Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas waxa uu kaga qayb-galaya shir madaxeed looga hadlayo isku dubaridka ganacsiga gaarka loo leeyahay, si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada. Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah. Safarkan ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ka maqan yahay dalka, islamarkaana uu safar qarsoodi ah ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, sida ay ogaatay Caasimada Online. Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar, ayaa waxa hore ugu sugna wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, kadib markii uu shalay halkaasi kaga qayb-galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda iyo madaxda bangiyada dowliga ah ee dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay. Kulankaas oo looga wada-hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha. Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga dooday sidii dal waliba uu maal-galin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika. Si kastaba, dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmi doona magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika iyo shir-madaxeed looga hadlayo isku dubaridka ganacsiga gaarka loo leeyahay. The post R/W Xamza oo Muqdisho ka dhoofay iyo halka uu kusii jeedo appeared first on Caasimada Online.
  2. Hague (Caasimada Online) – La-taliyaha Madaxweynaha Golaha ee Maxkamadda Dambiyadda Caalimiga (ICC) Mudane Mahad Axmed Xaaji ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu kaga hadlay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay inay ku biirto ICC. Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ayaa waxa uu la-taliyaha ugu baaqay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh in miiska lasoo saaro islamarkaana la ansixiyo kamid noqoshada ICC. Waxa uu Mahad Xaaji xusay in xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Shacabka inay doonayaan arrintan si loo helo cadaalad iyo isla xisaabtan lagana hortago danbiyada dagaal (War Crimes) ee aan xal loo helin ee ka dhaca Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale Dowladda ugu baaqay in ay horgeyso Xeerka dambiyada dagaal ee la yiraahdo Rome Statute, loona baahan yahey in la horkeeno Baarlamaanka inta aan la furin 29 May si loogu daro ajendaha. Mudane Mahad Axmad Xaaji wuxuu ugu baaqey in xukumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Villa Somalia in lasoo dedajiyo xeerarkan, waxaana uu uga digey dib u dhac in aan lagu sameyn kuna bogaadiyey. Ansixinta Xeerka waa shaqo Baarlamaan sida ku xusan marka dal uu doonayo in uu ka mid noqdo ICC. Waxa uu tilmaamay in dowlada aysan ansixi karin Xeerka danbi dagaal ilaa laga soo bilaabey 2002, dowlada doorkeeda waa gudbiyaha natiijada iyo horgeynta Baarlamaanka oo kaliya. Soomaaliya waxaa saaran cunaqabateynta hubka taas oo ay Golaha Amaanka ay saareen, waxaana haddii ay ku biirto maxkamadda ay suuragal tahay in laga qaado. The post La-taliyaha madaxweynaha Maxkamadda ICC oo baaq u diray dowladda Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  3. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta markale u fariisatay dacwadda 13 Askari oo katirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo geystay dilal kale duwan xilli ay ku qornaayeen Ilaalada Isgoyska Siinaay. Dhacdadaan oo dhacday 27-kii Febaraayo 2023 ayaa noqotay arrin tan iyo xilligaas la sugayay in go’aan ay ka gaarto Maxkamadda Ciidamada qalabka, waxaana sidoo kale goobta laga sheegay magacyada dadkii geeriyooday. 1:Ilhaan Cabdijamaal Makki oo ah Hooyo Uur 2: bil ah lahayd ahna Ardayad Jaamacadeed. 3:Cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo ah Wade Gaari. 4:Ilyaas Axmed Nuur, 5:Ayuub Daa’uud Xuseen, 6:-Cabdiqadar Maxamed Xuseen oo ahaa Bajaajle-yaale7:Isxaaq Xuseen Maxamuud. Dadkaan ayaa dhammaantood ku geeriyooday rasaasta ka dhacday Qori Shilka ah oo uu riday Cabdulqaadir Xasan Cabdulle oo ku magac dheer (Sheelari) . Qorigaas rasaasta ka dhacday ayaa sidoo kale geysatay dhaawaca illaa 4-ruux halka khasaara maaliyadeed uu geystay, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ku xukuntay Dil toogasho ah oo ah qisaasta dadka uu nafta dhaafiyay sida uu sheegay Guddoomiye Shuute. Maxkamadda ayaa sidoo kale waxaa ay xukun dil ah ku riday Axmed Mire Cismaan Fiidow (Dhega-weyne), Maxamuud Cabdi Maxamed-nuur (Abooto-koris) & Cabdullaahi Cismaan Isxaaq (Boorow) waxa ay ku eedeysan yihiin in ay dileen Cabdullaahi Maxamuud Hoobley & Daahir Xuseen Axmed oo ahaa Illaalada Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fargax oo laftiisa uu dhaawac soo gaaray. Maxkamadda Ciidamada ayaa Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame & Sayid Cali Cabdullaahi Shiine ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi ciidan ah maadaama ay ku kala eedeysnaayeen in midkood uu billaabay xabadda halka kan kale uu isku dayay in uu marin habaabiyo Xeer Ilaalinta sida lagu sheegay go’aanka xukunkooda loo cuksaday xukunkiisa. Maxakamdda Ciidamada Qalabka sida ayaa xoriyaddiisa dib ugu celisay oo sii deysay Axmed Maxamed Axmed (Macallinka) oo wax dambi ah lagu waayay kaddib markii baaris lagu sameeyay sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Qofkuu doonaba ha ahaadee kii Suuqa Waaheen(Waaheen Market) ka wada wax ka duwan sifadii sharciga ahayd ee Golaha Deegaanku ku waday kuu suurto galimaysee ha daalin(corruption is over)” Xildhibaan Siciid Cudhay Qaran News
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar oo uu kaga qaybgalayo shir ay isugu imaanayaan wadamada Afrika. Shir madaxeedkaan ayaa waxaa looga hadlayaa Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada, waxaana kulankaan soo qabanqaabiyay Bangiga hormirinta Qaaradda Afrika. Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah. Source: goobjoog.com
  6. Garowe (HOL) - Hayle Arabay Hireey, the former Deputy Commander of the Puntland Security Forces at Garowe Airport, was killed Monday morning in Garowe, Puntland's administrative capital. The motives behind the murder is still unclear, yet speculations suggest the possible involvement of pro-opposition militia amid the ongoing regional election conflict. Source: Hiiraan Online
  7. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka safar aan la shaacin ku aaday dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida ay ogaatay Caasimada Online. Safarkan, oo ah mid qarsoodi ah oo aan si rasmi ah loo shaacin, ayaa waxa uu imanaya maalmo kadib markii uu madaxweynaha booqasho rasmi ah ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Safarkan uu saaka ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya safarkii afaraad oo madaxweynuhu ku tago dalkaasi, muddo sanad ah oo uu xafiiska joogo, tan iyo markii dib loo doortay ee 15-ka May ee 2022-ka. Safarkan ayaa imanaya xilli labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan, islamarkaana ay gaareen heshiis militeri oo dowladda federaalka Soomaaliya ka saacidaya la-dagaalanka Al-Shabaab iyo qorshaheeda xasillinta caasimadda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhawaan qiray in Imaaraadka uu Soomaaliya soo garab istaagay xilli ay aad ugu baahneyd, ayna tahay in sida ugu haboon looga faa’iideysto fursada uu siiyay dalkeena iyo kuwa kale ee caalamka ahba ay la garab taagan yihiin. Iskaashiga cusub ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu DF ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtidda dowladda ee amniga. Soomaaliya ayaa rabta inay dhameystirto diyaarinta ciidan ku dhaw 15,000 askari sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Si kastaba, Isku-haynta Qatar iyo Imaaraadka waa tijaabo gaar ah xilligaan, waxaana isha lagu wada haya qaabka sida uu madaxweyne Xasan Sheekh u wada hanan karo cilaaqaadka Doha iyo Dubia. The post Madaxweyne Xasan oo safar qarsoodi ah ku tegay dalka… appeared first on Caasimada Online.
  8. Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf Taaran ayaa maanta oo Isniin ah ka laabtay warqaddii soo xirista siyaasiyiin kamid ah mucaaradka. Warqad rasmi ah oo uu qoray xeer ilaaliyaha guud Axmed Taaran ayuu ku caddeeyay in uu ka laabtay dacwaddii soo xirista siyaasiyiinta kala ah; Maxamuud Shiddo, Xasan Abgaal, Khadar Cabdiraxmaan Faroole iyo Maxamed Leysar. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in warqadda dacwad kala laabashada siyaasiyiintan ay ka danbaysay kadib markii isfaham laga gaaray xiisaddii la xiriirtay doorashooyinka qof iyo cod ee ka taagnayd Garoowe. PUNTLAND POST The post Xeer Ilaalinta Puntland oo ka laabatay warqadii soo xirista siyaasiyiinta mucaaradka ah appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo maanta siyaabo kala duwa uga dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, meelaha fogna laga hago. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay degmada Dayniile, waxaana lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Boolis Milataaro, xilli ay marayeen laamiga dheer ee degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaano Ceel Ifis. Gaariga la qarxiyay oo ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Qooqan ayaa waxaa soo gaaray burbur, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac noqday askartii la socotay. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan illaa laba askari, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo kamid ahaa ciidamada la socday baabuurka la qarxiyay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo dhaawacyada iyo maydadka kasoo qaaday halkaasi, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah isbitaallada Xamar. Waa qaraxii labaad ee magaalada Muqdisho lagula eeganayao ciidanka cusub ee Boolis Milataari, tan markii lagu wareejiyay amniga Muqdisho, waxayna ahayd todobaadkii hore markii Cabdi Bile ay leeyihiin lagu qarxiyay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Dhanka kale, qarax labaad ayaa lagu soo warramayaa inay fashliyeen ciidamada ammaanka, kaas oo ay ku qarxiyeen gudaha dgemada Wadajir ee gobolka Banaadir. Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen qaraxa, isla-markaana uusan geysan wax khasaare ah. “22-05-2023 Abaaro 09:20am Ciidanka Boliiska degmada Wadajir oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ka war helay miino ay khawaarijtu dhigeen guri daaqadiis, waxaana lagu guuleystay in laga hor tago isla markaana si nabad ah lagu qarxiyo ayadoon cidna waxyeelo kasoo gaarin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Booliska. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa caasmada ka socday howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagu fashiliyay weeraro, laguna qabtay hub loo waday Al-Shabaab. The post Qaraxyo maanta ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (HOL) - Mogadishu prepares for the second Somalia-Italy Business & Trade ForumMogadishu is preparing to host the 2nd Somalia-Italy Business & Trade Forum on May 30-31. The event marks a crucial milestone in the economic relations between the two nations, providing a pivotal platform for government officials and corporate executives from both countries to engage, network, and create strategic alliances. Source: Hiiraan Online
  11. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Malaagada Sharma Shiikh ee Dalka Masar ayaa maanta ka qayb galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda iyo Madaxda Bangiyada Dowliga ah ee Dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay. Waasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay kulankii ay yeesheen in ay kaga wada hadleen arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha. Sidoo kale shirka ayaa looga dooday sidii dal waliba uu maalgalin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika. Dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmidoona Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar Shirka sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika, waxaana kasoo qeyb gali doona madax kalw duwan oo ka socota wadamada Africa iyo Bangiga Adduunka iyo hey’adalo kale, kuwaas oo daneynaya Qaaradda Afrika iyo sidii hormarin dhalaale loogu sameyn lahaa Kaabayaasha dhaqaalaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Dalladda urrurrada bulshada rayidka ah ee Puntland PUNSAA ayaa manta 400 korjoogtada maxaliga ah ee doorashada u furtay tababarka hababka casriga ah korjoogtaynta doorashada golayaaasha deegaanka ee la filayo in ay dhacdo 25 bishan Maajo. Tababarrada ayaa si wadajir ah uga furmay Bosaso, Garowe iyo Galkacyo oo ay ku kala sugan yihiin xubnaha korjoogtada ee tegaya goobaha darooshadu ka dhici doonto. Tababarka ayaa soconaya muddo laba cisho ah ayay Korjoogtada ku baran doonaan Daah-furnaanta doorashooyinka ilaalinta Sumcada doorashooyinka Dhisida kalsoonida shacabka ee doorashooyinka Iyo hababka ay u isticmaali doontaan qalabaka korjoogtadu ay ku soo gudbinayaan xogta xarumaha Doorashada sida isticmaalka systemka ODK system iyo sms system. Dallada PUNSAA oo qayb ka ah geedi socodka barnaamijka dimuqraadiyadda ayaa cayaaraysa kaalin korjoogto oo dhex-dhexaad u ah ururrada siyaasadda iyo danayeesha kale ee doorashadaba. PUNTLAND POST The post PUNSAA oo tababar u furtay korjoogtada maxaliga ah ee doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  13. The national government has ramped up its efforts to control illicit trade along the Kenyan coastline following the reopening of the country’s border with Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif oo booqday magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo. Wasiir Jaamac ayaa si weyn u dhaliilay Somaliland, wuxuuna ku eedeeyay inay xasuuq ba’an ka geysatay gudaha magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in magaalada la burburiyay, gaar ahaan guryo, goobo ganacsi, kuwo caafimaad iyo masaajidada, kadib duqeymo lagu garaacay magaaladaasi. “Tagitaankii aan ku tegay Laascaanood iyo dhammaan magaalooyinka ku hareereysan guud ahaan waxaan kusoo arkay dhibaatooyin daahsan oo ka dhashay dagaalkii inta badan ka socday meelahaasi” ayuu yiri wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada dowladda Soomaaliya. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dagaalkan uu ka duwan yahay, kana dhib badan yahay dagaalladii horay uga dhacay waddanka, wuxuuna ku baaqay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo looga hortagayo colaadaasi, laguna garab istaagayo reer Laascaanood. “Kani waxaa weeye dagaal ka duwan kuwii horay uga dhacay dalka, kana dhib badan shacab Soomaaliyeedna lagu xasuuqay arrintaasina waxay u baahan tahay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah.” ayuu mar kale wareysi laga qaaday ku yiri Wasiir Jaamac Xasan. Wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada oo hadalkiisa sii wata ayaa dagaalka ay waddo Somaliland ku sifeeyay mid ay uga soo horjeedo qaranimada Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu raji xumo ka muujiyay guuleysiga in wada-hadal lagu dhameeyo colaadda Laascaanood oo dhowr bilood ka taagan gudaha magaaladaasi. “Waa dagaal ku jiheysan midnimada qaranka, waan qabaa in wadahadalka la raadiyo, laakiin dadka la leynayo kama imaan karto,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post DF Soomaaliya oo Somaliland ku eedeysay inay xasuuq ka geysatay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  15. Beledweyne (HOL) - The Shabelle River, which flooded Beledweyne town, has started to recede since Sunday night, according to community members. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay xalay ciidamada ammaanka Soomaaliya ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay xubno Shabaab ah. Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu soo qantay laba eedeysane oo la xiriiriyay inay yihiin Al-Shabaab. “Howlgal ka dhacay deggmada Howlwadaag ayaa lagu soo qabtay 2 eedeysane oo la rumeysanyahay in ay Khawaarij yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska. Sidoo kale taliska ayaa intaasi kusii daray in howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay waaxda Saqawadiin lagu soo qabtay maandooriye isugu jiro Qamri iyo Calaq. “Ciidanka Amaanka ayaa caawa fiidkii howlgalka Ciiltire ku soo qabtay Maandooriyaha (Qamri iyo Calaq) Dagmada Howlwadaag, gaar ahaan Waaxda 2-aad ee Saqawadiin.” ayaa mar kale yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska Qaybta Booliska ee Gobolka Banaadir. Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgalkan oo lagu magacab Ciiltire uu sii socon doono, isla-markaana ay ka qayb qaadan ciidamada cusub Boolis Milataaro. Ujeedka ayaa ah sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loona ciribtiri lahaa burcaddam maandooriyaha iyo ciyaal-weerada, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. “Howlgalka Ciiltire ee Ciidanka Boliiska, NISA iyo Polizia Militare ayaa ujeedkiisu yahay Xaqiijinta Amniga, Ciribtirka Khawaarijta, Burcadda Iyo Maandooriyaha. Sidoo kale, waxaa lala soo qabtay eedeysanihii waday maandooriyaha” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa caasmada ka socday howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagu fashiliyay weeraro, laguna qabtay hub loo waday Al-Shabaab. Si kastaba, howlgalladan iyo qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka Soomaaliya ayaa keenay degnaasho iyo xasilooni ay dareemeen shacabka Muqdisho. The post Xubno Shabaab ah oo lagu qabtay howlgal ka dhacay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  17. Murankan ayaa markale dib u qarxay, kadib markii wasiirka amniga qaranka Israa’iil, Itamar Ben Gavir, uu safar ku tagay masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus. Wasiirka Israa’iil, ayaa shalay oo Axad ahayd gaaray dhismaha Masjidka Al-Aqsa, iyadoo ay socoto qaban-qaabo xooggan oo dhanka ammaanka ah. Saddex maalmood ka hor, wasiirka Israa’iil, ayaa bannaanbax kala qeyb galay kumannaan taageerayaasha Yuhuudda ah oo ku sugnaa magaalada Qudus. Dibad-baxan ayaa lagu soo beegay xilli xabbad joojinta marinka Qaza aysan ka badneyn muddo dhan hal toddobaad ah. Bishii Janaayo ee sanadkan sidoo kale wasiirka Israel, ayaa socdaal ku tagay magaalada Qudus. Ka dib markii uu tagay Masjidka Al-Aqsa, wasiirka, ayaa waxa uu sawirka ku baahiyey barta Telegram-ka, waxa uuna ku qoray, “Qudus waa nafteenna, hanjabaadda Xamaasna nagama hor istaagi doonto, maanta waxaan tagay macbadka Yuhuudda”. Ururka Xamaas, ayaa kasoo saaray war diidmo ah safarka Gavir ee magaalada Qudus. Iyaga oo ka jawaabaya, Xamaas waxay baahiyeen, “Israa’iil waxay mas’uul ka noqon doontaa galitaanka wasiirkeeda, iyo dadka lagu qasbay safarkaasi.” Dowladaha Sucuudiga iyo Urdun ayaa cambaareeyey safarkan. Dowladaha Sacuudiga iyo Urdun, ayaa ka soo horjeestay tallaabadan uu qaaday wasiirka Israel. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, “Tallaabadan Israa’iil waxay ku jebinaysaa qawaaniinta iyo nidaamka caalamiga ah”. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in tani ay tahay tallaabo lagu kicinayo shucuurta Muslimiinta caalamka. Waxay ku eedeysay Israa’iil inay mas’uul ka tahay rabshadaha sii socda ee magaalada Qudus. Dowladda Jordan, ayaa sidoo kale ku tilmaantay tagitaanka wasiirka Israa’iil ee magaalada Qudud tallaabo kicin ah. Waxay intaa ku dartay dowladdani in talaabooyinkan ay qaaday Israa’iil ay yihiin kuwo halis ah, iyadoo dhanka kale tilmaantay inaan la aqbali Karin talllaabo noocan oo kale ah xaalad kasta oo lagu jiro. Source
  18. Xiisadda la xiriirta doorashooyinka qof iyo cod ee ka taagan Garoowe ayaa qarka u saaran in maanta heshiis buuxa laga gaaro sida ay xaqiijinayaan xubno ka tirsan dhinacyada muransan. Wada-hadal dheer kadib, dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa labaduba aqbalay waan-waantii laga dhex waday si loo xalliyo xiisadda taagan. Dowladda Puntland ayaa ballan-qaaday in ay ka laabanayso waarankii soo qabashada ee siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan Maxamuud Shiddo iyo Xasan Abgaal. Dhinaca kale siyaasiyiinta mucaaradka ayaa mabda’ ahaan aqbalsan in ay si nabdoon ku qabsoonto doorashada qof iyo cod islamarkaana ay ciidamada ka saaraan magaalada. Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa sida la xaqiijinayo kaalinta ugu muhiimsan ka qaatay xallinta xiisaddan oo lagu wado in ay wada-hadal ku dhammaato. Waxaa xusid mudan in aysan weli fulin qodobada lagu xallinayo xiisadda taagan waxaase lagu wadaa in ugu danbayn maanta lagu guulaysto hawshaas. PUNTLAND POST The post Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Garoowe oo qarka u saaran in heshiis lagu dhammeeyo appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Dayax Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa Facebookiisa ayaa ku shaaciyay xog la xiriirta hubkii maalmo kahor lagu qabtay gudaha dekedda weyn iyo garoonka Muqdisho. Xidlhibaanka ayaa xusay in hubkan iyo saanaddda ciidan ee la qabtay loo waday SSC-Khaatumo, isaga oo dalbaday in loo fasaxo. Sidoo kale wuxuu weerar ku qaaday mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo taliska NISA, isaga oo sheegay in ujeedkooda uu ahaa igu sawir, sida uu hadalka u dhigay. “Dadka SSC. Halgan adag ayay ku jiraan agabkoodana waa u bahan yihiin haloosiidayo, Waxii la-isku sawirikaray waa laysku sawiray,!!” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Dayax. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray ‘Amniga iyo shaqada dadka loohayo ka-runsheegid ayay u baahan tahay, Cajiib waaye,”. Dhinaca kale wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) oo isna erey kooban soo qoray ayaa xildhibaanka ugu jawaabay ‘Af Khawaarij’. Waxaa sidoo kale ka falceilyay arrintan guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo isna usii jawaabay wasiir Al-Cadaala. “In qofkii hadlaba shabadda “Khawaarij” lagu dhufto waxay nuxurka ka qaadeeysaa dagaallan Khawaarijta lagula jiro, waxayna su’aal gelin doontaa qaarka khawaarij ka tirsan ee mustaqbalka la soo qaban doono” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Cali yare Cali. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee haatan xafiiska jooga looga baahan yahay inay adkeysi u yeeshaan dhaliilaha loo jeedinayo “Waxaa masuuliyad iyo ragganimo ah in dhaliisha adkeeysi iyo dul loo yeesho – waana nacasnimo iyo liidnaansho in masuuliyiin muddo (5) Shan sano ah banaanka iyo idaacadaha dhaliil la taagnaa ay muddo sannad ah u gegsan waayaan dhaliisha saaxiibada ka feker duwan.” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali. Dooddan ayaa ka dhalatay howlgal culus oo ay NISA ka sameysay garoonka iyo dekedda weyn, kaas oo lagu soo qabtay huba ay dowladda sheegtay in loo waday Al-Shabaab. The post Xildhibaan shaaciyay cidda loo waday hubkii lagu qabtay Muqdisho iyo falcelin ka dhalatay appeared first on Caasimada Online.
  20. Mogadishu (HOL) - Somali Special Presidential Envoy for Somaliland talks, Abdikarim Hussein Guled, met with the new British Ambassador to Somalia, Mike Nithavrianakis, in Mogadishu on Sunday. Source: Hiiraan Online