-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage ayaa shaaciyay in howl-galkii Ceel-qaboobe lagu laayay Ajaanib ka barbar dagaalameysay kooxda Al-Shabaab, halka kuwa kalena nolosha lagu qabtay. Jeneraal Odowaa oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay “in ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka oo ku howl-galayay xogo ay horay uga hayeen cadowga ay ku beegsadeen deegaan 30-KM dhanka koofureed kaga beegan degmada Xarardheere. Waxa uu sheegay in kooxda ay halkaasi doomo u rarnaa xilligaasi kala degayeen hub iyo agab kale oo ay doonayeen inay ummadda ku dhibaateeyaan, isagoo sheegay in kooxda laga gubay gaari weyn oo ay kusoo diyaariyeen waxyaabaha qarxa, lagana qabsaday gaadiid dagaal, sida uu sheegay. “Gaadiidka wuxuu ahaa gaadiid xamuul ah oo waxyaaba ay doomo ku keeneen ay kusoo qaadeen, oo ay rabeen inay ku dhibaateeyaan waxyaabaha qarxa oo ay ka mid yihiin baarruudaha TNT loo yaqaan iyo waxyaabaha la midka ah, gaari weyn oo BG ah oo ay alaabtaas ku sideenna waa la gubay ” ayuu yiri Jeneraal Odowaa. Waxa uu intaas kusii daraya in xubnaha Ajaaniibta ah ee la dilay iyo kuwa la qabtay ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay xilligaasi ku guda jireen dejinta iyo daabulidda hubka ay doomaha kala soo dagayeen kooxda. “Majiro wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka xoogga, kuwa deegaanka iyo dadka shacabka ah ee halkaasi ka dhawaa, wuxuuna howl-galka u dhacay si taxadar iyo xog ogaalnimo ah, iyada oo feejignaanta ciidankuna ay aheyd mid sareysa.” Si kastaba, Howl-galkaan uu sheegay in taliyaha ciidanka xoogga ay ku dileen xubno ajaanib ah oo ka barbar dagaalamayay kooxda ayaa ahaa mid qorsheysan oo aroornimadii hore ee saaka ka dhacay deegaanka Ceel-qaboobe oo qiyaastii 30-KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. The post Odowaa oo shaaciyay in ay dileen ajaanib ka tirsaneyd Al-Shabaab, qaarna ay qabteen appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka daah-frutay shir muhiim u ah dhameystirka Dastuurka, kaasi oo socon doona muddo saddex maalin ah. Shirkan oo u dhaxeeya hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa waxaa daah-furay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud. Banbax-howleedkan oo u dhaxeeya hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka iyo Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa looga hadlaya sidii ay qorshe wada-shaqeyneed u dejisan lahaayeen saddexda hay’ad ee loo igmaday dhameystirka Dastuurka dalka. Sidoo kale waxaa kulankaan ka qeyb-galay wasiiru-dowlaha wasaarada Avv Muumino Sheikh, Xoghayaha Joogtada Faysal Aadan guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee dib-u-eegista iyo hirgalinta Dastuurka Burhan Aadan, guddoomiyaha guddiga la socodka Dastuurka ee BFS Xuseen Iidow iyo marti sharaf kale. Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo shirkaan furay ayaa waxa uu sheegay kulankaan uu yahay wejigii saddexaad ee dhinacyadan iskugu imaadan, ee laga yeesho dib u eegista Dastuurka, “Halkaan waxaa ku dhameystiran hay’addihii iyo guddiyadii u xilsaarna, waa maalin taariikhi ah maanta.” “Waxaa kale oo ogtihiin in Dastuurka intiisa badan uu diyaar u yahay farsamo ahaan oo dhameystiran yahay in la geeyo Baarlamaanka, marka maanta si geesinimo leh oo dhiiranaan leh u dhihi karnaa wejigii u dambeeyay ee saddexaad ayaa galeyna oo waa maalin taariikhi ah.” Guddoomiyaha guddiga la socodka Dastuurka ee BFS Xuseen Iidow uu isaguna ka hadlay furitaanka shirkaan ayaa waxa uu sii faah-faahin dheeraad ka bixiyay ajendaha shirkaan oo ah wejigii saddexaad ee dhinacyada ku shaqada leh Dastuurka ay iskugu imaadan. “Kulankeena ayaa waxa uga hadli doona afar ajende, 1-Qorshaha koowaad waxa uu yahay hanaankii aan ku wada-shaqeyn laheyd, 2-Qorshe mideysan oo dowladda federaalka iyo hay’addaha kala duwan oo Dastuurka uga shaqeynayaan oo Soomaalida fahmi karto iyo dadka na-saacidaya ee raba inay na kaalmeeyaan, 3-Dastuurka waxaa lagu hayay banaanka muddo 10 sano ku dhaw, waxaa la go’aamiyo in Dastuurka la geeyo Baarlamaanka, 4-Jadwalkii uga shaqeyn lahaa Baarlamaanka in aan u gudbino Golaha,” ayuu yiri Xuseen Iidow. Si kastaba, Shirkan ayaa muhiim u ah dhameystirka Dastuurka, waxayna dhinacyadu diirada ku saari doonaan qorshaha wada-shaqeyneed ee saddexda hay’adood iyo sidii loo sii amba-qaadayo dhameystirka Dastuurka dalka oo muddo badan qabyo ahaa loona dhameystiri lahaa. Hoos ka daawo muuqaalka The post DF oo Muqdisho ka daah-furtay shir muhiim u ah dhameystirka dastuurka appeared first on Caasimada Online.
-
“Toloow mee Madaxweynaheeni go’aanka adkaa iyo Wasiiradeeni labada qawlal ka xun bayn jiray ee mid ba mar u jawaabi jiray Xisbiyada Mucaaradka ah. Mise marka ay halkaas oo kale xaalku gaadho warkoodu waa hogosho.” Waxa qoray: Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela. “Xasan Sheekh Maxameed caawa hadal jeedintiisi waxa uu arintii Sool joogtay ku daray Sanaag oo waxa uu ka dhigay in ay tahay qadiyad si isku mid ah labadaa Gobol u saamaysa. Waxa kale oo uu sheegay in ay iyagu arinta wada hadalkeeda ka shaqaynayaan oo ay iyagu soo direen Odayadii dhawan Hargaysa yimi. Ergaygana u magacaabeen. Waxa kale oo uu isticmaalay oo waliba ku celceliyay weedha ah “Goboladii Waqooyi”, isagoo Somaliland u jeeda. Waxa kale oo uu sheegay in Reer Sool iyo Reer Sanaag tooda uun socon doonto. Isagoo arintii Laascaanood joogtay labadaas Gobol ba ka dhaxaysiiyay. Toloow mee Madaxweynaheeni go’aanka adkaa iyo Wasiiradeeni labada qawlal ka xun bayn jiray ee mid ba mar u jawaabi jiray Xisbiyada Mucaaradka ah. Mise marka ay halkaas oo kale xaalku gaadho warkoodu waa hogosho.” Qaran News
-
Six General Service Unit personnel were Monday injured after their vehicle was hit by an Improvised Explosive Device in Rhamu, Mandera County. Source: Hiiraan Online
-
“Muuse Biixi, wuxuu ku cadaadinayaa Xasan Sheekh inuu la kulmo” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe sidani yidhi:- “Waxaan ogaaday in Muuse Biixi ku cadaadinayo Xasan Sheekh Maxamuud in ay wada hadal fool-ka-fool ah uu la yeesho. Wuxuu ku dul ciyaarayaa dab Haddii ay dib u bilowdaan wada hadallada Somaliland iyo Somalia, waxay dib u bilaabmayaan oo keliya ka dib marka ay qabsoonto doorasho madaxtooyo oo xor iyo xalaal ah, waxaana wada hadalladaasi hoggaamin doona Madaxweyne la doortay oo sharci haysta” Qaran News
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa xirtay bar-kontarool oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, taasi oo keentay inay xirtaan kontaroolka Gaalkacyo oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gawaarida xamuulka. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa gebi ahaanba diiday inay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay ka gudbaan halkaasi. Wararka ayaa intaas kusii daraya in bar-kontaroolkaas ay ku xaniban yihiin gaadiidka kala duwan ee xamuulka, waxaana durtaba bilaabatay waan-waan la xiriirta arrintaan. Ciidankan gadoodsan iyo saraakiisha horkacaysa ayaa waxaa hadda lagu qancinayaan in ay jidka furaan, islamarkaana fasaxaan gaadiidka ku xanniban halkaasi. Hase yeeshe, saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa dhankooda sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, kuna adkeystay inaysan furi doonin wadada illaa ay ka helayaan xuquuqdooda kaga maqan maamulka Puntland, sida ay sheegeen. Ma ahan markii u horeysay ee ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay xirtaan baro kontarool, balse waa arrin dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga dhacday magaalooyinka Puntland. Si kastaba, Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso uga imaanaya bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii lagu eedeeyay in xukuumadda ay ku mashquushay meel-marinta damaca hoggaanka sare ee maamulkaasi. The post Ciidamo gadoodsan oo xirtay bar-kontarool oo ku yaal Gaalkacyo appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamada sare ee Somaliland ayaa maanta dhaarisay Aamina Cilmi Fariid Badeed oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaysa Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL. Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid Badeed ayaa buuxisay jago ka banaanaatay Golaha wakiillada, taasi oo uu baneeyay Marxuum Nuur Cismaan Guuleed Warsame oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID ee laga soo doortay Gobolka Awdal. Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u gudbiyay in loo dhaariyo marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed jagada ka banaanaatay Golaha Wakiilada, si ay u gudato waajibaadkeeda shaqo. Waxay noqon doonta xildhibaanka kaliya ee dumar ah ee ka mid ah noqon doonta golaha wakiiladda. Qaran News
-
W/Q Xoghaye Yoonis Axmed Yoonis. laascaanood iyo Gud cabdirisaaq khaliif Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waa masuulka saddexaad ee Somaliland, waa masuul weli qayb ka noqon kara xal u raadinta colaadda ka taagan Laascaanood, waa masuul weli kalsooni ka haysta dadka deegaankiisa, oo u tegi kara la hadli kara, ma jiro masuul kale oo ka soo jeeda magalada laascaanood oo haysta kalsoonida deegaankiisa, oo ka shaqayn kara isku soo dhawaynta dadka deegaanka iyo Somaliland. Iyada oo ay sidaas ay tahay in Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif loo arko masuul door weyn ka qaadan Kara xalka Laascaanood mooyee, maaha in lagu fikiro in weerar lagu qaado, Isla markaana la xag xagto, iyada oo fashilka siyaasaddeed ee Xukuumaddu masuulka ka tahay mushkilada ka taagan laascaanood la isku hayo in Dusha laga saaro. Haddii xukuumaddu inun rejo ka leedahay laascaanood cidda ka shaqayn karaa waa Guddoomiye Khaliif. Albaabka kaliya ee maanta laga gali karo xal u helida dhibaatada laas-caanod ka taagani waa gudoomiye c/risaaq Qaran News
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2023-ka, dhaariyay marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaysa Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL. Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid Badeed ayaa buuxisay jago ka banaanaatay Golaha wakiillada, taasi oo uu baneeyay AHN marxuum xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed Warsame, oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID ee laga soo doortay gobolka Awdal. Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 30-kii bishii afraad codsi ay ku dalbanayaan, in loo dhaariyo marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed jagada ka banaanaatay Golaha Wakiilada, si ay u gudato waajibaadkeeda shaqo. Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay xildhibaannada in ay qaranka ugu adeegto si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday. Wa bilaahi tawfiiq Ibraahim Maxamed Cali Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare ee JSL Source
-
Isbaheysiga mucaaradka Kenya ee Azimio ayaa sheegay in ay maanta dib u billaabayaan mudaaharaadyada ka dhacaya magaalada Nairobi ee ay kaga cabanayaan qiimaha maciishada iyo wax isdaba marin la sheegay in lagu sameeyay doorashadii madaxtinimo ee sanadkii hore. Hoggaamiyaha Azimio ahna Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga ayaa waxaa si dirqi ah kaga guuleystay Madaxweyne William Ruto doorashadii dhacday Bishii Agoosto ee sanadkii hore. Odinga ayaa hakiyay mudaaharaadyada saddex toddobaad ka hor kaddib markii madaxweyne Ruto uu sheegay in wadahadal lala yeesho mucaaradka. Odinga ayaa hadda dowladda ku eedeeyay in aanay dhab ka ahayn wadahadalladaasi. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin dibadbaxyada cusub, iyaga oo ku sababeeyay rabshado ka dhacay mudaaharaadyo hore oo ay ku dhinteen saddex qof, goobo ganacsina la burburiyay. Odinga ayaa sheegay 1-dii may in “Boolisku aanay horay u go’aansan karin in rabshado dhacaan ka dibna ay sii wadaan joojinta dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dastuurku ilaalinayo”. “Taasi waa samayn kalitalisnimo. Waxay ka dhigan tahay laalista dastuurka. Waanan iska caabineynaa,” ayuu yidhi Hogaamiyahan Mucaaradka ugu weyni. Source
-
Guddoomiyaha Urur siyaasaddeedka Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ay soo baxayeen warar sheegaya inuu mar kale ka nasanayo Siyaasadda ka dib markii si lama filaan ah dib ugu soo noqday 2022-kii. Haddaba, maxaa keenay shakiga laga muujinayo inuu damaciisii siyaasaddeed, uu soo wajahay ruxan siyaasaddeed xilligan. Lixdan qodob ayaa arrintaas loo aanaynayaa. Niyad jab siyaasaddeed oo soo wajahay, taas oo keentay inuu si weyn uga dhex muuqan waayey ololihii madax tabashada, iyada ololihii iyo galaangalkii siyaasaddeed ee looga bartay ay hoos u dhaceen,taas sabab looga dhigayo garaacista albaabada deegaankìisa oo ku adkaaday, markii loo arkay inuu dhaawac ku yahay taageerada dadka deegaankiisa ee Waddani ku urursan. Duruufo dhaqaale; duruufaha dhaqaale ee soo wajahay ayaa loo aanaynayaa in ay ruxankan qayb ka yihiin, Ururrada siyaasadda ayaa wejihii Hore ee madax taabashada dhaqaale badan Kaga baxay, iyada oo doorashooyinka kalena baahan yihiin dhaqaale badan, taasna waxay keentay ayey leeyihiin dadka siyaasadda faaleeyaa dhaqaale sugaya iyo rejada mustaqbalkiisa inuu isku sidka halka ay dhigi karaan. Ka maquurashadii labadii kulan ee madaxtooyada ka dhacay ee aanu la qayb gelin, tani waa meelaha su’aasha gelisay Gaboose iyo sii wadida damaciisii siyaasaddeed Shaki uu ka muujiyey garabsiinta madaxweyne Biixi, waxyaabaha ugu muhiim ee Gaboose ku riixay inuu damaciisii dib u soo laba kacleeyo waxa loo aanaynayaa inuu madaxweynuhu kalsooni geliyey, oo uu u sheegay inuu leeyahay mustaqbal ifaya, balse taasi sidii uu filayey aanay wada noqon, oo uu dareemay in aanu Madaxweynuhu sidii hore u ahayn, Isla markaana ilaa imika aanu u cadayn inuu dhisayo, sida uu u sheegay dad uu la sheekaystay. Hubi la’aanta doorashada la galayo; Tani waa qodob kale oo la aamisan yahay inuu salka ku hayo ruxanka Gaboose. Madaama oo aan ilaa imika la isku raacin doorashada la gelayo ee soo horeynaysa. Culayska REJO iyo Talo wadaag, Dr. Gaboose, waxa uu isu arkayey inuu noqon karo ururka keliya ee la loollami kara Marka deegaankiisa la eego Waddani, hase yeeshee laba urur ee cusub ee Rejo iyo Talo wadaag falaadh ayey ku noqotay, madaama oo ay sii kordhiyeen tirada Ururrada iyo Xisbiyada ee codka ka doonaya deegaankooda. Si kastaba ha ahaate, ruxankan Gaboose ma joojin karaa, haa, waa haddii uu helo ballanqaadyadan hoose, haddii kale way adkaan kartaa, dhawaaqiisana waa la dhowrayaa. Inuu Jabuuti kala soo noqdo war farxad geliya Inuu Madaxweyne Biixi ka helo balanqaad aanu ka laba labayn oo ah uu ka badheedho dhiskiisa Barwaaqo ama KULMIYE ku doono ha noqdee Inuu taageero dhaqaale uu ku garab istaago Inuu codbixiyaasha deegaanka Madaxweynaha uu ku xisaabtami karo in loo balanqaàdo. Source
-
Janaale (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya madfac ay tuureen ciidamada ATMIS oo ku dhacay beer ku taalla duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Hoobiyaha ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhacay dad shacab ah oo Moos ku rarayay gaari yiilay beerta dhexdeeda oo qiyaastii afar KM u jirta deegaanka weyn ee Janaale. Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay dhacdadaasi, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo kamid ah dadkii rarayay Mooska, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale shanta qof ee dhaawacmay ayaa waxa ku jirta gabar ganacsato ah oo lahayd rarka Mooska laga qaadayay beerta. Gudoomiyaha maamulka deegaanka Janaale Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo wareysi siiyay BBC ayaa ka hadlay falkaasi, wuxuuna sheegay in madfac laga dhex tuuray xero ay dagan yihiin ciidamada Midowga Afrika (ATMIS). Sidoo kale waxa uu intaasi ku dareen inay ciidamada ATMIS qirteen dhacdadaasi, balse ay ku doodeen in loo sheegay in beerta ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab. Al-Cadaala ayaa sidoo kale xusay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaas oo sababay dhimashada & dhaawac. “Waa ka wadahadalnay, inay iyagu tureen ayay sheegeen, waana la wada maqlayay oo jugta dhacaysay sagaal saac iyo bar habeenimo ayay ahayd, Jannaale oo dhan waa laga maqlay, inay tuureena iyagaa sheegay, macnaha way qirteen nimanka aan hadda isla joogno ee ATMIS, waxay dhaheen xog waxa naloo soo gudbiyay in meesha cadow ku sugan yahay, saas darteed baan weerarka u sameynay, koley marka baaritaan baa socda, wixii ka soo baxana dib baan ka soo sheegi doonaa.” ayuu yiri gudoomiye Al-Cadaala. Janaanle ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro loo adeegsado madaafiic oo ay is weydaarsadaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada ATMIS ee ku sugan deegaankaas oo hoostaga Shabeelaha Hoose. The post Hoobiye ku dhacay Janaale oo sababay dhimasho iyo dhaawac appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamo ka tirsan Puntland oo sida ay sheegeen ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa xirtay kantaroolka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Goob-joogayaal kala duwan oo ku sugan Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in Ciidankaas gadoodsan ay gebi ahaanba la wareegeen kantaroolka magaalada. Gaadiidka kala duwan ee xamuulka ayaa sidoo kale ku xanniban kantaroolka Gaalkacyo kadib markii ciidanka gadoodsan u diiday in ay gudbaan. Wararka ayaa sheegaya in halkaas ay ka socoto waan-waan lagu qancinayo ciidanka gadoodsan in ay jidka furaan islamarkaana fasaxaan gaadiidka ku xanniban. PUNTLAND POST The post Ciidamo qabsaday kantaroolka Gaalkacyo oo xannibay isu socodka gaadiidka xamuulka ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qaybgalay kulan dadweyne oo su’aallo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaan iyo doorashada 2026. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in dowladiiisa ay ka go’an tahay in dalka laga xureeyo Al-Shabaab, kadibna ay hirgeliso doorasho qof iyo cod ah sanadka 2026-ka. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in mar kale aan dib loogu laaban doonin teendhada Afisyooni doorashooyinkii ugu dambeeyay ee dalka lagu qabtay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshaha ay haatan bilaabayaan, si looga mara dhaliyo go’aankiisa ku aadan doorashada 2026. “2026 aniga waxaa iga go’an inaan hoolka ku noqonin si aan aniga ugu noqon dadkii igu dooran lahaa waa in aanay u noqon jufo hebeleey wakiiladiina keena waa in aan ku noqon, waan ku tala jirnaa doorasho qof iyo cod ah oo qorshe cad ayaa dowladdaan uga degan, markaan daqiiqadda ugu dambeysa marka sanad ama lex bil ka dhiman tahay ma billaabeynee ee maanta ayaa billaabeynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Dhanka kale madaxweynaha oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay in guul weyn laga gaaray wajigiisa koowaad, isla-markaana wajigiisa labaad haatan laga bilaabayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Howlgalladan ayuu tilmaamay inay muhiim u yihiin isku socodka magaalooyinka, maadaama haatan go’doon laga qaaday Jowhar iyo Muqei “Al-Shabaab waxaan kasoo ciriirinnay dhankii Wabigii iyo dhankii Badda, meel dhexda ah bay ku jiraan, wajigii 1-aad waxa uu ahaa Hirshabeelle iyo Galmudug, Wajiga Labaadna waxa uu noqon Jubbaland iyo Koonfur-galbeed. Maanta waxaa Ilaah mahaddiisa ah in gaariga ka soo baxa Jowhar uu cabsi la’aan ku imaanaya Muqdisho” ayuu yiri sii raaciyay. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ay ku jirtaa marxalad dagaal, kaas oo ay guullo waa weyn ka gaareen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka. The post Madaxweyne XASAN oo sameeyay ballan qaad la xiriira doorashada 2026 appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay kulan Dadweynaha ay su’aalo ku weydiinayeen, kuwaas oo ku aadan sanadka u buuxsamay iyo waxqabadka dowaladda ayaa ka hadlay xiisadda ka taagay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo go’aanka dowladda ee arrintaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay siinayaan in colaadda la joojiyo oo lagu bedelayo wadahadal, taas oo lagu joojinayo dhiiga dadanaya ee Soomaaliyeed: Waxaan mudnaanta koowaad siinaynaa in la joojiyo colaadda socota, la joojiyo dhiigga qulqulaya, kaddibna miis la wada fariisto” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in ay tahay waxaan la aqbali karin in muwaadin Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo calanka Buluuga ah ee Jamhuuriyadda federalka, waxaana uu sheegay in mudnaanta koowaad ay siin doonaan canaka Buluuga ah iyo midnimada Jamhuuriyadda federalka ah, isaga oo garab istaagay reer Laascaano. “Dadka Laascaanood waxaan u haynaa mudnaan gaar ah maadaama ay calankii buluugga ah ku adkeysanayaan, midnimadana u ololeynayaan. Wax aysan raali ka ahayn cidna kuma khasbi karto, waxaanse dooneynaa in rabitaankooda aysan dhiig badan u daadan.” ayuu yiri xilli uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay Laascaanood. Magaalada Laascaanood ayaa waxaa bishii sedexaad ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidanka Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka SSC, waxaana dagaalkaas lagu dilay boqolaal rayid ah sida Qaramada Midoobey laga soo xigtay, iyadoo ay guryahooda ka barakaceen iyo madaafiic kumannaan qoys oo ku dayacan dhulka Miyiga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa maalinta Arbacada ah u safri doona caasimadda dalka Syria ee Dimishiq, isaga oo sheegay in booqashadaasi ay qaadan doonto muddo laba maalmood ah, ayna tahay tallaabo aad u muhiima, oo qayb ka ah, iskaashiga sii kordhaya ee gobolku uu la yeelanayo xukuumada Syria, sida ay baahisay warbaahinta dawladda Iran. Danjiraha Iran u jooga Syria Xuseen Akbari ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA in safarka uu madaxweyne Dr. Raisi uu ku tegeyo Dimishiq maalinta Arbacada ee soo socota inuu yahay mid muhiim ah oo la xidhiidha, isbedelada ka socda gobolkaas. Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee IRNA, madaxweynaha Iran ayaa hoggaamin doona wefti ballaadhan oo ay qayb ka yihiin ganacsato iyo siyaasiyiin kala duwan. Tehran oo saaxiib dhow la ah, madaxweyne Bashaar al-Asad, ayaa taageero joogto ah u fidinaysay Syria, 12-kii sano ee ugu dambeeyey ee ay colaaduhu ka socdeen, hase ahaatee hore uma dhicin in madaxweyne ka socda Iran inuu dalkaas booqdo tan iyo sannadkii 2011, oo ahayd xilligii uu dagaalku ka bilawday Syria. Booqashada madaxweynaha Iran uu ku tegeyo Syria ayaa ku soo aadday, toddobaadyo ka dib markii uu heshiiska taariikhiga ahi dhexmaray dalalka Iran iyo Sucuudiga, oo si weyn isugu haya siyaasadda gobolka, taasoo horseedday inay iridaha u furto in dalalka Carabtu ay dib ula macaamilaan xukuumadda go’doonsanayd ee Syria. Danjiraha Iran u fadhiya Syria ayaa sheegay in safarkani aanu muhiim u ahayn oo keliya Syria iyo Iran, balse uu yahay mid wax wanaagsan ku soo kordhinaya dalalka kale eek u yaalla gobolka. Xukuumadda Syria, illaa haatan faahfaahin kama bixinin safarkan qorshaysan. Madaxweynihii ugu dambeeyey ee ka socda dalka Iran ee booqasho ku taga dalka Syria wuxuu ahaa Maxamuud Axmed Najaat, kaasoo dalkaas booqday sannadkii 2010. Sidoo kale madaxweyne Assad ayaa isagu booqday Tehran bishii May ee sannadkii hore, kaasoo ahaa, safarkii labaad ee uu dalkaas ku tago, tan iyo intii uu dagaalku ka bilawday Syria. Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sannadkii hore bogaadiyey xidhiidhka uu dalkiisu la leeyahay Syria, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah labada dal, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhkaas, sida ugu macquulsan. Iran, ayaa kalmo milateri iyo mid dhaqaale u fidinaysay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Assad, tan iyo markii uu dagaalku bilawday, iyada oo ciidamo u dirtay Syria, ka dib codsi ay sheegeen inay ka heleen xukuumadda dalkaas, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay yihiin la taliyayaal. Marka laga soo tago Ruushka, Iran ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee uu isku halleeyo Assad, kaas oo la tacaalaya dagaalo sokeeye oo dalkaas ka socda, kaas oo ay ku nafwaayeen illaa 500,000 oo qof, halka ay ku barakaceen kala badh shacabka dalkaasi Source
-
Dowladda France ayaa sheegtay in dibadbaxyo waaweyn, oo ay shalay sameeyeen shaqaalaha iyo dadweyne kale, ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidanka booliska. Dadka mudaaharaadayay oo mucaaradsanaa madaxweynaha ayaa dibad-baxooda kusoo aadiyay Maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha Dunida. Dhanka kale qaar ka mid ah dowladaha Yurub ayaa cambaareeyay gacanta adag ee ay booliska kula dhaqemeen dibad-baxayaasha. Source
-
Milatariga Soomaaliya ayaa saaka hawlgal qorshaysan oo uu ka fuliyay duleedka degmada Xarardheere ku dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab. Guddoomiyaha degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa wareysi uu siiyay Telefishka dowladda (SNTV) ku xaqiijiyay warkaas. Guddoomiyaha ayaa sheegay in hawlgalkaas laga fuliyay degaanka Ceel-qaboobe oo qiyaastii 30km dhanka koonfur kaga beegan degmada Xarardheere. Waxa uu sidoo kale sheegay in hawlgalkaas Al-shabaab lagaga furtay hub iyo gaadiid dagaal oo uga yimid dhanka dalka Yemen. PUNTLAND POST The post Milatariga Soomaaliya oo duleedka Xarardheere ku dilay 60 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay kulan dadweynaha ay su’aalo toos ah ay ku weydiinayeen madaxweynaha ayaa soo hadalqaaday khilaafka u dahxeeya dowladda iyo muumulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isaga oo carabka ku dhuftay in la xalin doono. Madaxweynaha ayaa sheegay in xalinta arrintaas loo xil saaray guddi madaxweyneyaal dowlad goboleedyo ah, kuwaas oo sedex xubnood ah, waxaana xusid mudan in hore wasaaradda arrimaha gudaha ay sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xalinayo tabashooyinka siyasadeed ee madaxda ay qabaan sida uu sheegay wasiirka. “Madasha aan isugu imaanno dowlad-goboleedyada dalka dhammaantood waa ka soo qeyb-galeen, markii laga reebo kulankii ugu danbeeyey ee Baydhabo. Hadda saddex Madaxweyne oo dowlad-goboleed ayaan u xilsaarnay in ay soo dhegaystaan tabashadooda. Ma jiraan wax aan annagu ilaa haatan ognahay, ama nalala wadaagay oo ku saabsan waxa ay diidan yihiin.”ayuu yiri madaxweynaha oo ka jabaayay su’aal laga weydiiyay khilaafka ka jira. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaan ka qeyb galin shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashaga qaran ee ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo madaxdu ku heshiisay go’aanno dhowr ah, waxaana madaxweyne Deni uu sheegay in Puntland ay si gaar ah ula kulmi doonto dowladda Federalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Algiers (HOL) - In the vibrant city of Algiers, an enthralling match awaits us as Somalia and Congo prepare to lock horns in their second Group A encounter of the TotalEnergies U17 Africa Cup of Nations. Two teams, both bearing the scars of defeat from their opening games, now face a pivotal moment in their quest for glory. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu soo weydiinayeen su’aalahooda la xiriira dowladnimada iyo waxqabadkiisa sannadkii tagay ayaa sheegay in doorashada soo aadan aan lagu laaban doonin Afisyooni. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashada ka shaqeynteeda ay ay bilaabi doonaan sanadkaan 2023, taas oo uu sheegay in looga golleeyahay inaan waqtiga doorashada isqabsi imaanin, laakiin meesha kama saarin in loo baahan yahay wadashaqeynta dowladda iyo dowlad goboleedyada si looga gaaro hadafka doorasho qof iyo cod. “Waxaa iga go’an in aynan ku laaban hoolkii Afisyoone, dowladda qorshe ayaa uga deggan doorashada qof iyo cod. Maanta ayaa bilaabaynaa geeddi socodka 2026-ka. Dadkii Hoolka dadka ku dooran lahaana waa in aysan u laaban Jufo hebeley wakiilladiina keena, waa ku talo jirnaa qorshe cad ayaa dowladda uga degan” ayuu yiri. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ayaa 10-kii September 2012 maalinimo Isniin ah waxaa lagu doortay Teendhada Afisyooni, waxaana xildhibaannadii doortay soo xulayay Odayaal dhaqameedyo, taas oo aheyd nimaad ay ku heshiiyeen saamileyda siyaasadda dalka xilligaas talinaysay. Doorashadii xigtay ayaa markale waxaa la isugu tagay doorashadii 2017 8-dii February, markaas oo la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana xilligaas doorashada Xildhibaannada lagu soo xulay ergo ka kooban 51, kuwaas oo markale Teendhada Afisyooni ku doortay madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Farmaajo. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xilka kala wareegay madaxweynihii uu xilka ku wareejiyay, isaga oo markale dib loo soo doortay, waxaana doorashadii madaxweynaha 15-kii May 2022, xildhibaannadii doortay soo xulay Ergo ka kooban 100 xubnood, kuwaas oo 50 ka badan tii ka horeysay. iyadoo Afisyooni lagu soo khatimay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federlka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inaan dib loogu laaban teendhadii sedexda xilli lagu doortay madaxda dalka, waxaana sidoo kale uu carabka ku dhuftay in ay muhiim tahay wadashaqeynta madaxda dowladda iyo sidoo kale dowlad goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - In a televised question-and-answer session in Mogadishu on Monday, President Hassan Sheikh Mohamud discussed his government's accomplishments and addressed various topics, including the war against Al-Shabaab, debt forgiveness, finalizing the constitution, the 2026 election, frontline forces, and Mogadishu's safety and security. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa faro-gelisay arrin labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka taagnayd garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, taas oo saameyn ku yeelatay hab sami u socodka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho. Hay’adda ayaa sheegtay in maalmihii u dambeeyay ay soo gaarayeen cabashooyin la xiriira rakaab ku daahay gudaha garoonka, gaar ahaan qaybta Terminalka, taas oo ay ugu dambeyn xalisay, kadib markii ay dadkaasi u dirtay magaalooyinka ay u safrayeen. Sidaas daraadeed Hay’adda Duulista Rayidka oo ka duuleysa dhibaatadaasi ayaa soo saartay saddex qodob oo ku socdo dhammaan shirkadaha diyaaradaha, waxayna kala yihiin:- 1-In aan rakaab lasoo xareyn karin waqti ka badan 3 saac kahor, xilliga ay diyaaraddu kici lahayd. 2-In laga bilaabo 2-05-2023 aanay rakaab soo xareyn karin shirkad aan haysan diyaaraddii ay rakaabka ugu adeegi lahayd. 3-Shirkaddii jebisaa qodobada kor ku xusan waxaa lala tiigsan doonaa sharciga, waxayna wajihi doontaa ciqaab waafaqsan Sharciga Duulista Rayidka Soomaaliyeed. Sidoo kale Hay’adda ayaa intaasi kusii dartay inay shirkadaha kala shaqeyn doonto fududeynta tasiilaadka ay u baahan yihiin, si ay shaqada ugu socoto hannaankii loogu talagalay “Haddaba Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shirkadaha diyaaradaha la garab taagan tahay wixii tasiilaad ah ee u fududeynaya inay shaqadooda u gutaan si waafaqsan sharciga” ayay tiri May’addu. Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ah mid mashquul badan ayaa waxaa maalin walba isaga kala goosha diyaarado u baxa gobollada dalka iyo kuwo caalami ah oo isaga kala goosha waddamada kale ee ku yaal caalamka. The post Hay’adda Duulista oo soo faro-gelisay arrin ka taagan garoonka Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.
