabay u maamulin dhaqaalaha gargaarka ee lasoo gaarsiiyo, uuna dhowr jeer la wadaagay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Dhaliisha u weyn ee uu ujeediyay xukuumadda ayaa ah in aysan jirin wada-shaqeyn wasaaradaha dhexdeeda ah, taasi oo keentay isdhex-yaac baahsan oo ka jiro hay’addaha dowladda, oo lumisay masuuliyad iska saarida arrimaha mudnaanta leh, gaar ahaan arrimaha gargaarka. Si kastaba, Mooshinkan cusub ee ka dhanka ah xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ee wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah. The post Mooshin lagu ridayo xukuumadda R/Wasaare Xamza oo socda – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - Former President of Hirshabelle regional state and current Special Presidential Envoy for Civilian Protection and Stabilization, Mohamed Abdi Waare, has revealed a political plot by the al-Shabaab group against Ali Jeyte Osman, the governor of the Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
-
Socdaalkii Buugga Maxamed oo ay da’diisu tahay 12 sano, wuxuu ku mashquulsan yahay buuggiisa Ingiriiska Heerka Labaad. Wuxuu ku fooggan yahay oo diirrada saarayaa tuducyada sheekada si uu uga jawaabo su’aalaha ku qoran bogga xiga. Buugaagta saaran miisaska arday kasta oo ay isku fasal yihiin, waxay muujinaysa aqoonta ay u oomman yihiin ee ay rabaan in ay heer ka gaaraan. Buugaagtaan — oo ka kooban Xisaab, Saynis, Soomaali, Carabi iyo Ingiriis — waxay aasaas u yihiin Bar ama Baro oo ah barnaamijka waxbarashada aas-aasiga ah ee degdegga. Mid kasta wuxuu qaatay waqti dheer oo ka soo bilowday diyaarin iyo daabacaad loo sameeyay ardayda iyo macallimiinta ku nool magaalooyinka, xarumaha barakacayaasha, iyo iskuullada ku yaalla miyiga. Waxaa la gaarsiiyay illaa31 degmo oo ka tirsan 4 Dawlad Goboleed oo kala ah Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabelle iyo Banadir. Barnaamijka Bar ama Baro ee ay Maalgeliso Wakaaladda Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) waxay wada shaqeyn fulineed kala dhexeysaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Wasaaradaha Waxbarashada ee Dawlad Goboleedyada si fursado cusub loogu abuuro Maxamed iyo in ka badan 100,000 oo carruur Soomaaliyeed ah. Bar ama Baro, marka laga soo tago dedaallada ay Wasaaraddu ku ballaarinayso waxbarashada asaasiga ah, wuxuu u oggolaanayaa carruurta aan fursadda u helin waxbarashada iyo dhallinyaradu inay ku dhammeystaan waxbarashada hoose ee siddeeda ( sano ah, muddo afar (4) sano ah, ayna u oggolaato inay u gudbaan nidaam waxbarasho oo rasmi ah. Tani waxay u baahan tahay buugaag waxbarasho oo tayo leh oo taageeri kara waxbarashada degdegga ah. Qorista buugaag waxbarasho oo saameyn leh Kahor inta aan buug waxbarasho la siin ardayda, waxay u baahan tahay in la helo koox qoreyaal ah oo u beddela manhajka mid la dabaqi karo, ayna ardaydu la falgeli karaan. Bar ama Baro waxa ay heshiis la gashay Madbacadda Beder oo ah shirkad Soomaaliyeed, sidoo kale na ku tababartay waxyaalaha ay gaarka la tahay waxbarashada asaasiga ee degdegga ah, iyo sidii loo horumarin lahaa hab qorista buugaagta waxbarashada. Barnaamijku wuxuu bixiyey dadaal iyo taageero dhan kasta ah, isla markaana joogto ah, sidoo kale na dib-u-eegis ku sameeyay manhajka waxbarashada asaasiga degdegga ah, baaxaddiisa, heerkiisa iyo buugaagtawaxbarashada iyo ugu dambeyn, isticmaalka buugga hagaha macallinka oo ay horumarinayso Beder. “ Hannaanka qorista buugaagta waxbarashadu waxay martay hab adag oo lagu hubiyay, oo ay ka shaqeeyeen, dib-u-eegisna ku sameeyeen khubaro Soomaali ah si loo hubiyo tayadooda, ayadoo la qaatay dhammaan talooyinka khuburada.’’ Ayuu yiri kormeeraha waaxda qorista Beder, Aaden Cabdullaahi, Ph.D. Isu keenidda khubaro ku taqasusay maadooyinka si ay dib-u-eegis iyo naqshadayn u sameeyaan Cutubyada buugga waxbarashadu waxay soo mareen heerarkala duwan oo dib-u-eegis ah si loo ogaado meelaha kala duwan ee khibradda laga heli karo, loona horumariyo tayada buugaagta waxbarashada, ayadoo ay kasoo bilaabatay Kormeeraha Beder, kooxda farsamada ee Bar ama Baro, kormeeraha Wasaaradda Waxbarashada iyo ugu dambeyn USAID Marka xigta, buugaagta waxaa loo bandhigay bahda waxbarashada y oo ka kala socotay Wasaaradaha Waxbarashada Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed, Dalladaha Waxbarashada, Jaamacadaha, Dugsiyada iyo khuburo Soomaaliyeed si loo helo tlooyinkooda ku aaddan dib-u-eegista lagu sameeyay buugaagta manhajka WAD. “ Aad ayay muhiim u ahayd in dad kala duwan laga keeno bahda waxbarashada qeybahooda kala duwan si ay ugu lug lahaadaan dib-u-eegista iyo hannaanka la socodka buugaagta.’’ Ayuu yiri, Aamin Mukhtaar Axmed, Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarshada ee Hirshabeelle. “ Natiijadeennu waxay xaqiijisay in manhajku yahay mid la isku halleyn karo, waxtar leh oo loo siman yahay.” U beddelidda manhajka, buug Beder waxay u daabacday in ka badan haaf malyan buugaag ah, arday ka badan 100,000. “ Waan ku faraxsanayn, waxayna na siisay dareen weyn oo lagu faani karo inaan markii ugu horreysay gacanta ku hayno buugaag.’’ Ayuu yiri, Maxamed Xassan Mukhtaar, Agaasimaha Waaxda Manhajka ee Wasaaradda. “Waxay ka dhigan tahay guul weyn oo laga gaaray dadaalladayadii aan ku ballaarinaynay helitaanka waxbarashada carruurta iyo dhallinyarada aan dugsiga dhigan.’’ Gaarsiinta buugaagta si kasta oo macquul ah Tillaabada ugu dambeysa waa in ay ardaydu gacanta ku dhigaan buugaagta. Inkastoo ay gaarsiinta bugaagtu ay aad u fududahay marka la joogo magaalada Muqdisho, barnaamijku wuxuu diiradda saaray in buugaagta la gaarsiiyo miyiga iyo meelaha ay adag tahay in la gaaro. Helitaanka buugaag waxbarasho ayaa wax weyn ka beddelay nolosha Maxamed. Wuxuu si fudud u xasuustaa wax kasta oo uu macallinku yiri inta fasalka lagu jiro, wuxuuna sidoo kale xalliyaa leyliska loo diro, taas oo sare u qaadday fahankiisa iyo heerkiisa waxbarasho. W/Q/ Cali Nuur Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Cumar Xasan Rooraaye oo kamid ahaa fanaaniinta Soomaaliyeed ee aadka loo jecel yahay oo shalay galinkii dambe ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa maanta lagu aasay caasimadda Somaliland. Allaha unaxariiste Cumar Xasan Rooraye ayaa ka mid ahaa heesaagii iyo jilayaashii hobolladii Waaberi ee Soomaliyeed. Aaska marxuumka Cumar Xasan Rooraaye ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo qeybaha kale ee bulshada, iyaga oo Eebe uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehelkii, qoyskii, qaraabadii, bahda fanka, shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba dadka afka Soomaaliga ku hadla geerida ku timi Alle ha u naxariistee fanaanka. Wasiirka ayaa marxuunka ku sifeeyey “in uu ahaa heesaa iyo fanaan caan ah oo fanka ku soo jiray muddo ka badan konton sanadood,” wakhtigana ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta. Wasiirka ayaa marxuumka eebe uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii, bahda fanka iyo guud ahaanba shacabka Somaliland uu samir iyo iimaan ka siiyo. Cumar Xasan Rooraaye ayaa fanka ku jiray muddo ka badan konton sano, wuxuuna fankiisu ugu fiicnaa sannadihi todobbaatanaadkii iyo sideetamaadkii. The post Cumar Xasan Rooraaye oo lagu aasay Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay howlgal culus ka sameeyeen agagaarka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyay deegaanka Ceel-Qansax oo hoostaga magaaladaasi, waxaana lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen fariisin ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, isla-markaana ay isku uruursanayeen, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in ay nolosha ku qabteen ilaa iyo 5 ka tirsan xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanada la weeraray. Waxaa sidoo kale saraakiisha Xoogga dalka ay intaasi kusii dareen in ay gacanta ku dhigeen gaari nooca xamuulka qaad ah oo loo yaqaano BG, saanad ciidan, raashin iyo shidaal. Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale isku fidiyan deegaanka howlgalka laga sameeyay oo hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga Galcad, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ku sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda. Galcad ayaa waxaa marar badan isku bed beddalay labada dhinac, kadib dagaallo ka dhacay magaaladaas oo kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee lagala wareegay Al-Shabaab. The post Ciidamada DF oo nolosha ku qabtay xubno Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan shaacisay magaca iyo xogta ninkii fuliyay qaraxii koowaad ee uu ku billowday weerar tooska ahaa oo ay Al–Shabaab bishii January ee sanadkan ku qabsadeen magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, walow haatan kooxda dib looga saaray degmadaasi. Kooxda oo filim ka diyaarisay weerarkaas ayaa ninka fuliyay qaraxa koowaad oo ahaa ismiidaamin ku sheegtay magaciisa Abshir Caamir Isxaaq, kaas oo isku qarxiyay saldhig ay ciidamada Danab ku leeyihiin halkaasi. Ninkan ayaa sidoo kale muuqaalka ay baahiyeen Al-Shabaab ku sheegay inuu kasoo dagaalamay gobollada Baay iyo Galgaduud oo ka kala tirsan Koonfur Galbeed iyo Galmudug Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markii dambe uu ku biiray kooxda is-qarxinta Al-Shabaab, isaga oo ugu dambeyn fuliyay is-miidaamiyay, kuna baxay weerarkii Galcad. Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkii Galcad ku dishay askar badan iyo saraakiil ciidan oo uu ku jiray taliye ku xigeenkii ciidamada Danab oo lagu magacaabi jiray, General Xasan Tuure oo hoggaaminayay howlgalladii Al-Shabaab looga saaray gobolka Shabeelaha Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan. Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta wareysiyo ay ka duubaan maleeshiyada weerarada fulisa, kuwaasi oo laga dheehan karo in dhalinyaradaas lagu maran-habaabiyay diinta, laguna shubay fikir qaldan oo galaaftay nafahooda. Maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada dheelmadka ah ee ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda, waxaana u dambeeyay weerarkii deegaanka Masagawaa oo lagu dilay askar iyo odayaal dhaqameed ku heyb ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda federaalka, waxaana sidoo kale qayb ka ah dadka deegaanka. The post Shabaab oo shaacisay magaca ismiidaamiyihii fuliyay weerarkii lagu dilay Xasan Tuure appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa xabsiga dhexe Exkoontrool Afgooye laga siiyay maxaabiis, kuwaas oo muddooyinkii dambe halkaas ku xirnaa, oo ciidanka Asluubta ay dhaqan celin ku wadeen. Dowladda ayaa sheegtay in maxaabiistaan la siidaayay, kadib markii madaxweynaha Jamhuuriyadda uu cafis u fidiyay, waxaana tiradooda ay gaareysaa ilaa 127 Maxbuus. Maxaabiistaan la siiyaay ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa ku badan dhallinyaro, waxaana lagu soo qabtay falal kale duwan iyagoo dhaqan celin ay ku wadeen ciidanka Asluubta. Dowladda Federalka ayaa mararka ay jiraan maxaabiista waxaa ay madaxda dalka ay cafis u fidiyaan maxaabiista u xiran dambiyada yar yar ee aan dilka uusan ku jirin badanaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho,Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay hoggaaminayay howlgal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ayaa gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo rag & dumar leh. Duqa Muqdisho ayaa marka uu gudaha u galay goobtaas oo lagu caaweynayay garaacay wiilal & gabdho ku jiray kalaabka, kuwaas oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye. Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Wariyeyaasha kula hadlay goobta ayaa sheegay in arrin aan la aqbali karin ay tahay wax ka socdo xeebta Liido, isaga oo shaaciyay in gacmaha ay ula tageen dhalinyaradii ku sugnaa halkaasi, isaga oo uu tilmaamay in qaarkood ay cabsanayeen, ayna isku dayeen inay la dagaalamaan, sida uu hadalka u dhigay. “Dhalinyarada qaarkood waxay isku dayeen illeen waa cabsan yihiinee inay nala dagaalaan ayay isku dayeen, waxaan ilaalinay xabad, waxaan adeegsanay gacmaheena” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dhaliyaradaas qaarkood la xiray, halka kuwa kalena lasii daayay, kadib markii ay u sameeyen la-talin guud. “Dhalinyarada qaar badan waan la talinay, qaarna xabsiga ayaan geynay waaga marka uu beryo ayaana waalidoontooda lagu wareejin doonaa,” ayuu sii raaciyay. Dhanka kale, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa albaabada isugu dhuftay dhammaan goobaha kalaabyada ee ku yaalla Muqdisho, wuxuuna shaaca ka qaaday in aan la furi karin wixii haatan ka dambeeyo. “Laga bilaabo caawa goobahaas iyo kuwa la midka ah waa xiran yihiin, mana la furi karo, sidoo kale magaalada Muqdisho goobaha kalaabyada ay ku yaallaan ee Ummadda iyo dhalinyarada lagu fasahaadinaayo kulli waa xiran yihiin, ciddii furtaana iyadaa mas’uul ka ah” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho. Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo lagula dagaalamayo maan-dooriyaha, burcadda hubeysan & ciyaal-weerada dhibaatada ku haya shacabka caasimada. The post MADAALE oo galay kalaab ku yaallo LIIDO, kadibna sameeyay arrin yaab leh appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaalka ka dhacaya wadanka Sudan ee u dhaxeeya ciidanka Milatariga iyo xoogagga kasoo horjeeda ayaa dib u qarxay, kadib markii lagu guuldareystay dhaqan galinta xabad joojin hal dhinac ah oo Milatarigu ku dhawaaqay, xilli caasimadda Khartoum ay noqotay mid ay ka barakacaayaan kumanaan Qoys oo ka baxsanaya dagaalka. Diblomaasiyiinta iyo muwaadiniinta u dhashay dalalka Mareykanka, UK, France iyo China ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo daadgureeyo dalka Suudaan, iyadoo uu weli dagaalka ka socdo halkaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidamada Suudaan, Madaxa ciidamada Fattah al-Burhan ayaa ogolaaday in la fududeeyo. Milatariga ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in muwaadiniin u dhashay dalalka Britain, Mareykanka, France iyo Shiinaha lagu soo daadgureynayo diyaarado kuwa xamuulka qaada ah oo ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Khartoum, waxaana ay tagi doonaan goobo ammaan ah oo loo diyaariyeen in la dejiyo muwaadiniintan. Taliyaha ciidanka Milatariga Sudan Al-Burhan ayaa la tacaalayaa loolan adag oo awoodeed oo uu kula jiro ninka hoggaamiya kooxda ciidamada sida gaarka ah u taba baran ee Ciidanka Birmadka Degdegga ah ee Dacmu Sariic oo ay iska soo horjeedaaan, . Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaallo todobaad socday oo ka dhacay dalka Sudan. Marka laga tago Diblomaasiyeyaasha waxaa sidoo kale dalkaas ku go’doonsan kumannaan arday oo waxbarasho u joogtay, waxaana inta badan laga daadgureeyay dalkaas, dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in lasoo daadgureynayo Ardayda ku sugan dalkaas ee halkaas uu ku qabsaday dagalka dhacaya tobaadkii labaad. Qorshihii hore ee lagu daadgureeyn lahaa dadka ajnabiga ah ayaan la dhaqangelin cabsi laga muujiyay dhanka badqabka awgeed ah. Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay qabanqaabinayso daadgureynta muwaadiniinta Sacuudiga iyo muwaadiniinta “walalaha ah” ee ka imaanaya Suudaansida ay shaacisay. Dagaalka ka dhacaya dalka Sudan ayaa ilaa iyo hadda waxaa lasoo warinayaa in ay ku geeriyoodeen dad ka badan 2500 ruux, halka ay jiraan dhaawacyo ka badan 5000 ruux sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, dagaalka Sudan ee u dhaxeeya ciidanka iyo xoogagga kasoo horjeeda ayaa wali soconaya iyadoo usan jirin xal laga gaaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay laba nin oo ku hubeysanaa qoryaha AK47, isla-markaana dhac baahsan u geysanayay dadka deegaanka. Mid kamid ah ragga lasoo qabtay ayaa ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, halka kan kalena uu ku howlgalayay burcadnimo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Booliska. “22/4/ 2023 abaaro 10:25pm waxeey gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Boliiska Saldhigga Wadajir 1:Cabdiraxiin Aaran Cabduqadir ka tirsan ciidanka Xoogga dalka 2: Abshir Cali Nuur ku howlanaay burcad nimo kuwaas oo ku hubeysan Qori Ak 47 iyo qori faal ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Boolisla gobolka Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in raggan la horgeyn doono maxkamad, kadibna laga qaadi doono tallaabo adag oo sharci ah. “Waxaana la horgeyn doonaa cadaaladda” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska ee lagu faahfaaahiyay howlgalkaasi. Dhanka kale taliska qaybta Booliska ee gobolka Banaadir ayaa farriin u diray shacabka Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka ee dowladda. “Muwaadin kusoo wargali Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed cid walba oo amniga caasimada dhib ku ah, adigoo soo wacaya nambarka gaaban ee 991.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa gudaha caasimada ka socday howlgallo culus oo lagu xaqiijinayo amniga, ayada oo qayb ahaan amniga magaalada Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Uganda. The post Rag hubeysan oo xalay lagu qabtay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - In the early hours of Saturday morning, the violent extremist group Al-Shabaab launched a brazen attack in central Somalia's Masagaway area, within the Galgaduud region. The militants targeted influential clan leaders, leaving three of them dead and causing multiple casualties. These brutal killings come just two days after a similar Al-Shabaab incursion in the Budbud area of Galgaduud. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree oo ku geeriyooday weerar ka dhacay deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galguduud. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa xusay in falkan Al-shabaab ay kula kaceen Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tarjumeyso cadaawadda iyo arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, ayna tahay in qofkasta uu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha oo ktacsi dirayay . “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Masagawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse maanta ay dhowdahay guushu, maadaama Alshabaab laga sifeeyey deegaanno badan oo dhowr iyo tobon sano ay ku dhibaateynayeen dalkeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey muwaadiniinta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, waxa uuna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray nabadoono ay kooxda Al-Shabaab shalay ku dishay weerarkii qaraxyada ku billowday ee ku qaaday deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud. Madaxweynaha ayaa waxa uu tacsi u diray qoysaska iyo ehellada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree oo ay argagixisadu ku dishay weerarkii shalay ee Masagawaa. Xasan ayaa waxa uu sheegay in falkan bahalnimada ah ee Al-Shabaab ay kula kaceen Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tarjumeyso cadaawadda iyo arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, ayna tahay in qofkasta uu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Masagawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna,” ayuu yiri madaxweynaha. Sidoo kale waxa uu sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse maanta ay dhowdahay guushu, maadaama kooxda Al-Shabaab laga sifeeyey deegaanno badan oo dhowr iyo tobon sano ay ku dhibaateynayeen dalkeenna. Madaxweynaha ayaa u rajeeyey muwaadiniinta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, waxa uuna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso. Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday Masagawaa oo dowladda ay sheegtay inay fashiliyeen ciidamadii halkaasi ku sugna, ayaa waxa ka dhashay khasaare horleh oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta. Labo maalin kahor ayay aheyd markii dagaal qaraar oo jlibka la’isku dhigtay oo ka dhacay deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Waxaa haatan koonfurta iyo bartamaha dalka ka socda howl-gallo culus, iyada oo la filayo in dhawaan uu si rasmi ah u billowdo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray nabadoono lagu dilay weerarkii Masagawaa appeared first on Caasimada Online.
-
Villa Somalia ayaa bilowday abaabulidda siyaasiyiinta reer Puntland ee sida weyn u mucaaradsan madaxweyne Siciid Deni. Villa Somalia ayaa sida la xaqiijinayo raadinaysa in hal isbaheysi oo xooggan lagu mideeyo dhammaan siyaasiyiinta Puntland ee mucaaradsan Siciid Deni. Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxtooyada Soomaaliya dhaqaale gaar ah u diyaarisay hirgelinta qorshahan si ay culays siyaasadeed u saarto Puntland. Tallaabadan ayaa ka danbaysay kadib markii xukuumadda Deni ay xiriirka u jartay Villa Somalia sababa la xiriira khilaaf siyaasadeed. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo samaynaysa isbaheysi mucaarad ah oo ka dhana Siciid Deni appeared first on Puntland Post.
-
Aden Duale, the Defence Cabinet Secretary, on Saturday, April 22, 2022, announced the death of Garissa-based tycoon Mahat Kuno Roble. Source: Hiiraan Online
-
Last Sunday marked the end of the Ethiopian Orthodox Church’s Lenten fasting period, allowing the sale of meat, dairy, and other animal products. Many people were looking forward to purchasing and consuming these items again after abstaining from them for the past two months during lent. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, April 22 (Xinhua) -- Somali security forces killed 38 al-Shabab militants in two separate operations carried out in the past two days. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in militariga Mareykanku ay soo afjareen daadgureynta shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Suudaan, wuxuuna ku baaqay in lasoo afjaro rabshadaha aan “mabda’a laheyn” ee halkaas ka dhacay, iyadoo laba hoggaamiye oo iska soo horjeeda ay ku loollamayaan awoodda Sudan. Biden ayaa u mahadceliyay ciidamada Mareykanka ee fuliyay howlgalkii lagu soo saarayay shaqaalaha Mareykanka ee ku suganaa Suudaan. Daad-gureyntan, ayay Washington ku xirtay safaaradda Mareykanka ee Khartoum muddo aan la cayimin, waxaana shaqaalahan loo duuliyay meel aan la shaacin oo ku taalla Itoobiya, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo xog-ogaal u ah hawlgalkan. Ciidamada Maraykanka ayaa hawlgalkan fuliyay, iyadoo dagaalkani uu u dhexeeyo laba taliye oo hubaysan – kaas oo lagu dilay in ka badan 400 oo qof, kaas oo Sudan galiyay halis burbur iyo cawaaqib xumo ka durugsan xudduudaheeda, waxaana uu dagaalkani galay toddobaad labaad. “Waxaan si weyn ugu faanayaa shaqaalaha safaaradeenna oo waajibaadkooda u gutay si geesinnimo iyo hufnaan leh, isla markaana muujiyay saaxiibtinimada Maraykanka iyo xiriirka dadka Sudan,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray. “Waxaan ka mahadcelinayaa xirfadda aan lasoo koobi karin ee ciidankayaga, kuwaas oo si guul leh shaqaalaha ugu qaaday goob ammaan ah” ayuu raaciyay Biden. Biden waxa uu sidoo kale u mahad celiyay Jabuuti, Itoobiya, iyo Sacuudiga oo gacan ay ka geystay howlgalka lagu soo daad-gureeyay shaqaalaha safaaradda Mareykanka. Biden ayaa ku amray ciidamada Mareykanka inay daadgureeyaan shaqaalaha safaarada kadib markii uu talo soo jeedin ah ka helay kooxdisa amniga qaranka Sabtidii. VOA + AP. The post Mareykanka oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka SUDAN appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaa ka jira in dadka wata baasaboor Soomaaliga laga hor istaagay inay ka cararaan dagaalka Sudan? Dagaalka Sudan ayaa maanta dib u qarxay ka dib markii ay dhaqan geli weysay xabad joojin loogu talagalay munaasabadda Ciidda. War ka soo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in muwaadiniin u dhashay dalalka Britain, Mareykanka, Faransiiska iyo Shiinaha lagu soo daadgureynayo diyaarado kuwa xamuulka qaada ah oo ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Khartoum. Balse waxaa jirta Soomaali ku sugan Suudaan oo arday iyo shacab kale isugu jira kuwaas oo qaarkood ka soo qaxay magaalada khartuum markii uu dagaalka bilowday. Waxay hadda ku sugan yihiin magaala xadeedka Qadaarif. Axmed Xasan Maxamed waxa uu ka mid ah yahay Soomaalidaas ka soo qaxay magaalada Khartuum kadib markii uu qarxay dagaalka Suudaan ee u dhaxeeya milatariga Sudan iyo xoogagga RSF. Axmed oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay ku sugan yihiin magaala xadeedka qadaarif oo ay ku xayiran yihiin. Isagoo ka jawaabaya su’aal ay BBC-da oo ay ah goorta ay ka soo baxeen magaalada Khartuum ayuu Axmed yiri: “Waxaan magaalada khartuum ka soo baxnay maalintii afaraad ee dagaalka taas oo ku beegnayd Arbacadii la soo dhaafay, waxaan u soo baxnay dhankaas iyo magaalada Qadaarif si aanu u gaarno dalkeenii Soomaaliya inagoo sii mareyna xadka Itoobiya balse hadda waxaan ku xayiranahay magaalo xadeedka Qadaarif.” Waxaa intaas ku daray in bilowgii ay ku soo baxeen labaatameeyo arday ah balse hadda Soomaalida ku sugan Qadaarif ay shan boqol ku dhow-yihiin. Maxay tahay Sababta ay ugu xayiran yihiin Qadaarif? Axmed ayaa sheegay in sababta dhabta ah aysan garanayn balse Soomaalidii kale ee wadatay baasaboorrada kale sida Kenya iyo Itoobiya la fasaxay oo ay ka gudbeen xadka. “Waxaan la dhaafeyn ciidamada Suudaan, sababta ay nagu haystaana inooma ay sheegin, aniga ahaan baasaboorkeuyga waa uu shaqeynayaa, Iqaama ayaa ii saaran balse dhanka Suudaan baa nagula haystaa.” “Aniga Axmed ah, waxaan kuwada soconnay 10 arday oo Soomaali wada ah laakiin waxaa nagu jiray labo wiil oo baasaboor Kenyan sitay iyo inan mid Itoobiyaan ah sitay hase yeeshee Saddexdaba waa ay ka gudbeen inagii baasaboor Soomaaliga wadanayna ayaa meesha ku xayiran.” BBC-da oo ay jawaab u raadineysa sheegashada Axmed oo u hadlayay ardayda iyo Soomaalida kale ee ku sugan Qadaarif ayaa waxaanu la xiriirnay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan…. Isagoo ka jawaabaya arrinkaas ayuu safiirka yiri: “Anaga waxaan ognahay oo bartilmaameed qaas ah oo qof Soomaalimada ama inuu wato baasaboor Soomaali ah lagu bartilmaameedsanayo ma jiro laakiin waxaan haynaa in lagu jiro xilli amarjansi ah oo ay imaan karaan caqabado gaar ah ama ha noqoto qof baasaboor ka dhacsan yahay ama ha noqoto qof baasaboorkiisa ka dhumay kuwaas oo aanu diyaar u nahay inaan xallino laakiin ma hayno macluumaad ah in Soomaalida si gaar ah loo bartilmaameedsanaya sababna ma jirto maxaa yeelay wax dambi oo gaar ah ma gelin qofka Soomaaliga.” Dhanka kale Amed ayaa BBC u sheegay inay wajahayaan caqabado ay ka mid tahay kharash la’aan maaddaamaa xawilaad lacag loogu soo diro aysan jirin, kharashkii ay wateena ka go’ay. Wareysiga ay BBC-da la yeelatay Axmed Xasan Maxamed oo dhameystiran halkan ka dhageyso. 04:49 . Muxuu salka ku haya dagaalka Suudaan? Dagaal waddooyinka la isku eryanayo ayaa ka qarxay magaalada caasimadda ah ee Khartoum, 15-kii Abriil kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya hoggaamiyeyaasha labada dhinac – General Burhaan iyo RSF-ta Mohamed Hamdan “Hemedti” Dagalka – oo ku saabsan sidii Suudaan loo maamuli lahaa. Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga. Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya. Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan. Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood. Beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah. Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda Khartuum, loona baahan yahay in xaaladda la dejiyo. Qaran News
-
Maqaal uu qoray Hadraawi saaxiibkiisii koowaad Rashiid Gadhweyne. “Bishii Ramadaan wax aan ahayn soon, salaad iyo quraanka, dhinac baan iska dhigay. Waana sida aan waayoba ka caafimaad-dhigtay. Allaa ku mahad leh oo aan khayr ka tuugayaa. Hadda ayaan u soo jeestay adduun iyo taladii. Wax kale ba ha i sugeen ee maxaa carradii Soomaalida ka socda?! Maxaa looga socda ee looga jeedaa dagaalka Laascaanood laga bilaabay ee ka sii socda iyo waxa kulumay ee ah dad ku dhintay ku na dhaawacmay , qaxa iyo hantida ku burburtay, dadnimada laga baxay ee dugaagow looga guuray? Waxa aan maqlaa kuwo ku dooda Soomaaliland xuduuddeedii bay difaacaysaa oo ay rabtaa in ay sugto. Waaryaaya. Soomaaliland dhul iyo “dawlad ba “ waxaa laga dhigay hal la qalay oo hilibkeedii qabaa’il loo qaybsanayo. Dal mid ah oo dad muwaaddiniin ah ka dhexeeyaa mee? Haddii qabaa’il la isu gu dilo, sow qolo waliba rufuceeda la dhaqaaqi mayso? Hadda Soomaaliland ciidda dhulka ma aha, waayo heerka ilaa hadda la la rafanayo, muhiimku ma aha dalka ee waa dadka. Waxa ay Soomaaliland ku sii jiri kartaa waa dadka oo giddigii ba oggol oo ku nool dal ka dhexeeya oo xuquuq iyo waajibaad ba la siman yahay; lagu na wada dhaqmo sharci aan qabaa’il iyo reero lagu kala ahayn; qof waliba na magaciisa oo keli ah ku helayo xuquuqdiisa ee aan loo abtirinaynin. Sidaas darteed maanta ( maalin kale ha i sugtee) Laascaanood waxa ay Soomaaliland ku noqon kartaa ama xuduudda Soomaaliland ee la sheegay ku xaqiijin kartaa oggolaanshaha dadka dhulkaas deggan. Taasi na waa wax aan dagaal lagu keeni karin. Waa wax aan dhacay in. Dagaalka waa lagu sii kala fogaanayaa waa na la gu sii nacayaa Soomaalilandtan la sheegayo. Dagaalku ilaa weligii wuu socon; cid la dhammaynayo na ma jirto. Aakhirka hubaal Soomaaliland waa ay ku bururaysaa dagaalka Badbaadadu waxa ay ku jirtaa in dagaalkan axmaqa ah degdeg loo joojiyo oo dadku isu yimaaddo oo heshiis nabadeed iyo hab hannaan lagu wada noolaan karo, lagu wada raalli yahay la dejisto; loo hawlgalo hirgelintiisa. Tu kale ku darsada cid waliba(qadiil iyo degaan kii aad doonto dheh), haddii uu isku raaco intiisa wuu u la guuri karaa meel kale. Ayaandarro! Hoggaan bay u baahantahay aan maanta iyo berri dhow toona aan soo muuqannin. “Cirridka aan arkayo ilko ka ma soo jeedaan”. Ha i la yaabina. Yididdiilo darrada igu jirta iyo hadalkani isma lahee. Hayeeshee, waa sidii ay odhan jireen ee “ma i tidhi waa kayd rag “ bay iga tahay. Mar kale ayaan, haddii Alle idmo, ka hadli doonaa”. Qaran News
