Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Maj. Gen. Thomas Chepkuto. Axmed Madoobe ayaa danjire Maj. Gen. Thomas Chepkuto saddex arrimood oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dib u furista xuduudaha labada waddan, arrimaha dhaqaalaha iyo sidoo kale dagaalka Shabaab. Arrimaha muhiimka ee ay isla meel dhigeen labada mas’uul ayaa waxaa ka mid ah sidii loo kordhin lahaa howlgallada ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka oo ay ka howlgalaan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah ATMIS. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay kulan dhex-maray madaxweyne Axmed Madoobe iyo safiirka dowladda Kenya, kaas oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. “Madaxweynaha Jubaland iyo Safiirka Kenya ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay furista xuduudaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya oo ahmiyad wayn u leh Shacabka labada dal ee dhinacyada socdaalka, isdhaafsiga badeecooyinka iyo hormarinta dhaqaalaha labada wadan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland. Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Inta uu kulan ku socday waxaa kale oo masuuliyiintu ay ka wada hadleen arimaha amniga iyo howlgalada ay Jubaland ka wado qeybo badan oo kamid ah gobolada Jubaland kuwaas oo lagu cirib tirayo kooxaha Argagixisada ah”. Kenya ayaa xiriir wanaagsan laleh dowlad goboleedka Jubbaland oo ay si gaar ah u taageerto, waxaana la sheegaa in xittaa ay dhismaheeda ay gacan weyn ka geysatay, ayada oo taageereyo Axmed Madoobe. Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan qorshuhu yahay in wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo koonfurta Soomaaliya, kaas oo ay ka wada qayb-qaadanayaan dalalka dariska oo ay ka mid tahay dowladda Kenya. The post Axmed Madoobe oo saddex arrin kala hadlay KENYA appeared first on Caasimada Online.
  2. Sideed “8” Xaaji oo ka mid ah Xujaajta ka yimi dalka Bakistaan Sanadkan 2023 ee Soo gaadhay Magaalada Barakaysan ee Makka ayaa geeriyooday,Halka Lix kalena dhaawacantay Ka dib markii dab ka kacay Hotelkii ay degeen. Hotelka Dabku qabsaday ayaa wararku sheegeen inuu ku yaallo Jidka Ibraahin khaliil ee Magaalada Makka. Halkan Hoose ka dhugo Muqaalka Halka masiibadani ka dhacday Qaran News
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan Garoowe, kaas oo ka dhashay muranka hareeyay doorashooyinka ee u dhexeeyo mucaaradka iyo xukuumadda madaxweyne Deni. Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka oo war culus soo saartay ayaa maanta jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo shaaciyay in mucaaradka ay diideen wadahadal ku saabsan arrinta doorashooyinka qof iyo codka ah, si ugu dambeyn xal waara looga gaaro. Siyaasiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in aysan ka war qabin shir looga hadlayo doorashada oo lagu casuumay, waxayna waxba kama jiraan ku tilmaameen hadalka wasiir Juxa. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in hadalkan uu yahay farriin been abuur ah iyo nooc wax isdaba marin ah, sida ay hadalka u dhigeen. “Madasha Siyaasadda Puntland kama warqabto shirar/wadahadallo horay loo sii qorsheeyay oo looga hadlayo qalalaasaha doorashada Golayaasha degaanka Puntland balse waxaan u aragnaa arrintan inay tahay fariin been abuur ah iyo wax is daba mari”. ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay mucaaradka Puntland ee ku kacsan madaxweyne Deni. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Deni uu ku dhowaaqay go’aan la xiriira doorashada iyo qorshaha xukuumaddiisa, isaga oo shaaciyay in xilligeeda ay ku dhaceyso, taas oo ay si weyn uga soo horjeedaan siyaasiyiinta mucaaradka ee dowlad goboleedka Puntland. Saciid Deni ayaa tilmaamay in aysan jiri doonin cid hor-istaagi karta qabsoomida doorashadan oo ah mida golaha deegaanka oo haatan si weyn la’isugu hayo. Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada, ayada oo ay sii dheer tahay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana la filayaa in doorashada ay billaabatio 25-ka bishan May, walow ay ka biyo diidan yihiin xubnaha mucaaradka Puntland. The post Siyaasiyiinta mucaaradka PUNTLAND oo war culus soo saaray, kana jawaabay… appeared first on Caasimada Online.
  4. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maadaafiic xoogan lagu garaacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi. Weerarkan ayaa yimid, kadib markii ciidamada Somaliland ay madaafiic ku duqeen aagga ay ku sugnaayeen ciidanka SSC oo ku yaalla duleedka magaaladaasi, waxaana kadib jawaab ka bixiyay ciidank deegaanka ee SSC. Mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Cabdiqani ayaa ka warbixiyay hoobiyeyaasha lagu garaacay Laascaanood iyo xaaladda guud ee magaaladaasi. “Dhowr meelood inuu ku dhacay ayaa wararka igu soo gaarayaan, jugtana waa maqlayay, waana xaafadaha dhaca bariga Laascaanood,” ayuu wareysiga laga qaaday ku yiri Cabdiqani Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, oo ay saameyn ku yeeshee. madaafiicda maanta lagu garaacay halkaasi. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan. Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo. Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta. Si kastab, waxaa magaalada Laascaanood dhowr bilood oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan. The post Madaafiic lagu duqeeyay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan kula qaatay halkaasi dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal kobcinta iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagxisada ah. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayaa lagu war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ka gooni mid ah dowladdaha Carbeed ee sida weyn taageera dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa dalka Sacuudiga u tagay maalin ka hor ka qeybgalka Meertada 32-aad ee shir madaxeedka Jamaacadda Carabta oo shalay halkaasi ka furmay, waxaana lagu wadaa mudada uu halkaasi ku sugan yahay inuu kulamo gooni ah uu la qaato qaar ka mid ah madaxda Caranta ee ka qeyb gashay shirka. Source
  6. Taliyaha ciidamada Sudan Lt Gen Abdel Fattah al-Burhan ayaa shaqada ka ceyriyay ku xigeenkiisa iyo taliyaha ciidamada degdega ah ee RSF Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti, kaas oo xilligaan dagaal adag kala soo horjeeda hoggaamiye Al-Burhaani oo Milatariga xukuma. Gen Burhaan iyo Hemedti labaduba waxay soo ahaayeen guddoomiye iyo ku-xigeenka Golaha Sare ee talada haya, siday u kala horreeyaan, tan iyo bishii Oktoobar 2021-kii ee afgambigii militariga oo ay xukuumaddii Rayidka aheyd meesha ka saareen, taas oo khilaaf ka dhex abuurtay. Wareegto soo baxday Jimcihii, Gen Burhaan ayaa ku xigeenkiisa ugu magacaabay hoggaamiyihii hore ee fallaagada Malik Agar. Mr Agar sidoo kale waa xubin kamid ah Golaha Sare, hoggaamiyaha xilka laga qaaday ayaa xukuma xoogagga gurmadka Degdega ee RSF oo ka amar qaata Daqalo. Waxa uu faray xoghaynta Golaha Sare iyo hay’adaha ay khusayso in si deg deg ah loo dhaqan geliyo wareegtada, waxaana xilka ka qaadistiisa kusoo aadaysaa, xilli wadahallo ay u socdaan dhinacyada isku haya awoodda Sudan, waxaana dhaqan gashay xabad joojin ay dhinacyadu ku dhawaaqeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Lixdan iyo saddex sanno kahor, madax ka socota Somaliland ayaa u safray London, oo ahayd xarunta dhexe ee Wasaaradda Mustacmaradaha. Wafdigaas waxaa hoggaaminayay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa Wasiirkii Dawladaha Hoose iyo Hoggaamiyihii Hawlaha Dawladda. Waxaa se wehliyay Axmed Xaaji Ducaale (Keyse) oo ahaa Wasiirkii Khayraadka Dabiiciga ah, Cali Garaad Jaamac oo ahaa Wasiirkii Hawlaha-guud iyo Isgaadhsiinta iyo Xaaji Ibraahim Nuur oo ahaa Wasiirkii Adeegga Bulshada iyo xubno kale oo farsamo. Afartu waxay kala matelayeen labo xisbi oo isbaheysi ku jiray, oo haddana ahaa kuwa ugu saameynta weyn Somaliland. Waa Xisbiga Ururka SNL loo soo gaabiyay ee Somali National League oo ay matelayeen Cigaal iyo Axmed Keyse iyo kan Xisbiga midnimada Soomaalida ee USP oo ay ka socdeen Cali Garaad Jaamac iy Xaaji Ibraahim Nuur. Waxay London kula yeesheen Wasaaradda Mustacmaradaha ee Ingriiska shir socday 10 maalin oo ay ku doonayeen xornimada Somaliland. Shirkaas waxaa lasoo gebogabeeyay 12kii May, 1960kii iyada oo lagu saxiixay in Somaliland xornimo qaadato 26 Juun 1960. Waxa heshiiskaa qalinka ku duugay mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo mudane Iain Macleod, Xoghayihii Xafiiska Mustacmaradaha Biritayn. Waayo afartii nin ee Ingiriis kala heshiisay xornimada Somaliland? Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Cigaal wuxu dhashay sannadkii 1929-kii, wuxuuna geeriyooday 2002-dii. Wuxu noqday xoghayihii guud ee xisbigii SNL iyo xubin ka tirsan golihii ugu horreeyey ee barlamaan ee Soomaaliland ee la doortay bishii Febarwari 1960. Cigaal waxa laga soo doortay degmada Berbera, isaga oo sidoo kale noqday Wasiirkii Dawladaha Hoose iyo Hoggaamiyihii Hawlaha Dawladda xiligii kala guurka iyo shanti maalmood ee xorriyadda ee israaca ka horreeyey. Markii israacu dhacay Cigaal wuxu noqday Wasiirkii ugu horreeyey ee Difaaca iyo Wasiirkii Waxbarashada ee maamulkii Aadan Cadde iyo Cabdirashiid. Sannadkii 1964 ayuu Cigaal isbahaysi siyaaseed la galay siyaasiyiin kale oo uu hormood u ahaa Sheekh Cali Jimcaale, waxayna ku midoobeen xisbi mucaarid ah oo loo yiqiin SNC. Muddo ayuu Cigaal mucaarid ahaa. Ugu dambeyn, Cigaal wuxu galay xisbigii xukuumadda ee SYL. Wuxu xulafo siyaaseed la sameeyey Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isna markaa mucaarid ahaa. Cabdirashiid iyo Cigaal waxay ku guulaysteen doorashadii, wuxuuna Cigaal noqday raysalwasaare 1967. Waxaa la afgembiyay xuumaddii rayidka ahayd ee Cigaal todobaad kaddib dilkii madaxweyne Cabdirashiid. Kadib waxa uu xirnaa ilaa 1975, isaga oo kadibna noqday Danjirihi Soomaaliya ee dalka Hindiya. Markale ayaa dib loo xiray sannadkii 1976. Cigaal wuxu ka mid noqday shirgudoonkii shirkii kowaad ee dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee Jabuuti martigalisay 1991. Ugu dambeyn, Cigaal wuxu noqday madaxweynihii labaad ee Soomaaliland 1993. Mar kale ayaa xilkaa dib loogu doortay sannadkii 1997, wuxuuna geeriyooday isaga oo xilka haya sannadkii 2002. Axmed Xaaji Ducaale Cabdalle (Axmed-Keyse) Axmed-Keyse wuxu dhashay sannadkii 1928, wuxuuna geeriyooday 2020. Axmed wuxu noqday kaaliyihii komishineerka ee degmada Laascaanood 1952-1954. Sidoo kale, Axmed wuxu ka mid ahaa xisbigii SNL, wuxuuna noqday xubin ka tirsan golihii ugu horreeyey ee barlamaan ee Soomaaliland ee la doortay bishii Febarwari 1960. Axmed waxa laga soo doortay degmada Burco. Waxa uu Axmed sidoo kale noqday Wasiirkii Khayraadka Dabiiciga ah ee maamulkii wakhtigii kala guurka iyo shanti maalmood ee xorriyadda ee israaca ka horreeyey. Markii israacu dhacay Axmed wuxu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee beeraha ee maamulkii Aadan Cadde iyo Cabdirashiid. Axmed xilkaa wuxu hayey muddo yar, wuuna iska casilay. Muddo yar kaddib, Axmed wuxu iskaga baxay baarlamaankii, isaga oo saluugsanaa hanaanka shaqo iyo farsamo ee dowladdii cusbeed ee Soomaaliya. Muddo kaddib, Axmed waxa loo magacaabay danjire, wuxu ku soo shaqeeyey xilal danjiranimo, wuxuuna Soomaaliya danjire uga noqday dalal ay ka mid yihiin Jarmalkii Galbeed iyo Masar. Todobaatanadii, markii uu Axmed ka tagay shaqadii dawladda, wuxu ka shaqo bilaabay Baanka Islaamka ee xaruntiisu tahay Jidda, Sucuudiga. Kaddib, Axmed wuxu u wareegay dhanka dalka Maraykanka oo uu shaqooyin kale ka qabtay ka hor intii aanu halkaa ku geeriyoon. Cali Garaad Jaamac Cali Garaad Jaamac wuxu ku dhashay gobolka Sool, wuxuuna ku geeriyooday magaalada Muqdisho sannadkii 1986. Cali Garaad wuxu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbigii Midnimada Soomaalida ee USP, wuxuuna noqday gudoomiyihii xisbiga. Cali Garaad wuxu noqday xubin ka tirsan golihii ugu horreeyey ee barlamaan ee Soomaaliland ee la doortay bishii Febarwari 1960. Cali Garaad Jaamac waxa laga soo doortay degmada Laascaanood. Waxa uu sidoo kale noqday Wasiirkii Hawlaha-guud iyo Isgaadhsiinta ee maamulkii wakhtigii kala guurka iyo shanti maalmood ee xorriyadda. Wakhtigii israaca ka hor, Cali Garaad oo ay Cigaal saaxiibo iskudhow ahaayeen ayaa taageeray fikirka ah in wakhti la siiyo midawga oo aan lagu degdegin. Wuxu dadka kala hadlay fagaaraha Khayriyadda Hargeysa. Siyaasiyiintii israaca rabtay iyo dadka oo aad u jibaysnaa ayaa hadalka Cali Garaad kaga warceliyey odhaahda caanka noqotay ee “laa yaa Garaad.” Markii israacu dhacay, sannadihii 1960 ilaa 1964 Cali Garaad Jaamac wuxu wasiir ka noqday wasaaradaha waxbarashada iyo beeraha. Sannadihii 1964 ilaa 1967 Cali Garaad wuxu ahaa xubin baarlamaan. Cali Garaad wuxu qabtay xilkii garaadnimo ee beeshiisa, wuxuuna ahaa oday mucaarid ah oo ka soo horjeeda xukumaaddii Janaraal Maxamed Siyaad hoggaaminayey. Waa aabbeha Garaad Jaamac Garaad Cali oo hadda ah garaadka guud ee beeshiisa islamarkaasna kaalin weyn oo hoggaamineyd ku leh colaada Laascaanood. Xaaji Ibraahim Nuur Jaamac Xaaji Ibraahim Nuur wuxu ku dhashay gobolka Awdal. Xaaji Ibraahim wuxu ka mid ahaa aasaasayaashii iyo hoggaankii xisbigii USP, wuxuuna noqday xubin ka tirsan golihii ugu horreeyey ee barlamaan ee Soomaaliland ee la doortay bishii Febarwari 1960. Xaaji Ibraahim waxa laga soo doortay degmada Boorama. Dhanka kale, Xaaji Ibraahim wuxu noqday Wasiirkii Adeegga Bulshada ee maamulkii wakhtigii kala guurka iyo shanti maalmood ee xorriyadda ee israaca ka horreeyey. Markii israacu dhacay, sannadihii 1960 ilaa 1964 Xaaji Ibraahim wuxu ahaa xubin baarlamaan, mana uu qaban wax wasaarad ah. Wakhtigii dambe, Xaaji Ibraahim wuu ka nastay siyaasadda oo wuxu u wareegay hawlihiisii ganacsi. Xaaji Ibraahim wuxu ahaa maalqabeen hanti badan leh. Dhanka kale, Xaaji Ibraahim wuxu ahaa halgamaa iyo oday wax badan ka soo qabtay hawlihii xorriyad-doonka Soomaalida. Sidoo kale, wuxu qayb libaax ka soo qaatay dhisidda aqoonta iyo dhaqaalaha bulshada ee degaanada galbeedka, gaar ahaan degaanada Saylac, Borama, Jaaraahorato iyo Dila. Source
  8. Laascaanood (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ay dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay weli ka socdaan dagaallo u dhexeeyo ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo. Wafdigan ayaa waxaa horkacayo wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, kaas oo kulamo ka bilaabay xarunta Sool ee Laascaanood. Wasiirka ayaa la kulmay gudiga 33 ee SSC-Khaatumo oo uu ka xog wareystay xaaladda murugsan ee magaalada Laascaanood oo dhowr bilood ay dagaallo culus ka socdaan. Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay dhibaatooyinka ka dhashay dagaalladii xooganaa ee ka dhacay magaalada Laascaanood, kuwaas oo sababay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale waxaa la filayaa in wasiirka iyo wafdigiisa ay booqdaan xarumaha muhiimka ah ee magaalada oo burbur laga dareemayo iyo saameynta ay ku yeesheen dagaalladaasi. Waa wasiirkii ugu horreeyay ee ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee tago magaalada Laascaanood, tan iyo markii uu ka billowday dagaalka Somaliland iyo SSC. Booqashada wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso, xilli ay mar kale dib u qarxeen dagaallada u dhexeeyo labada dhinac oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay bariga iyo galbeedka magaalada Laascaanood. Dagaallada ayaa ku billowday kacdoon xoogan oo ka dhashay dilkii loo geystay marxuum Cabdifataax Hadraawi, wuxuuna isku beddalay arrin siyaasadeed iyo mid qabiil. The post Wasiirkii ugu horreeyay ee ka socda DF oo tegay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  9. Xogo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in aan weli lagu guulaysan xallinta xiisadda siyaaaadeed ee ka taagan barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland. Siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan barnaamijkan ayaa ciidamo dhigay jidadka ka baxa magaalada Garoowe halkaas oo la marin lahaa qaar kamid ah sanaadiiqda cod-bixinta doorashooyinka. Ciidamada taabacsan mucaaradka ayaa ku sugan togga Laacdheere oo uu maro laamiga u baxa dhanka Gaalkacyo iyo sidoo kale dhoodida Bixin ee laamiga waqooyi. Dhinaca kale ciidamada dowladda ee loo diyaariyay in ay qaadaan sanaadiiqda cod-bixinta ee degmooyinka Mudug iyo Nugaal ayaa ku sugan Garoowe welina lama qaadin sanaadiiqda. Siyaasiyiinta diiddan doorashooyinka qof iyo cod ayaa sida la sheegayo dalbanaya in marka hore Madaxweyne Deni uu caddeeyo mowqifkiisa doorashada madaxtooyada Puntland ee 2024. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee xiisadda ka taagan doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Wanlaweyn (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed kasoo cusboonaaday duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn, waxaana labada dhinac ay isku weydaarsadeen labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof oo isugu jiro labada dhinac, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu salka ku hayo muran dhuleed soo jiitamayey lixdii sano ee lasoo dhaafay, kaas oo hadda sababay inay dagaalamaan labada dhinac. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta degmada iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan dagaalkaasi u dhexeeyo beelahaaasi. Sidoo kale ma jirto cid kala dhex gashay labada dhinac, taas oo uga sii dareysa xiisadda colaadeed ee ka jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi. Wanlaweyn ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo laa laabanayay weerarada hubeysan iyo dagaal beeleedyada, kuwaas oo uu khasaaraha u badan kasoo gaaro rayidka. The post Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay SH/ HOOSE appeared first on Caasimada Online.
  11. Doorashada Turkiga oo la gudo galay wareegga labaad ayaa waxaa maanta oo Sabti ah bilaabatay codbixinta ay ka qeyb qaadanayaan muwaadiniinta dalka Turkiga, kuwaas oo ku kala sugan wadamada caalamka, waxaana ay Codbixintu socon doontaa ilaa 24ka May. Guddiga sare ee doorashada ee loo soo gaabiyo (YSK), ayaa waxaa laga soo xigtay sanaadiiqda cod bixinta in la dhigi doono ilaa 167 goobood oo ka mid ah 151 wakiillada Turkiga ee 73 waddan, kuwaas oo ay ku nool yihiin muwaadiniinta Turkida ee Qurbojoogta ah. Doorashada Qurbajoogta marka ay dhamaato habka cod bixinta ee dibadda, codadka waxaa la geyn doonaa dalka Turkiga , halkaas oo lagu tirin doono, iyadoo si weyn loo sugayo amniga sanaadiqda, doorashada sanadkaan ayaa siweyn ah mid la isugu haayaan dhinacyada. Doorashada guud ee gudaha dalka Turkiga ayaa waxaa ay bilaaban doontaa 28-ka May, waxaana socda ololihii ugu dambeysay, taas oo u dhaxeysa xisbiga talada haya iyo Jamhuuriga, waxaana dhinac walba uu isku dayayaa inuu taageerayaashiisa ku qanciyo in ay codka siiyaan. Madaxweyne Erdogan ayaa sanadkaan cadaadis adag kala kulmaya Kemal Kılıçdaroğlu oo ah hoggaamiye xisbiga Jamhuuriga, kaas oo lagu eedeeyo inuu u janjeero siyaasadaha reer Galbeedka iyo dowladda Mareykanka, halka Erdogan dhankiisa uu ku faanayo in 20-kii sano ee lasoo dhaafay wax badan uu ka qabtay dhaqaalha dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Las Anod (HOL) - In an unprecedented move amid ongoing hostilities, Jama Hassan Khalif, Somalia's Minister of Communications and Technology, visited the contested town of Las Anod. The visit marked the first occasion a representative of the federal government had set foot in the city since the conflict erupted between the Somaliland army and the SCC-Khatuma forces. Source: Hiiraan Online
  13. Wararka ka naga soo gaaraya magaalada Laascanood ayaa sheegay in wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowl Federalka Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif uu tagay magaalada, Wararka ayaa intaa ku daraya in uu kulamo la yeeshay gudiga 33 ee SSC ee maamula magaalada Laascaanood Waa wasiirkii ugu horeeyay ee ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ee tago magalada Laascaanood. Lama oga in uu weli magaalada joogo iyo inkale. Dagaalka Laascaanood ee ku billowday dilka Cabdifataax Hadraawi wuxuu u xuubsiibtay qaddiyad siyaasadeed iyo mid qabiil intaba. Wuxuu kaloo saamayn ku yeeshay wixii wadahadal ah ee laga yaabo inay dhex maraan Soomaaliya iyo Somaliland, waayo maamulka Somaliland wuxuu u arkaa in Puntland iyo dawladda federaalka oo dhinac ah ay dagaalka ka dhacaya magaalada dhinac ka hurinayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. The Phoenix police officers who killed Ali Osman — a 34-year-old man who threw rocks at their patrol car — will not face criminal charges in his death, Maricopa County Attorney Rachel Mitchell announced on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Jimcaha maanta ah gaaray magaalada Jeddah si uu uga qeyb galo shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta, iyadoo Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo si weyn u taageeray Ruushka dagaalka sokeeye, uu sidoo kale goobjoog ka noqon doono kulanka Carabta. Zelenskiy wuxuu ku yimid diyaarad ay leedahay dowladda Faransiiska. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka madaxda G7 ee ka dhacaya magaalada Hiroshima ee dalka Japan dhamaadka todobaadkan. “Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay ciyaareysaa door muhiim ah, waxaana diyaar u nahay inaan wadashaqeynteenna gaarsiino heer cusub,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka wax yar ka dib markii uu halkaasi gaaray. Reuters Qaran News
  16. Mogadishu (HOL) - A contentious episode unfolded on a Tokyo train as JohnnySomali, a notorious livestreamer, targeted passengers with unsolicited remarks regarding World War II. This incident was brought to light after a Korean American individual from Texas stepped in to challenge the harasser. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Onlin) – Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo warbixin cusub soo saartay ayaa soo gabagabeysa qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan. IMF ayaa warbixiteeda ku sheegtay inay soo dhammaatay qiimeyntii ay ku sameysay hannaanka la socodka sharuudaha Deyn cafinta Soomaaliya. Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa sidoo kale ku boggaadisay dowladda federaalka dadaalkeeda ku aadan xoojinta hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, wada-shaqeynta kala dhexeysa deeq-bixiyeyaasha iyo hay’addaha kale ee caalamka. Guddiga sare ee IMF oo warbixintaan soo saaray ayaa sidioo kale sheegay in loo baahan yahay in lalabo jibaaro daadalada lagu dardargelinayo kordhinta dakhliga gudaha si mudnaan loo siiyo beeqaaminta karashbixinta iyadoo la yareynayo bixinta kharashaadka aan daruuriga ahayn. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo, maamulka Guud ee maaliyadda dalka horumar laga sameeyay, hannaanka mideynta mushaar bixinta. Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo isna qoraal kooban soo saaray ayaa ka falceliyay warbixinta IMF. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo warbixinta ka soo baxday hguddiga sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, isaga oo shaaciyay inay ku dhiiragelineyso in ka dowlad ahaan ay xoojiyaan arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta dalka. ” Warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee IMF waa war wanaagsan. Arrimaha dib-u-habeyntu waxa ku socdaan waddadii saxd ahayd, waxaana naga go’an inaan aragno guulo badan inkastoo oo ay jiraan caqabado”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud. Si kastaba dowladda federaalka ayaa sanadihii u dambeeyey waqti badan gelisay barnaamijka deyn cafinta, oo dhammeystirkiisa muhiim u ah dalka, si loo helo maalgashi caalami ah. The post IMF oo soo gabagabeysay qiimeyn ay waday oo la xiriirta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  18. GITEX Africa PRESS RELEASE African leaders defy lacklustre global economy to forge ahead with digital transformation collaborations at inaugural GITEX Africa Digital Summit Generative AI, finance, infrastructure development and investment among core theme explorations at Africa’s most impactful leadership conference programme Access Multimedia Content MARRAKECH, Morocco, May 19, 2023/ — African ministers, government and private sector leaders are set to converge in a powerful cross-continental forum in Marrakech this month to press on with digital transformation alliances as the tech world reorganises itself in the wake of the global digital upheaval. Against the biggest market correction in recent years, Africa continues to march onwards to empower and unify a continent on the cusp of transformative ICT growth, with the GITEX Africa Digital Summit the new focal point steering a pursuit of a unified digital vision. The influential summit will spearhead an inspiring conference programme at the inaugural GITEX Africa 2023 – the largest tech and start-up show in the African continent, taking place from 31 May-2 June – unifying 500-plus policy makers, government heads, investors and academics to explore how technology and connectivity are redrawing the boundaries of sustainable social-economic development for African government, business and society. H.E. Lacina Koné, the Director General and CEO of Smart Africa – the pan-African organisation driving the continent’s digital transformation agenda – is a headline speaker. Koné said digital technologies offer new avenues for economic growth in Africa by accelerating job creation and talent development, supporting access to public services and increasing productivity and innovation. However, challenges remain. “The lack of connectivity in remote and rural regions along with insufficient data protection and high cost of African connectivity have brought new challenges to businesses, governments, and people,” said Koné, who oversees the process of defining Africa’s digital agenda in addition to advancing key continental initiatives. “Intra-governmental cooperation is the key enabler of digital services adoption and acceleration, while mitigating these associated challenges across the African continent.” Koné will be part of a panel at the GITEX Africa Digital Summit titled: ‘Uniting Towards One African Market’. He will share how Africa’s leaders are building a secure, resilient and sustainable digital future. “Agile enabling regulations are needed to quickly respond to market developments, facilitating entry of new competitors for the benefit of consumers in a united African continent,” he said. The GITEX Africa Digital Summit will arrive amid a remarkable period of African ICT and broadband growth, with statistics showing the continent has the world’s fastest-growing internet population, up by 20 percent in just one year. Africa’s digital economy has become one of the main drivers of cross-continental progress, coupled with strong talent development and a spike in public private sector investments. Jérôme Hénique, CEO for the Middle East & Africa at Orange, France; Tonny Bao, Vice President of Huawei, China; and Saad Toma, General Manager of IBM MENA, are among the foremost private sector leaders speaking about the critical pathways advancing the continent’s digital transformation missions, from building a more digital and inclusive Africa to exploring the social and economic impacts of 5G, or how AI can drive business transformation and sustainability. Other headliners at Africa’s most impactful leadership conference programme include H.E. Syed Amin Ul Haque, Minister of Information Technology and Communications in Pakistan; and Babajide Sanwo-Olu the Governor of Lagos Nigeria, who will deliver a keynote address on what is accelerating Africa to become the next Silicon Valley. The state of play in Africa’s digital economy will be another key discussion point, addressed by H.E. Belete Molla, the Minister of Innovation and Technology in Ethiopia; and H.E. Cina Lawson Minister of Digital Economy and Transformation in Togo. “I am honoured to be part of the GITEX Africa hosted by Morocco,” said H.E. Molla. “It creates opportunities to governments, innovators and leading experts from around the world to discover new ideas, build new partnerships, and connect with inspiring mentors and investors. It would help Ethiopia to get connected to the global tech space and leading players.” Accelerating the epic race for African AI dominance The next wave of digital transformation accelerated by the power of generative AI along with AI’s impact on African societies will meanwhile stimulate curious discussions at a dedicated AI track on day three of GITEX Africa, where the brightest minds and most innovative thinkers share their insights on AI’s ability to revolutionise industries, from agriculture to finance. Dr. Adel Alsharji, Chief Operating Officer at UAE-headquartered Presight, the Middle East’s leading international big data analytics company powered by AI, will deliver the keynote address on the Societal Impact of Artificial Intelligence. “The societal impact of AI is multifaceted and far-reaching globally, and it is already reshaping sectors, such as healthcare, finance, agriculture, education, and manufacturing and therefore the way we live,” said Dr. Alsharji. “The African continent is showing a speedy AI adoption rate and a readiness to explore and harness the potential of AI for driving economic growth and addressing local challenges, ultimately benefiting the greater good of people. “As AI advances, we can anticipate further innovation and positive applications. It is crucial, however, to embrace AI responsibly, ensuring ethical considerations are in place as we navigate this transformative landscape.” Mustapha Zaouini, the Chairman of AI in Africa, will speak on a panel on Responsible Generative AI. He said while Africa has unique challenges such as disparity in internet access, the continent is steadily embracing AI. “Africa is exploring AI to solve pressing issues like poverty, unemployment, and inequality,” said Zaouini. “However, readiness varies across countries, and there’s a need to invest in infrastructure, education, and policy-making to fully harness this fast-evolving technology. “Access to AI technologies can level the playing field so it is essential not to be left aside. Ensuring equitable access to technology and bridging the digital divide are crucial steps to prepare for AI’s impact in Africa.” Digital cities evolution and plotting the path to a net zero future With the global push towards a net zero economy, technology’s role in advancing sustainability is more important than ever. A panel at GITEX Africa’s Digital Cities conference track will explore how technology can advance an African-centric Net Zero agenda, addressed by Dr. Shaoshan Liu, Founder and CEO of PerceptIn in the USA; Mohammed Essaidi, MEA Chairman of the Global Cities Alliance, IEEE in Morocco; Laurent Roussel, President of Francophone Africa & Islands at Schneider Electric; and Gilles Babinet, French Government Representative of Digital Champions Group (EU) in France. Other preeminent speakers at GITEX Africa include Emmanuel Gadret, CEO of Francophone Africa at Deloitte, who will share his insights into charting Africa’s path to prosperity by unlocking economic and data sovereignty; and Dr. Ray Johnson, CEO of the Technology Innovation Institute in the UAE, who will dive into generative AI’s ubiquitous role in fuelling economic growth. A historic launch in the world’s next biggest digital economy The inaugural GITEX Africa will make its historic debut from 31 May-2 June 2023, welcoming more than 900 exhibitors, start-ups, and visiting delegations from 80 countries for three days of intensive outcome-focused public-private sector collaborations in the world’s next biggest digital economy. More than 250 hosted investors from 34 countries with US$200 billion worth of assets under management will also seek breakthrough technologies and potential African tech scale-up co-investment opportunities. As the ultimate start-up incubator and magnet for flourishing VC funds, GITEX Africa will deliver an unmatched scouting platform for these investors, of which 70 percent are coming from outside of Africa. GITEX Africa is held under the High Patronage of His Majesty King Mohammed VI, and hosted by the Digital Development Agency (ADD), the public entity leading the Moroccan government’s digital transformation agenda under the authority of the Moroccan Ministry of Digital Transition and Administration Reform. KAOUN International will lead the partnership for this much awaited business endeavour, urging the global tech community to go to Africa, leveraging the power of the trusted GITEX Global brand in Dubai, the world’s largest tech event. With tech-friendly policies in a continent that is now far more accessible, African investment is rocketing. Analysts predict the tech market is on track to scale from $115 billion to $712 billion by 2050, while according to Briter Bridges, African start-ups raised a total of US$5.4 billion across 900+ deals in 2022. Meanwhile, a youthful populace coupled with Africa’s rapid urbanisation is accelerating digital economic growth, with 70 percent of the Sub-Saharan African population under 30 years of age and 45 percent of Africans set to live in cities by 2025. SOURCE GITEX Africa Qaran News
  19. Mogadishu (HOL) - The International Monetary Fund (IMF) has bolstered Somalia's prospects for debt relief with an immediate disbursement of $9.4 million. On May 17, 2023, the IMF Executive Board completed its fifth review under the Extended Credit Facility (ECF) for Somalia, bringing the debt-laden nation one step closer to financial stability. Source: Hiiraan Online
  20. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysey mudo 32 sano ah kadib ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Global Payment Week 2023 ( GPW) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco. Waxaa shirkaas soo qaban qaabiya Bankiga Aduunka waxaana ka soo qeybgala Bankiyada Dhexe ee Aduunka iyadoo lagu soo bandhigo teknologiyada cusub ee Hanaanka Lacag Bixinta aduunka. Soomaaliya oo ku guuleysatay hirgelinta Hanaanka lacag Bixinta Qaran waxey sidoo kale halkaas ugu qeyb gashay dood ay qeyb kahaayeen Bankiga England, Bankiga European Union, Mexico iyo Oman, waxaana lagu soo bandhigay doodaas Guulaha Soomaaliya ka gaartey hirgelinta mashruucan. Waxaa shirkan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku matalayey wafdi uu hor kacayo Agaasimaha Sare ee Lacagta iyo Howsha Bankiga Axmed Xundubey iyo qaar ka mid ah howl-wadeenada Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa kulan dalka Sucuudiga kula qaaatay Dhaxalsugaha dalkaasi, Maxamed Bin Salmaan, xilli uu ka qeyb galayay shirka jaamacadda Carabta oo dalkaas lagu qatay. Madaxweynaha ayaa Salmaan la wadaagay guulaha dowladda ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isaga oo dhanka kale kaga mahadceliyay taageerada Sucuudiga ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxaana uu ballan qaaday in Sucuudiga ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Sucuudiga kaga qeyb galay shirka 32-aad ee jaamacadda Carabta, kaas oo sanadkaan diiradda lagu saaray xaaladda ka taagan wadanka Sudan iyo sidoo kale Qadyadda Falastiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Madaxweyne Siciid Deni oo xalay hadal ka jeediyay soo dhaweyn loogu sameeyay degmada Isku Shuban ee Gobolka Bari ayaa sheegay in dadweynaha Puntland ay doonayaan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod. Madaxweynaha ayaa sheegay in wacyiga dadweynaha Puntland uu isbeddelay oo ay raadinayaan dowladnimada iyo dimuqoraaddiyada islamarkaana aysan jirin cid qaldi karta. Siciid Deni ayaa sidoo kale u jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku baaqay in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod si aysan u horseedin qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhaca Puntland. ” Dadka wacyigooda ayaa isbeddelay markaas dadka ayaa doonaya dowladnimada iyo dimuqoraaddiyada. Inta yar ee weli riyoonaysa waxaan dhihi lahaa riyada waxaa u liidata tan soo jeedka lagu riyoodo. Kuwa soo jeeda oo riyoonaya hadda jira” ayuu yiri Mr. Deni. Halkaan ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo siyaasiyiinta mucaaradsan ku tilmaamay kuwa riyoonaya appeared first on Puntland Post.
  23. Days before general election, footage emerges showing ‘illegal’ deportation of refugees out of country’s border Source: Hiiraan Online
  24. Somaliland’s army and Sool clan militias are fighting for control of the town of Las Anod. The Sool clan want to join Somalia rather than be part of Somaliland’s state-building project. The two sides should agree to a ceasefire and prepare for overdue talks on the Sool clan’s administrative status. Source: Hiiraan Online