Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. BOSASO, Somalia – Security forces in Somalia’s semi-autonomous region of Puntland have seized a large swathe of territory previously controlled by the Islamic State (ISIS) group during recent military operations, officials and Reuters journalists report. Puntland hopes the advancements will lead to increased international support. The gains mark a significant setback for the ISIS affiliate in Somalia, which has grown in prominence in recent years and become the target of US airstrikes. Reuters journalists gained rare access to the village of Balidhidin, in the Golis Mountains of northern Somalia. This central ISIS stronghold had been under the group’s control for a decade. They observed Puntland security forces patrolling the area, with residents moving around the wreckage of armored vehicles destroyed in recent fighting. The area has been the target of previous US airstrikes. Local residents reported that security forces had also captured other nearby areas. Many Balidhidin residents had fled the group’s harsh rule, particularly after the district commissioner was assassinated in 2021. They sought refuge in neighboring villages and the port city of Bossaso. “We faced great fear. We were threatened,” said Saido Abdirahman, who recently returned to Balidhidin. “Even though we were mothers staying at home, there was fear that forced people to flee.” ISIS in Somalia: A growing threat The ISIS branch in Somalia, estimated to have between 700 and 1,500 fighters concentrated in the Puntland mountains, is considerably smaller than the al-Qaeda-linked al-Shabaab, which controls large parts of southern and central Somalia. However, analysts say ISIS has become an important part of the global ISIS network in recent years. Officials and analysts indicate the group is supported by foreign fighters from the Middle East and other African countries and by revenue generated from taxing local businesses. Some media outlets reported last year that the group’s leader, Abdul Qadir Mumin, had become the global leader of ISIS, citing US officials. ISIS has not officially confirmed this. The US military has conducted airstrikes against the group for years and has also helped train Puntland security forces. Puntland’s Information Minister, Mohamed Adan, told Reuters that regional security forces had captured 250 square kilometers of territory, including 50 bases previously controlled by ISIS, since December 31st. This marks the largest offensive against the group in recent years. A Puntland military spokesman told Reuters on Thursday that security forces had killed at least 85 ISIS fighters in clashes over the past two days, while 17 Puntland soldiers also died in the fighting. Minister Adan stated there was no cooperation on the operation with the federal government in Mogadishu, from which Puntland officially withdrew its recognition last year. He appealed to the international community for greater assistance. “This is a global war against terrorists. We are asking the international community to provide us with experts, military equipment, anti-mine equipment, and devices to stop the terrorists’ drones. It’s a difficult fight,” Adan said. Puntland-Federal political tensions The relationship between Puntland and the Federal Government of Somalia (FGS) in Mogadishu has been strained. Puntland withdrew its recognition of the FGS in 2023 due to disagreements over power-sharing and constitutional issues. This lack of coordination complicates the fight against extremist groups like ISIS and al-Shabaab. Matt Bryden, a Somalia analyst at Sahan Research, said certain elements that worked with the former presidential administration in the US, some of whom have been openly critical of the Mogadishu government, are likely to strengthen direct security cooperation with local authorities like Puntland to combat ISIS and al-Shabaab. “There was already recognition that the Somali federal government is not exactly a reliable partner at the moment when it comes to fighting armed extremist groups,” Bryden said. Somalia’s Information Minister, Daud Aweis, said the FGS welcomes the support of international partners and “works continuously with relevant security agencies, including Puntland, to ensure the effectiveness of counter-terrorism operations.” “Strengthening Somali federal institutions and ensuring a unified national strategy are essential for achieving lasting security and stability,” he said. The US State Department did not immediately respond to a request for comment.
  2. Beledweyne (HOL) – Somali government forces, supported by local Ma'awisleey clan militias, killed a dozen al-Shabaab fighters during heavy clashes in the Hiiraan region on Friday morning. Source: Hiiraan Online
  3. Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Intaas kadib, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galabta u amba-bixi doona magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya. Madaxweynaha ayaa Daarusalaam uga qayb-gali doona shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo. Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka mandiqadda. Safarada madaxweynaha ee dibadda oo tan iyo markii uu la wareegay tallada dalka isdaba joog noqday ayaa dad badan qabaan in laga maarmi karay, maadaama ay ku baxaan kharashaad badan oo meelo kale oo uga mudan looga faa’iideysan lahaa.
  4. Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden ayaa Jimcaha maanta ah ku dhawaaqday inay soo saari doonto hindise sharciyeed lagu beddelayo xeerarka hubka, laguna xaddidayo helitaanka hubka daran-dooriga ah kadib dhacdadii toogashada ugu dhimashada badnayd ee dalka ka dhacday toddobaadkan. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii nin hubeysan uu Talaadadii dilay 10 qof kadibna is-dilay, isagoo weeraray xarun waxbarasho oo ku taalla magaalada Orebro, galbeedka Stockholm. “Waxaa jira noocyo hub ah oo halis badan, kuwaasoo kaliya loo oggolaan karo isticmaalka rayidka xaalado gaar ah,” ayay dowladda ku sheegtay bayaan ay soo saartay. Xisbiga Sweden Democrats oo taageero siiya dowladda ayaa oggolaaday hindise lagu beddelayo sharciga hubka, iyadoo diiradda la saarayo xaddidaadda helitaanka hubka daran-dooriga ah, sida lagu sheegay bayaanka. “Falkii naxdinta lahaa ee Orebro wuxuu soo saaray su’aalo muhiim ah oo ku saabsan xeerarka hubka,” ayaa lagu yiri bayaanka. Booliiska ayaa sheegay inay goobta ka heleen dhowr hub iyo 10 qasnado hub oo maran oo uu ka tegay eedeysanaha. Inkasta oo booliisku aysan faahfaahin noocyada hubka la helay, haddana waxay xaqiijiyeen in eedeysanuhu uu haystay shati afar hub ah, saddex kamid ahna lagu arkay meel u dhow. Dowladda ayaa sheegtay inay si gaar ah u doonayso in la xaddido helitaanka hubka daran-dooriga ah sida AR-15, iyadoo xustay inuu yahay “tusaale hub awood u leh inuu qaado xabbado badan isla markaana waxyeello culus geysan kara waqti kooban gudaheed.” Waxay intaa ku dartay in Hay’adda Ilaalinta Deegaanka ee Sweden ay oggolaatay isticmaalka hubkan ugaarsiga sannadkii 2023, balse hadda la doonayo in la joojiyo oggolaanshahaas. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay beddeli doonto xeerarka lagu qiimeeyo qofka u qalma inuu hub haysto. Waxay tixraacday baaritaan dhawaan la sameeyay oo lagu ogaaday in “shuruudo dhowr ah oo hadda qayb ka ah qiimeynta ku habboonaanta ruqsadda hub haysashada aysan si cad u qeexneyn.” Baaritaankan oo natiijadiisa la horgeeyay dowladda bishii May, ayaa xusay in “aan la diidi karin” in shakhsiyaad rabshado u janjeera ay heli karaan ruqsad ugaarsasho si ay u helaan qoryo otomaatig ah oo si fudud loogu rakibi karo xabbado waaweyn. Xukuumadda isbahaysiga ayaa sheegtay inay amar siin doonto booliiska iyo adeegyada bulshada si ay kor ugu qaadaan iskaashiga ku saabsan soo sheegista dadka caafimaad ahaan aan u qalmin inay hub haystaan. Booliiska ayaa sheegay inay weli ku hawlan yihiin ogaanshaha sababta ka dambeysay falka toogashada. Anna Bergqvist oo hoggaamineysa baaritaanka, ayaa u sheegtay wakaaladda AFP Khamiistii in dadka la dilay ay ka mid yihiin “dad leh dhalashooyin, jinsi, iyo da’yo kala duwan.” Telefishinka TV4 ayaa baahiyay muuqaal uu duubay arday ku dhuumaaleysanayay musqul, iyadoo laga maqlo dhawaqa rasaas ka dhacaysa dibadda iyo qof qeylinaya: “Waxaad ka tagaysaa Yurub!” Safaaradda Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan laba kamid ah dadka la dilay ay yihiin Suuriyaan, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee Bosnia ay Khamiistii sheegtay in haweeney u dhalatay Bosnia la dilay. Qaar kamid ah dadka la dilay weli lama aqoonsan, balse booliiska ayaa u sheegay AFP inay suuragal tahay in howshaasi la dhameystiro Jimcaha. Warbaahinta Sweden ayaa ku magacowday eedeysanaha Rickard Andersson, oo 35 jir ahaa, balse ma jirto xaqiijin rasmi ah oo arrintaas la xiriirta. Warbixinada warbaahinta Sweden ayaa sawir ka bixiyay eedeysanaha oo ahaa nin deegaanka u dhashay, kuna noolaa si go’doon ah, islamarkaana la sheegay inuu la daalaa dhacayay dhibaatooyin dhanka maskaxda ah.
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kambaala ee caasimadda dalka Ugaandha, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa Madaxweynaha Dalka Ugaandha Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Intaas kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta u amba-bixi doona magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya, si uu uga qayb galo shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo. Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka mandiqadda. Source: goobjoog.com
  6. Kampala (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Kampala on Friday for an official visit to strengthen diplomatic relations and enhance cooperation between Somalia and Uganda in key sectors, including security, trade, and development. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhigeeda Soomaaliya ayaa maalmahan ku mashquulsanaa calaamadeynta goobaha cusub ee ay ku shaqeyn dooanan ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasi oo loo yaqaano AUSSOM. Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay inay Itoobiya baneyso gobolada Bakool, Bay iyo Gedo. Laakiin Itoobiya ayaa qeyb ahaan taas ka cago jiiday, waxay si weyn iskaga riixeen inay ka baxaan gobolka Gedo, sidoo kale gobolka Bakool ayey ku faro adeygeen, waxaase lasoo wariyay inay aqbaleen inay ka baxaan qeybo kamid ah gobolka Baay oo ay ku jirto magaalada Baydhabo. Caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa hadda si weyn ugu tiirsan kaalmada milateri ee Itoobiya, waxayna ciidankeeda joogaan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, garoonka diyaaradaha iyo goobo kale oo muhiim ah. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa damacsan in magaalada Baydhabo la geeyo ciidan ka socda waddanka Uganda, sida ay sheegayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka. Isbeddelka ciidan ee magaalada Baydhabo ma noqonayo mid amni oo keliya, ee sidoo kale wuxuu noqonaya mid siyaasadeed. Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo la sheegay inuu helay xogta ah inay Itoobiyaanku ogolaadeen in Baydhabo ka baxaan ayaa la sheegay inuu si gaar ah qodobkan uga hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo dalbanaya in Baydhabo lagu daro goobaha ay sii joogayaan ciidanka Itoobiya. Sida ay illo ka tirsan Villa Somalia inoo xaqiijiyeen, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa jawaab diidmo ah ama ogolaansho ah siinin Lafta-gareen, wuxuu qabsaday in isaga laga warsugo muddo 10 cisho ah. Lafta-gareen markii uu jeedinayay codsigan waxaa wehliyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa go’aan weyn ku yeelan doonta haddii ay Baydhabo geyso ciidan iyada ka amar qaata. Lafta-gareen wixii markaa ka dambeeya wuxuu kala dooran doona inuu ku baxo jidkii Shariif Xasan Sheekh Aadan ama inuu boqolkiiba boqol isku dhiibo taliska Xasan Sheekh oo ay Villa Somalia go’aan ka gaarto mustaqbalkiisa xukunka Koonfur Galbeed. Haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku adkeysto inay ciidanka Itoobiya ka baxaan magaalada Baydhabo, Lafta-gareen wuxuu ku qasbanaan doona inuu qaato go’aan siyaasadeed oo degdeg ah.
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ka hadlay qorshaha Israel iyo Mareykanka ay ku doonayaan in shacabka Gaza loogu soo raro Puntland iyo Somaliland oo ka tirsan Soomaaliya, si ay ula wareegaan Marinka Gaza. Yacquub Maxamed Cabdalla, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ee Puntland, ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph in dawlad-goboleedku ay ku farxi doonto inay martigeliso qaxootiga reer Gaza, haddii ay si ikhtiyaari ah u yimaadaan. “Marka hore, waxaan kuu sheegi karaa in Puntland ay ku taal geeska Afrika, Falastiinna ay ku taal Bariga Dhexe. Ma jirto sabab qof looga soo eryo dalkiisa loona geeyo dal kale iyadoo qofkaasi uusan dooran inuu guuro.” Laakiin wuxuu soo dhoweeyay dhaq-dhaqaaqa xorta ah. “Taasi dhib ma leh,” ayuu yiri. “Waan soo dhoweyneynaa waqtigaas, waana iyadoo la eegayo sharciga caalamiga ah.” Dhinaca kale, qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo ahaa afhayeenkii hore ee dawlad-goboleedka Puntland, ayaa sheegay in qaabilaadda Falastiiniyiinta ay faa’iido u yeelan doonto gobolka, ayna ka caawin doonto inuu taageero ka helo beesha caalamka. Dadka reer Gaza waa “dad Islaam ah”, sida reer Puntland oo kale, waxayna wax ku biirin doonaan “casriyeynta iyo horumarinta” dawlad-goboleedka. Qiyaastii 10,000 oo qaxooti ah oo ka soo cararay dagaalka Yemen ayaa keenay “khibrad farsamo” markii ay yimaadeen. Haddii ay qaabisho reer Gaza, heerka Puntland ee adduunka ayaa sare u kici doona, waxayna heli doontaa “ammaan iyo horumar dhaqaale” beddelkeeda, ayuu yiri Cabdullaahi. “Waxaa ugu wanaagsan in laga faa’iideysto fursadaha aan qorsheysnayn ee mararka qaarkood soo baxa,” ayuu raaciyay. Bishii Maarso ee sannadkii hore, Puntland ayaa aqoonsigii kala noqotay dawladda federaalka, kaddib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka, gaar ahaan u-gudbidda cod-bixinta tooska ah ee qof-iyo-codka ah, oo ka duwan tii hore ee ku dhisnayd nidaamka qabiilka. Xiriirka Muqdisho ayaa weli kacsan. Will Brown, oo ah khabiir arrimaha Afrika ka faallooda oo ka tirsan Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda, ayaa sheegay in ka hadalka in boqolaal kun oo reer Gaza ah loo diro Soomaaliya ay tahay “wax aan caqligal ahayn”. “Soomaaliya waa dawlad fashilantay oo ay aafeeyeen rabshadaha jihaad-doonka. Fikradda ah in dad aad u dhaawacan lagu daadiyo halkaas waa mid naxdin leh,” ayuu yiri. Iyadoo uu xukunka hayo Joe Biden, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa cambaaraysay hadallada ku saabsan dib-u-dejinta reer Gaza ee dibadda, iyagoo ku tilmaamay “kuwa hurin ah oo aan mas’uuliyad ku jirin,” iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in dawladdu ay baarayso sidii Falastiiniyiinta loogu rari lahaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Qaar ka mid ah saraakiisha Israa’iil ayaa aaminsan in Trump taageerada buuxda ee uu siiyay fikradda, iyo awoodda diblomaasiyadeed ee ay keenayso, ay furi karto heshiis. Benjamin Netanyahu, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, ayaa lagu soo warramayaa inuu shir ay lahaayeen xisbigiisa Likud, uu ka sheegay sannadkii hore: “Dhibaatadeennu waa [helidda] dalal diyaar u ah inay qaabilaan reer Gaza, waana ka shaqeyneynaa.” Khamiistii, Mr Katz wuxuu yiri Norway, Spain iyo Ireland “sharci ahaan waxaa ku waajib ah inay ogolaadaan in qof kasta oo degan Gaza uu soo galo dhulkooda” kaddib markii ay aqoonsadeen dawlad Falastiiniyiin ah.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo saaka ka dhacay deegaano hoostaga degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan. Dagaalkan oo dhex-maray kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa yimid kadib markii ciidamada is garabsanaya ay weerar culus ku qadaeen difaacyo adag oo kooxda ka sameysatay deegaano ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle, gaar ahaan deegaanka Jiciboow. Dagaalka oo saacado socday ayaa waxaa jab xoogan loogu geystay kooxda Al-Shabaab, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo dagaal-yahaano badan, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka. Intii uu socday howl-galka ciidamada isgarabsanaya ayaa waxay nolosha ku qabteen xubno Shabaab, sida uu xaqiijiyay guddoomiye Muuse Salaad. “Argagixisada waxaa ka saarnay deegaano badan, waxaana ka dilnay saddex horjooge iyo maleeshiyaad badan, waxaana nolol ku qabanay xubno kale oo argagixisada kamid ah,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Waxa uu inaas kusii daray “Waa jabeen argagixisada, waxaana hadda firxadkooda ka gudbayaan Wabiga Jiciboow ee dhanka Galbeed.” Howl-galka dib uga billowday bariga gobolka Hiiraan ayaa guulo hordhac ah ka soo hoyeen geesiyaasha Macawiisley iyo kuwa xoogga dalka. Si kastaba, dagaalka maanta ka dhacay deegaanada dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ayaa daba socda dagaalo xooggan oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Beera-yabaal iyo Jiciboow oo kooxda si dhuumaaleysi ah iskaga gudbi jirtay.
  10. Iyada oo muddooyinkii dambe la baahinayey warbixinta ku saabsan in maamulka Trump ka fekerayo in uu Soomaalilaan u aqoonsado dal madaxbannaan, safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, Daahir Xasan Cabdi, waxa uu qoray maqaal aragtiyeed uu ku baaqay in Maraykanku taageero midnimada Soomaaliya. Doodda safiirka waxa ku jira khaldaad dhawr ah oo burinaya xujada dooddiisa, sidan hoose ayaanan u faahfaahiyey: 1: [Safiirku waxa uu ku dooday] in Soomaaliya dal ahaan iyo gobol ahaanba nabad tahay, aqoonsiga Soomaalilaanna keeni karo khalkhal nabadgalyo. Runtii, Soomaaliya hadda nabad ma hayso. Weli al-Shabaab ayaa qaybo badan oo dalka ah gacanta ku haysa. Dhinac kale, Soomaalilaan soddonkii sanno ee u dambeeyey qayb kamay ahayn Soomaaliya, Federaalkana waxa caqabad ku ah Puntlaan iyo Jubbalaan. Sidaas darteed, doodda ah nadabgalyada Soomaaliya ayaa ku wiiqmaysa aqoonsiga Soomaalilaan waa dood jaban. 2: Xidhiidhka wadashaqayn ee Soomaaliya iyo Maraykanku waxa uu xoojiyey nabadgalyada gobolka [ayaa uu safiirku ku dooday]. [Sida doodda hore ku cad], marka horeba gobolka nabad la sheegaa kama jirin tobannaankii sanno ee lasoo dhaafay. 3: [Aqoonsiga Somaliland] waxa uu damaca beelaha ku dhalin karaa sii jarjaridda dalka iyo kala tag hor leh. Marka horeba waddaniyad la wada ilaashado iyo mabda’ laga simanyahay ma jiraan. Kol haddii beeluhu seeska jiritaanka Soomaalida yihiin, taladana wax kasta ku leeyihiin, waxa habboon in laga qaybgeliyo talada. Soomaalidu waa in ay dhistaan maamul la daadejiyey oo xisaabta ku darsada beelaha dadku u kala yaallaan. Maraykanka iyo dalalka kale ee taageera Soomaaliya waa inay joojiyaan fikradda ah in dawlad dhexe oo xooggani uun dhaqi karto Soomaalida. 4: Maraykanku waa in uu ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya iyo xuduuddii 1960-kii, waana siyaasaddii uu hore ugula soo dhaqmayey Soomaaliya oo caawisay deggenaanshaha Soomaaliya oo ah dal istiraatiiji ahaan muhiim ah. Sheegashadani waa mid amakaag ah. Soomaaliya waxa ay tan iyo 1969-kii ahayd dalalka ugu degenaanshaha yar dunida, waxaana ka dhashay qalalaase gobolka oo dhan ku baahay. Sidaas darteed, mala’awaalka sheegaya in Soomaaliya tahay dawlad keli ah oo deggan, waa dood jaban. 5: Kala qaybinta Soomaaliya waxa ay dawladda dhexe ee Soomaaliya ka jeedin kartaa la dagaallanka argagixisada, waxaanu wiiqi karaa guulaha laga gaadhay la dagaallankooda. Xaqiiqada aan la iska indhotiri karin waa in Soomaaliya imikaba qaybsantahay. Isla xilliganna, Muqdisho waxa ay ku hawlantahay siyaasado aan qotodheerayn oo ay kaga jeeddo dagaalka al-Shabaab. Xukuumadda Soomaaliya oo marar badan si fudud uga jeedsatay dagaalka ka dhanka ah argagixisaduna waxa ay Maraykanka u caddaysay in aanay Maraykanka kala shaqayn karin la dagaallanka argagixisada. 6: Soomaaliya oo midaysani waxa ay adkaynaysaa daahfurnaanta, waxay soo jiidan kartaa maalgashiga, waxaanay bulshadeeda uga faa’idayn kartaa khayraadka. Waxa kale oo ay adkayn kartaa danaha Maraykan. Xukuumadda Soomaaliya way guuldarraysatay *****nta yoolalkan wanaagsan ee uu xusay, sababtuna waa kala qaybsanaanta marka horeba ka dhexjirta, [ka hor intaan bedkaba la keenin aqoonsiga Soomaalilaan]. Saadaasha ku dhisan khibraddii horena waxay muujinaysaa in Soomaaliya sidan usii kala qaybsanaan doonto. Xitaa haddii Soomaaliya midawdo, ma cadda sida daahfurnaan lagu gaadhi karo. Waxa intaasba dheer in xukuumadda hadda Muqdisho ka jirtaa aanay wadin dedaallada [intan uu safiirku sheegay]. Markaas ma jirto sabab si fudud loogu aamino in Soomaaliya si mucjiso ah, xitaa haddii ay midawdo, u *****n karto qodobbadan [uu safiirku xusay]. 7: iyada oo Soomaaliya laga taageero adkaynta haayadaheeda, dhisidda awooddeeda ciidan iyo samaynta wadahadallo siyaasadeed, Maraykanku waxa uu ku guulaysan karaa in uu kala qaybsanaanta beelaha u beddelo waddaniyad, halkii ay ka diriri lahaayeen. Dabcan Maraykanku siyaasaddan hore ayaa tobannaan sanno uga soo shaqeeyey, se may guulaysan. Markaas sababma ayaa mar kale isla jidkaas hore loo mari karaa? Maxaa se cusub oo is beddeli kara? Si guud, xujooyinka safiirka iyo siyaasadda Maraykanku Soomaaliya kula dhaqmaa waxay ku qotomaan mala’awaallo dhawra: Kow, in Soomaaliya bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba mid tahay. Laba, in xukuumadda hadda jirtaa qayb ka qaadato deggenaanshaha gobolka. Saddex, in dedaallada Muqdisho yihiin kuwa togan oo Maraykanka dan u ah. Haddaba, Maraykanku ma xaqiijin karo danihiisa iyo ujeeddooyinkiisa uu Geeska Afrika ka leeyahay, haddii aanu marka koowaad qirin waaqica jira, oo aanu qaadan siyaasado waaqica jira ku dhisan. Qaran News
  11. Garissa (HOL) – Kenyan President William Ruto inaugurated Kenya's 10th immigration office in Garissa County on Thursday, marking a major step in facilitating passport and travel document services for residents of Northern Kenya. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay war-saxaafadeed kasoo saaray dagaalka ka socda Puntland, kadib muddo uu ka aamusna madaxweynaha dagaalkaasi, oo ciidamada maamulka Puntland ay kula jiraan kooxda Daacish. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka dowlad-gobolkeed Puntland, wuxuuna faray xukuumadda in ay dardar-geliso hirgelinta go’aanka taageerada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisada Daacish kaga sugan yihiin buuraleyda gobolka Bari. War-saxaafadeedka madaxweynaha ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin kala duwan, iyadoo dadka qaar ay madaxweynaha ku dhaliileen sababta uu uga aamusna tan iyo markii uu dagaalka bilowday, halka kuwo kalena ay madaxweynaha ku bogaadiyeen inuu kasoo hadlay dagaalka xaqa ah ee ciidamada Puntland ku jiraan haba lasoo daahee. Caasimada Online oo indhaha la raacday faallooyinka laga dhiibtay qoraalka madaxweynaha, ayaa waxaa dowladda Xasan Sheekh loogu baaqay in hadal keliya uusan wax ka tarin dagaalka ka socda buuraha gobolka Bari, balse looga baahan yahay inay gacan ka geystaan. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Axmed Cabdikariin Waayo-arag: “Af keliya lama rabo waa in saanad ciidan iyo garab istaag muuqda loo diraa, ma ahan in halganka Puntland ka socdo indho siyaasad lagu eego. Gobanimada waa geed ku baxa dhiiga geesiga, Allaha guuleeyo geesiyaasha la diriraya cadawga.” “Madaxweynaha haduu hadlo muxuu u hadlay haduu aaamuso muxuu u aamusey Soomaaliyeey xagee niila raacaa bal soo sheega,” ayuu yiri Maxamed Ugaas. Cabdulqaadir Bootaan: “Madaxweynuhu waa mahadsan yahay garab istaag balaaran bay mudan tahay dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Argagixisadaas in laga xoreeyo dhulka Soomaaliyeed waa lama huraan. Guuul Soomaaliya” Maxamuud Xirsi ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Wad laso daahdey Xasan Sheekh Maxamuudow intaas baa isbuucyo dagaalka socday kari weysay. Hadalkana kugu dhegnaa.” Liibaan Cali Cabdi: “Wixii dhexdeena waxa ka weyn cadowga in loo midoobo argagixiso arxan nama dhax yaalo, Allow Soomaali mideey oo cadowga ka baqo.” Cabdinaasir oo kamid ah dadka ka fal-celiyay waxa uu yiri “War qaduhu badanaa!!. Kaarayaasha Xamar ku prakingman iyo diyaaradaha sawir ahaan miyey u yaalaan dalka?. DFS, Sheeko xariiradeeda waan naqaanaa ama gacan haka gaysto ama ha iska aamuseen.” “Qawda maqashiii waxna ha u qaban maah maah Soomaaliyeed bey aheyd, waxaa xaqiiqo ah in dalkeena Soomaaliya uusan laheyn madax u danqata shacbiga Soomaaliyeed, oo damiir masuulnimo leh,” ayuu yiri Bashiir Xasan. Cabdirisaaq Xasan: “Xasanoow waaa in Saadka aad laba dhigtaaaaa oo garoomada Puntland mashquul noqdaan maalmaha soo socda, kolkaaas baanu ku rumaysan.” “Illa culumadii waa weyneed markay ka aamusi waayeen ficiltankaaga dowlanimada ka baxsan, warbaahintii tooshka kugu wada ifisay miyaa caawa is sii adkeyn waysay oo isa soo daad raacisay,” ayuu yiri Maxamed Kismaayo. Bashiir Macalim Cabdi: “Baaq xoog lagaaga keenay waaye ee furimaha Puntland tag si aa u aamino dhab ahaanshiyaha taageeradaada.”
  13. Madaxwaynaha Jumhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimada Dalka Uganda. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulamo la qaadan doono dhigiisa dalkaas madaxweyne Yoweri Museveni, iyo masuuliyiinta kale dowladda Uganda. Madaxweyneyaasha labada dalka ayaa wada hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo la dagaalnaka argagaxisada, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada JFS Mudane Cabdiraxmaan Aadam Cali (Xadaana). Source: goobjoog.com
  14. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland ayaa lagu muujiyay wacyi-gelin amni oo ku saabsan ka-feejignaanta dhaq dhaqaaqa kooxaha Argagixisadihi ka samayn karaan degaannada Puntland. Wacyi-gelinta amni ee wasaaradda Warfaafinta oo ku socota dhammaan shacabka Puntland ayaa lagu muujiyay tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga dhaqdhaqaaqa kooxaha Argagixisada ah samayn karaan, kaddib markii kooxahaasi lagu wiiqay dagaalkii tooska ahaa. Talooyinka dowladdu u jeedisay shacabka waxaa kamid ah in si deg deg ah laamaha ammaanka loogu wargeliyo cid kasta oo laga shakiyo, si si loo hubiyo in uusan khatar ku ahayn amniga guud, islamarkaana taxaddar dheeri ah laga muujiyo cid kasta oo guryo laga kiraynayo, si aysan Puntland gabbaad uga helin kooxaha Argagixisada ah. Dhammaan dadweynaha waxa la faray in ay dareenkooda feejignaanta kor u qaadaan, iyagoo hubinaya in ay xogtooda la wadaagaan hay’adaha ammaanka”Dadweynaha waxaa la farayaa inay dareenkooda feejignaanta kor u qaadaan, iyagoo hubinaya in ay xogtooda la wadaagaan hay’adaha ammaanka” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Halkaan ka akhriso Wacyi-gelinta amni PUNTLAND POST The post Puntland oo Feejignaan amni oo heerkeedu sarreeyo ka muujisay dhaq dhaqaaqa kooxaha Argagixisada ah appeared first on Puntland Post.
  15. Khartoum (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidamada Suudaan ay “dhinacyo badan” ka weerareen bartamaha magaalada Khartoum, ayagoo ku dhowaaday Qasriga Madaxtooyada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada gurmadka deg degga ah (RSF). Ciidanka xoogga dalka, oo dagaal kula jiray ciidamada RSF ah tan iyo April 2023, ayaa toddobaadyadii u dambeeyay qaaday weerar xooggan oo ay ku doonayaan inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta caasimadda. “Ciidamadeennu waxay ku dhow yihiin inay gaaraan bartamaha Khartoum, ayna ka saaraan maleeshiyada Dagalo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka oo la hadlay AFP, isagoo tixraacaya taliyaha RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo. “Ciidamadeenna gaashaaman ayaa ka soo socda dhinacyo badan,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta. Arbacadii, militariga ayaa sheegay inay “ka sifeeyeen” xaafadaha al-Remila iyo Aagga Warshadaha ee bartamaha Khartoum – kuwaasoo saddex kiiloomitir (1.9 mayl) u jira Qasriga Jamhuuriga oo ay haystaan ciidamada RSF. Laakiin, goobjoogayaal ayaa Khamiista maanta ah sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku qasbanaadeen inay dhex maraan dableyda wax toogata ee RSF oo ku sugnaa dhismayaasha dhaadheer ee ahaan jiray degmo ganacsi iyo mid dowladeed oo ku yaalla Khartoum. Ciidamada RSF ayaan ka jawaabin codsi ay AFP u dirtay si ay uga hadlaan arrintan. Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF ay ka dhaceen agagaarka buundada Soba – oo ah marin muhiim ah oo laga soo galo caasimadda dhinaca koonfur-bari. Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo xoogaystay caasimadda, iyagoo jebiyay go’doomin ku dhow labo sano ah oo ay ciidamada RSF ku hayeen xarumahooda, waxaanay ciidamada RSF ku riixeen cirifyada Waqooyiga Khartoum, oo sidoo kale loo yaqaano Bahri. Horumarka ay ciidamada militariga ka sameeyeen caasimadda ayaa ah guushii ugu weynayd muddo sannad gudihiis ah, tan iyo markii ay dib u qabsadeen Omdurman oo ku taalla dhinaca kale ee webiga Nile, taasoo, ay weheliso Waqooyiga Khartoum iyo bartamaha magaalada oo dhammaantood ka mid aagga ballaaran Khartoum-ta weyn. Tan iyo markii uu qarxay, dagaalku wuxuu sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay 12 milyan oo qof, isagoo dalka ku riixay qarka macluul.
  16. Meydka ugu yaraan 29 tahriibayaal ah ayaa laga helay laba goobood oo kala duwan oo ku yaal Liibiya. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah meydadkaas laga helay xabaal wadareed ku taalla meel beer ah, waxaana la tuhun san yahay in dhimashadoodi la xiriirto magafayaashii tahriibanayey. Dhinaca kale, Hay’adda Bisha Cas ee Libya ayaa sheegtay inay soo saartay Meydadka Toban Tahriibayaal ah, kaddib markii doonidii ay la socdeen ku degtay meel u dhow magaalada Zawiya oo u dhow magaalada Tripoli. (Kumanaan muhaajiriin ah ayaa sanad walba isku daya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka ee halista ah iyagoo ka soo gudbaya waqooyiga Afrika una socda Yurub) Bbcsomali Qaran News
  17. Gaza (Caasimada Online) – Shacabka Gaza oo ka hadlay isku dayga la doonayo in loogu soo raro Soomaaliya ayaa wargeyska The Telegraph u sheegay in isku dayada lagaga saaraayo Marinka aysan “marnaba guuleysan doonin”. Israa’iil ayaa xoojineysa qorshe ay dadka reer Gaza ugu dirayso Puntland, oo ah gobol iskiis isku maamula oo ka tirsan Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay uu u rari doono goobo “aad uga ammaan badan, uguna qurux badan” Gaza. Khamiistii, Israel Katz, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, ayaa faray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay isu diyaariyaan “Haajiridda ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta Marinka Gaza, oo ay ku jiraan “qaban qaabooyin gaar ah” oo dhinaca badda iyo cirka ah. “Ma garanayo sababta ay Soomaaliya iyo Marocco u doorteen, iyo in dalalkani ay oggolaadeen inaan Gaza ka soo qaxno, laakiin Israa’iil waxay damacsan tahay inay qabsato Gaza, ayna ballaariso, kana dhisto deegaanno ay Yuhuuddu degto,” ayuu yiri Axmed al-Hato, oo 50 jir ah, kuna nool magaalada Gaza. “Dawlad Falastiiniyiin ah ayaan dhisan doonnaa, marnabana kama qaxayno Gaza.” “Runtii, waan ka xumahay waxa aan sheegi doono,” ayay tiri Saamiya al-Faqawi, oo 27 jir ah, kuna nool Khaan Yuunis, laakiin “in Soomaaliya loo doorto dal aan dhulkeenna uga soo haajirno, magangalyana ka raadsanno waa wax lagu qoslo”. Wuxuu Axmed yiri: “Soomaaliya waa dhul aad u sabool ah, waana dhul oomane ah… Waxaan kula talinayaa kuwa ka hadlaya barakicinteena inay fahmaan sida ay nolosheennu tahay, ayna ogaadaan inta aan jecelnahay Gaza, uguna xirannahay.” Maxamed al-Batniji, oo 55 jir ah, kana soo barakacay magaalada Gaza, ayaa isna taageeray aragtida Trump ee ku saabsan quruxda iyo awoodda horumarineed ee xeebta Gaza. “Sannad iyo bar ka hor waxaan ku noolaa guri cusub oo ka mid ah dhismayaasha dhaadheer ee casriga ah ee badda dhinaceeda ku yaalla, una dhow Corniche-ka iyo dekedda Gaza. Waa meel aad u qurux badan, degganna,” ayuu yiri. “Saacado badan ayaan badda dhinaceeda fadhiisan jiray, daaqaddaydana waan ka arki karay.” Isagoo si toos ah ula hadlayay Trump, wuxuu yiri: “Yaan la dhihin waxaad isku dayaysaa inaad Gaza ka dhigto goob dalxiis oo ay dadka dibadda ka yimaadaan u soo dalxiis tagaan. Gaza-dan annagaa leh, cid kalena ugama tagayno.” Will Brown, oo ah khabiir arrimaha Afrika ka faallooda oo ka tirsan Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda, ayaa sheegay in ka hadalka in boqolaal kun oo reer Gaza ah loo diro Soomaaliya ay tahay “wax aan caqligal ahayn”. “Soomaaliya waa dawlad fashilantay oo ay aafeeyeen rabshadaha jihaad-doonka. Fikradda ah in dad aad u dhaawacan lagu daadiyo halkaas waa mid naxdin leh,” ayuu yiri.
  18. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa noqday isinkii u horreeyay ee gobolka Bari si buuxda u taageeray ciidamada difaaca Puntland ee dagaalka kula jira Argagixisada Daacish. Bayaan uu soo saaray Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayuu si weyn ugu bogaadiyay guulaha ciidamada difaaca dowladda Puntland ka gaareen Argagixisada go’doonsan ee Daacish, waxaana uu ku baaqay in deg deg loo garab istaago ciidamada. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin waxa uu si gaar ah baaq ugu jeediyay dhammaan shacabka ku dhaqan degaannada Calbari ee gobolka Raasi Casayr oo deris la ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo uu ka socdo dagaalka lagu sifaynayo dagaallamayaasha ajaanibta ah ee Daacish. “Waxaan si gaar ah ugu baaqaya bulshada gobolka Raas Casayr in ay deg deg u soo diraan Taakuladii looga baahnaa oo laba jibbaaran waaa ceeb in aad ka hartaan gurmadka ciidamada geesiyada ah ee dowladda Puntland” ayuu yiri Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin. Beeldaajaha Calbari ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay dhammaan Ciidamadii Puntland kaga shahiiday dagaalka waxaana uu ilaahay caafimaad dhakhso leh u weydiiyay dhammaan askartii ku dhaawacantay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada. PUNTLAND POST The post Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo Ciidamada Puntland si buuxda ugu taageeray Cirib-tirka Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
  19. Mogadishu (HOL) – The Somali State Minister for Defense, Omar Ali Abdi, has announced that the process of officially integrating Macawisley militia forces into the Somali National Army (SNA) is underway, with the registration and training of volunteer fighters already in progress. Source: Hiiraan Online
  20. Finding and fighting the militants who have become the beating heart of the Islamic State (IS) group in Africa can be tough work as they hide deep in the mountains of north-eastern Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. Israel is considering plans to send Gazans to Puntland, an autonomous region of Somalia, after Donald Trump’s pledge to resettle them in “far safer and more beautiful” communities. Source: Hiiraan Online
  22. A Joint Communiqué was signed in New York on February 5th, officially establishing diplomatic relations between Uzbekistan and Somalia. Source: Hiiraan Online
  23. Kenya has sent a multi-agency team led by community elders to neighboring Somalia to start negotiations for the release of five abducted chiefs. Source: Hiiraan Online
  24. "Abject", "damaging" and "disgrace". Those were all words used to describe Tottenham's Carabao Cup semi-final second-leg defeat by Liverpool, as Spurs hit new lows in a season full of them. Source: Hiiraan Online
  25. Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa xoojineysa qorshe ay dadka reer Gaza ugu dirayso Puntland, oo ah gobol iskiis isku maamula oo ka tirsan Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay uu u rari doono goobo “aad uga ammaan badan, uguna qurux badan” Gaza. Khamiistii, Israel Katz, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, ayaa faray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay isu diyaariyaan “Haajiridda ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta Marinka Gaza, oo ay ku jiraan “qaban qaabooyin gaar ah” oo dhinaca badda iyo cirka ah. Trump ayaa xoojiyay soo-jeedintiisii ahayd in Maraykanku uu qabsado oo dib u dhiso Gaza, inkastoo ay saraakiisha Aqalka Cad isku dayeen inay yareeyaan tallaabadaas. Madaxweynaha ayaa sheegay in aan loo baahnayn ciidammo Maraykan ah si looga dhigo Gaza “mid ka mid ah horumarrada ugu waaweyn uguna cajiibka badan ee noociisa ah ee adduunka”, halka Falastiiniyiinta loo rari doono “guryo cusub oo casri ah oo ku yaalla gobolka”. Inkastoo ay jirto iska-caabbin caalami ah oo xooggan, hadallada Trump ayaa kiciyay rajooyin muddo dheer soo jiitamayay oo ay Israa’iil qabtay oo ah in dadka reer Gaza laga saaro dhulka xeebta ah ee ay qarniyo badan deggenaayeen. Dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun ayaa diiday inay martigeliyaan mid ka mid ah labada milyan ee qof ee ku haray Marinka burburay, iyagoo sheegay in tallaabadaasi ay si xun u wiiqi doonto dhismaha dawlad Falastiiniyiin ah. Laakiin habeenkii Arbacada, Israel Bachar, qunsulka guud ee Israa’iil u fadhiya Koonfur-galbeed ee Baasifigga, ayaa sheegay in la tixgelinayo meelo kale oo loo raro. “Sida aan maqlayo, waxaan ka hadlaynaa saddex dawladood oo kala duwan,” ayuu Bachar u sheegay CBS News. “Oo hadda waxaad heli doontaan war muhiim ah.” “Waxaan ka hadlaynaa mid [oo ku taal] Morocco, laba [oo ku taal] Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland, si gaar ah Puntland waa meesha ay fiirinayaan, laga yaabee, inay dadka u raraan saddexdaas meelood.” Dadka reer Gaza ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph inaysan qorsheyneyn inay ka tagaan guryahooda oo ay aadaan Soomaaliya, ama meel kale, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay isku day lagu doonayo in isir sifeyn lagu sameeyo. Sarkaal Israa’iili ah, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay inay tahay “mid aad u degdeg ah” in laga hadlo meelaha suurtagalka ah ee loogu talagalay ka-qaxidda ikhtiyaariga ah. “Haddana, dabcan waxaa jira iskaashi heer sare ah oo u dhexeeya Trump iyo Ra’iisul Wasaaraheena arrinta ku saabsan.” Amit Segal, oo ah weriye Israa’iili ah oo xog-ogaal ah, laguna tiriyo inuu ku dhow yahay Benjamin Netanyahu, ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay baarayso tallaabooyin ay Falastiiniyiinta ugu dirayso Puntland, Somaliland, iyo Morocco. “Labada hore waxay raadinayaan aqoonsi caalami ah, tan saddexaad waxay ka walaacsan tahay inay sii haysato aqoonsiga madax-bannaanideeda ee Saxaraha Galbeed, dhammaan saddexduna waa dalal ay ku badan yihiin Muslimiin Sunni ah,” ayuu yiri.